Read The Book Review

June 22, 2007 at 7:00 pm | Posted in New Book | Leave a comment

Book Review: SOMALIA – Past & Present

The BookThe Book
Book Review:
Author: Mohamed Osman Omar

Format: Paperback, 265 pages, including foldout maps

Publisher: Somalia Publications Pvt Ltd, Mogadishu

Review by: William Hawke, Pres, Indo-African Society

Accomplished author and Somalia’s Ambassador to India, Mohamed Osman Omar has done it again. He has published another informative book about his beloved Somalia. This time the title is “SOMALIA Past and Present.”

When His Excellency asked me to review his book I must admit that I had a feeling of, ‘Here we go; a bunch of belly-aching about how the international community and the UN have betrayed the people of Somalia, without the turning of eyes inward (towards the perpetrators of Somalia’s afflictions within the country). As I delved into the book, my skepticism (or you might say pessimism) was soon alleviated.

This is a well researched chronicle of how this relatively small African country, at the pointy end of the Horn of Africa, was trampled upon, sliced up, parceled out and abused before achieving independence. It goes on to describe the suffering of the Somali people through an abusive dictatorship, which was ousted by internal factions with a common mission (to oust the dictator), but no common vision as to the future of this war stricken country. This led to internal brinkmanship of warlords, disastrous international intervention (Did anyone not see Black Hawk Down) and the state of Somalia today.

Specifically: The new book covers the history of Somalia from the 19th to the 21st century including the establishment of the new government and the Aden Declaration, which brought together the rival groups of the state institutions and the first meeting of the Federal Parliament in the country after 14 months of disagreement as to the location of the seat of the government and parliament.

It covers the history of the past and the present Somalia very well, dealing in detail with the early occupation of foreign powers of Somali territories and the struggle of the Somali Hero, Mohamed Abdulle Hassan against colonial rule and the reason for his tragic end. The UN Trusteeship period starting from 1950 until independence of the former British and Italian Somalilands in 1960 is also covered. The history of the occupation of former French Somali Coast from 1862 until it gained its independence on 27 June 1977 is vividly recorded. The unilateral declaration of independence of the breakaway region of Somalia, former British Protectorate is also taken up in the book.

The birth, the rise and the fall of the famous “Bloodless Revolution” or “Kacaankii Barakaysnaa” and the end of the father of the 21 October 1969 Revolution, General Mohamed Siad Barre and the failure of the factions who forced the “Revolutionary Government” out of power and the hardship they caused to the people and the country is widely discussed in the book. The book also details the other missing Somali territories and Islands – the bone of contention between Somalia and its neighbours, particularly Ethiopia and Kenya.

The question of deployment of foreign forces in Somalia, particularly the objection of a large section of the Somali society to the inclusion of peacekeepers from frontline states which caused disagreement within the government institutions has been widely covered in the book.

Finally, at the end of the book, and before its biding, the dramatic events occurred in Somalia in early June of 2006. Unexpected as it was, the news of the victory of the Union of Islamic Courts over the despotic warlords, who held hostage the capital city of Mogadishu and some parts of the country, for over fifteen years, killing and maiming, looting and raping, caught the world on the wrong foot. As it was a very important and highly significant event, the author stopped the binding of the book and included a chapter as Postscript at the end of the book.

This is an ideal book for those who are interested in Somali history and particularly for the young generation in the country and abroad who are interested in learning the past and presents events of their motherland. It gives a glimpse of Somali history to whoever is interested in knowing about this turbulent corner of the continent of Africa and its people which so harshly suffered in the hands of both foreign and internal forces.

I sincerely believe that this book will be beneficial to those who will have time to read it. The author (Mohamed Osman Omar) tells me that a Somali version of the same book will be published very soon. Earlier books of Mohamed Osman Omar include: The Road to Zero – Somalia’s Self Destruction; SOMALIA: A Nation Driven to Despair; The Scramble in the Horn of Africa; and, SOMALIA Between Devils and Deep Sea. For further information about Somalia Past and Present, or any other of his books, please contact the author at: mosman65@yahoo.com or mosman61@hotmail.com

Dowrka Dhalinyarada ee Bulshada Dhexdeeda.

June 22, 2007 at 6:55 pm | Posted in maqal | 1 Comment

WQ: Sharma’arke C/risaaq Cilmi

Bismilahi Raxmani Raxiim,

Dhalinyaranimadu waa xiliga ugu wanaagsan ee qofka bini’admiga ah soo mara xiligaas qofku wuxuu kulansadaa fursado uusan markale heleynin, waxay yihiin tamarta, c/fimaadka, iyo firaaqo badan.

Culimada c/fimadku waxay tilmaamaan hormuunada dabiiciga ah ee uu leeyahay qofka dhalinyarada ah in ey xiligaas aad u badan yihiin taasina ey ka qeyb qaadaneyso fir fircoonida dheeriga ah, hadaba waxaa haboon in aan tilmaano hadii eynu ka hadleyno dhalinyaronimada mowducyo ey ka mid yihiin Waqtiga iyo sida looga faa’ideysan karo,abwaankii weynaa ee Cismaan Yusuf Kenadiid ayaa waxa uu ku leeyahay mar uu gabay kaga hadlayey waqtiga ;

Aduunyadu cawo iyo maalin weys ciribinaayaane,

Cabaarkii yar oo kaa tagaa waa cad kaa go’ane,

Cimrigaan gabaabsiga noqdey oo sii ciriiryamaya,

Camal falasho wixii aan ahayn kaga ciilbeeshid.

Bulsho kastaa waxa ey ku hor martaa dhalinyaradeeda, bulshooyinka hor u marey waxaa hubaal ah in ey leeyihiin dhalinyaro qiimo badan oo wadaniyad leh, hadii aan taariikhda dib u raacno halgamadii dunida ka dhacay waxaa hor u mood ka ahaa dhalinyar sida;

Halgankii Islaamka; waxaa lafdhabar u ahaa dhalinyar ( Saxaabo ) iyaga oo diinta islaamka ku faafiyey dhamaan dunida waqti yar oo kooban,

Halgankii Axmed Gurey; waxaa saldhig u ahaa dhalinyar ayaga oo la garab taagnaa hiil iyo hooba naftoodana u hurey in ey soo ceshaan dhulkii itobiyanku ka qabsadey islaamka, waxa ay ku guuleysteen in ey hogaamiyaan halgan adag oo lala galo gumeystihii xabashida, waxay kale oo ey ku guuleysteen in ey diinta islaamka ku faafiyaan dhulka ey somalidu degto iyo Geeska Afrikaba.

Halgankii Sayidka; Sida aan ogsoon nahay sayid maxamed cabdulle xasan oo ahaa halgamaa weyn oo soomaaliyeed waxa uu aasaas u ahaa halgankii gobanimo doonka ee uu kula dirirayey gumeystihii dhulka soomaaliyeed qabsadey, waxaan ka wada war qabnaa sayid maxamed iyo daraawiish guulihii waaweynaa ee ey ka soo hooyeen gumeystaha.

Halgankii Leegada ( SYL ); sida aan ognahay waxaa saldhig u ahaa halgankaas dhalinyaro soomaaliyeed ayaga oo go’aansadey in ey wadanka ka xoreeyaan gumeystihii xakumey aan soo qaadano maqaallo uu dhowaan faafiyey halgame Daahir Dhegaweyne oo ka mid ahaa dhalinyaradii leegada ( SYL ) ;bal aan wada aqrinno maqaalka koobaad ee halgame daahir uu u direy cinwanka mudug online oo aan ka soo xiganayo.

( “Iyadoo hadda lagu jiro bisha Maajo, waxaan jecleeystay inaan wax yar ka taataabto taariikhdii asaaskii xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbanaanida. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”.

Taariikhda xibigii SYL lama soo koobi karo, aniguse waxaan si kooban uga hadlayaa unuggii xisbiga, anigoo ka mid ah dhalinyaradii nasiibka u yeelatay, eebbena waafajiyey inay asaasaan xisbigaas. Waxaan uga dan leeyahay qoraalkaan inaan dadweeynaha Soomaaliyeed xusuusiyo halgankii qawmiyadeed iyo taariikhdii sharafta lahayd ee la soo maray si looga faa’iideeysto.

Markaan soo xusuuusto xilligii uu hanaqaaday xisbigii SYL marna waa farxaa, marna waa naxaa. Waa farxaa oo waxaan soo xusuustaa wanaaggii, wadaninimadii, midnimadii, isqadarintii iyo kalsoonidii Soomaalidu isu qabtay waagaas, kuna guuleeysatay. Marna waa naxaa, oo waxaan arkaa xaaladda manta Soomaali ku sugan tahay oo ah: dawlad la’aan, daryeel la’aan, dagaal joogto ah, dulli qaxootinimo iyo dugaagnimo.
Curashadii Fikradda

Fikrad kasta oo lagu hormaro waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda lagu asaasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa Allaha u naxariiste Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke oo mudan in si gaar ah loo xuso. Yaasiin wuxuu ahaa nin fiiro dheer oo aqoon yahan lagu tilmaami karo, inkastoo uusan dhigan dugsi rasmi ah. Wuxuu ahaa nin leh wacyi iyo maskax siyaasadeed, iyadoo aan waqtigaas dadku u bislayn siyaasadda. Yaasiin wuxuu si fiican u yiqiin afka Talyaaniga, wuxuu kaloo yiqiin afafka Carabiga iyo Ingiriiska. Dadaalka Yaasiin ka sokoow, curashada fikradda waxaa saaciday arrimo dhawr ah ooy ka mid ahaayeen:

Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub.

Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay naacoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya.

Waxaa waagaas magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan. Yaasiin wuxuu saaxiib la ahaa qaar ka mid ah nimankaas, ooy is dhaafsan jireey fikradaha.

Yaasiin wuxuu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qaybsado bulshada. Wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin. Waxaa dadkaas ka mid ahaa: garaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa’uddiinka iwm.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir noogu qabtay gurigiisa, waxaan ahayn 7 ama 8 dhalinyaro ah, si fiican uma xusuusto tirada. Wuxuu noo soo jeediyey talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed. Wuxuu nagu wargelieyey in afarta dawladood ee waaweeyn oo xulufada ah: Amerika, Ingiriiska, Ruusha iyo Faransiiku ay ka tashanayaan aayaha dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo hadda gacantiisa ka wareegay. Dalalkaasi waxay ahaayeen Soomaaliya, Eritrea iyo Libiya. Wuxuu nagu guubaabiyey inaan fadhiga ka kacno oon dhisno urur ka tarjuma danaha bulshada Soomaaliyed oo ah gobanimo iyo horumar. Wuxuu naga codsaday in qof waliba uu casumo qof uu ku kalsoon yahay oo ka mid noqda asaasayaasha ururka. Waxaan bilaabnay dhaqdhaqaaq. Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa. Intaan ka xusuusto, anigu waxaan casumay Cabdulqaadir Sakhaawuddiin oo aan saaxiib gaar ah ahayn, Allaha u naxariistee. Xaaji Maxamad Xuseenna wuxuu casumay Dheere Xaaji Dheere, labadoodaba Allaha u naxariisto.

Muddo bilo ah gudohood ayaan isku uruursannay 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, una babacdhigaan halganka gobanimadoonka,

Magacyadii Dhalinyaradii SYL ( leegada );

1:Yaasiin Xaaji Cismaan

2:Xaaji Maxamad Xuseen

3:Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin

4:Khaliif Huudow Macallin

5:Maxamad Cismaan Baarbe.

6:Cismaan Geedi Raage

7:Maxamad Faarax Hilowle

8:Dheere Xaaji Dheere

9:Sayidiin Xirsi Nuur

10:Maxamad Cabdalla Xayeesi

11:Maxamad Cali Nuur

12:Cali Xasan Maxamad “Verdura

13:Daahir Xaaji Cismaan.

Suugaantii ey reebeen ” waxaa ka mid ahaa ereyo uu lahaa xaaji aadan afqalooc oo ey ka mid ahayd;

ka kacaay ka kacaay leysu soo kororyee ka kacaay,

ka kacaay ka kacaay kama-kama yimiyee ka kacaay,

ka kacaay keenyuu gubayeey ka kacaay,

ka kacaay kaayagaa xiga ee ka kacaay,

* kama-kama waa governarkii u fadhiyey Ingariiska gobolada waqooyi.

Abwaan kale ayaa lahaa;

Haruub nin sitoo hashiisii irmaaneyd ha maalin la leeyahay baan ahayeey,

Dagaal nimuu heysto meel halisoo hubkiisu hangool yahay baan ahayeey,

Haraad nin uu hayo la hiifanayo biyahaya laga horayo baan ahayeey,

Markii Calanka laqaatey qaasim asaga oo cadan jooga waxa uu soo tiriyey gabey uu ku halqabsanayo sayidka ;

Allow yaa darwiishkii fariin dabacsan gaarsiiya,

Allow yaa damaashaad farxad leh kala dul eedaama,

Allow yaa dalkaagii ku dhaha dowlad nimo qaaday,

Dhaaxuu ku daakirey xaqii naga dahsoonaaye,

In dariiqadii toosan tahoo dihini soo gaarin,

oo uu dabkuu shidey rag kale dogobyo sii saarey,

Allow af lama daaliyee daacad ugu sheega.


Waajibaadka saaran dhalinyarada soomaaliyeed

Dhalinyaradu waa xooga sababa isbadalka bulshada ku yimaada oo marna hor u kac ama dib u kac ku keena mujtamacooda, jabhadihii ina bur buriyey waxay caadifad qabiil ku kiciyeen dhalinyaro soomaaliyeed ayaga oo u horseedey dalkii burbur iyo baaba’a iyo dib u dhac, hada nimanka qabqableyaasha ah waxa u adeega ee dalka burburiyey maatadiina laayey xoolihii dadweynaha dhacay ehelkii, gacalkii, dariskii iyo xigtadii kala eryey waa dhalinyaro soomaaliyeed, hada ka horna kuwii xornimada iyo dadnimada inoo soo hooyeyna waxay ahaayeen dhalinyaro soomaaliyeed ee bal adiguba garo farqiga u dhaxeeya kala garo!

Waxyaalaha laga rabo maanta Dhalinyarada soomaaliyeed,

Sida aan horey u soo sheegney dhalinyartu waa lafdhabarta bulsho, somaliya hadii ey burburteyna waxaa iminka badbaadin kara waa dhalinyarta soomaaliyeed oo iskaashata oo barnaamijyo dhameystiran dhigata, siyaabaha wax loogu qaban karo wadankii waxaa ka mid ah wacyi galin iyo in wax la baro dhalinyarta hubeysan iyo kuwa jaadka cuna si loogu habeeyo mustaqbal wanaagsan wadankoodana ey dib wax ugu tari lahaayeen, dhalinyarta dalka dibadiisa wax ku barata waxaa laga doonayaa ale ka cabsi iyo in ey isku xirnaadaan, iyo in ey istixgaliyaan waxna wada qabsadaan si loo baadi goobo midnimadii somaliyeed loogana boxo kala googo’a iyo qabyaalada ragaadisey mujtamicii iyo bulshadii soomaaliyeed ee ab iyo isir iyo islaamnimo intaba wadaagey, waxaa haboon in dhalinyarada aqoonyahanka ah ey boorka iska jafaan oo wadada ku toosaan, waxaa banaan maanta dowrkoodii, waxaa loo baahan yahay urur dhalinyaro oo u dhigma ururkii SYL si dib loogu doono nabad ku soo dabaalida dadweynihii soomaaliyeed waxaa laga doonayaa dhalinyarta aqoonyahanka ah in ey dhisaan somaliya cusub oo nabad, cadaalad, sinaan, iyo xuquuqul insaanku asal u yahay waxaa laga doonayaa in la dhiso somaliya diin, cilmi, dhaqaale, tiknoolojiyo, iyo horumar nooc kastaba leh ka hirgasho.

Yaa gooyay geedkaan!!!

June 22, 2007 at 6:51 pm | Posted in maqal | Leave a comment

kaalmoy.gifDhirtu guud ahaan waxay ka mid tahay saldhigyada nolosha aadamiga iyo noolaha kaleba. Aadamigu dhirta miraheeduu cunaa, dhirta qaarkeedna caleemaha iyo jirriddoodaa la cunaa. Dhirta waa la harsadaa, looxaan baa laga dhigtaa oo siyaabo kala duwan loo isticmaalo, ubaxa dhirtaa cadar laga sameystaa, xoolahaa iyaguna daaqa (quuta), shimbiraha iyo noolayaal kale baa iyaguna ku nool. Dhirta waxaa laga sameystaa dawooyin, hawada oksujiinka aanu u baahan-nahay bay soo tuftaa, xaabo iyo dhuxul baa laga dhigtaa markay qallasho. Siyaabahaas iyo siyaabo kaleba waa looga faa’iidaystaa dhirta.Meeshii ayan dhiri ka jirin ama aanan daaq lahayn waa lama degaan oo bacaad bay noqotaa,wayna adkaataa in lagu noolaado. Culimada qaarkoodna waxayba yiraahdaan;” dhirtu waa nolosha”. Meeshay ku badato dhirtu, nolol iyo dhaqdhaqaaq baa ka jira; beerahay ku wanaagsanaataa, xoolahaa daaq ka hela, mashaariic kala duwan oo dhirta iyo daaqa ku lug leh baa ka hirgeli kara ,oo shaqo joogta ah bay xoogsatadu ka heli karaan.

Dawladuhu badanaaba waa ku baraarugsan yihiin qiimaha iyo anfaca dhirta iyo daaquba, waxayna u samaystaan wasaarado, hay,ado iyo mashruucyo ku lug leh ilaalinta, horumarinta iyo ka mira-dhalinta deegaanka, dhirta, daaqa iyo kaymahaba. Dawladdii dhinacaas tixgelin fiican siin weyda, waxaysan garan kuwa ugu muhimsan tiirarka nolosha. Dawladaha qaarkood ruuxii geed gooya iyo kii ruux aadami ah dila, isku il bay ku eegaan. Xagga diintana waa arrin ku weyn, oo aayado quraanka kariimka ah iyo xaddiisyo Nebiga (nnkh) ah bay ku xusan yihiin geedaha iyo dhirtuba guud ahaan.

Soomaaliya dawlahihii kala duduwanaa ee soo maray min 1960 ilaa 1990kii, intii karaankood ah, kama aanay seexan dhankaas, si tabar iyo maaro loogu helaba. Hase yeeshee, markuu burburku dhacay baa talo faro ka haadday, waxaana soo baxay qooman (duulal) aad mooddo inay dhirta iyo daaqa la col yihiin, noloshana aanay wax qiima ah ugu fadhiyin, toodoo ay fushadaan mooyaane.

Deegaannada jiinka Webiga Shabeelle ku yaal, oo aan 2001-dii is-iri bal soo marmar, si aan wax uga ogaado; dadkii, dalkii, deegaankii, daaqii, duur-joogtii iyo dalaggiiba, baan magaalada Shalaambood xagga webiga uga sii socdaalay, anigoo markaasna soo xasuustay heestii: “Maxaad sheekadeennii, intaad shirisay dumarkii ugu sheegtay shalay galab. ha i sheegan inan yahay, shiddadiyo jacalkuba, intaan shaar u geliyaan, shalambood la tagiyoon, shib dheh oran, shar iyo khayr”. Beri-samaadkii heestu socotay baan gadaal u jalleecday xusuus ahaan.

Odayaal deegaanka aan kula kulmay, baa waxay ii sheegeen, arrimo yaab leh oo dhacay oo ay ka mid ahayd, sheekadan: Nin gaal ah(siday u yiraahdeen) oo hey’ad samafal ah la socda, baa ayaan dhoweyd jiiddan soo maray, wuxuuna ku arkay magaalada Jannaale ee jiinka webiga Shabeelle, geed weyn oo la gooyay, dhulkana yaal, loona darbinayo in la sii jarjaro. Intuu geedkii dhaqso ugu soo leexday buu dul-saaray qalab uu watay, markaas buu madaxa gacanta saaray, isagoo ilmaynaya, kuna qaylinaya: “..Yaa gooyay Geedkaan ?!! Maxaa loo gooyay?”. Markii la warsaday sababta, wuxuu yiri “..Anigu cilmiga dhirtaan ku xeel-dheerahay, geedkani wuxuu ka mid yahay geedo meelo kooban kaga dambeeya dunidan, waa nooc qiima badan oo jiinka webiyada qaarkood ka baxa, dhowr boqol oo sanuu gaaraa cimrigiisu, annagu si gaar ah baan u xannaanaynaa, idinkuna ma ciyaar-ciyaartan baad u jaraysaan …?!! Wuxuu ku soo celceliyay “Yaa gooyay ? Maxay u gooyeen ? Xaggay ka yimaadeen kuwa dhirtan oo kale jaraya …?!!

Akhristayaashaa laga rabaa jawaabta…

June 22, 2007 at 6:36 pm | Posted in Sheeko | Leave a comment
Xafladdii dhoweyd ‘Cabdullaahi Qarshe’ waa joogay Print E-mail
 qarshe.gif
Cabdullaahi Qarshe

Laga bilaabo heesta ardayda dugsiyadu qaadaan ilaa muusigga ay ku soo gasho Laanta Af-Soomaaliga ee BBC London. Intaba, Cabdullaahi Qarshe wuxuu ahaa qof ku dhex nool. Xataa wuxuu joogay oo wax ka dabaaldegay xafladdii Kasmo, 3 Abriil 2007.

Fanaanka weyn, Axmed Naaji Sacad, wuxuu munaasabaddii dabaaldegga Abaalmarinta Wargeyska Kasmo, ka dhex qaaday hees Cabdullaahi Qarshe tiriyo tii ugu dambeysay; waa heesta ‘Gumownayeey’ ka soo qoray maalmo ka hor geeridiisa.
Markii Axmed Naaji heeskaas qaaday, dadkii xafladda dabaaldegga joogay, sidii in Cabdullaahi Qarshe soo galay goobta, ayaa xushmeynta iyo weyniintiisa loo wada joogsaday, waxaana dadka qaarkood indhahooda ku hubaa in ay ‘lmo’ ka soo qubatay.
Qarshe, qofka dadnimadaas leh, markii iigu horreysey iyo halkii aan ku bartay toona ma xusuusto. Waxaanse xusuustaa galab aan soo galay ‘Aqalka BBC-da ee Bush House’. Halkan waxaa Laanta Af-Soomaaligu ku soo gaba-gabeyneysey barnaamij ay ku xusaysey 40-Guurada ka soo wareegtay markii iyada la aasaasay.

BBC-du, 40kaas sanoba waxay ku gaardinaysey socodka Arraweeladii la sheegay in ay xilliyo hore ka talin jirtay dalka maanta lagu magacaabo Soomaaliya. Taas oo dib noogu soo noolaatay markii Cabdullaahi Qarshe laxan iyo muusig ugu sameeyey habkii ay u socon jirtay boqoraddu!

Ingiriisku ‘colaadda’ uu u qabo Soomaali, malaha, waxaa looga tilmaan qaadan karaa Laanta Afka Soomaaliga oo yeersata ‘turubada’ socodkii Arraweelo, oo eelkii rag iyo dumar ay kala gelisay ilaa maanta taagan yahay.
Arrintani waxay dib inoogu celinaysaa, Sanadkii 1988, markii aan Cabdullaahi Qarshe kula kulmay qado loogu sameeyey magaalada Nairobi, Aqalka Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey Kenya, Axmed Sheekh. Waxay ahayd qado maamuuska iyo weynenta Qarshe, darteed loo sameeyey.
Waxaa sharaf ii ahayd in martiqaadkaas la igu casuumay, waxaana markii la qadeeyey, aan Cabdullaahi Qarshe warsaday, bal haddii uu na maqashiin karo miraha heesta ay muusikadeeda ku soo gasho Laanta Af-Soomaaliga ee BBC London.
Markuu soo kala rogtay Gamankii uu caanka ku ahaa, ayaan Qarshe warsaday waqtigii iyo munaasabadii heesta la curiyey? Jawaabtii Qarshe sidan ayey ahayd: “Waxay ahayd magaalada Hargeysa, xilligii Britain gumeysaneysey Waqooyiga Soomaaliya. Markaas gumeysigu wuxuu caburin jiray Gumeysi-diidka Soomaalida. Heesta: ‘Dadkaan dhawaaqaya, Dulkooda doonaya, Hadday u dhiidhiyeen, Allahayow u dhiib’.
Sharqanta heestaas markii Ingiriisku maqlay, wuxuu u yeeray Abwaanka oo uu caddayn ka warsaday waxa heestu ku saabsan tahay? Wuxuu ugu jawaabay: “Waa Socodkii Arraweelo ‘Arrawelo March!”.
Socodkaas oo ay ilaa maanta ku jirto. Hase ahaatee, BBC-du in ay xuquuqda alifidda u ogolaatay Cabdullaahi Qarshe iyo in ay booli ku haysato oo ay wax ka soo bililiqaysatay maskaxda Soomaalida, markii Ingiriisku wax ka gumeysanayey; mid ay tahayba baaritaan kuma aanan sameyn. Haddiise Cabdullaahi Qarshe helay faa’iidada allifaha, markaas Abwaanku wuxuu noqon lahaa qof ka mid ah kuwa ugu hodansan Fanaaniinta Qaaradda Afrika.

Dhamaadkii qarnigii hore, 30-kii bisha Sebtember 1997, ayaan soo galay Istuudyaha BBC. Waxaa ku sii jiray Cabdisalaam Harari. Maalmahaas, Laanta Af-Soomaaligu waxay baahinaysey Barnaamijyo taxane ah oo ay ku xusayso 40 Guuradii ka soo wareegtay, markii 1957 iyada la aasaasay.
Qaybtii ugu dambaysay barnaamijkaas, waxay ahayd heesta Cabdullaahi Qarshe ee Socodkii Arraweelo. Aniga iyo Cabdisalaan Harari, midkoodna ma ogeyn in heestaasi noqon doonto tii ugu dambaysay oo aan maqallo iyadoo Cabdullaahi Qarshe nool yahay. “Cabdullaahi Qarshe, Ilaahay wuxuu ku manaystay Cimri dheer” waxaa yiri Harari. “Allaha u sii siyaadiyo” waxaa yiri aniga, ka dibna waxaa qolka Istuudyaha soo galay Saciid Cali Muuse oo xaggeyga u soo jeedshay makarafoon iyo su’aashii ugu horreysey ee ku saabsan soo saaridda Wargeyska Kasmo oo tirsigeedii 1aad gacanteyda ku jiray.
Markii soo saaridda wargeyskaas la diyaarinayey, goor fiid ah, Sebtembar1997, waxaan telefoon ku wacay Cabdullaahi Qarshe. Waxaan u sheegay in uu ka martiqaadan yahay xafladda abuuritaanka Kasmo, 27ka Sebtembar 1997.

Cabdullaahi Qarshe, si weyn ayuu soo dhoweeyey casuumadda iyo figradda wargeyska. Wuxuuse ka cududaartay in uusan ka soo qayb-geli karin; “Waxaan 25ka bisha la ballansan nahay Takhtar. Waxaan filayaa in aan 27ka aallayo Isbitaalka. Iiga cududaar in aanan imaan karin xafladda oo aan xanuunsanayo. Magacayga hambalyo iigu dheh Xafladda, una sheeg ‘Cabdullaahi Qarshe wuu idin salaamayaa, wuxuuna idin ka codsanayaa in aad hirgelisaan oo uusan joogsan Kasmo.”.

“Nin aan u malaynayo in uu yahay kan ugu da’da weyn fanaaniinta nool ee Soomaalida, Cabdullaahi Qarshe oo aan jeclaa in uu joogo xafladda ayaa xanuunsan, wuxuuna iga codsaday in aan idin soo gaarsiiyo Hambalyadiisa, una cudadaaro in uusan caafimaad darti, la imaan karin xafladda.”. Erayadan kooban aniga ayaa u sheegay xafladda aasaaska Kasmo oo lagu dhex qabtay Maktabad weyn oo London kaga taal xagga W/galbeed ‘Willesden Library’.

Xafladdii Kasmo maalmo yar ka dib, waxaa mar, laba iyo seddexba talo ii soo jeediyey Khaalid Macow. Wuxuu iga codsanayey in aan Cabdullaahi Qarshe soo booqanno iyo in aan wareysi la yeellanno. Ma dhicin, waxaana wargeysku weli ku koobnaa cadadkii 1aad. Waxaan fekerayey in aan si fiican u habayno shaqada, dadkuna barto in aan Kasmo lug ku lahayn koox iyo qaybiil toona. Laakiin waxaa ka soo hormaray tii Alla, waxaana geerida Cabdullaahi Qarshe I soo gaarsiiyey Khaalid Macow laftiisa oo iiga naxsaday ‘Waayista qof aan jeclaa intii la doono’.

Cabdullaahi Qarshe wuxuu dhintay isagoo aan arag wargeyskii uu jiritaankiisa ka dardaarmay iyo Kasmo oo aan wareysi ugu tegin. Sidaas darteedna waxaan weligay necbaan doonaa geerida iyo wareysi Abwaan geeriyoon doona. Weliba tan London waxay I soo xusuusisay mid kale oo dhacday mar laga joogo in ka badan 20 sano.

Waxay ku beegnayd 1986, markii goor fiid ah, qiyaasta 7.30 aan ka baxay Xafiiska Wargeyskii Ogaal oo aan ka shaqaynayey (1985-1990). Gaariga aan wato, keligay ayaa saaran, wuxuuna ku sii socday xagga isgoyska wadada Afgooye aadda, waxaana Xamar ka degganaa Qolka B9 ee Xaafadda African Village.

Hal mar ayaa wax iiga baaqeen xagga Sanaag! Waxaa dareenkayga ku soo dhacay Abwaankii weynaa, Xaaji Aaden Af-qalooc. Xaajiga waxaan bartay 1977. Waqtigaas oo aan ururkii Dhalinyarada Kacaanka Soomaaliyeed ka tirsanaa.

Xarunta Ururku waxay ahaan jirtay meeshii SYL horay rugta ugu ahaan jirtay. Xaajigu, isagoo soo dugsanaya rejada uu dhalinyarada ka qabi karo, ayuu wuxuu ka degganaa qol.

Maalintii inta badan, marka uu guriga ka soo baxo, wuxuu soo fariisan jiray Baar xarunta ku dhex yaal. Waxaan qirsanahay in aanan garan karin qofka nagu dhex jira oo maalin walba nala jooga Baarka dhalinyarada, waxa uu nooga duwan yahay intayada kale oo dhan!

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan warsaday Xaajiga inta sano oo uu jiro? Jawaabtii Xaaji Aaden waxay ahayd “127 sano ayaan jiraa”.

Xaaji Aaden Af-Qalooc, xarunta ayuu khudbad noogu jeediyey habeenkii ka horreeyey maalinta aan filkiisa warsaday. Khudbadaas oo uusan meel qoran ka akhriyeen, waxaa Xaajigu ku bilaabay eray Carabi ah: “Yaa shabaabii” oo la mid ah dhalinyaradaydiiyeey …

Habeenkaas uu khudbadda noo jeediyey toban sano ka dib, ayaan soo xusuustay Xaaji Aaden Af-Qalooc. Waqtigaan Xaajigu wuxuu jiraa 137, waxaana igu soo dhacay in aan qaban-qaabiyo safar aan ugu ambabaxo Gobolka Sanaag. Kaas oo ujeedadiisu tahay in aan Xaajigii dib ula kulmo, soona wareysto.

Weli baabuurkii baan saar nahay, waxaana si xoog leh daqiiqado yar maskaxdaydu ka shaqayneysey tifaftirka waxa loo baahan yahay in aan sii diyaariyo: tirada dadka baxaya, Video Kamera, cajalado, rekoor, gaadiidka tan iyo Sanaag- dhul iyo cir kuu noqon karo iyo sahayda loo baahan yahay iwm. Waxaan goostay in aan laba maalmood gudahood kaga baxno magaalada Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Culeyska dareen ahaan i hafiyey iyo tan safarka dartood, waxaan toos u soo aaday aqalkaygii ku dhex yiil ‘African Village’. Waxaan furtay qolkii, nalkii baan daaray. Dhinaca bidix, ka soo jeedka derbiga, raadiye miis dul saaran ayaan daaray. Saacaddu waxay dul taagan tahay 8.00 fiidnimo oo ku beegan markii Radio Muqdisho sheegi jiray warka.
Markaan raadiyaha daaray, waxaa ku jiray muusikadii warku ku soo geli jiray, waxaana eraygii ugu horreeyey noqday: “Allaha u naxariistee, waxaa maanta oo bishu ahayd….”
Ilaa hadda ma aqaan sababta aan u hubay in qofkaas aan weli Radio Muqdisho sheegin magaciisa, u yahay Xaaji Aden Af-Qalooc, waana uu noqday! Waxaana habeenkaasi ka mid noqday kuwii aan farxad la’aanta hoyday, waxaana halkaas ku baaqday wareysi iyo is-arag aniga iyo Xaaji Aden dhex mara, sida Kasmo iyaba u wareysan weyday Cabdullaahi Qarshe!

Drinking Tea

June 22, 2007 at 6:26 pm | Posted in Drinking Tea | 3 Comments

Drinking Tea maybe Good for You

A new study finds that drinking tea may reduce the risk of deadly diseases—and that’s just one of many health benefits associated with the popular beverage.

I love coffee. I love the way it smells. I love the way it tastes. (Although I’m so sensitive to caffeine, even a cup of coffee makes me talk as fast as Robin Williams might sound if he were on speed—and, hey, do you have to drive so slowly?) But I drink tea now. Most of the time.

Apparently, I’m not alone. Tea is the most widely consumed beverage in the world, other than water. Over 6.6 billion pounds of tea are produced each year.

Why? More and more research is documenting that what we include in our diet is as important as what we exclude. Tea contains a variety—perhaps thousands—of powerful, protective antioxidant substances called polyphenols, especially flavonoids such as catechins, that may help reduce the risk of some of the most common chronic diseases.

For example, a study was published two weeks ago in the Journal of the American Medical Association that followed more than 40,000 Japanese men and women over a seven- to eleven-year period. They found that green tea consumption was associated with a reduced mortality due to all causes except cancer.

The more green tea they drank, the lower their risk of dying early. Researchers found that that the overall risk of premature death due to illness was 26-percent lower among those who consumed five or more cups a day compared those who drank less than one cup per day of green tea after seven years of follow-up.

Interestingly, the effects of tea on reducing the risk of cardiovascular disease were not caused only by changes in traditional risk factors such as cholesterol levels or blood pressure. The polyphenols in green tea appear to have powerful antioxidant properties and are scavengers for free radicals that otherwise could damage your cells. These polyphenols may directly and beneficially affect coronary artery blockages (atherosclerosis), dilate your arteries, and also help reduce the formation of blood clots. Green tea also has significant anti-inflammatory effects. Black tea and oolong teas were not found to be quite as protective as green tea.

Unfortunately, about 77 percent of the tea produced and consumed in the world is black tea, only 21 percent is green tea, and less than 2 percent is oolong tea, according to a recent study in the International Journal of Cardiology. The total concentration of the protective catechins in the blood after drinking green tea is three times higher than after drinking black tea. Still, while green tea is best, all teas have been shown to have health benefits.

While the Japanese researchers did not find that tea reduced the risk of cancer, other studies have. Animal studies have shown that green tea may inhibit cancer formation of the skin, lung, oral cavity, esophagus, stomach, liver, kidney, prostate and other organs. In humans, studies suggest that drinking tea may reduce the risk of digestive cancers. For example, a study of more than 35,000 postmenopausal women in Iowa, published in the American Journal of Epidemiology in 1996, found that those who drank more than two cups per day of tea were 32 percent less likely to have cancers throughout their digestive tract, including reduced cancers of the mouth, esophagus, stomach, colon and rectum. Four or more cups per day of tea lowered the risk of such cancers by 63 percent.

Some (but not all) studies with varying degrees of rigor suggest that drinking tea may reduce the risk of early-stage breast, prostate, ovarian and lung cancer. In one study, green-tea extract was found to stimulate prostate cancer cell death. The evidence was strong enough to interest the National Cancer Institute in conducting a phase II study of green-tea extract in men with metastatic prostate cancer, which is now in progress. Other studies indicate that certain catechins in tea may reduce your risk of skin cancer. Animal studies have tended to show more value of tea in preventing cancers than in human studies, perhaps because of the differences in diet, environment and genetics in humans.

In earlier studies, researchers from the Harvard Boston Area Health study showed that men and women who consumed one or more cups per day of green tea in the previous year had a 44 percent lower risk of a heart attack than those who drank no tea.
While the Japanese researchers did not find that tea reduced the risk of cancer, other studies have. Animal studies have shown that green tea may inhibit cancer formation of the skin, lung, oral cavity, esophagus, stomach, liver, kidney, prostate and other organs. In humans, studies suggest that drinking tea may reduce the risk of digestive cancers. For example, a study of more than 35,000 postmenopausal women in Iowa, published in the American Journal of Epidemiology in 1996, found that those who drank more than two cups per day of tea were 32 percent less likely to have cancers throughout their digestive tract, including reduced cancers of the mouth, esophagus, stomach, colon and rectum. Four or more cups per day of tea lowered the risk of such cancers by 63 percent.

Some (but not all) studies with varying degrees of rigor suggest that drinking tea may reduce the risk of early-stage breast, prostate, ovarian and lung cancer. In one study, green-tea extract was found to stimulate prostate cancer cell death. The evidence was strong enough to interest the National Cancer Institute in conducting a phase II study of green-tea extract in men with metastatic prostate cancer, which is now in progress. Other studies indicate that certain catechins in tea may reduce your risk of skin cancer. Animal studies have tended to show more value of tea in preventing cancers than in human studies, perhaps because of the differences in diet, environment and genetics in humans.

In earlier studies, researchers from the Harvard Boston Area Health study showed that men and women who consumed one or more cups per day of green tea in the previous year had a 44 percent lower risk of a heart attack than those who drank no tea.

Some studies suggest that tea may help regulate your blood sugar and may even reduce the risk of diabetes. Flavonoids may have both insulin-like and insulin-enhancing activities. In Chinese medicine, tea helps to control obesity. A Chinese classical pharmaceutical book called the Bencao Shiyi states, ”Drinking tea for a long time will make one live long to stay in good shape without becoming too fat and too heavy.” Tea may help reduce obesity by increasing metabolism, reducing fat absorption, activating enzymes and reducing appetite.

If that’s not enough, drinking green tea may reduce your risk of cavities (especially if you don’t add sugar to your tea) by inhibiting bacterial growth as well as potentiallyharmful enzymes in your mouth. Also, both green and black teas are natural sources of fluoride, which is why you may find tea as an ingredient in your toothpaste.

While not all studies have proven the health benefits of tea, the preponderance of studies show that tea may have significant health benefits. Clearly, more research needs to be done. However, the potential benefits of tea are so great, the side-effects relatively small (primarily, the effects of drinking caffeine), and the costs so low, I decided not to wait for more conclusive studies to be conducted. Coffee does not have the health benefits of tea. So, about 10 years ago, I switched.

By Dean Ornish, M.D

« Previous PageNext Page »

Blog at WordPress.com. | The Pool Theme.
Entries and comments feeds.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.