Chanel4 Tv oo soo bandhigaya fadeexadaha Jen Darwiish,Jen Axmed Taajir iyo Gacmodheere,daawo sawiro hordhaca
May 26, 2008 at 10:48 pm | In siyasada somalia | 4 CommentsTelefishinka Chanel4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa 24-ka saac ee soo socda 8 Fiidnimo saacada UK wuxuu bilaabayaa baahinta Ducoments film ah oo laga sameeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Federalka oo heysta dhalashada British-ka ,kuna kacay tacadiyo ka baxsan xaquuqul insaanka.
Telefishinka wuxuu soo bandhigayaa guryaha ay ku nool yihiin sedexda hogaamiyeyaal oo ka mida ragga ku eedeysan ku lug lahaansho fal dimbiyeedyo dagaal.
Taliyaha Nabadsugida ee dowlada Federalka Jeneral Maxamed Warsame Darwiish ayuu telefishinka baahin doonaa muuqaalkiisa,muuqaalka guriga uu ka degan yahay Ingiriiska iyo weliba cadeeymo la xiriira in weli qoyskiisa qaataan lacagaha Ceeyrta loo yaqaan ee la siiyo dadka danyarta.
// –>
Muuqaalkaani waa gurigga Jeneral Darwiish ee ay ku nool yihiin qoyskiisa qaata lacagaha danyarta Dalka Ingiriiska gaar ahaan Leicester
Telefishinka Chanel4 waxaa uu sidoo kale soo bandhigayaa muuqaalka taliye ku xigeenka boliiska Soomaaliyeed Jeneral Axmed Xaashi Taajir oo isagana ku nool dalka Ingiriiska,wuxuuna muuqaalkiisa u adeegsan doonaa qaabkii uu ku degay UK iyo hoowlahii uu ka fuliyay Soomaaliya.

// –>
// –>
Maxamed Maxamud Gacmo dheere oo ah Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowlada Federalka oo isagana heysta dhalashada Ingiriiska ayaa noqonaya ninka sedexaad ee barnaamijka ugu horeeya lagu falanqeyn doono.
Sedexda Hogaamiye ee ka tirsan dowlada Federalka Cabdulahi Yusuf waxaa ducomentiyadooda u dhigma fadeexada heer dacwadeed dimbiyo dagaal hareer socda,Wareysiyo ay bixinayaan dad Soomaaliya oo qaarkood ka badbaaday xasuuqa ka socda dalka.
Dadkaas waxaa ka mida hooyo iyo wiilkeed wata raajo muujineysa xabada halka ay kaga jirto.
Inkastoo Barnaamijka la magacbaxay Dagaal Oogayaasha Soomaaliya waxay ku nool yihiin albaabka ku xiga lagu soo qaadan doono rag ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta hadana wuxuu wejiga hore naxdin gelinayaa Jeneral Maxamed Warsame Darwiish oo safka hore uga jira ragga ku eedeysan xasuuq dad rayida iyo jirdil ka baxsan xaquuqul insaanka
MIYAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 6AAD
May 26, 2008 at 7:35 pm | In sheeko jaceyl | 1 CommentTags: jaceyl, Sheeko
Maxaa heli lahaa ujedadiisiibuu gadhaye waji aan ahayn kii gabadhan lagu qaabili jiray kii ay arki jirtey codku macal muu ahayn kii ay taqaaanay ee xiisaha lahaa waji gabax ayaa inantii lagu salamay maxaad umaleen akhristaw dadkii inantan la socday in ay is leeyahihiin xanta dadku ma yara waad dareemaysaa sida qofka aynu ugu firsano hadaynu bini adamnahay ,wiilkiina loo soo dheelmi dhankii gurigii ay u yagleelshay marwadiisu.
dadkii iska tage labadoodii iyo wilkoodii oo aan weli afartanka ka bixin iskukaliyeyste Xaajigu maha noocnaba balse waxa uusugayaa uun sidii uuuga goosan lahaa marwadiisa iyo wilkan yar inta uu ku indho furanaayo magaladan iyo dalkan sweden ahba .
mudo 3 week ah markuu jogay gurigii gabdhiina ay garan ladahay waxa ay sameeso marar badana isku dadyay in ay weydiiso waxa bedelay ee ka kaxeeyey jacaylkeedii ay hargeisa ku taqaanay waxa uu ku jawabayey in uu sidan uun ahaa isbedelna ku jirn ..
waa ilbaxay ilfuray markii horeba ileen waa nin horeba ugu soo tala galay ujedo gabana lahaa oo intan dhafsiisneen ninkii waxa uu bilabay in uu radsado asxaab uu ku lahaa dalka sweden telephonekooduna uu sitey ayuu la hadlay loona wada imi waxa uubilabay in wilkii uu habenkii dhaxo waa yaab oo qof aan magalada jogin mudo bil ahba halkee ayuu tagay waa arin layaab ku noqotey marwadiisii, Markayla hadashana waxa uu ugu jawabaa maxaa kaaa galay gabadh yahay waa la ika daba dhigay IWM mudo aan badnayn markii saas lagu jiray ninkii waxa u goaansaday in aanu ku soo noqon waayo gurigan joogina waxa uu qatey alabadiisii uu sitey maba badneene waaba dee shandadii uu calalada ku sitey intiisiina iska qaday gabadhana cid ay arintan hor dheceedii la socodsiisay majirin markuu xamaamtii yareed qatey ayey waydiisaymesha uu tagayo waxa uu jawaab uga dhigay maxaa kaa galay ilama hadli kartid ima sheegan kartid iyo hadalo kale oo cago juglayn ah ,,,
iskana bax mud aan ka yareen bil iyo badh markuu maqnaa ayey gabadhi goaansaey in ay cideeda arintan ku dhacday la socodsiiso isna ay so ogaatey halka uu jogo ka dib amrkii loo diray odayaal rag dhalinyaro ah iyo wayeelkiii ay is fuarayen gacmo madhana lagala soo labtey ayey iyadii goaansatey in ay halka uu jogougu tagto soona weydiiso na ujeedadii ugu laabtumayey jacayl aan jirin iyo galgalcal aan dhamaanayn isna waxa uuku iri dad igama taqanid hana ibaran gabadheey wilkegana keen hadad doonto iyana waxay goaan satey in iyaga o is hor fadhiya ay is ugu yedho dad markaati u noqda arintedaba iyo wilkan say isku barteena ay uga sheekeso tasna waa usooro gashay ugu danbeen arintii waxay ku gabo gabawday WIILAW MAAD IGU DHOOFAYSAY iyo in ay gabadhii ka qaadato warqadeedii waxii ay meher xaq ugu yalatana ay ilahay dartiis uga hadho
Inkas too ay dad badani kula taliyen in ay ninkan dacweyso madamada ay wadamada galada ay dumarku kaga xaq badan yihiin raga dibna ugu celiso halkii ay ka kentey iyo s/land waxay iyadu ku gacan saydhay dhamaan hadalkii dadka una shegtey in waxkasta oo iilaahay dartii loo sameeyo ay akhriadeeda uga hadhayso sadaqana uga dhiganayso isaga illahy ka abaal marin dono dhibta uu u geestey..
DHAMAAD DHAMAAD
HADABA AKHRISTAYAALKA QIIMAHA IGU LEH WAXAN KA CODSANAYAA IN AYNAY UQADAN DHAMAAN WILASHA SOMALIDA AH IN AY SIDAN WADA YIHIIN LAKIN AY TAHAY UUN INTA UGU YAR EE DHACDA MAR WALBANA AKHRISTE OGAW IN AY JIRAAN DAD DADKA KALE EE WALAALAHOOD AH KU DANESTA WANA JIRAAN WANA BUUX IN WIILAL SOMALIYEED AY KU DHOOFAAN GABDHAHA SOMALIYEED EE PASSPORTSKA SITA SIDOO KALE WAXA GARABTAALA IN HABLUHUNA AY SIDAAS OO KALE SAMEEYAAN
AKHRISTE ISOO GUDBI WIXII ARAGTIDADA AH EE KU WAJAHAN SHEKADAN MAAD IGU DHOOFAYSAY WAAN QADANAYA DHALIISHAADA WAA WAXA AAN DIYARKA U AHAY IN AAN QAATO BINI ADAMKUNA MAR WALBA WAA KHALDAMI AKRAA WAA EEBE KOREYE KAAN KHALDAMIN EE XUMAAN KA NASAHAN KANA RAALI AHADA HADAD ARAGTAAN KHALADAAD DHANKA QORAALKA AH WAAD MAHADSANTIHIIN DHAAMAAN AKHRISTAYAALKA QAALIGA AHAW….
DHAMAAD DHAMAAAAAAAAAAAD
DIYAARIYE: HOODO AHMED IBRAHIM
Hoodo07@hotmail.com
Farriin ku socota walaalaha masuugay wadahadallada lala leeyahay UN-ka.
May 26, 2008 at 5:28 pm | In maqal | Leave a CommentTags: maqal
Qormadan gaaban waxaan isku dayayaa inaan ku qanciyo walaalaha ka biyo diidsan in la galo wax wadahaddallo ah xilligan.Arrintaas waxaan iskaga fakir noqon karnaa haddii aan fahamno saddex arrimood:1)- cidda nala diriraysa 2)-waxa ay ku dirirayaan iyo3)- qasdiga ay ka leeyihiin intaba.
1)-Cidda nala diriraysa.
Dagalka ka fool-kafoolka ah waxaan iska soo horjeednaa waa Ciidanka Itoobiya iyo wixii ay cagaha ku jiitaan,waxaase kor ka maamulaya Qarammada Midoobay oo uu Maraykanku hoggaamiyo.Nuqdada ugu muhiisan halkan waa in ciidanka Itoobiya ka dhimanaya aysan cidna u tirsanayn,waa qawmiyado sida Oromada,Guraaga,Canfar,Amxaaro iyo Soomaali(Kililka Shanaad) oo la soo qafaalay,nin walibana gadaal qori lagala taagan yahay,dadkaasi waxaa hoggaaminaya tiro kooban oo saraakiil Tigree ah,wax qiimo ahna uguma fadhiyaan xukuumadda ka talisa Addis Ababa,marka laga reebo saraakiisha iyo saraakiil xigeennada Tigreega ah.
2)-Waxa ay nagula dirirayaan.
Qalabka iyo saanadda iyo sahayda ay nagula dirirayaan waxaa bixiya dawladaha reer galbeedka oo uu u horreeyo Maraykanku.Dalka Itoobiya gudihiisa dadku gaajo ayuu ugu baqtinayaa.Itoobiya ma awooddo iney ciidan intaas le’eg dhaqaajiso ama dagaal geliso muddo dheer ayadoo kharashkeeda isticmaalaysa.Bal arrintani,waa Business u furmay xukuumadda Meles Zinawi,oo waxay dallaalaan lacagta lagu siiyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed,sidaas awgeed waxaa la oran karaa waa calooshood u shaqaystayaal(mercenary).Waxaa intaas sii dheer in xukunka dalka Itoobiya ay ku hastaan taageerada ay ka helaan reer galbeedka,kuwaasoo uga hiilliya mucaaradka Itoobiya madaama ay shaqo muhiim ah u hayaan(La daallank argagixisada).
3)-Qasdiga ay ka leeyihiin dagaalka.
Qasdiga ama yoolka dagaalka ka socda Soomaaliya wuxuu salka ku hayaa xisaab xagga tirada dadka(demography),waxay aamminsan yihiin in Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dad badan Afrikada madow,iney awooddo markii labo qof ayaga ka dhimato ay ku filan tahay iney hal qof oo Soomaali ah dilaan,aakhirtaankana Soomaaliya noqoto qubuur ay ku aasmaan malaayiin qof,si ay dalka ayagu ugu soo haraan.Sida kale markaan u dhigno 80 milyan oo Itoobiyaan ah iyo 8 milyan oo Soomaali tiradu waxay noqonaysaa toban jibbaar.
Maxaa keenay wadahadalka?.
Sideedaba,wadahadal waxaa loo gala in wixii aadan awooddaada ku heli Karin aad ku doonato si kale,adoo oggol tanaasul( wax ka tag waxna qaado);,waase in waxa kuu soo haray ay ku qancin karaan.
Wadahadallada lala leeyahay UN-ka kuma iman codsi ka yimid mucaaradka Soomaalida,balse waxaa keenay in qaar ka mid ah duwalkii isku bahaystay dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ay la soo xumaatay arrintaasi,oo ay yiraahdeen bal aan si kale arrinta ku eegno.Wadahadalladu ma filayo iney ku billaabanayaa si daacad ah,marna kama foga in wixii dagaal lagugu marsiin waayey lagu dayo farsamo kale,haseyeeshee marka laysku xooriyo xoogagga isbahaystay ee shacabka Soomaaliya lidka ku ah,wadahadalladu waxay u daran yihiin ama dhibayaan xukuumadda Addis Ababa iyo saaxiibbadeed,maxaa yeelay waxaa wax iska baddalayaan qaabkii ay wax ku heli jireen. Haddaba,anigu ma garanayo dhibaatada ay u leeyihiin Xoogagga waddaniyiinta ee dalkakooda xoreynaya,kuwaasoo awoodda in wixii aan u cuntamin iska diidaan.Meesha kuma jirto,sida Madaxda Isbahaysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed u sheegay in la citiraafayo TFGda,taasoo laga yaabo in qaybo ayada ka mid ah ay jeclaan lahaayeen dal Soomaaliyeed oo xor ah,hase yeeshee uu ducfi haysto ayagoon sheegi karin waxa ay rabaan.Ninna kama qarsoona,in hoggaamiyaha ka taliya Itoobiya dhowr jeer ku celceliyey in ciidammadiisu aysan Soomaaliya u iman iney dawlad u dhisaan ee wax keliya ee ay u joogaan uu yahy inaan dawlad Islaam ahi ka dhalan(reuters,21/05/08),taasoo micneheedu yahay in wixii shacaa’ir Islaam ka muuqdo ka dhammeeyo Soomaaliya(inaan Soomaaliya weligeed xasilin).
Haddaba,wadahadalka wax dhibaato ah uguma jirto Isbahaysiga,waxay u leedahay faa’iido ah iney kaga baxaan xisaarka dulmiga ku dhisan iyo shaabbada argagixisada ee kuwa Soomaaliya ku soo duulay ay ku hadaaqaan.
Waxaa intaas dheer in midnimadu mudan tahay in la dhowro,islamarkaasna lays qanciyo halkii idaacadda laysku marin lahaa farriimo xasaasi ah.Inkastoo halganka Xabashida lagu saarayo uu xaq yahay misana waa in la sii oddorosaa haddii ay Xabashidu baxdo maxaa ku xiga?. Labo uun bey mid tahay::Inaan dawlad dhisanayno iyo in halganku halkiisa kasii soconayo illaa Soomaali Galbeed la xoreeyo amaba Muslinka dulman gaalada laga xoreeyo.
Haddii hankeennu ku ekaado inaan dawlad Soomaalidu leedahay dhisno(anoo rajeynaya in badankeennu aan saas rabno) waxaa ku hortaal sidii aad bulshada caalamka uga mid noqon lahayd.Sidaas awgeed,dawlad aan lagula ogeyn ama lagula oggolaan ma shaqaynayso.waxay la mid tahay in “Geed Camba” ah aad ka taagto dhul lama dagaan ah.Siyaasadda caalamka waa laga saaray wixii la oran jiray dawlad madax bannaan(sovereign state),ma jirto madaxbannaani taam ah,dawlado annaga naga waaweyn baa lagu soo duulay..Xittaa haddii aan ka baxsanno in nalagu soo duulo,dawladda aan ka dhisno Soomaaliya ee waxa loogu yeero bulshada caalamku(UN) aysan raalli ka ahayn, dawladdaas waa la silcinayaa,sida dawladda Xamaas ee reer Falasdiin..
Waa in aan tixgelinno in siyaasadda caalamka ay hor booddo dawl qura (ama koox qura) oo ay ka taliso(unipolar system) tan iyo markii laga adkaaday xulufadii Ruushku hoggaamin jiray sannadkii 1989kii
Qaddiyadda Soomaalida,waa isaga mid caalamku,wax kuu gargaaraya ama ka hor imaanaya talada reer galbeedka ma jiraan.Weliba,kuwa loo yaqaan iney dawlado Muslim ah yihiin ayaa ugu daran oo kharashkooda ku bixinaya inaan dawlad Islaam ah ka dhalan Soomaaliya maxaa yeelay waxay ka baqayaan in shacabkoodu ku daydo Soomaalida(Masar iyo Sacuudiga ayaa ugu daran). Dalka Eritrea,oo iyaga qudhooda ay wax ka maqan yihiin, ayaa noo soo banbaxay.waxaa la oran karaa danaheenna ayaa isku soo dhacay,ee marna meesha kuma jirto jacayl gaar ah oo ay Soomaalida u qabaan(siyaasaddu saaxiib joogta ah ma leh ee waxay leeday dano joogto ah sidaas waxaa yiri English philosopher John Stuart Mill).Dalka Eritrea,ayuu ahaa kii Israiil saldhigga siiyey,deriskiisa Yemen ku duulay oo qabsaday Jaziira Al-Xaniish,Muslimka badan oo dalkiisa ku noolna cadaadiska ku haya.(Naar meel qabow ma leh).
Waxaan ku talinayaa in mudnaanta koowaad la siiyo in dalka laga saaro cadawga haysta haseyeeshee lagu dadaalo in gaalada aan lays raacin oo intii lakala reebi karo lakala reebo,gaar ahaan in sahayda ay Xabashidu nagula dirirto si xikmad ah looga jaro,taasoo ku imanaysa in gaalada qaarkeed wax laga dhaadhiciyo. War bal isweydiiya,maxaa dhammaan caalamku uga aamusay xasuuqa Soomaaliya ka dhacaya?Sow ma aha in adduunka aan joogno meel qura la shido lagana damiyo!
Culumada Soomaliyeed,aqoon yahanka iyo inta waxgaradka ah,waxaa loo baahan yahay in dalka la badbaadiyo,oo laga fikiro in Xabashi keliya aanan ishayn ee dalkeenna laga haysto dhanka UN-ka,Soomaaliya xoog keliya kuma xoreyn karno,waa in xeel ay wehliso xoogga.
Ugu dambeys waa in aan ka fijgnaanaa in arrimaha Soomaaliya aysan ku milmin kuwa ay isku hayaan labada maamul oo ayagu dhaqan ahaan isaga kaaya dhow.
Abdullahi Jaamac
Jaamacshire@hotmail.com
Somali Warlords are next door to you
May 24, 2008 at 5:51 pm | In siyasada somalia | Leave a CommentWarbaahinta Ingiriiska oo qorsheyneysa inay baahiso barnaamij “Somali Warlords are next door to you”
Warar hoosaadyo laga helayo qaar ka mida Warbaahinta madaxa banaan ee dalka Ingiriiska ayaa sheegayo inay qorsheeynayaan baahinta barnaamij xasaasiya oo lagu iftiiminaya hogaamiyeyaal ka tirsan labada garab ee Somaliya ku dagaalamaya kuwaas oo heysta dhalashada Britishka sidoo kalana qaato lacagaha Ceyrta sida ,Qoysaska aan shaqada heysan,Cuuryaannimada,waayeelnimada iyo Caruurta.
Barnaamijkaan oo loogu magacdaray “Somali Warlords are next door to you”ayey wararku sheegayaan inuu baahin doono mid ka mida telefishinada ugu afka dheer dalka UK,isagoo warbixintiisa kaga faa-iideysanayo muuqaalo uu hore u helay iyo kuwa cusub oo ka turjumayo shaqsiyaadka ka mida dagaal oogayaasha Soomaaliya ee heysta dhalashada Britishka,sidoo kalana weliba aanan xilalkooda siyaasadeed ka diiwaangelinta laanta Ceyr bixinta ee UK.
“Somali Warlords are next door to you” oo macnaheedu tahay”Dagaal oogayaasha waxay ku nool yihiin albaabka idinku dhegan” waxay ka dhigan tahay fariin siyaasadeed shacabka UK lagu dareen gelinayo,maadama micnahu tahay ,Dagaal Oogayaasha garabyada Soomaaliya waxay ku nool yihiin Ceeyrta Ingiriiska,waxayna heystaan dhalasho Britishka,sidaas daraadeed waxay wax ka degan yihiin Dalka UK.
Inkastoo hadii Barnaamijkaan si rasmiya loo faafiyo uu noqon karo mid xiisad abuuro oo ay ku baraarugaan shacabka Ingiriiska hadana wuxuu muhiimad gaara yeelan karaa hadii ay helaan films muujinayo madaxda ka tirsan dowlada federalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta inay weli qaataan Ceeyr.
Si kastaba ha ahaatee,Dhalashada Ingiriiska waxaa heysta madax sare oo ka tirsan dowlada Federalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta,waxaana ka mida Ra’isulwasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Col Nuur Xasan Xuseen (Nuurcadde),Taliyaha Ciidamadda Nabadsugida Federalka Jeneral Maxamed Warsame Darwiish,Wasiirka Arrimaha gudaha ee Federalka Mudane Muusse Nuur Amiin,Wasiirka Hoowlaha guud iyo guryeynta Mudane Nuur Iidoow Beeyle,Wasiirka beeraha Mustafe Dhuxuloow,Taliye ku xigeenka boliiska Soomaaliyeed Jeneral Axmed Taajir,Afhayeenka Madaxweynaha Dowlada Federalka Xuseen Xuubsireed,Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Maxamed Maxamud Gacmodheere,Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Isbaheysiga dib u xoreynta ahna madaxa ergada wada hadalada Jabuuti Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur,Sakariye Maxamud Xaaji Gudoomiye ku xigeenka Isbaheysiga dib u xoreynta, Mohamed Axmed Nuur “Tarzan” Xoghayaha Xafiiska Qorsheynta iyo Tababarada Isbaheysiga dib u xoreynta,Maxamed Cabdi Yusuf xubin sare oo ka mida golaha dhexe ee Isbaheysiga dib u xoreynta iyo weliba hogaamiyeyaal kale oo badan kana tirsan labada garab.
Digniin laga bixiyay dadka ku hadla Mobile-ka gacanta.
May 21, 2008 at 12:43 pm | In telecomunication | 2 CommentsTags: mobile
Diraasad cilmiyaysan ayaa lagu ogaaday halista ay la deris yihiin Dadka ku hadla Mobilka in ka badan 60 daqiiqo maalintii
Daraasada Cilmiyeeysan waxay xaqiijisay in dadka lixdan daqiiqo ka badan ku hadla Mobile-ka gacanta ay qarka u saaran yihiin inay dhega beelaan.
Machadku ku yaal magaalada Washington kuna takhasusay baaritaanada Caafimadka ee la xiriira sanka ,dhegaha ,dhuunta iyo qaliinada madaxa iyo qoorta ayaa shir sanadeedkii ugu dambeeyay waxay ku soo bandhigeen diraasad cilmiyaysan taas oo tilmaamaysa in dadka adeegsada mobilada in ka badan lixdan daqiiqo maalin kasta ay qarka u saaran yihiin in ay ku wayaan maqalkooda.
Dr.Narish Banda oo hormood ka ah khubarada soo saartay Daraasada ayaa waxaa uu sheegay in baaris lagu sameeyay ilaa 100 qof oo iyagu tubaruceen lagu ogaaday in dadka adeegsada mobilka in kabadan 60 daqiiqo maalinti ilaa muddo afar sano ah si weyn uu hoos ugu dhacay maqalkoodi
Daraasada waxaa lagu xusay in dadka laasinta ama badsada adeegsiga telefoonada gacanta uu dhibaato gaarsiinayo xubnaha hoose ee dhegta.
Xeeldheerayaasha takhasuska u leh Caafimaadka dhegaha waxay qabaan in habka kaliya ee looga badbaadi karo halista maqalka ee ku hadlidda telefoonada gacanta ay tahay iyada oo la adeegsado sameecada codka furan(Loud Speaker)
Dhaqaatiirta dhimirka ayaa qaba in isticmaalka badan ee Mobilka uu qofka u horseedo xanaaq iyo iloowsho joogtaa,waxaana mararka qaar dhacda,hurdo la’aan iyo neerfo kacsan had iyo jeer
Blog at WordPress.com. | Theme: Pool by Borja Fernandez.
Entries and comments feeds.

