Masaariyad dhashay 7 Mantaano+Daawo
October 21, 2008 at 3:14 pm | In mucjisoyinka | 2 Comments

Ghazala Khamis oo ah haweeney 27 jir una dhalatay Dalka Masar ayaa ayaa cisbitaal ku yaalo Magaalada Waqooyi ee Alexandria oo lagu magacaabo El-Shatbi Hospital ku dhashay 7 caruur mataano ah sabtidii lasoo dhaafey iyadoo mataanahaan ay afar yihiin wiilal halka sedexda kalena ay yihiin gabdho.
“Xaaladda caafimaad ee caruurtaan iyo hooyadood ayaa ah mid aad u fiican balse ay ku dhasheen miisaan aad u yar ” Waxay ku dhasheen 1.45kg illaa 2.80kg xaaladooda waa heer sare” sidaa waxaa wakaalada wararka AP u sheegay Dr Emad Darwish oo ah agaasimaha Hospitalka.
Dr Emad ayaa sidoo kale sheegay inuu uurkaan ahaa mid aad u cuslaa sidaas darteed ay sugi waayeen xilligii ay ku dhalasay waxayna soo hormariyeen bil iyadoo sidaasna lagu qalay maadaama ay dhibaato ku noqon laheed haweeneydaan inay caadi u dhasho, Dowladda Masar ayaa waxa kaliya oo ay u balan qaaday caruurtaan inay siinayso xafaayaddo iyo caano 2 sano oo kaliya balse ay tahay mid sii saacido doonto.
Mataanaha dhasho ayaa inta badan lagu arki jiray 3 illaa 4 iyadoo waliba ay adkeyd sida ay ku noolaadaan iyagoo caafimaad qabo, hadaba arintaan ayaa noqotay mucjiso layaab ah oo ka timid dhanka Alle, arintaan ayaa adduunka oo dhan indho ku hayeen shalay iyo maanta iyadoo laga yaaba in ay helaan qoyskaan gargaar dhaqaalo maadaama ay adagtay sida lagu koriyo mar 7 caruur ah oo mar qura wada dhashay.
ANNIKA IRMLER OO NOQOTAY GABADHA UGU CARAB DHEER DUNIDA
October 21, 2008 at 3:11 pm | In mucjisoyinka | Leave a Comment
Annika Irmler oo ah gabar u dhalatay Tangstedt oo ah tuulo ku dhaw Magaalada Hamburg ee dalka Germany ayaa loo caleemo saaray inay gabadha adduunka ugu carab dheer iyadoo carabkeeda dhirirkiisa uu noqday 70mm (7cm) Annika ayaa lagu qoray amaba lagu xaqiijiyay inay ugu carab dheertahay adduunka buuga lagu qoro dadka adduunka ugu mucjiso badan ee loo yaqaano Guinness World Records Book.
Saaxiibadeey badanaa waxay i dhahaan waxaad leedahay carab la yaab leh oo aad u dheer waana ogahay lacag badan ayaan ka sameyn doonaa maalin qura ayay tiri Annika oo u waramasay tv-ga ZDF ee laga daawo wadanka Germany sidoo sheegtay iyadoo hadalkeeda sii wadato ayaa waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay dadka ka aqrista amaba ka daawada adduunka meel kasta oo ay joogaan,


Maalintii iigu horeysay oo aan aado Dugsiga (School) waxaan banaanka soo dhigayay carabkeyga si ay u arkaan dhamaan ardayda iyo macalimiinta iyagoo aad ula yaabay ayna aamini waayeen inuu yahay carabkeyga saxda ah ayay tiri Annika.

Dhaqaatiirka wadanka Germany oo baaris caafimaad ku sameeyay gabadhaan ayaa waxay sheegeen inay macquul tahay inuu Innika carabkeeda uu labo jibaarmo maadaama ay sii koreyso da’deeduna ay tahay mid ka yar 20.
Naagta ugu luga dheer aduunka oo la kulantay ninka ugu yar dunida.
October 21, 2008 at 2:39 pm | In mucjisoyinka | Leave a Comment
Waxaa ku kulmay bartamaha magaalada London Hi Pinpin oo dhererkiisu yahay 73 cm una dhashay dalka China ayaa loo doortay ninka ugu jab yar adduunka, waxuuna la kulamayaa sida aad daawaneysaan haweeneyda ugu lugaha dheer caalamka oo lagu magacaabo Svetlana Pankratova waxayna gaarayaan dhererka lugaheeda ilaa iyo 132 cm oo dherer ahaan aad uga dheer mr Pimpimp oo istaagsan lugaha gabadhan hoosteeda waxaana sawiro looga qaaday iyagoo taagan Trafalgar Square oo ah bartamaha magaalada London iyadoo ay ka muuqatay farxad laga dareemayay wejiyada labadooda, waxaana sawiradan lagu soo daabici doono buugga Guinness World Record ee caalamiga waxaana iyadoo la lasoo xambaaray la weydiiyay sida uu u arko kulankan uula yeeshay gabadhan lugaheedu aadka u dheeryahiin waxuuna ku jawaabay inay u tahay farxad iyo reyn reyn iyadoo codkiisana laga dareemayay inuu yahay ruuxa adunka ugu yar.

Waxaa sidoo kale halkasi iyadoo aad u faraxsan ka hadashay Svetlana Pankratova oo ah gabadhan lugaheeda aadka u dheer yahiin oo iyadu isku tilmaamtay inay tahay boqorada lugaha adduunka maadaama lagu qorey buugga Guinness World Record.


HADDII AAD RABTO INAAD DAAWATO ISAGOO YOUTUBE AH RIIX HALKAAN
Archives
Ma Sosial network
Inta Online-ka ah
-
Qoraladi Ugu danbeyay
- Masaariyad dhashay 7 Mantaano+Daawo
- ANNIKA IRMLER OO NOQOTAY GABADHA UGU CARAB DHEER DUNIDA
- Naagta ugu luga dheer aduunka oo la kulantay ninka ugu yar dunida.
- Xogta Baarlamaanka iyo Xaaladda Xukuumadda, Nabadda Nuur Cadde iyo nacabka hortaagan
- Yaa guuleysan-doona Yuusuf iyo Nur Cade?”Faallo uu Qorey wariye Saxnuuni”
- Jaaliyadda & Howlwadeenada safaarada Soomaalida Ruushka oo eedeyn kulul u jeediyey safiirka dowladda federaalka
- Xasan Waraabacade Oo Weerar Ku Qaaday Qaban qaabiyaasha Tartamada Kala Maseyrka Ee Somali Yurub.
- MIYAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 3AAD
- Taariikh nololeedkii marxuum Jen. M. F. Ceydiid oo ahaa hogaamiyihii isbaheysiga SNA.
- Weriyeyaal iyo Fanaaniin ka hadlay taariikhda Cabdalla Nuuradiin Axmed+daawo sawiro.
- Allaha unaxariistee Wariye Abwaan Cabdalla Nuura diin Axmed oo Muqdisho ku geeryooday .
- Allaha unaxariistee Al-Fanaan Xasan Diiriye Faarax oo geeriyooday.
- Husbands of The Year !!!
- Xilliga Doorashooyinka & Doorka Soomaalida Mareykanka-
- Chanel4 Tv oo soo bandhigaya fadeexadaha Jen Darwiish,Jen Axmed Taajir iyo Gacmodheere,daawo sawiro hordhaca
-
Top Posts
- Raaxada Guurka VI
- True Love Sheeko jacel oo dhab ah part 2
- True Love Sheeko jacel oo dhab ah
- Ajuuraan Dynasty
- 50-JIR AAN WELIGIIS GUURSAN OO KA SHEEKEYNAYA SABABTA UU U GUURSAN WAAYAY IYO HEESO UU KA SAMEEYAY SABABTAAS
- Raaxada Guurka IV
- Maxaad ka Taqaan Heesaha Loogu Jecel yahay ee Fanaanadda Sahro Axmed Jaamac la qaado dhinaca raga
Categories
-
Since April 07
- 76,667 Readers
Inta logu aqriska badanyahay
-
Recent Comments
wadani on Guurku Mashruuc Miyuu Noqday? … burhan on Ajuuraan Dynasty binti boqor ajuuraan on Ajuuraan Dynasty ahmed on Ajuuraan Dynasty ahmed on Ajuuraan Dynasty Burhan,Dayib on Ajuuraan Dynasty fani on True Love Sheeko jacel oo dhab… eng digaale on Taariikh nololeedkii MD. C/ras… Imaam sultaan on Ajuuraan Dynasty maxamad on QALANJADII GOL JANO Tags
Blogger
Fav. Links
Somali Links
-
Spam Blocked
Blog at WordPress.com. | Theme: Pool by Borja Fernandez.
Entries and comments feeds.
