Xogta Baarlamaanka iyo Xaaladda Xukuumadda, Nabadda Nuur Cadde iyo nacabka hortaagan

August 11, 2008 at 11:34 pm | In maqal | 1 Comment
.

Maxaad kala socotaa xogta rasmiga ah ee baarlamaanka fadhiidka Baydhaba ku ah, waxaa macquul ah in dadka qaar ka dhowrayaan go’aan qaadasho iyo in kalsoonida kala laaban doonaan xukuumadda nabadda ee Nuur Cadde hor boodayo iyo iyadoo dhagaha dadku ay soo gaarayso warar duul duul ah oo ku saabsan in qilaaf ku kala dhex jiro Madaxweynaha iyo R/wasaaraha qilaafkaasoo soo bilaawday tan iyo markii calanka cad ee nabada uu qaatay Nuur Cadde.

Waxaa horey loola socday in Xukuumaddu qaaday talaabooyin horumar leh oo ay ka mid ahaayeen aadna loogu xasuustaa Sii deyntii duqowda dhaqanka ee Magaaladda Muqdisho iyo maxaabiis kaloo siyaasad iyo arimo dhaqaale raadinba ugu xirnaa dowladda.

Waxaa xigay oo sidoo kale lawada xasuustaa kulamadii dhiirashada lahaa oo ay la qaateen qaar kamida siyasiyiinta, culimadda, doqowda iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee dhaliishan hab dhaqanka dowladda iyo siyaasadeeda qalafsan.

Continue reading Xogta Baarlamaanka iyo Xaaladda Xukuumadda, Nabadda Nuur Cadde iyo nacabka hortaagan…

Yaa guuleysan-doona Yuusuf iyo Nur Cade?”Faallo uu Qorey wariye Saxnuuni”

August 11, 2008 at 10:42 pm | In siyasada somalia | 3 Comments


In dhawaalaba waxay Soomaalida hadal hayeen khilaaf-ka soo ifbaxay ee u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowlada federaalka Somalia ee Maleteriga Ethiopian ay ilaaliyaan, waana khilaaf u yara eg kii dhexmaray Prof geedi iyo Cabdulaahi Yuusuf, waxayna shacabka Soamaalida is weyndiinayaan halka uu ku dambeyn doono Khilaafkaan ugub-ka ah ee u dhaxeeya Nuur Cade iyo Cabdulaahi Yuusuf.

Hadaba, su’aasha ugu badan ee ay is weydiinayaan Soomaalida ayaa waxay tahay YAA GUULEYSAN DOONA NUUR CADE IYO CABDULAAHI YUUSUF? Jawaabta su’aashaan deg deg looguma jawaabi karo balse waxaa la tilmaami karaa waxyaabaha keeni kara labada Korneel in midkood uu ka guulaysto kan kale, anagoo dhinacyo badan waxka eegi doono Inshaa Allah, waxaana u kala qaadeynaa arimaha u Sahli kara midba mid kale inuu ka guuleyso waxyaabo badan sida qaab ciyaareedka siyaasadooda, Taageerida ay ka haystaan Qabaa’iladooda, Ethiopian iyo Beesha Caalamka.

Inta aana u gudo galin, arimahaas aan kor ku xusay, bal aan yara balbalaariyo waa dad ceynkee ah Nuur Cade iyo Cabdulaahi Yuusuf?. Marka hore Nuur Cade waa nin Korneel ah oo Qareen ah, misana u soo shaqeeyay hay’ada samafal mudo ku dhow labaatan sano, waana nin aan ka qayb qaadan dagaalada Ahliga ahaa oo ay isku xasuuqeen Soomaalida, waana nin nabada jecel oo shacab badan soo jiitay intuu xilka hayay. Dhan ka kale Cabdulaahi Yuusuf waa nin isna Korneel ah, oo mudooyin badan xabsi ku qaatay noloshiisa markii ay xireen Talisyadii Siyad bare iyo Mingiste, sidoo kale, waxa uu si weyn ugu qaybqaatay dagaalada sokeeye ee Soomaliya, isagoo ka qaybqaatay dagaalo badan, oo waxa uu ka soo cayaaray Lambarka 10aad, waxa uuna ku faanaa in uu yahay ninkii ugu horeeyay ee gaari Qori saaro (Tikniko). Xitaa waxaa laga hayaa inuu yiri waxaan ahay MAQUUSTE, Cabdulaahi Yuusuf waa nin jecel meesha uu xukumaayo inuu ka dhigo Nabad sida Soomaalida ay ogyihiin nabada Puntland isaga ayaa saldhigay inakstoo inta uu xukunkaasi wareejiyay madmadow badan soo galay Nabadii Puntland taasoo dad reer Punlanad ay ku sheegeen jaleeca Hogaanka Punland ee haatan.

Continue reading Yaa guuleysan-doona Yuusuf iyo Nur Cade?”Faallo uu Qorey wariye Saxnuuni”…

Blog at WordPress.com. | Theme: Pool by Borja Fernandez.
Entries and comments feeds.