Chanel4 Tv oo soo bandhigaya fadeexadaha Jen Darwiish,Jen Axmed Taajir iyo Gacmodheere,daawo sawiro hordhaca
May 26, 2008 at 10:48 pm | In siyasada somalia | 4 CommentsTelefishinka Chanel4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa 24-ka saac ee soo socda 8 Fiidnimo saacada UK wuxuu bilaabayaa baahinta Ducoments film ah oo laga sameeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Federalka oo heysta dhalashada British-ka ,kuna kacay tacadiyo ka baxsan xaquuqul insaanka.
Telefishinka wuxuu soo bandhigayaa guryaha ay ku nool yihiin sedexda hogaamiyeyaal oo ka mida ragga ku eedeysan ku lug lahaansho fal dimbiyeedyo dagaal.
Taliyaha Nabadsugida ee dowlada Federalka Jeneral Maxamed Warsame Darwiish ayuu telefishinka baahin doonaa muuqaalkiisa,muuqaalka guriga uu ka degan yahay Ingiriiska iyo weliba cadeeymo la xiriira in weli qoyskiisa qaataan lacagaha Ceeyrta loo yaqaan ee la siiyo dadka danyarta.
// –>
Muuqaalkaani waa gurigga Jeneral Darwiish ee ay ku nool yihiin qoyskiisa qaata lacagaha danyarta Dalka Ingiriiska gaar ahaan Leicester
Telefishinka Chanel4 waxaa uu sidoo kale soo bandhigayaa muuqaalka taliye ku xigeenka boliiska Soomaaliyeed Jeneral Axmed Xaashi Taajir oo isagana ku nool dalka Ingiriiska,wuxuuna muuqaalkiisa u adeegsan doonaa qaabkii uu ku degay UK iyo hoowlahii uu ka fuliyay Soomaaliya.

// –>
// –>
Maxamed Maxamud Gacmo dheere oo ah Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowlada Federalka oo isagana heysta dhalashada Ingiriiska ayaa noqonaya ninka sedexaad ee barnaamijka ugu horeeya lagu falanqeyn doono.
Sedexda Hogaamiye ee ka tirsan dowlada Federalka Cabdulahi Yusuf waxaa ducomentiyadooda u dhigma fadeexada heer dacwadeed dimbiyo dagaal hareer socda,Wareysiyo ay bixinayaan dad Soomaaliya oo qaarkood ka badbaaday xasuuqa ka socda dalka.
Dadkaas waxaa ka mida hooyo iyo wiilkeed wata raajo muujineysa xabada halka ay kaga jirto.
Inkastoo Barnaamijka la magacbaxay Dagaal Oogayaasha Soomaaliya waxay ku nool yihiin albaabka ku xiga lagu soo qaadan doono rag ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta hadana wuxuu wejiga hore naxdin gelinayaa Jeneral Maxamed Warsame Darwiish oo safka hore uga jira ragga ku eedeysan xasuuq dad rayida iyo jirdil ka baxsan xaquuqul insaanka
4 Comments »
RSS feed for comments on this post. TrackBack URI
Leave a comment
Blog at WordPress.com. | Theme: Pool by Borja Fernandez.
Entries and comments feeds.

walaal ugu horeebti wxaan halkaan kaslamayaah dhamaan bahwaybta somaaliyeed meelkastoo ayjoogaan salaan kadib anigu waxaan kunoolahay dalka holland mudo 17 sano ah somaliyana waxaa igu danbay waqti hore anigu aniga oo da daydu ahay 9 sano waxsaas ah kama xasuusto balse aad baan uga xumahay xasuuqa loogaysanayo shacabka somaaliyeed wax kaliya oo lagu ladagalami karo waxaan qbaa ayaa dganka alle loo noqdo qabyaladana la is kadhaafo wasalamu calaykum
Comment by maxamud — June 16, 2008 #
waxaan marka hore salaamayaa qoraaga Bogaan qeymaaha weyn iyo muwaadinimada xambaarsan
waad ku mahadsantahay waqtiga iyo maskada aad u hortay in aad wax ka diyaariso Dadka damiirkoodu dhintay marka
dhanka kale waxaa soomaaliyaa ka dhacayaa waa ariin aad iyo aad looga naxo oo walaac ah laakiin ay mudan tahay in la kala saro oo ah dhibka yaa wada iyo yaa dhibku ku dhacayaa waxaa dhibka wada waa GUMAYSIGA MADOW EE QARNIGAN oo ku soo dulay wadan XOR AH waxaanleenahay war hoyw nama taqaanid ee maanaga tagtid
waxaan Hambalyo iyo boogaadin uu dirayaa Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee naftoodi iyo maalkoodii u horay Dufaaca Diinta muqaaska ah iyo Dhulkii Alle ku banaystay ee Soomaaliyaa
Comment by cuuke — July 5, 2008 #
Sheeko run ah oo ku dhacday wiil iyo gabar Soomaliyeed oo Kunoolaa Wadanka Somali Gaar Ahaan Magaalada Muqdisho Taariikhudu Markey Aheed 23/7/97
Axmed Wali Mohamed Cise Iyo Seyruuq Jaamac Idiris Waxeyna Wadada Dhigan Jireen School Al Cimra oo Kuyaaley Xaafada Xamar Jadiid Seyruuq Waxey Aheed
Gabar Ad iyo aad isku Kala Weyn Badnaa aanan lahadli Jirin Ardayda Dhigtaa Schoolka Runtii Gabdhaasi Waxeyna Aheed Gabar ku Wanaagsan Xagaga Waxbarshada Lakiin Islaweyn Waxaana Galaaska Caadu u Ahaa Markey soo Gasho Aydoon Cid Aysan Lahadlin in Ay Fariisato Kursigeeda Gabadhaasi Waxaa aad Ujeclaa lakiin aan Usheegan Axmed Wali oo Asna Ahaa Wiilsha Galaaska Ugu Wanaagsan Dhanka Edaabta Iyo Waxbarshada intaba Maalin Maalmaha Kamid ah
Ayuu Waxuu Go aan Buuxada Ku gaarey Axmed In uu Waraaq ama Fariin udero Seyruun Waxuuna soo Diyaarsadey Waraaqdii iyo Qalinkii Waxaana uu Bilaabey Waxuuna Kubilaabey Sidatan ************
To Seyruuq Jaamac Idiris From Naf kujecel
Waxaan Marka Hore Hawada kusoo Marinayaa Salaan qiimo Qaayo badan Salaan taasoo Kagaaga Soo Gudey Xubnaha uugu Muhiim san Jirkeyga Salaan taasoo Kamcaan badan Malabka Shinda Kana Udgoon badan Saxan Saxada Roobka Macaaneey Hadaan kaagaga Waramo Xaaladey Waxaan Ahay Naf kujecl Waxaan kaa Codsanyaa in aad Wax igaaga la qabto Jaceylka aan kuu qabo Waxaana Filayaa Markaad Aragto Fariinteyda in aad Jawaab Dag Dag ah Isoo Deri Doonto ama Ad isoo Gaarsiin Doonto Macaaneey *************
Daruuraha hilaaciyo
Dayax Nuurayaay tahey
Soomalida dirkeediyo
Dun Xariira baad tahey
Dawadii jacaylkiyo
Dookhiisiibaad tahey
****************
Deegaan bislaatiyo
Doog baxaya baad tahey
Qalbigu ku dararoo
Indhaha kugu doogsada
*****************
Waraaqdii Dhanbaalka Ahayd ee Axmed Wali Waxuu Gu aan ku gaarey in uu Farha kasaaro Seyruuq Asagoo Maalinkaasi Cabsi Farabadan Kamuuqatey Iyo Naxdin Asgoo Maalinkaasi Islahaa Armey kuugu Xanaaqdaa oo ay Maanta ku Ceebeysaa Seyruuq oo Maalinkaasi aad Moodo Quruxda Iyo Dhalaalka oo aad moodo in ay soo Adey Aroos Ama Xalfad Ayaa Soogashey Galaaska Waxeyna Maalinkaasi
Salaantey Ardeydoo Dhan Waa Markii ay uugu Horeysay ay Salaanto Ardeyda….
Waxeyna Agfariisatey Kursigii Axmed Wali Waxuu Bilaabey in uu Yiraahdo Abaayo macaan Waan kusalaamey Seyruuq aydiina Waxey Tire Waan kaa Gudoomey Walaale Waxuuna Gudoon Siiyey Waraaqdii Quruxda Badneed ayduna Waa ay Gudoontey
Comment by waa sheeko jacel macaan — July 30, 2009 #
Sheeko run ah oo ku dhacday wiil iyo gabar Soomaliyeed oo Kunoolaa Wadanka Somali Gaar Ahaan Magaalada Muqdisho Taariikhudu Markey Aheed 23/7/97
Axmed Wali Mohamed Cise Iyo Seyruuq Jaamac Idiris Waxeyna Wadada Dhigan Jireen School Al Cimra oo Kuyaaley Xaafada Xamar Jadiid Seyruuq Waxey Aheed
Gabar Ad iyo aad isku Kala Weyn Badnaa aanan lahadli Jirin Ardayda Dhigtaa Schoolka Runtii Gabdhaasi Waxeyna Aheed Gabar ku Wanaagsan Xagaga Waxbarshada Lakiin Islaweyn Waxaana Galaaska Caadu u Ahaa Markey soo Gasho Aydoon Cid Aysan Lahadlin in Ay Fariisato Kursigeeda Gabadhaasi Waxaa aad Ujeclaa lakiin aan Usheegan Axmed Wali oo Asna Ahaa Wiilsha Galaaska Ugu Wanaagsan Dhanka Edaabta Iyo Waxbarshada intaba Maalin Maalmaha Kamid ah
Ayuu Waxuu Go aan Buuxada Ku gaarey Axmed In uu Waraaq ama Fariin udero Seyruun Waxuuna soo Diyaarsadey Waraaqdii iyo Qalinkii Waxaana uu Bilaabey Waxuuna Kubilaabey Sidatan ************
Comment by waa sheeko jacel macaan — July 30, 2009 #