Maxa ka jira Muqdisho:? Duq magaalaha aan seexan habeenkii Vs nafta tareenka saaran!!
June 11, 2007 at 6:18 am | In maqal | Leave a CommentMaxamed Cumar Xabeeb oo ah duq Magaalaha aan habeenkii seexan ee Muqdisho dhaqan uma lahayn ama laguma aqoon in maalin lagu arko isagoo ku sugan xafiiskiisa ama Magaalada Kormeeraya xilligii uu Gudoomiyaha ka ahaa Gobolka Shabeeladda dhexe maxaa yeelay wuxuu la qabsaday jawi cimiladiisa aan saxmad lahayn ,wuxuuna shacabka degaankaas ku maamuli jiray digreetooyin iyo Awaamiir uu habeenkii hindiso oo dabcan la oran karo wuxuu kala mid yahay Madaxweynihii Kacaanka 21-ka sano ee Maxamed Siyad Barre laakiin Maxamed wali wuxuu raadinayaa inuu sii ahaado Duq Magaalaha aan habeenkii Seexan ee Muqdisho laakiin taasi way u suuri geli wayday oo waxaa uu noqonayaa duq magaale jagadiisa cusub ku waayay Jiifkiisii maalinlaha ,kana dhigay mid saacada kooban maalintii ku seexda hal il oo kaliya si uu kaga badbaado ama ugu hortago kooxaha qarawgiisa badiyay ee ismiidaaminta iyo qaraxyada ka wada Muqdisho loona yaqaan naftood hurayaasha Shabaabka
Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya,waxay qarka u saaran tahay inay noqoto caasimad laga hayaamay oo lama galaana.waayoo waxay ehel u noqotay qaraxyo waaweyn ,dilal ugaarsi ah oo sii kordhayo,xarig,boob iyo handadaad ay garwadeen ka yihiin duq Magaalaha aan seexan iyo nafta tareenka saaran ee Shabaabka.
Maalmahii la soo dhaafay nolosha dadka Muqdisho waxay ahayd mid aad u liidato dhinac walbo.waxaana dhibaatada ugu wayn tahay kooxo Jihaadiyiin ah oo miino iyo hubka nuucyadiisa kala duwan la beegsado kolonyo gaadiida oo ay Itoobiyaan wataan ama fariisin ay leeyihiin dabadeedna Askarta Itoobiyaanka waxay si aan naxariis lahayn u furan tacshiirad aan kala go lahayn iyagoo qabqabta inta rayidka ah ee ka badbaado rasaasta ay furayaan ee aan bartilmaameedka lahayn.
Lama hubo in Salaada oo la badiyo janada lagu galo,lamana hubo in qof Muslima oo aad isku qarxisay shahiid janada ku wajahan ku noqon kartid waxaase igu maqaalo ah in Cali Maxamed Geeddi ,Cabdilahi Yusuf ,Cabdi qaybdiid iyo Maxamed dheere shalay iyo maanta Salaada jameeco ku wada dukanayeen iimaamkoodana uu ahaa madaxa nabadsugidooda korneyl Darwiish.waxaanse iswaydiiyay saligga ay ku dukanayaan iyo biyaha weesadda ma sanduuqa dowlada ayaa laga bixiyay mise kan la dagaalanka argagixisada.
Waxaan saacadihii la soo dhaafay maqlayay codka dheer ee Shabaabka oo isugu hambalyeeynayo in naftii hurahii isku qarxiyay gurigga Cali Geeddi ay ku wada riyoodeen isagoo Janada ka dhex dhoola cadeeynayo oo asaxaab kale oo ifka jooga u gacan haatinaya,kolkaas ayaan iswaydiiyay toloow hadii aad isku qarxiso ilmaha Jaamac iyo Cali ee reer baaquli ,ayna qaarkood dhintaan iyagoo ashahaadka heysto,janada ma intaas beey kuu jirtaa ?maadama aan cilmi badan lahayn hadana dhega dhegeyn baan ku maqlay nin Muslima oo muslim kale dilay jano ma arko,kolkaas baan isi sii waydiiyay,ilmo cali waa gaalo raac,xadiis baan u waayay oo caqliga iyo cilmiga intaan ka bartay waxay qabaan inay janadu jirto dhinaca Inta aan ashahaadan.
Maxamed dheeraha aan seexan iyo taliyaha socodka badan ee Cabdi qaybdiid baa la kulmay Ayeeyo Cosobo oo ah Gudoomiyaha beelahaa Halgan Jecel,Aargoosi jecel,weerar jecel,isnacayb badan,yaab badan,eber badan,kolkaaseey ugu hambalyeeyeen halganka cusub ee barakicinta beelaha ay madaxda u tahay,waxay ku tiri hambalyo marka koowaad,marka labaad ka bilaaba odayga xilka igu heysto ee Xaaji Cabdi Iimaan Cumar,marka xigta ku dara odayaasha u nacamleeya,iga xira Idaacadaha afka dheer ee gurbaanka u tuma,si ay u sheeg sheegin xarigooda dhagaheeygana u maqlin,kuna dara taageerayaashooda xabsiga la geeyo,kumanaanka kalana barakiciya ,si aan isugu soo harno anaga oo qura.
Maxamed dheere ayaa qosol la dhacay wuxuuna waydiistay tuf si uu kaga badbaado nafta tareenka saaran Shabaabka laakiin wuxuu ayeeyo cosobo waydiiyay ,hadaan dadka oo dhan ka saarno Magaalada,inta kalana xir xirno yaan xakumeeynaa,waxay ku tiri,Cabdilahi Yusuf,Cali Geeddi, Jeneral Gabre iyo inta ay wataan ayaad xukumee yaa kaaga wanaagsan,wuxuu yiri isqarxintana ka waran,waxay tiri waa iska caadi way sii socon doontaa ?wuu naxay oo wuxuu ku yiri maxaad ayeeyo kala jeedaa,waxay ku tiri Muqdisho maanta maaha maxaad taqaan ee waa yaad taqaan,ismiidaaminta maaha yaa tahay ee waa janada tag oo Maxamed dheere la beegso,boobka maaha waa reer hebel ee waa hanti Al Qaacida,Xariga maaha waa duub dhaqameed ee waa argagixisaduu taageeraa,Xilka maaha awoodaada iyo sharciga isku ilaali ee waa ii magacaaw,ina maamul,dilku maaha Masaajidka ayuu ka soo baxay,waa ahlu diin ee waa baasmarsii Cali Geeddi buu la qadeeyee,cadaaladu maaha caqligaada ee waa tan Cabdulahi Yusuf ku faro.
Korneyl Qaybdiid baa u sheegay inay tufta iyo amarka Ayeeyo cosobo ka qaateen,wuxuuse su-aal ka waydiiyay rajada u muuqata Mustaqbalka,waxayna ku tiri cod dheer,inaan xabsiyada iyo kaamamka ugu daba tagno kumanaanka beesheena ee aan barakicinay ama xirnay,inuu tareenka naftood hurayaasha Shabaabka nagu yimaado oo xijaabano.
Korneyl Qaybdiid oo codsanayo inay ayeeyo Cosobo ugu yeerto Jeneral ayaa waydiiyay hade beel ahaan maxaan faa-iidnay ,kolkaaseey tiri waa inaad su-aashaas kula laabataa beeshaada eber joogtaa ana aan kula laabtaa beesheeyda isnaceyb joogtaa,Maxamed kula laabto beeshiisa weerar joogtaa.
Korneyl Qaybdiid oo ka carooday hadalka Ayeeyo Cosobo wuxuu amray in xabsiga la dhigo.
Aqoonyahankii baa shiray oo wuxuu isku raacay inuu Magaalada isaga baxo, ganacsatdii baa shirtay oo waxay go-aansatay inay dhuumaaleeysi ku wada dhoofto,bulshadii baa boorsooyinkoodii xirtay,diyaaradahii baa qaali noqday,sida basaska ayaa istaag loo raacay, laba Korneyl baa dalkii isugu haray,Casmaro iyo Addis ababa ayaa burjiga iyo tusbiixda looga hayaa.
Iswaydiin baa taagan loolanka caasimadaha labada dal iyo cabsida Muqdisho,Zenawi booqday ,Afewark hadmaad imaan adiguna ,maxaadse isu tihiin Melles
Saddex Nafood “Sheeko akhrinteeda aad ka xiiso dhici doonin” kkkkkkkk.
June 11, 2007 at 6:12 am | In Sheeko | 6 CommentsSiraad, weligaa iskuul ma aad dhigan, oo wax ma qortid waxbana ma akhridid. Weligaa habeen uma aad hoyan meel aan ahayn aqalka aabbahaa iyo hooyadaa, noloshaaduna ma ay dhaafsanayn gurigiinna aad ka adeegtid iyo suuqa aad ka soo adeegtid. Weligaa waad arradnayd, waxbana lagaama hagran jirin ee awoodda reerka ayaa sidaas ahayd. Qof kasta oo faqiir ahi wuu ku riyoodaa nolol ka wanaagsan tiisa liidata, adiguna taas dadka kale ayaad kala mid ahayd. Wax badan baad calafkaaga sii malaysay. Wax badan baad doob baabuur qaali ah wata iyo fillo doog leh indhaha la sii raacday. Wax badan baad oori nin ladani koolkoolinayo niyadda ka xasadday. Wax badan baad sheeko nolol qurux badan ku saabsan sii dhegeysatay. Xaalkiinna oo sidaas ah ayuu laytalkhadar idinku soo degay; nin hodan ah baa laguu dhisay reerkana lacag ku hafiyey. Wuu kaa da weynaa oo markaas aad sagaal iyo toban jirka ahayd isagu wuxuu ahaa konton. Naag ay kala tageen ayaa afar carruur ah oo koray u lahayd. Laakiin xag dhaqaale waa nolol aad u baahnayd. Waa adigii degay fillo beer leh, ee gashaday dhar qaali ah, ee u egaaday oori qiimo leh. Baabuur, telefeeshin, fiidyow, telefoon iyo qalab la nooc ah oo guryaha waqtigan ku yar ayaa laguu dhigay, adeegto shaqada u jajaban ayaa laguu qabtay, habeenkiina guriga waxaa kuu ilaaliya waardiye xoog weyn. Noloshaadii waxaa ku dhacay afgembi. Waxaad isbarateen dad cusub oo xagga ninkaaga kaa soo galay, kuwaas oo idinla nolol ah amaba idinka sii ladan. Waxa ay ka sheekeeyaan iyo sida ay u sheekeeyaan la mid ma aha foqoradii jaahiliinta ahayd ee aad ku soo dhex kortay, kuwaas oo ahaa dad cabasho iyo calaacal badan, oo muran iyo qaylo badan, oo dagaal iyo isxagxagasho badan. Waxay ahaayeen dad sida waraabaha dirqi ku nool, laakiin qolada cusubi waa dad deggan oo naftooda iyo noloshooda jecel. Waxay u sheekaysan jireen si qoladii hore aad uga duwan oo aad muddo la qabsan kari wayday. Xeeb nadiif ah baa lagu geeyey oo inta dhar gaaban laguu geliyey lagu dabbaal baray. Caweys muusig dheeri ka shidan yahay baa la iswada ruxay adigana lagu ruxay. Martiqaadyo maamuus leh ayaa lagugu casumay oo dad nooc kale ah lagu baray. Yurub baa laguu dalxiis geeyay, oo aad indho sarcaadday, oo indho daraandartay, oo moodday in lagu sixray. Waxaas iyo wax la mid ah ka dib illeen dhagax ma tihid ee waad furfurantay oo milantay.
Ninkaagu bilawgii wuu ku koolkoolin jiray, laakiin beryihii dambe dan kaama geli jirin. Balwad iyo dad ay isaga isku dookh yihiin ayuu adiga kaa jeclaa waqtigiisa inta badanna siin jiray. Wuxuu bilaabay habeenka uu doono in uu iska dhaxo. Adiguna illeen dundumo ma tihid ee khaati baad noqotay. Gurigii waad ku caajistay sariirtiina ku cidlootay. Waardiyaha iyo adeegtada midna sheeko lama aad wadaagi jirin, dhaqankii cusbaa ee lagu baray ayaa ahaa in aan nolosha sare iyo ta hoose la isku darin, haddii kale ta sare ayaa nuxur iyo dhadhan beelaysa. Adeegtadu marka ay fiidka reerka cashaysiiso caweys ma haleesho ee sariirta ayey beegsataa, waardiyihuna salli xun oo uu ganjeelada agteeda u yaal ma soo dhaafo. Sidaas darted marka aan ninkaagu joogin waxaad u cidlootay sidii boqorad laga dhintay. *
Waardiyaha xoogga weyn ee ay Siraad sheegaysaa waa adiga. Waxaad tahay xerow shan iyo labaatan jir ah oo sida jaajuurka u adag una malaasan. Kama duwanid awr reerka debedda ugu dabran. Goor walba waxaad xasuusta ku haysaa maahmaahda ah ?Rag waxaa ugu liita nin maqan oo aan la tebin, nin tegaya oo aan la celin iyo nin jooga oo aan la tirin. Maalintii oo dhan masjidka ayaad diin barasho u yuururtaa, marka salaadda maqrib foodda laga qaadana halkan ayaad ka soo shaqo gashaa.
Reerka habeenkii uun tuugta kama ilaalisid ee adiga ayaa raatubta u akhriya, danta Kitaabka Alle ka soo gashana u caddeeya. Weli waxaad tahay arday oo diinta aqoon badan uma lihid, laakiin fatwada badanaa malaha iyo qardojeexa ku dhisan iyaga ayaad kalsooni kaga raadisaa. Risiqaaga ayaa galay. Fiidka marka aad shaqada soo gashid ganjeelada agteeda ayaad beerta salli dhigataa. Halkaas ayaa shaah iyo casho waxii habeenkaa Alle kuu qoray laguugu keenaa, oo aad ilaa waaberiga duruusta ku akhrisataa, gurigana tuugta ka ilaalisaa. Hawsha intaas kuu dheeri waa ninka reerka leh oo aad marka uu baabuurka la baxayo ama la soo gelayo ganjeelada ka furtid.
Ma jiro qof xumaan ka dhawrsani, waxaadse ku dadaashaa in aad ahaatid nin jidka Alle ku toosan. Salaadi kaama tagto, soonna hadalkii daa.
Xan iyo xumaan carrabkaaga waad ka ilaalisaa, jidiinkaagana xaaraan waad uga dhaaran kartaa. Awaamirta Alle ee arrimahaas ku saabsan raacistooda intii karaankaaga ah waad ku dadaashaa. Haweenka oo ah hubka ugu daran ee sheydaanku hurdo iyo soojeedba kugula dagaallamo marka aad la hadlaysid ma eegtid ee indhaha ayaad hoos u rogtaa ama wejiga ayaad dadabtaa, waayo sida aad og tahay eegistoodu waa sino. Haddana tiro ma leh inta jeer ee aad xubnahooda yaabka leh indhaha ku xadday. Mid gambadh ku fadhida oo bawdyaha bannaysay, mid guntiinada naasku dacal ka faydmay, mid dirac khafiif ah ay laabta iyo calooshu muuqdaan, iyo mid sii foororta oo badhida xaggaaga u soo fiiqday, intuba marar badan ayey naftaada miskiinadda ah cadaab ku shideen,oo aad wayso iyo tukasho isku qaboojisay.
Habeen adiga oo wayso qaba oo si aadan Qur?aanka u illaawin dusha ka akhriyaya, oo beerta guriga wareegaya, ayaad daaqad furan ka aragtay Siraad oo qaawan. Hadda qaawanaan aan dun yarina korkeeda saarnayn!
Muraayad aan kuu muuqan ayey hor taagan tahay oo timo yar qoyan shanlaynaysaa. Qacdii hore naxdin iyo filanwaa baa kugu dhacay oo waad carartay, haddana si aad fursaddaa lama helaanta ah uga faa?iidaystid dib ugu carartay oo sii yar daawatay. Haddana ka carartay, haddana adiga oo run iyo riyo u kala garan la mar kale dib isugu rogtay. Sidaas ayaad adiga oo gariiraya muddo shan daqiiqo ah ugu noqnoqnaysay, ilaa ay dhar gashatay oo nalkii damisay. Waxay ahaayeen shan daqiiqo oo xagga baqdinta shan sano ka dheer xagga raaxadana shan seken ka gaaban.
Habeenkaas malaha foosto biyo ah waad cabtay, waxii aad xanuun la kulantayna isma aad lahayn waad sii noolaanaysaa. Markaas ka dib haddii aad damacdid in aad wax akhridid kitaabka waxaad ka dhex arkaysaa naasihii iyo calooshii iyo badhidii iyo bawdyihii Siraad ee qaawanaa.
Maxaa naag qaawan kitaabka Ilaahay dhex geliyay?! Acuudu billaahi mina sheydaanirajiim!
Naag aadan qabin loo galmoodaa waa sino, in la daawadaana waa sino, laakiin in laga fekeraa ma sinaa? Mas?aladaa xukunkeeda sharciga ah waxa ay Mad?habta Shaaficiyadu ka qabto ma taqaannid, sino ayeyse u eg tahay. Lakiin sidee bay sino u noqon kartaa, fekerka ma adiga ayaa xukuma sow wax maskaxda iskii ugu soo dhaca ma aha? Sheekha aad kutubta ka raacatid qudhiisa sow dumar qaawani maskaxdiisa kuma soo dhacaan, iyo xataa isaga oo u galmoonaya? Ma Sheekha dhan ee aad Alle ka cabsigiisa og tahay baa isaga oo naag qalaad u galmoonaya ku fekera?! Istaaqfurullah! Alloow tooba!
Marar badan waxaad ku sigatay in aad gudaha isku qaaddid oo Siraad iyo adeegtada mid uun beerka kaga degtid. Albaabku wuu xidhan yahay ee waxaad ka fekertay in aad daaqadaha neecawsiga loo furtay uga dhacdid. Sheydaanka iska naartay, Qur?aan akhrisatay, toobad iyo istaaqfurulle daldashay, kumase aad qaboobin. Siraad ayaad habaaraysaa oo eersanaysaa. Waxaad kale oo habaaraysaa waxii nal iftiima sameeyey iyo waxii daaqad furanta hindisay, iyo waxii waardiye noqday, iyo waxii qol naag qaawani ku jirto eegay, iyo waxii ka cararay ee haddana dib ugu cararay. Bal maxaa kugu celiyey maad sheydaanka iska naartid oo Qur?aanka iska sii wadatid? Ilaah baa risiqa bixiya ee inta aad faqriga ka baqaysid iska guurso. Haddii aad mid xun meelahaas ka soo jillaabi lahayd, oo aad cooshad xun meelahaas uga kirayn lahayd, miyaad waxaas oo xanuun ah la kulmi lahayd, oo marba naag xun daaqad xun waqti xun si xun uga qooraansan lahayd?
Berriba marka uu waagu beryo waxa ugu horreeya ee aad qabataa ha noqoto in aad guursatid. Tii xumayd ee cooshadda xun digirta xun ku karin jirtay bal ka warran? Ha iska foolxumaato ee sow naag uun ma aha? Ma ku yeelaysaa baad u malaynaysaa? Oo maxay kugu diidaysaa? Malaha weligeedba guur lalama soo qaadin, markaa yaaba adiga kuu dhaama? Laakiin waa qof foolxun, in kasta oo siijeed wanaagsan tahay. Istaaqfurullah! Maalin walba waxa aad camal falatid daawashada badhideeda ayaad ku khasaaraysaa.
Jaariyadda xun ee gurigan ka shaqaysa bal iyada ka warran? Dhawr jeer oo horena waad ka fekertay, laakiin malaha iyadu weligeedba kaama ay fekerin? Ma qurux liidato laakiin dabeecadda ayey ka arradan tahay.
Dabeecaddeeda maxaa kaa galay wax aad isku daweysid uun sow dooni maysid?
Maxaa kaa geli waayey sow la noolaan maysid oo carruur kuu dhali mayso? Waar nolol iyo carruur lahaane naftaadan besteeda ah meel dhig! Laakiin waxay kaga dartay kibirka, adeegto in ay tahayba isuma haysato. Kibirkeeda maxaa kaa galay, iyada ayaaba shaqaysata oo kirada kula bixin lahayde? Naag iyada kaaga habbooni ma jirto ee berri la hadal. Wax uun baad yeeli lahayde horta habeenkan baas mar uun yaa dhammeeya!
Imika bal adeegtada ka feker. Sariirteedii xumayd ayey ku jiiftaa. Sidee bay u jiiftaa ma dhabarka mise beerka mise dhinac? Maxay gashan tahay? Billay qaawan tahay? Qaawanaan? Ma muddug? Ma iyada oo dhabarka u jiifta ayey haddana qaawan tahay? Oo markaa maxaaba u qarsoon?
Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Istaaqfurullah! Caawa sheydaan baa kugu shaqaystay. Kitaab Ilaahay baad gacanta ku haysaa waxaana waad ku fekeraysaa! Laakiin in laga fekeraa ma denbi baa? Mooyi, mooyi, horeba waa adigii jawaab ugu waayey.
Laakiin iyada iyo Siraad toodee qurux badan? Isuma dhowa, Siraad baa si walba u qurux badan. Laakiin jaariyadda dusha uun baad ka aragtay ee iyada oo qaawan ma aad arag. Laakiin bal malee? Kollay naasaheeda iyo caloosheeda diraca ka muuqda wax loo dhigaa ma jiraan. Balaayadu waa isku wada mid; waa tii la yidhi sheydaan baa xayaysiiya oo marka ay soo jeedaan naasaha ruxa marka ay sii jeedaanna badhida. Kii alle koodka ahaa ee maalintii dhoweyd baska ka dhex sheekaynayey muxuu lahaa? ?Sheydaan ma ruxo ee malaa?ig baa ruxda.? Iimaanka Alle kaa qaad! Kaasi isaga ayaaba sheydaan ahaa. Malaa?igta maxaa naasaha iyo badhida dumarka u geeyey! Laakiin in uu sheydaan ruxo qudhaadu yaad ka maqashay? Ma aayad baa mise waa xaadiis? Mise waa iska wax kale? Horta cid ruxdaba shaki kuma jiro in la ruxo.
Ciddii doontaa ha ruxdee imika ma waxaad leh dahay adeegtadu guntiinadii ay ku seexatay waa ay ka furantay oo qaawanaan ayey dhabarka u jiiftaa? Haddii aad daaqadda ka eegi lahayd qolkeedu waa mugdi. Haddii aad u
tagtid oo legga ka gashid maxay samayn lahayd? Marka ay toosto ee ay ku garato maxay yeeli lahayd? Miyey qaylin lahayd? Mise si xariifnimo ah ayey isu seexin lahayd? Mise wax bay kula maamuli lahayd? Inkaari ku dhacday armay qaylin lahayd? Oo maxay la qaylinaysaa miyaad dishay? Iyaduba sow nafley ma aha oo xanuunka aad qabtid kulama qabto? Xanuun? Xanuun maxay ah?
Laakiin haddii ay iska aamusto bal ka warran? Sow sidaasi ma dhici karto? Haa. Ka dibna? Inta aad labada naas xantoobo ka buuxsatid oo midba mar cantuugtid, ayaad haddana dhegta iyo dhabanka ka qaniini lahayd, dabadeed labadeeda bawdu ku dhex libdhi lahayd. Ku dhex libdhid? Ma dalaq?
Ma naag aadan Shareecada Islaamka ku qabin? Istaaqfurullah! Istaaqfurullah!
Istaaqfurullah! Ilaahow tooba!
Laakiin balaayadu armay gabadh tahay oo aanay in lagu dhex libdho oggolayn? Haddii ay ku dhex libdhid noqoto Siraad baa dhaanta oo sida la isugu libdho taqaan. Laakiin taasi waa macsi dheeraad ah waayo waa naag la qabo. Haddii la qabo maxay daaqad furan iyo ilays shidan isugu qaawinaysaa? Haddii ay isku qaawiso sow gurigeedii ma aha? Haddii uu gurigeedii yahay daaqadda sow ma ay furin? Haddii ay furtay sow kulayl ma jirin? Maya, maya, iyada ha eersan ee berri adeegtada guurso, ama tii digirta karin jirtay…
Laakiin balaayadu armay gabadh tahay oo aanay in lagu dhex libdho oggolayn? Haddii ay ku dhex libdhid noqoto Siraad baa dhaanta oo sida la isugu libdho taqaan. Laakiin taasi waa macsi dheeraad ah waayo waa naag la qabo. Haddii la qabo maxay daaqad furan iyo ilays shidan isugu qaawinaysaa? Haddii ay isku qaawiso sow gurigeedii ma aha? Haddii uu gurigeedii yahay daaqadda sow ma ay furin? Haddii ay furtay sow kulayl ma jirin? Maya, maya, iyada ha eersan ee berri adeegtada guurso, ama tii digirta karin jirtay
Laakiin berri maxaad ku gaadhi sow adigan bestaa ah ee dhimasho ku dhow? Dhimasho? Ma naag baa loo dhintaa? Waar isla yaab! Haddaasow adigan sakaraadka ah ee wada gariiraya? Sow kan wadnahaagii in uu qarxo ku dhow? Adiga oo waxaas oo biyo ah cabbay haddana sow adigan candhuuf aad dhuunto ku engegan ku qoysid afkaaga ka waayey? Malaha naag ma aha ee waxa sidaa kuu gelayaa waa sheydaan? Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim!
Naagaha baas maskaxdaada ka saar oo wax kale ka feker. Haa, wax kale ka feker, aakhiro ka feker, iyo cadaabta iyo jannada. Alla cadaabtu kululaa, Ilaahaow naga najee! Alla jannadu liibaan badanaa, Ilaahow noogu deeq! Laakiin haddii adeegtadaba iska daysid oo Siraad qudheeda u gashid maxaa dhici lahaa? Iyaduna miyey kugu qaylin lahayd? Malaha kugama ay qayliseen? Ninkeedu inta uu soo hoydo iyo inta uu dhaxaa way is-la?eg yihiinee maxay kuugu qaylinaysaa? Waxaa laga yaabaa sida aad ugu baahan tahay in ay kuugu baahan tahay oo ku soo dhoweyn lahayd. Berigii aad shaqadan bilawday sidii ay u ahayd miskiinad iyo maanta sida ay u dhaqantaa waa laba kala fog.
Waa wax lala yaabo in uu qof bani aadam ahi sidaas isu beddelo! Waa tii ay diintu sheegtay oo maalku waa fidno. Faqriga qudhiisu waa fidno kale, bal waxa caawa ku haysta fiiri! Barashadii diinta ee aad u bilawdayna diidday in ay sii waddo. Ma iyadaaba diin barasho u soo jeedda bad kale ayey ku jirtaaye. Yeelkeede haddii caawa Alle iskiin bado wallee waxayna ku qayliseen: ?Aaa! Waa halkaas meesha aan diinta Ilaahay ka baran waayay!?
Haddii ay kugu qaylin weydo jidhkii aad aragtay ayaad deeq u heli lahayd. Ma liibaan taa ka weyn baa jirta? Jaariyadda xun ma hubtid laakiin waad hubtaa Siraad in aad ku bogsan lahayd. Bogsasho?
Oo miyaad buktaa? Maxaa ku haya, ma oofwareen mise daacuun? Waxaa ku haya balaayada jiif iyo joog kuu diidday.
Imika labadooda mid uun ma tijaabin kartaa? Haddii ay kuguqayliso waa maxay waxa ugu daran ee dhici karaa? Fadeexad;
wadaad fadeexadoobay; wadaad reerkii uu raatubta u akhriyi jiray ee waardiyaha u ahaa kufsaday. Ka dibna? Ka dayuuska ah ee reerka lihi armuu ku dilaa? Oohinta uu ku dilayo maxaa ku dhigaya? Haddii ay talo dhabaqdo maad baxsatid?Haa, haddii ay wax hagaagaan hagaage, haddii kale ka dhuumo. Miyuu ku helikaraa? Ab iyo isir toona kuuma yaqaan ee sidee buu kuu heli karaa? Sinaba.Laakiin waa maxay waxan aad ku fekeraysaa? Miyaad waalatay? Sow adigan habeen keliya sheydaan isu rogay? Kitaab Qur?aan ahna gacanta ayaad ku haysaa! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim!
Sidii aad xaaladdaas ugu jirtay ayey goor dambe noqotay, laba iyo tobankii iyo dheeraad. Nalka aad hoos fadhido ee aad wax ku akhrisatid mooyee beerta inta kale waa mugdi. Degganaanta iyo aamuska ayaa ka daran oo caleenta geed ka soo dhacda waa la maqlayaa. Si aadan marnaba filayn ayaad aragtay nalkii kijada oo la daaray. Kijadu qolalka guriga iyada ayaa ugu sokaysa oo halka aad fadhidid waxay u jirtaa ilaa shan iyo toban tallaabo, laakiin daaqaddu dhan kale ayey u jeeddaa, sidaa darteed qofka nalka daaray ma arki kartid, waadse hubtaa in aan guriga cid aan Siraad iyo adeegtada ahayni joogin.
Waa labadii mid uun. Welwelkii, xummaddii, wadno garaacii iyo waallidii ayaa kugu sii kordhay. Ta ay doontaba ha ahaato ee bal ka warran haddii ay soo baxdo, oo kuu timaado, oo ku tidhaahdo: ?Waan gam?i waayey ee kaalay i wehli?? I weheli?! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Balaayo ku wehelisay!
Adiga oo ta ay tahay malaynaya ayaa albaabkii oo indhahaaga ku beegan la furay, waxaana ka soo baxday Siraad oo u eg ilmo hurdo ka soo seleshay. Dirac aad khafiif u ah oo aan waxba uga hoosayn ayey ku dhex jirtaa, albaabka ay ka soo baxdayna iftiinka ka daaran ayey ku beegan tahay, sidaa darteed in ay wax gashan tahay lama moodo. Tin iyo cidhib jidhkeeda dhuuban ee qurxooni diraca ayuu ka dhex arkaa. Maba ay leexleexan ee toos ayey kuu soo abbaartay, adiga oo si waalli ah tusbaxa u rogrogaya ayeyna iskaa soo dul taagtay. Waxaad kala garan wayday soo bixisteeda in aad weli ku fekeraysid iyo in ay dhab tahay.?Sheekh, khayr Alle ha ku siiyee waan gam?i la ahay ee Qur?aan igu akhri?, ayey kugu tidhi.
Qur?aanku ku qabay oo Ilaahay inkaar kugu rid! Iyada oo qaawan ayey doob saqdhexe cidla fadhiya leedahay ?Qur?aan igu akhri?! Ayaad ku fekertay, afkase waxaad ka tidhi:
?Bal waxa Alle iga haleelsiiyo ayaan kugu akhriyi ee soo fadhiiso. Sidee laguu hayaa??
?Dhiiggayga ayaad mooddaa in la karinayo. Waan qubaystay, dharna diracaas aad aragtid baan iskaga reebay, welina waan holcayaa.?
Dhiiggaaga la kari oo dhulka Alle kuu goo! Dhiig la kariyey sow waxa annagaba na haya ma aha.
Markiiba salligii yaraa ayey dacal kaga fadhiisatay. Kuguma soo jeeddo kaamana sii jeeddo ee dhinac ayey u fadhidaa. Aad baad isugu dhow dihiin oo gacanta aad tusbaxa ku haysid haddii aadan soo laabi lahayn waa ay gaadhi lahayd. Diraca waa ay iska sidataa ee waxba uma qarsoona. Aayad kursi ayaad si waalan degdeg carrabka ula dhacday iyadana hoosta ka daawatay.
Haddana salligii yaraa ee aan awelba fadhiga idiinku wada filnayn ayey isku legedday, waxaanad arkaysay naasaheeda sida yaabka leh u sii ruxmaya. Markii ay jiifsanaysay waxay sii lahayd: ?Halkan ayaaba neecaw macaan. In aan barkin soo qaato ayaa fiicnayd.?
Waxan ku hor yaal ma iyadii baa? Ma run baa mise waa riyo?
Xubnaheedii oo dhami waa kuwan sidii hoobaan bisil hortaada daadsan. Filasho iyo filanwaa, farxad iyo naxdin, labadaba leh. Imika afka waad iska dhaqdhaqaajinaysaa ee waxii aad akhriyaysay mar hore ayey kaa murgeen,
carrabkii oo engagan ayaa dhanxanegga kaaga dhegay. Gacantii waa kaa tusbaxii ka dhacay ee iyada oo sida xubnaha kale u kurbanaysa diyaar u ah in ay xeedhada bisil ee ku hor taal boobto.
Inta aad calaacasha barako ku afuuftay ayaad garabka oo jidhkeeda ugu sarreeya qunyar ka saartay, waana ay kurbatay adiguna la kurbatay. Haddana calaacashii ayaad qunyar oo debecsan gacanteeda qaawan ku salaaxday, waana ay sii kurbatay adiguna la sii kurbatay. Mar kale ayaad calaacasha barako ku afuuftay oo dhabarka ka saartay, oo qunyar ilaa qoorta ka marisay, kurbashadii ayaadna kaga sii darteen. Markaas ayaad xasuusatay waysadii in ay kaa burtay sida uu Imaam Shaafici qabo.
?Alla Sheekh, gacantaadu macaanaa, waa la garanayaa in ay barakaysan tahay!?
?Eebbe ha kugu dabiibo!? ayaad afka ka tidhi, uurkana waxaad ka lahayd: adigana jidhkaagu macaanaa, waa la garanayaa in uu barakaysan yahay. Jiifkii ayey ka toostay oo fadhiisatay, waana naxday oo moodday in ay qalad ka fahamtey oo tegayso. Oo maxay qalad u fahmaysaa, ma gacan barakaysan oo aad ku dabiibaysey in aad marisay wax aan ahayn baad ku samaysay? Iyada oo fadhida ayey diracii qaarka dambe ka soo faydey oo kor isaga siibtay, dabadeed iyada oo sidii ay ku dhalatay ah dhinacii ay awel u jiiftay mooyee dhinaca kale xaggaaga u soo jiifsatay, iyada oo sii leh: ?Alla caawa kululaa! Sheekh, gacantaada durba il baan iskaga gartay ee i wada mari.?
Xubin qiimo leh oo jidhkeeda kaa qarsooni ma jirto. Imika si aan xad lahayn baad isu celinaysaa ee ma miyir qabtid. Habeenno badan ayaad xaalad tan la mid ah ku riyootay, malaha tanina waa riyo. Maad hubsatid?
Calaacal sidii hore ka dhiirran inta aad barako ku soo afuuftay ayaad legga kaga salaaxday qunyarna kor ula raacday ilaa naaska. Inta ay yar taahday ayey kugu soo durugtay oo jidhkeeda kaaga ku soo cadaadisay, gacantana bawdada kaa saartay. Markaas ayaa miyir kuugu dambeysay. Inta aad kor u boodday ayaad nalkii aad hoos joogteen damisay, dabadeed iyada oo jirjircadka isu sii rogaysa dusha kaga degtay.
Dhar sare iyo mid hooseba waxaa kuu ahaa shaadh iyo macawis, labadiibana durba waa ay kaa maqan yihiin, in aad adigu iska bixisay iyo in ay iyadu kaa bixisayna ma kala ogid. Waxaad hubtaa shaadhkii ugu yaraan inay laba badhan go?een. Waxaad kale oo hubtaa kitaabbadii oo rixli wada saarnaa in aad harraati ku fogaysay. Waxaad kale oo hubtaa tusbixii oo jilibka kaa muday in aad meel fog ku maguujisay. Waxaad kale oo hubtaa saacaddan in aadan kitaab, tusbax, denbi iyo diin toona dan ka lahayn.Waxaadse kale oo aad hubtaa in uu qubays kugu waajibay. Iyaduna waxay hubtaa sariirta in ay goor roon ka soo kacday. Waxay kale oo hubtaa muruqyada adadag ee meel walba kaga giigsani in ay ku sii giigsanaadaan mooyee wax kale in aanay dan ka lahayn. Waxayse kale oo aad u hubtaa qadaadkeeda sida ba?an dhulka loogu xoqayaa in uu barkin u baahnaa.
Goor dambe oo aad xiiq saneedeen waxaad ku calaacashay:
?Alloow tooba! Alloow tooba!??
Waxayna kuugu jiibisay:
?Aammiin!?
Inta aad Ilaahay ka baqaysid in aan ka yarayn waxaad ka baqaysaa ninka reerka leh oo idiin soo gala. Iyadu Ilaahay ka biqi mayso, waxayse ka baqaysaa ninkeeda iyo fadeexad. Intii hore waad waallneeydeen, markiise aad miyirsateen ayaad fekerteen. Iyada ayaa dhiirran oo isxilqaantay oo inta ay salligii la kacday kugu tidhi:
?Aynu meel asturan tagno ee ina keen.?
Adiguna kitaabbadii iyo tusbixii oo halkii daadsan inta aad ka tallaabsatay ayaad sidii sange taxaaban naagtii ku hor socotay dabo saqlaysay. Qaybta dambe ee beerta oo caws doog ah leh ayey ku geysay.
Guriga waxaad u geli weydeen haddii uu odaygeedu soo galo jeer uu iskiin soo dul taago ma ogaan kartaan. Halkii ayaad muddo kale sii laba legdoonayseen.
Markii dambe waad laylyantay oo toobaddii iyo istaaqfurullihii badnaa waad joojisay. Sida iyadaba miyirku ugu soo noqday adigana in uu kuugu soo noqday waa ay hubtaa, malahase in aad sideeda raalli u tahay ma hubto. Malaha si ay taa u ogaato ayey tidhi:
?Alla maxaynu nefisnay!?
?Cadaabina waa ay dambaysaa?, ayaad ku cabatay.
?Imikaba cadaab ayeynu ka soo baxnay.?
?Haa, mid shaddiid ah?, ayaad qirtay.
Markii ay salaaddii arooryo soo dhowayd waxaad ku qubaysatay musqul yar oo beerta ku taal. Salligii aad ku tukan jirtay waa adigii xalayn ku qooqay, sidaa darteed subaxdaa go?aaga ayaad dhigatay. Adiga oo sujuud dheer u foorora ayuu ninkii guriga lahaa soo galay. Inta uu iskaa yar dul taagay ayuu ku dhaafay. In yar ka dib adiga oo weli sujuudsan ayaa ddaaqadda furan ka maqashay ninkii oo Siraad weydiinaya. ?Goortan maxaad ka qubaysatay??
?Kulayl bay ahayd oo waan gubtay.?
?Ma rumaysanaysaa xerowgii in uu goortaa sujuud ku ooyayo??
?Waa wali barakaysan?, ayey ugu jawaabtay.
?Wallaahi kaasi waa wali barakaysan! Waa in aynu ka
ducaysannaa.? ?Mushaharkana aynu u kordhinno mar haddii uu shaqadiisa ka adkaaday?, ayey ku taageertay.
?Haa, aynu u kordhinno.?
Markii aad intaa maqashay waad sii ooyday. Waad jeclayd in aad noqotid wali laga barakaysto. Ducooyinkii carabida ahaa ee aad taqaannay kaa dhammaade, welina in aad Ilaahay sii barido ayaad rabtaa, dabadeed kuwo af soomaali ah ayaad bilawday. Waxaad og tahay Eebbe in uu wax walba qaddaray, halkaas ayaad baryada ka ambaqaadday:
?Eebbow, sow adigu wax walba ma aad qaddarin? Sow adigu aniga iyo Siraad baahida naguma aad wada abuurin? Eebbow, waxaa ila tagtay la soco qeybta 3-aad ee sheekada qosolka iyo naxdintana dib u dhigo akhristoow.
Blog at WordPress.com. | Theme: Pool by Borja Fernandez.
Entries and comments feeds.
