ANNIKA IRMLER OO NOQOTAY GABADHA UGU CARAB DHEER DUNIDA

October 21, 2008 at 3:11 pm | In mucjisoyinka | Leave a Comment

Annika Irmler oo ah gabar u dhalatay Tangstedt oo ah tuulo ku dhaw Magaalada Hamburg ee dalka Germany ayaa loo caleemo saaray inay gabadha adduunka ugu carab dheer iyadoo carabkeeda dhirirkiisa uu noqday 70mm (7cm) Annika ayaa lagu qoray amaba lagu xaqiijiyay inay ugu carab dheertahay adduunka buuga lagu qoro dadka adduunka ugu mucjiso badan ee loo yaqaano Guinness World Records Book.

Saaxiibadeey badanaa waxay i dhahaan waxaad leedahay carab la yaab leh oo aad u dheer waana ogahay lacag badan ayaan ka sameyn doonaa maalin qura ayay tiri Annika oo u waramasay tv-ga ZDF ee laga daawo wadanka Germany sidoo sheegtay iyadoo hadalkeeda sii wadato ayaa waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay dadka ka aqrista amaba ka daawada adduunka meel kasta oo ay joogaan,


Maalintii iigu horeysay oo aan aado Dugsiga (School) waxaan banaanka soo dhigayay carabkeyga si ay u arkaan dhamaan ardayda iyo macalimiinta iyagoo aad ula yaabay ayna aamini waayeen inuu yahay carabkeyga saxda ah ayay tiri Annika.


Dhaqaatiirka wadanka Germany oo baaris caafimaad ku sameeyay gabadhaan ayaa waxay sheegeen inay macquul tahay inuu Innika carabkeeda uu labo jibaarmo maadaama ay sii koreyso da’deeduna ay tahay mid ka yar 20.

No Comments Yet »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a comment

XHTML: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Blog at WordPress.com. | Theme: Pool by Borja Fernandez.
Entries and comments feeds.