Book-ga Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? oo dhameestiran

September 30, 2010 at 11:18 am | Posted in Quraan | 2 Comments
Tags:

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?

Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, waa Kitaab Xambarsan Taariikhihii Caalamka laga bilaabo Habka Koonka loo abuuray ilaa iyo sida u ku gabagaboobi doono Caalamka marka la gaaro Saacada Qiyaamaha Dhicitaankeeda, taasoo macnaheedu yahay Kitaabka Qur’aanku waa Kitaab wax walba koobay wax uu ka tagayna ma jirto.

Qur’aanku waa Kalimadii Alle ee Mucjizada aheyd taasoo lagu soo dajiyay Nabigii ugu Dambeeyay Nabiyaasha ee Muxamad {Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee} ayadoo loo soo marsiiyay Amiirkii Malaaigta Jibriil.

Waxaa uu Allaah usoo Dajiyay in Ummadda Dastuur u noqdo, Caalamka oo dhana Hanuun, uuna u ahaado Tilmaan Muujineysa Xaqnimada Nabi Muxamad inuu yahay kii Rususha Allaah ugu Dambeeyay, Xujadiisana u haato mid taagnaaneysa ilaa laga gaaro Maalinta Qiyaamaha taasoo Cadeyneysa inuu yahay Kitaabkan Mid Allaah soo Dajiyay.

Fadliga Qur’aanka:

Fadliga Qur’aanka waxaana Cadeyayay Nusuus badan oo isugu jira Aaayado Qur’aan ah iyo Axadiis sasiix ah, arintaasoo nagu Baraarujineysa in aan waqtigeena ku bixino barashadiisa iyo baridiisa, waxaana ka mid ah Nusuustaas:

1=Aayada 29aad ee Suurada Al-Faadhir:{Kuwa aqriya Kitaabka Allah oo Salaada Ooga, oo wax ka bixiya waxaan ku Arzaaqnay Si Qarsoon iyo Muqaataba waxey Rajeynayaan Ganacsi aan Baareynin}

2=Aayada 204aad ee Suurada Al-Acraaf:{Markii la aqriyo Qur’aanka dhageyta una Dhag raariciyana in laydiin naxariisto}

3=Aayada 24aad ee Suurada Muxamad{Miyayna Quraanka u fiirsaneynin mise Qalbiyadoodaa Daboolan}

Xaga Aaxaadiista waxaa ka mid ah kuwan soo socda:

1=Xadiisk Macnihiisu yahay: (Waxaa idinkugu kheyr badan Ruuxa Qur’aanka barta Dadkana Bara) waxaa wariyay Bukhaari{Allaha u RaNaxariistee}.

2=Waxaa kaloo tusiya Fadliga Qur’aanka Xadiiska Macnihiisu yahay: (Ummadeyda kuwa ugu Sharaf badan waa kuwa Qur’aanka Xifdiyay) waxaa Wariyay Tirmiidi {Allaha u Naxariistee}.

Anigoon Qoraalka Dheereyn hadii aan Dul istaago Ayadahaas iyo Axaadiistaas waxaan ka Faaiideysaneynaa Arimahan soo socda:

B)= Qofka Qur’aanka aqriya ee Cibaadooyinka kalana ilaaliyo si joogta ah waxaa uu helayaa Ajar aan kala joogsi laheyn mar kasta.

T)= In Raxmad uu helayo Ruuxii Marka uu Qur’aanka maqlo Aaamusa oo si wanaagsana u dhageysta.

J)= kuwa aanan Qur’aanka si ka feker leh u dhageysan ay yihiin kuwa Qalbiga ka Daboolan yahay oo moog Qiimaha Quraanku leeyahay.

X)= Ummadda Nabi Muxamad waxaa ugu Qiimo sareeya Ahlu Culmiga dadka ah ee Qur’aanka Bartay isla markaana u Faaiideeya dadka kale ee Cilmiga Faafiya.

Magacyada Qur’aanka:

Qur’aanku waxaa uu leeyahay Magacyo iyo Tilmaamo Muujinaayo Sharafta iyo Karaamada Qur’aanku leeyahay, hadii aan soo koobana waxaa ka mid ah kuwaan soo socda:

1=Al-Qur’aan: waxaa magacaan laga qaatay Aayado Fara badan oo ku tilmaamay inuu yahay Kitaabkan Quraan sida Aayada 1aad ee Suurada Khaaf:{Eebe waxuu ku Dhaartay Qur’aanka Sharafta leh (in dadka la soo bixin doono Qiyaamaha)}. Iyo Aayada 9aad ee Suurada Al-Israa:{Qur’aankana waxuu ku Hanuunin Dadka Arinta u Toosan uguna Bishaareynayaa kuwa Falka Wanaagsan in ay Mudan yihiin Ajar weyn}.

2=Waxaa kaloo lagu Magacaabaa Al-Furqaan sida ku cad Aayada 1aad ee Suurada Al-Furqaan:{Waxaa Kheyr badan oo weyn Allaha kusoo dajiyay Quraanka Adoonkiisa(Nabiga) inuu u haado Caalamka u dige}.

3=Waxaa kaloo lagu Magcaabaa Al-Tanziil sida ku cad Aayadaha 192 iyo 193aad ee Suurada Al-Shucaraa:{Qur’aankuna waa soo dajin Allaha Caalamka, waxaa kula soo dagan Ruux Aamin ah (Jibriil)}.

4=Waxaa kaloo Qur’aanka loo yaqaan Al-Kitaab sida ku cad Aayada 1aad ilaa sadaxaad ee Suurada Al-Dukhaanka:{Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cad (Qur’aanka)}.

Hadii aan Xaga Tilmaamaha Qur’aanka wax ka Sheegana waxaa ka mid ah waxyaabaha lagu tilmaamay Qur’aanka kuwaan soo socda: Burhaan, Nuur Cad, Daawo, Raxmad iyo kuwa kale oo aad u fara badan oo Dhamaantoodna ah wax la taaban karo marka aad loo baaro Quraanka iyo sida uu Nolosha Dadka wax uga badalo una Horumariyo Qofkii qabsada, asagoo isla markaana ah Daawo aad loogu Bogsado aadna u wacan wax la mid ahana aysan jirin sida uu wax u Daaweeyo, waayo Qur’aanka waxaa lagu Daaweeyaa Ruuxda Markii ay Bukooto iyo Xanuunada ku Dhaca Jirkaba … taasoo Macnaheedu yahay in aysan jirin Daawo Noocaas oo kala ah marka laga Hadlaayo Daawooyinka Maanta Dunida laga Isticmaalo.

Soo Dagitaankii Qur’aanka:

Qur’aanka Kariimka ah waxaa uu markii ugu horeysay soo dagtay xili Nabi Muxamad uu joogay Godka loo yaqaan Xeraa 17 Bishii Ramadaanka Nabiga oo Xiligaas 40 jir ahaa, waxaana u Qur’aanka soo dagaayay mudo gaareysay 23 Sano taasoo macnaheedu yahay Qur’anka waxaa uu soo dagaayay intii uu Nabiga Noolaa laga bilaabo maalinkaas ilaa uu ka geeriyooday waaana uuna ka kooban yahay 114 Suuradood oo ay Suurada Al-Faatixa ugu sareyso uguna Hooseyso Suurada Al-Naas.

Ayadii u horeysay iyo tii u Dambeysay:

Bukhaari waxaa uu Saxiixiisa ku wariyay Aayadihii ugu horeeyay ee Qur’aanka ee Nabiga lagu soo dajiyay in ay ahaayeen Aayadaha ugu horeeya ee Suurada Al-Iqra, waxaana ah aayadihii ugu Dambeeyay ee soo dagtay Aayada 281aad ee Suurada Al-Baqar, waxa ayna Culimada aadka ugu Xeelka dheer aqoonta Diinta Islaamka sheegeen in Aayadan soo dagatay ka hor geeridii Nabiga Sagaal Maalmood, ka dibna Nabiga waxa uu geeriyooday Habeen Isniin ah 3dii Bisha Rabiicul-Awal, sida uu ku Sheegay Kitaabka Al-Itqaan Sheekha la yiraahdo Siyuudhi {Allaha u Raxmadee}, waxaana sidaas oo kale qaba Saxaabiga la yiraahdo Ibni cabaas oo ah Caalimkii Ummadda Nabi Muxamad {Allaha ka Raali Noqdee} sida uu wariyay Nasaai{Allaha u Naxariistee}.

Qur’aanka iyo Habka loogu Aruuriyay Kitaab kaliya:

Qur’aanka Kariimka waxaa Nabiga iyo Saxaabiisiiba ku bixin jireen Dadaal dheeraad ah sidii loo xifdin lahaa ilaa uu waxaana lagu soo koobaa habkii ay u Xifdin jireen laba qeybood oo kala ah:

1=in Qur’aanka lagu Xifdiyo Laabta, taasoo aheyd wadada kaliya ee uu Nabiga wax ku Xifdin jiray, maadama uu ahaa Nabi Ummi ah, waxaa uuna ku Tukan jiray Habeenkii oo dhan Maalintiina Saxaabada ayuu Xifdisiin jiray, Xiligaasna waxa Jaziirada Carabta Caan ka ahaa in Dadku aad wax u Xifdiyaan sida Gabayada iyo Nasabka iyo Taariikhaha, taasoo Fursad weyn u siisay Dadkii Carabta ahaa ee Muslimay in ay aad u Xifdiyaan Quraanka Kariimka ah.

Sidaa daraadeed ayaa waxaa la tilmaamaa Xaafidiinta Qur’aanka Xiligii Nabiga in ay aad u fara badnaayeen waxaana arintaas Tusaale u ah Duulaankii Yamaama kaliya in ay Saxaabada kaga Shahiiday 70 Xaafidiin ah, tiradaas oo kalana Xiligii Nabiga ayay ku Shahiiday Maalin kaliya Markii Koox Xaafidiin ah lagu laayay si gaad ah kuwaasoo Cadadkoodu gaaraayay ilaa iyo 70 Saaxaabi.

2=Habka labaad ee Xiligii Nabi Muxamad (Nabad iyo naxariis Allaha yelee) Qur’aanka lagu aruuriyay waxaa uu ahaa in Qaar Saxaabada ka mid ah oo si wanaagsan u yaqaanay Qoritaanka Afka Carabiga in ay Diiwaaniyaan Qur’aanka oo dhan, taasoo loola jeeday si ay usii xoojiyaan Xifdintii xaga Qalbiga,.. waxaana ugu Caansanaa Saxaabada waxyiga qori jirtay :(Ubey Ibnu Kacab, Zeyd Ibnu Thaabit, Mucaad Ibnu Jabal, Mucaawiya Ibni Abii Sufyaan iyo Afarta Khulafada Raashidiinta aheyd: Abuu Bakar, Cumar, Cuthmaan iyo Cali Ibni Abii Dhaalib) Saxaabadaasna Nabiga ayaa Gacantiisa ugu Doortay in ay qabtaan Shaqadaas Qaaliga ah gutaana Amaanadaas aadka u weyn, waxaana jiray intii uu Nabiga joogay qaar badan oo Saxaabada ka mid ah oo Kitaabo ku aruuriyay Qur’aanka, waxaana ugu Caansanaa afar Saxaabi oo u Dhashay Reer Madiina-Ansaartaii Nabiga- waxayna kala ahaayeen: (Ubey Ibnu Kacab, Mucaad Ibnu Jabal, Zeyd Ibnu Thaabit iyo Abuu Zeyd) taasna waxaa macnaheedu noqonayaa waxaa kaloo jiray Saxaabo kale oo fara badan oo waxyiga Diiwaanin jiray lahaana Kitaabo oo ay Gacantooda ku qorteen sida: (C/llaahi Ibnu Mascuud, Cali Ibni Abii Dhaalib iyo Caaisha Binti Abii Bakar).

Waxa ay Qalab ahaan u Isticmaali jireen Qoritaankooda Maqaarka Xoolaha iyo Meyraxda Geedaha qaar kuwaas oo xiligaas ahaa waxa ugu wanaagsan ee loo Isticmaalo Qoraalada.

Xiligii Abuu Bakar:

Arinta ugu weyn ee keentay in Qur’aanka Kitaab qura lagu Diiwaaniyo waxa ay tahay sidaan horey u tilmaanayba in laga baqay Geeridii ku imaaneysay Xaafidiinta Xiliyadii Dagaalka lagula jiray Murtadiintii ay sababi karto in Qur’aanka qaar ka mid ah la weyn karo, waxaana ugu horeeyay Saxaabada arintaas aadka uga hadlay Cumar Ibnu Khadaab oo kula taliyay Abuubakar inuu Kitaab ku aruuriyo Quraanka si looga badbaado qatarta ka dhalan karta Raga Xaafidiinta ah oo sii bar yaraanaayay, Abu Bakarna markii danbe taladii Cumar ayuu ku qancay waxaana uu amray Zeyd Ibnu Thaabit inuu inuu u Istaago sidii Kitaab Qura loogu aruurin lahaa Qur’aanka oo dhan, Zeydna wuu ka aqbalay waloow ay Culeys ula muuqatay..

Zeyd waxaa uu u Istaagay aruurinta Quraanka ilaa uu kaga guuleestay Shaqadii loo xilsaarar oo uu Kitaab kaliya isugu wada keenay Qur’aanka oo dhameystiran, Kitaabkii uu Zeyd Diyaariyana waxaa Gacanta ku heyn jiray Abuubakar intii uu Noolaa, ka dibna waxaa uu ku wareegtay Cumar ilaa uu ka geeriyoonayay, ka dibna Xafsa Ibnu Cumar, arintan ku saabsan aruurinta Qur’aanka Bukahaari ayuu ku faahfaahiyay Kitaabkiisa Saxiiixa ah.

Xiligii Cuthmaan Ibnu Cafaan:

Muslimiinta Markii Dhulkooda balaartay oo ay gaareen Bartamaha Aasiya ilaa Arminiya iyo Azarbajan waxaa ka mid ahaa Saxaabada tagtay Dhulkaas Xudeyfa Ibnu Yamaan waxaa uuna usoo Sheegay Cuthmaan Ibnu Cafaan qaladaad Qatar ah oo uu ku Saabsan Qur’aanka iyo Khilaafaad ka bilaawday Dhulkaas oo ku saabsan Hab aqrinta Qur’aanka, sidaa darteed waxa uu Cuthmaan talo ku goostay inuu Qur’aanka ku aruuriyo hal kitaab si ay u Sahlanaato in laga dhowro Quraanka in dadka qaar qaab aan saxneyn ku gaaro, si arintaas u meel mariyana isugu yeeray Saxaabada kuwii ugu waa weynaa uguna Cilmiga badnaa, waxaa uuna kala tashaday talada uu maagan yahay inuu ku dhaqaaqo, waxeyna isla wada garteen inuu Cuthmaan soo saaro Kitaabo loo kala diro Dhulka ay gaareen Muslimiinta oo Diinta Islaamka ku fiday,waxeyna taladooda ku gunaanadeen in la Gubo kitaabada kala gaar gaarka loo Qoray lana Faafiyo Kitaabka ay Saxaabada ku guuriyeen Qur’aanka oo dhameestiran si loo Xakameeyo Habka loo gudbinaayo Qur’aanka.

Saxaabadii talada Qur’aanka u guntatay waxa ay Howsha Qoritaanka Qur’aanka u Xilsaareen Afar Saxaabi oo kala ah: (Zeyd Ibnu Thaabit, C/llaahi Ibnu Zubeyr, Sacad Ibnu Abii Waqaas iyo C.raxmaan Ibnu Hishaam) oo Dhamaantood ahaa Qureysh Muhaajiriin ah marka laga reebo Zeyd Ibnu THaabit oo ahaa Ansaartii Reer Madiina waxaana Talaabadaas Qiimaha badan Saxaabada sameeyeen Sanadkii 24tii Hijriyada. Waxaana la siiyay Afarta Saxaabi talooyin Muhiim u ah habka qoritaanka.

Cuthmaan oo ahaa Amiirkii Muslimiinta waxaa uu ka Codsaday Xafsa oo gacanta ku heysay Kitaabkii uu Diyaariyay Abuu Bakar si looga dhigto Aasaaska Gundhiga u ah Howsha weyn ee ay Muslimiinta ku tashadeen..

Kitaabkii ay diyaariyeen Saxaabada Xiligaas waa kan Maanta ku jira Gacanta Muslimiinta ee Caalamka oo dhan ku faafsan.

Waxaan intaas kusoo koobayaa Qeybtii koowaad Maqaalo aan kaga hadli doono Qur’aanka iyo Fadligiisa, waxaanan Qeybaha soo socda kusoo qaadi Doonaa Suuradaha Qur’aanka iyo macnaha Guud ay Xambaarsan yihiin.

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q.2aad

Qur’aanka Kariinka ah waxaa uu ka kooban yahay 114 Suuradood waxaana loo kala qeybiyaa Juz ahaan 30 Juz ayadoo Juz kastana uu ka kooban yahay laba Xizbi, ayadoo uu halkii Xizbina ka koobmayo ilaa 4 Maqro,..taasoo macnaheedu noqanaayo in halkii Juz uu ka kooban yahay 8 Maqro.

Marka hadii aan Dul Istaagno Suuradaha ugu Sareeya Qur’aanka kuwaasoo uu ka bilaabanayo Juzka Koowaad ee Qur’aanka waxaan wax ka tilmaami doonaa Suuradaha Al-Al Faatixa iyo Al-Baqara si aay u Sahlanaato inaan Qur’aanka oo dhanba marba Suurad faahfaahino kooban ka bixino.

Suurada 1aad Al-Faatixa:

Sababta Suuradan loogu magac daray Al-Faatixa waa in ay tahay Suurada lagu Biloowday Kitaabka Qur’aanka ah.

Suurada waxa ay ka mid tahay Suuradihii soo dagtay 13kii Sano ee uu Nabiga Joogay Magaalada Makah, Xaga Cadadka Aayadahana waa 7 Aaayadood marka lagu daro tiro ahaan Bisinka, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Mudathir ka dib, waxeyna Suurada ku Bilaabataa Amaanta Allaah, Magaca (Allaah) waxaa ku Xusan hal mar kaliya.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Faatixa:

Suurada waxey ka hadashaa Asalka Diinka iyo Faraciisa oo ah :Caqiidada , Cibaadada, Shareecada, in la Rumeeyo Maalinta Qiyaamaha, in la Rumeeyo Allaah Tilmaamihiisa wanaagsan, iyo inuu Allaah kali ku yahay Cibaadada, Kaalmo weydiisiga , iyo Baryada, waxaa kaloo Suurada tilmaameysaa in Allaah kaliya la weydiisto ku Hanuunka Jidka Xaqa ah ee Toosan, sidoo kalana in aad looga Baryo Allaah ku Toosnaanta Iimaanka iyo Jidka toosan ee ay Nabiyada, Sidiiqiinta, Shuhadada, iyo Saalixiinta Mareen.

Waxey kaloo Suuradan tilmaantaa in Allaah laga Magan galo Jidka ay Mareen kuwa loo Carooday ee ayagoo Cilmi yeeshay ka dib Allaah Caasiyay (Yuhuuda) sidoo kalana waxey Suuradaan in Allaah laga Magan galo Jidkii ay Mareen kuwii Dhumay (Nasaarada) ee Allaah ku Caabuday Cilmi la’aanta, arintaas oo Digniin u ah Qof kasta ee Caasinimo la yimaado asagoo Cilmi leh amase Cibaadeysta asagoon Cilmi u laheyn Cibaadada uu sameynaayo in Allaah ka raali yahay oo Sharci tahay iyo in kale.

Fadliga Suurada Al-Faatixa:

Imaamu Axmad waxaa uu wariyaa Xadiis Macnihiisu yahay, Nabiga inuu yiri: {Waxaan ku Dhaartay Allaha Nafteyda Gacantiisa ku jirtee, Suuradaan Faatixada laguma soo dajin Toowreed, Injiil, Zabuur iyo Qur’aankaba mid la mid ah…..}.

Waxaana Suuradan Fadli ugu Filan in aysan Salaad Qofna ka Ansaxeynin haduusan ku Aqrin Faatixada.

Suurada 2aad Al-Baqara:

Suurada Al-Baqara waa Suurada ugu Dheer Qur’aanka, waxaana loogu Magac daray Al-Baqara si Muslimiinta u Xasuusnaadaan Mucjizadii Dhacday Xeligii Nabi Muuse, markii la dilay Nin Israa’iili ah lana garan waayay Cida ka dambeysay Dilkiisa oo ay Israa’iiliyiintu u tageen Nabi Muuse ayaga oo leh: manoo sheegi kartaa Cidda geysatay Dilka,.. ayaa Allaah Nabi Muuse waxaa uu u Waxyooday: in ay Neef Lo ah Goowracaan kuna Garaacaan Ruuxa Meydka ah Qeyb ka mid ah Neefkaas, waxaana dhacay in Ninkii markii lagu Garacaay uu soo Noolaaday Idinka Alle Dartiis isla markaana Sheegay Cidii Dishay, Marka Suuradan waxey Taariikhda ku Reebtay xasuustii Mucjizadaas oo Tusaale u ah in Marka la Geeriyoodo ka dib la soo Noolaanayo iyo aysan weliba soo Nooleynta Allaah ku Cusleyn, isla Suuradana waxaa ku jira Tusaalooyin Fara badan oo tusaya in Geerida ka dib aysan wax Dhib ah Allaah ku aheyn, Sida Qisada Cuzeyr, Qisada kale ee kuwa Duulaan u socday uu Allaah Nafta ka qaaday hadana soo nooleeyay, iyo weliba Qisada Nabi Ibraahim oo ku jarjaray Shimbir asagoo Allaah ka baryay inuu Tusiyo sida uu Nooleynayo waxadhintay.

Suurada waxey ka mid tahay Suuradaha Soo dagatay 10kii sano ee uu Nabiga Joogay Magaalada Madiina, ayadaheedana xaga tirada waa 286 Aayadood, waana Suuradii ugu horeysay ee kusoo dagatay Magaalada Madiina, waxeyna ku Bilaabataa Xuruuf ka kooban Sadax, Magaca (Allaah) waxaa ku Xusan 100 jeer, waxaana ku jira Aayada Qur’aanka ugu Dheer Aayad ahaan, waa Aayada 282aad eeloo yaqaan Aayada Deynta, Suuradana waxey ka kooban tahay ilaa Laba Juz iyo Bar ku Dhawaad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Baqara:

Suuradan waa Suurada ugu Dheer Qur’aanka oo idil, waxeyna si aad ah uga Hadashaa Sharciga sida inta badan Suuradaha soo dagtay Xiliga Magaalada Madiino la joogay lagu yaqaano, waxey aad uga hadashaa Sharciyada iyo Nidaamka ay Muslimiinta u baahan yihiin si ay Noloshooda u noqoto mid Nag hadey ahaan laheyd dhanka Amniga Dhaqaalaha iyo Xiriirka debada.

Fadliga Suurada Al-Baqara:

Suuradaana waxey leedahay Fadli aad u weyn sida uu sheegay Nabi Muxamad, waxaana Sunno ah in Guryaha lagu aqristo si ay u noqdaan kuwa Xuska Allaah aan ka marneyn marna, waxeyna u noqataa Xijaab Gurigii lagu aqriyo, waxaa kaloo Xasuusin mudan in ay Suuradan ay ku Dhex jirto Aayada Qur’aanka ugu weyn Aayad ahaan (Aayatul-Kursi), waxaana Sunna ah in Salaad kasta ka dib la aqristo Aayadaas iyo habeen walba Hurdada ka hor, taasoo ah Xersi Xirka Muslimka, sidoo kalana waxaa ku jira Suuradan Al-Baqara Sadax Aayadood oo ah kuwa ugu Dambeeya Suurada oo ay Sunno tahay Qofka Muslimka ah inuu aqristo intuusan Seexan ka hor.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? | Q. 3aad

Markaana hadii aan u sii Gudbo Qeybtii Sadaxaad ee Maqaalkii Cinwaankiisu ahaa:Sideen u Fahamnaa Qur’aanka, waxaan Qeytaan kusoo qaadan Doonaa Labada Suuradood ee kala ah Aala-Cimraan iyo Al-Nisaa.

Suurada 3aad Aala Cimraan:

Suurada Aala-Cimraan waxey ka mid tahay Suuradaha aadka u Dheer, waana Suurada Sadaxaad Xaga Tartiib ahaan, Sababta loogu Magacaabay Aala Cimraana waa in ay Suurada si Faahfaahsan uga Hadashay Qisada Reer Cimraan oo ah Qoyskii ay ka Dhalatay Maryama oo ah Nabi Ciise Hooyadiis, sababtoo ah Qisadaan waxey Tilmaameysaa Awooda Buuxda ee Allaah u leeyahay inuu Abuuro Waxa uu doono iyo sida uu u Doono, Suuradii Al-Baqara waxey Tilmaamtay inuu Allaah Aadam Ciid ka Abuuray, Halka Suuradaana ay Tilmaameyso in Ciise laga Abuuray Maryama kaliya ayadoo aysan Guursan isla Markaana Xumaan Sameynin.

Suuradan waa Suurad ka mid ah kuwii soo dagtay Xiligii Magaalada Madiina loo Hijrooday ka dib Aayadaheeduna tiro ahaan waa 200 Aayadood, magaca (Allaah) Suuradaan waxaa lagu xusey 209 jeer, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Anfaal ka dib, waxa ayna ka mid tahay Suuradaha ku Biloowda Xaruufta gogoan waana juzka sadaxaad dhameystirkiisa iyo juzka afaraad badankiisa

Macnaha Guud ee Suurada Aaala Cimraan:

Suuradan Aaala Cimraan waxey si gaar ah uga Hadashaa laba arimood oo aad u Muhiim u ah:

1) tan koowaad: Suuradan waxey si aad ah uga hadashaa Caqiidada Islaamka ee Saafiga ka ah Shirkiga ayadoo hadana Daliilo aad u wanaagsan soo Bandhigeysa isla markaana Naqdineysa wax walba oo Shubha ah oo ay Daliishadaan kuwa Caqiidada Toowxiidka ah aan Fahamsaneyn, waxeyna si gaar ah Suuradaan ugu Ban baxday Qeyb ka mid ah Ahlu Kitaabka (Nasaarada) iyo Caqiidada ay ka aaminsan yihiin Nabi Ciise, waxeyna aad Dadka muslimiinta u Fahamsiiyay halka ay gafka ku galeen Masiixiyada iyo sababta ay u Baadiyoobeen, isla Markaana Suuradan waxey aad u Muujisaa Sharafta weyn ee ay lahaayeen Reer Cimraan iyo Gabadhooda Maryama, Reer Cimraan Suuradan waxey ku Tilmaantay in ay ahaayeen dad Allaah jecel yahay, Maryamana Suuradaan waxey ka Difaacday aflagaadada ay Yuhuuda u geysteen ayada iyo wiilkeeda Ciise..

Suuradaana waxey si faahfaahsan u Cadeysay Nabi Ciise inuu yahay Dad iyo Uun ka mid ah Abuurka Allaah, ayadoo Barbar dhigtay Abuurka Ciise kan Aadam, waxeyna Suurada Cadeysay in aysan jirin marba hadii Abuur uu yahay Ciise Sabab loo Caabudo, ama Alle Wiilkiisa loogu Tilmaamo.

2) Marka labaadna Suuradan waxey si Gaar ah uga Hadashay Qeyb ka mid ah Shareecda Islaamka, gaar ahaan Qeybta ku Saabsan Axkaamta Jihaadka, si gaar ahna waxey Suuradan wax ka tilmaamtay Duulaankii Uxud oo ahaa duulaankii Labaad ee Muslimiinta galeen hadana Jab kii ugu horeeyay kala kulmeen.

Sabata ay ku soo Dagatay Suurada Aala Cimraan:

Suuradaan waxaa sabab u ahaa soo Dagitaankeeda Wafdi Nasaaradii Jaziirada Carabta ah oo la Dooday Nabi Muxamad, ayagoo Xujeysanaya in ay Ciise ku Tilmaamaan inuu yhay Wiil Alle Dhalay kuna Dooday in bal Weligeed la Maqlay Abuur Hooyo kaliya ka biloowday, taasna waxaa Jawaab Buuxda ka Bixisay Suuradaan oo ka sheekeysay in Abuurka Ciise ay jiraan Abuuro kasii yaab badan sida Abuurka Aadam oo laga Abuuray Aabo iyo Hooyo la’aanba.

Fadliga Suurada Aala Cimraan:

Imaamu Muslim Saxiixiisa waxaa uu ku Wariyayinuu Nabiga yiri:{Qur’aanka aqriya waxaa uu yimaadaa Maalinta Qiyaamaha asagoo ka Ergo ah Dadkii aqrin jiray, Aqriya Labadii Ifeysay (Al Baqara iyo Aala Cimraan), waxey Maalinta Qiyaamaha labadooda Yimaadaan ayagoo sida Laba Daruurood oo kale ah..oo ka Doodaya (ka ergeynaya)Saaxiibkoodii (kii aqrin jiray)}.

Suurada 4aad AL-Nisaa:

Suurada 4aad ee Qur’aanka waxaa loo yaqaan Al-Nisaa, maadama si gaar wax badan lagu sheegay Xuquuqo iyo Axkaam gaar ku ah Dumar, waxaana Qur’aanka ku jira Suurado badan oo Magac Dumar sita ama Axkaam Dumarka ku gaar looga hadlay sida: Suurada Maryama, Suurada Dhalaaq iyo Axzaab iyo Suurada Al-Nuur, arintaas oo Muujineysa sida Cadaalada ku Dheehan tahay ee Diinka Islaamka u Xaq dhowray Dumarka.

Suuradan Al-Nisaa waa Suurad ka mid ah Suuradaha Soo Dagtay Xiligii Magaalada Madiina la Joogay, waxeyna ka mid tahay Suuradaha ugu Dheer, Cadadka Aayadaheeda waa 176 Aayadoood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Mumtaxina ka Dib.

Suuradan Al-Nisaa waxey ku Bilaabataa in Dadka oo Dhan loogu Naadiyo in Allaah ka Baqaan, waxeyna si aad ah uga Sheekeysaa Axkaamta Dhaxalka , waxeyna ku gabagaboowdaa Aayado ka Hadlayo Axkaamta Dhaxalka, waxeyna ku beegan tahay Juz ahaan Dhamaadka Juzka 4aad ilaa laga gaaro Biloowga Juzka 6aad, Magaca (Allaah) Suuradan lagu Xusay 228 jeer..

Macnaha Guud ee Suurada Al-Nisaa:

Suuradaan Maadama ay ka mid tahay kuwii Magaalada madiina kusoo dagtay waxey aad Xooga u saartaa Axkaamta Shareecada Islaamka, gaar ahaan arimaha Quseeya Haweenka, Guriga Muslimka iyo Bulshada Muslimiinta, ayadoo hadana meelo badan ka hadasha.

Suuradaana Wadanka Soomaliya waxaa si gaar ah loogu Xasuustaa ragii Culimada ahaa ee loo Dilay amaba loo Xeray doodii ay ka keeneen Markii Doowladii Hore ee Soomaliya dafirtay si Fagaara ah Qaar ka mid ah Aayadaha Quseeya Qoyska iyo Hab Qeybinta Dhaxalka.

Sababta ay kusoo Dagatay Suurada Al-Nisaa:

Sababta ay usoo dagatay Suuradaan Gaar ahaan Aayadaha ugu horeeya waa in la Xaliya khilaafaad ku Saabsanaa Dhaxal oo dhacay Xiligii Waxyiga soo dagaayay, Khilaafaadkaasna waxaa sabab u ahaa in Diinta Islaamka intii aysan soo dagan aysan jirin Cid Xaq iyo Xuquuq dhaxalba u ogoleyd Haweenka iyo Caruurta Agoonta ah.

Sideen u fahamnaa Qur’aanka? | Q. 4aad

Qeybtaan waa Qeytii 4aad ee maqaalkii aan kaga hadleynay Sideen u fahamnaa Qur’aanka? oon aan rajeynayo inaan uga faaiideysano si aan Qur’aanka uga helno Aqoon Guud oo kooban..

Suurada 5aad Al-Maaidah:

Suuradan waa Suurada 5aad Habka uu u qoran yahay Musxafka Qur’aanka marka loo eego, waxaa loogu magac Daray Al-Maa’idah si ay u Waarto Xusuustii Mucjizadii la siiyay Nabi Ciise Markii Israaiiliyiintii Su’aasheen in Allaah uu Cirka kasoo Dajiyo Xeero Cunto ah, taasoo laga aqbaly Nabi Ciise Markuu Allaah ka Baryay ayadoo isla markaasna loogu Goodiyay in aysan Caasinimo kale la imaan Codsigoodaas ka dib.

Suuradaan waxa ay ka mid tahay Suuradaha soo dagtay Markii Magaalada Madiina loo Hijrooday ka dib, waxeyna ka mid tahay Suuradaha aadka u Dheer, Aayadaheedana Tiro ahaan waa 120, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fatxi ka dib, Suuradan waxey ku Bilaabataa Qaab ah Naadin ku Socota kuwa Mu’miniinta ah, waxeyna Suurada ku beegan tahay Juzka 6aad Badankiis ilaa Juzka 7aad Biloowgiisa laga gaaro.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Maaidah:

Suuradaan Maadama ay Magaalada madiina kusoo Dagatay waxey Xambaarsan tahay Guud ahaan Suuradihii ka horeeyay Nidaamkii ay Xambaarsanaayeen oo waxa ay aad Xooga u saartaa Dhinca Shareecda Islaamka, ayadoo ay u dheer tahay in ay ka Hadasho si aad u xeel dheer Arimaha Caqiidada iyo Qisooyinka ku Saabsan Ahlu Kitaabka.

Caalimka la yiraahdo Abuu Meysarah waxaa uu yiri: {Suuradaan Al Maaidah waxey ka mid tahay Suuradaha Qur’aanka kuwii ugu Dambeeyay ee soo dagtay, mana ku jiro Mid la Nasaqay Xukun ahaan, waxeyna Xambaarsan tahay ilaa 18 Waajib}.

Sababta ay kusoo Dagatay Suurada Al-Maaidah:

Suuradaan Biloowgeeda waxey soo dagatay Xili Muslimiinta oo ka yimid Magaalada Madiina ay Gaaladii Maka Joogtay markaas ka hor Istaageen Cimrada, aydoo Muslimiinta aad u Careysan ayay waxey arkeen Koox Mushrikiin ah oo doonaya in ay Makah ku Cimreestaan, taasoo keentay qaar Muslimiinta ka mid ah damcaan in ay Horjoogsadaan sida ayagaba Mushrikiinta Maka u Horjoogsatay Maadama kuwaan ay yihiin Mushrikiin kale, taasna Allaah wuu ka diiday waxaana Soo dagtay Biloowga Suuradan oo loo Sheegay in ay ka Hor leexdaan kuwa Makah ku socda Gaalaba ha ahaadeene.

Suuradaan Qeybo ka mid ahna (Aayada 3aad) waxey soo dagteen Sanadkii 10 ee Hijriyada Markii uu Nabiga (SCW) Xajinayay Xajkii Sagootinta, taasoo nin Yuhuud ah uu yiri: Hadii Aayadaan ay Nagusoo dagan Laheyd Anga Yuhuuda ah waxaan ka Dhigan laheyn Maalinkaas Ciid,.. waxaana uu Cumar Ibnu Khadhaab (Alaha ka raali noqdee) ugu Jawaabay waxey soo dagatay Goor la joogay Carafo Maalin Jimco ah,…taasoo uu Cumar ula eeday waxey noogusoo Beengantay laba Ciidood oo waa weyn.

Suurada 6aad Al-Ancaam.

Suuradaan waxa la yiraahdaa waxaa loogu magac daray Al-Ancaam, maxaa yeelay Magacaas ayaa aad ugu soo noqnoqda, ama waxey Suuradaan aad wax ugu Sheegtay Xoolo ay Mushrikiintii Makah ku bixin jireen Sanamyada in ay ku Caabudaan.

Suuradaan Al-Ancaam waa Suurada 6aad ee Musxafka Qur’aanka waana Makiyah Badankeed, marka laga reebo Aayado kooban oo kala ah: Aayada: “20,23,91,93,114,141,151,152,153,” kuwasoo kusoo dagtay Magaalada Madiina, waxeyna ka mid tahay Suuradaha aadka u Dhaadheer, Xaga Tirada Aayadaha waa 165, waxeeyna soo dagatay Suurada Al-Xijri ka dib, waxa ayna ku Bilaabataa Hab ah Amaan Rabi.

Suuradan waxey Kitaabka kaga Aadan tahay Juzka 7aad intiisa Badan ilaa laga gaaro Kaloo barka Juzka 8aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Ancaam:

Suuradan waxa aay ka Hadshaa caqiidada iyo Asalada Diinta maadama ay ka mid Tahay kuwii kusoo tagtay Makah, Suuradihii ka Horeyay waxey kaga Duwan tahay in aysan ka hadlin wax ku Saabsan Arimaha Nidaamka Sharciga iyo Axkaamta sida Soonka iyo Xajka, maxaa yeelay Muslimiinta Xiligaas Cibaadooyinkaas laguma Waajibin, sidoo kalana kama Hadasho Suuradaan Arimaga Dagaalka iyo Xiriirka Debada ka ah Muslimiinta sida Ahlu Kitaabka iyo Munaafiqiinta.

Suuradaan Kaliya waxa ay si Faahfaahsan uga Hadashaa Arimaha kala:

1)- Allaah kali ahaan Shihiisa waxa Quseeya.

2)- Arinta ku Saabsan Soo dagitaanka waxyiga.

3)-Arinmaha ku Saabsan Soo Nooleynta iyo Abaal Marinta Maalinta Qiyaame.

Suuradan Al-Ancaam Markii ay soo dagteen Aayadaheeda aadka u faahfaahiyay Xalaasha iyo Xaaraanta waxaa Dood aad u weyn ka Dooday Mushrikiintii Makah ayagoo la Doodaya Nabiga Suuban (SCW) oo leh Neefka Dhintay yaa Dilay?waxaa uu Nabiga Suuban ku Jawaabay: Waxaa Dilay Allaah. waxey yiraahdeen Neefkii uu Allaah Dilo (Kii Baqtiya) Xaaraan Miyuu noqonayaa, kii aad idinka Disheena (Gooracdeen) Ma Xalaalaa ?….waxaa uuna Allaah jawaab uga dhigay inuu soo dajiyay Aayada 122 ee isla uuradaan.

Fadliga Suurada Al-Ancaam:

Suuradaan waxaa ay kusoo dagatay Nabiga Xili uu joogay Magaalada Makah waxaana wehlinayay (Galbinayay) 70.000 Malaaig ah ayagoo aad u Tasbiixsanaya, markii uu Nabiga (SCW) Maqlay Shanqarta Tasbiixdooda aad ayuu u Argagaxay waxuuna u dhacay Sujuud ilaa loogasoo dajiyay Suurada.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?. | Q. 5aad

Qeytaana waxaan ku soo qaadan Doonaa Laba Suuradood oo kala ah Al-Acraaf iyo Al-Anfaal kuwaasoo noqon Doono Qeybtii 5aad ee Maqaalkii Cinwaankiisu ahaa Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?.

Suurada 7aad Al-Acraaf :

Suuradan waxaa loo yaqaan Al-Acraaf maadaama Magaca Acraaf uu ku Xusan yahay Suurada Dhexdeeda, Acraafkuna waa Derbi ku yaala Janada iyo Naarta Inta u Dhexeysa oo kala Xijaaba Ahlu Janaha iyo Ahlu Naarka.

Waxaana Allaah uu Suuradan ku Dhex Sheegay qolo la Yiraahdo Asxaabul-Acraaf oo ah Dad Wanaagooda iyo Xumaantooda Sinaadeen oo Xumaantoduna ka hor joogsatay Galitaanka Janada, Samaantoodiina looga Reebay Galitaanka Naarta, sidaas darteed u fadhiistay meel u Dhaxeysa Janada iyo Naarta ayagoo Sugaaya in Allaah Xukmiyo halka ay tagi Doonaan, markii ay arkaan Ahlu Naarka iyo Dhibaatada Naarta ku Heysata ayay waxeyna Allaah ka Baryayaan inuusan Meel la gelinin kuwa Naarta ku jira, …

Suuraada Al-Acraaf waa Suurad Makiyah ah, Marka laga reebo Aayadaha kala ah: (163…170), Suuradaan waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay Suuradaha Dhaadheer, Tirada Aaydaha Suuradaan waa 206 Aayadood, Suuradan waxey ku Bilaabataa Xuruuf Go’go’an sida kuwii soo horeeyay oo kale, waxeyna ku beegan tahay kaloo Barka Juzka 8aad ilaa inta Badan Juzka 9aad, waxeyna soo dagatay Suurda (Saad) ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Acraaf :

Suuradaan waxey aad u Faahfaahisaa Qisooyinka Nabiyada, waxeyna aad uga hadashaa Caqiiidada Toowxiidka, Abaal Marinta Maalinta Qiyaame, ayadoo Soo bandhigta in Nabiyada oo Dhan Dacada Dadkooda ay Gaarsiinayaan ay ku bilaabi jireen ka Hadalka Toowxiidka, Arintaasna waxey Dadka Ducaada ah ku Baraarujineysaa in ay Habkaas oo kale Dacwada u wadaan Maadaama Toowxiidku yahay Aasaaska Diinta, waxaanaba Caado u ah Qolo walba oo Diin Aaminsan in ay Dacwada Diinkooda ka Bilaabaan Caqiidada ay Aaminsan yihiin ha u haado Diin Saxan (Diinka Islaamka), ama Mid Qaldan (waxa Islaamka kasoo hara).

Sababta ay u soo dagatay Suurada Al-Acraaf :

Suuradan waxaa lagula Dagaalamayay Dhaqan ay lahaayeen Dad Reer Baadiye ahaa oo Kacbada Dhawaafi Jiray ayagoo Dhar la’aan ah Islaamka ka hor, waxaana Suurada Amreysaa in Dadka ay Labistaan Marka ay Doonayaan in ay Cibaadestaan..

Suurada 8aad Al-Anfaal :

Suuradan Al-Anfaal waa Suurad soo Dagatay Xiligii Muslimiinta ay joogeen Magaalada Madiina Marka laga Reebo Aayadaha kala:(30 ilaa..36) kuwaasoo Makah intii la Joogay soo Dagtay.

xaga tirada Aayadaheeduna waa 75 Aayadood, waxeyna soodagatay Suurada Al-Baqarah kadib, Suuradaan waxey aad xooga usaartaa Axkaamta

Maxaabiista iyo Xoolaha dagaalka lagu furto, waxeyna soo dagatay duulaankii Badar kadib, Suurada Al-Anfaal waxey kitaabka kaga beegan tahay dhamaadka Juzka 9aad iyo Bilowga Juzka 10aad.

Macnaha guud ee Suurada Al-Anfaal :

Suuradan Al-Anfaal waxey si gaar ah Xooga u Saartaa Dhanka Sharciyada Dagaalka, iyo Habka ay tahay in loo qeybiyo waxii Xoolo ah ee Dagaalka lagu Qabsado, waxeyna si gaar ah uga Hadashaa Xalinta khilaafyo Muslimiinta ku Dhex maray Duulamada qaar, waxeyna si aad ah Muslimiinta u siisaa Tilmaamo Xaga Rabi ka yimid oo ay Waajib tahay in ay Raacaan Marka ay Cadowga Allaah Dagaalka kula Jiraan, waxey kaloo kara Hadashaa Dhanka Heshiisyada Nabada ee lala gali karo kuwa Dagaalka lagula jiray.

Sababta ay ku soo Dagatay Suurada Al-Anfaal:

Suuradaan waxey kusoo dagatay Markii Muslimiinta La Dagaalameen Gaaladii Qureysh Duulaankii Badar oo uu Jabka Gaaray Gaaladii, Muslimiintiina ay isku qabsadeen Cidda Xaqa u leh in ay la Wareegto Hantidii Gaalada ka Carareen, waxaana loo kala qeybsamay Sadax qolo:

1)- Qoloda Koowaad waxey ahaayeen Kooxdii Eryatay Cadawga waxeyna ku Doodeen in ay ayaga gaar u leeyhiin Xoolaha ay ka Carareen Gaalada.

2)-Qolada labaadna waxey yiraahdeen anagaa Idinka Mudan oo Waxaan ilaalineynay Nabiga (SCW) si aysan si kada ah Cadwga Dhib u Gaarsiin.

3)- Qoloda Sadaxaadna waxeyku Doodeen in ay ayaga Gacantooda ku Qabsadeen Xoolaha oo dhan intii Cadawg la sii Eryanayay.

Marka ay arintu intaas mareysay ayaa Allaah waxaa uu Nabigiisa u Waxyooday Suuradan si loo soo afjaro Khilaafka, Nabigana (SCW) Xoolihii waxa uu ugu Qeybiyay si isla mid ah Sadaxda Kooxba, waxaana Muslimiinta la amray in ay Wanaajiyaan Xeriirka ka Dhexeeya.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? | Q. 6aad

Waxaan Qeytaana kusoo qaadan Doonaa Qeybta Suurada Al-Towbah kaliya si aan u Bogano, waana Qeybtii 6aad ee Maqaalkii Cinwaankiisu ahaa Sideen u Fahamnaa Quraanka?.

Suurada 9aad Al-Towbah:

Suuradan Al-Atowbah waa Suurada 9aad ee Musxafka Qur’aanka, waxaana Magacaas loogu Magacaabay in Koox Muslimiinta ka mid ah ay ka hareen Duulaankii Tabuuk ayadoo aysan jirin sabab Sharci ah oo ay uga maqnaadaan Duulaanka, Markii Nabiga ka soo laabtay Tabuuk ayaa qaar kuwii haray ka mid ah u Cudur daarteen oo Been Sheegeen, hase yeeshee Sadax Saxaabi oo kala ah:Kacab Ibnu Maalik, Hilaal Ibnu Umayah, iyo Mirarata Ibnu Rabiic, waxaa laabtooda ku Dhalatay in aysan Cudurdaarasho Been ah kaga baxsan karin gafkii ay galeen, sidaa darteed ay runta ku sheegeen Rasuulka Suuban (SCW) hortiisa ayagoo leh: Majirin Sabab Cad oo aan uga Baaqanay Duulaanka,.. arintaas ayaa keentay in Sadaxdooda Nabiga (SCW) u qirto in ay runta Sheegeen, laakiin waxaa lagu Ciqaabay in Xeriirka loo jaro ilaa uu Allaah arintooda Xukun kasoo saaro, taasoo ku qaadatay waqti Hal Bil ka badan ilaa markii Dambe ay soo Dagatay Aayadaha ku jira Suuradaan (117 iyo 118) oo Sheegaya in Guud ahaan Nabiga Muhaajiriinta iyo Ansaartii Duulaanka Tabuuk aaday in laga Toowbad aqbalay, gaar ahaana Sadaxdii Saxaabi ee Xeriirkooda la jaray ee aadka u Murugsanaa… sidaas ayaana Suuradan loogu Magac daray Al-Towbah.

Suuradan Al-Towba waxey ku soo Dagatay Magaalada Madiina Sanadkii 9aad Bishii Shawaal, marka laga Reebo labda Aayadood oo kala ah: Aaayada 128 iyo 129aad oo ah Makiyah, Tiro ahaan Aayadaheedu waa 129 Aayadood, waxeyna Soo dagatay Suurada Al-Maaidah ka dib.

Waxaana Xasuusin Mudan Suuradan in ay ka mid tahay Suuradihii ugu Dambeeyay ee soo Dagtay, sidaa darteed waxaa Meeshan ku Cad in Habka uu isugu Xigo Kitaabka Quraanka Suurad ahaan aysan aheyn Habkii ay kusoo kala Horeeyeen Suuradaha Quraanka, Maxaa yeelay Suuradan waxey Musxafka hada ka mid tahay kuwa u horeeya, Suurada Al-Calaq oo Biloowgeedu yahay Quraankii u horeeyay ee Soo dagtayna waxey ka mid tahay Habka Musxafka u qoran yahay kuwa u Dambeeya Suuradaha Musxafka ku yaala, sababta arintaas keentayna waa in Habka loo kala Hor mariyay Musxafka uu yahay waxyi Nabiga kaga yimid Xaga Rabi si kastaba ha usoo kala Horeeyaane soo dagid ahaan,.. Suuradaan waxey Musxafka uga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 10aad iyo Biloowga Juzka 11aad.

Waxaa kaloo Suuradan marka la joogo Xasuusin Mudan in Suuradan Al-Towbah ku Bilaabato Bisin la’aan, taasoo Ahlu Cilmiga ay ku Fasireen sababta ay sidaas u tahay sababo kala Duwan, hadii aan soo koobana waa :

1)- Waxaa Caado u ahaan jirtay Carabta in hadii Qof Col kala Dhexeeyo u dirayaan Risaalo ka Dhowraan Bisinka in ay ku Biloowdaan, (waxaana la sheegaa in Tafsiirkaas aad u liito oo laga wanaagsan).

2)- Tafsiirka labaad ee Culimada Sheegtay in ay Sababta Bisin loo siinin ay tahay Saxaabada Qaar isku khilaafeen in Asal ahaan Suuradaan iyo Suurada Al-Anfaal wada yihiin Hal Suurad, taasna in ay Sababtay in Saxaabada ay ka Dhaafaan Bisin Gaar ah in ay Siiyaan , hadana waxaa loo Dhigay Suurad Madax Banaan maadaama ay Saxaabada Qaar kale qabeen in ay tahay Suurad Madax Banaan, taasoo ula jeedadaeeda tahay in labada aragti ee Saxaabada ka aaminsanaayeen Suurada la isu keeno, waxaana arintaas faahfaahin ka bixiyay Xadiis uu Xaakim Musdarak Kitaabka la yiraahdo ku Warinaayo.

3)- Tafsiirka Sadaxaadna waa in Suuradan Al-Towbah sababta Bisinka looga Dhaafay ay tahay in ay Xambaarsan tahay Baaq Dagaal iyo in Mushrikiinta Xiriirka loo Jaro, arintaasna waxaa ku Fasiray oo qaba Aragti ahaan Cali Ibnu Abii Dhaalib, Sufyaan Ibnu Cuyeyna iyo Rag badan oo Ahlu Cilmiga ka mid ah, Aragtidaan ayaana ah tan inta badan Culimda u arkaan in ay ugu Saxan tahay.

Suuradaan Al-Towba markii ay soo Daganeysay Waxaa la tilmaamaa in Muslimiinta kuwa ka soo haray Xiligaas ay kala ahaayeen Sadax Nooc:

B)- Kuwa Dagaal uu ka Dhaxeey Muslimiinta.

T)- Kuwa Awal Dagaal ka Dhaxeeyay Muslimiinta Laakiin markaas uu dhex yaalay Heshiis waqti Kooban ah.

J)- Kuwo ku Noolaa Muslimiinta Dhexdooda laakiin aan Muslimiin aheyn.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Towbah:

Suuradan waxaa Culimada Tilmaamaan in ay laba arin aad Xooga u Saarto kuwaas oo kala ah:

1)- Xeriirka Muslimiinta kala Dhaxeeya Mushrikiinta iyo Ahlu Kitaabka. Arintaasna waxaa aad u Faahfaahiyay Qeybta hore ee Suurada.

2)- Arinta Labaadna waa in ay Suurada tahay mid soo if bixisay Sirta iyo Hab dhaqanka waxa la yiraahdo Munaafiqiinta, waxaana arintaas aad u tilmaamay Qeybaha Dhexe iyo Dambe ee Suurada.

Waxaana Xasuusin Mudan Maadaama ay Suuradan aad u soo hadal qaaday kooxda loo yaqaan Munaafiqiinta in aad loo baaro loona Fahmo Habkii uu Nabiga ula Dhaqmi jiray Kooxdaas, taas waxaan ula jeedaa Dalkeena Soomaliya Maanta waxaa ku badan in Dadka Marka Hore Xumaan lagu Tuhunsado (Murtad, Munaafiq, Jaajuus) Ka dibna in la Dilo, ayadoo Labadaas arinba ay Sharci ahaan banaaneyn, tan Hore Tuhunta Sharceeda Islaamka kuma Banaana, Tan Labaadna Dil Ruux Muslim ah ma Banaana ayadoo Daliilka ugu weyn ee loo Cuskanaayo Tuhun yahay, xataa hadii Ruux Muslim ah uu la yimaado waxyaabo muujinayo in ay Calaamadihii Munaafiqiinta yihiin waxaa Muhiim ah in loola Dhaqmo sidii Nabiga Raxmada badan (SCW) ula Dhaqmay waa hadii la Helo Doowlad Xaq u leh in ay Dadka kala Xukunto, laakiin hada iyo Xaalada lagu jiro ma jirto Cid u madax Banaan Xukminta Dhiigaga Muslimiinta Magaca uu Doono ha watee (Dowlad ama Mucaarad), maxaa yeelay wax Sahlan ma aha Dilka Muslimka ama u banaan Koox walba in ay Xukuno kusoo rogto Muslimiinta aydoo la leeyahay waxaan Dabaqeynaa Shareecada Islaamka!!.

Sidoo kalana waxaa Muhiim ah in laga Digtoonaado is Amaanitaanka iyo Faanka Caadada u noqday Dadka Diinka Barta waayahaan oo ismooda hadii ayba Xoogaa Barteen amaba ay Culimo la Joog Noqdeen in ay Jidkii Janada Cagta ku hayaan Naftooda ka Badbaaday in ay ka mid Noqdaan Munaafiqiinta, maxaa yeelay Munaafiqnimada waxaa Naftooda uga baqi jiray saxaabada Suusuuban iyo Ahlu Cilmigii Muslimiinta, ma ahan marka Maanta Nin walba oo Cimaamad Xertaa ama Koox ku biiraa inuu Moodo inuu asaga ka badbaaday Xumaan oo dhan asagoo laga yaabo Xumaanta ugu badan inuu Gacanta kula jiro.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? | Q. 7aad

Qeybtaana waxaan kusoo qaadan Doonaa Suuradaha kala ah: Yuunus, Huud, Yuusuf iyo Al Rracad, waana Qeybtii 7aad ee Maqaalkii aan u magac darnay Sideen u fahamnaa Qur’aanka?.

Suurada 10 aad Yuunus:

Suuradan waxaa loo yaqaan Yuunus, taasoo Xasuusin u ah Qisadii Nabi Yuunus, Qiasada Suuradan Sheegtay waa in Qolodii uu Dacwada Gaarsiiyay Nabi Yuunus , markii ay warkiisa diideen Cadaabkiina soo dagtay hadana laga Cafiyay oo Cadaabkii laga Badbaadiyay Markii ay Rumeeyeen Nabighooda Saacidihii ugu Dambeeyay, arintaas oo ah Galad iyo Ixsaan gaar ah oo uu Allaah ugu Nimceeyay Qoladii Nabi Yuunus.

Suuradan Yuunus waxaa ay ka mid tahay Suuradaha ku soo dagtay Magaalada Makah, marka laga reebo Aayadaha kala ah (40, 94,95,96) oo soo dagtay Markii Madiina loo Hijrooday ka dib, tiro ahaan Ayadaheedu waa 109 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-israa ka dib, waxeyna ku bilaabataa Xuruuf kala go’go’an, waxeyna Suuradaan ku Dhamaataa Fariin ah in ay Waajib ku tahay Dadka Raacida Xukunka Alle (Cw) Suuradan Yuunus waxey ku Beegan tahay Juz ahaan kan 11aad badnkiis.

Macnaha Guud ee Suurada Yuunus:

Suuradan waxey si u weyn wax uga Tilmaantaa Arkaanta Iimaanka sida Iimaanka Alle, Kan Rususha, kan Kututubta, iyo Soo Bixinta Maalinta Qiyaame si looga Abaar mariyo Cid walba waxii ay Kasbatay, waxeyna Dadka u tilmaantaa Guud ahaan Rumeynta Kutubadii Rabi soo dajiyay gaar ahaana Kitaabka Qur’aanka ah kaasoo ah Kii lagu soo Gabagabeeyay Risaalooyinka uu Ale Caalamka u soo dajiyay,

Suurada 11aad Huud:

Suuradan waa Suurada 11aad marka loo eego Habka Musxafka Qur’aanka u Nidaamsan yahay, waxaana loogu Magac daray Nabi Huud oo ahaa Nabigii loo soo diray Qoomkii loo yaqaanay Reer Caad ee ku Kadsoomay Xooga Alle ugu Nimceeyay, Kibirkana ka gaaray in ay Yiraahdaan: Yaanaga Xoog badan?.

waxaana Awooda inta ay la eg tahay lagu Tusiyay in lagu Halaago Dabeylo Duufaan ah oo Cagta Mariyay ayagoo Dhan, marka laga reebo Koox yar oo Raacday Nabi Huud uun.

Suuradan waxey ka mid tahay Suuradaha Magaalada Maka intii aan laga Hijroon ku soo dagtay marka laga reebo Sadax Aaayadood oo kala ah: (17, 12, 114) kuwaasoo ah Aayado Magaalada Madiina Hijradii ka dib soo ku dagtay, Xaga tirada Aaayadaheduna waa 123 Aayadood, waxey soo dagatay Suurada Yuunus ka dib, Suuradan waxey ka mid tahay Suuradaha ku Biloowda Xuruufaha kala gogoan, Juz ahaana Musxafka waxey kaga Beegan tahay Juzka 12aad Biloowgiisa ilaa ku dhawaad Dhamaadka Juzkaas.

Macnaha Guud ee Suurada Huud:

Suuradan waxey aad ugu ban baxdaa Asalada Diinta Islaamka sida: Caqiidada Towxiidka, Risaalada Nabiyada, Soo Bixitaanka Geerida ka dib, iyo Abaal Marka Maalinta Qiyaame la Muteysanayo, waxeyna si Faahfaahsan u soo Ban dhigtaa Suuradan Qisooyinka Nabiyada si Rasuulka (SCW) iyo Muslimiinta ugu Sabarsiiso Dhibaatada ay Mari jireen Nabiyadii Hore iyo kuwii Raacayba, si ay ugu Dulqaataan Dhibaatada kaga Imaaneysay Mushrikiintii Makah, aygoo Naftooda barbardhigaya Dhibaatooyinkii Nabiyadii hore ku dhacday, waxeyna Suurada ku beegneed soo dagitaankeeda Xili Mushrikiintii Makah ay Dhibaatada ku Jibaareen Nabiga (Scw) ka dib Markii uu Geeriyooday Adeerkiis Abuu Dhaalib iyo Xaaskiisii Khadiija Binti Khuweylid.

Fadliga Suurada Huud:

Abuukar (Allaha ka raali Noqdee) ayaa Nabiga Maalin Suaalay asagoo leh: Maxaa Dhacay ood la Ciroowday Rasuulkii Alloow?, waxaa uu ku Jawaabay Rasuulka: {Waxaa i Cireeeyay Suurada Huud iyo Walaalaheed Ciroobid ka hor}.

Suurada 12 Yuusuf :

Suuradaan waxaa lagu Magaacaa Yuusuf, maxa yeelay Biloowgeeda ilaa Dhamaadkeedaba waxey ka Sheekeysaa Nabi Yuusuf, waxaana Xasuusin Mudan Suuradan in ay kaga Duwan tahay Suuradaha kale ee Qur’aanka in Gebigeed ka Hadashay Qisada Hal Nabi kaliya, waxey kaloo Suuradan la gaar tahay in aanan Marna lagu Sheegin Dhexdeeda Magaca Janada iyo Naarta. .

Suuradan Yuusuf waxey soo Dagatay intii Magaalada Makah la joogay marka laga Reebo Aayadaha kala: (1,2,3,7.) oo ah Aayado kusoo Dagtay Magaalada Madiina, Tiro ahaana Suuradan waa 111 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Huud ka dib, waxey ku Bilaabtaa Xuruuf Go’go’an, Magaca Nabi Yuusuf waxaa lagu Xusay in ka badan 25 Jeer, waxa ayna kaga Beegan tahay Musxafka Dhamaadka Juzka 12aad iyo Biloowga Juzka 13aad.

Macnaha Guud ee Suurada Yuusuf :

Suuradaan waxey wax ka Sheegtaa Guud ahaan Qisooyinkii Nabiyada, waxeyna si gaar ah uga Sheekeysaa si Fhfaahsan Nabi Yuusuf Taariikh Nololeedkiisii iyo Dhibaatooyinkii uu la kulamay laga Bilaabo tii ay u Geesteen Walaalihiis ilaa iyo Haweentii Boqorka iyo Xabsigii iyo Dhagartii ay la maageen Haweenkii Masar , waxeyna Suurada tilmaameysaa sidii uu Alle (Cw) u Badbaadiyay Nabi Yuusuf Dhibaatooyinkaas oo Dhan, arintaana waxey Samirsiin u aheyd Nabi Muxamad oo Murugo badan iyo Culeysyo ay kaga Imaanayeen Mid dhaw iyo mid Fogba.

Waxaa kaloo Suuradaan Tilmaan Wanaagsan ah in Nabi Yuusuf asagoo Nicmo Aduun oo dhan heysta hadana uu ku Duceysanayay Markii uu Alle Baryay: {Alloow waxaad i Siisay Xukun waxaadna i bartay Fasiraada Riyada, Allaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulkoow Adaa Gargaare ii ah Aduur iyo Aakhiraba ee i Oofso Anoo Muslin ah ina Haleeshii kuwa Suuban}.

Ducadaas waxaa ay Dadka Muslimiintaa ku baraarujineysaa Qiimaha weyn ee ay leedahay in Ruux uu Islaamnimo Alle ku Galadeesto.

Suurada 13aad Al-Rracad:

Suuradaan waxaa loo Yaqaan Al-Rracad oo Macnaheedu yahay (Gugac), sababta loogu Magcaabayna waa in Dadka la Xasuusiyo Muuqaalka Koonka ka Jira ee yaabka badan, kaasoo Dadka ku Baraarujinaya Awooda Alle (Cw) weynideeda, Suuradaana waxey tustaa in Biyaha yihiin Maadada Nolosha, Allena waxaa uu ka soo Dajiyaa Saxaabka (Caadka), Saxaabkuna waxaa uu Alle (Cw) ka Dhex Abuuray Raxmad iyo Cadaab Dhexdood, waayo waxaa uu Sidaa Saxaabku Roob, isla Markaana waxa Sidaa Biriq, Taasoo Macnaheedu yahay in Biyuhu yihiin Maadada Nolosha, Biriqduna tahay Maado wax Halaagta, arintaas oo Muujineysa Awooda Alle (Cw) oo waxa uu Hal mar Meel isugu keenay laba Shey oo aan Marna Cid kale Meel isugu wada keeni Karin, labadaas oo ah(Biyo iyo Hilaac) waxaa uu meel isugu keenay Saxaab Biyo Wada, iyo Hilaac Dab ah.

Suuradan waxey soo Dagatay Markii Muslimiinta Madiina u Hijroodeen ka dib, tiro ahaana Ayadaheedu waa 43 Aayadood, waxeyna Soo Dagatay Suurada Mumaxamad ka dib, waxa ayna ku Bilaabataa Xuruuf kala Go’go’an, Juz ahaana waa Bartamaha Juzka 13aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Rracad:

Suuradaan Maadama ay kusoo Dagatay Magaalada Madiina waxa ay wax ka Tilmaantaa Waxaaid ahaansha Alle (Cw) , Soo Bixnta Geerida ka dib, iyo Abaal marka ka Dambeeya, waxa ayna Suuradaan si Faahfaahsan u Tilmaantaa Cilmiga Alle (Cw) inuu yahay Mid wax kasta Koobay oo aysan jirin wax ka qarsoomi kara, isla markaana waxey Naqdin ku sameyneysaa Shubahaadka ay Mushrikiinta Abuuraan.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? | Q. 8aad

Suurada 14aad Ibraahiim:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Aabihii Nabiyada Ibraahiim, si ay u waarto Xusuustii Taariikhdii Nabi Ibraahiim markii uu Asagoo Dhalin yaro ah u Istaagay Qoomkiisa oo Gaalo Mushrikiin ah ahaa inuu ugu yeero Toowxiidka, markii ay ku madax adkaadeena Gacanta u Qaaday Sanamyadoodii, markii ay Su’aaleena ku yiri Bal kan ugu weyn Su’aala haduu idiin sheegi karo, Markii ay ogaadeen inuusan Jawaabeena waxey Talo ku Goosteen in ay Gubaan si ay ugu Gargaaraan Sanamyadooda, taasna Alle (Cw) ayaa ka Badbaadiyay oo Dabkii Dhexdiisa ku Nabad Galiyay Nabigiisii Ibraahiim, kadib Markii uu Allaah (Cw) ku Amray Dabkii inuu noqdo Ibraahiim Qobow iyo Nabad.

Suuradaana waxa ku jira Ducadii Dhaxal galka aheyd ee uu Nabi Ibraahiim ku Duceeyay markii uu Reerkiisii Dajiyay Dhul Banaanaa Markaas oo hada ah Magaalada Makah Halka ay ku taal.

Suuradan waxey soo dagatay 10 Sano Magaalada Makah la joogay, marka laga reebo Aayadaha kala ah:(28, 29) kuwaasoo soo Dagtay Hijradii Madiina ka dib, tiro ahaan Aayadeedu waa 52 Aayadood, awxa ayna ku Bilaabataa Xuruuf Go’go’an, waxa ayna Juz ahaan Musxafka kaga Beegan tahay Juzka 13aad Dhamaadkiisa.

Macnaha Guud ee Suurada Ibraahiim:

Suuradaan waxey aad uga Hadashaa Tiirarka Iimaanka sadax ka mid ah sida: Rumeynta Alle(Cw) Rumeynta Rususha iyo Soo Bixinta Geerida ka dib, si aad ahna waxa ay Xooga u Saartay Risaalada Nabi Muxamad (Scw) ayadoo soo Bandhigeysa dacawdii Nabiyada (Cs), waxeyna Cadeysay Suuradaan in Risaalooyinka Nabiyada oo dhan isku Mid ahaayeen, maxaa yeelay Nabiyada oo dhan Shaqada Koowaad ugu weyn Shaqadooda waxey aheyd in ay Caaqiidaa Towxiidka Aduunka ku Faafto, si ay Dadka uga Saaraan Mugdiga Shirkiga una Saaraan Iftiinka Tooowxiidka.

Suurada 15aad Al-Xijri:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Xijri so loo waariyo Xasuusta Cadaabkii ku Dhacay Reer Thamuud iyo Magaaladii ay daganaayeen oo la dhihi jiray Xijri, taaso aheyd Magaalo aad u weyn oo ku ooli jirtay inta u Dhaxeysa Magaalada Madiina iyo Dhulka Shaam loo Yaqaan.

Reer Thamuud waxey ahaayeen Qabiil Carabtii hore ah sidoo kalana Reer Caad oo aan kaga soo hadalnay Suurada Huud, Reer Thamuud waxey ku Caan baxeen in ay Buuraha Guryo ka Dhex Qortaan, waxeyna ahaayeen Dad aad Aduunka ugu Dadaala sidii ayagoo aan ka tageynin Weligood, Markii Nabi Saalax Diinka ugu yeerayna waa ay Beeniyeen, waxeyna iloobeen Nicmooyinka ay Heestaan in ay ka Helaan Alalaha loogu yeerayo, waxeyna Xujooyin iyo Cadeymi ka Dalbadeen Nabi Saalax, markii Mucjizadii Hashii ay ka Dalbadeen arkeena talo ku Goosteen in ay Dilaan Kibir Dartiis, taasoo keentay in Qeylo lagu Cadaabo oo ay Dhamaadaan marka laga Reebo koox yar oo Raacday Nabi Saalax.

Suuradaan waxey ka Mid tahay Kuwa magaalada makah ku soo Dagtay, marka laga Reebo Aayada 87aad, tiro ahaana Aayadaheedu waxey Gaarayaan 99 Aayadood, waxeyna soo Dagtay Suurada Yuusuf ka dib, Musxafkana waxey kaga Began tahay Juzka Biloowga Juzka 14aad.

Macnaha Guud ee Suurada AlXijri:

Suuradan waxaa ay Guud ahaan faahfaahin ka Bixisaa halaagii ku Dhacay kuwai Nabiyadii Horeeyay Beeniyay, sidaa darteed Suurada waxey ku Bilaabataa Handadaad iyo Digniino tusaya in kuwa Gaalnimada ku Dhinta ay Imaan Doonto Maalin (Qiyaamo) ay Tamaniyi Doonaan in ay Fiicnaan laheyd in ay Muslmiin ahaadaan (Aduunkii), waxeyna Suurada Tilmaameysaa in Nimco Walba oo Gaal heestaa Cadaab ka dambeeyn Doono.

Waxaana xasuusin Mudan Qisada Reer Thamuud iyo Reer Caad in ay yihiin Qisooyinka soo Gudbintooda uu la gaarka yahay Kitaabka Qur’aanka, mana ka hadlaan Kitaabada kale ee ay heystaan Ahlu Kitaabka oo ah Yuhuuda iyo Nasaarada.

Suurada 16aad Al-Naxli:

Suuradaan waxaa loogu Madac daray Al-Naxli, oo Macno ahaan ah Shinida, si dadku u ogaadaan Cajabka ku Jira Uunka Alle (Cw) xataa haduu yahay mid sida Shinida oo kale u yar, maxaa yeelay Nooca ay Shinida u Abuuran tahay iyo Habka ay u Nooshahay, Habka ay Sameeyso Malabka iyo Habka ay u Nidaamsan tahay Nolosha Shinida intuba waa Daliil Cadeynaya in Alle kaliya koonka Maamulo, Aasaga kaliyana inuu yahay Kan Caabudida Muteystay.

Suuradan waxa ay Soao Dagatay Intii Magaalada Makah la Joogay, marka laga Reaebo Aayadaha 126,127,128 kuwaa oo ah Aayado Magaalada Madiina kusoo Dagtay, tirada Aayadaheeduna waa 128 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al Kahaf ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Juzka Biloowga 14aad ilaa laga gaaro ku dhawaad Dhamaadka Juzkaas.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Naxli:

Suuradaan waxey aad u Faahfaahisaa Caaqiidada arimha Quseeya, ayadoo u soo Bandhigeysa Hab ah in ay Dadka Dareensiiso in ay Dib u eegaan Koonka ku Hareyreeesan Sida: Cirka, Dhulka, Badaha, Xidigaha, Buuraha, Dhulka Siman ee Dadku Dagan yihiin,Roobka, Dhirta Dhulka kasoo Dhalata, Maraakiibta iyo Doomaha Badha isaga Goosha kuwaasoo Xidigaha ka Dhigta Caalamadii ay Mugdiyada Badaha kaga Gudbi lahaayeen,..i.wm.

Suuradaan waxey Insaanka Caalamka ku nool ugu yeereysaa in ay Bal Dib u eegaan Hareertooda si ay u arkaan Muuqaalada Cad cad ee ka Hor Muuqda ee Tusaya Allaah (Cw) inuu yahay Hal kaliya Maadama aysan jir Cid Koonkaas la Abuurtay.

Suurada 17aad Al-Israa ama Banuu Israaiil:

Suuradan Al Israa waxaa loogu Magac daray Mucjizadii weyneed ee Nabi Muxamad lagu gaarka yeelay, Mucjizadii Nabiga Suuban lagu Dheelmiyay Habeen asagoo Joogay Makah lana Geeyay Qudus Masjidka ku yaala ee Al-Aqsaa, asagoo Halkaas kula Kualmay Nabiyo Badan salaadna ku Tushiyay, ka dibna waxaa la Korsiiyay Samooyinka …

Suuradan waxey soo dagatay Xiligii Makah la Joogay, marka laga reebo Aaayadaha nambarkoodu yahay(26,32,33,57,73,74,75,76,77,78,79,80) oo ah Aayado Magaalada madiina kusoo Dagtay Hijradii ka dib, tiro ahaana Aayadaheedu waa 111 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suura Al-Qasas ka dib, waxeyna Suuradan ku Bilaabata Amaanta Allaah (Cw), Juz ahaana waxey Musxafka kaga Beegan tahay Juzka 15aad Biloowgiisa ilaa laga gaaro Kaloo barka Juzkaas.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Israa:

Suuradan Al Israa waxey Xooga Saarta Arimaha Caqiidada Quseeya sidaba Caadada u ah Dhamaan Suuradaha Magaalada Makah intii la Joogay Soo dagatay, laakiin suuradaan waxey si Gaar ah Xooga usii saartaa Shaqsiyada Nabi Muxamad (Scw) iyo Mucjizaadkii Allaah siiyay iyo Xujooyinkii Cadcadaa ee uu Mushrikiintii Quresh kala Hor tagay ee Tusayay Nabiga Nabi inuuu yahay.suradana waxey Dadka Muslimiinta ka Dhistaa Aadaabta Wanaagsan sida: Edebta ay tahay in Waalidka iyo Qaraabada lagula Dhaqmo, iyo Balanta la Dhowro, waxeyna Muslimiinta ka reebtaa Aadaab Xumida sida:Bakhiilnimada, ama Xoolo ku Dheelka, in Caruurta loo Dilo Gaajo ka Cabsi, waxey kaloo ka reebtaa Muslimiinta una Cadeysaa Khatarta Zinada leedahay iyo in Xoolaha Agoonta lagu Xad gudbo.

Fadliga Suurada:

Imaamu Tirmiidi waxuu Wariyaa in Hooyadii Muminiinta Caaisha ay tiri: {Nabiga Suuban (Scw) wuxuu ahaa inusan Seexan jirin Habeenkii ilaa uu ka aqriyo labada Suuradood ee Al-Zumar iyo Suurada banuu Israaiil (Israa)}.Xadiiskuna waa Xasiix.

Sideen u Fahamnaa Quraanka?. Q. 9aad

Suurada 18aad Al-Kahf:

Suuradaan waxaa lagu Magacaabaa Al-Kahaf, oo Macnaheedy Yahay Godkii, maadama ay ka Sheekeyso Qisadii Mucjizada laheyd ee Dhalinyaradii Godka Galay ayagoo Baxsad la ah Diinkooda ee Hurdada Dheer Allaah uu galiyay ilaa ay kasoo Naxaan Mar Dambe oo Boqortooyadii Gaalada aheyd ee Diinka Towxiidka la Dagaashaneed Allaah uu ku Badalay Mid Towxiidka Aaminsan.

Suuradaan waa Suurad Soo Dagatay waqtigii Muslimiinta ay Magaalada Makah Dhibaatada ku heysatay, Marka laga Reebo Aayadaha ka Biloowdo 86 ilaa laga gaaro 101, Tiro ahaana Aayadaheedu waa 110 Aayadood, waxeyna Soo Dagatay Suurada Al-Ghaashiyah, waxeyna ku Bilaabata Amaanta Allaah (Cw), Suurada waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Juzka 15aad Qeybtiisa Dambe iyo Biloowga Juzka 16aad, waxeyna Suuradaan Caan ku tahay in ay ka Sheekeyso Qisooyin Badan sida Dul-Qarneyn, Nabi Muuse iyo Khadir.

Macaha Guud ee Suurada Al-Kahfi :

Suuradan waxey Mid ka tahay 5 Suuradood oo ku Biloowdo Amaanta Allaah (Cw) kuwaasoo kala ah: Al-Faatixa, Al-AnCaam, Al-Kahfi, Faadhir, iyo Suurada Saba, taasoo Macnaheedu yahay Suuradaan waxey Astaan u tahay Amaanta iyo Alle, waxa ayna dadka baraarujisaa in Allaah kaliya loo Ictiraafo, Weyni, Kibir iyo Dhameystirnaan oo Dhan.

Sidaa darteed Suuradaan waxey Dadka ugu yeereysaa inaan lagu Kadsoomin Dhaldhalaalka Dunida iyo Nicmooyinkeeda sida Beeraha iyo Maalka, ayadoona Dadka ku Baraarujineysa waxa Anfaca leh in ay yihiin wixii Maalinta Qiyaame Cadaabka Alle (Cw) looga Badbaadi karo kaliya.

Fadliga Suurada Al-Kahfi:

Waxaa ku soo Arooray Suuradan Axaadiis Saxiix ahoo Tilmaameysa: Ruuxii Xifdiya 10 Aaayadood oo Biloowga Suuradaan ah in Allaah (Cw) Badbaadinayo Fidnada Dajaal, ama 10 Aayadood oo Dhamaadka Suuradan ah Ruuxii akhriya Dajaal Dhib ma gaarsiiyo.

Axaadiis kalana waxey Tilmaameysaa: Qofkii Aqriya Suurada Alkhf sidii loo soo Dajiyay, waxey Maalinta Qiyaame u Noqotaa Nuur ka biloowda Meesha uu Joogo illa Makah Gaara.

Waxaana Sidoo kale soo Aroortay Axaadiis tilmaameysa : Ruuxii Aqriya Suuradan Maalinta (Habeen) Jimcaha ah Nuur ayaa u ifa ilaa Jimcaha kale laga gaaro.

Suurada 19aad Maryama:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Maryama Binti Cimraan, si ay u Waarto Xusuusta Mucjizadii Alle (Cw) uu Maryama ugu Hibeeyay Wiil aan Aabe laheyn, ka dibna Alle uu ka Hadashiiyay Wiilkii yaraa Maalintii uu Dhashayba asagoo sheegay inuu yahay Adoon Alle yahay Nabina yahay Dacwada Gaarsiin Dooona Banuu Israaiil.

Suuradan waxey soo dagatay intii Makah aan laga Hijroon, marka laga Reebo labada Aayadood ee kala ay Aayadaha 58 iyo 71 oo ah kuwa Madiina Markii loo Hijrooday soo Dagtay, tiro ahaana Aayadaha Suuradaan waa 98 waxeyna soo dagatay Suurada Faadhir ka dib, waxa ay ku Bilaabataa Xuruuf Gogoan, Juz ahaan Musxafka kaga Beegan tahay Qeybta hore ee Juzka 16aad.

Macnaha Guud ee Suurada Maryama:

Suuradan waxey Xooga Saartaa Towxiidka iyo ka Nazahida Alle (Cw) wax walba uusan Mudneyn, waxeyna Dadka u Tilmaantaa in Geerida ka dib la isoo Bixin doon si Qof walbaa uu u helo waxuu Kasbaday Shar ama Kheyr, waxa ayna Suurada ka Sheekeysaa Jidka ay kala Mareen kuwa Hanuunsanaa iyo Kuwa Baadiyoobay.

Waxaana Xasuusin Mudan Suuradan magaca ay wadataa waa Magaca Dumar ee kaliya ee Quraanka ku Xusan.

Fadliga Suurada Maryama:

Suuradan Maryama fadligeeda waxaa Tusaya: Markii saxaabada u Hijroodeen Dhulkii loo yiqiinay Dhulkii Xabashida, ee uu Boqorkii xabashida Najaashi Suaalay Waxa ay Muslimiinta ka Aaminsan yihiin Maryama Binti Cimraan?.

Muslimiintii Muhaajiriinta ahaa waxaa u Hadlay Jacfar Ibni Abii Dhaalib oo Sharaxay Caqiidada Muslimiinta ee ku Aadan Maryama iyo Wiilkeeda Ciise asagoo ku dul aqriyay Suurada Maryama, taasoo keentay in Boqorkii Najaashi iyo Baadariyadii ka agdhawaaba ay ilmeeyaan ayagoo la yaaban kuna khushuucsan sida Wanaagsan ee Quraanka u Sharaxay Qisada Maryama, waxa ayna ku Dhawaaqaan Shahadadii Islaamka oo waxeyna arintaas Albaab u Noqotay in Dhulka Xabashida Diinta Islaamka ku Faafto.

Waxaana Xasuusin Mudan Maantadan la Joogo in Muslimiinta Xabashida yihiin kuwa ugu Badan Xaga Tirada marka laga Hadlayo Wadamada ku yaala Geeska Afrika.

Suurada 20aad Dhaahaa:

Suuradaan waxaa la yiraahdaa Dhaahaa oo Culimada qaar ku fasireen in ay tahay kalimadaas Magac uu Nabi Muxamad leeyahay, waxeyna Suurada madax dajin u tahay Nabi Muxamad oo Dhibaatooyin badan Markaas kaga imaanayeen Dhanka Mushrikiintii Carabta.

Suuradan waa Suurad Soo dagatay intii aysan Muslimiinta ka Hijroon Magaalada Makah, marka laga reebo labada Aayadood ee kala ah Aayada 31 iyo 32aad oo ah Madiina kuwa kusoo Dagtay,xaga tirada Aayadahana waa 135 Aayadood, Juz ahaana waxey ku Beegan tahay Qeyta Dambe ee Juzka 16aad, waxeyna Soo Dagatay Suurada Maryama ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Dhaahaa:

Suuradaan waxey Xooga Saartaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada sida lagu yaqaan Dhamaan Suuradaha Magaalada Makah ku soo dagtayba Maadaama ay makiyah tahay..

Suurada 21aad Al-Anbiyaa:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Anbiyaa, maadaama Suurada so kookooban ay usoo Hadal Qaaday Nabiyo Fara badan, waxa ayna Suurada Tilmaamo ka Bixisay Nabiayadaas Dadaalkoodii Xaga Dacwada, Sabarkoodii iyo Sidii Naftooda ugu Hureen Jidka Allaah (Cw).

Suuradan waa Makiyah, Tirada Aayadaheeduna waa 112 Aayadood, waxeyna Juz ahaan Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga ilaa Bartamaha Juzka 17aad, waxeyna soo Dagatay Suurada Ibraahiim ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Anbiyaa:

Suuradan waxe ka Hadshaa Caqiidada Arimaha Quseeya sida: Risaalada Toowxiidka, Soo Bixinta Maalinta Qiyaame, Abaal Marka maalinkaas jira, waxa ayna sidoo kale wax ka Tilmaantaa Saacada Qiyaamaha iyo Dhibaatooyinka ay Xambaarsan tahay Marka lagaaro Dhicitaankeeda, iyo Guud ahaan Qiyaamaha waxyaabah ka jira ee Dhibaatooyin ah, waxeyna soo Hadal qaadaa Nabiyada iyo Rususha Sheekooyinkooda.

Suurada 22aad Al-Xaj:

Suuradan Al-Xaj ayaa Magaceedu yahay, si loo Waariyo Xusuusta Ducadii Nabi Ibraahiim Markii uu Dhisay Kacbada Sharafta Badan.

Suuradaan waxa ay Soo Dagatay Magaalaga Madiino Markii Loo Hijrooday ka Dib, marka laga Reebo Ayadaha nambarkoodu yahay: 52, 53, 54, 55 kuwaas oo kusoo Dagtay Meel u Dhaxeysa Makah iyo Madiino, tiro ahaana Aayadaheedu waa 78 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Nuur ka dib, waxa ayna Juz ahaan Musxafka kaga Beegan tahay Barka dambe ee Juzka 17aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Xaj:

Suuradaan waxa ay ka hadashaa Arimaha Sharciga ku Saabsan maadama ay Madaniyah tahay, waxaase ka Dhex Muuqda Muuqaaladii ay Xambaarsanaayeen Suuradaha Makiyada ah, oo waxaa ay aad u Faahfaahisaa Arimaha: Toowxiidka, Digniino, Cabsiin, iyo Abaal marka jira Geerida ka dib marka la isa soo Nooleeyo, Arintaan oo keeni karta Ruuxa aqriniya Suuradaan inuu Moodo Suuradan in ay Makiyah tahay, waxey kaloo ka hadashaa Dhinacyada Sharciyada ku saabsan: Idinka Jihaadka, Axkaamta Xajka, iyo Xoolaha Hadyiga ah ee Xujaayda Goowracdo.

Waxaa Xasuusin Mudan Suuradan in ay Suuradaha Qur’aanka kala Gaar Noqotay in ay ku jiraan laba meelood oo ay Sunno tahay marka la gaaro Aqrinteeda in la Sujuudo.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q. 10aad

Suurada 23aad Al-Muminuun:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Muminuun si Muslimiinta loo Xasuusiyo Darajooyinka wanaagsan ay ku leeyihiin Janda Firdowsa Dhexdeeda.

Suurada waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 118, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Anbiyaa ka dib, waxeyna ku bilaabataa Aayado Xambaarsan Kalimaad Muujinaya liibaanta Mumniinta Maalinta Qiyaame gaarayaan, Juz ahaana waxey kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 18aad ilaa ku Dhawaad kaloo Bar.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mumnuun:

Suurada waxey ka Hadashaa Arimaha Quseeya Caqiidada sida Toowxiidka, Risaalada, iyo Soo Bixinta Maalinta Qiyaame, waxeyna Faahfaahin ka bixisaa Tilmaamaha kuwa Janada Firdowsa Dhaxalka u yeelan Doona, waxaana ka mid ah Tilmaamahaas:In Salaada lagu Khushuuco, in Hadalada Macno Darada ah laga Jeesto, in Zakada la Guto (Bixiyo), in Zinda laga Fogaado, in Amanaada iyo Balamada la ilaaliyo..

Suurada 24aad Al-Nuur:

Suuradan waxaa loogu magac Daray Al-Nuur, maadama ay Xambaarsan tahay Nuurkii Shareecada ku Jideysay Aadabo Far badan, waxaana ku jirta Aayad tilmaameysa in Allaah yahay kan Nuuriya Koonka oo Dhan, taasoo laga qaatay Magaca Suuradan.

Suuradan Al-Nuur waxa ay soo Dagatay Magaalada Madiina Markii loo Hijrooday ka dib,Aayadaheeduna waa 64 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Xashri ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaha Juzka 18aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Nuur:

Suuradaan waxa ay aad uga hadashaa Sharciyada iyo Aadaabta, waxeyna Fiiro gaara u leedahay Arimaha Guud iyo Gaar ahaaneed ee ay tahay Muslimiinta in ay ilaaliyaan, Bulsho ahaan ama Afraad ahaanba, Suuradaana waxaa ku jira Axkaam Muhiim u ah Qoyska Muslimka iyo Bulshada Muslimiintaba, waxeyna Suurada Dadka Muslimiintaa Bartaa Khatarta ay leedahay Dacaayada Faafinteeda, iyo Cadawga Muslimiinta Faa’iidada ugu Jirta in ay Muslimiinta Gudahooda is dacaayadeeyaan.

Suuradaan waxaa Xasuusin Mudan waxey si Faahfaahsan uga Sheekeysay Been Abuurkii loo Geestay Qoyskii Nabiga ee lagu Beegsaday Sharafta Caaisha (Alaha ka raali Noqdee) iyo sida kuwa Munaafiqiinta ah u Buunbuuniyeen Dacaayadaas ayagoo Dano gaar ah ka alaahaa, waxey kaloo Suurado Sheegtay kuwa Iimaan leh laakiin dacaayadii Markii ay Badatay Run Mooday oo Faafinteeda ka qeyb qaatay, taasoo tuseysa in Dadka aad uga Digtoonaadaan dacaayadaha Dadka Muslimiinta ah Dhexdooda ku Faafsan, maxaa yeelay Allaah (Cw) waxaa uu Tilmaamay in Dadku Maleeyaan Daacayada wax yar , laakiin ay Alle Agtiisa ku Weyn tahay.

Suurada 25aad Al-Furqaan:

Suuradaan waxaa loogu Magac darat Al-Furqaan oo ah Magac ka Mid ah Magacyada Kitaabka Quraanka loo yaqaan, Magacaas oo loola Jeedo Macno ahaan in Kitaabku yahay kala Saaraha Xaqa iyo Baadilka, Iimaanka iyo Kufriga, Nuurka iyo Mugdiga:

Suuradan waxaa ay ka mid tahay Suuradaha soo Dagtay intii Magaalada Makah la Joogay, Marka laga reebo Aayadaha kala ah: 68, 69, 70, Cadadka Aayadaheedu waa 77 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Yaasiin ka dib, waxa ayna ku Beegan tahay Biloowga Juzka 19aaad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Furqaan:

Suuradaan waxey Guud ahaan ka Hadashaa Sugitaanka Dhabnimada Quraanka iyo Rasuulnimada Nabi Muxamad (Scw), waxayna soo Bandhigtaa Qisooyin ay ku jirto Waana Qaadasho.

Waxaana si gaar ah Xasuusin u Mudan Suuradan in ay Dhamaadkeeda Soo Bandhigto Tilmaamo Gaaraya 12 oo Calaamad u ah Awliyada Alle (Cw) Tilmaamahaas waxa ay ka Kooban yihiin kuwa Isugu Jira Caqiidada lagu Yaqaan Awliyada Alle (Cw) Ciibaadooyinka Awliyada Alle (Cw) iyo Aaadabta Awliyada, waloow Maanta Dadki ayagoo Tilmaamahaas garab Marsan Hadana Sheeganaayaan in ay Awliyo Alle (Cw) yihiin, Hadey Tahay Dhowritaanka Caqiidada, hadey tahay Cibaada ku Dadaalka Hadey tahay ka Dhowrsashada Xumaanta Sida Dhiiga Muslimiinta iyo Faaxishada Zinada.

Suurada 26aad Al-Shucaraa:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Shucaraa, Maadama Suurada ay ka Hadashay gabyaaga Cida Raacada iyo Astaamaha lagu yaqaan, taasoo Meesha ka Saareysa in Nabiga Suuban (Scw) lagu Tuhunsado in uu Gabyow yahay.

Suurada Al-Shucaraa waa makiyah, marka laga Reebo Aayadaha kala 197, 224, 225, 226, 227, kuwaas oo ah Aayada kusoo dagtay Markii Madiina loo Hijrooday ka dib, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Waaqica ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Shucaraa:

Suuradaan maadama ay ka mid tahay kuwii Makah kusoo Dagtay waxey si gaar ah Xooga u Saartaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada, waxeyna Soo Bandhigtaa Tusaalooyin Cadcad oo Muujinaya Dhibaatooyinkii Aduunka ku Qabsaday Kuwii Toowxiidka Diiday sida Nabi muuase kuwii Beeniyay Fircoon Dadkiisii, Qoomkii Nabi Ibraahiim Beeniyay, Qoomkii Nabi Nuux Beeniyay, Qoomkii Nabi Huuh Beeniyay, Qoomkii Nabi Saalix Beeniyay, Qoomkii Nabi Luudh Beeniyay, Qoomkii Nabi Shuceyb Beeniyay, waxa ayna Suuradan Dadka ku Waanisaa in lagu Tusaale qaato Cadaabka ku Dhacay Qolooyinkaas Diiday Dacwadii Toowxiidka ee ay Nabyadooda u wadeen.

Waxaa kaloo Suuradaan laga Faaiidaa nabiyadu in ay Dad ahaayeen Dhlasho ahaan, maxaa yeelay Suurrada waxa ay Tilmaantay Nabi Walba inuu Qolo ka Dhashay, laakiin uu Allaah ku Karaameeyay Waxyi xagiisa kaga yimid, waxaa kaloo suuradaan laga Faaiidaa in Nabiyada aysan Dacawada Gaarsiinteeda waxba kaga Dooneyn dadka ay Dacwada ugu yeeayaan, laakiin in ay Ula jeedadooda aheyd kaliya rabi Waajibka uusaaay in ay Gutaan.

Waxaa Xasuusin Mudan Nabiyadaas oo Dhan dacwadooda waxey aheyd Mid ku gaa ah Qoomkooda ama Qabiiloadooda, halka Dacwada Nabi Muxamad ay ka tahay Dacwo Caalamka oo Dhan ku Socota.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q. 11aad

Suurada 27aad Al-Namal:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Namal, si ay u Waarto Xusuustii Mucjizooyinkii la siiyay Nabi Suleymaan taasoo ay ka mid aheyd inuu afgaran jiray wax kasta oo uu Alle Koonka ku Abuuray sida Shimbiraha, Quraanyada oo ah Magaca Suurada Xambaarsan tahay.

Sheekada Quraanshada waxey Suuradaan ka Sheegtaa mar uu Nabi Suleymaan Safar ahaa oo ay la Socdeen Ciidamo fara Badan oo ka Kooban Uun kala Duwan Jidkiisii uu ku Beegmay Tog ay Quraanyadu Degan tahay, Quraanyaduna waxa ay ka mid tahay Noolayaasha aadka u Nidaamsan tahay Noloshoodu, oo waxey leedahay Hogaan, Ciidan Duula, kuwa Amaankooda ilaaliya, Sahan iyo wax walba oo Umad Nooli leedahay, Quraanyadii ayaa Markii ay aragtay Ciidanka kusoo Foolka leh Togii ay Daganeyd Qaar ku yiraahdeen kuwii kale, Ka carara meesha yuusan Cagta idin marin Ciidanka Nabi Suleymaan ayaga oo aan idin Jeedin, Nami Suleymaana waxaa Mucjizo ahaan loo Siiyay inuu wax walba oo Koonka ku Nool Hadalkooda Fahmo, waa Dhoolo cadeeyay markuu hadalkeeda maqlay waxa uuna u Mahad Celiyay Alle (Cw) oo ku Baryay inuu ku Hanuuniyo inuu ka Mahad Celiyo Galada weyn iyo Nicmooyinka la siiyay…

Suurada waxey soo Dagatay Xiligii Makah la Joogay, tiro ahaana Aayadaheedu waa 93 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Al-Shucaraa ka dib, Juz ahaana waxey ku Beegan tahay Dhamaadka Juzka 19aad iyo Biloowga Juzka 20aad.

Suuradaan Al-Namal waxa ay ka mid tahay Sadax Suuradood oo Musxafka la isugu Xijiyay sidii ay usoo Dagteen kala horeyn ahaan iyo isku xigidba, waxa ayna kala yihiin Suurada Al-Shucaraa, Al-Namal iyo Al-Qasas oo ah Suurada Xigta, waxey kaloo Suuradan Al-Namal la Gaar tahay in ay Gudaheeda ku jirto Bisin la mid ah kan Suurad walba ku Bilaabato.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Namal:

Suuradan Maadama ay Makiyah tahay waxaa Caadi ah in ay si Gaar ah uga hadasho Umuuraha Caqiidada ku Saabsan sida: Toowxiidka, Rumeynta Rususha, iyo soo Bixida Maalinta Qiyaame, waxa ayna Xaga Manhajka kala mid tahay Gaar ahaan Suurada ka Sareysa iyo tan ka Dambeysa marka loo fiiriyo Habka ay dadka ugu Caqli Celiso ama u waniso in ay ku tusaale Qaataan Dadkii tagay.

Waxaana xasuusin Mudan Suuradaan in ay la gaar tahay Taariikhdii ay Diinta Toowxiidka ku Gaartay Dhulka Yaman Waagii Nabi Suleymaan, hadii aan soo koobana Qisada waxay Cadeyneysaa in Yaman ay lahaan Jirtay Boqortooyo ay Xukumi Jirtay Naag Balqiis la dhihi jiray, waxa ayna Boqortooyadaas Alle ahaan u Caabudi jireen Qoraxda, waxaana arintaas Nabi Suleymaan soo Gaarsiiyay Shimbir ka mid ahaa Ciidankiisa (Hud-hud) kana war bixiyay si Faahfaahsan, markaa ka dib ayuu Nabi Suleymaan Risaalo ku Bilaabata magaca Alle (Cw) u diray Boqoadii Reer yaman oo uu ugu Baaqayo in ay Islamaan, taasoo natiijadii noqotay markii ay Reerkeedii la tashatay Boqoradii Saba (Yaman) ku Qancaan in Islamaan..

Waxaa kaloo xasuusin mudan Marka laga Hadlayo Nabi Suleymaan in aan Ogaano in Diinta Islaamka kaliya tahay tan sida ugu Wanaagsan u Tilmaanta marka loo eego Nasaarada iyo Yuhuuda , waayo Labdaas Kooxba waxey Aaminsan yihiin inuu Suleymaan Ahaa Boqor Saaxir ah (Alle ayaa Xumaan ka Nazahane) waxaa ayna Aaminsan yihiin inuusan aheyn Nabi Alle (Cw) soo Diray, hase yeeshee Muslmiinta (Umada Raacday Nabi Muxamad) waxa ay Aaminsan yihiin inuu Suleymaan ahaa Nabi ka mid ah Nabiyaashii Reer banuu Israa’iil loo soo diray, Isla markaasna ahaa Boqor.

Suurada 28aad Al-Qasas:

Suuradaan waxaa lagu Magcaabaa Al-Qasas waayo waxaa ay si Faahfaahsan uga Qiseysaa Taariikhda Nabi Muuse laga Bilaabo Dhalashadiisa ilaa laga gaaro Risaaladii loogusoo Dhiibay Reer Banuu Israa’iil oo Xiligaas ku jiray Adoonsi, waxaan Suurada aad u tilmaantaa Allaah sida uu u Guuleeyo kuwa Jidka Towxiidka qabsada isla Markaan uu u Halaago kuwa Cadaw ku Noqda Towxiidka.

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo labada Aayadaood ee kala ah 52, 85, Aayadaheeduna tiro ahaan waa 88, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Namal ka dib sidaanba horey usoo Tilmaanay, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Juz ahaan Bartamaha Juzka 20aad ilaa ku Dhawaad Dhamaadkiisa.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Namal:

Suuradaan waxaa ay Faahfaahin u tahay Labadii Suuradood ee kala Ahaa Al-Shucaraa iyo Al-Namal amaba Dhameestir Xaga manhajka iyo Qisooyinkaba, si gaar ahna waxey faahfaahin ka Bixisay Taariikhada Nabi Muuse, isla markaana waxey ka Sheekeysay Dhibaatda Xiligaas heysatay Israa’iiliyiinta oo Markaas ahaa Umad Towxiidka iyo Nabiyadii Alle soo diray Aaminsan, waloow ay Dhibaato badan marsiiyeen Nabi Muuse mar walbana hadii Mushkilo kala Gudbo ku Abuurayeen mid kale, ilaa uu ka Habaaray oo ay Galaan 40 sano oo Jahawareer ah, Afartankaas Gudaheeda ayaana la oofsaday Nabi Muuse (Nabad iyo Naxariis Alaha yeelee Korkiisa).

Suurada 29aad Al-Cankabuut:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Cankabuut oo Macnaheedu yahay Caaro, sababtana waa in ay Suuradan ku Tilmaantay kuwa Toowxiidka Rabi (Cw) ka leexday ee Caabuda wax Allaha koonka Abuuray ka soo Hara in ay la mid yihiin Caaro guri dhisatay oo kale, waa marka loo eego Faa’iido ahaan waxa ka soo Galaya Cibaadada ay la Aabaareen Uunka Alle ha ahaado Sanam la Qortay, ama Malag Suuban sida Jibriil, ama Nabi sida Nabi Ciise oo kale ah, ama Weli ka mid ah Awliyada Alle sida Maryama Binti Cimraan, maxaa yeelay waxba ma siin karaan, mana u diidi karaan, sidaa darteed Suuradaan waxey tilmaantaa in ay waxba ka heleyn Cibaadada Shirkiga Sida Caarada aysan waxba ugu Dheefsan Guriga ay Dhisatay ee aan Qaboowga iyo Qoraxda iyo Cadawgaba ka aqrin.

Suuradan Al-Cankabuut waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah: 1 ilaa 11aad kuwaas oo ah kuwa kusoo Dagtay Magaalada Madiina Markii Nabiga Suuban (Scw) iyo Saxaabadiisii u Hijroodeen ka dib, waxa ayna soo Dagatay Suurad Al-Ruum ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 20aad ilaa Bilowga hore ee Juzka 21aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Cankabuut:

Suuradan Maadama ay Makiya tahay Waa Caadi in ay Caqiidada Xooga saarto, waxaana u dheer in ay Faahfaahiso kuwa Caqiidada saxiixa ah qaatay in ay Aduunka Dhexdiisa kula kulmaan caqabado lagu Imtixaanayo iimaankooda inta uu Gaarsiisan yahay, waxaana ugu Imtixaan weyn Nabiyada, waxaana ku Xiga kuwa Iimaan ahaan darajada Nabiyada Iimaanka ka hooseya, ka dibna sida lookala Iimaan Wanaagsan yahay.

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q. 12aad

Suurada 30aad Al-Ruum:

Suurada Al-Ruum si ay Xasuus ugu Noqoto Mucjazadii Qur’aanka uu Alle (Cw) ku sheegay oo aheyd Guul Mustaqbalka Dhaw ay gaari Room xili Markaas waqti ka hor lagu jabiyay Dagaal ay la Galeen Boqortooyadii Faaris (Beershiya).

Labadan Qolo ee Ruum iyo Faaris waxa ay ahaayeen laba Boqortooyo oo Aduunka Xiligaas ugu Awood Roonaa isla markaana waxaa ka Dhaxeeyay Hardan Xaga Awooda ah, Diin ahaan waxa Ahlu Kitaab ahaa Ruumaanka oo Markaas waxa ay ahaayeen kuwa Xaga Diinta ugu Dhaw Muslimiinta Makah joogay oo Markaas ay ku Cusbeyd Dacwada Diinta Islaamka, Faarisna waxa ay ahaayeen Dab Caabud Mushrikiin ah (Majuus), labadaan Qolo Meelaha uu Dagaalka ku Dhex maray waxaa ka mid ahaa Waqooyiga Jaziirada Carabta, sidaa darteed waxaa Suurada tilmaantay in Muslimiinta ku Farxi Doonaan marka Ruum ay Guuleysato maadama ay Dad ayaga u Xigeen Caqiido ahaan.

Suuradaan waa Makiyah, marka laga Reebo Aayada 17aad oo ah Madaniyah, tiro ahaana Aayadaheedu waa 60 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Inshaqaaq ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Ruum:

Suuradan waxa ay wax ka Tilmaantaa Arimaha Quseeya Caqiidada Maadama ay Makiyah tahay, sida Kalinimada Alle (Cw) oo la Aamino, Risaalada Nabi Muxmad in ay tahay Risaaladii ugu Dambeysay ee uu Rabi (Cw) soo Dajiyay, iyo in la isoo saari Doono Maalinka Dambe ee Qiyaamaha qof walbana la Siin Doono Abaal marka uu Xaqa u yeesho…

Suurada 31aad Luqmaan:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray luqmaan, oo ah Nin ka Mid ahaa Umadihii hore ee Diinta Islaamka Aaminsanaa, Ninkaas waxaa ay Suuradaan ka soo tabisaa Waano aad u Qiimo Badan oo uu Waaniyay Wiilkiisa, taasoo Dhinacyo Badan ka Koobneyd.

Luqmaan waxaa uu Wiilkiisa ku Waaniyay inuu Aqoon u yeesho Allaha uu Caabudayo, Cibaadadana uusan Cid kale waxba ka siin, waxaa uuna uga Digay Wiilkiisa Shirkiga (Cibaadada Alle oo Cid kale Qeyb laga siiyo amaba Cid kale loo wada leexiyo) Qatartiisa, ka dibna waxaa uu ku waaniyay Arimo Aadaab ahaan looga Baahan yahay Qofka Muslimka ah ee Caqiidada u Saxan tahay, Maxaa yeelay Caqiidada iyo Aadaabtu kalama Haraan, oo waxaa la yiraahdaa Qofkii Caqiidadiisa Wanaagsanaato waxaa lagu gartaa Aadaabta Wanaagsan, sidaa Daraadeed Culimada Wax ka Qora Araimaha Caqiidada waxa ay mar walba ku Lamaaniyaan Qeybo ka Hadlaya Aadaabta maadaama ay Caqiidada ku Shaqo leedahay Laabta waxa ku Qarsoon, Aadaabtuna waxa ay soo Muujisaa Laabta Wanaaga kujira, marka Arintaas waxa ay tuseysaa in Qofkii Aadaabtiisa Xuntahay ay Caqiidada Xuntahay.

Suurada waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah: 27, 28, 29, tirada Aayadaheeda Guudna waa 34 Aayaadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Saafaad ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Luqmaan:

Suuradaan waxa ay Xooga Saartaa Umuuraha ku Saabsan Rumeynta Muslimka looga Baahan yahay sida Rumeyntaa Alle(Cw) inuu Kali ku yahay Cibaadada, Nabi Muxamad (Scw) inuu yahay Rasuulkii ugu Dambeeyay Rusushii Alle (Cw) soo diri jiray iyo Soo bixinta Maalinta Qiyaame Geerida ka dib ah.

Suurada 32aad Al-Sajdah:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Sajdah, maadaama lagu Dhex Sheegay Tilmaamaha Wanaagsan ee Muminiinta Saxda ah in ay ka mid tahay Hadii ay Maqlaan Aayadaha Alle (Cw) in ay u Sujuudaan Alle ayagoo Mahada Rabi ku Tasbiixsanaya ayagoo aan aan iska weyneysiineyn Quraanka Kariimka ah.

Suurada waa makiyah marka laga Reebo Laga Bilaabo Aayada 16aad ilaa iyo Aayada 20aad oo ah Aayado Magaalada Madiina kusoo Dagtay, tiro ahaan Aaayadaheedu waa 73 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Muminuun ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Sajdah:

Suuradaan waxa ay la mid tahay Guud ahaan Suuardaha Maka ku soo Dagta Xaga manhajka, waxa ay ka hadashaa Caqiidada iyo Rumeynta Saxda ee looga Baahan yahay Muslimiinta, waxa ayna faahfaahisaa Soo bixinta Dambe marka Caalamka Dhamaado ka din ah taasoo in Badan Musrikiinta ay aad ga Doodaan, taasoo ay Daliil uga Dhigtaan Beeninta Rususha Alle (Cw) soo diray.

Suurada 33aad Al-Axzaab:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Axzaab, si ay Muslimiinta u Xasuuso Isbaheysigii Mushrikiinta ay u Sameysteen Dabar Goynta Diinta Islaamka yagoo Rasuulka iyo Saxaabadiisa ku soo qaaday Duulaan aad u Balaaran, laakiin waxaa uu Alle (Cw) Muslmiinta ku galadeystay Guul aad u weyn ayagoon Dagaal Buuxana la galin Isbaheysigii Mushrikiinta.

Suuradan waa makiyah, Aayadaheeduna waa 73 Aayad, waxa ayna soo Dagatay Suurada Aala-Cimraan ka dib, Juz ahaana waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 21aaad iyo Biloowga hore ee Juzka 22aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Axzaab:

Suuradaan Maadaama ay Madaniyah tahay waxa ay aad Xooga u Saartaa Sharciyada Quseeya Nolosha Muslimiinta, waxa ayna ka Hadashaa Nolosha Muslimiinta umad ahaan Qoys ahaan iyo Qof ahaanba, waxa ayna Xambaarsan tahay Xukuno umada Muslimka ah hadii ay Dabaqaan Noloshoodu wanaagasanaaneyso, oo u Damaanad qaadaya Qeybaha Umada ka kooban tahay in ay Sacaado ku Noolaadaan.

Dhanka kalana Suuradaan waxa ay la dagaalantay qaar ka mid ah Caadaadkii iyo Dhaqanadii soo jireenka ahaa ee ay lahaan jirtay sida in Ruuxa naagtiisa yiraahdo Waxaad iga Tahay Hooyadey(Dihaarka), sidoo kalana waxa Suuradaan la Dagaalantay Caado aheyd in Ruuxa Adoon uu leeyahay uu yiraahdo waa Wiilkeygii oo Aftirsiimadiisa loogu yeero oo loo yaqaanay Tabani (Wiilka dhigasho), sidoo kalana waxa ay Suuradaan la Dagaalantay waxyaabo qalad ah oo Dadka Qaar Aaminsanaayeen sida in Ruux uu yeelan karo laba Qalbi, arintaas oo aheyd Khuraafaat aad loo Buunbuuniyay.

Suurada 34aad Saba’:

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Saba oo ah Magaalo ay Daganaan jirtay Boqrtooyo ay Qabiilada Yaman lahaayeen, Boqortooyadaas oo aheyn mid ku nooleyd Barwaaqo iyo Nimcooyin aysan heysan Umadaha kale ee Daganaa Jaziirada Carabta oo Dhan, markii ay ku Kibreen Nicmooyinka Rabi (Cw) oo ay Gaaloobeen waxaa Nicmadoodii Badalay in aylagu Fatahiyo Byo Xireenkii Noloshooda ku Tiirsaneyd taasoo keentay in Qax iyo Abaaro ku Dhacaan Boqortooyadiina Dunto.

Suurada waa Makiyah, marka laga Reebo Aayada 6aad, tirada Aayadaheeduna waa 54 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Luqmaan ka dib,waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilooga ilaa Bartamaha Juzka 22aad.

Macnaha Guud ee Suurada Saba’:

Suuradaan Maadama ay Makiyah tahay waa Caadi in ay Xooga Saarto Amuuraha Caqiidada Quseeya, waxa ayna u soo Gudbisay Hab ah in lagu waano qaato Dadka ka leexda Caabudida Alle (Cw) kaliya waxa ku Dhaca Qisada Reer Saba’.

Suurada 35aad Faadhir:

Suuradan waxaa loogu magac daray Faadhir oo ah kalimad ku Jirta Aayadaha Biloowga ah ee Suuradaan, Taasoo Macna ahaan tuseysa in Alle uu yahay Kan Bilaabay Abuurka Cirarka iyo Dhulka asagoonan uga Tusaale Qaadan wax ka Horeeyay oo Abuur ah, arintaas oo ah mid Muujineysa Weynida iyo Awooda Alle (Cw) iyo Inaysan jirin Abuur kale oo Dhibaya Ha ahaado Abuurka Malaaigta, kan Insaanka iyo kuwa kalaba, Maadaama uu Abuuray Cirarka iyo Dhulalka Awoodiisana ku taagan yihiin.

Suuradan waa Makiyah, Tirada Aayadaheeduna waa 45 aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Furqaan ka dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Juzka 22aad ku Dhwaad ilaa Dhamaad ayada oo ka Bilaabata Bartamaha Juzkaas.

Macnaha Guud ee Suurada Faadhir:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa Arimaha Caqiidada Quseeya, waxa ayna Dadka ugu yeertaa Caqiidada Towxiidka ayadoo soo Aroorisa Daliilo iyo Xujooyin Kalinimada Alle (Cw) Muujinaya, waxa ayna Suuradaan Salka u siibtaa Asalka Caqiida Shirkiga, ayadoo ugu yeereysa in ay Qalbigooda Wasqda Shirkiga ka Nadiifiyaan lana yimaadaan Aadaab wanaagsan.

Suurada 36aad Yaasiin:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Yaasiin, maadama Suurada ay kalimad ahaan ku Bilaabato Ereyga Yaasiin, ereygaas oo ka mid ah Ereyo Suurado badan ku Bilaawdeen oo Macnahoodu Qarsoon yahay.

Suurada waa Makiyah, marka laga Reebo aayada 45aad, Tirada Aayadaheeduna waa 83 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Al-Jini ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 22aad iyo Biloowga Juzka 23aad.

Macnaha Guud ee Suurada Yaasiin:

Suuradan waxa ay ka hadashaa Arimaha kala ah: Rumeynta Maalinta Qiyaame, Daliilo Muujinaya Alle (Cw) kali inuu ku yahay Caabuditaanka iyo Qisadii Dadkii Tuulada (Qaryada) daganaa ee Dilay Ninkii Toowxiidka ugu yeeray.

Sheekaadaas oo kooban waa waxaa jiray Nin ka mid ahaa Dadkii Raacay Dacwadii Nabi Ciise Dadkii waday welibana Donay inuu Dadkiisa Dacwo gaarsiiyo oo ku waaniyay in aysan Dacwada Toowxiidka ka hor imaan, asagoo Tusaale ku siiyay Naftiisa haduu Cid aan Allaah aheyn Caabudo waxa dhici kara oo leh: {ma waxaan yeeshaa Illaahyo Alle (Cw) ka so keeya oo uu haduu Alle ila Doono Dhib anan waxba ii tari karin}, si uu Dadkiisa ugu Muujiyo Baryada iyo Cibaadad wax Alle (Cw) ka Sokeeya la Cabuudaa in ay tahay midaan wax Faaiida ah lagu gaareyn, hase yeeshee Dadkiisii kama faaidin Waanada iyo Caqli Celinta Walaalkood weyna Cadibeen ilaa uu ka Geeriyooday, waxaana Allaah (Cw) Suuradan ku Dhex Sheegay in Ninkaas Muslimka ahaa ee la Dilay Jano ugu Abaal Guday.

Waxaa xasuusin Mudan waxaa Jira Axaadiis aad u fara badan oo dadka Fadli ahaan usoo Arooriyaan marka la Joogo Suuradan Yaasiin laakiin aan saxiix aheyn, sidaa darteed Qof Walba oo Jecel Qur’aanka waxaana u wanaagsan inuu Fadliga Suuradaha iyo Aayadaha Quraanka ka Baarto Axaadiista Saxiixa ah kaliya si uusan wax gaf ah ugu Dhicin asagoo Cibaado iyo wanaag raadinaya.

Sideen u fahamnaa Qur’aanka? Q:13aad

Suurada 37aad As-Saaffaat:

Suuradan waxaa loogu Magac daray As-Saaffaat, si Dadka loo xasuusiyo Adoomada Alle Abuurtay ee loo yaqaan Malaaigta iyo Shaqooyinka wanaagsan ee loo Xilsaaray, waxey u tasbiixsadaan rabigood habeen iyo Maalin kamana daalaan.

Suurada As-Saaffaat waa makiyah, Aayadaheeduna waa 182 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Ancaam ka dib, Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Bartanka Juzka 23aad.

Macnaha Guud ee Suurada As-Saaffaat:

Suuradaan waxa ay ka hadashaa Arimaha Caqiidada ku Saabsan sida Toowxiidka, Waxyiga Soo Bixintaanka Maalinta Qiyaame iyo Abaal Marka Maalinkaas la muteysanaayo.waxa ayna soo si Dul mar ah usoo hadal Qadaa Qisooyinka Nabiyada ayadoo si kooban usoo Bandhigta in ay Cadwgooda ka Guuleysan jireen mar kasta, Cadawga Toowxiidkana markasta in Ciribtiisa Ciqaab ahaan jiratay inta Aduunka la Joogo Cadaabka Qiyaamaha Sugaaya ka hor,

Waxa ayna Tilmaantaa Suuradaan waxyaabaha lagu Cadaabo Maalinta Qiyaame waxaa ka mid ah Geed Naarta ka Dhex baxa oo la yiraahdo Zaqquum iyo Carunka jirkooda ka baxo iyo Biyo kulul oo oonka u sii kordhiya mar walba ay Cabaan.

Suurada 38aad Saad:

Suuradaan waxa la yiraahdaa Saad, waxa ayna la mid tahay Suurado baa Bilaawda Xuruufo sidaan oo kale ah.

Suurada Saad waa Makiyah, Aayadaheeduna Tiro ahaan waa 88 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Qamar ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Bartamaha Dambe ee Juzka 23aad.

Macnaha Guud ee Suurada Saad:

Suuradaan waa Makiyah waxa ay ku Manhaj tahay Suuradaha Mako kusoo Dagtay, oo waxa ay Xooga Saarta Caqiidada Arimaha Quseeya sida Suurada ka Horeysay oo kale.

Suuradaan waxa ay Muujisaa Muhiimada ay leedahay dacwada in laga Bilaabo Kalimada Toowxiidka, sidaba Nabiga uu uga Bilaabi jiray, waxaa kaloo Suurada Muujisaa kuwa Shirkiga Aaaminsan in aysan jirin in ay Maqlaan kalimadaas.

Suurada 39aad Az-Zumar:

Suuradan waxaa lagu Magcaabaa AZ-Zumar, oo waxa ay xasuusin u tahay Laba Koox oo mid walba Jiho gaara loo Kaxeyn Doono, Koox waa kuwa Liibay waa Ahlu Janada waxaa ay Janada Aadaan Aayagoo Koox ah markaas ayaa waxaey Tagaan janadii oo u Diyaarsan oo Albaabaheedii usii Furan yihiin, Kooxna waa kuwa Nasiib Xumo ku Dhacday Waa Ahlu Naarka waxaana loo Kaxeeeyaa Dhanka Naarta ayadoo loo furo Marka ay yimaadaan Albaabkeeda si Kuleylkeeda loogu Ciqaabo.

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah 52, 53, 54, Tiro haana Aayadaheedu waa 75 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Saba ka dib. Juz ahaana Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 23aad iyo Biloowga Juzka 24aad.

Macnaha Guud ee Suurada Az-Zumar:

Suurada waxa ay Xooga Saartaa caqiidada Toowxiidka weliba waxaa la dhihi karaa Suuradan waxaey kala gaar tahay Suuradaha kale in Gabi ahaan ay ku Kooban tahay Toowxiidka ka Hadlidiisa, Maxaa yeeelay Toowxiidka Waa Asalka Iimaanka, waa Aasaaska caqiidada Saxiixa ah, camalka Ruuxana lama Aqbalo Haduusan ikhlaas (Mid Allaah kaliya loo Sameeyay) aheyn.

Suurada 40 aad Ghaafir:

Suuradaan waxa loogu Magac Daray mid ka mid ah Sifooyin uu Aalaah Gooni u leeyahay oo ah inuu yahay Dembi Dhaafe, waxaana Suurada ay soo Celcelisaa magacaas Ghaafir marar badan sida Marka uu Muminka Reer Fircoon ka Dhashay Waaniya Tolkiisa Gaalada ah. oo uu leeyahay Waxaan Idinkugu yeerayaa inaad Caabudaan Alle Caziiz ah oo Ghafaar ah.

Suurada waa Makiyah, marka laga Reebo Aayadaha 56 iyo 57, Tiro ahaan Aayadaheeduna waa 85 Aayadood, waxa aynasoo Dagatay Suurada Az-Zumar ka dib.waxa ayna kaga Beegan tahay Musxafka Kaloobarka Juzka 24aad.

Macnaha Guuad ee Suurada Ghaafir:

Suurada maadaama ay Makiyah tahay waa waxaa caadi ah in ay aad wax uga Sheegto Umuuraha Caqiidada Quseeya, si gaar ahna waxay Suuradaan Soo Bandhigtaa Hardanka ka Dhaxeeya kuwa Xaqa Aaminsan iyo Ahlu Baadilka, ama hadii aan si kale u iraahdo Kuwa Hanuunsan ee Ahlu Towxiidka ah iyo kuwa Dhunsan ee Shirkiga, sidaa Darteed ayaa Jawiga Guud ee Suurada waxaa uu Muujinayaa xaalad Coleytan iyo Dagaal Culus oo ka Dhexeeya labada Dhinac, waxeyna Suurada soo bandhigtaa Mustaqbal Xumida kuwa Toowxiidka ka Dhunsan u Dambeyn Doonta.

Suurada 41aad Fussilat:

Suuradan waxaa loo yaqaan Fussilat, oo Macnaheedu yahay kala Saarsaar, Maxa yeelay Suuradaan waxa ay kala saarsaartay Aayadaha, Daliilada tusiya Awooda Alle (Cw) iyo Abuurkiisa Qurax badn ee Koonka, kaas Cadeynaya inuu yahay Koon hal Maamul iyo hal Nidaam ku Socda, si aysan Xujo u helin kuwa Caabuda wax ka Mid ah Uunka Alle (Cw) uu ku Dhex Abuuray Koonka.

Suuradan Fussilat waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedana waa 54 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Ghaafir ka dib, waxaa ay Juz ahaan kaga Beegan tahay Musxafka Dhamaadka Juzka 24aad iyo Biloowga hore.

Macnaha Guud ee Suurada Fussilat:

Suuradan Maadama ay Mako kusoo Dagatay Dhinacyado kala Duwan oo Caqiidada Islaamka Quseeya sida Toowxiidka, Risaalada nabi Muxamad, Soo Bixinta iyo Abaal marka Maalinta Qiyaame jira.

Suurada 42aad Ash-Shuuraa:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Ash-Shuuraa, oo Macnaheedu yahay (Tashi) si Muslimiinta loo dareensiiyo Wadatashiga Qiimaha uu ku leeyahay Shareecada Islaamka, si ay Noloshooda uga Faaiideystaan Dhaqankaas wanaagsan.

Suuradan waa Makiyah marka laga Reebo Aayadaha kala ah 23, 24, 25, 27, Guud ahaan tirada Aayadaheedu waa 53 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Fussilat ka dib, Juz ahaana waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 25aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ash-Shuuraa:

Suuradaan waxa ay Guud ahaan Xaga Manhajka kala Mid tahay Suuradaha Mako kusoo Dagatay oo dhan, gaar ahaana waxey si gaar ah ula mid tahay Suurada Fussilat ee ka Sareysa.

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 14aad.

Suurada 43aad Az-Zukhruf:

Suuradaan waxaa Loogu Magac daray Az-Zukhruf oo Macnaheedu yahay (Dhaldhalaal) maadama ay Suurada Aduunyada iyo Raaxada Dhax taala ku Shabahday Dhaldhalaal Been ah oo lagu Dagmo.

Suurada Makiyah marka laga Reebo Aayada 54aad, Ayadaheeduna waa 88 Ayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Fussilat ka Dib, Juz ahaana waxa ay ku Beegan tahay Bartamaha Juzka 25aad.

Macnaha Guud ee Suurada Az-Zukhruf:

Suuradan waxa ay kula mid tahay Suuradaha Makah ku soo Dagtay Manhajka, oo waxa ay ka hadashaa Arimaha Caqiidada sida, In la Rumeeyo kalinimada Alle (Cw),Rumeynta Risaalada Nabi Muxamad iyo Soobixinta iyo Abaal marka Maalinta Qiyaame.

Suurada 44aad Ad-Dukhaan:

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Ad-Dukhaan, oo Macnaheedu yahay (Qaac) si ay Xasuus ugu Noqoto Abaartii ku Dhufatay Mushrikiintii Makah ee ka Dhalatay Beenintii ay Nabiga Beeniyeen, ka Dibna waxaa dantu ku Qasabtay in ay Rasuulka (Scw) u tagaan oo yiraahdaan Alle (Cw) noo bari si Abaartan nooga Kacdo, markii uu Allaah (Cw) Baryayna waa laga Dulqaaday Abaartii Walow aysan ku waansamin.

Suurada waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 59 Ayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Az-Zukhruf ka dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Juzka 25aad Qeybta Bartamaha ka dib ah.

Macnaha Guud ee Suurada Ad-Dukhaan:

Suuradan waxa ay la Mid tahy Kuwii ka Horeyay Xaga Manhajka, Suurada waxa ay Xoogaa Saartaa Qaar ka mid ah Calaamadaha la arki Doono Marka Saacada Qiyaamaha Dhici Doonto, waxaana Suurada u Goodisay kuwii Abaarta Alle uu ka Dul Qaaday Markii uu Nabiga Baryay, waxaana la leeyahay waxaa la gaari Doono maalinta Qiyaame oo Abaal markiina aad heli Doontaan.

Suurada 46aad Al-Jaathiyah:

Suuradaan waxa ay Xasuusin u tahay Magceeda Xaalad Adag oo Qabsan Doonta dadka Marka la gaaro Maalinta Qiyaamaha, Maalinkaas Quraanka waxaa uu ku Tilmaamay in Xaalado Badn la mari Doono Magacyo Badana waa uu u Bixiyay marka loo Fiiriyo Xalaadaha ka jira Badnidooda Darteed.

Suuradan Al-Jaathiyah waa makiyah marka laga Reebo Aayada 14aad, Aayadaheeduna Tiro ahaan waa 37 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Ad-Dukhaan ka dib, Musxafka waxa ay Suuradaan kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 25aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Jaathiyah:

Suuradaan waa Makiyah, waxa ayna si Baahsan uga Hadahashaa Caqiidada Islaamka, sida Iimaanka Alle Kalinimadiisa, Rumeynta Nabiga Suuban Risaaladiisa in ay tahay tii Risaalooyinka ugu Dambeysay iyo Rumeynta Maalinata Qiyaamaha, waxa ayna Suurada Xujooyin iyo Daliilo Cadcad u keentaa Alle (Cw) Kali ahaanshahiisa.

Suurada 46aad Al-Axqaaf:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Axqaaf oo ah deegaan ku yaalay Dhulka yaman oo ay ku Noolaan jireen Reer Caad oo ahaa Qoomkii loo soo Diray Nabi Huud si ay Xasuusin u ahaato Cadaabkii ku Dhacay Reer Caad Markii ay Kibir iyo Isla weynin kala Horyimaadeen Nabigoodii.

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha Nambarkoodu kala yahay 10, 15, 35, Tirada Aayadaheeduna waa 35 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Al-Jaathiyah ka dib, waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 25aad iyo Bilooga Juzka 26aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Axqaaf:

Suuradan waxa ay Guud ahaan ka Hadashaa ASalada Diinta Islaamka sida Toowxiidka, Rumeynta Risaalada Rabi (Cw) iyo Soo Bixinta Geerida ka dib ah Maalinta Qiyaame.

Suurada 47aad Muxamad:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Muxamad, Maadaama Aayada ugu Dambeysa ku Xusan tahay Magaca Nabi Muxamad (Scw).

Waxaana Xasuusin mudan Magaca Nabi Muxamad Quraanka waxaa uu ku soo Arooray 4 jeer, halka Nabiyada kale Magacyadooda iyo Amaantoodu uu Xusay Marar Fara Badan, arintaas oo Tuseysa in Quraankan uusan aheyn wax uu Nabiga Naf ahaantiisa Alifay, waayo waxaa sahlan qof Haduuba Amaanayo Dad inuu Isaga Aamaantiisa ugu Badiyo kana Bilaabo Amaantiisa mid kasta ka hor.

Suuradan waa Madaniyah marka laga Rebo Aayada 13aad taasoo kusoo Dagatay Wadada u dhaxeysa Makah iyo Madiinah intii lagu jiray Socodkii Hirada , Aayadaheeduna waa 38 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-xadiid ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 25aad.

Macnaha Guud ee Suurada Muxamad:

Suuradan Maadaama ay madiina ku soo Dagatay waxa ay ka hadhashaa Sharciga Arimaha Quseeya sida Sharciyada dagaalka, ku Maxaabiista, Xoolaha dagaalka lagu Furto iyo Dhaqanka Munaafiqiinta si ay Muslimiinta uga Digtoonaadaan Dhagartooda, suurada waxaa la dhihi karaa Guud ahaan waxa ay Xooga si gaar ah u Saartaa Jihaadka Daiinta Alle dartiis loo Jihaado.

Suurada 48aad Al-Fatxi:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Fatxi, taasoo aheyd Bishaaro Muslimiinta ku socotay taasoo ugusii Bishaareyneysay Guul ay Muslimiinta Magaalada makah ku Furan Doonaan.

Suuradan waxa ay kusoo Dagatay Magaalada Madiina, Cadadka aayadaheedu waa 29 aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Jumcah ka dib xili Muslimiinta ay kasoo laabteen Xudeybiyah markii laga Hor istagay in ay Cimreestaan.

Macnaha Guud ee Suurada Al-fatxi:

Suuradan waxay ka Hadashaa Sharciyada sidaba lagu yaqaan suurada Magaalada madiina ku soo dagtay kuwaas oo ka hadla Cibaadaadka Aaadaabta iyo Baraarujin Guud oo ku socota Muslimiinta.

Fadliga Suurad Al-Fatxi:

Suuradaan waxaa Fadli ugu Filan in ay soo dagatay si ay ugu Bishaareyso Muslimiinta oo aad uga Muragsanaa in laga hor joogsaday Cimradii Xudeybiyah, Suuradan waxa ay Muslimiinta Laabta ugu qaboojisay Heshiiskii ay lagaleen Mushrikiintii makah inuu Miro Dhali Doono oo Maslaxad Muslimiinta ugu jirto, Sababna u Noqon Doono in ay Makah Furtaan, waloow Heshiiska u muuqday inuu Dan iyo Maslaxad gaar ah u yahay Mushrikiinta Makah Joogtay Markaas.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka | Q:15aad:

Suurada 49aad Al-Xujuraat:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Xujuraat, Madaama uu Allaah (Cw) kusoo Hadal Qaaday Guryihii Nabiga Suubanaa (Scw)

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 18 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mujaadalah ka dib. Juz ahaana Musxafka wxa ay kaga Beegan tahay Bartaamaha Juzka 26aad.

Suuradan waxaa Xasuusin Mudan Magaca Muminiinta Naado ku socota ayaa Hal qabsi u ah Mar walba oo ay Xaq Muslmiinta looga Baahan yahay Tilmaameyso, arintaas oo ah Baraarujin ku Socta Dadka Muslimiinta in ay Dhagaha u Raariciyaan fariinta kaga timid Xaga Rabigood Nazahnaaye.

Macanaha Guud ee Suurada Al-Xujuraat:

Suuradan waxaa ay Dadka Muslimiinta ah bartay Xuquuqaha ay Waajibka tahay in la ilaaliyo iyo Sida Xuquuqahaas u kala Weyn yihiin, isla markaana waxa ay Suuradaan Muslimiinta ku Baraarujisay Waxyaabaha wax u Dhimi kara Xuquuqaha amaba Keeni kara in la Dhowri waayo.

Suuradan Xuquuqaha waxa ay u kala Qeybisan Sadax Qeybood:

A-    Xuquuq uu Alle (Cw) leeyahay.

B-    Xuquuq uu Nabi Muxamad (Scw) leeyahay.

C-    Xuquuq ay Muslimiinta Dhexdooda isku leeyihiin.

Xuuqahaas u hadii aan u kala qaado laba Qeybood si aan usoo kobo, qeybta hore waxaan kusoo qaadi doonaa Xuquuqaha ay leeyihiin Alle iyo Rasuulkiisa

1- Waxaa Dadka Muslimiinta ah ku waajib ah in aysan kala hor imaan Hadal ama Ficil Khilaafsan Hadalka Alle (Cw) iyo kan Rasuulka (Scw).

2- Waxaa uu Allaah Muslmiinta ku Farayaa si ay Xaqaas ula yimaadaan waa in Alle (Cw) ka Cabsadaan, taasoo mcanaheedu yahay in aysan Muslmiinta ka Muuqan meel uu Allaah (Cw)ka reebay ama aanan laga weyn Meel la amray in ay ka Muuqadaan.

3- Waxaa uu Allaah(Cw) Muslmiinta Xasuusinayaa in uu Ogyahay Xaladahooda oo dhan wax ka Qarsoonna aysan Jirin, taasoo Macnaheedu yahay Alle inuu ogyahay Cid walba ee Hadal Dad ka hor Marisa Hadalka Alle (Cw) iyo kan Rasuulka (Scw).

4- Waxaan Suuradaan lagu Amray Muslmiinta in aysan Nabiga Agtiisa Codka kor ugu Qaadin, taasna waa Haduu Nolaana ma Banaaneyn Haduu Dhintayna waxaa Reeban in Qabrigiisa agtiisa lagu Dul Qeyliyo, Maxaa yeelay Xormada Nabi Muxamad (Scw) uu lahaa markuu Noolaa Mid la mid ah ayuu leeyahay Haduu Geeriyooday ka dibna, Sidaa darteed hadalkiisa lagasoo Guuriyay intuu Noolaa waxaa Xormad ahaan leeyahay Hadlkiisii Markii uu Nolaa oo kale, arintaas waxaa macnaheedu Noqonayaa in Axaadiista Nabiga (Scw) lagasoo Wariyay ee Kutubada Axaadiista ku Qoran marka Ruuxa Muslimka ah Maqlo ayadoo la aqrinayo inuu u Xushmeeyo sidii u Xushmeyn lahaa Nabiga Suuban oo Hortiisa taagan oo kale (Scw).

5- Waxaana Sidoo Suuradan ay Fareysaa Muslimiinta in aysan Nabiga (Scw) ugu Naadin sida ay ayaga marka ay isu yeerayaan isugu Naadiyaan oo kale sida in la yiraahdo Muxamadow ama Axmadoow, laakiin waxaa loo Baahanyahay in la yiraahdo Rasuulkii Alle Nabigii Alle iwm.

6- Suuradan waxey ugu Digeysaa kuwa aanan Sidaas u Xaq Dhowrin Xuquuqaha la faray in ay Dhici karto Camalkoodu inuu Buro ayagoo ismoog.

7- Suurada waxa ay aad ugu Bogaadineysaa kuwa Dhowra Aadaabta lagu ilaaliyo Xuquuhaas kor ku Xusan, waxa ayna ku tilmaantay in qalbigoodu Xumaan oo dhan laga Daahiriyay oo Iimaan uu ku jiro.

8- Suuradan kuwa aan Adaabta Xuquuqhaas lagu Dhowraya la imaan waxa ay ku tilmaantay kuwa aan Garaad laheyn.

Suurada waxaa ay sidoo kale dadka Muslmiintaa ku Baraarujisaa Adaabo Muhiim u ah sidii ay Xuquuqda u Dhaxeysa u Dhowri lahaayeen, Xuquuqahaasna waxaa ka mid ah kuwan Soo Socda:

1- Suuradaan waxa ay Muslimiinta Fartay in Warka soo Gaara Hubsadaan oo aysan wax walba oo ay Maqlaan la Boodin ama Xukun iyo Go’aan lagu Saleyn ilaa la Hubsado maahane, si aysan Shalayto uga Imaan, hadii anan la ilaalin arintaas waxaa Muslimiinta Dhexdooda ka Dhalanaya Khilaaf iyo Dhibaatooyin.

2- Waxaa ka loo Suurada Dadka fareysaa in laga Fogoodo Kufriga, (Gaalnimada) Fisqiga, iyo Caasinta, waxa ayna Dadka ku Boorineysaa Hanuunka iyo Toosnaanta isla markaana in laga Digtoonaado Isla Qumanaanta, maxaa yeelay Qof Tusaale ahaan Haduu Hanuun iyo wanaag ku Socdo waa inuusan Isla Qumanaan ee waa inuu Alle (Cw) uga magad Celiyo kuna Mahadiyo wanaaga uu u Hibeeyay, Isla qumanaanta sababta looga Digayana waa in aysan Dadka Muslimiinta ku Abuurin Isnaceyb iyo Xumaan Dhexdooda timaada.

3- Suuradan waxaa ka mid ah Fariinta ay Muslimiinta u Xambaarsan tahay in ay ka Digtoonaadaan Dagaal inuu ka Dhex Dhaco, hadii ay Dhacdana inay Dagaalamaan dad Muslmiinta ka mid waxaa looga Baahan in ay ku Dhex Baxaan oo kala Maslaxaan, Hadii Koox Nabada Aqbasho Tan kalana Diido oo ay Dagaalka si Gardaraa usii wadana waxaa la Amray in ay la Dagaalamaan tan Diida Heshiiska ee gardarada dagaalka u Hurineysa.

4- Waxaana Allaah Muslmiinta faray in ay si Cdaalad ah u Dhex dhaxaadiyaan , waxuuna Alle (Cw) Sheegay inuu Jecal yahay kuwa Cadaalada Sameeya.

5- Suuradan waxaa kale oo ay Muslmiinta u tilmaameysaa in Muslimiintu Walaalo yihiin, walaalnimada Diinta ku dhisan waa Mida uusan Marna Goeyn Xeriirkeeda Aduunka inta la Joogo iyo Maalinta Qiyaamaba.

6- Suuradan waxa ay Muslmiinta fareysaa si wadajirkooda iyo Isjaceylkooda loo ilaaliyo waa in aysan Muslimiinta Qaarkood Qaarka kale Yasin hadey Rag yihiin waa inaysan Raga kale Yasin , hadey Dumar yihiina Dumarka waa inaysan Dumarka kale yasin, waayo waxaa Dhici karta kuwa la yasayaa in ay Kheyr badan yihiin kuwa wax yasaya.

7- Suuradan waxey kaloo Muslimiinta Fareysaa in aysan Muslmiinta Magacyo Xun xun isugu yeerin, maxaa yeelay Qofkii Ceebeeya Ruux kale oo Muslim ah waa Ruux naftiisa Ceebeeyay, sidoo kalana Ceebeynta waxaa la mid ah Lacnada Ridada iyo Nifaaqa in lagu Sheego Muslmiinta.

8- Waxaana Suurada Cadeyneysaa Dadka Caadooyinkaas kala geeya Muslmiinta la yimaada in ay Faasiqiin yihiin.

9- Suuradan waxaa kaloo Muslimiinta Fareysaa in ay ka Digtoonaadaan Malaha Xun ee Qaarba Qaarka kale laabta ugu Qaadaan, maxaa yeelay waxa ay taas Meesha ka Saareysaa in ay Dad Muslimiintaa ahaadaan Dad Isjecel oo Walaalo ah.

10- Waxaa kaloo Suuradan Muslimiinta Fareysaa in aysan Is Jaajuusin oo aysan ka Shaqeynin waxa kala geynaya Muslmiinta.

11- Suuradan waxay sidoo kale Reebtaa in Muslmiinta Isxantaan oo wax Xun kala Sheegaan, waxaa uuna Allaah (Cw) kan Dadka xanta ku Sheegay inuu la mid yahay mid Cunaya Hilibka Walaalkiis Muslimka ah asagoo Meyd ah, taasoo macnaheedu yahay Xantu in ay tahay wax Xun oo Dhibaato ku keenaya Wadjirka iyo Isjaceylka Muslmiinta.

12- Sadaxdaan Qodob ee u Dambeeya ee kala ah Jaajuusnimada, Aflagaadeynta iyo Xanta, waxay Cadeyn u tahay Qur’aankan inuu ka yimid Xaga Alle (Cw) Maxaa yeelay Sadaxdaan Arin waa sida ay Xumaanta iyo Dhibaata ku Bilaabato kuna Balaarato dadkana ku Dhaliya Isnaceybka iyo Xumaanta Dhex timaada.

13- Waxaa Suurada Tilmaameysaa Dadku inuu Siman yahay Dhamaan xaga Abuurka oo ay kasoo wada Jeedaan Aadam iyo Xaawo, hase yeeshee in ay u kala Farcamaan Qabiilo iyo Shucuub kala Duwan si ay isu Aqoonsadaan, Taasna macnaheedu waa in aysan dadka ku kala Fiicneyn wadamada iyo Qabiilada iyo Shucuubta ay kasoo kala jeedaan.

14- Suuradan waxay Muslmiinta Bartaa waxa Dadka ku kala sareyn karaan in ay tahay sida Hadba Cabsida Alle (Cw) ugu kala Sareeyaan.

15- Waxey Suurada Dadka Bareysaa Tilmaamha uu leeyahay Muminka Xaqa ah, waxaana ka mid ah Tilmaamahaas in uu la yimaado Iimaan aan Shaki ku jirin, iyo inuu Naftiisa iyo Maalkiisa Jidka Alle (Cw) ugu Jihaado.

Hadii aan soo koobo Suuradan waxa ay Dadka muslmiinta ah Bareysa Waajibaadka Saaran iyo Sida ay u kala horeeyaan, waxa ayna uga digeysaa wax kasta oo wax u Dhimi kara Umad ahaan dadka Muslimiinta ah Midnimadooda.

Marka waxaan ugu yeerayaa Dhamaan walaalaha Ducaada ah iyo Culimada in ay aad dadka ugu Baraarujiyaan sidii loo joojin lahaa Dhiiga Maalin walba Gardarada uga Dadanaya Wadanka Soomaliya.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?. Q: 16aad:

Suurada 50aad Qaaf:

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo Aayada 38aad, Aayadaheeduna waa 45 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mursalaat ka Dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 26aad.

Macnaha Guud ee Suurada Qaaf:

Suuradan Qaaf waxa ay ka Hadashaa Asalada Caqiidada sida Rumeynta Toowxiidka, Rumeynta Risaalada Nabi Muxamad, iyo Rumeynta isi soo Bixinta Maalinta Qiyaame, waxa ayna si gaar ah Xooga u Saartaa Mowduuca Soo Noolaanshaha Geerida ka dib , suuradana waxay si Dadku Dareemi karaan usoo Bandhigtaa Muuqaal ahaan Qaabka Dadka usoo Bixi Doonaan Qiyaamaha Marka la gaaro iyo Dood kulul oo Dhex mari Doonta Ibliis Lacnadi haku Dhacdee iyo kuwa uu Duufsaday ee Diinta Islaamka ka leexday.

Suurada 51aad:

Suuradan waa Makiyah, cadadka Aayadaheeduna waa 60 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Axqaaf ka dib, Juz ahaana Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 26aad iyo Biloowga Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhuur :

Suuradan waxa ay Xooga Saartaa Dhismaha Tiirarka Iimaanka, waxayna Dadka Indhahooda u leexisaa in ay Fiiriyaan Awooda Allaah (Cw) uu leeyahay weynideeda siay Nafta dadka ugu BeertoIimaan suag iyo Alle ka Cabsi.

Suurada 52aad Adh-Dhuur :

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Magaca Magaca ah Adh-Dhuur oo ah Magacii Buurkii uu Allaah kulka Hadlay Nabi Muuse, Maadama uu yahay Buur Barakeysan.

Suuradan Adh-Dhuur waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 49 Aayadood,, waxa ayna soo Dagatay Suurada As-Sajdah ka dib, waxayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga hore ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhuur:

Suuradan waxa ay xaga Manhajka kala Mid tahay Suuradii ka horeysay oo waxa ay Xooga Saartaa caqiidada Islaamka Tiirarkeeda Qaar ka Mid ah Toowxiidka, Risaalada iyo Soo Bixindda maalinta Qiyaame si leysu Abaal Mariyo.

Fadliga Suurada Ah-Dhuur:

Suuradan waxaa ay ka Mid ayeyd Suuradaha uu Nabiga ku Tukado salaadaha inta badan gaar ahaan salaada maghribka, waxaana Dhacday mar nabiga Suuban oo Salaad Maghrib ku Tukaday Suuradan, waxaana maqlay Jubeyr Ibnu Mudhcim nin la yiraahdo oo Markaas ahaa Gaal Mushrik ah, waxaana ay Laabtiisa ku Reebtay Xusuus weyn iyo inuu Waansamo, mudo ka dib markii dib ayuu Islaamay waxaa uuna Sheegay Markii Maalintaas maqlay Suurada Adh Dhuur inuu Qalbigiisu ku Dhawaaday inuu Duulo Saameynta Maqalka Suurada ku yeelatay darteed.

Suurada 53aad An-Najmi:

Suuradan An-Najmi waa Makiyah, Aayadaheeduna waa 62 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suura AL-Ikhlaas ka Dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Biloowga dambe ee Juxuzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Najmi:

Suuradan waxa ay aad Xooga u Saartaa Mowduuc ahaan Caqiiqadad Gaar ahaana Risaalada Nabi Muxamad Dhab ahaan shaheeda in ay Sugto iyo Soo Bixinta Qiyaamaha Marka la gaaro si Qof walba loo Abaal mariyo.

Suurada 54aad Al-Qamar:

Suuradan waxaa loogu madaray Al-qamar si ay u waartto Mucjizadii Alle (Cw) uu siiyay Nabigiissa Muxamad ah (Scw).

Suurada waa Makiyah Aayadaheeduna waa 55 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Adhaariq ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta hore ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qamar:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa Asalada Caqiidada islaamka Biloowgeeda ilaa Dhamaadkeeda, waxa ayna Duulaan weyn ku tahay kuwa Quraanka Beeniya, Suuradana waxay ku Socotaa Nidaam ah Handaado, Goodiyo iyo Digniino ku socda Mucaanidta Quraanka diidan ayadoo soo bandhigta cadaabka sugaya Nooca uu yahay iyo sida Xaalada Aduunka noqon Doonto mara saacada Qiyaamaha Dhaceyso.

Suurada 55aad Ar-Raxmaam:

Suuradan waa Madaniyah, Aayadaheeduna waa 78 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Ar-Racad ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Qeybta labaad ee juzka27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ar-Raxmaan:

Suuradan waxa ay si gaar ah uga hadashaa Awooda Alle iyo Nimcmooyinka uu ku Galadeystay Jini iyo Insiba, waxayna Suurada xasuusin u tahay Labdan koox in ay ku Fekeraan Nicmooyinkaas, sidoo kalna waxaey Suurada si gaar ah usoo Bandhigtaa Muuqaalka Qurux badan ee Janad iyo Noocyada kala Duwan ee Nicmooyinka ah ee lagu Dhex diyaariyay si Nafta ay Hiloow iyo dadaal ugu Beerto.

Suurada 56aad Al-waaqicah:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Waaqicah si ay dadka u Xasuusiso uguna Xaqiijiso Dhictaanka saacada Qiyaamaha.

Suuradan waa Makiyah, Aayadaheeduna waa 96 Aayadood, waxa ayna Soo Dagatay Suurada Dhaahaa ka dib, Muusxafkana wa ay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta labaad ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Waaqicah:

Suuradan waxa ay tilmaantaa Dhibaatooyinka Dhici Doona marka la Gaaro Waqtiga ay Dhaceyso Saacada Qiyaamaha iyo Dadka Qeybaha ay u kala Bixi Doonaan Maalinta Qiyaamaha, waxayna Dadka ukla Saartaa Sadax Qeybood oo kala ah: Asxaabta Midigta, Asxaabta Bidixda iyo Kooxda Saabiqiinta loo yaqaan.

Sadax Qolo waxa ay u kala Qeybsamaan Laba Qeyb, Qeyta koowaad waxaa ku wada Jira Laba Qolo oo Ahlu Jano wada ah Waloow Saabiqiinta ay darajo sareeyaan, qeybta dambana waa Ahlu Naaarka oo Dhan Suuradan waxa ay ku magacaawday Qoloda Bidixda.

Waxaana Xasuusin Mudan waxaa Badan Axaadiis Dadka qaar Fadli ahaan u Sheegaan marka Suuradan la Joogo, waloow aysan Sixadooda Sugneyn in badan oo ka mid ah.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 17aad

Suurada 57aad Al-Xadiid:

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Al-Xadiid (Birta) Maadama Magaca Birta lagu Sheegay, iyo in Birtu tahay Awooda Insaanku Nabad iyo Colba uusan uga Maarmin inuu u Kaashado Horumarkiisa.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 29 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suuralad Zalzala ka dib, Juz ahaana waxey Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 26aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Xadiid:

Suuradan Maadaama ay Madaniyah tahay waxa ay Xooga saartaa Aimaha Sharciyada, Tarbiyada iyo Baraarujinta Bulshada Muslimka ah, ayadoo Aasaasna uga Dhigeysa Caqiidada Saxiiaxa ah ee Saafiga ah iyo Akhlaaqda Wanaagsan.

Suuradana waxa ay Muslmiinta ugu yeertaa in ay Allaah Weyneeyaan Xumaan oo Dhana Ka Nazahaan sidoo kalana Kalimadiisa oo ah Quraanka in ay Weyneeyaan oo Quluubtoda u Khushuucdo si aysan ula mid Noqon kuwii Ahlu Kitaabka ahaa ee Markii ay Mudo Diinkii ku Toosnaayeen ka dib Qalbiyada ka Madoobaaday Faasiqoobayna, ayadoo Suuradan Dadka Muslmiinta Siineysa Tusaale Muujinaya qadar ahaan Aduunyada Qiimaheeda si ayasan ugu Kadsoomin.

Suurada 58aad Al-Mujaadilah:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mujaadilah si loo Muujiyo Xasuusta Qisadii Saxaabiyadii (Khowlah Binti Thaclabah) usoo Dacwootay Nabiga aydoo dacweyneysa Ninkeeda (Aws Binu Saamit) oo yiri: (waxaad iga tahay Hooyadey oo kale).

Suuradan waa Madaniyah, Ayadaheduna waa 2 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Munaafiqiin ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Muiujaadilah:

Suuradan Al-Mujaadilah waxay xambaarsan tahay Sharciyo fara badan sida kuwa Dihaarka iyo Kafaarada ku Waajibeysa Midka Xaaskiisa Dihaara (yiraadha waxaad iga tahay Hooyadey oo kale), sidoo kalana Suurada waxay Dadka Bartaa Aadaabta iyo Sharciyada looga Baahan yahay Muslmiinta in ay ilaaliyaan Marka Doonayaan inay la Hadlaan Rasuulka Suuban (Scw) sidoo kalana Suuradan waxay Muujineysaa Xaq Dhowra Shareecada Islaamka ay ku leeyihiin Dumarka.

Sababta ay usoo dagatay Suulada Al Mujaadilah:

Hadii aan soo Koobo Sababta ay Suuradan u soo Dagatay waa in Saaxabiyada la yiraahdo Khowlah ay timid Gurigii Nabiga ayadoo Dacwo ka ah Ninkeeda aydoo leh, Ninkeyga waxaa u Dhameeyay Dhalinyaranimadeydii, Caloosheydii Caruur intuu ku jirtay waan u Dhalay, waanan Duqoobay, markaas ayuu i leeyahay waxaad iga tahay Hooyadey oo kale, markaasey Weliba tiri: Allow Adigaan kuu Dacwoonayaa, sidaas ayaana Alle (Cw) Raxmadiisa Darteed uu u soo dajiyay Suuradan Dhan oo ka Bilaabata (Alle waxuu Maqlay Haweeneydii hadalkeeda Nabiga kula Doodeysay Xaalkii Ninkeeda).

Suurada 59aad Al-Xashri:

Suuradan waxaa lagu Magacaabaa Al-Xashri, waxa ayna Xasuusin u tahay Abaabul ay isku Aruursadeen Yuhuuda magaalada Madiinah Banaankeeda ayagoo Dagaal Abaabulaya Magaalada madiiinaha sidii loo Weerari lahaa.

Suuradan waa Madaniyah, Aayadaheeduna waa 24 Aayadood, waxa ayna Soo dagtay Suurada Al-Bayinah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilooga Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Xashri:

Suuradan waxey Xooga Saartaa Dhanka Sharciga sida lagu yaqaan Suuradaha Madaniga ah oo dhanba, waxa ayna Suuradan ka Sheekeysaa Duulaankii lala galay Yuhuudii Reer Banuu Nadiir, markii Jabiyeen Balantii ayNabiga (Scw) kula jireen, waxaana arintaas ka dhashay in Magaaladii Madiinah laga raro Yuhuudii banuu Nadiir, sidoo kalana waxey Suuradan wax ka Sheegtaa Munaafiqiintii Balanta kula Jiray Yuhuuda eek u Dhiiri Galiyay in ay balanta jabiyaan.

Suurada 60aad Al-Mumtaxinah:

Suuradan waxaa loogu Magac darat Mumtaxinah, maadaama magacaas uu ku soo Arooray ayadoo la leeyahay Imtixaana Gabdhaha ka yimaada Dhanka Gaalada (Makah) ee Madiinah u soo Hijroodo, hana u celinina Gaaladii ay kasoo Tageen hadiiba la Ogaado in ay Mumiin yihiin.

Suuradan waa madaniyah, Aayadaheeduna waa 13 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Axzaab ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaga Qeybta hore ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mumtaxinah:

Suuradan waxaa ay Xooga Saartaa Dhanka Sharciga, si gaar ahna Arimaha ku Saabsan Jaceylka iyo Naceybka Diinta ku Dhisan, kaasoo ah kan ugu Sareeya ee Qeybaha Iiamaanka, Qeybta hore ee Suuradan waxay Canaan usoo Jeedineysay saxaabi la Yiraahdo Xaadhib Ibni Abii Baltacah kaasoo Risaalo u Diray Reer Makah Aasgoo uga warbixiyay Muslmiinta in ay Diyaar Garow ugu Jiraan inay Magaalada Makah kusoo Duulaan.

Suuradan waxa ayna Jaceylka iyo Naceybka Muslmiinta looga Baahan yahay Tusaale ay ku daydaan uga Dhigtay Nabi Ibraahiim, waxa ayna Suuradan kala saartaa kuwa ay tahay in lala Coleytamo iyo kuwa ay banaan tahay Ixsaan in lagula Dhaqmo Marka Gaalada laga hadlayo, waayo waxaa Gaalada ka mid ah kuwa Muslmiinta Dagaal ku haya iyo kuwa aan wax Colaad a aysan kala Dhaxeyn, sidaa Darteed waa inuu kala Duwaanaadaa Dhaqanka Labadaas Koox lagula Dhaqmayo maadaama ay kala Duwan yihiin Dhaqan ahaan.

Suurada 61aad As-Saff:

Suuradan waxaa loogu Magac daray si ay Muslmiinta u Xasuusiso Safka loo Baahan yahay in Galaan Marka Cadaw ay la Dagaalamayaan, taasoo Macnaheedu yahay in ay Midnimo la yimaadaan, waxaa kaloo Sauurada lagu Magcaabaa Al-Xawaariyiin ama Ciisaa.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 14 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada At-Taghaabun ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta hore ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada As-Saff:

Suuran waxay ka Hadashaa Saharciyada maadaama ay ay Madaniyah tahay, waxa ayna si gaar ah wax uga sheegtaa Meelaha Dagaalka iyo Jihaadka lala Galo Cadwga Alle (Cw) iyo Naf hurnimada Muslmiinta looga Baahan yahay si ay Diinkooda u Cizeeyaan Kalimada Allena u koryeelaan.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 18aad

Suurada 62aad Al-Jumcah:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Jumcaha maadama ay ka Hadasho Axkaam ku Saabsan Salaada Jumcaha, waxa ayna Muminiinta uga yeertaa in ay u Dagdagaan Gudashada salaada Jimcaha.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada As-Saff ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Qeyta Labaad ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Jumcah:

Suuradan waxay Xooga saartaa dhanka Sharciga, waxa ayna si gaar ah u Faahfaahisaa Sharciyada ku Saabsan Salaada Jimcaha Gudashadeeda taas ah waajib Muminiinta Saaran, waxaana Suuradan lagu Faray in ay Joojiyaan Beeca Salaadana u dagdagaan maalinta Jimcaha marka la Aadaamo Salaada Jimcaha..

Suurada 63aad Al-Munaafiquun:

Suuradaan waxaa loogu magic daray Al-Munaafiquun Maadama ay Dul ahaan ka Hadasho Xaaladaha Munaafiqiinta iyo Akhaalaaqdooda.

Suurada waa Madaniyah, Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaj ka dib, waxa ayna Juz ahaam Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Qeybta Labaad ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Munaafiquun:

Suuradan waxa ay ka mid tahay Suuradaha Sharciga Xooga saara, gaar ahaana waxaey uu Suuradan ka Sheekeysaa Diinta Islaamka Xaga camal ahaan, waxaa ayna Suuradan dadka u Tilmaantaa Dhaqamada lagu yaqaano Kooxda loo yaqaan Munaafiqiinta.

Kooxdaan waxa ay ka mid tahay Sadax Koox ay ay u kala Qeybsamaan Dadka Dunida ku Nool marka loo eego Xaga Laabta waxa ay ka Aaminsan yihiin.

Kooxda Koowaad waa Muminiinta oo ah kuwa Rumeysan Wax walba oo ay aheyd in ay Diin ahaan u Rumeeyaan.

Kooxda labaadna waa Munaafiqiinta oo ah koox Asal ahaan ka mid ah Muslimiinta Laakiin Laabta Gaalo ka ah, taasoo macnaheedy yahay Ma rumesyna waxyaabihii ay aheyd Diin ahaan in loo Rumeeyo.

Kooxda Sadaxaadna waa Gaalada oo ayaga kala ah Noocyo Sida Ahlu Kitaabka (Yuhuud iyo Nasaaro) iyo Mushrikiinta.

Suurada 64aad At-Taghaabun:

Suuradan waxaa loogu Magac daray At-Taghaabun, taasoo loola jeedo in ay imaan Dooto maalin Dadka aysan Fursad u Helin in ay Ziyaadsadaan wax Kheyra ayagoon Fileayn, Maalintaas kan Gaalka ah ma Helaayo Fursad uu Gaalnimada kaga Toowbad keeno, kan Muslimka ahna ma Helaayo Fursad uu Kheyrka ku Kordhisto.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 18 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Taxriim ka dib, Juz ahaana waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta labaad ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Taghaabun:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa Sharciyada , waxaase u Dheeraad ah ina ay Caqiidada usoo Gudbiso si la mid ah sida ay Suuradaha Mako usoo Gudbiyaan si la mid ah.

Suurada 65aad Adh-Dhalaaq:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Adh-Dhalaaq (Furiin), Maadama ay Suuradaan ka Hadashay Sharciyada ku Saabsan Noocyada Furiinka, Dhalaaqa Sida Waafaqsan, Dhalaaqa Biadciga ah.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 12 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Insaan ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ad-Dhalaaq:

Suuradan waxay ka Hadshaa Sharciyada Qoyka ku Saabsan, waxa ayna Faahfaahin ka bixisaa arimaha ku Saabsan Waqtiyada Furiinka Munaasafka yahay Hadiiba loo baahdo, Cidada ay Tirsaneyso tan la Furay, Masruufka iyo Deegaan ahaan Xaqa ay yeelan karto Naagta la Furay, iyo Sidoo kalana waxey Suuradan ka Hadashaa Sharcida Quseeya Nuujinta Caruurta i.w.m.

Suurada 66aad At-Taxriim:

Suuradan waxaa loogu Magac daray At-Taxriim, maadama ay ka Hadho in Nabiga lagu yiri Maxaad isaga xarimeysaa waxa uusan Alle (Cw) kaa Xarimin.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 12 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Xujuraat ka dib, waxa ayna ku Beegan tahay Dhamaadka Juzka 27aad.

Macanaha Guud ee Suurada At-taxriim:

Suuradn waxay ay ka Hadashaa Sharciyada ku saabsanaa Guriga Nabi Muxamad (Scw) iyo Hoyooyinkii Mumniinta Xasaskiisii gaar ahaan Xafsa iyo Caaisha (Allaha ka Raali Noqdee).

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q:19aad.

Suurada 67aad Al-Mulki:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mulki maadaama ay ka Hadasho Mulkiga Alle (Cw) inuu Koobay wax kasta sida Koonka Insaanka iyo waxa walba uu Koonka ku Dhex jira.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 30 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Adh-Dhuur ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mulki:

Suuradaan waxa ay si Faahfaahsan uga Hadashaa Asaaska Caqiidada Muslimka, waxa ayna Suurada ka Abaartaa Sadax Dhinac oo Muhiim ah.

In ay Cadeyso Weynida Alle (Cw) iyo Awooda uu u leeyahay Nooleynta iyo Dilitaankaba.

In ay Xujooyin iyo Cadeymo Cadcad u keento Alle (Cw) Kali ahaanshihiisa.

Waxey Suuradan Cadeysaa Ciribta xun ee ay la Kulmaan kuwa Inkira iso soo Nooleynta (isi soo Bixinta) Maalinta Qimaaha.

Suurada 68aad Al-Qalam:

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Al-Qalam madaama ay ku Bilaabato Inuu Alle ku Dhaartay Qalinka oo ah Qalabka wax lagu Qoro.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedub waa 52 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Calaq ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qalam:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa sadax Qodob oo Muhiim ah.

Risaalada nabi Muxamad iyo Shubhaadka ay kala Hor yimaadeen Gaaladii Qureysh Dacwadii Nabi Muxamad (Scw).

Qisadii kuwii Beerta lahaa eek u Tashaday inaysan Dad waxba ka siin oo aysan wax Sadaqa ah ka Bixin Beertooxda, aygoo iloobay inuu Allaah Nicmadaan u siiyay inuu ku Imtixaano si loo eego in ay Xaqii lagu lagaa Bixinayaan iyo in ay ku Kibrayaan, Qisadaana waxaey daliil u tahay Abaal marka ku Dhaca kuwa Nimcada Alle (Cw) ku Kufriya.

Maalinta Aakhiro iyo Dhibaatooyinka ka jira, waxayna Suuradan Cadeysay Dadku in akala Noqon Doonaan lab Koox tan Hore waa Muslimiin oo Janada gali Doona iyo Mujrimiin Naarta la galein Doono.

Suurada 69aad Al-Xaaqqah:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Xaaqqah, Maadama ay wax badan ka Tilmaanto Xaaladaha Maalinta Qiyaame Dadka u kala Bixi Doonaan kuwa Liibanaya iyo ku ay Nasiib Xumo ku Dhaceyso.

Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 52 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mulki ka dib, Juz ahaana Msxafka waxy kaga Beegan tahay bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Xaaqqah:

Suuradan waxay wax ka Sheegtaa Arimo Dhowr ah sida: Xaaladaha Maalinta Qimaaha ka jira, Dhibaatooyinka dhici Doona Marka sacaada Qimaayaha Dhaceyso la gaaro, Mustaqbal Xumidii ku Dhacday kuwii Beeniyay Rusushii Alle (Cw) asida Qoomamkii Caad, Thamuud, Qoomkii Luudh, Fircoon iyo Qoomkii Nabi Nuux, arintaas oo Digniin u ah waxa ku dhici Doona kuwa Beeniya Risaalada Nabi Muxamad (Scw).

Suurad waxey kaloo soo Hadal qaadaa waxa ay kala Muteysan Doonaan kuwa Mumniinta ah iyo kuwa Mujrimiinta ah Abaal marin ahaan, Suuradana waxaa la Dhihi karaa hadii aan soo koobo waxey u taagan tahay in ay Cadeyso Qur’aanka inuu Dhab ahaan yahay hadalkii Alle (Cw) iyo inuu Rasuulka yahay mid Run ah Xumaana lagu Tuhunsan karin.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 20aad.

Suurada 70aad Al-Micraaj:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Micraaj oo ah Macno ahaan kor u fuulid, maadaama ay Suurada soo Hadal qaaday Malaaigta Samada Kor u Fuusha, waxaa kaloo Suuradan loo yaqaan Sa’ala oo ah kalimad ay ku Bilaabato Suurada.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 44Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaaqqah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilowga Qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Micraaj:

Suuradaan wax ay aad u Faahfaahisaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada Islaamka Gaar ahaan waxey si gaar ah uga Hadshaa Qiyaamha iyo xaaladaha ka jiri Doono marka Meesha la tago, waxa ayna Suurada Dadka Xasuusisaa in Dadka Qaarna ku Hoogi Doonaan, Qaarna Maaliankaas Nicmo oo dhan Halkaas ka heli Doonaan we

Suuradaan waxa ay aad u Naqdisaa Dadka Beeniya Jiritaanka Maalinta Qiyaamaha ee Diidan in Geerida ka Dib ay Jirto Nolol kale iyo Xisaab, taasoo ay ka Dhalaneyso in Qof walba laga Abaal marin Doono waxuu kasbaday intuu Aduunka Joogay.

Suurada 71aad Nuux:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Nuux oo ahaa Rasuulkii ugu horeeyay ee Diinta Toowxiidka ugu yeeray markii Aduunka uu ku Biloowday Shirki iyo Kufri.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Naxl ka dib, Musxafkana Juz ahaan waxey kaga Beegan tahay Bilooga Qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Nuux:

Suuradaan waxa ay ka hadahashaa Asalada Caqiidada Islaamka, waxa ayna Suuradan si Faahfaahsan usoo Tabisaa Qisadii nabi Nuux oo ahaa Nabigii ugu Dheeraa Xaga Zamanka uu Dacwada waday Dadaal weyna ku Bixiyaysidii ay Qoomkiisa Toowxiidka u Qaadan lahaayeen, wallow Dad yar uun Dacwo ahaan Ajiibeen, taasoo Macnaheedu yahay in Dadka Ducaada ah looga Baahan yahay in dacwada waqti badan galiyaan, oo aysan ka Daalin Hadii laga Ajiibo iyo hadaanan laga Ajiibin, maxaa yeelay Gaarsiinta Dacwda waxa ay ka mid tahay Cibaadooyinka Alle (Cw) loogu Dhawaado Xataa hadaanan Qofna kaa Aqbalin.

Sidoo kalana Suurada Nuux waxa ay Dadka ku Baraarujineysaa Goobaha dacwda la gaarsiinayo iyo saacadaha dacwada laga Shaqeynayo iyo Nidaamka loo Gaarsiiyo Dacwada.

Nabi Nuux waxaa uu Sheegay in uu Dacwda Gaarsiinayay Qoomkiisa Habeen iyo Maalian arintaas oo Tuseysa Diinta Faafinteeda in Habeean iyo Maalinba loo Baahan yahay in laga Shaqeeyo, sidoo kalan Nabi Nuux waxaa uu Sheegay inuu Dacwada si sir ah iyo Iclaan ahba u Faafinayay, taasoo Macnahedy yahay in Dacwada looga Shaqeyn karo Qalabka manta Dunida yaal ee casriga sida Taleefoonada iyo Warbaahainta kala Duwan.

Suuradaan waxaa kaloo laga Faaiidaa in Dadka Marka Diinka laga hadlayo Dacwada looga Bilaabo in Alalaah loogu yeero sida Nabi walbaba Cadada u aheyd inuu Dacwadiisa Toowxiidka ka Bilaabo.

Suuradana waxaey Dadka ku Baraarujisaa in Dacwada Towxiidka hadii si xasan oo Dhab ah loo Qaatoi Miraheeda lagu arko Aduunka sida in Roob Fiican Beeruhu Helaan, Maal iyo Caruur badana in lagu helo.

Suuradan waxaey kaloo Nagu baraarujineysaa Dhibaatada Nabi Nuux ku Gaartay dacwada iyo sida ay Qoomkiisa uga Dhabar adeygeen in ay Xaqa Aqbalaan ayagoo ku kadsoonaa Cibaado ay u Sameyn Jireen Taalooyin ay u Dhiseen Dad Saalixiin ahaan jiray ayagoo u heesta jid saxan in ay Cagta ku hayaan.

Waxaa kaloo Suuradan laga qaadanayaa in Waalidka loo Duceeyo Geerid Asadooda ka dib sidaba Nabi Nuux uu ugu Duceyay labadiisa Waalid iyo Mumniinta oo dhan.

Sideen u fahamnaa Qur’aanka?. Q: 21aad.

Suurada 72aad Al-Jinni:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Jinni Maadaama si aad ah auu uga Sheekeyso Jinniga Makhluuqa la yiraahdo, Jinniga waa Qeyb ka mid ah Uunka Caqliga lagu Beeray, waxaa uuna Mukulaf u yahay Sida Insaanka oo kale waana Xaqiiq jiritaankiisa.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Acraaf ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay bartamaha Qeybta Labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Jinni:

Suuradan waxaa ay Guud ahaan la mid tahay Xaga Manhajka Suuradaha Madaniga ah waxa ayna faahfaahisaa Asalada Caqiidada sida Toowxiidka, Risaalada, Soobixinta iyo Abaal marinta Malinta Qiyaamaha.

Suuradan waxaa ay si gaar ah uga hadashaa Jinniga oo ah Abuur Xaqiiq ah oo ka mid ah Abuurada Alle (Cw) Abuuray ee Caaqiliinta ah sida Maalaaigta Insaanka oo kale.

Jinniga inuu yahay Abuur jira waxaa Daliil u ah Nusuusta Sharciga (Kitaabka Sunnaha iyo Ijmaaca), iyo Waaqica Insaanka ku nool yahayba.

Maxaa laga Abuuray Jinniga?.

Jiniga Asal ahaan waxaa laga Abuuray Dab halka Insaanka laga Abuuray Ciid, Malaaigtana Nuur, arintaas waxaa ay Muujineysaa in ay sadax Caalam kala yihiin oo kala Duwan maadaama ay Abuur ahaan kala Duwan yihiin, sidaa darteed waxaa laga Maarmaan ah inaan Xaqiiqda Jinniga ka Faaloono Maadama uu yahay Abuur aan Indheena lagu arki Karin sidaba Malaaigta aan loo arki Karin oo kale.

Goorta la Abuuray Jiniga:

Jinniga waa Abuurka mid ah Adoomada Alle waxaa uuna ka kooban yahay inta Dadka Insaanka ah ka kooban yihiin oo kale waxaa uuna ahaa Abur ahaan ka Horeeyay Insaanka taas waxaa Daliil u ah Markii uu Alaah (Cw) Abuuray Aadam waxaa joogan koonka Hortiis Ibliis oo ka mid ah Jinniga, Markii la yiri u Sujuud Aaadam waa kii Diiday oo yiri Anaa ka Kheyr badan, kuna Faanay in Asaga Dab laga Abuuray.

Sababta loo Abuuray Jinnga:

Jiniga waxaa loo Abuuray inuu Alle Koonka ku Caabudo sidaba Insaanka Cibaadada Darteen loogu Abuuray, sidoo kalana Koonka oo dhanba waxaa uu Allaah u Abuuray Cibaadadiisa Darteed, mana jiri wax Koonkan ku Dhex jira oo anan Alle Cabuudin ha ahaado Malaaig, Insaan Jinni,Geedo, Biyo, xawayaanada kala Duawan Shimbira iyo Xasharaadka.

Waxaana xasuusin Mudan wax Caasinimo la yimaada ama ilooba Cibaadada ama ka Kibra Cibaadada Alle (Cw) waxaa ka jira Qaar Insaanka iyo Jiniga ka Mid ah sidaa darted ayuu Allaah waxaa uu Naarta u Abuuray inuu ka Buuxiyo Jinni iyo Insaan Fara badan oo Caqligooda iyo Aragooda iyo Maalkooda iyo Mansabkooda ku Kadsoomay oo diiday in ay Allaah (Cw) kaliya Caabudan.

Jinniga Noocyadiisa:

Jinniga waxaa uu ka Kooban yahay noocyo kala Duwan Xag walba hadey tahay Xaga Jinsiga hadey tahay Xaga Imaanka iyo Kuafriga, xaga Faqriga iyo Maalka, marna waxba kama Duwana Insaanka iyo Noocyada uu kala Qeybsamo.

Tusaale ahaan Jiniga waxaa uu leeyahay Lab iyo Dhedig waxaa uuna u Farcamaa sida Dadka u Farcamaan oo kale, Xaga Diinka iyo Imaanka waxaa ka mid ah kuwa Ahlu Towxiid ah oo Toosan, kuwa Gaalo ah (Yuhuud Nasaaro ama Mushrikiin) waxaana xasuusin mudan Gaalad oo dhan iyo kuwa ka Hor yimid Diinkii nabiyada in uu Hogaaminayo Maalianta Qiyaamaha Marka la tago Ibliis oo ay Calankiisa ku Hoos Safan Doonaan, Taad oo Macnaheedu yahay Ibliis oo ka mkid ah Jinniga inuu yahay kan ugu sareeya ugu Madaxsan Gaalada.

Awooda Jinniga uu leeyahay:

Jiniga waxaa uu Allaah Awood u siisay in ay Hawada ku Dhex duulaan, ama in ay is Dul koraan ilaa ay isku Dayaan in ay soo Dhageystaan Malaaigta samada Joogta, walow markii Dambe ay Culeysyo kala kulmeem koritaankii Samada, taasoo keentay in ay Baaraan sababta loogu Diiday iyo waxa soo kordhay, waxaana Baaritaankii ay Dhulka ka Sameeyeen ku Ogaadeen in Nabi Cusub lasoo Saaray.

Jinniga Xaga Muuqaal ahaan Insaanku ma awoodo inuu arko taasna waxay tuseysaa Alle Awoodiisa weynideeda, iyo inaan Ogaano Alle waxuu Abuuray waxey ka Kooban yihiin wax aan Awoodno inaan aragno iyo wax aanan arki Karin.

Jinniga Maadama uu yahay wax Insaanka ka Qarsoon waxaa ay Dadka qaar u Qaateen arintaas in ay ka Dhalaneyso inuu Jinniga ogaan karo wax badan oo uusan Insaanka ogeyn, taasna waa Arin gaf ah, Maxaa yeelay jiniga waxaa uu ogaan karaa waxuu Arko ama Maqlo ama loosoo tabiyo kaliya sidaba Insaanku u ogaan karaan, laakiin waxa qarsoon ee anan Cidi ogaan Karin sida Berito waxa dhici Doona oo kale waxba kama ogaan karaan Jinniga ,

waxaana Qur’aanka Allaah ku Sheegay markii Nabi Suleymaan Geeriyooday in Jinniga uu ka mid ahaa Ciidan Howlo u hayay Nabi Suleymaan, Howshiina aysan joojin ayagoo u Heesta Nabi Suleymaan inuu Nool yahay, hase yeeshee inuu Geeriyooday waxa ay ogaadeen Markii ushii uu Cuskanaa Aboorka Cunay, taasoo muujineysa in aysan ogaan Karin waxa qarsoon ee uu Allaah (Cw) kaliya yahay kan ogaan kara iyo Rusushiisa wixii uu waxyi ahaan ku Gaarsiiyo. maahne

Jiniga Dacwada yaa Gaarsiiya? .

Jiniga waxa ay Dacwada ka qaataan Insaanka Nabiyada loosoo diro sida Saxiixa ah, waxaana Arintaas Daliailka koowaad u ah in Dacwada Diinta Islaamka ka Qaateen in ay Maqleen Nabiga (Scw)oo Salaad Subax ku Tushinaya Suuqa Cukaatha qaar ka mid ah Saxaabadiisa taasoo keentay in ay Dacwada Diinta Islaamka ku dhex faaftay markaas wixii ka dambeeyay.

Insaanka iyo Jinniga:

Intii anan Nabi Muxamad la soo saarin Dadkii ku Noolaa Jaziirada Carabta oo Diin ahaan ahaa Dad Mushrikiin u Badn ayaa waxa ay Aaminsanaan jireen in Jinnigu leeyahay Awood weyn, sidaa darted markii ay Safarada galaan ee ay Dhulka Banaanka ah ku Safrayaan waxa ay Magan ka Dalban jireen Jinniga Banaanadaas Dagan, aygoo Dhahaya waxaan Magan u Nahay Boqorka Jiniga halkaan Dagan si uu nooga Ceshada Ciidankiisa in ay Dhibaato noo geystaan, taasoo sababtay in Jinnigii Kibir iyo Xad gudub usii Kordho.

Waxa hada jira dad Badan oo Xoolo siiya ama u Goowraca ama Cunooyin u Daadiya ayagoo magan iyo Nabad ka Dalbanaya Diintey Doonaanba haku Abtirsadeene, waxaana Caadi ah oo la yaqaan inuu Jinniga Maalinba Maalinta ka Dambeysa ku sii Kordhiyo Dalabaadkiisa iyo Culeyska uu ku haayo si ay usii Badiyaan Xooloaha ay u Bixiyaan, taasoo Muujineysa in aysan sax aheyn in sidaas loola Dhaqmo, Dhaqankaasna waxaa uu ahaan jiray Dhaqn ay lahaayeen Dad Mushrikiin ah, marka waxaa wanaagsan in dad Muslmiinta ah in ay ka Digtoonaadaan inay Mushrikiin u Dhaqan ekaadaan.

Sidee lagu Daaweeya Dadka Jinniga Qaba? .

Waxaa waaqicyan loo arkaa in Dadka qaar Bukoodaan ayadoo Jirida heysana aysan aheyn wax Muuqda ama la Taaban karo, waxaana Dhici karta in Qof la waasho jirooyinka Noocaas ah, ama Xubno Jirkiisa ka mid ah Dareenka ka tago, ama Lugaha laabmaan ama Gacmaha ayadoo aysan heynin Cudaradii Neervo ahaan sababi karay Xanuunadaas, marka hadii ay sidaas oo kale Dhacdo waxaa loo baahan yahay in Qofkaas loo Daaweeyo Ruux ahaan, oo lagula Dadaalo in Dad Dhowrsoon oo Cilmi iyo Diin leh Qur’aanka Saaraan (ku Tufaan) ayadoo laga Fogaanaya wax walba oo sababi kara Jinka inuu kusii Xidideysto Ruuxa Bukaanka ah sida in Xoolo loo Gowraco ayadoo Raaligalin looga dalbanayo, ama Cunooyin loo Kariyo ama Xaflado lagu Durbaantunto loo Sameeyo maxaa yeelay taas marna Daawo uma Noqoneyso.

Waxaan kusoo Koobayaa Qoramadeydan Dadka Muslmiinta ah waxaa looga baahan yahay in Diinkooda Daawo ka Dhex raadsadaan, waxaana Tijaabo ahaan la arkay Dad badan oo Dhakhaatiir Caan ah ka daaleen Dalka gudahiisa iyo Debadiisaba in ay ku Bogsoodeen Qur’aan lagu Tufay kaliya, ayadoon Daal iyo Waqti badan intuba ku Bixin, Gaf iyo Dembina Allaah (Cw) laga galin

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 22aad.

Suurada 73aad Al-Muzammil;

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Muzammil, maadama ay ku Bilaabatay Naadin ku Socota nabiga asagoo Go ku Duubduubnaa, ayaa Aalaah ugu yeeray oo ugu Naabiyayay  Al-Muzamil.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 20 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Qalam ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Muzammil:

Suuradan waxa ay ka Hadshaa Qeyb ka mid ah Noloshii Nabi Muxamad (Scw) gaar ahaan Cibaadooyinkiisii u Habeenkii Sameyn jiray sida Salaada habeenka la Tukado marka Dadku Hurdaan, Qur’aanka la aqriyo Xiligaas, arintn oo ah Dacwo ku socota Muslmiinta in ay Cibaadooyinka Noocaas ah ku dadaalaan Gaar ahaan Dadka Ducaada iyo Culimada ah si ay ugu Saacido in Imaankoodu kobco, Dulqaadkoodana u Ziyaado.

Qodabada ay Suuradaan Xambaarsan tahay waxaan kusoo koobi karaa in Nabiga lagu faray inuu la yimaado Cibaadooyin asaga Shaqsigiisa ku kooban kaliya,  waxaana ka mid ah arimahan soo socda.

1-     Suuradan waxaa ay Nabiga Fartay inuu Habeenkii Tukado Salaad Xiliyada Dadka Hurdaan.

2-     In Salaada Xiliga la Dukanayaa aysan aheyn Habeenkii oo dhan, waa Habeenki Barkiis ama wax ka yar barka.

3-     Waxaa kaloo Suurada nabiga Fartay inuu Quraanka u aqriyo si kala Dhigdgigan (Tajwwid) Habeenkii.

4-     Waxaana Suuradan Nabiga lagu Baraarujiyay sabar inuu la yimaado oo uu u dulqaato Culesyada kaga imaan kara Ahaladiisii Makah Daganeyd .

Suurada 74aad Al-Musathir:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mudathir oo la Macna ah Al-Muzammil, waayo waxaa loo Naadiyay labada Jeerba Nabiga oo lagu tilmaamayyay Xaalada uu Markaas ahaa.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 56 Aayadood, wwxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Muzammil ka dib, Musxafkana waxa ay kaga began tahay Dhamaad  qeybta labaad ee Juzka 28aad.

macnaha Guud ee Suurada Al-Mudathir:

Suuradana waxay ay la Mid tahay Xaga Manhajka Suuradii ka horeysay ee Al-Muzammil, laakiin waxa ay Dheeraad la tahay in nabiga lagu Faray inuu la yimaado Cibaadooyin ka Dheeraad ah kuwa Shaqsigiisa ku Saabsan Sida Gaarsiinta Dacwada Diinta Islaamka, halka Suuradii hore ay ku koobneyd Dadaal la Faray Shaqsi ahaan inuu looga Baahan yahay inuu la yimaado sida Salaad iyo Quraan aqrin Xiliyada Habeenkii ah, Suuradan waxaa lagu faray Dadaal Shaqsi ah iyo mid Dadka ku socdaba inuu la yimaado.

Suurada waxey Nabiga u tilmaantay halka ay gali Doonaan kuwa Beeniya Risaaladiisa in ay Naar Saqara la yiraahdo gali Doonaan, waxa ayana Suuradan Tilmaantay Tilmaamaha Naarta lagu galo Nooc ka mid ah sida.

1-     Kuwa Beeniya Qur’aanka.

2-     Kuwa aan Salaada Dukan.

3-     Kuwa aan Masaakiinta Quudin (Wax siin) Bakhiilnimo awgeed.

4-     Kuwa dan la’anta Cumrigooda ku Dhameeya ee Xumaanta ku Mashquula.

5-     Kuwa Maalinta Qiyaame Beeniya.

Suurada 75aad Al-Qiyaamah:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Qiyaamah oo ah Magac ay ku Xasiinaya Dadka Nolasha ka dambeysa mida Aduunka, maadaama ay Suurada si aad ah u tilmaanto hab Gaar ah Maalinta Qimaamaha Xaalada sida ay Noqon Doonto.

Suuradan waa makiyah, Aayadaheeduna waa 40 Aayadood, waxa soo dagatay Suurada Al-Qaaricah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beeban tahay Dhamaadka Qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qiyaamah:

Suuradan waxay Dadka mku Baarujisaa Noloshaan Aduunyada ka dib in ay Jirto Nolo kale oo ka Dambeysa, sidaa darted waxaa ay Suurada Dadka u tilmaameysaa in ay ka Digtoonaadaan in ay Maleeyaan in Nolosha Halkaan ku Dhamaato oo aysan Jirin Nolo ka dambeysa,, waxeyna Suuaradan Tilmaantaa Xaalafda fdaran ee Dhibaatada ah ee Koonka lasoo Gudboonaan Doonta marka lagaaro Maalinkaas Biloowgiisa, taaso keeni Doonta in Insaankaraadsado Meel uu uag Baxsado, Maalintaasna Meel loo baxsado majirto oo aan Xaga Allaah aheyn, halkaasoo uu Qof walba ka heli Doono Abaalkii Shaqadii uu ku qabtay intuu Aduunka Joogay Mid hore iyo Mid Dambaba.

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Qeybta 23-aad

Suurada 76aad Al-Insaan:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Insaan, maadama si Kooban uga hadasho Marxaladaha uu Insaanka Marayo laga Bilaabo Abuurka iyo Marxaladaha uu kusoo biloowday ilaa laga gaaro Nicmada ama Cadaabka Sugaya marka lagaaro Maalinta Qiyaamaha.

Suuradan waa Madaniyah, Aayadaheeduna waa 31 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Ar-Raxmaan ka dib, Juz ahaana Musxafka waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta labaad ee Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Insaan:

Suuradan waxey ka Hadashaa Arimaha Quseeya Maalinta Qiyaame, si gaar ahna waxey uga Hadshaa Nicmooyinka ku Baariyada (Mutaqiinta) ah ay ku dhex leeyihiin Janada Dhexdeeda, Janada waxey ku Dhex leeyihiin waxaan ilu Aarag Dhagu maqal, Qalbi Insaana aan ku soo Dhicin, Goglo Xariir ah, il Qabowsi iyo Macaan oo dhan, Nimco aan wax Dhibaata ah ka dambeyn, Nimco ka sareysana aysan jirin, Adeegayaal wanaag badan, Cabitaano Macaan badan, laguma Dhex baahdo lagumana Dhex Bukoodo, lagumana Dhex Qoraxoodo, waa Meel Nimco iyo Sharaf oo dhan ku Dhameys tiran yihiin.

Suurada 77aad Al-Mursalaat:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mursalaat, maadama Malaaigta Noocaas ah Suurada ay ku Bilaabato.

Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 50 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Humazah ka dib, Musxafkana waxa ay kaga began tahay Dhamaadka Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mursalaat:

Suaradan waxey si Xoog leh uga Hadshaa Arimaha Caaqiidada ku Saabsan, gaar ahaan ASrimaha ku Saabsan Maalinta Aakhiro, Awoodaha Alle iyo ku kali ahaanshiisa Xaga Cabudida.

Suurada 78aad An-Naba’:

Suuradan waxa loogu Magac daray An-Naba’ si ay Dadka u Xasuuso Weynida Akhabaarta Qur’aanka sido, waxaa kaloo yaqaan Camma oo ah kalimada ay ku Bilaabato.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 40 Aayadood, w3asa ayna soo Dagatay Suurada Al-Macaarij ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Naba’:

Suuradan waxay u taagan in ay Sugto Caqiidaad ku Saabsan Soo Bixinta Geerida ka dib ah taasoo ay aad u Inkarsan yihiin Gaalada Mushrikiinta ah.

Suurada 79aad An-Naazicaat:

Suuradan waxaa lagu Magacaabaa An-Naazicaat ama As-Saahirah ama Adh-Dhaamah, kalimadahaan oo Dhamaan ah kalimado Suurada ku Dhex jira .

Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 46 aayadood, waxa yna soo Dagatay Suurada An-Naba’ ka dib. Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Naazicaat:

Suurtadan waxey Xooga Saartaa Qiyaamaha iyo Xaaladaha Aadag ee ka jira, sidoo kalana waxay ka Hadashaa Saacada Qiyaamaha Dhicitaankeeda iyo Dhibaatooyinka dhici doona Marka la gaaro Xiligaas, waxeyna Suuradan Tusaalooyian ka Bixisaa kuwa Muraqiinta ah iyo Kuwa Mujrimiinta ah.

Waxaan ka Cudurdaaranayaa in Qeybaha kala ah 19, 20 iyo 21 aan Juz ahaan ku qoray in ay Musxafka kaga Beegan tahay Juzka 28aad, taasoo ah Qalad xaga Qoraalka ah oo aan si kama ah u qory, waayo Sadax qeyboodba waxey ka wada tirsan yihiin Juzka 29aad.

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Qeybta 24-aad

Suurada 80aad Cabasa:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Cabasa, oo ah Kalimada Suurada ku Bilaabato,

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 42 Aayadood, waxa ayna Soo Dagatay Suurada An-Najmi ka dib, Musxafkana waxey kag Beegan tahay Biloowga Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Cabasa:

Suuradan waxa ay Dul haan ka Hadashaa, Caqiidada Islaamka iyo Risaalada, aydoo sidoo kalana wax ka tilmaanta, Daliilada Muujiya Awooda weyn ee uu Rabi leeyahay, iyo Kalinimadiisa Xaga Caabudida, waxayna Suurada wa si kooban u Dulmartaa Abuurka Insaanka iyo Dhirta iyo Cunada Insaanka Cuno ayadoo islamarkaana waxay wax ka Xustaa Maalinka Qiyaamaha iyo Dhibaatooyinka ka jira.

Suuradan waxay kusoo Dagatay Saxaabiga Indhoolaha ahaa ee C/llaahi Ibnu Ummi Maktuum oo Nabiga (Scw) tagay xili uu Mashquul ku ahaa sidii uu Dacwada u Gaarsiin lahaa Horjoogayaashii Qureysh Nin ka mid ah, ayuu C/llaahi kusoo Noqnoqday Nabiga asagoo leh i Hanuuni, Rasuulkuna Maadaama uu Mashquulsanaa ayuu kusii Jeesanayay Ninkii uu Hadalka u awday, taasoo keentay in ay O Suuradan soo dagato ayadoo Nabiga lagu Canaantay inuu ka Mashquulay ruux Muslmiinta ka mid ah oo Hanuun Dioon ah kagana Mashquulay Mushrik aan Hanuun Doon aheyn.

Suurada 81aad At-Takwiir:

Suuradan waxaa lagu Magcaabaa At-Takwiir ama Kuwirat, waana Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 29 Aayadood, waxaeyna soo Dagatay Suurad Al-Masad ka dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Takwiir:

Suuradan waxay si Gaar ah uga Hadashaa laba Rimood Xaqiiq ahaanshahooda:

Kan Koowaad waa Cadeynta Xaqiiqnimada Maalinka Qiyaamaha.

Kan Labaadna waa Cadeynta xaqiiqnimada Waxyiga iyo Risaalada Nabi Muxamad (Scw).

Suurada 82aad Al-Infidhaar:

Suuradan waa maakiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 19 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada An-Naazicaat ka dib, Musxafkana waxaey kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Infidhaar:

Suuradan waxa si aad u Muujisaa habka ay u Dhici Doonto Saacada Qiyaamaha iyo Qaabka uu noqon Doono Koonka Marka Xiligaas la gaaro, waxeyna Suurada intaas ka dib Tilmaantaa Xaaladaha ay kala Muteysan Doonaan kuwii Baariyada ahaa iyo kuwii Faajiriinta ahaa marka lasoo Nooleeyo oo lasoo saaro Maalinta Aakhiro.

Suurada 83aad Al-Mudhafifiin:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 36 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Cankabuut ka dib, Musxafkana waxay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mudhafifiin:

Suuradan waxey ka Hadashaa Amuuro Quseeyo Caqiidada Islaamka, waxeyna ka Sheekeysaa Dacwada Diinta Islaamka iyo sida loogala Hortago cadwgeeda.

Suuradana waxey Daaweysay Dhqan ahaan Dadka Ganacsatada Qaar waxyaabo Gaf ah aad u Fool Xun oo ay Samneeyaan sida in ay Miizaanka marka ay Dadka u Beegayaan ka Dhimaan, laakiin ayaga Markey Beeganayaan Buuxsadaan, taasoo uu Allaah ugu Goodiyay in ay Cadaab daran Muteysan Doonaan Marka la gaaro Maalinta Qiyaamaha.

Suurada 84aad Al-Inshiqaaq:

Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 25 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Infidhaar ka Dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta Koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Inshiqaaq:

Suuradan waxay si Guud uga Hadashaa Dhibaatooyinka jiri Doona Marka Qiyamaha la gaaro, iyo Asuusha Caqiidada Islaamka.

Suurada 85aad Al-Buruuj:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka aayadaheenu waa 22 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Ash-Shamsi ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta Koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Buruuj:

Suuradan waxey Guud ahaan ka Hadashaa Caqiidada Islaamka, waxeyna si Faahfaahsan usoo Bandhigtaa Gumaadkii loo geystay Dad Ahlu-Toowxiid ahaa oo Dab lagu Daadiyay markii ay Diideen in ay Diinkooda ka tanazulaan, taasoo Macnaheedu yahay in dadka Muslimiinta ah looga Baahan yahay in ay Dulqaad la yimaadaan sida Dadkaas Muslimiinta ahaa ee ka Horeeyay ugu Dulqaateen Dhibaato sidaas u weyn,

Nabigana (Scw) waxaa uu saxaabada ugu Sheekeyn jiray Dhibaatooyin lasoo Gudboonaaday Muslmiintii Hore sida in Minshaar lagu kala goyn jiray si Diinka looga leexiyo, laakiinse ay iska Dulqaadan jireen oo ay Geeri ka Door bidi jireen in ay Diinkooda ka laabtaan.

Suuradaan faahfaahinteeda waxaa uu Nabiga ku Sheegay xadiis saxiix ah oo uu kaga hadlay Sababta ay ku Muslmeen Dadkaas Dhibaatada gaartay in ay tahay wiil yar oo Diinka ka Bartay Raahib, markii Dambana loo cadaabay Diintiisa darted ilaa uu Boqorkii Cadaabayay uu ka awoodi waayay inuu Dilo Wiilka, taasoo Markii dambe wiilkii uu Sheegay in Habka kaliya ee lagu Dili karo ay tahay In Magaca Allaah la Xuso marka Dilkiisa la Damacsan yahay Meel fagara ahna lagu dilo, taasoo Boqorkii Maslaxad Biday inuu yiraahdo Markuu Gamuunkii iyo Qaansadii is Dul Saaray yiri: Waxaan ku Gamayaa Gamuunkan Magac Wiilkan Rabigiisa, Wiilkiina uu sidaas ku geeriyooday, hase yeeshee waxaa arintaas waano iyo dacwo u Noqatay dadkii Daawanayay oo dhan oo yiri Waxaan Rumeynay rabiga Wiilka!!.

Taasoo Sababtay Boqor Dadkaas Caabudi jireen inuu yiraahdo Hadaadan Diinka ka Laabanina waan idin Gubi Doonaa Dhamaantiin, Markii ay Hanjabaadiisa u Dhaga Nuglaan waayeena waxuu ku Dhaqaaqay inuu dabka ku Guro ilaa lagasoo Gaaro Gabar Xambaarsan Wiil yar oo ay Nuujineysay, markii ay Dabka Dul Istaagtay ayay Wiilkeeda u naxday oo dabkii ka Joogsatay, laakiin waxaa Allaah uu ku Karaameeyay inuu Wiilkeeda la Hadlo oo yiraahdo :Hooyooy Sabar Adiga Waxaad ku Taagan tahay Jid Xaq ah, arintaas oo Hooyadii Laabta u dajisay kuna Qancisay in ay dabka gasho si uu Diinkeeda uga Badbaado.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 25aad.

Suurada 86aad Adh-dhaariq:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 17 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Balad, Muxafkana waxey kaga Beegan tahay Biloowga Qeybata |Labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhaariq:

Suuradan waxey ka Hadashaa Amuuraha Caqiidada Quseeya, gaar ahaan waxey Xujooyin Cad cad ka Tilmaantaa Awooda uu Allaah (Cw) uu u leeyahay Soo Bixinta Maalinta Qiyaamaha, maxaa yelay Allaha Insaanka Abuuray asagoon jirin waxaa u Sahlan soo Celintiisa Geerida ka dib.

Suurada 87aad Al-Aclaa:

Suuradan waxaa kaloo loo yaqaan Sabaxa, waana Suurad Makiyah ah, Cadadka Aayadaheeduna waa 19 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada At-Takwiir ka dib, Musxafkana waxay uga Beegan tahay Biloowga Qeybta Labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhaariq:

Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa Arimaha kala ah:

1- Allaah Tilmaamo iyo Magacyo uu Gaar u leeyahay.

2- Quraanka iyo waxyiga Lagusoo Dajiyay Nabi Muxamad.

3- Waano aaad u wanaagsan ee wax u tareysa Quluubta Nool, oo ay ka Faa’iidi karaan Ahlu Iimaanka.

Suurada 88aad Al-Ghaashiyah:

Suuradan waa Makiyah, CCadadka Aayadaheeduna waa 26 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Ad-Daariyaat ka dib, Musxafkana waxay kaga Beegan tahay Biloowga Qeybta Labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Ghaashiyah:

Suuradan waxay Guud haan ka hadashaa Sadax Arimood oo Aaas aas ah.

1- Maalinta Qiyaamaha iyo Dhibaatooyinka ay kala kulmi Doonan Gaalada sidoo kalana waxey soo Gudbisaa Suuradan Nicmooyinka ay Mu’miniinta ku heli Doonaan Maalintaas.

2- Xujooyin iyo Daliilo Tusiya Allaah (Cw) Waaxid ahaanshihiisa, iyo Awooda weyn ee Alaah leeyahay ee ka Dhex Muuqata Abuurka Geela, Cirka Quraxda Badan, Dhulka Balaaran ee Fidsan.

3- Suurada waxey Dadka Xasuusisaa in ay u Laaban Doonaan Allaah (Cw) so loola Xisaabtamo looguna Abaal Mariyo Qof walba waxuu Kasbaday Shar iyo Kheyr.

Suurada 89aad Al-Fajri:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 30 Aayadood, waxayna soo Dagatay Suurada Al-Leyl, Musxafkana waxay kaga Beegan tahay Biloowga Qeybta labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Fajri:

Suuradan waxey si kooban uga Hadshaa sadax Qodob oo Muhiimna ah:

1- waxey Sheegtaa qaar ka mid ah Umadihii Horeeyay ee Beeniyay Rusushii Alaah (Cw) sida Reer Caad, Thamuud, Qoomkii Fircoon, waxeyna Cadeysaa Suuradan Cadaabkii ku dhacay Gaalnimadooda darteed.

2- Suuradan waxey Tilmaantaa in Aduunyada inta la joogo Imtixaano Shar ama kheyr, Faqri ama Maal, Insaankana Maalka Jaceylka uu u qabo awgiis ayuu yiraahdaa Rabigey wuu i Karaameeyay, Hadii faqri taabtana waxuu yiraahdaa Rabigey wuu i ihaaneeyay, asagoo Maleeya in Karaamada iyo Ihaanad Dhabta ah Maalka ama Faqriga yahay, taasna waa wax qaldan.

3- Waxey kaloo Suurada ka Hadashaa Aakhiro iyo Dhibaatooyinka ka jira iyo Noocyada Dadka u Qeybsami Doonaan Maalinkaas, Qolo Liibaani Doonta iyo Qolo Nasiib Xumo la kulmi Doono, is;la markaana Suuradan waxey Tilmaantaa tusaalooyin lagu kala Tilmaamayo Nafta wanaagsan iyo Tan Xun.

Suurada 90aad Al-Balad:

Suuradan Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 20 aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Qaaf ka dib, Musxafka waxey kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Labaad ee jezka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Balad:

Suuradn Guud ahaan waxey ka Hadashaa Qiyaamaha iyo Dhibaatooyinka ka jira,

Waxeyna Suuradan tilmaantaa maalinta Aakhiro waxyaabaha waaweyn ee Dhici doona sida in Dadka Qubuuraha kasoo Bixi doonaan, iyo in ay la mid Noqon Doonaan Maalinkaas Baalaleyda Duusha ee midba meel Xooran oo kale, taasoo Macnaheedu yahay in ay wareeri Doonaan Dhibaatada jirta Darteed oo ay noqonayaan Nidaam la’aan sida Xasharaadka oo kale oo midba Meel Xooran yahay.

Suurada 91aad Ash-Shamsi:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 15 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Qadri ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ash-Shamsi:

Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa laba Arimood oo Muhiim ah :

1- Moowduuc ku saabsan Nafta Insaanka iyo waxa ay Xambarsan tahay ee Shar ah ama Kheyr, ee Hanuun ah ama Baadil ah.

2- Moowduuc ku Saabsan Xadgubka iyo Abaal marka ka Dhasha, waxaana Tusaale u ah jazaha Xadgudubka Cadaabkii ku Dhacay Reer Thamuud.

Suurada 92aad Al-Leyl:

Suurada waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 21 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Aclaa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Leyl:

Suuradan waxey ka Hadashaa Camalka Insaanka iyo Kifaaxa iyo Daalka uu Aduunka ku Dhex Muteyasanayo, ka dibna Jazaha uu la kulmi Doono ee Nicmo ama Cadaab ah.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka Q: 26aad.

Suurada 93aad Ad-Duxaa:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fajri ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ad-Duxaa:

Suuradan waxeu Guud ahaan ka Hadashaa Nabi Muxamad (Scw) Nicmooyinka la siiyay Aduunka iyo Aakhirabadaba, si uu Allaah ugu Shukriyo Nicmooyinkaas, waxaana Nicmooyinkaan Nabiga loo Xasuusiyay si uusan Nabiga (Scw) uga Murgin Dacaayadaha Gaaladii Makah kaga imaanayay.

Suurada 94aad Ash-Sharxi:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Ad-Duxaa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahayDhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ash-Sharxi:

Suuradan waxey Guud haan ka Hadashaa Darajada Sare ee uu Nabiga Suuban (Scw) ku leeyahay Rabigiisa Agtiisa, waxeyna SuuradanTilmaantay qaar Nicmooyinka Nabiga (Scw) la siiyay ka mid ah sida Laabta oo loogu Nuuriyay Xikmad iyo Qur’aan, Culeyska oo laga Dajiyay iyo Magciisa oo la kor yeelay.

Suurtada 95aad at-Tiin:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Buruuj ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Tiin:

Suuradan waxey ka Hadashaa laba Mowduuc oo kala ah:

Sida Allaah u Karaameeyay Insaanka.

In la Rumeeyo Maalinta Xisaabta iyo Abaal marka (Maalinta Qiyaamaha).

Suurada 96aad Al-Calaq:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 19 Aayadood, waana Suuradii ugu Horeysay ee soo Dagatay, Musaxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Calaq:

Suuradan waxey ka Hadashaa Sadax Arin oo Muhiim ah:

Biloowgii waxyigii kusoo Dagay Nabi Muxamad (Scw) oo ah Nabigii ugu Dambeeyay.

Insaanka Kibirka uu ka helo Maalka iyo sida uu Amarada Allaah (Cw) uga Horyimaado.

Qisadii Fircoonka Umadan (Abii Jahal) iyo Dhibaatada uu u geysan jiray Nabiga sida inuu ka reebi jiray inuu Caabudo Rabigiisa (u dukado).

Suurada 97aadAl-Qadri:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Cabasa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qadr:

Suuradana waxey ka Hadashaa Waqtiga uu ku Beegnaa soo Dagitaankii Quraanka markii u Horeysay iyo Fadliga uu leeyahay Habeenka ka midka Bisha Ramadaan ee loo yaqaan Leylatu-Al-Qadriga, kaasoo ah Habeen ka Fadli Badan xaga Cibaadada Cibaado kun Habeen la sameeyay, isla markaana Malaaikta ay ka soo dagi Samada Nabadna ah, sidaa darteed waxaa wanaagsan Habeenkaas in si aad ah loogu Dadaalo Cibaadada , waxaana Nabiga uu Sheegay inuu ku Dhex jiro Tirada Kisiga ah ee Tobanka Dambe ee Bisha Ramadaan.

Suurada 98aad Al-Bayinah:

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Adh-Dhalaaq ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Bayinah:

Suuradan waxey ka Hadashaa Sadax Mowduuc oo kala ah:

Mowqifka Ahlu Kitaabka ka taagan yihiin Risaalada Nabi Muxamad.

Ikhlaaska (Cibaadda oo loo gaar yeelo Allaah kaliya) inuu yahay waxa ugu weyn ee looga Baahan yahay ruux kasta.

Mustaqbalka ay kala Mudan Doonaan kuwa Mu’miniinta ah iyo Gaalada (Yuhuud Nasaaro iyo Mushrikiin), Mu’miniinta waxey Gali Doonaan Jano Nimcooyinkeeda aysan Dhamaaneyn, Gaaladuna waxa ay galayaan Naar Cadaabkeedu Xanuun Badan yahay Abidkoodna ay ku jiri Doonaan.

Suurada 99aad Az-Zalzalah:

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Nisaa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Az-Zalzalah:

Suuradan waxey aaad u Faahfaahisaa Maalinta Aakhirada iyo Xisaabka ka jira Nooca uu yahay, waxeyna Suuradan Tilmaantay waxa Dadka lagu Tixgalinayo Maaliantaas in ay Tahay Hadba Camalkii ay Aduunka kusoo Shaqeeyeen, haduu Xumaan yahay iyo Haduu Wanaag yahayba.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?. Q: 27aad.

Suurada 100 aad Al-Caadiyaat:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Casri kadin, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Caadiyaat:

Suurada waxey si Guud u tilmaantaa Arimaha soo socda:

Jihaadka in looga Baahan yahay Qalab iyo Hub in loo diyaarsado inta aan la Galin, Farduhuna waxey ka Mid yihiin Dagaalada Gadiidka loo Adegsado..

Xoolo Jaceylka Dadka iyo Madax adeyga ku jira inta Aduunkan la joogo.

Quluubta waxaa ku Qarsoon Maalinta Qiyaame inuu Allaah (Cw) soo Muujin doono.

Suurada 101 aad Al-Qaaricah:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 11 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Qureysh ka dib, Musxafkana waxaa uu kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qaaricah:

Suuradan waxey si kookooban uga hadashaa Qiiyamaha iyo Culeyka jira, Shidooyinka Maalinta Aakhiro Dhibaatada Dadka indhooda saari doonaan, iyo waxa Dhici Doona sida in Dadka laga soo saaro Qubuuraha ayagoo sida Ayaxa u Firdhisan Cabsida qabaneysa Darteed.

Suurada 102aad At-Takaathur:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aaayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Kowthar ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Takaathur:

Suuradan waxey wax ka Tilmaantaa Dadka sida ay Aduunka ugu Mashquulaan oo ay ugu Quraxda Aduunkana ugu Sarkhaansan yihiin ilaa laga gaaro Maalinta Geerida uga imaaneyso ayagoon filaneyn, taasoo Macnaheedu yahay waxey Dadka in Quraxda Aduunka iyo Dhalaakeeda looga wado si Kado ah ayagoo u Guura God Mugdi ah iyo Cidlo.

Suuradan waxey Xambaarsan tahay Digniin Cad oo ku socota Dadka in Macaanada Aduunyada iyo Mashquulkeeda aysan iloowsiin Cidlada iyo Mugdiga Qabriga Dhexdiisa uga Horeya oo ay Noloshooda Sahay uga Dhigtaan Safarka lama Filaanka ee Imaan kara Saacad kasta ama Goob kasta ku Imaan kara.

Suurada 103aad Al-Casri:

Suuradan waa makiyah, Cadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Ash-Sharx ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Casri:

Suurdan waxey si Kooban u Tilmaantaa waxa uu Insaanka Guul oo dhan iyo Liibaan ku gaari karo ama Hoog oo dhan iyo Cadaab ku Muteysan karo:

Suuradan waxey Cadeysaa waxa Liibaan oo dhan lagu gaaraa in ay tahay in lala yimaadaa Afartan Arin ee soo socata:

Imaan Dhab ah oo aan Shaki ku jirin.

Camal Suuban oo Caado laga Dhigtaa, Cmalku waxuu ku Suuban yahay Hadii loo sameeyo Allaah Dartiis Sunadii Nabi Muxamadna uu waafaqsan yahay.

§  Waa in xaqa in la is faro.

§  Sabar in leys faro

Suuradan waxaa laga Fahmayaa in Dadka aan la Imaan Afartaas Arin inta ay Aduunka Joogaan Maalianta Aakhiro ay ku Dhici Doonto Kahsaaro weyn oo ay ka Mid noqan Doonaan Xaabada Jahanama oo Cadaab daran ay Muteysan Doonaan.

Suurada 104aad Al-Humazah:

Suuradan waa makiyah, Cadaka Aayadaheeduna waa 9 Aayadaood, waxeyna so dagatay Suurada Al0Qiyaamah ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Humazah:

Suurada Al-HumazahSuuradan waxey ka Hadashaa kuwa Dadka yasa ee Aflagaadeeya ama Carabka marka ay sii jeestaan ka daba taaga, ama Indhaha ku qaloociya Dadka Marka aysan u jeedin, waxayna Suuradan kuwa Dhaqan Xumidaas Caadada u tahay u balan qaaday in ay gali Doonaan Cadaab Maalinta Aakhiro.

Suurada 105aad Al-Fiil:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Fiil oo Macna ahaan ah Maroodigii sin ay Xasuusin ugu ahaato Qisadii ku Saabsaneyd Duulaankii uu Abraha oo Boqor u ahaa Xabashida uu ku qaaday Kacbada (Intii uusan Nabiga dhalan) asagoo Doonayay inuu Carabta oo dhan ku Qasbo in ay usoo Xajiyaan Kaniisad uu ka Dhisay Yaman si uu si Qasab ah Diinka Nasaarada ugu jiido, laakiin Allaah ayaa waxaa uu ku soo Diray Shimbiro Cagta Mariyay Ciidankaii Abraha oo dhan iyo Maroodiyadii Ciidanka Horjoogay.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Kaafiruun ka dib, Musxafkana waxey uga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurad Al-Fiil:

Suurada waxeyu taagan tahay Xasuustii Mcjizadii Dhacday Xiligii uu Abraha Duulaanka ku Qaaday Magaalada Makah, Xiligaas waxa ay ku Beegneyd Dhalashadii Nabi Muxamad (Scw), waxaana Alaah uu kusoo Diray Shimbiri Dhagxaan ku Tuura ilaa Colkii oo dhan jabay, arintaan waxaa ay Muujineysay in Magaaladan Makah ay Tahay magaalo Barakeysan waloow Xiligaas Dadka Joogay ay u ahaayeen Dadka Diinkii Nabi Ibraahiim ka leexday oo Shirki Diin u ahaa, ahadana Allaah (Cw) ayaa waxaa uu u Diyaaraniyay Magaaladaas in ay Maalin noqon Doonto Xarunta iyo Qiblada Diinta Nabi Muxamad oo Xiligaas Dhalashadiisa ku Beegneyd, sidaas ayaana loo ilaaliyay Magaaladaas loona Jabiyay Cadwgii kusoo Duulay.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q28aad.

Suurada 106aad Qureysh:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Qureysh oo ah Magaca Qabiilka uu ka Dhashay Nabiga Suuban (Scw) Qabiilkaas oo ahaa Qabiilka ugu Caansanaa Jaziirada Carabta.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Tiin ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Qureysh:

Suuradan waxey si gaar ah uga Hadashaa Nicmooyinka uu Alllaah (Cw) siiyay Reer Makah, waxaa ugu weyn Nicmooyinka Qureysh lagu Galadeystay Nicmada Amniga iyo Nicmada Maalka.

Suurada 107aad Al-Maacuun:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aaydaheeduna waa 7 Aaayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Takaathur ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Maacuun:

Suuradan waxey ka Hadashaa laba Qlo oo Dadka ka mid ah waxeyna Tilmaantaa Astaamaha lagu Garto, labadaas qolo waxey kala yihiin.

Gaalka InkiraNcmooyinka Alle (Cw) ee Beeniya Maalinta Xisaabka iyo Abaalmarka .

Muunafiqa wax walba uu Qabanaya istus tus u Sameeya, Haduu Dukanayo ama wax kale oo Wanaagsan sameynayo.

Suurada 108aad Al-Kowthar:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 3 Aayadood, waxeryna soo Dagatay Suurada Al-Caadiyaat ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Kowthar:

Suuradan waxey ka Hadashaa Fadliga iyo Galada weyn ee uu Allaah (Cw) ugu Nimceeyay Nabi Muxamad, waxeyna Suuradan Nabiga Fartay Salaada inuu joogteeyo Hadiyagana (waa Xoolaha Xaramka lagu Gowraco Xiliga Xajka) Goowraco si uu Allaah uga Mahad Celiyo Nicmooyinka lagu maneestay.

Suurada 109aad Al-Kaafiruun:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadheedu waa 6 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Maacuun ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Kowthar:

Suuradan waxey ka Hadashaa Towxiidka iyo in Xiriir Kalgacaltooyo aan lala yeelan Ahlu Shirkiga, waxeyna Suuradan Muslimiinta fartaa in aysan Dabac ka galin Arimha Diinkooda ku Saabsan.

Suurada 110aad An-Nasri:

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheedu waa 3 Aayadood, waxey Soo Dagatay Suurada At-Towbah ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Nasri:

Suuradan waxey Guud ahaan ka Hadashaa Guushii Muslmiinta ku Furteen Magaalada Makah, iyo Islaamka sida uu ugu Faafay Jaziirada Carabta oo Dhan, guusha Makah lagu Furtay Bishaaradeeda waxey soo Dagatay oo Muslmiinta lasoo Gaarsiiyay Waxyi ahaan ka hor Waqtiga Guushaas.

Suuradan waxaa kaloo lagu Xasuustaa in uu Cumar Ibnu Kahdaab ku Xujooyeay Rag Odayaal o Badan oo saxaabada ka mid ah markii ay Garan waayeena waxuu weeydiiyay C/llaahi Ibnu Cabaas si uu u Dareensiiyo Darajada Xaga Cilmiga ee Ibnu Cabaas, Ibnu Cabaas waxuu ku Jawaabay: Suuradan waxey ka Hadashaa Geerida Nabiga in ay soo Dhawaatay, taasoo ah Macnaha saxda ay suurada Tusineysay, Nabna waxey Suuradan Fartay Marka la gaaro Guusha Makah lagu Furanayo , Dadkana Diinta kusoo Xoomaan inuu arinkaas yahay Tilamaan tuseysa Ajashiisa in ay Dhawaatay, sidaa darteed wxaa la yiri ku Tasbiixso Mahadinta Rabigaa, waa Rabi Towbada Aqbalee.

Suurada 111aad Al-Masad:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Masad ama Tabat waan Suurad Makiyah ah, Cadadka Aayadaheedu waa 5 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Faartixa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beedan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Masad:

Suuradan Guud ahaan waxey ka hadashaa Halaagii ku Dhacay Abuu Lahab oo ahaa Cadaawada mid ka mid ah Cadawga Diinta Islaamka iyo Muslmiinta Xiligii waxyiga soo Dagayay, wuxuuna Nabiga (Scw) u ahaa Edeer xaga Nasabka (Dhalashada) laakiin waxuu Dagaal bareer ah ugu jiray sidii uu Diinka Islaamka u Dabar Goyn lahaa, waxaana Arintaas ku Gacan siin jiray Xaaskiisa, sidaa darteed ayaa Suuradan Labadoodaba loogu Balan Qaaday Hoog iyo Halaag inuu ku Dhici Doono.

Suuradan waxey Daliil Cad u tahay in aysan waxba Qiimaha ku Fadhin Dhalashada Xaga nasabka ah Hadii aysan Dadka Wanaaga iyo Xaqa isku Raacin, maxaa yeelay Ninkan loo yaboohay Hooga waxaa uu ahaa Nabiga Suuban (Scw) Adeerkiis.

Sidoo kalana waxaa la mid ah arintan Qisadii Nabi Nuux Markii Doonta lagu badbaadiyay in la Halaagay dad uu Wiilkiisa ka mid yahay, maadaama Wiilka uu Aaabihiis ku khilaafay Diinka iyo Xaqa waxba Qiima ah malaha inuu Nabi Dhalay oo Cadaabka ugama Badbaadin Aabihiis inuu Nabi yahay darteed, waxaa kaloo la mid ah Cadaabkii ku Dhacay dad ay ka mid tahay Xaaskii Nabi Luudh maadama ay ka mid aheyd Dadka khilaafay Diin ahaan Nabi Luudh.

Waxaa Dhanka kalana jira inuusan Ruux Xumaan ku yeelaneynin dhalashadiisa darteed ama waxa uu asaga ahaan jiray Markiisii hore, arintaasna waxaa Daliil u aha Cikrima waxaa uu ka mid ahaa Markii dambe Muslmiinta wax Dhaliil ahna kuma Laheyn inuu Aabihiis Abuu Jahal yahay, Cumarna waxaa uu ahaan jiray Gaal weliba markii Dacwadii Islaamka Bilaabatay Col ku ahaa, markuu Muslimayna waxaa uu Noqday Khaliifka Labaad ee Muslmiinta wax Dhaliil ahna kuma laha inuu Gaalnimo soo maray.

Waxaa xasuusin Mudan Xaga Nasabkana inaan aysan Ruux ka reebeyn inuu Sharaf iyo Maamuus yeesho inuu ka dhashay Ruuxa Reer yar ama Adoon ahaan jiray Darteed, arintaasna waxaa Tusaale u ah Bilaal oo ahaan jiray Adoon Xabashina ahaa waxaa uu Muslmiinta ku dhex lahaa Maamuus iyo Sharaf aan lasoo koobi Karin, waxaana la mid ahaa Salmaan oo u Dhashay Reet Faaris inuu Sharaf ku gaaray Islaamnimadiisa darteed inuu Nabiga Yiraahdo: Salmaan Anaga Ahlu Beytka ah ayuu Naga Mid yahay, Halka Abuu Jahalna Halaag iyo Hoog loo Balan qaaday Gaalnimadiisda Darteed.

Waxaan kusoo Gabagabeynayaa inaan dadka Muslmiinta ah ee Soomali ku iraahdo isku Tixgaliya Toosnaanta iyo Wanaaga Qofka Naf ahaantiisa uu ula yimaado, Ruuxna yaan loo Aamaanin ama loo Dhaliilin Dhalashadiisa Darteed waayo dadka waxaa wada Dhalay Aadam iyo Xaawo Ciidna waa laga wada Abuuray, Ruuxna kama Fiicna Ruuxa kale Dadkana ka mid ma aha Ruux Dahab ama Nuxaas laga sameeyay, sidaa darteed Ruuxna kama sareeyo Ruux kale ilaa Diinta iyo Iimaanka inta uu kaga wanaagsan yahay maahane.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?. Q: 29aad.

Suurada 112aad Al-Ikhlaas:

Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Naas ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Ikhlaas:

Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa Tilmaamaha Dhabta ee Rabi lagu yaqaano. Waxeyna Suuradan Tilmaantay Allaah (Cw) inuu kali yahay oo uusan laheyn Mid Shabaha, Mid la mid ah, iyo Xaas iyo Caruur toona.

Suuradan waxey Meesha ka Saartaa Caqiidooyinka Qaldan ee dadka aan Muslimiinta aheyn Allaah (Cw) ka Aaminsan yihiin.

Faalo kooban:

  • Mushrikiinta waxey Aaminsan yihiin in Malaaikta tahay Gabdho uu Allaah Dhalay
  • Yuhuudana waxey Aaminsan yihiin in Cuzeyr yahay Inan uu Allaah Dhalay.
  • Masiixiyadana waxey Aaminsan yihiin in Nabi Ciise yahay inan Allaah Dhalay.

Marka Suuradan waxey Meesha ka Saareysaa Caqiidada Qaldan ee Noocaas ah, maxaa yeelay Allaah waakan wax kasta Asaga ka Deeqtoon, wax kastana ay asaga u Baahan yihiin, waa kan Cirka iyo Dhulka kala Ilaaliya in ay Iska Dul Dhacaan, Dhulkana Buuraha ku Adkeeyay , Samada Tiir la’aanta taagay, Aduunyada oo dhana jirsiiyay ayadoonan jirin, marka uu Doonana Baabi’in doona, waa kan Hodanka ah laakiin wax kasta ay Baahi asaga u qabaan, wa midaan Dhiman, waa Midaan wax Cunin, waa Midaan Baahan, waa Midaan Hurdin ama Lulmoon, marka suura gal ma ah in la yiraahdo Alle ayaa u Baahaday Caruur, ama Ciise waa Wiilkii Alle iyo wax la mid ah.

Allaah oo Wiil lagu Sheego Dunida Maanta waxaa aad usoo Hadal qaada Masiixiyada oo yiraahda Masiix (Nabi Ciise) waa Wiilkii Alle, ayagoo Sabab uga Dhigaya Arimaha kala ah.

  • Nooca Abuurkiisa Darteed.
  • Mucjizooyin Nabi Ciise lagu arkay dartood.

Nabi Ciise Hadii laga Abuuray hooyo kaliyah macnaheedu ma aha inuu Darajadii Insaanka ka Gudbay waayo waxaa ku Uunka Allaah (Cw)Abuuray kuwo aan Hooyo iyo Abaaba laga Abuurin sida Aadam, Xaawo, Malaaikta, Jinka Asalkiisa, hadana midkood Marna ma muteysan karo in la Caabudo, marka Abuurka Nabi Ciise ayaa ah Aabuur ka dhaw kana Sahlan aragti ahaan kuwa aan soo sheegnay oo kuma Muteysan karo in la Caabudo Abuurkiisa Dartiis.

Tan kale ee Masiixiyada ku Andacoodaan oo ah in uu Allaah Xeelad darteed Caloosha Maryama usoo galay si uu Insaanka uga Daahiriyo gafkii uu Ibliis ku Riday Xaawo iyo Aadam ee janada looga soo saaray, waxeyna yiraahdaan Insaan kasta ee Dhintay Ciise Dhalashadiisii ka hor waxaa uu Dhintay asagoo xambaarsan Gafkii uu Aabahood Aadam Galay, kaliya waxaana ka Badbaadaya intii Rumeysay Ciise inuu yahay Wiil Alle Dhalay.

Waxaa la yaab ah in Dad ku Doodaan Dembi in laka Dhaxlo, hadii ay taas sax tahay waxaa sidoo kale lakala dhaxli lahaa Ajarka oo Qof aan Abidkiis wanaag sameynin ayaa la wadaagi lahaa oo Dahxal ahaan u Heli lahaa Ajar iyo Wanaag ay Shaqeysteen dadkii Asaga ka Horeeyay!.

Waxaanaba Xasuusin Mudan Allaah inuu Marka horeba Dad Dembi ay galeen dad kale u raacaneyn sida ku Cad Quraanka iyo Sunnaha, Arintaas xataa waxaa Qora Beybalada Qaarkood, sidoo kalana waxaa Xasuusin Mudan in gafkii ay galeen Aadam iyo Xaawo laga Cafiyay oo laga Towbad Aqbalay, marka sideeba gaf Cidii Gashay laga cafiyay loo Dul Dhigaa Cid anan waxba Galabsan?!.

Arinta Labaad ee ay Nasaarada Ciise u yiraahdaan waa Wiilkii Alle Kaliftayna in ay Caabudaan waa Mucjizooyinkii ay ku Arkeen Nabi Ciise Markii uu Dacwada Faafinayay, Mucjizooyinkaas oo fara Badnaa waxaa ka maid ah inuu Nabi Ciise Nooleeyay Nin Dhintay, hadaba waxaa Isweydiin Mudan arintaas ma sabi kartaa in uu Nabi Ciise ku Muteysto in la Caabudo?.

Hadii ay sax tahay Mucjizadaas darteed inuu Xaq u yeesho in la Caabudo waxaa kaloo in la Caabaado Muteysanaya Nabiyaal badan oo Xataa Beybalada ka Sheegaan in ay Mucjizo ahaan Nooleeyeen Dad Dhintay, taas Macnaheedu waxey Noqoneysaa in La Caabudo Nabi Saalax oo Dhagax Hal iyo Nirig Mucjizo ahaan kasoo saaray, in la Caabudo Nabi Muuse oo Ul Mucjizo ahaan ka Dhigay Mas weyn!

Hadii aan si Gaar ah u Tilmaamo Beybalada waxaa ku Qoran in Nabi Ilyaas Nooleeyay Cunug yar markii uu Rabi Baryay asagoo ku Dul Foorara Wiilkii yaraa ee Meydka ahaa waxaana uu yiri { ….. Rabiyoow Illaaheygoow Nafta Wiilkan kusoo Celi Gudahiisa, Markaasuu Rabi Maqlay Codkii Nabi Ilyaas oo Naftii Wiilka kusoo laabtay Gudahiisa} . (الملوك 17/19-24

Ma saxbaa Marka in la yiraahdo Nabi Ilyaas waxuu Muteystay in la Caabudo Maadama uu Nooleeyay Dad Dhintay? Hadii aysan sax aheyn sidoo kalana sax ma aha in la yiraahdo Nabi Ciise waa in la Caabudaa oo wuxuu Nooleeyay Nin Caazir la yiraahdo oo Dhinsanaa!

Marka waxaan leenahay Allaah (Cw) kaliya ayaa ah kan wax Nooleeya waxna Dila, Nabiyadiisa waxa ay Sameeyeen Mucjizo ahaana kuma Muteysanayaan in lagu Caabudo, ee waxey ku Muteysanayaan kaliya in la Rumeeyo in ay yihiin Rasuulo Xaq ah uu Allaah (Cw) soo Diray.

Beylada Qaar waxaa ku taal inuu Nabi Ciise inuu Alle (Cw) Baryay si uu Mucjizooyin u siiyo, si ay u Rumeeyaan Dadkiisa oo ay u gartaan inuu Rasuul Xaq ah yahay (Mucjizada waxaan kuu Su’aalanayaa dadkaan dartood si ay u gartaan inaad Adiga isoo dirtay..)

(ولكن أسألك من أجل هذه الجماعة، ليؤمنوا بأنك أنت أرسلتني ” (يوحنا 11/26))

Marka arimahan waxey Cadeynayaan in aysan jirin Cid Cibaado Mudan oo aan Allaah (Cw) aheyn, iyo in Dembi Cid gashay aysan Cid kale Dhaxlin, sidoo kalana Nabi Ciise inuusan Abuurkiisa Dartiis Cibaado ku Muteysan karin ama Mucjizooyinka gacamihiisa lagu arkay daraadood maadama Abuur ka yaab badan uu jiro islamarkaana Mucjizada Noleynta wax Dhintay amaba aan asal ahaan Nooleyn Nabiyo badan Gacmahooda lagu arkay ayagoon marna Xaq ugu yeelan in lagu Caabudo.

Fadliga Suurada Al-Ikhlaas:

Suuradan waxaa Nabiga Suuban (Scw) ka Sheegay Fadli aad u weyn in ay leedahay, sida in uu yiri: waxey u Dhigantaa Qur’aanka sadax u Qeyb Dhig, waxaa kaloo Sugan in Adkaar haan Suuradan iyo labada ka Dambeysaa loo Aqristo saalaad kasta ka dib iyo Subax iyo Galab kasta si ay Xijaab iyo Xirzi xir uga Naqdaan Qofka Muslimka ah.

Suurada 113aad Al-Falaq:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fiil ka dib Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Falaq:

Suuradan Dadka bartaa in ay Allaah (Cw) kaliya Magan galaan marka ay Dhibaato Naftooda uga baqaan amaba ay Dhibaato sida Sixirka, Isha iyo wax la mid ah ku Dhacdo naftooda, maxaa yeelay Insaanka waxaa Dhibaato kaga Imaan kartaa Meelo fara badan iyo waqtiyo Fara badan Sida Dugaag, Insi kale , Jini iyo wax kasta oo Dhibaato dadka gaarsiin kara.

Suurada 114aad An-Naas:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 6 Aayadood, waxeyna Mar sooo wada Dageen Suurada Al-Falaq, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Naas:

Suuradan waxey ka Hadashaa In Allaah laga Magan galo Sharta Cadawga ugu weyn ee insaanka leeyahay Ibliis iyo kaalmeeyayaashiisa, kuwaasoo dadka ka leexiya Jidka Toosan ee rabi Raaliga ka yahay ee ah Jidka kaliyah ee Janada lagu gaaro, waxaana Qur’aanka Meelo badan uu Allaah kusoo Gudbiyay Dhaar iyo handadaad uu Ibliis Dhibaato kula Damacsan yahay Insaanka, arintaas oo Muujineysa Cadaawada Ibliis weynideeda iyo Kahtarta uu Insaanka ku yahay.

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 30aad

Waxaa mahad oo Dhan leh allaha nagu Galadeystay inaan Muslimiin Noqono ee noo soo Diray Rasuulkii ugu fadliga Badnaa Nabiyada oo dhan Nabi Muxamad (Nabad iyo Naxariis Korkiisa Allaha yeelee), Nagana Dhigay Umad tan ugu Kheyr badan ee wanaaga is Farta Xumaantana Iska Reebta Alana Remeysa..

Intaas ka Dib: Waxaan qeybtan kusoo Gunaandayaa Maqaalkii aan ugu Magac Daray Sideen u fahamnaa Qur’aanka? Ee aan kusoo gudbinayMaqaalkan ka Hor 29 Maqaal anigoo si Dul mar ah uga soo Sheekeeyay Suuradaha Qur’aanka oo dhan si ay u sahlanaato inaan Faham Guud ka Helno Suuradaha Quraanka iyo Macnaha ay Xambaarsan yihiin.

Qur’aaanka oo aan fahamnaa waa Dariiqa kaliya ee Aduunkan Qalbigeena farxad iyo Daganaan ku dareemi karo, waana dariiqa kaliya ee Noo Sahli kala kara inaan garano Jidka Xaqa ah ee janada lagu Gaaro (Islaamka) iyo Jidadka Baadilka ah ee Naarta dadka u Sababa.

Qur’aankan waa kalimadii Allaah ee aysan jirin Maanta Caalamkan aan ku Nool nahay wax la Barbardhigi karo Xaga Runta iyo Cadaalada uu kaga Hadlay wax walba iyo Meel walba, maxaa yeelay Rabiga kalimadahan Xagiisa ka yimaadeen waa Rabi Cilmi Buuxa u leh wixii horey u Dhacay, waxa hada Dhacaya iyo waxa Dhici Doona iyo waxa aan Dhiciba Karin hadey dhacaan waxa Dhici lahaa.

Tusaale ahaan Qur’aankan markuu ka hadlayo Allaah iyo waxa Naftiisa ku Saabsan waxaa uu Maray Manhaj ah in allaah (Cw) Mar walba Tilmaamo Wanaagsan iyo Magacyo wanaagsan kasoo Gudbiyo isla markaana Cadeeyo in aysan jirin Cid kula Mid ah Tilmaamihiisa iyo Magacyadiisa, marna Qur’aanka ma khilaafo Manjahka Noocaas ah oo ma dhici karto in Qur’aanka lagu arko wax Meel ka dhaca ama Tilmaan Xun ka bixiya Allaah,

Dhanka kale hadii aad u Fiirsato Kitaabda ay Heystaan Umadaha aan Muslmiinta aheyn ee ay Muqadas ku Sheegaan Marka ay Allaah ka Hadlayaan Malaha Manhaj sax ah oo loogu soo Hagaago maxaa yeelay waxaad ku arkki kartaa mararka qaar ayagoo Amaanaya Allaah oo Tilmaamo wanaagsan ku sheegaya , isla markaana waxaad ka Heli kartaa Isla Kitaabadaas ayagoo Allaah ku Tilmaamaya wax aan u qalmin oo Xumaan ah.

Tusaale ahaan Yuhuuda Kitaabka ay Maanta hu Heestaan inuu yahay Toowraadkii Nami Muuse laga Dhaxlay waxaa ku Qoran inuusan Allaah (Cw) aheyn Insaan Been Sheegin oo uusan Allaah aheyn Ina Insaan Shalaaya, laakiin waxaase khilaafsan arintaas isla Toowraadka ku qoran Qoraalo kale oo Tilmaamaya inuu Allaah ka Shalaayay waxyaabo uu Horey u Xukumay,

( فيكذب، ولا ابن إنسان فيندم) (العدد 23/19)

{Alaah ma aha Insaan oo Been ma Sheego, mana aha Inan Insaan ka Shalaaya wax uu Sameeyay}.

( لأنه رجع من ورائي، ولم يقم كلامي) (صموئيل (1) 15/10)

{Waxaan ka Shalaayay inaan Shaauul ka Dhigay Boqor, maxa yeelay Dib ayuu u laabtay, hadalkeygana kuma Socon}

Arintan waxey Muujineysaa Kitaabka Yuhuuda Maanta Heysato inuu ka Kooban yahay Xaq iyo Baadil sidaa darted marna ma noqon karo Muqadas, maadama Khilaafkaas ku Qoran ay Hubaal tahay in ay aysan ka Imaaan xaga Rabi, laakiin ay Sababta iskhilaafka Abuurtay tahay in faro Dad wax lagu qoray lagu Koardhiyay kitaabkaas.

Waxaa kaloo ku Qoran Beybalada Yuhuuda inaan Allaah la arkin, ayadoo hadana ay ku qoran yihiin Qoraalo kale oo Khilaafaya Xaqa kuwaas oo Tilmaamaya in Allaah ay Arkeen qaar badan oo Israa’iiliyiinta ka mid ah, sidaa darteed ayuu Allaah (Cw) ka yiri Kitaabka ay heestaan Ahlu Kitaabka (Yuhuud iyo Nasaarada):

{Waxaa ka Mid ah (Yuhuuda ) Koox ku leexisa Carabkooda Kitaabka (Qur’aanka) si aad ugu maleysaan Kitaabka, kana Mid ma aha Kitaabka waxeyna Dhihi Aasaga wuxuu ka ahaaday Eebe Agtiisa, kamana ahaanin eebe Agtiisa waxeyna ku Dhihi Eeebe Been iyagoo Og} (Aala Cimraan Aayada 78 aad)

(يلوون ألسنتهم بالكتاب لتحسبوه من الكتاب وما هو من الكتاب ويقولون هو من عند الله وما هو من عند الله ويقولون على الله الكذب وهم يعلمون) (78: آل عمران)

Nabiga Suuban (Scw) waxaa uu asagana Sheegay xaqiiqda Kitaabda Ahlu-Kitaabka heystaan waxaa uuna yiri: {Reer Banuu Israa’iil waxey Qorteen Kitaab, weyna raaceen waxeyna ka tageen Toowraadkoodii} (waxaa wariyay Dhabaraani X/No: 5548, waana X/ No: 2832 ee Silsilada Albaani).

Hadii aan Tusaale kasoo qaato Beybalka Nasaarada, waxaa kaaga Filan marka hore waxaaba Asal u ah kitaabkooda Kan Yuhuuda, marka labaadna Kiritaabka Injiilka (Cahdiga Cusub) waxaa ku qoran iskhilaaf aan Xad laheyn oo aad u Baahsan taasoo keentay in mar Baadaariga la yiraahdo (القسيس فرنج) uu la Doodayay Sh Axmad (Allaha u Naxariistee) uu Qirto in Beybalkooda iskhilaaf ka Buuxan asagoo Cudur daar u Raadinayana waxaa uu yiri: {waxaa u sabab ah inaan heynin Taxane soo guurineed Qoraaladeena in ay jireen Dhibaatooyin heystay Masiixiyiinta mudo gaareysa 313 sano}.

Qoraaga leh Kitaabka loo yaqaan (حقيقة الكتاب المقدس) Dr Robert waxaa uu yiri : {Weligeedba lama Sheegin Kitaab ay ku jiraan iskhilaafsanaan iyo gafaf iyo Badalid ka badan Kitaabka Barakeysan (Cahdiga Cusub)} waxaa uuna ku sheegay Qoraagaas Xaqiiqda Beybalka: {in Madaxda Kaniisadaha ay qirsan yihiin inuu Kitaabkooda si ula kaca ah ugu dhacday Doorin, wuxuuna yiri Qoraagaas: Hase yeeshee waxa ay Madaxda Kaniisada isku khilaafsan yihiin Cida sameysay Taxriifka iyo Doorinta}.

Waxaa uu weliba DR Robert leeyahay: {Qofna suura gal uma aha inuu Sheegto waligiis: inuu Allaah yahay kan wada Alifay dhamaan Kitaabkaan (Cahdiga Cusub) waxa ku qoran oo uu Alaah u waxyooday Taxriifaadkaas Qoraayaasha}.

Sidoo kalana waxaa uu leeyahay ninka la yiraahdo (كينرايم): {Culimada Diinka ee Maanta jogtaa waa isku raacsan yihiin hal arin oo ah in Kitaabkii Muqadaska ahaa uu naga soo gaaray kaliya Qeybo aad u yar, taasoo ah tan uusan galin Taxriifka}.

Hadii aan markana u Gudbo Qur’aanka Kariimka ah iyo Manhajka uu maray Marka laga Hadlayo Nabiyada iyo Rususha, waxaa Quraanka Manhaj u ah in Nabiayda oo Dhan Amaan iyo wanaag ka soo Gudbiyo Midkoodna Xumaan iyo Taariikh madow inuusan laheyn inuu noo Sheegay, Marna lagama heli karo Qur’aanka wax Meel ka Dhac ku ah Nabi Nabiyada Alle (Cw) soo diray ka mid ah.

Laakiin Hadaad u fiirsato Ahlu Kitaabka iyo Mowqifka ay ka taagan yihiin Nabiyada waxaa sahlanaan karta inaad Oagaato Xaqiiqda Kitaabada Maanta ay Heystaan

Tusaale ahaan waxaa ku Qoran inuu Nabi Luudh Markii la halaagay Qoomkiisa ka dib Caruur ka Dhalay gabdhihiisa Muslmiinta ahaa ee Cadaabka Qoomkooda laga Badbaadiyay ka dib markii ay Aabahood Qamri siiyeen sidaasna uu Caruur uga Dhalay Gabdhihiisii, waxaa kaloo ku Qoran inuu Nabi Yacquub Xaday Duco ku socotay walaalkiis la dhashay, waxaa kaloo ku Qoran in Nabi Haaruun uu Caabuday Dibigii uu sameeyay Saamiri, waxaa kaloo ku Qoran in Nabi Suleymaan Sanamo ay laheyd Naag ay ku sheegeen xaaskiisa Caabudi jiray.

Dahanka kalana Xaga Amaanta Nabiyada Labadaan Kitaab waxaa ku qoran xad Gudubyo aad u waa weyn sida in Nabi Ciise Qolo ku Tilmaanto inuu yahay wiil Sharci daro si Xaaran ah Maryama ay ku Dhashay, Qoloda kalana waxey yiraahdeen Nabi Ciise waa Wiil uu Allaah Dhalay.

Hadii aan soo koobo arimahan waxey Daliil u yihiin Kitaabadan in aysan waxa ku Qoran wada aheyn wax kawada yimid Xaga Rabi maadama ay Iskhilaafsan yihiin oo eed iyo Amaan iska Hor Imaanaya kasoo tabiyaan Nabiyada, waxaanan ugu Baaqayaa Ruuxii Faahfaahino u baahan inuu ka helo Xaqiiqda Kitabada Ahlu-Kitaabka inuu Akhiristo kitaabada uu Qoray Sheekha la yiraahdo Munqid As-Saqaar ee loo yaqaan (سلسلة الهدى والنور) ama Inuu aad u Fiirsado Cajaladaha Sh/Axmadka Hindiga ahaa ee uu Doodaha kula Galo Baadariyada ugu waa weyn Caalamka.

Sidaa darteed waxaan leenahay Quraankan waxaa uu kaga Badalan yahay Badlan yahay Kitaabada kale inaanan Marna laga Heli Karin wax is khilaaf ah Dhan kasta marka laga eego, arintana waa daliil ka mid ah daliilada Muujiya Qur’aankan inuu yahay kalimadii Alaah ee Muqadaska aheyd, waayo haduu Qur’aankan ahaan lahaa wax Dad ay Alifeen waxaa laga Heli lahaa iskhilaafyo fara Badan sida kuwa Ahlu Kitaabka oo kale.

Marka waxaan ugu Baaqeynaa marka Hore Dad Muslmiinta ah, marka Labaadna Caalamka oo dhan inay Qur’aanka u Baaraan si dagan una Fahmaan si ay u ogaadaan Xaqiiqda Qur’aanka iyo Qiimaha weyn ee uu leeyahay.

Waxaan kusoo Gababeynayaa Qormooyinkan inaan ka Cudur daarto wax walba oo gaf ah ama Gaabis ah ee aan ku Dhacay intii aan qorayay, maadma ay Hubaal tahay in wax walba ay Dad Qoraan Gaf iyo Gaabis laga helo ayna Caadi tahay in qoraa kasta uu Qoraalkiisa kusoo gabagabeeyo Cudurdaarasho ama in Dib u Qorid uu ku sameeyo qoraalkiisa si uu uga Daba tago Gafafkii ugasoo Muuqday Daabacaadihii Horeeyay.

Waxaanan u Mahad Celinayaa Dhamaan walaalaha igu gacan siiyay ama igu Dhiiri galiyay Soo saarida maqaaladan ama iimailada talooyinka igu soo siiyay, sidoo kalana waxaan u Mahad Celinayaa Maamulayaasha Webabka Afka Soomaliga ku baxa ee Fursda ii siisay in ay Begagooda hore Maalin walba ku soo saaraan Maqaalkan Qeybihiisii kala Duwanaa, waxaanan Rajeynayaa hadii Alle Idmo inaan soo saaro Qeybo kale oo ku Saabsan Qur’aanka iyo Qisooyinka kala Duwan ee ku Dhex jira.

W/Q: Cali Axmad

asadxg@hotmail.com

Source:-somalitalk

2 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. ASC walal Cali Axmed aad iyo aad ayaan kuugu mahad celinyaa qaabka wanaagsan ee aad afsoomaliga aad ugu soo koobtay kitaabka qur’aan ka suuradiiisa “man laa yashkura naas laa yashkura laah” qofkii aan dadka u mahad celinin ilaahay uma mahad celiyo CALI AHMADAW WAAD MAHADSANTAHAY.
    waxaanan kugula dar daarmayaa in aad halkaas ka sii wado qofkasta oo ka faa’iidaysta ajri ayaa kuugu jira.
    WASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU

  2. waad ku mahadsan tahay sida wacan ee aad usoo koobtay sidaan ufahmi karno quraanka oo dhameystiran adigana ajir Allaha kaa siiyo

    feysal aweys


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com. | The Pool Theme.
Entries and comments feeds.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: