Qeybta 1-aad ee Qisada nuucyada Galmoodka

October 14, 2007 at 4:42 pm | Posted in Raaxada Guurka | 30 Comments

Dad badan baa aaminsan in sida ay ragga iyo dumarkoodu isugu galmoodaan oo laga sheekeeyaa tahay wax ceeb ah oo ay habboon tahay in laga aamuso, waxaana weeye waa siday ku andacoonayaane.

wax Eebbe dadka ku abuuray oo qofku iyadoon looga sheekeyn uu keligii baranayo, fahamka caynkaas ahise waa mid runta ka fog.

Waxaa jira xaqaa’iq ka dahsoon xitaa kuwa isqabay tobanaanka sanadood oo intay isguursadaan, carruur isu dhala, dabeetana muddo dheer kala dhinta iyagoon weli dhadhamin macaantii dhabta ahayd ee galmada.

Inay jiraan dhibaatooyin u baahan in la xalliyo ha yeeshee daawadoodii la garan la’yahay, waxaad ka garan kartaa sida dhaqsaha leh ee uu u baaba’o jacaylkii ay isu qabeen labada ruux intii aanay aqalgelin, iyada oo durbaba kolka toddobaadka laga baxo aad arkaysid inuu billowdo kala-did iyo khilaaf laga yaabo inuu keeno furriin degdeg ah.

Waxyaabaha khilaafka keena waxa ugu horreeya aqoon darrida ku saabsan isu diyaarinta galmada, qaababka galmada iyo gunaanadkeeda intaba, waxaanay ugu sii daran tahay kolka ay aqoon darridaasi ka timaado dhinaca ninka.

Haddaba si aynu ummadda Soomaaliyeed u tusno in ka sheekeynta iyo dhaqangelinta qaababka kala duwan ee galmadu aanay ahayn ceeb âh˜siday dadka qaar ku andacoonayaan, waxaynu soo daliishanaynaa Aayad Qur’aan ah, annagoo weliba kahor marinayna qiso yar oo la sheegay inay soo degitaanka Aayadda sabab u ahayd.

Ibnu Cabbaas (RC) waxaa laga weriyey inuu yiri: (Waxaa wada degganaa dad Ansaar ah oo dhagxaanta caabuda iyo dad Yuhuud ah oo iyagu kitaab lahaa.

Ansaartu waxay Yuhuudda u arkayeen dad ka aqoon badan, saa darteed bay wax badan dhaqankooda kaga dayan jireen.

Dadka Yuhuudda ahi dumarkooda waxay ugu galmoon jireen oo qura qaabka dhinac dhinaca, iyada oo weliba cawrada haweeneydu ay aad u asturan tahay.

Dadka Qurayshta ah iyaga waxa caado u ahayd inay dumarkooda qaab kasta ugu galmoodaan uguna raaxaystaan, hadday ahaan lahayd soo jeed, sii jeed, jiif iyo joog intaba.

Kadib markii dadkii Muhaajiriinta (Quraysh) ahaa Madiina tageen, ayuu nin kamid ahi guursaday naag reer Ansaar ah, waxana uu damcay inuu ku billaabo qaababkii galmo ee ay Qurayshi caanka ku ahayd, waase ay ka diidday, waxanay ku tiri: Dhinac dhinac baa naloogu tegi jiraye ama saa iigu tag ama iga tag.

Dhibaatadii qoyskaa dadoo dhami wuu ogaaday, Rasuulkana (Sallallaahu calayhi wasallam) way gaadhay.

Markaas buu Allaha cisada iyo heybadda lihi soo dejiyey Aayadda: “Haweenkiinnu beer bay idiin yihiin, ee ugu taga beertiinna saad doontaan”.

Macnaha Aayaddu waa haweenkiinna ugu galmooda siijeed, soojeed, jiif ama joog qaabkaad doontaan, waase inaad uga galmootaan xubinta taranka oo qura oo aydnaan marnaba ku fekerin in aad dabada uga tagtaan. Eebbe waxa uu aayadda Qur’aana ku leeyahay:

Uga taga (dumarkiinna) halka Eebbe idin faray (inaad uga tagtaan).

Rasuulka Suubbanina (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis ku yiri: (Eebbe ma fiiriyo maalinta qiyaamaha ninka naagtiisa dabada uga galmooda).

Haddaba barashada qaababka kala duwan ee galmadu waxa ay leedahay faa’iidooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin:

-Kordhinta raaxada iyo macaanta jinsiyeed. Awoodda dareenka macaansi waxa uu ku xiran yahay sida ay isu haystaan labada isu galmoonaya iyo dhaqdhaqaaqooda xilliga ay galmadu dhacayso, taasi oo iyana ku xiran hadba aqoonta ay u leeyihiin arrintaasi. Waxa jirtay in aqoon yahan hore uu yiri: (Macaanta galmadu ma waarto haddii loo joogteeyo hal qaab, oo aan lagu beddelin qaabab kale). La soco Raaxada Guurka qeybta Galmoodka iyo barashadiisa

Raaxada Guurka X

July 1, 2007 at 2:28 pm | Posted in Raaxada Guurka | 9 Comments

BAABKA SAGAALAAD

GUDNIINKA

WAA MAXAY GUDNIIN?

Ereryga Gudniin waxa loola jeedaa Goyn, waana ta birta geedaha lagu gooyo lagu magacaabo Gudin. Haddaba marka laga eego xagga Sharciga Islaamka, gudniinka inanku (Circumcision) waxa weeye in laga gooyo Qolofta(Prepuce) oo iyadu ah maqaarka ku dahaaran Dhalfada (Balanus) oo ah madaxa xubinta taranka (Penus). Gudniinka Inantu (Clitorydectomy) waxa weeye in gabal laga jaro qolofta ku dahaaran Kintirka (Clitoris) oo isagu ah xubin kamid ah xubnaha taranka kuna dhacda dusha sare ee godka Cambarka. Kintirku waxa uu leeyahay shaqo aad muhiim u ah, isaga oo keena dareenka macaansi iyo biyabbax (Orgasm) ee haweeneyda xilliga galmada. Ha yeeshee, shucuubta xitaa kuwa hablohooda sunno gudeeya (siday dadka qaar ku magacaabaan), lama gooyo qolfada oo qura balse waxa lala jaraa Kintirka oo idil, halka gudniinka Fircooniga ah laga dabarjaro Kintirkii iyo dhammaamba faruuryihii Cambarka, sida aynu gadaal ka sharxi doonno.

Mowduuca gudniinku waxa uu kamid yahay mowduucyada aan wax badan laga qorin, aadna mooddo inay dadku ka hadalkiisa kaba xishoonayaan. Culimada Islaamka badankoodu ugama aanay hadal gudniinka sida ay uga hadleen waxyaabo badan oo ka ahmiyad yar sida; Cadaysiga. Tusaale ahaan, Imaam Xaamid Al-Gasaali silsiladdiisii kutubbada ee uu ugu magac daray (Soo noolaynta Culuumta Diinta), shan sadar oo qura ayuu kaga soo hadal qaaday gudniinka.

Arrimaha sababay inay culimada iyo dadka caamada ah labaduba ka gaabsadaan ka hadalka gudniinka, waxa ugu horreeya Qur’aanka kariimka oo isagu ah darka sharci dejinta Islaamka oon si toos ah iyo si dadban toona uga hadal mowduucaasi. Ma jirto hal Aayad oo – xitaa – laga dhadhasan karo jiritaanka gudniinku. Sidoo kale waxa la waayey hal xadiis oo saxiix ah oo waajibinaya amaba sunno ka dhigaya gudniinku.

GUDNIINKA RAGGA

Gudniinka raggu waxa weeye in gabal laga jaro maqaarka ku daboolan dhalfada geedka ninka, sidaas buuna jirku uga takhallusayaa wixii wasakh, jeermis, nijaaso iyo ur ku hoos jiray maqaarkaasi la jaray.

Daraasado badan oo ay sameeyeen culimada caafimaadku waxay ku caddeeyeen in cudurrada kaadi mareenka raggu (yar iyo weyn) ay ku badan yihiin kuwooda aan gudnayn. Waxa kale oo la caddeeyey in cudurrada galmada laysku qaadsiiyo sida Jabtida iyo Aydhisku ay aad ugu badan yihiin ragga aan gudnayn. Waxa weliba intaa dheer, lana ogaaday waqti fog in gudniinka raggu uu yareeyo cudurka Kansarka ee ku dhaca xubnaha taranka ragga iyo kan ku dhaca luqunta Ilma-galeenka dumarkooda. Waxa dalalka Yurub iyo Mareykanka jira dad badan oo isu guda si ay cudurradaasi uga badbaadaan.

Gudniinka ragga sida ay culimadu leeyihiin, waxa looga dayday Nabi Ibraahim (CS). Nabi Ibraahim (CS) oo isaga loogu yeero Nabiyada Aabbohood, waxa uu Eebbe ina farayaa inaynu qaadanno diintiisii, oo wixii isaga la faray waa inaynu qaadanno wixii laga reebayna aynu ka fogaanno.

Aayadaha Qur’aanka ah ee caddeynaya sida ay waajib inoogu tahay inaynu raacno Nabi Ibraahim (CS) way badan yihiin, waxana kamid ah:

(Ku dayasho wanaagsan baa idiinka sugnaatay Ibraahim iyo intii la joogtay).
(Markaas baan kuu waxyoonnay “Nabiyoow” in aad raacdid diinta “Nabi” Ibraahim ee toosan, kamana uusan mid ahayn “Ibraahim” Mushrikiinta).
(Yaa nacaya diinta “Nabi” Ibraahim ruux naftiisa xumeeyey mooyee, adduunkana “Ibraahim” waynu ku doorannay, Aakhirana wuxuu kamid noqonayaa kuwa suusuubban)
.

Su’aashu waxa weeye xaggee yaase guday Nabi Ibraahim (CS)?. Si aynu su’aashaasi uga jawaabno aynu mar labaad dib ugu noqonno Qur’aanka kariimka ah. Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay:
(Xusuusta markii “Nabi” Ibraahim Eebbihiis ku ibtileeyey ereyo, uuna dhammaystiray. Waxa uu “Eebbe” yiri: Dadka ayaan Imaam kaaga dhigayaa. Wuxu “Ibraahim” markaa yiri: Dhashaydana “ka dhig“. Waxa uu “Eebbe” yiri: Ballanqaadkayga waxba kuma laha dulmilowyaashu).

Ereyada Nabi Ibraahim (CS) lagu ibtileeyey, waxa uu ibnu Cabbaas (RC) ku fasiray inay ka koobnaayeen; Shan madaxa khuseeya kalana ah; Shaarib gaabinta, Luqluqashada, San daarsiga, Cadaysiga iyo Sheexaysiga, iyo Shan khuseeya Jirka kalana ah; Ciddiyo jarista, Bisaq xiirista, Gudniinka, Kilkilo rifista iyo Istinjada (Saxaro iyo Kaadi iska dhaqista). Tafsiirka Qur’aanka (Jawaamicil-Jaamic) ee uu qoray Ad-Dhabariy waxa uu leeyahay: (Ereyada waxa la yiri waxa weeye: Shan madaxa ah; Sheexeysiga, Shaarib jarista, Cadaysiga, Luqluqashada iyo San daarsiga iyo Shan jirka ah; Gudniinka, Bir ku xiirashada, Istinjada, Ciddiyo iska jarista iyo Kilkilo iska rifidda).

Nabi Ibraahim inuu isguday waxa caddeynaya Xadiis saxiis ah oo uu weriyey Abuu Hurayrah, uuna Rasuulku “SCW” ku yiri: (Ibraahim “CS” waxa uu isku guday Qadduum isagoo siddeetan jir ah). Micnaha Qadduum culimadu qaarba si bay ku macneeyeen. Qaar baa ku fasiray meel ka tirsan Shaam, halka qaar kale yiraahdeen waa aaladdii uu Nabi Ibraahim (CS) isku guday, waxana loo badan yahay inay ahayd Faas ama Gudin.

Culimadu waxay sheegaan in Nabi Ibraahim (CS) uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee: Isguda, Ciddiyaha iska jara, Surwaal gashada, Shaaribka gaabiya, Kaba kabsada, Seef ku dagaallama, iyo weliba qofkii ugu horreeyey ee ay Madaxiisa Cirro kasoo baxdo.
Haddaba kol haddii Nabi Ibraahim la faray inuu isgudo, waajib bay ahayd taasi la saaray. Saa darteed waxa annagana haddaynu Muslimiin nahay ina saaran isla waajibaas Aabbeheen Nabi Ibraahin (CS) uu Eebbe saaray
.

Nabigeennii suubbanaa Muxammad (SCW) waxa la weriyey inuu dhashay isagoo gudan. Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu yiri: (Nabigu “SCW” waxa uu dhashay isagoo gudan xudduntiisuna go’antahay, markuu awoowihiis Cabdul-Muddalib umuurtaas arkayna waxa uu yiri: Wiilkeygani waxa uu noqon doonaa mid meel sare gaara). Xadiis kale oo uu weriyey Anas ibnu Maalik waxa uu ku sheegay in Nabigu (SCW) yiri: (Karaamooyinka Eebbe igu karaameeyey waxa kamid ah in aan dhashay anigoo gudan iyo in aan cawradeyda cidi weligeed arag).

GUDNIINKA RAGGA
IYO RA’YIGA CULIMADA

Intaynaan arrintaas u gelin, bal marka hore aynu dib ugu laabanno Carabtii hore iyo Casrul-Jaahiligii. Carabtii hore ninka buuryo qabka ah ee aan gudnayn way caayi jireen, waxana taas lagu xaqiijiyey gabayadii la tiriyey xilligaas. Buuryo qabku waxa uu ahaa qof dhiman oo la liido, waxana uu tusaale iyo bar tilmaameed u noqon jiray gabyaa kasta oo cid jab iyo caay la maaggan.

Gudniinku haddaba Islaamka ka hor waxa uu ahaa caado fac-ka-fac layska dhaxlay, waxana intaa dheerayd iyada oo kolka gaban la gudayo loo samayan jiray xaflad iyo waliimo gaar ah oo dadku isugu yimaado.

Haddaba kolkuu Islaamku yimid, gudniinka raggu waxa uu kamid noqday caadooyinkii la ansixiyey, ha yeeshee culimada diintu ilaa iyo iminkadan la joogo, inkastoo dhammaan ku qanacsan yihiin in wixii Nabi Ibraahim (CS) la faray ay annagana ina saaran yihiin, misana kuma aanay heshiin in gudniinku waajib yahay iyo inuu sunno yahay midnaba.

Ibnu Xajar, isagoo ka hadlaya ra’yiga culimada Islaamku ay ka qabaan gudniinka, waxa uu usoo koobay sidatan: (Gudniinka waxa waajibiyey Shaafici iyo dadkii raacay badankooda, waxayna qaarkood gaarsiiyeen heer ay yiraahdeen ninka qaangaarka ah Islaannimadiisu taam ma aha ilaa laga gudo. Imaam Axmed iyo Maalikiyada qaar waxay yiraahdeen waa waajib, halka Abuu Xaniifah ka yiri waa sunno).

Ibnul-Qayyim waxa uu yiri: (Fuqahadu way isku khilaafeen arrinka. Culimo badan ooy kamid yihiin Shaafici, Maalik iyo Axmed way waajibiyeen, isagoo weliba Imaam Maalik uu aad u adkeeyey oo yiri: Ninkaan la gudini Imaam ma noqon karo, maragna ma geli karo oo dhaartiisa lama aqbalo.

Xasan Al-Basri iyo Abuu Xaniifah waxay iyagu yiraahdeen waa sunno ee waajib ma aha. Ibnul-Qudaama isna waxa uu sheegay in gudniinku ragga waajib ku yahay, waxanu intaa raaciyey “Hadduu nin da’ ahi Islaamo oo naftiisa uga baqo gudniinka waa laga deynayaa”.

Sheekhul-Islaam ibnu Teymiyah kolkii la su’aalay: (Ka warran qof Muslin ah, Qaan gaar ah, Caqli leh, Sooma, Salaaddana tukada, ha yeeshee aan gudnayn oon daahir ahayn, ma bannaan tahay taasi?. Qofkii guditaanka iska daayase muxuu xukunkiisu yahay?). Waxa uu ku jawaabay: ( Haddaanay dhibaato ka soo gaarayn waa la gudayaa, maxaa yeelay waa mashruuc Islaami ah ooy culumada Islaamku isku raaceen, Shaafici iyo Axmed way waajibiyeen, Ibraahiim (CS) siddeetan jir kedib ayuu isguday, dhibaatada ka imaanaysana waxa lagala tashanayaa dhakhaatiirta, oo hadduu masalan “xilliga” Xagaaga dhibayo waxa dib loogu dhigayaa waqti kale, Ilaah baana garanaya).

Xasan Al-Basri waxa uu leeyahay: (Rasuulka (SCW) waxa ku ag islaamay Caddaan, Madoow, Roomaan, Faarisi iyo Xabashi, midkoodna weligii ma aanu feteshin “si uu u hubiyo inu gudan yahay iyo in kale”).

Ibul-Jowziyah baase ka jawaabay hadalka Xasan Al-Basri isagoo leh: (Looma baahnayn in la fetesho, maxaa yeelay Carabtii islaamtayna waabay gudnaayeen oo waxay ahayd caadadooda, Yuhuudduna way gudnaayeen, Nasaaraduna waxay u qaybsanaayeen qaar gudan iyo qaar aan gudnayn, kuwaan gudnaynna waxay ogaayeen in halkudhigga Islaamku yahay gudniin, saa daraadeed iyagaaba iskood isu gudi jiray kolkay Islaamaan siday u qubaysan jireen, qofkii da’ ah oo ay dhib ku tahayna cafis ayuu ahaa).

SIDEE GOORMAASE INANKA LA GUDAYAA?

Waxa Qolfada laga gooyaa qayb goynteedu ay suurtagal ka dhigi kartyo in dhalfada oo dhan amaba inteeda badani ay qaawanaato. Inamada qaar baa qolfo la’aan ku dhasha (iyagoo gudan), haddaba ubadka caynkaas ahi gudniin uma baahna haddii ay qolfadoodu intii loo baahnaa ka go’antahay, haddiise aanay wada go’nayn waa la dhammaystirayaa.

Gudniinku waxa uu leeyahay laba waqti oo kala ah: Waqti uu waajib yahay kaasi oo ah waqtiga qaan gaarka iyo waqti uu sunno yahay oo ah intaanu qofku qaan gaarin. Waxa sunno ah bay culimadu leeyihiin in ilmaha la gudo waqi u dhexeeya marka uu dhasho ilaa iyo toddoba jirkiisa, waqtigaasi oo u naxariis badan, dhaawacuna bogsoon ogyahay. Culimada badankoodu waxay isku raaceen inay wanaagsan tahay in la gudo maalinta toddobaad ee dhalashadiisa, in uu taag daranyahay mooyee, markaasi oo dib loogu dhigayo. Xadiis ay Xaakim iyo Beyhaqi soo wada saareen waxay Caa’ishah (RC) ku tiri: (Nabigu “SCW” waxa uu Xasan iyo Xuseen guday maalintii toddobaad ee dhalashadooda). Imaam Nawawi waxa uu kitaabkiisii (Ar-Rowdah) ku qoray sidatan: (Gudniinku waxa uu waajibayaa waqtiga uu qofku qaan gaarayo, waase sunno in toddobo lagu gudo, in uu taag daran yahay oo aanu xammili karin mooyee, markaasi oo ay tahay in dib loo dhigo).

GUDNIINKA DUMARKA

Qur’aanka kariimka ah laga heli maayo hal Aayad oo gudniinka hablaha si toos ah iyo si aan toos ahaynba uga hadashay. Mana jiro Xadiis saxiix ah ama go’aan ay culimadu isku raaceen oo gudniinka banneynaya. Kitaabka Fiqhi Sunna waxa ku soo aroortay inay Axaadiista ka hadlaysa gudniinka habluhu dhammaantood daciif yihiin oo aanu mid saxiix ahi ku jirin. Nabigu (SCW) waxa uu dhalay afar gabdhood inuu gabdhihiisa gudayna sunnadiisa iyo siiradiisa midna laguma sheegin.

Sheeko laga soo xigtay kitaabka (Qisasul-Anbiyaa’) ee uu (Thaclaba) qoray, waxa ay leedahay sidatan: (Saarah waxa dhalay boqor kamid ahaa boqorradii xilligaa jiray, waxayna ahayd gabar qurux badan, Ibraahiim (CS) baana guursaday. Iyadoo ay Saarah la socoto ayuu Ibraahiim soo maray boqor kale, markaas buu boqorkii Ibraahim (CS) weydiiyey cidday gabadhu tahay. Ibraahiim markuu boqorkii uga sheekeeyay cidda ay Saarah tahay buu ka baqay inuu damco, markaas bay labadoodu intay boqorkii habaareen buu labada lugood iyo labada gacmoodba ka qallalay. Boqorkii baa markaa Ibraahiim ku yiri: Waan ogohoo adaa saa iyeelaye Ilaah ii bari inu icaafimaadiyo, anna waxan kuugu dhaaranayaa inaanan dhibaato idiin geysanayn. Markaas buu Ibraahiim u duceeyey oo Eebbe caafimaadkiisii usoo celiyey. Boqorkii baa markaas yiri: Naag sidaan ahi inay isu adeegtaa waa khalad, suu dabeeto Haajar siiyey si ay ugu adeegto. Saarah waxay Ibraahiim ku tiri: (Haajar waan kuu hibeeyee orodoo u galmoo). Haajar waxay qaadday uurka nabi Ismaaciil, Saarana waxay isla markiiba qaadday uurka nabi Isxaaq. Labadii wiil baa dhashay weyna isla koreen.

Maalin buu Ibraahiim (CS) wiilashii soo orotamiyey, markaas baa waxa soo hor maray Ismaaciil, suu dhabtiisa ku fariisiyey halka uu Isxaaq dhinaciisa fariisiyey. Falkaasi waxa uu ka careysiiyey Saarah oo arkeysay waxa dhacayey, waxayna tiri: (Addoonta inankeedana dhabtaad ku fariisinaysaa inankaygana agtaadaad fariisinaysaa soow ma aha?). Halkii bay ku masayrtay, waxanay ku dhaaratay inay Haajar jirkeeda cad ka jari doonto suuraddeedana beddeli doonto. Ibraahiim baa markaas ku yiri: “Gud, labada dhegoodna ka dalooli”. Sidii bay yeeshay, waxanay ahayd markii ugu horreysay ee dumar la gudo dhegana laga dalooliyo).

Kitaabka uu qoray Ibnul-Qayim Al-Jowziyah (Tuxfaul-Mowduud bi Axkaamil-Mowluud) iyo kan kale ee Ibnul-Kathiir (Al-Bidaayah wan-Nihaayah), labadaba waxa ku qoran sheekadan mid lamid ah, inkastooy saddexda sheeko meelaha qaar ku kala duwan yihiin.

Xadiiska ugu caansan ee arrinta ka hadlay waa kii la sheegay in haweeney lagu magacaabi jiray Ummu Cadiyah oo hablaha magaalada Madiina ku gudi jirtay uu Rasuulku “SCW” ku yiri: (Ummu Cadiyooy ursii hana tabar tirin, isagaa wejiga u farxad badan ninkana u fiicane).

Xadiiska siyaalo kala duwan baa loo weriyey,Ummu Cadiyana mararka qaar waxa lagu magacaabay Ummul-Xabiibah, guud ahaanna culimadu waxay isku raaceen inuu Daciif yahay oo aan lagu kalsoonaan karin.

Haddaynu xitaa ka dhigno inu Xadiisku saxiix yahay, toosinta ku jirtaa ma aha amar uu Rasuulku (SCW) ku bixiyey in hablaha la gudee waxa weeye qaabkii loo gudi lahaa haddiiba la gudayo. Ereyga (ursii) micnihiisu luqad ahaan waxa weeye (Sanka uun u saar), ka kale ee “ha tabar tirin” isna waa “ha wada goyn oo ha dilin”, waxana labada ereyba loola jeedaa in qayb aad u yar uun laga jaro inta muuqata ee goobta la gudayo (Kintirka), maxaa yeelay haweeneyda sidaasaa wejigeeda u farxad badan maadaama ayisu arkayso inay markaasi tahay qof nool oo dareen iyo shahwo leh, ninkana u fiican, sababtoo ah nin kastaa hadduu arko haweeneydiisii oo howsha la wadda, dabcan waa uu kusii kacayaa.

Jaaxid waxa uu yiri: ( Carabtu way gudi jireen ragga iyo dumarka labadaba laga soo billaabo Ibraahiim (CS) ilaa maantadan aynu joogno) Waxa uu weliba intaa raaciyey: (Hindidu wax kasta carabta waa kala mid aan ka ahayn guditaanka ragga iyo dumarka, waxana ay taas u yeelayaan aqoonta dheeriga ah eey u leeyihiin shahwo kicinta).
Ummul-Muhaajir waxa laga weriyey inay tiri: (Annagoo dhowr hablood ah bay muslimiintu na qabsadeen markay la dagaallamayeen Roomanka, markaas buu Cusmaan bin Caffaan (RC) inoo soo ban dhigay inaynu islaanno, intii kale markaa way diideen aniga iyo gabar kale mooyee. Markaas buu yir: Guda “labadooda” oo daahiriya, sidaas baan Cusmaan ugu noqday adeegto). Gudniinka dumarka lagama yaqaanno dalalka loogu yeero galbeedka Carabta (Tuniisiya, Marooko, Liibiya) iyo dalal kale oo Islaam ah. Wararku waxay sheegayaan in Carabtu adeegtooyinka (dumarka addoomaha ah) oo qura ay gudi jireen. Maalik waxa laga weriyey inuu yiri: (Ninkii adeegto iibsadaa hadduu doonayo inu haysto ha gudo hadduu doonayo inuu sii iibiyase kuma qasbana gudniinkeeda).

Kolkii Ibnu Teymiyah la weydiiyey haweeneyda ma la gudayaa?, waxa uu ku jawaabay: (Ilaah baa mahad leh, haah waa la gudayaa guditaankeeduna waxa weeye in laga jaro foodda sare ee maqaarka dhoowka Diiqa u eg, naag hablaha guddana Rasuulku “SCW” waxa uu ku yiri: U ursii awooddana ha ka qaadin wejigana saasaa u farxad badan ninkana u fiicane. Ulajeeddada laga leeyahay gudniinka ninku waa in la saaro wasakhda ku qarsoon qolfada, gudniinka dhaweeneydana waa in la dheellitiro rabitaankeeda, haddaanay naagtu gudnayn waxay noqotaa mid aanay waxba deeqin). Dhammaad warkii Ibnu Taymiyah.

Dadka u ole’oleeya gudniinka dumarku waxay soo daliishadaan Xadiis saxiix ah oo laga weriyey Caa’ishah “RC” Nabiguna “SCW” ku leeyahay: (Labada gudniin hadday kulmaan qubays baa waajibay). Xadiiska Maalik baa ku weriyey kitaabkiisa Al-Mowdi’, Muslimna Saxiixiisa, Tirmidi iyo ibnu Maajan Sunankooda. Waxayna ole’oleeyeyaashu ku andacoodaan in ereyga ‘Labada gudniin” uu daliil u yahay gudniinka ragga iyo dumarka labadaba. Ha yeeshee dadka kasoo horjeeda gudniinku iyana waxay ku doodayaan in ereygaasi aanu daliil u noqon karin gudniin dumarka. Waxay leeyihiin Afka carabiga kolka laba wax la magacaabayo waxa labadoodaba lagu magacaabaa magaca kan caansan ama awoodda badan. Waxay tusaale usoo qaadanayaan ereyo fara badan sida Al-Qamaraan (labada Bil) oo loola jeedo Bisha iyo Qorraxda, Al-Cishaa’aan (labada Cishe) oo loola jeedo Maqribka iyo Cishaha, Al-Duhraan (labada Duhur) oo loola jeedo Duhurka iyo Casarka, Al-Abawaan (labada Aabbe) oo loola jeedo Aabbaha iyo Hooyada. Waxay tusaale xoog leh usoo qaateen Aayadda Qur’aanka ah:

Labada Bad kan hore ee macaani waa Webi kan dambe ee qaraarina waa Bad. Sidaa daraadeed bay leeyihiin sunnada Nabiga ee saxiixa ah meelna kama soo galo gudniinka habluhu, waxa lagu doodayo oo Xadiisyo ku saabsan habla gudistuna gebigood waa wada daciif aan shir lala tegi karin, arrinkuna ma sii dhaafsana caado uu Islaamku u daayey waqtiga iyo horumarka cilmiga ama iyagu ha toosiyaan ama ha tiraane.

Ibnul-Jowziy waxa uu diiday in hablaha dhegaha loo dalooliyo oo waxa uu taa ku tilmaamay inay tahay is shaabadeyntii Rasuulku (SCW) uu yiri: (Eebbe waa Lacnadaa ta is shaabadeysa iyo ta wax shaabadeysa). Ibnul-Jowziy waa uu xaaraantinimeeyey dhegaha hablaha yaryar loo daloolinayo maadaama ay xanuun ku keeneyso, ha yeeshee waa uu oggolaaday in hablaha la gudo. Haddaba, isagoo sharraxaad ka bixinaya sababaha uu u banneeyey gudniinka waxa uu yiri: (Faa’iidooyinka gudniinka waxa kamid ah nadaafadda, isqurxinta, suurad hagaajinta iyo toosinta shahwada oo iyada haddii laysa badbadiyana dadku Xayawaannada kamid noqonayo haddii iyadoo dhan la waayana uu ma noolaha kamid noqonayo, gudniinka ayaa shahwada toosinaya waxanad taa ka garan kartaa kolka aad aragtid ninka iyo naagta aan la gudini inaanay weligood galmo ka dhergeyn).

Daarta Fatwada Masaaridu way banneysay gudniinka dumarka. Sheekh Jaadal-Xaq Cali Jaadal-Xaq markuu arrinkaas ka fatwoonayey waxa uu soo qaatay Xadiiskan: (Dumarkii Madiina u haajiray waxa kamid ahayd Ummu-Xabiibah oo lagu yaqaannay habla gudka. Markuu Rasuulku (SCW) Ummu-Xabiibah arkay ayuu weydiiyey: Arrinkii aad gacanta kula jiri jirtay miyaad maantana sidii ugula jirtaa? Markaas bay tiri: Haa Rasuulkii Allow, haddaanu xaaraan ahayn oodan iga reebeyn. Markaasuu Rasuulku (SCW) yiri: Mayoo waa xalaale iisoo dhowoow aan ku baree. Markay usoo dhowaatayna wuxuu ku yiri: (Ummu-Xabiiboy haddaad yeesho ha daalin (ha wada gooyn = ha dabar jarin), isagaa wejigana fura ninkana u wanaagsane). Sheekh Jaadal-Xaq Xadiiskan waxa uu ka soo qaatay kutubbada Shiicada sida la xaqiijiyey, kitaab Sunni ah oo laga helayaana ma jiro.

Waxaynu halkaa ka garan karnaa in gudniinka dumarku aanu ahayn waajib iyo sunno toona, balse uu yahay caado uu Islaamku u daayey samanka iyo hadba inta uu cilmigu horumaro, oo iyadoo cilmiga lala kaashanayo lagu soconayo ama la’iska deynayo.

GUDNIINKA FIRCOONIGA

Gudniinka Fircooniga ahi waxa weeye caado aan wax shaqo ah ku lahayn diinteenna Islaamka, balse soo jirtay kumanaan sano, ayna faraaciintii hore dadka ku khasbeen, gaar ahaan casrigii Ramsiis oo ahaa kun sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise (CS).

Faraaciintu kolkay Suudaan (Dhulkii Nuubiyiinta) qabsadeen sidoo kalena boqorradii Nuuba ay Masar qabsadeen bay caadada gudniinka Fircooniga ahi waxay ku fidday Waadiga Niil, ilaa iyo waqtigaan la joogana way ka jirtaa. Ma jirto dunida meel aan Waadiga Niil iyo waddamada ku dhowdhow ahayn oo laga yaqaan caadadaasi. Tusaale ahaan, lagama yaqaan dalalka waqooyiga Afrika ee Muslinka ah, Shaam, Ciraaq, Jasiiradda Carabta iyo Yaman toona. Waxa la hubiyey in gudniinka caynkaasi ah laga isticmaalo oo qura dalalka Masar, Suudaan, Soomaaliya iyo Kiinya.

Intaynaan u gelin dhibaatooyinka gudniinka Fircooniga ah, bal aynu marka hore sharrax gaaban ka bixinno Xubnaha Taranka Dumarka, si ay akhristaha ugu sahlanaato inu ogaado waxa dhacaya.

Xubnaha Taranka dumarku (Qaybaha sare) waxay ka kooban yihiin:

- Faruuryaha waaweyn: Waa laba lakab oo maqaar ah, kana billowda bisaqleyda jiitamana ilaa lafta dabaqanaanta halkaana ku milma. Faruuryuhu waxay ka samaysan yihiin gaballo xayr iyo carjaw isugu jira iyo shabakad dareemeyaal aad u dareen fudud ah. Waxa kale oo ka dhex buuxa xididdada dhiigga qaada oo soo gaarsiiya dhiig aad u fara badan.

- Faruuryaha yaryar: Waa laba lakab oo maqaar khafiif ah, kuna dhaca dhanka gudaha ee faruuryaha waaweyn, waxana laftooda soo gaara dhiig aan yarayn. Dhanka gadaale, faruuryaha yaryari waxay ku kulmaan xuubka bikaarada, dhanka horena waxay daboolaan Kintirka. Faruuryaha yaryar waxa dhinaca dambe kaga dhex jira daloolkii hoose ee Cambarka dhanka horena kii kaadida.

- Kintirka: Waa xubin u dhiganta geedka ninka kolka laga eego xagga kicitaanka iyo dareenka, waxana ku dhexjira xididdo fara badan oo dhiigga qaada. Kintirku sidaynu soo sheegnayba waxa uu ku yaal halka ay ku kulmaan labada faruuryood ee yaryar dhankooda hore, salkiisuna waxa uu ku dhow yahay daloolka kaadida. Kintirka ciyaar ciyaar looma abuurin, balse waxa uu leeyahay shaqo dabiici ah oo aad muhiim u ah. Sida geedka ninku u kaco ayuu Kintirkuna u kacaa, dabeetana labada faruuryood ee waaweyn dhiig ka soo buuxsamaa, qanjirraduna dheecaan soo daayaan fududeeya howsha galmada, haweeneydana siiya dareenka macaansi ee howshaasi galmo.

Xubnaha taranku waxay leeyihiin shaqo leh qaayo aad u weyn, taasi oo ah sidii isku si looga qaybgeli lahaa shaqada Bayoolojiyeed ee muhiimka ah.

FULINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA

Markanna aynu fiirinno waxyaabaha dhacaya kolka gabadha la gudayo. Gudniinka Fircooniga ahi waxa uu khasab ka dhigayaa in la jaro qayb kamid ah Faruuryaha waaweyn iyo in gebi ahaanba la dabar jaro Faruuryaha yaryar iyo Kintirka. Dabeeto qori dhuuban (sida kan cuudka kabriidka) inta la dhex suro faruuryihii waaweynaa ee qaybta laga jaray baa markaa dhinacyada laga soo qodbaa, amaba lama qodbee, labada bawdo ee inanta layku dabraa, si dhaawacii faruuryuhu isugu bogsado (baanto). Afartan beri kedib baa dabarka laga furaa si loo hubiyo inuu cambarkii gebi ahaamba isku baantay. Qoriga yar ee dhexda la suray waxa loogu talo galay in kolkay faruuryuhu isku baantaan ay reebaan dalool ay inantu ka kaadiso kolkay qaan gaartana dhiigga caadadu uu kasoo baxo.

Sidaas baa haddaba dumarkayaga looga xayuubiyaa xubintii taranka ee Eebbe u sameeyey. Inanta sidaa loo galay waxa nafteeda iyo nolosheeda hareeya nacayb iyo cadawtinimo, mar haddaanay galmada ninkeeda ugala qaybgeli karin sidii dabiiciga ahayd ee laga doonayey. Waxay weysaa raaxadii ay ka heli lahayd galmada saxda ah, waxana nafteeda ku dhasha welwel iyo walbahaar, dareentaana inay baadi tahay, dhankay dabayshu u socotana ka hor jeeddo, iyadoo weliba isu qaadata inay samaynayso hawl ay ku khasban tahayna. Haweeneyda caynkaasi ah waxa ku abuurma cudurro nafsiyeed, jireed iyo jinsiyeed fara badan, waxayna isu dhiibtaa xanuun iyo taag darri ugu dambaynta ku dhaliya qabow jinsiyeed (Kacsi la’aan), waana aafada ugu daran ee qayb libaax ka qaadata khilaafaadka maanta guri Soomaaliyeed oo ka marani uu yaryahay.

DHIBAATOOYINKA
GUDNIINKA FIRCOONIGA


Waxaynu si kooban uga soo hadalnay dhibaatooyinka tooska ah ee ka dhasha gudniinka Fircooniga ah, ha yeeshee bal markan aynu wax ka taabanno dhibaatooyinka aan tooska ahayn ee gudniinkaasi keeno.

1- Shoogga Qalliinka: Shoog xoog leh baa ku dhasha shaqada xubnaha jirka oo dhan, gaar ahaan kolka inanta la gudayo iyadoon la kabaabyayn. Shooggaasi waxa uu keenaa bareesharka dhiigga oo aad hoos ugu dhaca iyo xawaaraha neefsashada oo yaraada, waxyaabahaas oo isu geyntoodu ay geeri keeni karaan. Shoogga qalliinku waxa kale oo uu inanta ku abuuraa baqdin joogta ah iyo galmada oo aanay jecleysan.

2- Dhiig bax: Waxa taas keena haweeneyda inanta gudaysa oon haba yaraatee wax aqoon ah u lahayn xididdada dhiigga qaada ee goobaha ay jarayso ka buuxa. Hablo badan baana gowracaasi naxariis darrada ah awgiis dhiig bax ugu dhintay.

3- Laxaw iyo Hambalaaluq: Sababtu waxa weeye aqoon darri ku saabsan aasaasiyaadka cilmiga caafimaadka. Hambalaaluqa waxa keena cudur sideyaalka soo raaca Aaladda aan nadiifka ahayn amaba mararka qaar ruujinada ah ee inanta lagu gudayo iyo jawiga guud ee ay ku nooshahay labadaba.

4- Kaadida iyo Dhiigga Caadada oo ku xirma: Waxa laga yaabaa in kolka gowraca (gudniinka) la samaynayo uu daloolka kaadidu dhaawacmo maadaama uu si ba’an ugu dhow yahay Kintirrka la dabar jarayo. Waxa kale oo laga yaabaa in daloolka dusha sare lagu abuurayaa (Ilaah baa wax abuuri karee) uu aad ciriiri u noqdo oo laftiisu qayb ahaan ama guud ahaanba dhaawaca la bogsoodo. Arrintu uma baahna sharraxaad intaas ka badan bay ila tahay, maadaama meesha aan ka guuxayo la wada garanayo.

5- Xanuunka Nifaaska: Mar kasta ooy haweeneydu ummulayso waxa lagama maarmaan ah in lagu isticmaalo Maqas iyo Middiyo, si loo dillaaciyo looguna sameeyo dalool uu ilmuhu soo dhaafi karo, mashaqadaasi oo haweeneyda miskiinta ah ugu filan inu ku yimaado xanuunka Nifaaska ee dilaaga ahi. Waxa kale oo ka fekerka qalliinka ku soo fool lihi haweeneyda ku dhaliyaa baqdin iyo welwel gaarsiin kara in ilmihii kaba soo bixi waayo, ooy markaasi qalliin kii hore kasii xag jira u baahato si ay u ummusho.

6- Madhalaysnimo: Tirakoobyadu waxay sheegayaan in dumarka dalka Suudaan ee madhalayska ah 20- 25% gudniinka Fircooniga ahi uu sabab u yahay madhalaysnimadooda.

7- Ugu dambayntii, xanuunka uu gudniinka Fircooniga ahi ku reebayo nafsiyadda gabadha, kana dhasha jeexista iyo tolista joogtada ah mar kasta ooy ummulayso ayaaba dhibaato oo dhan ugu filan haddii dhab loo fekerayo.

GUDNIINKA FIRCOONIGA
IYO RA’YIGA DIINTA

Culimada Islaamku gebi ahaanba way kasoo hor jeedaan gudniinka Fircooniga ah, waxayna leeyihiin iskaba daa in gudniinka caynkaas ahi waajib, sunno amaba sharaf yahaye, waxa weeye burcadnimo iyo beddelis abuurka Eebbe. Ilaah waxa uu lacnaday haweenka is shaabbadeeya iyo kuwa wax shaabbadeeya labadaba. Shaabbadu waxa weeye in cirbad iyo wax lamid ah jirka qayb kamid ah lagu mudmudo, si goobahaasi midab cagaar ah loogu sameeyo. Caadadaasi ilaa iyo maanta waxay ka jirtaa dalal badan waxana tusaale loo soo qaadan karaa dalka Itoobiya, ooy dumarku ciridka cagaarsadaan.

Haddaba culimada diinta Islaamku waxay gudniinka Fircooniga ah u ictibaareen inuu yahay shaabbadeyn, waxayna yiraahdeen waxa weeye beddelis la beddelayo abuurka Eebbe.

Culimadu kolkay diidayaan gudniinka Fircooniga ah waxay daliishanayaan Aayado Qur’aan ah oo fara badan ayna kamid yihiin:

(Wax kasta asagaa abuuray oo weliba si qiyaasan u sameeyey)

(Waa abuurka Eebbe uu dadka ku abuuray wax abuurka Eebbe beddeli karaana ma jiraan).
(Wuuna idin sawiray dadoow suuraddiinnana wuu wanaajiyey, isagaana loo noqonayaa “Aakhiro”).

(Waana “Eebbe” kan idiinku sawira Ilma-galeenka dhexdiisa siduu doono, Ilaah kale ma jiro, waana dad ka deeqtoone xikmad badan).

(Dadka waxaynu ku abuurnay muuqaal kan ugu wanaagsan).

(Wax kasta waxaynu ku abuurnay qiyaas “go’an oon isbeddelin”).

(Dadoow maxaa kugu diray Eebbahaaga sharafta leh ee ku abuuray, ku ekeysiiyey kuna simay, siduu doonana kuu sameeyey).

(Waxa uu “Sheydaan” yiri: Waxan addoomankaaga ku yeelanayaa qayb sugan. Waan luminayaa, waan rajo gelinayaa, amarna waan siinayaa, waxayna markaa jeexjeexayaan dhegaha xoolaha, amar baan siinayaa, waxayna beddelayaan abuurka Alle, ruuxii “Eebbe ka sokow” sheydaan talo saartana khasaare cad buu khasaaray).

Haddaba goynta qayb jirka ka tirsan oo nabad qabtaa waxay kahor imaanaysaa dhammaan Aayadaha aynu kor kusoo sheegnay. Waxaba ugu siid daran Aayadda ugu dambaysa oo qofka dhegaha xoolaha jeexjeexaya ku tilmaantay qof abuurka Alle beddelaya shaydaanna ka amar qaata. Haddaba mar haddiiba dhegihii xoolaha jeexjeexiddooda shaydaan lagu adeecayo, miyaanay taas kasii dembi badnayn in jir bani’aadam oo aan jirranayn la jarjaro?.

Ninka oggolaada in inantiisa qaabkaas aan ka soo sheekeynay loo gudo, diinta Islaamka waa uu ku lacnadan yahay, waxana uu geystay dembi kamid ah Kabaa’irta aanu Eebbe cafin, waa siday culimadu go’aamiyeene. Waxa kaa lamid ah hooyada raalli ka noqota, gowraca gabadheeda iyo islaanta dhiigya cabka ah ee iyadu shaqo ka dhigatay inay dumarkeenna ka disho dareenkii dumarnimo ee Ilaahood ugu deeqay.

Dadka qaar aan xilkas ahayn baa ku dooda in gudniinka Fircooniga ahi dumarka dhowrsanaan u kordhinayo. Haddaba hadduu arrinku sidaa yahay, muxuu Eebbe u abuuri waayey haweenku iyagoon lahayn xubnahaa laga xayuubinayo?. Miyaanu Eebbe oran Insaanka waxan ku abuuray suurad tan ugu wanaagsan?. Mise suurad Ilaah sameeyey baa cid kale toosin uga baahan?.

Dalkeenna waxa sanad kasta lagu dib gooyaa kumanaan dumar ah iyadoo loo adeegsanayo magaca Eebbe, waxana la marsiiyaa cadaab iyo xanuun ay dunida ku arkaan kan ugu daran. Haddaba haddaynu Soomaali nahay waxa nala gudboon in aynu joojinno jariimada iyo dhiigga sabab la’aanta looga daadiyo dumarkeenna oo soo jiitamayey muddo qarniyaal ah.

Maqaalkaan waxan kusoo afjarayaa Buraambur ay tirisay gabar Soomaaliyeed oo ka dhiidhinaysa gudniinka Fircooniga ah, kuna boorrinaysa dumarka inay u hub qaataan dabargoynta caadadaasi xun een dhaawac mooyee dheef kale lahayn:

Haddaad Gabadhiinnii Soomaaliyeey guddaan.
Gerweyn waxad mooddo iyo galeef uqaadataan.
Hadduu gobo’ leeyo dhiiggeedu goor walbaba.
Soow dhib la geystiyo gardarreysi soow ma aha.
Haddaad gabdhiinnii guurkeedi dhaawacdaan.
Ood ka wada gooysaan cadkii gaarka u ahaa.
Ooysan gacal moodin kii caawa loo gelbiyo.
Wuxuu ugudaayoo u galaaba aysan garan.
Soow dhib la geystiyo gardarreysi soow ma aha.
War goob kastood joogtaan dumarow soo gurmada.
Dagaal dabargoyn gudniin u soo wada guntada.
Gefkaa joojiya ku dhaha gaarsiiya guri walbaba.
Oo ka guulkeenoo ka gungaara waxaan gurracan
.

TIXRAAC BUUG

1- Xukunka Sharciga ah ee Gudniinka Ragga iyo Dumarka Dr. Maxamed Bin Ludfi As-Sabbaaq.
2- Gudniinka Ragga iyo Dumarka ee diinaha Yuhuudda, masiixiyiinta iyo Islaamka Dr. Saami Cawad Ad-Diib.


Raaxada Guurka VIII

July 1, 2007 at 2:27 pm | Posted in Raaxada Guurka | 3 Comments

BAABKA SIDDEEDAAD

BARBAARINTA UBADKA

(Waxaan qoraynaa waxay hormarsadeen iyo raadkooda: Suurat Yaasiin:10)

Ilaahay subxaanahu watacaala qofka uma qoro oo qura camalka uu la yimaado inta uu nool yahay, balse waxa kale oo uu u qoraa raadka uu ka tago kolka uu geeriyoodo hadduu kheyr ahaa iyo hadduu shar ahaa intaba.

Haddaba, maadaama ay carruurtu yihiin raad bani’aadmigu ka tago ka ugu weyn, Eebbe waxa uu waalidka u qoraa ajarka wixii wanaag ah oo ay carruurtu sameeyaan asagoon kooda waxba ka jarayn. Waxa kale oo uu waalidka geeriyooday u qoraa dembi waxay carruurtu la yimaadaan, haddaanay markii hore barbaarintooda xil iska saarin oo aanay wanaajin, asagoon weliba carruurtiina dembiga kaga yaraynayn, waalidka inta uu u qoray in lamid ahna iyaga u qorayo.

Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay: (Kuwa Alle iyo Nabi rumeeyow ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna Naar shidaalkeedu uu yahay dad iyo dhagxaan. Suurat Al-Taxriim: 6).

Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa laga weriyey: (Hadduu Ibna Aadam dhinto camalkiisu waa uu go’aa aan ka ahayn saddex; Saddaqo socota (sida Masjid uu dhisay), Cilmi kedibkii laga faa’iideysto (sida asagoo Dugsiyo kiciyey) iyo Ubad usoo duceeya (kolka uu dhinto).

Ubad barbaarintu waxa weeye shaqo aad muhiim u ah khatarteedana leh, dareenka waalidnimo oo qurihina kuma filna sida xayawaanka kale, balse waxay u baahan tahay in la barto. Dad badan baa u haysta in barbaarinta wanaagsani tahay in ubadka mar kasta oo ay khalad sameeyaan la canaanto.

U WAALID DAYO UBADKAAGA

Barbaarinta ubadku waxay ka billaabataa, kolka la xulanayo hooyadiis ama aabbihiis. Rasuulku (SCW) waxa uu Xadiis ku yiri: (U doorta xawadiinna cirqigu waa uu dusaaye). Xadiiska micnihiisu waxa weeye doorta qof ku habboon inay carruurtiinna hooyo u noqoto, maxaa yeelay sifooyinka waa laiska dhaxlaa oo jiilba waxa uu u gudbiyaa jiilka kale. Haddaba ogoow gabadha aad guursanaysaa hadday tahay qof diin leh, dabeecad leh, dad wanaagsan ka dhalatay, qurux iyo ilqabatana leh, waxay markaa u badantahay carruurta ay dhalaysaa inay sideeda oo kale noqdaan.

Tilmaamaha aynu soo sheegnay waxa ugu qiimi badan diinta oo inta kale looga maarmi karaa, haddiise aad ku raacdo qurux iyo dan adduunyo, ogoow carruurta aad dhashaa waxay ka dhaxlayaan qaabdarrooyinka kale ee ku qarsan gudeheeda eh.
Waxa iyana taas lamid ah kolka aad daydayaysid kii ubadkaaga aabbe u noqon lahaa.

Rasuulka suubbani (SCW) waxa uu xadiis ku leeyahay:(Hadduu idiin yimaado nimaad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya, haddii kale xumaan iyo dhibaato weyn baa dhulka ka dhacaysa).

MAXAAD SAMAYN MARKUU DHASHO?

Diinteenna Islaamku waxay qabtaa in ubadku isla marka uu dhasho, looga addimo dhegta midig, loogana aqimo dhegta bidix, hadal barisna looga billaabo Laa Ilaaha illal-Laah, maalinta toddobaad ee dhalashadiisana inta loo wanqalo oo madaxa laga xiiro, magac loo bixiyo, buuryadana laga gooyo ( la gudo).

Asmaa binti Abii-Bakar (RC) oo ahayd Caaishah (RC) walaasheed iyo xaaskii saxaabigii weynaa Subayr ibnu Cawwaam (RC), waxaa laga weriyey: (Cabdullaahi ibnu Subayr baan ku dhalay (Qubaa)markaas baan intaan Rasuulka (SCW) u keenay, dhabta u saaray, markaas buu dalbaday in Timir loo keeno, oo intuu calaaliyey dhanxanagga ugu tiray).

Dhanxanag ku tirku waxa weeye kolka shayga inta la calyeeyo, dabeeto ilmaha yar afkagudihiisa loogu soo tiro, waxana sidaa loo yeelayaa si ilmaha yar loo baro tabtuu raashinka u cuni lahaa uguna tababbaran lahaa cunitaanka. Timirta sababta loo doortay waxa weeye iyadoo aad u macaan oo uu ilmaha yari macaansanayo iyo iyada oo ka kooban iskudhis aan u baahnayn inay calooshu shiiddo oo isagu ah nafaqo diyaar ah, dhiiggana si toos ah u raaca, waxana weeye Glucose. Raashinka caadiga ahi waxa uu Timirta kaga duwanyahay isagoo ka kooban iskudhisyo u baahan inay calooshu shiiddo oo usii jejebiso iskudhisyo ka fudud ilaa ay isu beddelaan Glucose, isagu markaa si toos ah dhiigga u raaca. Haddaba, maaddaama uu ilmaha yari awood daranyahay, calooshiisuna aanay weli u bislaan cunno shiidis, waxa habboon in la siiyo nafaqo diyaar ah sida caanaha hooyada oo uu ku jiro iskudhiska Lactose, ama Timirta oo uu ku jiro Glucose, labadubana waa iskudhisyo fudud.

Cali Bin Abii Daalib (RC) waxa laga weriyey inu Rasuulku (SCW) Xasan ugu wanqalay (Ri) dabeetana uu yiri: (Faadumooy madaxa ka xiir, oo sadaqayso timihiisa muggood oo Qalin ah), dabeeto intay miisaantay buu yiri bay noqdeen qiyaastii hal Dirham.

Ibnu Cumar (RC) waxa uu yiri: Waxan maqlay Rasuulka (SCW) oo dadka ka reebaya kolkay ilmaha madaxa ka xiirayaan inay dhoor u yeelaan, waxana uu yiri: (Ama ka wada xiira ama u wada daaya) . Dhoorka waxa uu Rasuulku (SCW) ku tilmaamay timaha lagu reebayo madaxa fooddiisa ama labada goon mid. Waxa la weriyey in Rasuulku (SCW) kolku tima jaruhu Xasan iyo Xuseen madaxa ka xiirayo uu la joogi jiray oo aanu u dhaafi jirin keligii si uu ula socdo qaabka uu ugu xiirayo.

Abuu Bureydah nin la yiraahdo waxaa laga weriyey inuu yiri: (Waqtigii Jaahiliyada kolka wiil dhasho intaan Ri gawracno baynu dhiiggeeda gelin jirray (madaxa kaga shubi jirray), kolkuuse Eebbe Islaamka noo keenay Ri baynu goowracaynay, wiilkana madaxa waynu ka xiiraynay, hase ahaatee Zacfaraan baynuska mari jirnay).

Waxaad halkaas ka garan kartaa in caadada Soomaalida qaar taqaan gaar ahaan reer miyigu, ee carruurta dhiigga lagu geliyaa tahay caado jaahili ah oon Islaam shaqo ku lahayn, welibana markuu Islaamku yimid Muslimiinta ka reebay. Haddaba wax kun iyo afar boqol oo sano kahor Islaamku reebay maxaynu weli u raad joognaa Soomaaliyeey.

Ibnu Cumar (RC) waxa laga weriyey in Rasuulku (SCW) uu yiri: (Magacyadiinna kuwa uu Eebbe ugu jecelyahay waa Cabdullaahi iyo CabdurRaxmaan). Xadiis kale oo Rasuulka (SCW) laga weriyey baa isna ahaa: (Isu bixiya magacyada nabiyaasha, magacyadana Eebbe waxa uu ugu jecelyahay Cabdullaahi iyo CabdurRaxmaan, waxana ugu run badan Xaarith iyo Hammaam, waxana ugu foolxun Xabri iyo Murrah).

Waxay Diinteenna Islaamku qabtaa in waalidka loogu neynaaso magaca curadkiisa, oo loogu yeeru Abuu-Hebel (Hebel-Aabbihii). Tusaale ahaan, hadduu magaca curadkiisa yahay Cumar in isaga lagu naynaaso Abuu-Cumar. Soomaaliduse Aayaddii wey rogeen oo inankii baa loogu yeerayaa (Ina-Hebel). Waxa la weriyey in qolo rasuulka (SCW) wafdi ahaan ugu timid. Nin kamid ah qolada ayuu dabeeto Rasuuulku(SCW) maqlay iyadoo loogu yeerayo Abul-Xakam (Xikmad Aabbihii), markaas buu Rasuulku (SCW) u yeeray oo ku yiri: Ilaah baa xikmad leh, xukunkana lehe maxaa Abul-Xakam laguugu neynaasay. Markaas buu ninkii yiri: Qoladaydu markay gar isku qabtaan bay iila yimaadaan markaas baan garta gooyaa labada qolona raalli ku noqdaan. Markaas buu Rasuulku (SCW) ku yiri: Waxa taas kaaga wanaagsan, carruur ma leedahay?. Markaas buu yiri: Shurayx iyo Muslim. Markaas buu weydiiyey: Keebaa weyn. Markaas buu yiri: Shurayx. Markaas buu Rasuulku (SCW) yiri: Haddaba waxaad tahay Abuu Shurayx.

Magaca ilmaha oo waalidka loogu naaneysaa waxay ilmahaa u noqonaysaa sharaf, qaddarin iyo qiimayn, waana uu ku faanayaa.

Waxa Rasuulka (SCW) laga weriyey inuu yiri: (Shan waxay kamid tahay fidrada (Waxyaabaha Eebbe Baniaadmiga ku abuuray): Gudniinka, bir ku xiirashada, kilkila rifista, ciddiya jarista, iyo shaarib gaabinta).


U NAXARIISO LANA CAYAAR CARRUURTA

Rasuulkeennii suubbanaa (SCW) kolka uu Salaadda tukanayo, hadduu ilma yari ooyo waa uu boobsiin jiray si aanay ilmahaa hooyadii oo Salaadda kula jirtaa uga welwelin. Waxa uu dadka dhihi jiray: (Qofkiin hadduu Imaam noqdo, ha dedejiyo Salaadda, maxaa yeelay waxa idinku jira ilmo yar, qof da’ ah, qof tabaryar, iyo qof jirran, hadduu keligii tukanayase siduu doono ha u dheereeyo). Waxa weriyey Abaa Hureyrah.

Ibnu Mascuud waxa laga weriyey inuu yiri: Inan baan karbaash ku dhuftay, markaas baan cod gadaashayda ka maqlay, saa waa Rasuulkii Alle (SCW) oo i oranaya: (Ibnu Mascuudow ogow in Alle kaaga awood badan yahay si ka daran sida aad ilmahan yar uga awood badan tahay).

Waxa la sheegay in Cumar bin Khaddaab (RC) uu doonayey inuu shaqo u dirsado nin reer Asad ah. Markaas buu u yimid si uu alaabadii uu ugu shaqayn lahaa uga qaado. Cumar (RC) baa markaas intuu wiil uu dhalay soo qabtay dhunkaday. Ninkii reer Asad baa markaas yiri: Ma kanaad dhunkanaysaa Amiirul Muminiinow, Wallaahi baan ku dhaartaye weligey wiil ma dhunkoon. Markaas buu Cumar (RC) yiri: (Naxariista dadkaa kugu yare keen qalabkayaga waxba ii qaban meeyside).

Waxa laga yaabaa in ilmuhu uu kula cayaaro qofka weyn isagoo garka ka qabsanaya amaba marada uu xiranyahay. Haddaba markaas oo kale ma aha in la hiifo oo la canaanto, taasi oo dhaawici karta dareenkiisa iyo naftiisa, kuna abuuri karta inuu noqdo ilmo xirxiran oon dadka dhex gelin. Haddiise loogu beddelo cayaartiisa dhoola caddayn iyo la cayaar, waxa markaasi qalbigiisa gelaya farxad iyo raynrayn, waxanu helayaa geesinimo uu ku dhexgalo dadka waaweyn kagana faaiideysto, kagana kororsado aftahanimo iyo dad la dhaqan.

Waxa la weriyey inu Rasuulku (SCW) qaadi jiray, koolkoolin jiray lana cayaari jiray labada wiil ee uu awoowaha u ahaa Xasan iyo Xuseen. Asagoo salaad ku jira oo sujuudsan hadday dusha uga baxaan sujuudda waa uu dheereyn jiray si aanu cayaarta uga qasin ilaa ay iskood uga degaan. Waxa la sheegay in Rasuulkoo dad u khudbaynayaa uu arkay Xasan iyo Xuseen oo soo socda oo turaanturroonaya, markaas buu intuu khudbadii joojiyey orday oo soo qabtay oo intuu agtiisa soo fariisiyey dabeeto khudbadii halkii ka billaabay.

Waalidka ubadka dhalayow maxaad ka oran lahayd haddaad ogaato in Caaishah oo aad u da’ yarayd markuu Nabigu (SCW) guursanayey, markii la guri geynayey ay hore usii qaadatay waxyaabihii ay ku cayaari jirtay. Waxa weliba intaa dheer Nabiga (SCW) oo u oggolaan jiray hablihii saaxiibbadeed ahaa ee intaan la guursan la cayaari jiray inay aqalka ugu yimaadaan oo la cayaaraan. Maxaad oran lahayd haddaad ogaato in Xuseen ibnu Cali uu lahaa Eey yar oo uu ku cayaaro, kolkuu Jibriil soo geli waayey guriga oo uu Rasuulka (SCW) ogaaday inay sababtu tahay Eeygaa Xuseen in uusan xitaa canaanan.

Rasuulku (SCW) aad ayuu carruurta u jeclaa, una qaddarin jiray, uguna oggolaan jiray inay cayaaraan sababtoo ah cayaartu waxay kobcisaa caqliga ilmaha iyo maskaxdiisa, waxay hawl gelisaa xubnihiisa iyo dareenkiisa. Kolka aad u keento wax faaiida leh oo uu ku cayaaro waxad ka saaraysaa rajaynimada, ku abuuraysaa jacayl uu kuu qaado, farxad gelinaysaa qalbigiisa, kana dhigaysaa ilmo kalsooni naftiisa iyo waalidkii ku qaba oo si quman u kobca.

Cayaartu waxa weeyey diyaargarow dabiici ah oo ay carruurtu ku dhashaan, si ay isaga saaraan tamarta dheeri ah ee jirkooda. Cayaarta ilmaha yari waxa uu ku bartaa wax kasta oo hareerihiisa ahi waxay ka sameeysan yihiin. Ilmuhu cayaarta wuxuu ku bartaa siduu u xakamayn lahaa naftiisa, waxana ku kordha kalsoonida uu isku qabo iyo kobcinta karaankiisa waxqabad. Culimadu waxay ku dardaarmeen in ubadka loo daayo cayaarta toddobada sano ee cimrigiisa ugu horreeya

Waxa loo baahanyahay in ilmaha loo oggolaado inay helaan waqti ay cayaaraan, gaar ahaan kolka ay waajibka Iskuulka ka soo baxaan oo buugaagtii looga baahnaa akhriyaan. Ilmaha haddii cayaarta loo diido oo wax akhris iyo qaylo nafta looga qaado maskaxdiisa ayaa daalaysa, caqligiisu isdhimayaa, murugo ku beermeysaa, dabeetana ku fekerayaa siduu uga bixi lahaa dhibta uu ku jiro. Ilmaha caafimaadka qabaa ma fadhiyi karo dhaqaaq laan shan daqiiqo. Waxaad durbaba arkaysaa asagoo meel eegaya, waxay ishiisu qabato soo qaadanaya, gedgeddinaya, afka gashanaya, furaya si uu waxa ku dhexjira u fiiriyo.

Kolkaad aragtid Carruur cayaaraysa kaad dhashayna uu ku jiro, looma baahna inaad ka kaxayso, haddaadan xaajo xoog leh ka lahayn. Waxa xitaa habboon inaad fiirsatid kolka uu saaxiibbadii la cayaarayo si aad u dhiirri gelisid, waxanay taasi u noqonaysaa taageero iyo moraalka oo u dhisma.

INANKAAGA KAXAYSO HANA KU AG FARIISTO

Ilmaha yari waxa uu xaq u leeyahay inuu waalidkiis raaco si uu uga faaiideysto oo cilmi iyo aqoon uga kororsado, caadooyinka u barto, dad la dhaqanka u barto, dabeetana usoo baxo qof waxgarad ah.

Rasuulku (SCW) ubadka wuu kaxaysan jiray. Waxa la weriyey inuu kaxaystay Anas ibnu Maalik (Adeegihiisii), carruurtii ina adeerkii Jacfar, ina adeerkii Fadlu, Ibnu Cabbaas iyo carruur kale. Cabdullaahi ibnu Cabbaas (Ina adeerkiis) wuxu gaar ahaan Rasuulku (SCW) isagoo daabbad la saaran siiyey dersi ilaa maalinta Qiyaamaha muslimiinta oo dhan cibro u ah. Wuxuu isagoo waaninaya ku yiri: (Wiilyahow erayaan ku barayaa: Dhowr Ilaah haku dhowree, dhowr Ilaah haku soo abbaaree, haddaad baryeysid Ilaah bari, haddaad kaalmo weydiisanaysidna Ilaah kaalmo weydiiso, ogoowna hadday ummadda oo dhami isugu kaa timaado si ay wax kuugu tarto kugu tari mayso wixii Ilaah kuu qoray mooyee, hadday isugu kaa tagto si ay dhib kuu gaarsiisana ku gaarsiin mayso dhib Ilaah kuu qoray mooyee, qalmaantii waa la qaaday qoraalkiina wuu qallalay).

Ibnu Maajah waxa uu weriyey in Rasuulku (SCW) nacalladay qofkii kala fogeeya hooyo iyo ubadkeed iyo wiil iyo walaalkiis. Ninka Soomaaliga ah ee kolku xaaskiisa furo carruurta ka kaxaysanayow Ilaah ka baq, Rasuulka (SCW) nacalladdisana iska jir oo dhallaanka udaa dhabta hooyadiis.

Waxa iyana jirta in Rasuulku (SCW) uu maanacay in kolka gole la fariisanayo, la kala dhex galo wiil iyo aabbihiis. Taasina waxay kamid tahay akhlaaqda gole fariisadka, maxaa yeelay aabbuhu asagaa og inankiisa edebtiisa, hab fariisadkiisa, caadooyinkiisa, waxa uu ku fiicanyahay iyo meelaha uu ku qalloocanyahay. Markaa waxa habboon in aan la kala dhexgelin si hadduu khalad sameeyo uu u toosiyo oo (Yac) u yiraahdo. Sidoo kale haddii ilmaha iyo aabbihii la kala dhexgalo waxa uu ilmuhu dareemayaa ceebsi iyo xishood, wuxuuna dhararayaa intuu fadhigu ka dhammaanayo, isagoon waxna markaa ka faaiideysan raggii ka waaweynaa ee uu la fadhiyey.

Saa darteed isagoo daryeelaya dareenka ilmahaa yar ayuu Rasuulku (SCW) amar ku bixiyey inaanu ninna golaha fadhiga ku dhex fariisan wiil iyo aabbihii ee iyaga lays xijiyo.

SALAADDA IYO SARIIRTA

Rasuulku (SCW) waxa uu Xadiis ku yiri: (Carruurtiinna fara inay Salaadda tukadaan markay toddoba jirsadaan, hadday tukan waayaan iyagoo toban jirana ku tuma, mid walbana meel gaar ah seexiya).

Carruurta in gogosha loo kala duwo oo midba meel gaar ah la seexiyo kolkay toban jirsadaan, wuxuu Islaamku ina faray afar iyo toban qarni kahor, ha yeeshee culimada reer galbeedku hadda ayuumbay ku baraarugeen faaiidooyinka ay leedahay. Culimadu waxay leeyihiin waxa lagama maarmaan ah in carruurta gogosha loo kala fogeeyo, waxana weliba habboon haddii la yeeli karo in midba qol gaar ah la seexiyo. Culimadu waxay intaa raaciyeen in carruurta si joogta ah halka sariir isula seexda jirkoodu uu isku dhego oo isku lismo, taasi oo markaasi keeni karta inay isku faracayaaraan. Ubadka oo waalidka halka qol ee jiif la wadaagaa iyadu wayba kasii xag jirtaa oo waa arrin marnaba caqliga kafog.

Carruurtu mar kasta ma hurdaan kolka waalidku sidaa moodo, xitaa kuwooda laba ama saddex jirka ah, welwel buuna ku abuuraa dhaqdhaqaaqa jinsi ee waalidku. Xitaa hadduu qolku mugdi yahay waxa ilmaha yar khalkhal gelin kara codadka kasoo yeeraya labada waalid.

Carruurta halowda iyagoo mararka qaar aad u yar waxa sabab looga dhigi karaa sariir iskula seexintooda iyo qolka jiifka oo ay waalidkood la wadaagaan, waxyaabahaasi oo dhammaantood sharcigu reebayo ee ha laga digtoonaado.

UBADKA SAQIIRA IYO SHAFEECADA

Ubadka Muslimiinta ee ayagoo yaryar saqiira (dhinta) waxay la sheegay inay Jannada dhexdeeda ugu adeegayaan Nabi Ibraahim (CS) iyo ooridiisii Saarah (CS) ilaa ilmaha waalidkii Jannada kasoo galo oo kala wareego. Halka ubadka gaalada ee iyaguna sqiiraa ay Jannada ugu adeegayaan Muslimiinta guud ahaan.

Abii Saciid Al-Khudriyy waxa laga weriyey inu Rasuulku (SCW) yiri: (Naag kastoo idinka mid ah oo saddex carruur ahi u saqiirta iyagaa Naarta ka xijaabaya, markaas naag baa tiri: Labana? Markaas buu yiri: Labana). Xadiis kale waxa uu Rasuulku ku yiri: (Muslinkii saddex carruur ahi u saqiirtaa, waxay kusoo dhoweeyaan siddeedda albaab ee Jannada, kuu doono buuna ka galaa).

CARRUURTA IYO BEENTA

Beentu waxa weeye runta oo la mijaxaabiyo, jagada laga qaado, jiritaankeedana laysku dayo in la tirtiro. Beentu waxa weeyey in shayga laga bixiyo sawir aan kiisii dhabta ahaa ahayn, si khaldanna loo suuraadiyo, si uu dadka kale ugu muuqdo, looguna qanciyo inu sax yahay. Beentu waxa weeye isku day daboolid fal kahor imaanaya kii dabiiciga ahaa.

Haddaba beentu waxa weeye dhaqan oraaheed loola jeedo in lagu daaho fal ama oraah, kaasi oo la saanqaadaya danta iyo rabitaanka qofka yar iyo weynba.
Cabdullaahi bin Caamir waxa laga weriyey Xadiis saxiix ah oo uu ku yiri: (Hooyaday baa ii yeertay maalin, Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo gurigayaga fadhiya, waxayna itiri: Kaalay. Markaas buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) ku yiri: Maxaad siin lahayd, say tiri: Timir baan siin rabay, markaas buu ku yiri: Haddaadan waxba siin been baa laguu qorayaa). Ubadku way u fiirsanayaan dhaqanka dadka waaweyn, waanay ku dayanayaan. Haddaba ma bannaana in la siro, ama been loo sheego. Ubadka in been lagu cabsiiyo ma bannaana. Kolka la doonayo in laga farxiyana sidoo kale ma bannaana in lagula cayaaro ama kaftamo amaba lagu madadaaliyo ballamo been ah.

Carruurta laftoodu been bay mararka qaar sheegaan, inkastoo aanay markaa ahayn mid ula kac ah, misna waxay reebtaa xididdo aan dhaqsa u siibmin. Haddaba sababaha carruurta ku dhaliya inay waalidkood been u sheegaan waxa ugu badan kuwan soo socda:
1- Ilmaha yari mararka qaar wuxuu been u sheegaa si uu u ogaado waxa dhacaya, sida isaga oo ku sheekeeya:saaxiibkay baa aabbihii ka xaday boorsadii lacagtu ugu jirtay.
2- Waxa laga yaabaa inuu si ula kac ah been u sheego si uu canaan uga badbaado.
3- Isaga oo waxyaabaha qaar waaweyneeya oo xaddigoodii mid ka weyn siiya si uu ugu faano looguna amaano.
4- Inaanu kala garanayn waxa dhabta ah iyo waxa dhalanteedka ah, gaar ahaan ilmaha aan Iskuulka weli gaarin.

Maxaad samaynaysaa markaas?


1- Isdeji, hana kula qaylin oo ku canaanan ilmaha si uu runta kuugu sheego, maxaa yeelay waxa laga yaabaa inuu been hor leh kuu sheego si uu isu badbaadiyo.
2- Si wanaagsan ula xaajood, waxan ula jeedaa haku oran (beenlow baad tahay) ama ha yasin, taasi oo markasi ilmaha gayeeysiinaysa inu aargoosto oo ku qaddarini waayo. Taa beddelkeeda waxa habboon inaad tiraahdo tusaale ahaan: (Waan ogahay waxa aad sheegeysaa inay been yihiin, beentana waa laga fiicanyahay, ee bal aynu arrinka isla eegno).
3- Isku day inaad ogaatid sababta uu ilmaha yari beenta u sheegayo. Haddii uu masalan ku doodayo inuu carruurta oo dhan kaga wanaagsanyahay maaddo uu dugsiga ku qaato, ogoow dhibaataa maaddadaa ka haysta eh. Haddaba kolka aad hubisid halka laga haystaa inay maaddadaa tahay, waxaad ku oran kartaa: ( Waan arkaa in maaddadani waqti fara badan kaa qaadayso kuna dhibayso ee bal aan kula eegee keen).
4- Qaab anshax leh u edbi. Carruurtu waxa lama huraan ah inay ogaadaan laba shay: Inaynu ku faanayno hadday runta noo sheegaan iyo in beentu keenayso canaantii iyo ciqaabtii oo korodha oo aanay waxba ka faaiideyn.
5- Waa inuu ubadkaagu runta kaaga daydaa, waxyaabaha beenta ay ka bartaanna waxa kamid ah tusaale ahaan kolka qof taleefan guriga kuugu soo diro ood carruurta amaba xaaska ku tiraahdo: Ku dheh wuu jiifaa amaba ma joogo. Halkaa waxay carruurtu ka ogaanayaan in waalidkood been sheego, kol haddii waalidkii been sheegayana iyaga kuma dhihi karo run sheega. Haddaba adiga yaanu kaa baran been sheegista, hadduu run sheegana ka abaal mari.

ALLE AQOONTIIS KU ABAABI

Ilmaha yari si fidra (u dhalasho) ah buu iimaanka Eebbe qalbigiisa ugu jiraa. Waxaad arkaysaa isagoo durbaba ku weeydiinaya, dhulka yaa abuuray, samada yaa abuuray, annaga yaa na abuuray, iyo wax kasta oo hareerihiisa ah. Haddaba waalidka waxa laga doonayaa inay fursaddaasi ka faaiideystaan ooy ilmaha baraan Allihii wax kasta abuuray, jawaabohooduna waa inay la jaanqaadaan hadba heerka garasho iyo maskaxeed ee ilmaha yar.

Iimaanka Eebbe iyo Alle ka cabsigu waxay ilmaha qalbigooda ku tallaalaan rajo ay nolosha ka qabaan iyo Eebbe ooy talasaartaan. Culimada Diintu waxay ku dardaarmeen in ilmaha kolkuu saddex jirsado la baro Laa ilaaha illallaah, kolkuu saddex iyo bar jirsadana loo raaciyo Muxammadu Rasuulullaah, kolkuu afar jirsadana loo raaciyo Sallallaahu calaa Muxammad wa aalihi wasaxbihi wasallim. Markuu shan jirsado waa inuu kala garanayo midigtiisa iyo bidixda, sidaasna lagu baro halka ay qibladu ka jirto, laguna abaabiyo inuu u sujuudo. Kolkuu haddaba toddoba jirsado waa in inta wejiga iyo gacmaha iska soo dhaq la yiraahdo tukasho loo billaabaa. Kolkuu sagaal jirsado weeyso iyo salaad buuxda ayaa laga doonayaa. Kolkuu toban jirsado hadduu tukan waayo waa lagu canaananayaa, hadduuse tukado dembi dhaaf buu Eeebbe waalidkii uga dhigayaa.

Dada u dhaxaysa 3 – 6 jir, ilmuhu waalidkii buu wax kasta kaga dayanayaa, habka iyo hannaanka uu Eebbe u caabudaana waa isla habka iyo hannaanka waalidkii u caabudo, oo hadduu waalidku yahay qof Eebbe ka baqa oo Quraanka mar waliba akhriya, tukada, sooma, guriga oo dhami yahay goob diineed, ilmuhuna beeyadaas ayuu ku barbaarayaa isla sidaasna ula falgelayaa ulana jaanqaadayaa. Haddiise gurigu yahay goob heesaha lagu dhegeysto, lagu qoob-ka-cayaaro, xafladahana lagu oogo, waxad arkaysaa ilmihii oon shanjir gaarin oo heesaya oo qoob-ka-ciyaaraya oo hadba dhinac iska rogaya, diin iyo duruufahaasina kala fog.

Ilmihu marxaladdaa iyada ah wuxu jecelyahay inuu dhayalo oo qoslo. Waxa kale oo uu jecelyahay in waalidkii u naxariisto. Alaabo uu ku cayaaro usoo iibiyo, lana cayaaro. Haddaba waa in arrintaas waalidku ka faaiideystaa oo ilmaha ku abaabiyaa in hadduu edeb yeesho, run sheego, Ilaah jeclaado, waalidka jeclaado, Quraankana akhriyo, markaa uu usoo iibinayo waxyaabaha uu rabo, waana inuu ballantiisa oofiyaa.

IXTIRAAM UBADKAAGA KUNA ABAABI ADEECISTAADA

Labada waalid baa cayaara doorka ugu weyn uguna muhiimsan tarbiyeynta ubadka, iyagaana xaddidaya shakhsiyadda ilmuhu uu ku barbaarayo, dugsiga iyo mujtamacuna waxay ku jiraan kaalinta labaad.

Ilmaha yari haddaanu ku tababaran waalid adeeca, kama yeelayo wixii talo iyo toosin ah ee ay usoo jeediyaan, sidaana waxa uu naftiisa, ta waalidkii iyo mujtamacaba ugu abuuraa mashaakil aan xal lahayn. Waxa uu ka didaa dhammaan caadooyinka, dhaqanka iyo qawaaniinta dowladda iyo mujtamaca.

Haddaba waxa waalidka la gudboon inay dadaalkooda labanlaabaan, maxaa yeelay ilmuhu marxaladdaa iyada ah waxa uu doonayaa inuu yeesho shakhsiyad u gaar ah, waxanu doonayaa inuu xoroobo oo wuxuu asagu doonayo sameeyo.

Saa darteed waddada ugu habboon ee ay waalidku adeeca ubadkooda ku kasban karaan waxa weeye jacayl iyo naxariis. Waxa laga doonayaa waalidka inay ilmaha yar xumaantiisa ka gudbaan wanaaggiisana ku ammaanaan oo ku dhiirrigeliyaan. Waa inaanay mar kasta oo uu khalad sameeyo ku qaylin oo canaanan, maxaa yeelay canaanta badan ee micna darrida ahi waxay ilmaha gayeeyesiisaa inuu u qaato wax iska caadi ah, kana damqan waayo hadduu khalad intuu sameeyo lagu canaanto. Ilmaha waalidkii ka hela daryeel iyo jacayl, isna waa uu jeclaadaa oo warkiisa yeelaa. Ilmaha loola dhaqmo sidii qof caqli leh oo bisil, isna waxa uu u dhaqmaa sidaa si la eg oo wuu is ixtiraamaa dadka kalena ixtiraamaa sida isagaba loo ixtiraamo, haddiise mar kasta la caayo, la habaaro, lagu qayliyo, wax lagu tuuro, la yaso, waxa markaa imaanaysa inuu isna cidna ixtiraami waayo, cidna qiimayn waayo, cidna (xitaa waalidkii) waxba ka maqli waayo.

Ilmaha yari marxaddaa iyada ah waxa uu waalidkiis uga baahanyahay jacayl iyo qiimayn iyo inay qirtaan dadnimadiisa iyo kaalinta uu qooyska iyo mujtamaca kaga jiro, tooshna lagu daaro.

Mar kasta oo ilmuhu dareemo in la jecelyahay, waalidku jecelyahay, mujtamacu jecelyahay, waxa uu koraa korityaan dabiici ah, kana koraa xag caqli, xag luqadeed, xag dareen iyo xag bulshadeed intaba.

Ilmaha waa in la dhiirrigeliyo lana taageero oo lagu ammaano hadday sameeyaan wax fiican, hadday gefaanna aan la cambaareyn, hadalkooda iyo dhaqankooda la qodqodin, waxaanay awoodi karinna dusha laga saarin. Waa in uusan ilmaha yari marnaba dareemin inuu yahay qof aan la jeclayn oo la xaqirayo, maxaa yeelay hadduu arko waalidkii oo ka xun ma kala garan karo inu isaga necebyahay iyo in waxa uu samaynayo ka xunyahay.

WUU KU HALLAABAA KOOLKOOLISKA BADAN

Inkasta oo loo baahanyahay in ubadka la ixtiraamo, xorriyad la siiyo, la qiimeeyo, haddana looma baahna in hortiis loo daayo oo xorriyad xad laan ah la siiyo. Waa in la dareensiiyo inay waxa uu sameeynayaa gef yihiin. Waa inaan wax kasta oo khalada faraha looga qaadin, isla markaana waa inaan wax kasta oo gef ah oo ka dhaca lagu canaanan. Waa inay jirtaa xuduud jeexan oo u dhaxaysa adadayga iyo baarrinimadu

Waalid waxa ugu liita bay yiraahdaan culimadu kan u roonaanta ubadkiisu ay dulleyso halkay ka toosin lahayd. Hadduu ilmuhu gefo waa inay waalidku dareensiiyaan gefkiisa, kuna qanciyaan inaanu u noqon, hadday qancin iyo si aayar ah wax ugu sheeg ku kari waayaanna waxa lagama maarmaan ah markaa inay canaantaan. Canaantu markaa waxa habboon inay noqotaa mid nafsiyan ah sida iyaga oo u sheega inuu ceeboobay, ama ka goosta, ama usoo iibin waaya wixii ay usoo iibin jireen, ama geeyn waaya meeshii ay geyn jireen ilaa uu ka waantoobo waxa laga canaanaayo ama ku dhaqaaqo waxa lagu canaananayo. Canaanta jirka ah waxa la hubiyey in ta nafsiyanka ahi ka natiijo wanaagsantahay. Ha ku degdegin inaad garaacdo ilmaha yar.

Warkaa isaga ah waxa marag kaaga ah kolka aad aragtid meelaha ubadka lagu dhaqanceliyo dunidan ubadka ku jira intooda badani inay yihiin kuwo waalidkood ama mujtamacu dili jiray oo darxumayn jiray.

Waa inaan ilmaha koolkoolinta laga badin oon wax kasta oo uu dalbado la siin, ama wax kasta oo uu sameeyo lagu raacin, maxaa yeelay koolkoolinta badani waxay ilmaha tirtaa u adkaysiga dhibaatooyinka kahor yimaada iyo u dulqaadka duruufaha nolosha.

Waalidku waa inuu ubadkiisa u sameeyaa barnaamij uu ugu caddeynayo waxyaabaha fiican iyo waxyaabaha xun, ammaanta iyo canaantuna waa inay ka dhashaan hadba waxa uu ku kaco. Waa si aynu quluubtooda ugu beerno jacaylka waxyaabaha fiican, iyo nacaybka waxyaabaha xun, sidaana ugu xoojinno damiirka iyo dadnimada carruurta marxaladdaa iyada ah. Waa si ay mustaqbalka ugu abuuraan cabsi uu ka qabo sameynta waxyaabaha xunxun iyo xiise uu u qabo wanaag samaynta, isagoo isku kalsoon kuna kalsoon in waxa uu sameynayaa yihiin wixii saxda ahaa.

Waalidka waxa laga waaninayaa inuu ubadkiisa edbiyo asagoo xanaaqsan. Kolka uu waalidku kusoo xanaaqo goobta shaqada ama jidka, amaba uu xaaskiisa u xanaaqo, waa inaanu ubadka rarka iskaga dhigin, maxaa yeelay canaanta iyo ciqaabta xilligaasi way ka duwantahay marka uu waalidku caadiga yahay siduu u hawlgeli lahaa. Canaanta xilligaas ahi ilmaha yar kedis bay ku noqonaysaa, isagoo aan ka filanayn in waalidkii saa u gelayo, taasi oo markaasi ku reebaysa cuqdad nafsiyadeed.

Ilmuhu kolka uu xanuunsanayo waa in si dheellitiran loo daryeelaa oo aan lagana badbadin, lana dayicin oo la dareensiiyo in lala xanuunsanayo, lana daryeelayo. Dumarka qaar baa kolka ubadkoodu xanuunsado dhulka isla dhaca, ooya iyagoo arkaya, si aan xad lahaynna u koolkooliya. Taasi haddaba waa khalad, waxanay raad ku yeelanaysaa nafisyadda ilmaha kolka uu weynaado. Qofka weyn ee waaguu yaraa la koolkoolin jiray waxad arkaysaa inuu mar kasta murugeysan yahay, eersheegad badany ahay, dhaqsina u xanaaqayo, dulqaadka iyo adkeysiguna ku yaryihiin.

Labada waalid waa inay si isku mid ah ula dhaqmaan carruurta oo hadduu aabbuhu ku canaanto ilmo khalad galay, waa inaanay hooyadu koolkoolin ilmahaasi una horkicin khaladkaa uu sameeyey, balse waa inay iska taagtaa isla mowqifkii aabbaha. Sidoo kalena kolkay arrintu joogto wanaag uu sameeyey oo lagu ammaanayo laguna abaalmarinayo.

Dhibaatooyinka iyo cudurrada nafsiyadeed ee waxyeelleeya mustaqbalka carruurtu waxay ka dhashaan dhaqanka khaldan ee labada waalid. Iska horimaadka asluubta barbaarineed ee labada waalid, sida in mid canaanto midna cafiyo, in mid koolkooliyo midna waxaan jirin kasoo qaado, iwm. Waxyaabahaasi oo dhami waxay nafsadda ilmaha ku abuuraan immaa inuu noqdo mid cadowtinimo badan, qalbi jabsan, naxariis daran, keligii socda oon saaxiib lahayn. Amaba inuu noqdo mid aan waxba qabsan karin, naftiisa wax tari karin, shaqsiyad lahayn, had iyo goorna dadka kale ku tiirsan.

CARRUURTAADA SIN

Nucmaan ibnu Bashiir waxa laga weriyey inuu yiri: (Aabbahay baa hadiyad isiiyey, markaas bay hooyaday ku tiri: Raalli kama ihi haddaanad Rasuulka (SCW) marag uga dhigin, markaas buu aabbahay Rasuulka (SCW) aaday, markaas buu ku yiri: (Inankaygii baan hadiyad siiyey markaas bay hooyadii igu amartay inaan marag kaaga dhigo Rasuulkii Allow, markaas buu Rasuulku (SCW) yiri: Carruurtaada oo dhan ma siisay hadiyaddaa mid lamid ah?! Markaas buu yiri: Maya! Markaas buu Rasuulku (SCW) yiri: Si caddaalad ah carruurta wax ugu qaybiya maragna ha iiga dhigina anigu gacan bidxayn marag kama noqonayee).

Soomaalidu waxay tiraahdaa: (Waalidku carruurtiisa mar waxa uu ugu jecelyahay kan curadka ah, mar kan yaraanka ah, mar kan maqan ilaa uu ka yimaado, marna kan buka ilaa uu ka bogsoodo).

Guud ahaan, ilmaha curadka ah ee kaligii ah waa la jecelyahay oo la koolkooliyaa, si gaar ahna loo daryeelaa, maadaama uu ilaa markaas madi yahay. Ilmaha caynkaas ahi waxa uu waalidkii ka helaa daryeel badan, naxariis badan, wuxuu dalbadoo durbaba loo keeno hadday ahaan lahayd dhar, cunto, alaabo uu ku cayaaro, iwm. Waalidku waxay isku dayaan inay si kasta ku raalligeliyaan, waxay u kexeeyaan inta badan meelaha ay aadaan oo ama hooyadii baa kaxaysa ama aabbihii ama labadoodaba. Warkii oo kooban waa ilmo si aan caadi ahayn loo koolkooliyey.

Haddaba ilmaha caynkaas ah dhibaato xoog leh baa qabsanaysa kolka la dhalo ilmo kale oo isaga ka yar. Waxa ku beermaysa cabsi uu ka qabo ilmaha cusub, sabatoo ah waxa uu ku ciriirinayaa wax kasta. Waxa uu kula tartamayaa jacalka waalidka iyo daryeelkooda. Waxa uu kula yartamayaa booskiisii maadaama uu madi ahaan jiray. Waxa kale oo uu ku ciriirinayaa waxyaabaha uu ku cayaaro. Inu masayr jiro waxa la dareemi karaa isla maalinta uu dhasho kan ka yari. Maalintaas labada waalid waxay ku jiraan bandow ku saabsan dhalashada ilmaha cusub iyo daryeelka dhallaanka iyo hooyadii. Haddaba haddaanay si dhaqsi ah ugu baraarugin arrinkaasi, waxa uu si tartiibtartiib ah isugu beddelaa nacayb iyo cadowtinimo ilmaha weyni u qabo dhallaanka cusub, taasi oo markaasi saameyn ku yeelanaysa xaaladdiisa nafsiyadeed iyo tiisa caadifadeed. Cadowtinimadaasi waxay la saanqaaddaa mar kasta oo ay waalidku kordhiyaan daryeelkooda dhallaanka cusub.

Haddaba waalidka waxa la gudboon inay arrintaasi u dhug lahaadaan oo ay halkii kasii wadaan daryeelkii iyo jacaylkii iyo koolkoolintii curadkooda. Waa inay isku dayaan inay jeclaysiiyaan dhallaanka cusub, kuna qanciyaan inuu walaal u noqn doono, uu la cayaaro isna kaashan doonaan. Waa inay ku qanciyaan inaanu kula loollamayn jacaylka iyo daryeelka waalidka, qancintaasina waa inay si baraatiko ah u tusaan, sida hooyada oo intay soo qabato dhunkata oo hoosta gelisa iyo aabbaha oo wuxuu jecelyahay usoo iibiya, iwm.

Waalidku waa inuu si siman oo caddaaladi ku jirto wax ugu qaybiyaa curadka iyo xigeenkiisa, taasi oo markaasi kahor tegeysa, daawaynaysana masayrka iyo nacaybka, waana in caddaaladdaasi lasii xoojiyaa mar kasta ooy carruurtu sii da’ weynaataba, maxaa yeelay dareenkooda, caadifadooda, caqligooda iyo weliba fahamkooda ku saabsan caddaaladda iyo sinnaanta ayaa sii koraya oo sii bislaanaya marba marka ka dambaysa.

Simista ubadka waxa kamid ah inaan loo kala saarin lab iyo dheddig. Waxaynu ogsoonnahay in dalal badan wiilasha si gaar ah loo daryeelo oo loo gacan bidxeeyo. Ha yeeshee Diinteenna Islaamka ee naxariista badani waxay nagu waaninaysaa inaan hablaha hordhigno oo wixii hadiyad ah iyaga horta ku billowno daryeel iyo koolkoolin gaar ahna siinno. Rasuulku (SCW) waxa uu Xadiis ku yiri: (Qofkii intuu suuqa galo adeeg kasoo gada ciyaalkiisa usoo qaadaa waxa uu ka dhiganyahay sida asagoo sadaqo u sida qolo baahiyu dilatay ee hablaha ha ku billaabo wiilasha kahor).

Si kasta ood caddaalad ugu sameysid carruurta, waxa lama huraan ah inay jirayso xoogaa is-caniifid iyo is-hagarshuum ah oo ka dhex dhaca carruurta, waana arrin iska caadi ah oo qoys waliba kula qabo. Waxa dhacaysa in la murmo amaba gacanta laysula tago, midkoodna uu walaalkii ku eedeeyo inuu asagu daandaansiga billaabay. Markaasi oo kale waxa habboon in waalidku arrinka u arko inuu yahay wax iska caadi ah, haddii ay u caddaato waxa laysku haystaa inay wax fudud yihiinna waxa habboon inayba faraha kala baxaan oo aanay soo dhex gelin, carruurtu markaa iyagaa umuurohooda dhexdooda ka xallinayee.

Haddiise ay dareemaan inay arrintu soo noqnoqonayso amaba meel xun gaadho, waxa markaasi lama huraan ah inay dhex galaan ooy labada dhinacba amar ku siiyaan inay dhibta joojiyaan amaba ku jeediyaan arrin kale, seey u illowsiiyaan waxay isku haystaan, ama midkood hawl u diraan si ay u kala fogeeyaan.

Waxa loo baahanyahay inaan sidii maxkamaddii carruurta loogu kala garqaadin, taasi oo markaasi dhalinaysa in hadduu xukunku waddadiisii gefo ay abuurmayso cuqdad uu qaado kii laga xukmiyey, dreemana in laga eexday. Hadday lama huraan noqoto in arrinka canaan lagu dhameeyo waa in labadaba si isku mid ah loo canaanto oon midna la canaanan midna la daayin si loo simo carruurta.

BARBAARINTA JINSIYEED EE CARRUURTA

Barbaarinta jinsigu waxay kamid tahay noocyada barbaarineed ee ugu adag uguna dhibka badan. Weydiimaha carruurtu waalidka weydiiyaan qaar baanay kaba jawaabi karin iyagoo ka xishoonaya ka hadalka waxyaabaha qaarkood.

Ubadku wiil ha ahaado ama gabare, waxa uu billaabaa inuu isweydiiyo, waalidkana weydiiyo waxyaabo badan oo jinsiga la xiriira. Waxa uu wax ka weeydiiyaa siduu ugu abuurmay hooyadiis uurkeeda, sababta hooyada uuni uurka u yeelato oo aanu aabbuhu u yeelan, sida ay hooyadu u umusho, sababta carruurta yaryari aanay uur u qaadin amaba haweenta aan la qabin. Waxa kale oo uu ilmaha yari doonayaa inuu ogaado farqiga u dhexeeya lab iyo dhedig iyo sababta ay saa u noqotay iyo Suaalo kale oo fara badan.

Waxa haddaba caqligu ku jiraa inay waalidku weydiimaha caynkaas ah u arkaan wax iska caadi ah ooy carruurtu soo wada marto, waana inaanay ka welwelin. Waxa weliba habboon ilmuhu kolkay weydiimahaasi oo kale weydiinayaan inaan lagu aamusin ama loo diidin, maxaa yeelay markaas oo kale jawaabihii ay u baahnaayeen waxay ka raadsanayaan dad kale, taasi oo markaasi jahawareer ilmaha ku ridi karta gaar ahaan haddii lasoo siiyo jawaabo aan dhammaystirrayn amaba jawaabo si aad ah u cad oo aan ku habboonayn da’da ilmahaa isaga ah.

Waalidku waa inay diyaar u yihiin inay ilmaha siiyaan jawaab caqligal ah oo la saanqaadda dadooda, dherjisana baahidooda. Tusaale ahaan, hadduu ku weeydiiyo uurka, jawaabtu waxa weeye: (Ilaah baa carruurta geliya caloosha hooyadood), hadduu ku weydiiyo kala duwnaanta lab iyo dheddigna waxa weeye: (Adigu aabbahaa oo kalaad tahay ayaduna hooyadeed oo kale), ama (Ilaah baa wiilasha u abuuray inay ka duwnaadaan hablaha). Jawaabuhu waa inay qaab caadi ah oo deggan u dhacaan oo aanay la socon welwel, si aanu ilmuhu ugu qaadan in weydiintiisu tahay wax aan caadi ahayn, haddii kale isagaa keligii jawaab qancisa meel kale ka raadsanaya.

Waxa jira waxyaabo ay carruurtu ku kacaan kolkay u dhexeeyaan dada 3 jirka ilaa toddoba jirka sida iyaga oo mararka qaar ku raaxaysta inay bandhigaan jirkooda oo qaawan. Waxa iyana jira carruurta qaar ku faracayaara xubnohooda taranka. Haddaba waalidku waa inuu arrintaasi uga fogeeyaa si deggan, kuna jeediyaa fekerkooda waxyaabo kale, wana inuusan waalidku marnaba isku qaawin carruurta hortooda. Waxa taasi ka khatar badan hadduu ilmaha yari ogaado inay hooyadiis iyo aabbihiis isu galmoonayaan. Ogaada waalidoow inay carruurtu ku kacayaan waxa ay idinku arkaan inaad ku kacaysaan. Waa inaadan carruurta hortooda uga sheekeyn umuuro jinsiga ku saabsan. Waa inaadan isku dhunkoon dhunkasho ka duwan ta aad carruurta dhunkoonaysaan. Waa in carruurta mid walba lagu seexiyaa gogol gaar ah kolka ay dadoodu toddoba gaadho, iyadoon loo aabayeelin nooca carruurta. Waxan ula jeedaa xitaa hadday yihiin laba gabdhood ama laba wiil.

Waqtigan hadda la joogo oo guri kasta laga helayo Taleefishan iyo/ama Fiidiyow, waxa si aad ah lagama maarmaan u ah in carruurta laga fogeeyo waxyaabaha jinsiga ah. Qooysaska ku dhaqan dalalka aan Diinta Islaamka ku dhaqmin ee wax waliba caadiga yihiin, waxa loo baahanyahay inu waalidku labanlaabo dadaalkiisa, una feejignaado dhaqanka carruurtiisa, iskuna dayo intii tabartiis ah inaanay carruurtu arag muuqaallo jinsiyeed iyo jir aan asturrayn.

Gebagebadii, waa inu waalidku kaga jawaabo weydiimaha carruurta ee ku saabsan jinsiga si degganaani ku jirto, kana fogeeyo muuqaallada jisniyeed ee aan bannaanayn ee uu Taleefishanku soo bandhigayo.

MARXALADDA KURAYNIMADA

Marxaladdani waxay ka billabataa dhammaadka guga toddobaad, waxanay ku dhammaataa dhammaadka guga afar iyo tobnaad. Waxa weeye marxalad lagu diyaariyo dadnimada ubadka si uu u noqdo nin rag ah oo waxna gala waxna guda, mujtamacana kaalin wanaagsan kaga jira.

Marxaladdan, ubadku wuxuu billaabaa inu jiritaankiisa ka fekero, isuna arko inuu yahay qof jira, madax bannaan, lehna awood waxqabad iyo mid garasho isaga u gaar ah oo uu kaga maarmo ta dadka waaweyn oo waalidku ugu horreeyo. Waxa uu isku dayaa inuu beretan galo, sameeyana wax ay ka caroodaan waalidku si uu jiritaankiisa iyo madax bannaanidiisa u sugo.

Inuu yahay qof jira oo madax bannaan si uu dadka u tuso, waxa uu ku dhaqaaqaa waxkasta oo suuragal ah. Waxa uu sameeyaa waxyaabo inta badan ka duwan kuwuu hore u samayn jiray. Wax kasta oo uu leeyahay ama asaga khuseeya waxa uu u doortaa qaab isaga u gaar ah. Waxa uu yeeshaa dooq u gaar ah oo uu dharkiisa ku doorto. Waxa uu jecelyahay inuu caqligiisa iyo aqoontiisa ku isticmaalo waxkasta, kana xoroobo toosinta waalidka iyo dadka ka waaweyn. Waxa uu isku dayaa inuu xiriir bulsho la yeesho dhallinyarada asaga la jaalka ah, xiriir qaabkiisa iyo qiimihiisa asagu uu xaddidayo.

Marxaladdan, waxa lama huraan ah inay waalidku feejignaan gaar ah qabaan, daryeel dheeri ahna siiyaan barbaarinta ilmaha, maxaa yeelay waxa weeye marxalad ay kordhayaan xiriirradiisa bulsho, dugsiga uu gelayo, saaxiibbo cusubna uu yeelanayo.

Waxyaabaha qaybta libaax ka qaata diyaarinta shaqsiyadda iyo samayska dadnimo ee ilmaha waxa ugu horreeya xiriirka uu walidkiis iyo qoyskiisa la leeyahay. Xiriirkaa isaga ahi guud ahaan waxa uu ilmaha siiyaa sifooyin gaar ah oo la socda ilaa uu ka gaboobayo. Dugsigu isna raad qoto dheer buu ku reebaa shaqsiyadda ilmaha, waxana uu kula kulmaa carruur xagga aqoonta ku kala heerheer ah. Waxa uu arkaa qaar ka fariidsan oo ka aqoon badan, qaar ka maskax liita, qaar ka firfircoon iyo qaar uu asagu dhaamo, halkaasna wuxuu kula galaa beretan uu qaarna kaga guuleysto, qaarna isugu dhiibo, taasi oo iyana raad ku yeelata samaysanka shaqsiyaddiisa mustaqbalka.

Waxa iyana jira waxyaabo kale oo saameeya dhismaha shaqsiyadda ilmaha, waxana kamid ah tilmaamaha jirkiisa, sida dhererka iyo gaabnaanta, cayilka iyo caatanimada, cudurka iyo caafimaadka, iwm.

Waxyaabaha kale ee saameeyn ku yeesha shaqsiyadda ilmaha, waalidkana looga baahanyahay inay xil weyn iska saaraan waxaa kamid ah:
- Baahida uu u qabo waxyaabaha dheeggiisa qurxiya sida; cuntada, cabitaanka iyo lebiska, iwm.
- Baahida uu u qabo naftiisa oo nabad qabta, welwel iyo walaacna ka xorowda.
- Baahida uu u qabo mujtamaca uu xiriirka la yeelanayo oo soo dhoweeya.
- Baahida uu u qabo in la daryeelo, waxqabadkiisana la qiimeeyo.
- Baahida uu u qabo inuu barto tabo iyo tikniko uu noloshiisa ku anfaco.
- Baahida uu u qabo falsafad iyo fikrad u gaar ah, lana saanqaadda Dadiisa iyo caqligiisa.

Culimadu waxay yiraahdaan: Wiilkaaga todobo la cayaar, toddobo edbi, toddobana la saaxiib. Waxa kale oo la yiri: Toddobo u aayari, toddobo edbi, toddobana adeegso.

Marxaladdan barbaarineed waa mid dhib badan, sababtoo ah ubadka oo doonaya inuu waalidka ka xoroobo, xiriirro dibadda ahna sameeysta. Saa darteed waxa uu u baahanyahay in si joogta ah loo kormeero fikradihiisa, dareenkiisa, xiriirradiisa, waxbarashadiisa iyo guud ahaan baahitirka danihiisa guud.

Raaxada Guurka VII

July 1, 2007 at 2:26 pm | Posted in Raaxada Guurka | 6 Comments

BAABKA TODDOBAAD

UURAYSIGA IYO

MADHALAYSNIMADA

MACLUUMAAD GUUD

Mowduuca uuraysiga iyo madhalaysnimadu waa mowduuc aannu is leennahay aad iyo aad buu ahmiyad ugu leeyahay cid kasta oo Soomaali ah oo doonaysa inay guri degto ubadna daadihiso, maxaa yeelay waxaa ku jira macluumaad hadduu qofku fahmo uu kaga maarmi karo dhakhtar raadin iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee daba jiitamaya, kol hadday ummaddu isaga badan tahay taagooley aan xitaa bixin karin kharashka wiisitada intaanan daawaba laysla gaarin. Haddaba annaga oo mowduuca dib ka quusi doonna, bal marka hore aan ku billowno macluumaad guud oo ku saabsan jinsiga.

XAWADA

Xawadu (Manidu) waa walax duuf ah oo uu ninku ku tuuro ilma-galeenka xaaskiisa kolka uu gaaro heer biyabbax. Xawadu kolka ay soo baxayso waxay leedahay midab jaalle xigeen ah oo u eg casaanka ukunta, ha yeeshee waxay dareere dhegdheg ah isu beddeshaa kolka ay hawadu ku dhacdo. Waxa kale oo ay leedahay ur gaar ah oo uu sababo dheecaanka borostaatku.

Xawadu waxay si joogta ah ugu samaysantaa labada xiniinyood laga billaabo xilliga qaan-gaarnimada (13-15 jir), waxanay ka samaysan tahay madax ay ku jiraan Hiddo-sideyaal (Genes), iyo dib u fududeeya inay dhaqdhaqaaqdo. Xawadu waxay ku noolaan kartaa gudaha habdhiska taranka naagta muddo afar maalmood ah.

Halkii tuurmo oo xawa ahi waxay u dhigantaa 3-6cm oo saddex jibbaaran ama 220-300 milyan oo unugyo jinsiyeed (Sperms) ah.

Xawadu intaanay ka bixin jirka waxay soo martaa masaafo aad u fog oo ku dhow laba mitir oo dherer ah. Kolka istiinku uu gaaro heerka ugu sarreeya, geedka ninku waxa uu tuuraa shan ilaa siddeed tuurmo oo xawo ah isaga oo sidaasi kaga takhallusaya wax kasta oo ku jira.

CAADADA

Qanjirrada taranka ee ninku waxay maalin kasta si aan kala go’ lahayn u soo daayaan malaayiin unugyo jinsiyeed ah, ha yeeshee jirka haweeneydu taa waa uu ka duwan yahay. Haweeneyda qaan-gaarka ahi waxay leedahay keyd dhan dhowr kun oo ugxan aan bislayn, ahna kii ay weligeed isticmaali lahayd. Haddaba 26-28 maalmood oo kasta waxay haweeneydu soo deysaa hal ugxan oo bislaata bartamaha wareeg caado oo kasta, gaar ahaan maalinta 15aad marka dib loo soo tiriyo caadada xigta. Ugxantu ayadoo bisil ayay kasoo baxdaa ugxan-sidaha, diyaarna ku noqotaa luqunta ilma-galeenka (Cervix of Uterus), haddii aan muddo go’an gudeheed lagu faxlinna jirku waa uu iska soo qashin saaraa ayada oo uu la socdo xoogaa dhiig ahi, hawshaasi oo loo yaqaan (Caado).

Caadadu waxa ay ka kooban tahay afar marxaladood oo marxalad waliba ay hal usbuuc qaadanayso:

- Usbuuca koowaad ee ka dambeeya joogsiga dhiigga caadada, mid kamid ah labada ugxan side ayaa soo daaya hal ugxan.

- Usbuuca labaad ugxantu waxa ay ka soo baxdaa ugxan sidaha. Inta badan haweenku ma dareemaan ka soo baxaasi, ha yeeshee qaar tiro yar baa xanuun aan sidaa usii badnayn dareema.

- Usbuuca saddexaad ugxantu waxay soo martaa makaroofanka (Buuqa).

- Usbuuca afaraad haddii aan ugxantaasi la faxlin waa ay dhimataa, isla markaasi gidaarka ilma-galeenku waxa uu soo tufaa dhiig iyo dareere kale oo ku dheehan ugxantii dhimatay, gebi ahaantoodna waxay ka soo baxaan afka cambarka waxaana markaasi loogu yeeraa (Dhiig caado).

Dumarka boqolkiiba konton (50%) dhiiggooda caadadu waxa uu u dhexeyaa 25-75 garaam.

Haweeneyda caadada qabta waxa la gudboon inay ku dadaasho nadaafadda iyo isku bed-beddelashada dharka, mar kastana isticmaasho boolbire. Waa inaysan sariirta isku tuurin kolka ay caadadu ku dhacdo, balse ay isdaryeeshaa gaar ahaan labada maalmood ee ugu horreeya.

waxaannu soo sheegnay in 26-28kii maalmoodba mar caadadu timaado, waxase jirta in mararka qaar isbeddel yari ku yimaado muddadaasi oo ama ay 26 ka yaraato ama 28maalmood ka badato, haddiise isbeddelkaasi uu usbuuc ka bato, waxay taasi ku tusaysaa inuu jiro cudur dhakhtar u baahani. Dhiigga caadadu waxa uu socdaa maalin ilaa toddoba maalmood, haddiise muddadaasi ay ka yaraato maalin ama ka badato usbuuc waxa uu noqonayaa mid aan caadi ahayn oo dhakhtar u baahan. Waxyaabaha gooya ama dib u dhiga dhiigga caadada waxa kamid ah: Isbeddelka jawiga, ka guurista xeebta oo loo guuro magaalada bartamaheeda ama lidkeed, ka guurista ban ilaa buur ama tuulo ilaa magaalo, beddelista waqtiyada cuntada, ku qubaysashada biyo qabow, ciyaarista isboortiga, xanaaqa faraha badan, cabsida iwm. Waxa weliba intaa dheer in inantu kolka ay qaangaarayso ayaamaha dhiiggeeda caadadu aysan habeysnayn.

Dhiigga caadada soo dhowaanshihiisa dumarka qaar baa ku garta calaamado ay kamid yihiin: Calool xanuun, daal, indhaha dushooda oo culays ka fuulo, shuban, madax xanuun, tamar darri iyo suuxdin, iwm., haddiise ay gabadhu dareento xanuun aan loo adkeysan karin waxa markaasi habboon inay dhakhtar la tashato.

Xanuunka ka yimaada caadada waxyaabaha kahortaga waxa kamid ah tarbiyadda wanaagsan. Waxa nalooga baahan yahay haddii aynu nahay waalidiinta carruurta koriya in aynu u sharraxno hablaha inta ay yaryar yihiin wax kasta oo ay la kulmi doonaan mustaqbalka, si aysan kedis ugu noqon oo aanay uga welwelin caadadaasi iyo dhiigga la socda. Kolka aannu inanta kala hadlayno caadada ku dhacday markii ugu horreeysay, waa in aynu ku waaninnaa waanadan oo kale: (Caadadu ma aha cudur ama ceeb, balse waxay ku tusaysaa inad qaangaartay. Hadda laga billaabo waxaad gudahaaga ku qaadi doontaa bu’dii uu ka uunmi lahaa uurjiifku. Waxaad ogaataa in aad weynaatay ood mar dhow noqon doonto haweeney, kolka aad si wanaagsan u kortana aad carruur dhali doonto. Haddaba farax oo ducayso markasta oo ay caadadu kaa timaado, hana u aabayeelin xanuunnada yaryar ee ay keento. Dhiigga aad arkaysaa ma aha wasakh sida ay ku doodaan kuwa jaahiliinta ahi, balse waxa weeye mid caafimaad, waana hoore cunto u noqon doona carruurtaada berrito. Haddaba ka soo qaad ayada oo ay caadadu kuu tahay ballanqaad laguu ballan qaadayo farxad soo socota taasi oo ah hooyonnimo).

Inantu waxay marka ugu horreeysa caada keentaa kolkay 11-12 jirsato, waxase laga yaabaa inay da’daasi dib uga dhacdo taasi oo ku xiran jawiga ay ku kortay, cuntada ay cunto, iwm., ha yeeshee haddii ay 18 jir dhaafto iyada oo aanay weli caado ka imaan waxa markaasi habboon inay dhakhtar u tagto.

DHAXLIDDA ASTAAMAHA

Qof kasta oo bani’aadmi ahi waxa uu ka unkamaa hal unug oo lagu magacaabo (Bu’da bacrimane), taasi oo ka dhalata kolkay is galaan iskuna baaba’aan xawada ninka iyo ugxanta naagtu. Unuggaasi waa uu qaybsamaa asagoo u kala jeebmaya laba unug oo isla eg, dabeeto afar, dabeeto siddeed unug…ilaa uu ka samaysmo qof bani’aadmi ah oo ka kooban kumanaan unugyo ah.

Bu’da unugga ayaa ah halka uu qaybsanku ka dhaco. Bu’da waxa ku dhex jira koox miiqyo ah oo isku dhex miliqsan looguna yeero Koroomasoomyo (Chromosomes). Unugga jirka bani’aadmigu waxa uu ka koobanyahay 46 koroomasoomyo oo lambar labaysan (laba saf oo kiiba 23 koroomasoom ka kooban yahay).

Koroomosoomyada waxaa ku dul tixan Hiddo-sideyaal (Genes) ah kuwa iyagu xaddida astaamaha ruux kasta oo inaga mid ah u gaar ah ee lagu garto. Astaamaha sida; dhererka, midabka dubka, midabka indhaha, iwm., waxa xukuma laba qindi hidddo-side ama isku jaad ah ama isku liddi ah, kagana raran labada koroomasoom ee lambarka labeysan laba meelood oo iska soo horjeeda. Labadii qindi hiddo-side ee isku jaad ahi, astaan mideysan ayay toos ugu gudbiyaan tafiirta. Labadii qindi hiddo-side ee isku liddi ahi waxay kala xukumaan laba astaan oo isku liddi ah, mid uun baana tafiirta u gudubta (shiiqiye) iyada oo tan kale la qariyo (shiiqsane).

Haddii aynu maykariskoob ku eegno waxaynu arkaynaa in qindi kasta oo koroomasoomyo ahi isaga mid yihiin xagga qiyaasta dhererka iyo muuqaalka, marka laga reebo qindiga 23aad oo isaga koroomasoomyadiisu ay ku kala geddisan yihiin xag muuqaal iyo xag dherer intaba. Labadaa koroomasoom ee dambe mid baa dheer, dhumucda madaxiisuna weyn tahay, waxaana loo yaqaan X, midna waa uu gaaban yahay, dhumucda madaxiisuna yartahay, waxaana loo bixiyay Y. 44ka koroomasoom ee qindi-qindiga isugu jaadka ah waxa loogu yeeraa koroomasoomyo jireed, halka labada koroomasoom ee X iyo Y looga magacaabo koromasoomo jinsiyeed.

Xawada ninka iyo ugxanta naagta midkiiba waxa uu ka kooban yahay unug koroomasoomyo jireed (46 koromasoom oo lambar labaysan) barkii (23 koroomasoom oo lambar baran ah), waxaana lagu magacaabaa unug koroomasoomo jinsiyeed. Kolka haddaba ay midoobaan xawada iyo ugxantu iskuna baaba’aan, waxay yeeshaan tira buuxda oo koromasoomo ah (46 koromasoom oo lambar labaysan ah). Haddaba 46ka koroomasoom ee ay sidaan unug jireedyadu, 23 koroomasoom kamid ahi waxay ka yimaadaan xawada aabbaha, 23ka kalena ugxanta hooyada. Sidaasi daraadeed, astaamaha qofka lagu suuraadiyo barkood wuxu ka helaa aabbihii, barka kalena hooyadii.

Kolka ugxan iyo xawo isu yimaadaan oo is galaan ayay abuuraan Bacrimane (Zygote) oo ah uur bilawgii. Naagta unug jinsiyeedkeedu waxa uu ka kooban yahay 22 koroomasoom + hal koroomasoom oo dheer, waxaana loo soo gaabiyaa (22+X.). Ninku waxa uu leeyahay isagu laba nooc oo xawo ah:

- Nooc ka kooban 22 koroomasoom + hal koroomasoom oo dheer (22+X) loona yaqaan (xawo X).

- Nooc ka kooban 22 koroomasoom + hal koroomasoom oo gaaban (22+Y) loona yaqaan (xawo Y).

Labada nooc xawo ee aynu soo sheegnay waxaa ka imaan kara laba nooc oo bacrimin ah:

- Xawada (22+X) oo la kulanta ugxanta (22+X) gabarina ka dhalato (44+XX).

- Xawada (22+Y) oo la kulanta ugxanta (22+X) uuna wiil ka dhasho (44+Y).

Sidaasi buu nooca ubadku ugu xaddidmaa daqiiqadda ay dhacayso bacrimintu. Saa darteed, cilmi ahaan cidda ka mas’uulka ah nooca ubad ee dhalanayaa waa ninka iyo xawadiisa, oo hadday xawadu tahay X waxa ka dhalanaysa gabar, haddiise ay tahay Y waxaa ka dhalanaya wiil. Haddaba waxaynu halkaasi ka garan karnaa in haweeneyda iyo ugxanteedu aanay wax door ah ku lahayn xaddidaadda nooca ubad ee dhalan doona, waana macluumo loo baahan yahay inay ogaadaan ragga ku eedeeya mararka qaarna kuba fura haweenkooda gabdho ay dhaleen aawadood. Tan kale, miyaanay ragga caynkaas ahi akhrin Aayadahaan:

}Eebbe asagaa iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, wuxuu abuuraa wuxuu doono, cidduu doono wuxuu siiyaa gabdho, cidduu doonana wiilal. Amaba wuxuu isugu daraa wiilal iyo gabdho, cidduu doonana waxa uu ka dhigaa madhalays, isagaa wax og, awoodi karana{ (Suutar As-Shuuraa: 49, 50).

BACRIMINTA

Halkii jeer ee ay galmo dhacdo, waxaa gudaha cambarka gala qiyaastii 300 milyan oo xawo ah, ha yeeshee dhowr boqol oo qura ayaa gaara ugxanta. Xawadu intaanay ugxanta gaarin waa inay cambarka ka gudubtaa. Cambarka gudihiisa waxa ku badan Aysiidha, xawaduna waxay u baahan tahay jawi Alkali ah , Aysiidhuna ku yartahay.Waxaa markaa lama huraan ah inay xawo aad u fara badani halkaasi ku xasuuqmayso. Xawadii intay ka badbaaddo xasuuqaasi, dareeraha duufka ah haleesha ayuun baana gaaraysa ugxanta oo bacriminaysa.

XAWADA WIILKA IYO TAN GABADHA

Waxaynu hore u soo sheegnay in xawadaY ay tahay ta uu wiilku ka dhasho, halka X ay tahay ta ay gabadhu ka dhalato. Waxase jira waxyaabo kale oo ay ku kala duwan yihiin labadaasi nooc ee xawo:

- Xawada X waa ay ka madax ballaaran tahay xawada Y.

- Tirada xawada Y waa ay ka badan tahay tirada xawada X.

- Xawada Y waa ay ka firfircoon tahay ta X, ha yeeshee waa ay ka keyd yartahay, sidaa daraadeedna ka hordhiman ogtahay.

- Xawada X waa ay kaga adkeysi badan tahay ta Y Aysiidha cambarka.


UURAYSIGA

Xawadu kolka lagu tuuro cambarka, waxay isugu tagtaa guntiisa meel u dhow afka ilma-galeenka oo isagu soo daaya dareere xawada ugu dul meereysta sida ay shinnidu buulkeeda ugu dul meereysato, dabeetana u kaxaysta dhanka afka ilma-galeenka. Masaafada u dhaxaysa halka ay ugxantu taallo iyo afka ilma-galeenku waxay dhantahay 150 cm., muddada ay xawadu u socoto halkaasina waxay u dhigantaa muddada uu nin lugaynayaa ku jari karo masaafo 8 km ah. Waddadaasi u dhaxaysa ugxanta iyo afka ilma-galeenku waa mid jiirooyin badan, waxaana ku yaal qanjirro iyo maqaarro badan oo laalaaban, kuwaasi oo wiiqa socodka xawada oo isaga lagu qiyaasay o.333 mm/sec.

Xawadu waxay u baahan tahay muddo 5 – 7 saacadood ah si ay u jarto masaafada u dhexeysa cambarka iyo (makaroofanka), halkaasi oo ay ugxantii ku sugayso. Haddaba suuragal ma aha inuu faxal dhaco waqtigaasi kahor, welibana mararka qaar waqtigu intaasi waa uu ka badanayaa, sababta oo ah waxaa kulmaya ugxantii oo aad u yar iyo xawadii oo aan haysan waddo toos ah. Xilligaasi xawadu waxay u muuqataa sidii ciidanka gargaarka degdegga oo raadinaya nin ku dhex lumay buuro aan sahal lagu dhex mari karin.

Maadaama jirka haweeneydu uu diirran yahay, qoyan yahayna, waxaa suuragal u noqonaysa xawada inay ku dhex noolaato muddo laba ilaa afar maalmood ah iyada oon lumin awooddii faxlista. Xawadu waxay ka tagtaa labada makaroofan gashaana gudaha caloosha, dabeetana hareereysaa ugxansidaha, iyada oo raadinaysa meel ay u marto ama ay suuragal tahay inay ugxantu ka soo baxdo, waxaanay saacado badan u sugtaa imaatinka ugxanta sidii eeyo ugaareed oo hor fadhiya god bakayle.


GOORMA AYAY BACRIMINI DHICI KARTAA?

Si aynu su’aashaasi uga jawaabno aynu derisno afartaan xaaladood:

- Hadday galmo dhacdo muddada u dhaxaysa maalinta ay haweeneydu ka qabaysato dhiigga caadada, ilaa iyo afar maalmood kahor maalinta ay ugxantu diyaarka u tahay in la faxlo, xawadii waa ay dhimanaysaa intaanay la kulmin ugxantii, maadaama aanay noolaan karin wax ka badan afar maalmood, sidaasi daraadeed bacrimini ma imaan karto.

- Hadday galmo dhacdo afar maalmood ilaa iyo maalin kahor xilliga ugxamaynta, xawada inteeda badani waa ay dhimataa, qaar baase gabbaadin ka dhigta raacana dareeraha duufka ah, halkaasina ku suga soo bixitaanka ugxanta. Markii muddo la joogaba qaar xawadii kamid ah ayaa dibadda u soo baxa si ay bal u hubiyaan inay ugxantii soo baxday iyo in kale, halkaasina ay Aysiidha cambarku qaar kale kaga leysaa. Ugu dambeynta hal xawo ayaa laga yaabaa inay nasiib u yeelato inay ugxantii la kulanto, halkaasina ku bacrimiso. Xawada qura ee ay suuragal tahay inay wax bacrimiso waa nooca X, maadaama aanay Y muddada intaa la’eg noolaan karin keyd cunto iyo adkaysi yaraan aawadood.

- Haddii la isu galmoodo maalinta ugxamaynta ilaa iyo 24ka saac ee xiga, ugxanta ayaa ah markaasi tan iyadu sugaysa inay xawadu u timaado, sidaasina bacrimintii ku dhacdaa. Xawada wax bacrimin karta xilligaasi waa Y, maadaama ay ka firfircoon tahay X, kagana hor marayso ugxantii oo diyaar ah.

- Haddii la isu galmoodo kolkay 24 saac ka soo wareegto ugxamaynta iyo wixii ka dambeeya, nasiib darro ugxanta oon noolaan karin wax ka badan 24 saac aawadeed, ayay intay quusato murugo u dhimataa.

Waxaad halkaasi ka garan kartaa in muddada ah afar maalmood kahor iyo 24 saac kadib maalinta ugxamayntu ay tahay waqtiga ugu habboon ee bacrimini dhici karto.

Su’aashii aynu mar dhoweyd ka jawaabnay haddaynu si kale isu weydiinno, qaab kalena uga jawaabno, waxay noqonaysaa sida tan:

GOORMA AYUU UUR IMAAN KARAA?

Baaritaanno ay sameeyeen culimo fara badan oo ku xeel dheer cilmiga caafimaadka gaar ahaan cudurrada dumarku, waxay caddeeyeen in ugxantu ay ka tagto ugxansidaha 15 maalmood kahor caadada xigta, ama haddaynu si kale u niraahno maalinta 15aad kahor inta uusan imaan dhiigga soo socdaa. Sidaasi bay haddaba ku xaddidi kartaa islaantu wareegga dhiiggeeda caado, iyada oo taasi ka tixraacaysana ay sii sheegi kartaa goorta ay ugxamayn doonto.

Waxaynu hore usoo sheegnay inay xawadu jirka haweenta ku jiri karto muddo (48) saacadood. Haddaba haweeneyda wareeggeeda caado uu yahay 26 maalmood oo kasta, waxaa la faxli karaa inta u dhexeysa maalinta 9aad ilaa 13aad, iyada oo loo eegayo xisaabtaan:

26 – 26 -

15 = 15 =

__ __

11 – maalinta ugxamaynta 11 + maalinta ugxamaynta

02 = intay nooshahay xawadu 02 = nolosha ugxanta

______ ______

09 maalinta ugu horreysa ee ay 13 maalinta ugu dambeysa eey

faxlisi dhici karto faxlisi dhici karto

Muddada ay suuragal tahay inay faxlisi dhacdo

Waxaa intaa dheer inay suuragal tahay inay ugxantu hor marto ama dib dhacdo laba maalmood, sidaasi bayna dhakhaatiirtu ugu dareen muddadaasi aynu soo sheegnay 2 * 2 = 4 maalmood oo kale oo ka dhigan waqti nabad gelyo.

09 – maalinta sagaalaad 13 + maalinta 13aad

02 = muddo nabad gelyo 02 = muddo nabad gelyo

__ __

07 maalinta ugu horreysa 15 maalinta ugu dambeysa

ee ay faxlisi dhici karto ee ay faxlisi dhici karto

Muddada ay suuragal tahay inay faxlisi dhacdo


Sidaasi bay haweeney kasta oo wareegga caadadeedu uu yahay 26 maalmood ay uur ku qaadi kartaa inta u dhexeysa maalinta 7 – 15aad kolka laga soo tiriyo maalintay caadadu ku dhacday. Haweeneyda caadadeedu 27ka maalmood tahay waxay uur qaadi kartaa inta u dhexeysa maalmaha 8 – 16aad. Tan 28ka maalmood 9 – 17, tan 29ka 10 – 18, tan 30ka maalmoodna waxaa suuragal ah inay uur qaaddo inta u dhexeysa maalinta 11aad iyo maalinta 19aad laga soo billaabo maalintii ay ka timid caadadii ay ka qubaysatay.

Haddaba maxay samaynaysaa haweeneydu si ay u garato maalmaha ay uurka qaadi karto?. Jawaabtu waxa weeye:

- Waxay si sax ah oo jadwalaysan muddo dhowr sanadood ah u qoraysaa taariikhda ay caadadu ka timaado.

- Iyada oo jadwalkaasi la kaashaneysa waxay ogaaneysaa taariikhda caadada soo socota.

- Taariikhdaasi waxay ka tuuraysaa 15 maalmood, dabeetana waxaa soo baxaya waqtiga ugxan jiifka.

- Si ay wax farqi ah oo dhici kara uga hor tagto waa inay ku dartaa waqtigaasi laba maalmood oo ka horreeysa iyo laba ka dambeeysa, sidaasina uu waqtigu ku noqonayo shan maalmood.

- Shantaasi maalmod waxay ku daraysaa 2 * 2 = 4 maalmood oo kale, iyada oo laba maalmood oo kamid ah laga soo qaadayo inay xawadu gaartay kahor waqtigii la filayey, labada maalmood oo kalena ay noolaan karto kadib waqtigii la filayey inay noolaato, sidaasi bayna haweeneydu ku uuraabi kartaa oo qura 9 maalmood oo ku jira bartamaha bisha caadada.


KHALKHALKA JADWALKA CAADADA

Waxaa marmar dhacda in ay caadadu ka soo hormarto ama ka dibdhacdo waqtigeedii. Haddaba waxyaabaha khalkhalka geliya jadwalka caadada waxa ugu horreeya kuwa soo socda:

- Cudur ku dhaca haweeneyda (cudur caadi ah).

- Uurka, dhalmada, dilanka iyo cudurrada haweenka.

- Jawiga oo isbeddela, sida gabadhii ku noolaan jirtay magaalada oo u guurtay tuulo iyo taasi lidkeed.

- Jirka oo daal ba’ani ka haayo, sida kan ka dhasha socdaalka dheer, guuritaanka, cayaaraha isboortiga, iwm.

- Shaqada oo isbeddesha sida guri joog noqotay teeb garaacdo.

- Welwel, baqdin ama naxdin fara badan sida kuwa ka dhasha geeri ku timaada xubin ehelka ka tirsan ama saaxiib, mehersiga, guurka, iwm.

Waxyaabahaasi aannu soo sheegnay haddii ay ku dhacaan nuska hore ee wareegga caadada, waxa dhacaysa in isbeddel ku yimaado dib u dhiga ama soo hor mariya caadada. Si haddaba looga hor tago khalad kasta oo dhici kara, waa inay haweeneydu degsataa jadwal tusaya waqtiga ay caada bileed kastaa bilaabato. Iyada oo jadwalkaasi ka tix raacaysa, haddii ay ogaato in wareeggaasi uu habaysan yahay, dusha ayaabay ka qaybi kartaa, waxaana markaasi suurtagal noqonaysa inay awood u yeelato inay sii sheegto waqtiga ay bil kasta ugxamayn doonto. Waxay markaasi qoraysaa waqtiga kuna daraysaa afar maalmood oo ka horreeysa iyo afar ka dambeeysa, si ay u hesho (9)ka maalmood oo ay suuragal tahay inay uur qaaddo. Kolka ay caadada xigtaa timaadana, waxay ka tuuraysaa (15) maalmood si ay u hubsato inay saxsan tahay iyo inkale.


CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH

Waxaa jira dhowr calaamadood oo lagu garto inay haweeneydu uur qaadday, ha yeeshee calaamadahaasi middoodna keligeed kuma filna inay tusaale cad u noqoto jiritaanka uurka, balse waa in la helaa iyaga oo isku duuban si loo hubiyo in uur jiro.

1- Caadada oo istaagta:- Calaamooyinka lagu garto uurka bilawga ah tan ugu caansan, uguna saxsani waxa weeye caadada oo joogsata. Ha yeeshee, haddii ay dhacday faxlistu waxyar kahor imaatinka dhiigga caadada, waxa suuragal ah inuu dhiiggaasi caadadu soo laabto bisha dambe, sababta oo ah xawadii u gudubtay ilma-galeenka ayaa dul meereysanaysa ugxan-sidaha iyada oo sugaysa ugxan soo baxda, taasi oon soo baxaynin ilaa ilma-galeenku dubka rogto xilliga caadada. Haddaba waxaa laga yaabaa inay galmadu dhacday kahor dhiigga caadada, ha yeeshee faxlistu ay dhacday dhiiggaasi kadib. Arrintaasi dumarku ma garanayaan mana rumaysanayaan, iyada oo middood kolka dhakhtar ku yiraahdo uur ayaad leedahay, ku qaylisa (suuragal ma aha , caadaaba iga timid galmadii kadib eh sideen uur ku yeelan karaa?). Waxaa marmar dhif ah dhacda in dumarka qaar ay dhowr jeer caadadu ka timaado inta ay uurka leeyihiin, ha yeeshee sida caadiga ah caadadu waa ay istaagtaa kolka uurku billowdo. Guud ahaan haweeneyda uu waqtigeeda caadadu u jadwalaysan yahay waxay xaq u leedahay inay isu qaadato qof uur leh kolka uu dhiiggu ka soo daaho waqtigii uu ka imaan jiray.

2- Matagga subaxdii:- Matagga subaxdii ay haweeneydu matagto waa calaamadda labaad oo lagu garan karo uurka. Uurjiifku waxa uu ka samaysmaa ugxanta hooyada iyo xawada aabbaha. Haddaba maadaama dhismaha borotiineed ee xawadu uu ka duwan yahay kan jirka haweeneyda, waxaan shaki ku jirin in ay xawadu ku tahay jirkaasi soo galooti, taasi oo markaasi keenta in haweenka badankoodu ay ku sumoobaan usbuuca ugu horreeya uurka. Jirka haweenku maalintii waa uu u adkaysan karaa sunta soo galootiga ah maadaama kilyaha, sambabada iyo qanjirrada dhididku ay si wanaagsan u shaqaynayaan, ha yeeshee kolka habeenkii shaqada xubnahaasi ay yaraato, suntii ayaa ku ururaysa dhiigga, kolka ay haweeneydu subaxdii hurdada ka toostana waxay billowdaa shuban iyo matag maadaama ay jirka bani’aadmiga caado u tahay inuu dibadda isaga saaro wixii sun ah ee soo gala. Sidaasi ayuu mataggu subaxdii u yahay wax iska caadi ah, iyada oo looga dan leeyahay in dibadda looga saaro sunta gashay ilma-galeenka. Mataggu waxa uu billowdaa subaxdii isla marka ay haweeneydu hurdada ka toosto iyada oon wax cunin waxna cabin. Waxaa mararka qaar dhacda inuu mataggu haayo maalintii oo dhan muddo dhowr bilood ah, una diido inay raashin qaadato, kuna dhaliyo caatanimo iyo tamar darri, isaga oo weliba mararka qaar gaarsiiya heer lagala gaaro dhakhtar ilmaha ka soo tuura si uu iyada u badbaadiyo, waase arrin dhif ah.

3- Ilma-galeenka oo ballaarta:- Mar kasta oo uurjiifku sii weynaadaba ilma-galeenku waa uu sii ballaartaa, dhakhtarkuna qalabkiisa gaarka ah ayuu arrintaasi kula socdaa, ha yeeshee haweeneyda uurka lihi ma dareento inta uu ilma-galeenkeedu weynaanayo.

4- Ibaha naasaha oo midabbaysta:- Ibaha naasuhu bilaha dambe ee uurka waxay yeeshaan midab aad u madoow. Sidoo kale waxaa samaysma khadka dhexe ee isku xira xuddunta iyo bisaqleyda, kaasi oo baaba’a kolka ay haweeneydu umusho.

5- Caloosha oo buurata:- Dumarka kuwooda khibradda yari waxay u qaataan in usbuuca horeba caloosha buurani ay uur sheegayso, mana garanayaan in aan uurjiifka caloosha laga dul garan karin ilaa laga gaaro bisha shanaad, isaga oo wixii marxaladdaasi ka horreeya si tartiib-tartiib ah u sii weynaanaya ilaa uu soo muuqdo

6- Dhaqdhaqaaqa uurjiifka:- Dareeraha lagu magacaabo (Aminotic) ayuu uurjiifku u dhex dabaashaa sidii rah berkad biyo ah ku dabaalanaya oo kale, isaga oo weliba sameeya dhaqdhaqaaq sida kan raha oo kale ah. Dhaqdhaqaaqaasi sida caadiga ah waxa uu billowdaa kadib kolka ay xubnaha uurjiifku koraan bartamaha xilliga uurka, kaasi oo ku beegan laga billaabo usbuuca 21aad.

7- Wallaca iyo degganaan la’aanta:- Waxaan shaki ku jirin in isbeddellada ku dhaca dhiiggu ay reebaan degganaan la’aan maskaxeed iyo mid nafsiyadeed intaba, arrinkaasi oo haweenka intooda badani u fasirtaan inuu yahay uur bilawgiis. Waxaa kale oo haweeneyda ku billowda wallac, iyadoo ku dhex meereysata noocyada kala duwan ee cunto. Cuntooyinka qaar aad bay u qaadataa gaar ahaan kuwooda borotiinka iyo sokortu ay ku badan yihiin, iyada oo mar dalbata kalluun, mar cunta qajaar, mar wax dhanaan cabta mar kalena shukulaato yuuyuubata. War iyo dhammaantiis, haweeneyda wallaca ahi waxa ay codsataa cuntooyin ka duwan kuweedii caadiga ahaa, waxaana laga yaabaa inay marmar jecleysato noocyo cunto yaab leh, sida iyada oo intay kalluun dubkiisa qaba saliid ku shiilato dabeeto isku sii deeysa. Isbeddelladaasi rabitaan waxaa barbar socda isbeddello kiimikaad oo ku dhaca dhiigga haweeneyda.

Wallucu waxa uu mararka qaar la yimaadaa isbeddel ku dhaca dabeecadda haweeneyda marka laga eego la dhaqanka ninkeeda, oo ama waxay u jeclaataa sidii ay awal u jaclayd si ka daran amaba waxaa dhiba araggiisa iskaba daa hadal iyo la dhaqan eh. Nin dhallinyaro ah oo aynu saaxiibbo nahay baa dhowr sanadood kahor iiga sheekeeyey dhibaato ka qabsatay wallaca gabar ay isqabeen, waxaanu hadalkiisa ku billaabay sidatan: (Gabar baannu isjaclayn annaga oo weli dugsiga sare dhiganna. Kolkii aan waxbarashadii dhammeeyey ee aan shaqo billaabay baan gabadhii reerkeedii ka doontay, saa waa la’ii diiday. Aniga iyo gabadhii waxaynu go’aansannay inaynu isguursanno, maadaama aan masruufan karo. Waanan isguursannay oo guri jacayl degnay.

Waxaynu subag iyo malab isu ahaannaba, dhowr bilood kadib bay gabadhii la soo baxday dabeecad hor leh. Waxay billowday inay sabab iyo sabab la’aanba iska kay caaydo, qoladayda caaydo, quruxdeyda caaydo, shaqadeyda caaydo!. Ay indhaha isaaraysaba intay shaqaday haysay faraha ka qaaddo bay caay af-labadii iila soo fariisataa. Waxaan go’aan ku gaaray in aan ka dhuunto, oo habeenkiina imaado ayada oo hurudda, subaxdiina aroor hore ka dheelmado amaba meela kale soo seexdo. Saa way iraadisaa, wax kale maaha eh si ay ii caaydo oo karaamadayda dhulka ugu masaxdo, anna waan ka cararaa. Maalintii dambe ayay iga-kor-timid anigoo rag saaxiibadaya dhex fadhiya. Markay wixii caay dunida jiray soo afuuftay bay “ifur” kusoo af-jartay, anna illeyn dulqaad shalay baaba iigu dambeysay eh, saddexdeedii baan dusha ka saaray anigoon u sarrifin. Saa kalmad dambe ma ayan orane way iska dhaqaaqday.

Gurigii baan saacado kadib tegey, si aan waxaan duunyo lahaa uga qaato ayadana reerkeedii ugu diro.

- War nacas yahaw wallac baan ahaye maxaad iigu dulqaadan weyday!!!.

Intaa markay tiri baan sidii nin baraf ku da’ay gebigay qarqaray. Waa ubad kii iigu horreeyey, waa gabadhaan dumar oo dhan ka doortay oon weliba reerkeedii isku dilnay, waa saddex dalqadood!!.

- Naa inkaar qabto, maxaad iigu sheegi weyday sidaa uma degdegeene!!.

Waa cudur daawa beelaye, halkii baa lagu kala dareeray. Gabadhii wiil bay dhashay iminka toban jir dhaafay, ha yeeshee taan dumaroo dhan ka doortay dib la’isuguma soo noqon ).

Haddaba sidii horeba loo yiri (cudurka oo waxa uu yahay la gartaa waa daweeyntiisa barkeed), haweeneyda ogsoon degganaan la’aanta ku soo korortay inay ka dhalatay uur ay qaadday, waxay u dhaqantaa si aad uga wanaagsan tan aan garanayn meel looga yimid una haysata inuu cudur halis ahi haayo. Waxaan shaki ku jirin in ogaanshahaasi uu ku dhiirri gelinayo inay u dul qaadato uurka iyo dhibaatooyinkiisa, wax walibana u hurto hooyanimada ku soo fool leh. Waxaa haddaba waajib ku ah bulshada ay ku dhex nooshahay oo uu ninkeedu ugu horreeyo inay ahmiyad siiyaan waxyaabaha ay jammanayso, una dulyeeshaan isbeddellada ku yimaada dabeecaddeeda, kana waantoobaan inay ku jees-jeesaan wallaceeda. Waa inay ku dadaalaan sidii ay haweeneydaasi miskiinta ah ugu tari lahaayeen wax allaale iyo wixii ay awooddoodu saamaxayso, ilaa iyo inta ay ka baxayso ciriiriga ay ku jirto uguna soo noqonayso xaaladdeedii caadiga ahayd.


XADDIDISTA XILLIGA UMMULISTA

Dhakhaatiirta kuwa ugu aqoonta badani ma awoodi karayaan inay sii sheegaan maalinta iyo waqtiga ay haweeneyda uurka lihi ummuli doonto, arrinkaasi oo ilaa iyo hadda aanay jirin cid garanaysa aan ka ahayn Eebbihii ina abuuray. Waxa keliya ee ay dhakhaatiirtu awoodi karaan waxa weeye inay soo dhoweeyaan maalintaasi.

Sida loo badan yahay muddada u dhaxaysa uuraysiga iyo ummulistu waxa weeye 266 maalmood, waxayse dhibaato ka imaanaysaa sidii lagu xaddidi lahaa maalintuu uurjiifku caloosha hooyadii galay.

Waxaa jirta dariiqo kale oo taa ka sahlan, waxana weeye in muddada uurka laga soo tiriyo maalintay caadadii udambeysay haweeneyda ku dhacday, maalintaa iyo maalintay ummuli doontana waxa u dhaxayn kara siday dhakhaatiirtu ku doodayaan 280 maalmood.

Haddii haddaba ay haweeneydu doonayso inay soo dhoweeyso maalinta ay ummuli doonto si ay isugu diyaariso, waa inay maalintii ay ku dhacday caadadii ugu dambeysay diiwaan gelisaa, oo ka jartaa saddex bilood kuna dartaa toddoba maalmood. Tusaale ahaan, haddii maalintay caadadii ugu dambeysay ay ku dhacday intaanay uurka qaadin ahayd 05/07/2001, dib ha u tiriso saddex bilood (05/04/2001), hana ku darto (7) maalmood, sidaasina waxay ku ummuli doontaa abbaaraha maalinta 12/04/2002, haddii Allaha awoodda lihi idmo.

Waxaa isna jira hab kale oo ay gaar ahaan Soomaalidu ku xisaabaan maalintay u maleynayaan inay haweeneydu ummuli doonto, kaasi oo ah inay tiriyaan sagaal bilood iyagoo kasoo xisaabinaya maalintay haweeneydu ka qubaysatay caadadii ugu dambeysay. Tusaale ahaan caadadii ugu dambeysay hadday ka qubaysatay 01/01/2002, waxay filayaan inay ummuli doonto 01/10/2002.

Guud ahaan, hababka aynu soo sheegnay inkastoon 100% lagu kalsoonaan karin oo aanay sahal ahayn sidii laysu waafaji lahaa ummulista islaanta iyo taariikhda la odorosay, haddana farqigu saa uma sii badna, waxase habboon in dhowr usbuuc taariikhdaa kahor la’iska sii diyaar garoobo.


MADHALAYSNIMADA

Ninka caafimaadkiisa jireed uu wanaagsan yahay, awoodna u leh inuu wax dhalo, xaaskiisana dhowr sanadood u galmoonayey iyada oon wax uur ah qaadin, waxa uu u qaadanayaa inay haweeneydiisu tahay madhalays. Waxaa haddaba caadi ah inay haweenku rimi waayaan sanadka koowaad ee aqalgalka, taasi ooy ugu wacan tahay habdhiskooda taranka oo sanado badan soo dayn jiray ugxan aan la faxlayn, iyo iyaga oo kacsigoodu aanu gaarin heer ay rimitaan diyaar u noqdaan. Waxay arrintaasi ka dhigan tahay sidii gaari habeenkii baraf ku da’ay oo matoorkiisu uu subaxdii u baahan yahay in la kululeeyo muddo dheer kahor inta aan la dhaqaajin. Waxaa kale oo laga yaabaa in samayska iyo bisaylka xubnaha taranku aanay dhamays tirnayn, sidaasi daraadeed ay isdifaacaan si aanay u uuraabin iyada oon la gaarin waqtigii ku habboonaa.

Waxaa caadi noqotay in haweeneyda oo rimi weyda sababteeda iyada dusha laga saaro oo haddii muddo dhowr sanadood ah uur ku soo bixi waayo la yiraahdo waa madhalays, taasi oo ah mid ka soo hor jeedda mandiqa. Haddii aan la caddayn in ninku wax rimin karo, waa khalad in mas’uuliyadda rimay la’aanta haweeneyda dusha laga saaro. Haddaba, ninku waa inuu isagu marka hore xawadiisa baaro oo hubiyo inuu sito xawo awood u leh inay wax faxasho. Waxay dhakhaatiirtu caddeeyeen in 30% xaaladaha dhalma la’aanta mas’uuliyaddeeda uu ninku leeyahay.

Waxaa habboon in aan qofna eedda la saarin, balse baaritaan la sameeyo lagu ogaado qofka jirran, si dabeeto markaa loo daweeyo. Waa in mar waliba la xusuusnaado in Eebbe ubad-siinta isagu haayo, waana ka Aayaddiisa Qur’aanka ah ku leh:

}..Cidduu doonana waxa uu ka dhigaa madhalays, isagaa wax og, awoodi karana (Suurat As-Shuuraa: 50).

MADHALAYSNIMADA NINKA

Sababaha ugu waaweyn ee ninka ku keena madhalaysnimada waxaa kamid ah:

1- Ciniinnimo:- Ciniinnimadu waxa weeye inay ninka ku dhacdo tamardarri jinsiyeed iyo inuu galmada dhamaystiri waayo. Taasi waxa keeni kara geedkiisa oo si buuxda u kici waaya ama gebi ahaanba aan kicin. Baab dhan baannu kaga hadalnay ciniinnimada.

2- Degdeg u biyabbax:- In kasta oo geedku uu si buuxda u kacayo haddana biyaha ayuu tuuraa isla marka ay dhalfadu cambarka gasho amaba inta lagu jiro hordhaca, kolkaasi oo intuu damo uu tamar dhigo.

3- Xawada oo aan bislayn:- Amaba tiradooda iyo inta ka nooli ay yaryihiin, taasi oo markaasi keenaysa inay xawadu awood u yeelan weydo inay wax faxasho.

MADHALAYSNIMADA NAAGTA

Madhalaysnimada haweeneyda waxa keena cudurro fara badan oon halkaan lagu soo koobi karin, balse aynu ka taabanno inta ugu caansan:

1- Cambarka oo ciriiri noqda:- Geedka ninka oo si buuxda u geli kari waaya cambarka, biyahana ku daadiya afkiisa hore ama meel aan ka fogayn ayaa kamid ah waxyaabaha haweenka ku keena madhalaysnimada, waxaana mararka qaar dhacda in murqaha cambarku ay xilliga galmada gariiraan taasi oo markaasi keenta inuu dibadda iskaga soo tuuro xawada

2- Qaababka galmo een habboonayn:- Waxaa la wada ogsoon yahay in dumarka caadiga ahi ay uur ku qaadaan qaab kasta oo loogu galmoodo, iyaga oo u baahan qaddar yar oo xawo (sperms) ah si ay ugu gudbaan waddooyinka jirka, dabeetana uu midkood ugu guulaysto inuu faxlo ugxanta. Ha yeeshee dumarka qaar bay dhibaato kaga timaadaa rimayga. Dumarka caynkaasi ah raggooda waxay dhakhaatiirtu ku waaniyaan inay ugu galmoodaan qaabab sahlaya in tirada ugu badan ee xawo ahi ay cambarka gasho. Qaababkaasi oo aynu hore u soo sharraxnay, waxa kamid ah inay haweeneydu u seexato dhabarka iyada oo barkimo doolasha iska gelinaysa si ay cambarka sare ugu soo qaaddo dabeetana gelitaanka geedka ninku ugu sahlanaado, taasi oo xawada gacan ku siinaysa inay si degdeg ah ku gasho ilma-galeenka. Kolka ay galmadu dhammaato, waa inay haweeneydu muddo dhowr saacadood ah iskaga jiifto dhabarka iyada oon wax dhaqdhaqaaq ah samayn, taasi oo markaasi kahortag u ah soo laabashada xawada, fududaysana inay ilma-galeenka u gudubto.

3- Afka ilma-galeenka oo ciriiri noqda:- Taasi oo mararka qaar keenta inay xawadii ka daadato iyada oon gelin. Ciriirinimada afka ilma-galeenka guud ahaan waxaa keena gabadha oon si wanaagsan u qaaangaarin ama u bislaan.

4- Ilma-galeenka oo qallooca:- Ma aha dhif iyo naadir in la’arko madhalaysnimo sababteedu tahay qallooc ku yimaada ilma-galeenka. Ilma-galeenka caadiga ah afkiisu waxa uu u jeedaa dhanka hoose, halkaasi oo ay xawadu ku soo shubanto kolka islaantu ay dhabarka u jiifto. Haddiise ilma-galeenku qallooco, afkiisa ayaa ka fogaada afka cambarka, mar kasta oo qalloocaasi sii fogaadana waxaa yaraata rajada laga qabo inay xawadu gasho ilma-galeenka. Qallooca ilma-galeenku waxa uu keenaa in dhakhtar loo baahdo iyo marmar qalliin.

5- Qabow jinsiyeed (Kacsi la’aan):- Sida caadiga ah kolka ay haweeneydu kacsato waxaa xubneheeda taranka buuxiya dhiig, dabeetana maqaarka xubnahaasi waa uu kululaadaa, qanjirraduna soo daayaan dheecaannadoodii, murquhuna isku laablaabmaan, laablaabankaasi oo keena in ilma-galeenka afkiisu soo nuugo xawadii. Haddaba haweeneyda baaridka ah (aan kacsan), ilma-galeenkeedu wax dhaqdhaqaaq ah ma sameeyo, taasi oo markaasi yaraysa nuugista xawada iyo rimayga intaba.

6- Ugxan la’aanta:- Dumarka qaar baa joojiya soo saarista ugxanta, taasi oo inta badan horseedda caadada oo ka istaagta, haddii aanay haweeneydu caado keeninna waxaa lagu tiriyaa madhalays.

Guud ahaan madhalaysnimadu waxay noqon kartaa mid joogta ah ama mid waqti ku xiran oo ay keenaan dhibaatooyin haddii laga hor tago amaba la daweeyo laga gudbi karo.


TALOOYIN LA SIINAYO DUMARKA AAN UURAABIN

1- Dheereeya muddada galmada:- Ragga qaar baa u haysta in inta jeer ee haweeneyda loo galmoodo oo la kordhiyaa ay keento uur. Haddaba taasi run ma aha, waxase loo baahan yahay in la dheereeyo muddada ay qaadanayso halkii galmo intii saddex iyo afar jeer lagu celcelin lahaa isla muddadaasi in la’eg.

2- Dhowr usbuuc xabbadda joojiya:- Waxaa looga baahan yahay labada isqaba kolkay arkaan inuu uurkii daahay, inay joojiyaan galmada muddo dhowr usbuuc ah si dhiigga haweeneydu uu fursad ugu helo inuu iska qashinsaaro hadduu jeermis ku jiray, jeermiskaasi oo xawada dila, sidaasina ku hor istaaga uuraysiga.

3- Biyaha macdanta ah isku daaweeya:- Waxaa dhacda in biyaha macdanta ah (mineral water) oo cabistooda la badsado ay daawo keento, sababta arrintaasina lama garanayo ilaa iyo iminka.

4- Waqti go’an isu galmooda:- Waxaan ula jeedaa in galmada loo badiyo ama xoog la saaro waqtiyada ugu badan ee ay haweeneydu uuraabi karto, iyada oo laga tixraacayo jadwalka wareegga caadada.

5- Saacadaha galmada beddela:- In labada ruux ee isqbaa ay beddeshaan saacadaha iyo weliba qaababka ay isugu galmoodaan si aad ah bay faa’iido ugu leedahay. Tusaale ahaan, halkii ay isaga galmoon jireen habeenkii iyaga oo daallan, waxaa habboon inay u dib dhigtaan ilaa iyo aroortii salaadda subax dabadeed xilligaasi oo intuu daalkii ka ba’ay, jirkooduna nastay, ay firfircoonaantii soo ceshadeen. Kolka ay kala dhammaystaan waa inay in door ah seexdaan. Kolka ay toosaanna intay biyo kulul ku qubaystaan ay markaasi ku quraacdaan quraac nafaqo leh oo ukun iyo waxyaabo kale oo abitaaytka furaa ay ku jiraan. Taasi waxay markaasi keenaysaa inuu kordho dareeraha dubka iyo qanjirradu, dabeetana ay kororto rajada laga qabo inay haweeneydu uur qaaddo.

Raaxada Guurka VI

July 1, 2007 at 2:23 pm | Posted in Raaxada Guurka | 12 Comments

BAABKA LIXAAD

CINIINNIMADA NINKA

WAA MAXAY CINIINNIMADU?

Guurku si uu aragga dabool ugu noqdo ibtana gaashaan, waa in labada isqaba mid waliba rabitaankiisa kan kale kaga haqabbeelaa, isna ka haqabtiraa. Haddiise midkood howshiisii gudan waayo (taasi oo ku imaan karta aqoon-darri ama awood-darri (Ciniinnimo) amaba iimaan-darri), qoysku waxa uu markaasi qarka u saaran yahay inuu burburo.

Ciniinnimadu waxa weeye kolka uu ninku galmada u gudan waayo ciniinnimo uu ku dhashay ama cillado la soo gudboonaaday aawadood, waxanay leedahay saddex weji oo kala ah:

- Wejiga koowaad: Ninka oo geedkiisu nabadqabo oo uu kacayo, galmana ka qaybgeli karayo, ha yeeshee aan xawo lahayn oo si kastoo uu gacaladiisa ugu galmoodo ay gebagebadu halkii raaxo laga dhowrayey rafaad uun sii noqonayso, waana sida ruux gaari afarta marsho u dhammaystiray, ha yeeshee aan garanayn si loo joojiyo oo kolkuu fariinka qabo is yiraahdaba sii sheellareeya.

- Wejiga labaad: Ninka oo xawo leh, ha yeeshee geedkiisu aanu galmo ka qaybgeli karin. Taa haddaynu sii faahfaahinno, waxa weeye in aanu kacayn marnaba, ama uu damayo intaanay galmadu billaaban amaba inta lagu guda jiro sidaasina aanu ku dhammaystiri karin, amaba intuu degdeg xawada iskaga tuuro, dabeeto raaracsamo, taasi oo haweeneyda ku ridda qalbijab iyo xanuun, mar haddaanay biyihii kusoo joogsaday iska saari karin, maadaama uu ninkii hawsha la waday horteed ka faraxashay oo geedkiisii hurdo bidil la yiri. Kolkay arrintu noqoto mid joogta ahna waxay haweeneyda ku dhalisaa rabitaan la’aan iyo inaanay murugo iyo xanuun mooyee galmada ka qaadin macaantii ay ka sugaysay, sidaasina ay iyada lafteedu ku noqoto Ciniin halkay isaga ka ciniin-bixin lahayd.

- Wejiga saddexaad: Isagii oon xawana lahayn, galmana ka qaybgeli karayn, waana wejiyada ciniinnimada kan ugu daran Eebbe ha’inaga hayee.

Abwaan Soomaaliyeed oo Ciniinnimo ka gabyayaa wuxuu yiri:

Wax kalaa lagaa caawiyaa cidi ku siisaaye

Cimrigaa ba’ waa qoorohoo caajis kaa galo’e

MAXAA KEENA CINIINNIMADA?

Waxaa jira dhowr waxyaalood oo loo aaneeyo inay iyagu sababaan Ciniinnimada ninka iyo carqaladaynta galmada, waana kuwa soo socda:-

1- Niyadda oon joogin:- Ninka oo xilliga galmada niyaddiisu aanay joogin oo meel kale ku maqan, amay murugo iyo cabsiyi hayaan sababo galmada ka baxsan awgood, awoodina waaya inuu niyadda hal meel isugu geeyo, sidaana geedkiisu ku kici waayo, galmadana ku dhammaystiri waayo. Umuurtaasi nafsiyanka ah raadkeeda waxaa la dareemi karaa isla habeenka xaaska loo dhiso (aqalgalka), taasi oo ka dhalata cabsi uu kaqabo ninnimadiisa iyo inuu intuu xaaskiisa cusub bekra-jebin waayo ama galmada siday ahayd u gudan waayo, dabeeto ay xaaskiisu fikrad xun ka qaadato (aaminto inaanu iyada waxba dhaamin). Haweeneyda lafteeda ooy cabsi iyo wewel badani lasoo dersaan habeenkaasi, sida iyada oo ka baqda bekra-jebinta, waxay ninka ku reebi kartaa raad kii hore la mid ah.

2- Qaanuunka Xeerka Qoyska:- Qaanuunka xeerka qoyska ooy dalalka Islaamku kaga daydeen kuwa reer galbeedka, waxa uu sheegayaa inaanu qoysku dhali karin wax ka badan hal ilaa iyo laba carruur ah. Haddaba ninka oo qaanuunkaasi u dhega taaga waxaa ka dhasha in kolka uu islaantiisa u tegayo uu si aad ah uga baqo inay uur qaaddo, sidii iyadoo hadday uur qaaddo balaayo ku habsanayso iyaga, maalkooda iyo caafimaadkooda intaba. Cabsida caynkaas ahi waxay saameysaa raaxadii laga dhowrayey galmada, maskaxda oo meel kale ku mashquulsan awgeed.

3- Xishood:- Ninka oo ka xishooda galmada gaar ahaan kolka guurku ku cusub yahay waxay keentaa inu awoodi waayo inuu xaaskiisa far u dhaqaajiyo amaba galmada dhammaystiri waayo.

4- Turriin dheeraad ah:- Ninka oo xaaskiisa si aad ah ugu tura, una suga intay iyadu ka biyabbaxayso, kolka ay biyabbaxdana ay tareenka uga degto, ooy sidaasi xaajadii isaga ugu qalloocato, keligiina u dhammaystiri waayo galmadii.

5- Cudur ka Baqid:- Ninka oo ka baqa inuu qaado cudurrada jinsiga ee aynu maalmahaan dambe maqalno, kuna dhaca dadka sinaysta iyo kuwa iyagoo isku cayn ah isu galmooda, ha yeeshee Eebbe cudurrada caynkaas ah wuu ka dhowraa labada qof ee xalaasha isku doortay.

6- Nadaafad iyo daryeel la’aan:- Haweeneyda oo aan isdaryeelin, jirkeeda daryeelin, nadaafadda daryeelin, ninkeedana kala hortagta qabow jinsiyeed iyo dharkay jikada kula jirtay, tinteeda sidii qof waalan daafiba meel u jeeddo, halkuu caraf iyo udgoon ka dhowrayey shiir iyo ur iska soo hormarisa, kuna salaanta dacwo, qaylo iyo dood. Arrimahaasi waxay midmid ama kolkay isbiirsadaan keenaan inuu ninku galmada ka soomo.

7- Shaqo culus oo la qabto:- Ninka oo shaqo dheer oo culus qabta, gurigana ku soo laabta isagooba naf ah, raashin iyo jiif waxaan ka ahaynna rabin. Hadduu haddaba sidaasi galmo ku samee isyiraahdo kolkuu billaabo buu tabar iyo taag u waayaa inuu dhammaystiro, waxaana laga yaabaa hawshii oo socota in isaga iyo geedkiisu ay hurdo is barkadaan.

8- Cillado Nafsiyadeed:- Dadka qaar baa aaminsan khuraafaad iyo waxyaabo qof caqli bartii lihi aanu aqbali karin, sida labada qof midkood oo aaminsan in maalinta Arbacada aan la’isu galmoon kii kaloo ‘ilkaha ku sida’, ama subaxda xigta habeenka aqalgalka ooy reerka gabadhu dhowrayaan maro dhiig leh, iyagoo aroor hore intay kusoo dheelmadaan qoyska cusub, ka qaadaya maraday huwadeen, kuna waraya aqalka daaraddiisa, si ay dadka u tusaan inay inantoodu bekro daahira tahay. Sidaasina waxa uu ninku kaga baqaa inuu xaaskiisa bekra-jebin waayo iyo inuu ku dhaco imtixaanka weyn ee sugaya (berritto laga waayo maradii dhiigga lahayd ee laga dhowrayey), welwel iyo cabsi dartood buuna markaasi galmadii ku dhamaystiri waayaa.

9- Hordhac la’aan:- Ninka oon wax hordhac iyo istiimin ah galmada u samayn, oo gabadhii oon godlan geedka ku booba, sidaasina laga yaabo inay kaga hortimaado ama shaqada ula garbin weydo, dabeetana kolkuu arko inuu keligii ceel shubayo ku hungoobo oo qabow jinsiyeed ka qaado.

10- Galmada oo bargo’da:- Galmadii oo lagu guda jiro hadday duruufo gaar ihi yimaadaan sida; albaabka oo la garaaco, labada qof oo mid loo yeero, ilma yaroo ooya, amaba ay ku baraarugaan urta suugo dabka saarrayd oo gubatay. Waxyaabahaasi oo dhami waxay firdhiyaan fekerka labada qof, kolkaasi oo intuu geedka ninku damo xawadiina ku noqoto markaasi laga yaabo inuu dib dambe u kici waayo, hawshii galmaduna sidaasi ku bargo’do.

11- Waqtiyada Galmada oo la kala fogeeyo:- Labadii galmo ee isku xiga oo maalmo badan amaba bilo loo dhaxaysiiyo, ninkuna sidaasi galmala’aanta ku qabatimo oo aanuba u baahan, hadduu is yiraahdo galmo sameena uu geedku si fiican u kici waayo biyuhuna degdeg uga baxaan, una maleeyo inuu cudur haayo. Haddiise uu markaasi kedib galmada joogteeyo oo maalin ama laba u dhaxaysiiyo, waxaa usoo noqota awooddiisii caadiga ahayd.

12- Galmada oo la sameeyo Caloosha oo buuxda:- Waxyaabaha kale ee ciniinnimada keena waxaa kamid ah ninka oo xaaskiisa u taga calooshiisa oo raashin ka buuxo, xilligaas oo dhiiggu mindhicirrada ku shubmayo si uu uga qaybgalo shiidista cuntada, maskaxda iyo jirka intiisa kalena uu aad ugu yaryahay. Ninka markaasi oo kale waxay mashaqo ka qabsataa siduu hawsha galmada u gudan lahaa, waxana wanaagsan inuu sugo waqti ku filan si uu dhiiggu ugu soo noqdo xubnaha intoodii kale, geedkuna awood ugu helo kicitaankii loogu baahnaa galmo buuxda. Waxaa la yiri: “Ninkii cimri dheer doonayaa qadada ha dedejiyo, cashada ha daahiyo, dumarna ha yaraysto, hadduu dhergan yahayna haba ka dheeraado. Haddaba waxa habboon in raashin waxtar leh la cuno, ha yeeshee saddex ilaa iyo afar saacadood loo dhaxaysiiyo waqtiga wax la cunayo iyo waqtiga lagu tala jiro in dumarka loo tago

13- Qaadashada Daawooyinka:- Ninka oo cuna daawooyinka qaar jirka iyo geedkaba dabciya sida; daawooyinka loo cuno dhiig karka, daawooyinka xanuunka joojiya iyo kuwa la siiyo dadka qaba cudurrada dhimirka.

14- Hormoonnada Ragannimo oo liita:- Ninka hormoonnadiisa ragannimo oo heerkoodu ka hooseeyo xaddigii looga baahnaa, waxaa ka dhasha rabitaankiisa jinsiyeed oo yaraada iyo geedka oo raaracsama, taasoo dhiillo gaarsiisa dhamaystirka galmada ama uu marka horeba billaabisteeda awoodi waayo.

15- Cudurka Sokorta:- Cudurka Sokortu waxa uu dhaawacaa qanjirrada maskaxda ee quudiya xubinta taranka, waxana uu keenaa inuu is dhimo istiin qaadashada ninku iyo in geedkiisu u kici waayo sidii la rabay. Waxaa iyana suuragal ah in cudurku aanu qanjirrada waxyeelleyn, balse qabitaankiisu uu keeno cudur nafsiyadeed, maxaa yeelay waxa uu ninka qabaa isdareensiiyaa inaanu cudurka hayaa daawo lahayn. Sidaasi buuna uga qaadaa quus iyo murugo ku keenta rabitaan la’aan jinsiyeed iyo weliba caafimaad darro guud,

16- Cayilka:- Cayilka faraha badani isna waxa uu waxyeelleeyaa jirka, gaar ahaan wadnaha iyo xididdada dhiigga qaada, taasi oo markaasi dhibaato u geysata awoodda jirka guud ahaan iyo ta galmada gaar ahaan. Dhakhaatiirtu waxay sheegaan in ragga sida xad dhaafka ah u cayilan uu iska dhimo hormoonka labnimada ee lagu magacaabo ‘Testoceteron’, uuna ku kordho hormoonka dheddignimada oo isna lagu magacaabo ‘Astrogen’. Sidoo kale daawooyinka loo isticmaalo iscaatayntu iyaga laftooda ayaa keena ciniinnimada, maxaa yeelay daawooyinkaasi ama waxa weeye hormoonno qanjirrada waxyeelleeya, ama waa daawooyin ka hortaga cunto qaadashada amaba waa qaar kaadida badiya. Guud ahaan dawooyinkaasi waxay waxyeelleeyaan caafimaadka iyo awoodda ninka oo ay ku jirto tiisa galmo.

17- Sigaar cabista:- Sigaar cabista faraha badan iyana waxaa la caddeeyey inay hoos u dhigto awoodda galmo ee ninka, gaar ahaan kolka uu afartanka ka gudbo, mana laha daawo aan ahayn inuu sigaarka iska daayo.

18- Cunista Qaadka:- Qaadka oo in mukhaddaraadka lagu daro iyo in laga daayo ay weli dood weyni ka taagan tahay, dad badan oo Soomaaliyihina cunaan, ka sokow dhibaatooyinkiisa dhaqaale iyo bulshadeed, waxa uu gacan ka geystaa ciniinnimada ragga. Dhibaatooyinkiisa haddaynu waxyar ka taabannana waa sidatan:

- Ninku kolku qaadka cuno aad buu galmo niyadda ugu hayaa, ha yeeshee geedkiisu ma yeelanayo awood kicitaan raalligelin karta isaga iyo xaaskiisa midna.

- Ragga qaarbaa kolkay qaadka cunaan xawada ceshan kari waaya oo kolkay suuliga galaan ay kaadida raacdaa.

19- Daawashada Dumarka Ajnabiga ah:- Ninka oon indhihiisa ka dadban dumarka ajnabiga ka ah, amaba daawada aflaamta anshaxa iyo asluubta wax u dhimaa, waxay gayeysiisaa in jirka xaaskiisa uu xiise u qabi waayo, waana taa sirta ku jirta guurka xalaasha ah ee la yiri aragga waa u dabool ibtana waa u gaashaan.

HABABKA LOOGA HORTAGO CINIINNIMADA

1- Bisqinta oo la xiiro:- Bisqintu (Shuunku) waxa weeye timaha kasoo baxa xubnaha taranka rag iyo dumarba dushooda. Bisqinta oo la xiiraa waxay gacan ka geysataa koritaanka xididdada dhiigga qaada xilliga kacsiga. Sidoo kale waxay cambarka ka ilaalisaa dhibaatooyinka dibadda kaga yimaada.

2- Timaha Kilkilaha oo la rifo:- Kilkiluhu waxay soo daayaan ur aan la jecleysan oo ka timaada taranka malaayiin Baktiiriyo ah oo ka dhasha dhididka meeshaa ku uruuraya. Haddaba timaha oo halkaasi laga guraa waxay fududeysaa nadiifinta maqaarka iyo daloollada dhididka.

3- Gudniinka:- Gudniinku waxa weeye in la gooyo Qolfada (Beejada) ku dahaaran dhalfada geedka ninka iyo in waxyar laga jaro Kintirka gabadha.

Gudniinka faa’iidooyiisa waxaa kamid ah:-

- Waxa uu ka takhallusaa qoyaanka duxda ah ee ay qolfadu soo deyso loona yaqaan (Baaro), kaasi oo kolka uu bato qurma ayna ka dhalato ur laga yaqyaqsado.

- Waxa uu yareeyaa cudurka Kansarka, waxaana la caddeeyey inu cudurkaasi ku badan yahay waddamada aan ragga laga gudin.

- Gudniinka carruurtu waxa uu yareeyaa kas la’aan isugu kaadinta habeenkii.

- Gudniinku waxa uu yareeyaa Seegaysiga, maxaa yeelay kurayga qolfada lihi waa uu ku cayaaraa, tiiyoo keenta in geedkii caroodo oo kacsi cirka iskula shareero, dabeetana suu u maraanmarayo una macaansanayo biyihii ka yimaadaan, sidaana seegaysiga ku caadeysto.

- Ragga la guday muddada galmadoodu waa ay ka dheer tahay kuwa lamidka ah balse aan la gudin, waana ay kaga fiican yihiin raaxaysiga iyo u raaxaynta dumarkooda.

- Gabadha oo sidaan soo sheegnay loo gudaa, waxa ay ka dejisaa kacsiga faraha badan, kuna dhalisaa dhowrsanaan iyo inay ninkeeda ku koobnaato, isaga laftiisana aanay dusha ka saarin wax aan tabartiis ahayn.

4- Darab dhaqashada:- Waxa loola jeedaa nadiifinta xubinta taranka iyo dabada kadib kolka uu qofku saxaroodo ama kaadiyo, waana umuur waajib ku ah qof kasta oo Muslin ah. Darab dhaqashada waxaa lagu bi’iyaa wasakhda qofka ka timaada, urta xun eey la timaado iyo weliba malaayiinta cudur-side ee isugu soo baxa kuna urura goobahaasi. Waxa kale oo ay yareysaa faafidda dullinka iyo cudurrada.

5- Qubayska:- Qubaysku waxa weeye waajib mar kasta ooy galmo dhacdo. Galmada qubayska waajibisaa khasab ma aha inay noqoto mid dhammaystiran, oo mar haddii inta gudan ee geedka ninku (dhalfadu) ay gasho gudaha cambarka, ha biyabbaxo ama yaanu biyabbixine, qubays baa isaga iyo xaaskiisa labadaba ku waajibay.

QAABKA QUBAYSKA WAAJIBKA AH

- Niyayso inaad qubays waajib ah qubaysanaysid.

- Dhaq xubnaha taranka, dabeetana gacmaha iska dhaq.

- U weyseyso sidaad ugu weyseysan jirtay Salaadda, lugahase katag.

- Qubayskii billow adiga oo madaxa iyo garka biyaha dhex gelinaya.

- Si fiican biyaha madaxa ugu shub ilaa ay ka hooraan.

- Jirka ka dhaq dhanka midig.

- Dhaq dhanka bidix.

- Haddaad tahay qof cayilan, biyaha gaarsii meelaha jirku ka laablaabmo ee ay dhici karto in aanay keligood gaari karayn.

- Dabeeto lugaha iyo cagaha iska dhaq

- Waad dhammaysay, ha yeeshee biyaha dhabiil oo haku dhayalin.

DOORKA DARMAANTA

Ciniinnimada ninka haysaa haddaanay ahayn mid cusbitaal iyo qalliin u baahan, balse tahay mid nafsiyadeed oo waqti ku xiran, u heli meyno ninkaasi dhakhtar kaga wanaagsan darmaan uu jecel yahay iyana jecel oo ku daaweeysa istiimin iyo dhiirri gelin.

Haweeneydu kolka ay aragto in ninkeeda degganaan la’aani hayso, waa inay isweydiisaa haddii ay iyadu sabab u tahay iyo inkale, waana inay tamar iyo taag waxay leedahay isugu geysaa sidii ay gacalkeeda u badbaadin lahayd. Waa inay raaxadeeda qayb kamid ah u hurtaa sidii ay wax waliba dabeecigoodii ugu soo laaban lahaayeen. Waa inay dib ugu hurisaa qalbigiisa dab jacayl isaga oon dareemin, tiiyoo intay mar waliba miraayadda hor tagto oo hadba meel iska jebiso dhar cusubna qaadato, beddesha habkii ay u shanleysan jirtay iyo barafuunnadii ay isticmaali jirtay. Waa inay ku dadaashaa cuntada ay siiso, iyada oo wax waliba ka hor marinaysa cuntooyinka rabitaankiisa kiciya sida; kalluunka, hilibka, beerka, ukunta, cabitaannada la miiro, iwm.

Sidoo kale waa inay guriga quruxdiisa ku dadaashaa, kolka ay ninkeeda la joogtana si waayo aragnimo ah isugu dartaa ereyo jacayl, xodxodasho iyo kaftan. Haweeneyda uu ninkeedu ciniin noqdo waxaa lagama maarmaan ah inay waqtiga galmada u dhaqanto si xilkasnimo ku jirto, sababta oo ah ninka caynkaasi ah oo ka dareema xaaskiisa degganaan la’aan waxaa u kordha dhaawac iyo quus dheeraad ah. Waa inay ismoogeysiisaa ciniinnimada ninkeeda, kaftan iyo faracayaarna ugu dhaqaaqdaa. ninku kolka uu arko xaaskiisa isku darsatay qurux, soojiidasho iyo furfurnaan, waxaa markaasi sare u kaca rabitaankiisa jinsi.

Waxa la’isku raacay in dumarka waqtiga galmada reema, ereyada ay dheguhu ku raaxaystaanna ku aadaaraa ay toosiyaan dareenka ragga kuwa ugu ciniinsan. Waxa la yiri nin baa mid kale weydiiyey: “Dumarkiinna ka warran”. Markaas buu ugu jawaabay: “Waxay ku daran yihiin dhunkashada, dhuuqmada iyo lugo dhinac ka marinta”. Markaas buu kii su’aasha keenay intu yiri: “Kol haddaanay inta aad sheegtay qaylo dhaan ku dereyn aniga way iga dhinteen” halkii uga dhaqaaqay.

Waxaa la yiri: (Nin baa u yimid Cali bin Abii-Dhaalib (RC), kuna yiri: “Amiirul-Mu’miniinow waxaan qabaa naag markaan utegayo tiraahda: (Waad idishay..waad idishay!). Markaas buu Cali (RC) ku yiri: “Dil anigaa diyadeeda bixinayee”).

Haddaba haweeneyda, ha qabo nin ciniin ah ama mid calaacul sitaaye, waxaa laga doonayaa inay ninkeeda dareensiido inuu khatar yahay oon ragannimo u laabnayn, geedkiisana xumaan iska daaye aanay asagaba xamili karin, xitaa haddaanay ayadu xaajo ka lahayn.

TALOOYIN LA SIINAYO NINKA CINIINKA AH

1- Beddel qaababka iyo xilliyada galmada.

2- Ahmiyad iyo feker badan ha siin galmada, hana u aabayeelin kutiri-kuteenka dadku isla dhex marayo.

3- Haasaawaha iyo hadalka macaani waa lama huraan intaanay hawsha galmadu billaaban, iskana jir inaad xaaskaaga kufsato.

4- Waxaa laga yaabaa inay Ciniinnimadu kugu soo gaadhay dhaxal, ayna habboon tahay inaad baaritaan caafimaad samaysid.

5- Utag xaaskaaga xilli jirkaaga iyo maskaxdaaduba ay deggan yihiin oo aanad dareemeynin wax welwel iyo degganaan la’aan ah toona.

6- Iska ilaali seegada iyo galmada xaaraanta ah.

7- Aragga indhahaaga cesho cibaadada Eebbena badso.

DAAWEYNTA DABIICIGA AH EE CINIINNIMADA

Borotiinnada laga helo cuntooyinka ay kamidka yihiin Hilibka cad sida Kalluunka iyo Digaagga iyo weliba Caanaha iyo Farmaajada cadi waxa ay sameeyaan hormoonno kordhiya kacsiga iyo rabitaanka ragga.

Fitamiin A waxa uu kamid yahay waxyaabaha aan looga maarmin tamarsiinta habdhiska taranka ninka, isaga oo awood siiya qanjirka Borostaatka iyo Qooraha, kana qaybgala cusbooneysiinta unugyada dhinta iyo dardargelinta kuwa tabarta daran. Fitamiin A waxa uu ka buuxaa Karootada iyo khudaarta iyo furutada fareeshka ah inteeda badan.

Fitamiin B1 isagu waxa uu gacan ka geeystaa xoojinta qanjirrada taranka iyo firfircooneynta insiimada qabta shaqooyinka bayolojiyeed ee jirka. Ninka uu fitamiinkaasi ku yaryahay waxaa ku dhaca tabar-darri, rabitaan la’aan iyo geedka oo ka raaracsama hawshii galmadana si wanaagsan u gudan waaya.

Fitamiin D, waxaa loogu yeeraa (Fitamiinka Jinsiga), maxaa yeelay waxa uu kamid yahay waxyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu daaweeyo madhalaysnimada. Wuxuu door weyn ka cayaaraa daryeelka tubbooyinka xawada ee ku jira xiniinyaha ragga, yaraantiisuna waxay kamid tahay waxyaabaha ugu badan ee ragga madhalaysnimada ku dhaliya. Fitamiinka waxa laga helaa khudaarta caleenleyda ah iyo Firileyda sida Qamadiga.

Cuntooyinka la caddeeyey waxtarkooda waxa ugu horreeya kuwa caloosha dhaqso ugu shiidma, jirkana degdeg uga baxa:

- Kalluunka iyo Aragoostada:- Waxay kamid yihiin waxyaabaha Borotiinnada iyo Fitamiinnada laga helo kuwa ugu wanaagsan.

- Hilibka Digaagga iyo Ukunta:- Degdeg bay xiidmaha ugu shiidmaan, xawadana waa ay kordhiyaan.

- Shimbiraha: Sida Booloboolada, Dagiiranka, Qoolleyda, iwm., hilibkoodu waxa uu hilibkoodujjjj faa’iido gaar ah u leeyahay bekra-jebinta, waxaana arrintaasi bariga dhexe laga ogaaday kumanaan sano kahor. Masaaridu ilaa iyo maantadaan la joogo qoyska cusub hilibka Shimbiraha uunbay uqooshaan habeenka aqalgalka.

- Xummuska: Xumuska keligii ama isagoo malab lagu iidaamay. Caalimkii la oran jiray Ibnu Siinaa waxa uu qoray in Xummusku kordhiyo ragannimada iyo rabitaanka jinsiga, sidaa daraadeed waxa calaf looga dhigi jiray Faraska labka ah iyo Ratiga kolka la rabo inay dheddigooda abaahiyaan.

- Basasha:- Basashu Geedka way kicisaa, xawadana kordhisaa.

- Baqdooniska (Parsley):- Waxaaba loo yaqaan Fitamiinka ubad dhalista.

- Timirta:- Timirta waxaa ku jira Fitamiin D, madhalaysnimada ka hortaga, waxanay culimada qaar u yaqaannaan (Fitamiinka Taranka).

- Jarjiirka (Rocket):- Waxa uu kordhiyaa samayska xawada iyo awoodda jinsiyeed ee ragga.

- Karootada:- Waxay gacan ka geysataa daaweynta tabar-darrida guud ee jirka oo ay ku jirto ta jinsigu.

- Karafiska (Gelery):- Waa firfircooneeye jinsiyeed fariid ah, waxaana loo isticmaalaa ansalaato ahaan.

- Xabbat Sowdada:- Xawada ayay kordhisaa.

- Heylka:- Heylka ay Soomaalidu shaaha ku darsadaan, waxa uu firfircooneeyaa wareegga dhiigga iyo rabitaanka jinsi ee qofka.

- Sacfaraanka:- Ubaxa Sacfaraanka waxaa ku jira maaddooyin kordhiya awoodda jinsiga.

- Lowska: Lowska (Fuul Suudaaniga) isaga waxaan lagula tartameyn kordhinta tirada iyo tayada xawada, iyadoy weliba intaa u dheer tahay kacsiga ninka iyo culayskiisa oo uu kordhiyo.

- Sanjabiilka: Sanjabiilku caarkana wuu adkeeyaa calooshana jilciyaa, wuxuuna si gaar ah u cajabiyaa ragga cimrigoodu hore u batay.

- Cabitaannada: Cabitaannada qaar baa jira kordhiya xawada, mar walba oo uu ninku cabana kacsi la miyir beelo , waxana ugu horreeya Qorfaha iyo Xulbada.

ROSHEETOOYIN LAGU TALINAYO

- Soo qaado koob Malab ah iyo koob barkii Basal la ridqay ah, oo isku kari ilaa iyo inta urta basashu ka ba’ayso, markaa hal macalgo ka qaado raashin kasta dabadii, adigaa wax dareemi doone eh.

- Macalgo Xabbat sowdo shiidan ah intaad ku jebiso toddoba xabbo oo ‘Ukun guri’ ah, maalin dhaaf u qaado muddo bil ah, waxaad kala kulantana ha iga qarsan.

- Saddex gabal oo Toon ah dalaq sii raashin kasta dabadii.

- Saddex macalgo oo Saliid Xabbat sowdo saafi ah, ku jebi toddoba xabbo oo Ukun guri ah, kuna dar saddex macalgo oo Malab ah, waxaas oo dhanna makiinad iskula shiid, raashinka dabadiina qaado.

- Macalgo Malab ah ku dar laba garaam oo Sanjabiil ah iyo laba garaam oo Qarfo la shiiday ah, aroor kastana cun intaadan wax kale carrabkaaga saarin.

- Caanaha Lo’da oo saafi ah ku dar laba macalgo oo Sanjabiil shiidan ah, xoogaana dabka isla saar. Hal bakeeri oo weyn ka cab habeenkii hal saac kahor xilliga galmada. Kolkaad Sanjabiilkaa cabtana iska ilaali inaad wax cunto ah ka daba geysid ilaa ay galmadu kasoo gebagebowdo.

- Soo qaado shamaca Malabka (25g), Miski (5g), Cambarka Nibiriga oo dabiici ah (10g), Saliidda Xabbat sowdada (25g) iyo Sokor (5g). Intaad isku wada qastid ku karkari dab deggan ilaa iyo intay si wanaagsan isu dhex dabaalanayaan, midabkooduna ka noqonayo madow xigeen, dareerihiina isu beddelayo cajiin xigeen. Dabeeto intaad dhalo yar ku shubatid, dhig meel aanay carruurtu ka gaari karin. Galab iyo subax ka qaado qaddar aad u yar oo le’eg madaxa kabriidka kuna cab shaah, saddex beri kadibna ii war keen.

- Iniinyaha Karafiska (Gelery), Jarjiirka (Rocket), Fijilka (Radish), Karootada (Carrot), Sanjabiilka iyo Xabbat sowdada, intaad mid waliba (25g) kasoo qaadatid, si wanaagsan u shiid kuna cajiin hal kiilogaraam oo Malab saafi ah, dabeetana macalgo yar raashinka dabadii ka qaado, adigoo weliba badsanaya cabista Canabka iyo Karootada la miiray iyo cunista Ukunta guryaha. Kolkaad intaa dhammaysana Eebbe idankii amankaag baad arki.

- Soo qaado Ukunta guryaha oo intaad meel yar ka daloolisid ka daadi xabka cad, daloolkana uga dar Malab. Intaa kedib cajiin bur uga dabool daloolkii yaraa oo foornada xoogaa ku shiil ama weel biyo ku jiraan intaad dhex dhigtid dabka la saar. Dabeeto intaad ukunta soo saartid, waxa ku jira ka cab iyagoo kulul, bil walbana hal usbuuc sidaa yeel, daawo kuuma dhinnee.

- Soo qaado dhowr xabboo Ukun ah, intaad caddaanka ka daadisid, shaharka subag ku shiil, dabeeto intaad Malab dhex dhigtid ku cun Muufo laga dubay bur aan la xashirin. Haddaad subaxdii quraac ka dhigatid ama habeenkii cuntid saacado kahor xilliga galmada, ogow daawo kuuma dhinnee.

FIIRO GAAR AH

- Intaad cabi lahayd biyo caadi ah, waxaa lagugula talinayaa cabista biyaha Macdanta ah (Mineral water), hana ahaato cuntada kadib, maxaa yeelay cuntada oo biyaha lagu dhex cabaa dheefshiidka ayay carqaladeysaa.

- Cuntadii horoon shiidmin mid kale ha ka daba geyn, aadna ha u dhergin.

- Adigooy calooshaadu buuxdo isboorti ha cayaarin, kolkaad cayaarta bogatase waxaad doonto cun.

- Ha illaawin iscarfinta iyo naf ka farxinta.

- Ha illaawin akhrinta buugaagta ka hadla la dhaqanka dumarka, dhegeysiga sheekooyinka ay naftu ku raaxaysato rabitaankana kiciya.

- Ha illaawin daawashada quruxda darmaantaada kolkay guriga kolba daaf mushaaxayso, digsi iyo dambiilna hadba dhinac kuula dhaafayso, jirkeedana isu dareensii una sawiro qaybqayb iyo xubinxubin.

- Dumarka aan kuu bannaanayn indhahaaga ka daboolo, Dikriga Alle iyo Cibaadadana badso (Salaadda, Soonka iyo Qur’aan akhriska).


Next Page »

Create a free website or blog at WordPress.com. | The Pool Theme.
Entries and comments feeds.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.