Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
April 22, 2008 at 4:09 pm | In Sheeko, sheeko gaaban | 4 CommentsTags: jaceyl, Sheeko
Naba“……Haba baran lahaayaa, Ha u bixin lahaayaa, Iminkoon besteey ahay, Baroor miyaa wax ii qaban….. ”…
(luuqdii: Khadiijo Foodeey Nuur)
Qaybtii 1aad
Cabdulqaadir M. Wacays

Waxay ahayd goor maqrib ah oo ay isu diyaarineysey in ay aaddo golaha Internetka oo ay beryahaas si weyn ugu waalnayd. Waxay khadka MSN-ka kula ballansanayd wiil ay wada socdeen oo degganaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.
Markey timid golihii internetka, waxay durba gashay khadkii MSN-ka oo uu kusii sugayey saaxiibkeed. Markey cabbaar fadhidey bay si kedis ah u eegtay saacaddii ugu xirnayd gacanta midig. Waa 10:00 fiidnimo. Waxay fadhidey muddo seddex saac ah, waxayse iyada la ahayd in ay fadhidey daqiiqado. Intey sadarkii ugu dambeeyey ee nabadgalyeynta ahaa u qortay saaxiibkeed bay kursigii ay ku fadhidey ka kacday iyadoo degdegsan. Xogaadii lacagta ahaa ee lagu yeeshay intey iska bixisay bay albaabka ka baxday.
Dumaroow iska qosla … Ragoow ila ooya !!!kkkk
June 20, 2007 at 9:17 pm | In sheeko gaaban | 14 Comments
Waxaa bari jirtay naaga garoob ah oo iska dhaqan , waxayna lahayd xoolo badan ariba ha u badnaadee …….. waxay naagtaasi noloshaasi ku noolaataba waxaa ogooday oo ka war helay xaaladda ay ku nooshahay nin aanan hanti lahayn ……. wuxuuna aad u damcay naagtaan iyo xoolahaan markaas ayuu ku fikiray in uu xoolahaas caanohooda iska cabo hilibkoodana iska cuno , laakiin naagtu way xoolo jecleyd ……… ninkaasi wuxuu u yimid naagtii oo shukaansi ku bilaabay…… shukaansi dheer oo dhex maray ninkii iyo naagtii ayeey ku heshiiyeen ineeeey is aroosaan laakiin waxay isku xireen shuruudo.
Ninka oo aad damacweeyn oo dhinac xoolaha ah uu ku jiro ayaa yiri anigu waxaan leeyahay hal ceeb ee ha ii qaban :……… “waxaan qabaa ismood dhaaf oo waxbaa niyadeeyda ku soo dhacaya isla markiina waxaan ku kacayaa fulintooda “.
Naagttii ayaa iyana tiri” taasi dhib malaha ee anigana mararka qaarkood waa laleelmoodaa ee adna taas ogoow” .
Sidii ayeey ku heshiiyeen wayna isguursadeen ….. markii ayaamo la isqabay oo ninkii uu oodkacii lasiin jiray iyo waxyaabihii kaleba ay dhamaadeen ayuu wuxuu ku fikiray inuu qorshihiisii uu bilaabo oo maalin waliba uu neef qasho ama uu sameeyo sababtii lagu qali laha , wuxuuna ogaaday in naagataan ay aad u xoolo jeceshahay oo aysan u baxaynin codsiyadiisa markaas ayuu inta booday ridii ay ugu jeclayd ariga bireeys ugu dhaqaaqay ……. markaas ayaa waxaa soo booday naagtii garoobta ahayd oo aan dhag laqabto lahayn ……. markaas ayeey tiri” war maxaa rida u gawracday ….”
Markaasuu ku jawaabay soo taan horay kuugu sheegey inaan qabo ismood dhaaf ,
markaas ayeey ku tiri waa runtaa ee orod iska nasoo anna waxaan soo karinayaa hilibkeeda(rida ).
Marka uu falkaas uu ku dhaqaaqayey waxay ahayd galab casir ah …. kadibna wuu baxayoo wuxuu aaday aqalka ardaagiisa wuuna isduuduubay (is hurdeeysiiyey ) si hadhowti loogu kiciye markuu bislaado hilibku.
Naagtii hilibkii markeey bisleeysay ayeey kasoo buuxisay baaf kadibna ula soo dhaqaajisay dhinaca ninkii .
Ninkii isaga ahaa oo go ku duuduuban ayaa halmar wuxuu ka war helay balaayo karkareeysa oo dusha looga shubay …. intuu cirkaas u booday ayuu ku yiri “naa maxaa nuugu daadisay fuudka iyoh hilibka karkaraaya” markaaseey ku tiri soo taan kuu sheey*** inaan laleelmo qabo !!! ………………. markasuu isagoo habaartamaya meesha ka cararay
QALANJADII GOL JANO
June 20, 2007 at 5:45 pm | In sheeko gaaban | 2 Comments
Sheeko Gaaban
qurux haween iyo qaayo dumar ayuu ebbe ku hagoogay, xushmad iyo xishood ayey astaan u laheyd, , eddadeed ayey la noo shahay, aabo iyo hooyo midna may arag,hooyo in ay laheyd dhagta ayey ka maqashay,aabihii dhalayna sawirkiisaa latusay, nasiib uma yeelan sida asaageed in ay gacanto qabsato hooyadeed kuna hataaqdo MAAMO, aabo ay ku soo roorto oo hab yiraana ma jirin, gooni ayey u istaagi jirtay marka ay caruurtu ku hayaamaan waalidkood, sidii cowl cidlla dag ah ayey docda istaagtaa,illmadana iska dudaa, waxaa hooyo iyo aabo u ahaa eddadeed RAAQIYA oo qalbigeeda alle u dhigay naxariis,kuna abbabisay wanaag iyo barbaarin haboon,waxaana ay ku hanaqaaday anshax iyo asluub wacan, mataqaan wareega, mana arag wax yiraa gacaliso, hal ku dhigyo badan oo dhalintu adeegsatana dhagool ayey ka tahay,aroos la tako taa hadalkiisa, waa geenyo dumar alle ayaa u dhameeyey qurux iyo jamaal, dheeraa ma dhudd dhabiyaa, gudduudanaa ma timirtii MADDIINAA, ilka dabranaa ma sabiibaa kuu xardhan, qofkii mar arkaa kama jaleeco, kii maqlaana gocoshaa wareenta ,GOLJANO ayey ku nooshahay,hoogeydu ku yaalaa waa casar cadceedu sii gacan haadineyso, sabootiskiina cirkey casuus ku cilaantay,dadku dheelmad ayuu ku jiraa, guryo noqosho ayey ku jireen, shinbiruhu laftiguudi buul noqod ayey ahaayeen oo hoyashada qoraxdaa la haybinayaa, XAMSE JAAMAC waxaa uu ka yimid ATLLASKII waxaa uu soo fariistay aqalka hortiisa lana kala baxay buugii, intii uuna boga rogin waxaa saaqay illeys waxa cawaray iftiin, waxaa jiitay kooraan, waxaa qalbigiisa lulashay birlab,ma waxbaa cirka ka soo dhacay mise cadceedii ayaa soo rogaal celisay, madaxa ayuu kor u qaaday indhahaa dakaamay,waxaa uu qac ku siiyey indhaha HANI oo saladdii wadata dareena la,aana hormaraysa, kana timid dukaankii eddadeed, marbuu qalbigu haraad qabtaa, dhidid la hooraa, marbay indhuhu ka salalaan araga, wuu eeggaa wuu foorarsadaa, caado uma lahaan jirin indha la raaca dumar ee maanta waddkiisaa galay, wuu istaagay, muxuu oran hadii uu daba galana, wuu dhaqaaqay, muxuuse hadal ka ka bilaabi ,bowsi xitaa ma yaqaan. wuu iska daba galay, buugiina wuu hilmaamay, qaraacday aqalkii gudahana u gashay, muxuu oran, yaa miskiin yaa kabo dacas, soo rogaal celi, halkiisiina iska fariisay, habeenkaa jiif ma laddin, waxaa uu sidaa ahaado mudo, HANINA ayna waxba ka ogyen xaaladiisa ayuu beegsaday galabtii danbe cagtana cagta u saaray, waxaa uu ku hoos qabtay geed MIRI MIRR hoostii kuna hataaqay sidii sabbi, waxaa uu usheegay inuu jecelyahay arageedii horana galaday waa xaajo ugub kuna cusub dareenkeeda, waxaa uu kiciyey shucuur u qarsoonaa, waligeed wiil lama istaagin, laakiin waxaa ay hoos isku weydiin jirtay marka ay filim daawto, alle adigana yaa ku oran doona waan ku jecelahay, waan ku hantay, qalbigaan ku galiyey,far iyo faraanti aan noqono, waa dareen ciyaarsiin jiray laakiin maanta ka hor dhab uma arag, wax ay ku jawaabto ayey weyday wayna dhaqaaday iaydoo leh, walaal waxaa aniga ha iila iman, hadal la,aan ayuu dhaqaaqay oo wali ma baran tabb loo hanto gacaladii aad u hawooto,dabnaha ayuu qaniinay jeedsina bilaabay, way dhaqaaqday, iaydoo qalbiga kaleh alle muu siiwado hadalka, ma intaa ayuu ku dhaqaaqay maxaad hadalkaa ugu tiri, waxaa kilaankileynaya hadaladii, waxaa ku daamurmay WAAN KU JECLAHAY , xaafadii ayey tagtay, habeenkii may seexan, ma taqaan dookh jaceyl mana taqaan doorsho lamaane ee waxaa culay erayadii wiilka,nin dhinbiil jacel wadaa ma haro wuu raadiyey, balan cusubna u qabtay, markan way ka duwantahay sidii hore, gooni ayaa loo baxay, mid waliba waxaa uu ibba siibay xishoodkii iyo khajilkii, waxaa ay si wada jir ah u gardaadiyeen cishqi cusub oo shaash ubaxa loo saaray, waxaa uu mid walbaa dareemay wehel waxaa deysay dhaxan ofaha ka tumaati jirtay,waxaana hal qabsi ay ka dhigteen,(arageygu waa aragaaga,muusoodkeygu waa dabnahaaga) waxaa sidaa la ahaado,waxaa soo hadashay, gabar ay eddadeed dhashay, oo joogtay UK una sheegatay hooyadeed in ay damacsantahay in ay HANI siiso baasaboorkeeda,si ay ku gasho UK macal tikitkii waa diyaar ee 3 cisho gudaheead ha ku timaado ADDIS ABABA, hadalkaasi waxaa uu farax galiyey eddo laakiin waxaa uu wareemay HANI, HANI markii ay maqashay warka cusub waxaa ay beegsatay XAMSE way ogeyd in uu caano dhan u tagay howd isbuucna maqnaan doono, waxaa ay qaraacday taleefankii, waxaa loogu jawaabaa, taleefanka aad wacday wuu kabaxay khadka, way soo laabatay, sidee ayey fariin ugu sheegtaa, yey ku aamintaa fariin, midkoodna ma laheyn saaxiibo ogaa lana socday arintoda, XAMSE laftigiisa isbuucu sanado ayuu ku ahaa, HANI safartay ADIIS tagtay, XAMSE wuu soo laabtay, nasiib xumo waxaa ka lumay MOBILKII waxaa uu damcay in uu HANI la hadlo muxuu kula hadlaa maba hayo numberkeeda,waxaa u damcay inuu u fariisto xaafadooda iyo dukaanka eddadeed, wuu waayey, kana quustay, goor uu balanbalay ayaa loos heegay in ay dhooftay, laftigeedu dhimatay oo daashay ileen waa nin uu ka lumay taleefankii araxdaranaa jaceylku,qalbi adagaa aramida galgacal, boholyow badanaa dhanbaaladiisu, talo kale ma jirto oo aan ka aheyn inuu ADIIS abaaro, dhaqaaq, una kac dhankii ADISS ABABA, nasiib xumaa dhooftay xalay oo jadwal la soo xiray waa hore ayaa hagaya, way ka dhooftay madaarkii addiis iyadoo qifkii ay atagtaaba u yaha XAMSE, goor danbe ayuu gaaray, loona sheeg in ay gaartay carigii UK, QANBARUURSI jaceyl ayuu la fariistay, , email meyna laheyn labadoodaba waxaa hurinaya jaceyl uguba oo aan laheyn qaraabo iyo qansax, midna ma yaqaan meel uu ka baadi goobo ka kale, XAMSE soo laabay,hargeysa yimid,habeenkii seexad maleh maalintiina dibad bax daa hadalkiisa oonbaa biyaha loo cabaa uumatan gaajo, XAMSE waxaa dhex yaal wadnihiisa QALAN JADII GOLJANO ee galabtii xasuusta badneyd barkatay qalbigiisa, waa dhibane jaceyle haloo gurmado QALANJADII GOLJANO HALAGA NAADIYO DHULKII AY U HAYAANTAY….
50-JIR AAN WELIGIIS GUURSAN OO KA SHEEKEYNAYA SABABTA UU U GUURSAN WAAYAY IYO HEESO UU KA SAMEEYAY SABABTAAS
June 20, 2007 at 4:37 pm | In sheeko gaaban | 28 CommentsGODOBTII MINISOOTA!
June 20, 2007 at 4:27 pm | In sheeko gaaban | 2 Commentssheeko gaaban
HUDA waa gayaan curdin ah waa geenyo dumar, ismeyna laheyn dareen caashaq ayaa ku saaqi doona ,kuma hamin aramida jaceylkaa hooygaaga soo gali, kuma seexan in ay mar seexan sidii looga bartay, banaanka ay soo fariisatay, jardiinka ay beegsatay waxaa si kadisa u soo hormaray JAMAAL oo ah wiil aan ka fogeyn xaafada HUDA dagan tahay si dhugleh ugam fiirsan wajigiisa,waqtiguna kuma simin, dareenka indhuhu wuu koobnaa dareenka qalbigaa mudu ku sii jirar, waxaa ay isweydiisaa, wiilkan xaafadee ayuu daganyahay? horay miyaanad u arag? magacii.
suura gal matahay inaad aragto, waxaa ay aheyd su,aalo soo laabtay JAMAAL kama dheera xaafada, mana aha dhalinta wareega badan, waa wiil asluub loo dhameeyey quruxna u dheertahay, HUDA kama sabrin waxaa ay raad goobta JAMAAL waxaa ay soo ogaatay in uuna ka fogeyn xaafada, waxaa ay bilowday sidii ay ugu qancin laheyd in ay jeclaatay falaar mariidina ku marantahay wadnaheega, waxaa ay tashi ula tagtay saaxiibteed SALMA waxaana go,aan lagu gaaray in JAMAAL waraaq ay uqorto HUDA una cadeyso boholyowga caashaq ee culay nafteedii, sidii ayeyna yeeshay waxaa ay qortay waraaqdii una dhiibtay wiil yar oo jaarka ah.
JAMAAL uma deyrin dhagahan kama gufeysan ee qalbiguu furay, waxaana ay ku balameen in ay kulmaan is arkaan is hor fariistaan, taasi farxad dheer ayey u aheyd HUDA waxaa ay gocotay ayey heshay waxaa ay garwaaqsatay in ay hoodo ka gaartay hadimadii ay la seexan weyday, waxaa lagu balamay jardiin aan ka fogeyn xaafada waana la kulmay, waxaa uu ahaa is arag barasho, marbay dabnuhu dhididaan dharab noqdaan mankana cabsiiyaan xareeda galgacayl, indho caashaq isma eegaan, wadno jaceyl wado dakaan ma daayo, la is baray warna la isku sheeg, HUDA falaartii ka fuqday mariidkii cosob iyo ugbaad dhado dhexjiifa ayuu noqday, JAMAAL haduu kowsaday aramida gal gacal amoora dhagala ayaa handaafiyey heehaabiyey hawaduu dulgeeyey deegaan ayuu saaray habeenkaa ma ladin hurdada, waxaa hareertiisa timaada HUDA waxaa bogiisa kilaankiliya HUDA waxaa araga wiilka iyo bog yaraha barkaday HUDA, bi, iwaa jaceylo.
Waxaa ay noqdeen lamaane leexaysta waxaa haldhigoodu ahaa ( anigu waa adiga, adiguna waa aniga), sidiisaba jaceylku salkii kuma nagaado, siday naftu mohotay kuma dhamaado, waxaa dhacay dagaal lakala yaac lakala hayaan midba meel beegsay, HUDA waxaa ay wacday xaafadii JAMAAL nasiib daro horay u hayameen, HUDA laftigoodu ma sii nagaan, dadka hayaanka ah ayey ka dhex bildhaansataa bi,iwayey beer wax jecelow, shaarkii cad waa JAMAAL, miyuu noolyahay miyuu dhintay miyey qaxeen tolow xageen ka doonaa kana naadiyaa, waa sheeko hoosaadka HUDA, hayaankii waa istaagay dadkiina waa ay soo laabteen, HUDA waxaa ay ka mid ahaayeen dadkii soo laabtay waxaa ay beegsatay xaafadii JAMAAL waxaa loo sheegay in ay reerkii joogo JAMAALNA dhaawacyaha kuna jiro isbitaalka, meyna fariisan waxaa ay beegsatay isbitaalkii waxaay huluulatay halkii loogu sheegay waxaa ay habsiisay JAMAAL dareen la,aan ayey rax ka tiri ilmadu, kuna tifiqda bogiisa jidhkuna muudsaday haraadkiina ku jaray, JAMAL lugta ayaa go,an dagaaladii dhacayna ku wayey lixaadkiisii mid ka mid ah, dhaqtarkii ayaa laga saaray, waxaa ay u sheegtay in ay siduu ahaadaba ku jeceshahay kuna jamatay, iyaduna u tahay lixaad, JAMAAL taasi waxaa ay u aheyd waa cusub waxaa ay u aheyd ubaxa ka dhex biqlay bogiisa xareedna waraabiyey, qofba meel ka eeg XAAJI DAAHIR waa HUDA aabaheyd waxaa uu waayahan ku mashquul ahaa in uu gabadhiisa uguuriyo dhalinta qurba jooga ah, nasiib waxaa saaka u soo fariistay INA XAAJI CUSMAAN oo ahaa dhalintii xaafada waa hore u dhoofay MARAYKANKA – GAAR AHAAN MINISOTA, HUDA waxaa ay ka soo kacday hurdadii subax waxaa sugayey aabo XAAJI DAHIR oo war u qarsoonaa una sheegay in ay doonan tahay lana siiyey wiilkii INA XAAJI CUSMAAN, waxaa uu ahaa dareen badalay aroorayaashii dhiiga, heydhna saaray araga indhaha, waxaa loo sheegay in uu dhacayo meherkii bari taasina ay tahay guul reerka u soohatay mar hadii uu soo doontay in jooga MINISOOOOOOOTA.
HUDA hadal maleh waxaa ay go,aansatay in ay u jarmaado dhankii JAMAAL una sheegto waxa jira, waxaa ay gashay xaafdii nasiib daro ma joogo waxaa la geeyey dhaqtarkii, waxaa sii xumaatay xaaladiisa oo nabar ayaa ku soo booday, waa loo diiday maalintii oo dhan in ay aragto, casar gaab ayey u soo dheelmatay xaafadii oo abaabul aroos ka jiro, dareena uma laha, habeenkii maseexan, aabo XAAJI DAAHIRNA sooryadii iyo meherkiiba barkinta ayuu ku hoos hayaa, ehelkiina bari ayuu balansanyahay HUDANA wali meyna arag JAMAAL, waxa ay go,aansatay in ay si kasta aabaheyd wax ugu sheegto laakiin waa hadal rag jaray, way ciilootay way calaacashay waxaa ku soo dumay cirka waxaa la ciiray dhulka, waxaa ay sida ciyowga geynta cataabto, way carartay aqalkiina caadka uga baxday sidii dhagax samada ka soo dhacay batalaq ku tiri dhulka cad cad kala yaacday cad iyo cidaam riiqmay noqotay, jaceyl aboodiya ninkuu helaa aakhiruu u sahamiyaa, HUDA hoyataya halkii loo badnaa beegsatay.. .GODOBTII MINISOOTA GODKAY GALISAY AYEY WEHEL U TAHAY, GODOBTII MINSOOTA GARANAY MA ILA GARATAY……………………..?
c/raxman zaylaci sheikh
uun bogeeda dhigi doonto ruux naftu heybisay.
caado ayey ulahaan jirtay in ay seexato qadada kadib maantase waxbaa wada, meyna HUDA waa gayaan curdin ah waa geenyo dumar, ismeyna laheyn dareen caashaq ayaa ku saaqi doona ,kuma hamin aramida jaceylkaa hooygaaga soo gali, kuma seexan in ay mar seexan sidii looga bartay, banaanka ay soo fariisatay, jardiinka ay beegsatay waxaa si kadisa u soo hormaray JAMAAL oo ah wiil aan ka fogeyn xaafada HUDA dagan tahay si dhugleh ugam fiirsan wajigiisa,waqtiguna kuma simin, dareenka indhuhu wuu koobnaa dareenka qalbigaa mudu ku sii jirar, waxaa ay isweydiisaa, wiilkan xaafadee ayuu daganyahay? horay miyaanad u arag? magacii.
suura gal matahay inaad aragto, waxaa ay aheyd su,aalo soo laabtay JAMAAL kama dheera xaafada, mana aha dhalinta wareega badan, waa wiil asluub loo dhameeyey quruxna u dheertahay, HUDA kama sabrin waxaa ay raad goobta JAMAAL waxaa ay soo ogaatay in uuna ka fogeyn xaafada, waxaa ay bilowday sidii ay ugu qancin laheyd in ay jeclaatay falaar mariidina ku marantahay wadnaheega, waxaa ay tashi ula tagtay saaxiibteed SALMA waxaana go,aan lagu gaaray in JAMAAL waraaq ay uqorto HUDA una cadeyso boholyowga caashaq ee culay nafteedii, sidii ayeyna yeeshay waxaa ay qortay waraaqdii una dhiibtay wiil yar oo jaarka ah.
JAMAAL uma deyrin dhagahan kama gufeysan ee qalbiguu furay, waxaana ay ku balameen in ay kulmaan is arkaan is hor fariistaan, taasi farxad dheer ayey u aheyd HUDA waxaa ay gocotay ayey heshay waxaa ay garwaaqsatay in ay hoodo ka gaartay hadimadii ay la seexan weyday, waxaa lagu balamay jardiin aan ka fogeyn xaafada waana la kulmay, waxaa uu ahaa is arag barasho, marbay dabnuhu dhididaan dharab noqdaan mankana cabsiiyaan xareeda galgacayl, indho caashaq isma eegaan, wadno jaceyl wado dakaan ma daayo, la is baray warna la isku sheeg, HUDA falaartii ka fuqday mariidkii cosob iyo ugbaad dhado dhexjiifa ayuu noqday, JAMAAL haduu kowsaday aramida gal gacal amoora dhagala ayaa handaafiyey heehaabiyey hawaduu dulgeeyey deegaan ayuu saaray habeenkaa ma ladin hurdada, waxaa hareertiisa timaada HUDA waxaa bogiisa kilaankiliya HUDA waxaa araga wiilka iyo bog yaraha barkaday HUDA, bi, iwaa jaceylo.
Waxaa ay noqdeen lamaane leexaysta waxaa haldhigoodu ahaa ( anigu waa adiga, adiguna waa aniga), sidiisaba jaceylku salkii kuma nagaado, siday naftu mohotay kuma dhamaado, waxaa dhacay dagaal lakala yaac lakala hayaan midba meel beegsay, HUDA waxaa ay wacday xaafadii JAMAAL nasiib daro horay u hayameen, HUDA laftigoodu ma sii nagaan, dadka hayaanka ah ayey ka dhex bildhaansataa bi,iwayey beer wax jecelow, shaarkii cad waa JAMAAL, miyuu noolyahay miyuu dhintay miyey qaxeen tolow xageen ka doonaa kana naadiyaa, waa sheeko hoosaadka HUDA, hayaankii waa istaagay dadkiina waa ay soo laabteen, HUDA waxaa ay ka mid ahaayeen dadkii soo laabtay waxaa ay beegsatay xaafadii JAMAAL waxaa loo sheegay in ay reerkii joogo JAMAALNA dhaawacyaha kuna jiro isbitaalka, meyna fariisan waxaa ay beegsatay isbitaalkii waxaay huluulatay halkii loogu sheegay waxaa ay habsiisay JAMAAL dareen la,aan ayey rax ka tiri ilmadu, kuna tifiqda bogiisa jidhkuna muudsaday haraadkiina ku jaray, JAMAL lugta ayaa go,an dagaaladii dhacayna ku wayey lixaadkiisii mid ka mid ah, dhaqtarkii ayaa laga saaray, waxaa ay u sheegtay in ay siduu ahaadaba ku jeceshahay kuna jamatay, iyaduna u tahay lixaad, JAMAAL taasi waxaa ay u aheyd waa cusub waxaa ay u aheyd ubaxa ka dhex biqlay bogiisa xareedna waraabiyey, qofba meel ka eeg XAAJI DAAHIR waa HUDA aabaheyd waxaa uu waayahan ku mashquul ahaa in uu gabadhiisa uguuriyo dhalinta qurba jooga ah, nasiib waxaa saaka u soo fariistay INA XAAJI CUSMAAN oo ahaa dhalintii xaafada waa hore u dhoofay MARAYKANKA – GAAR AHAAN MINISOTA, HUDA waxaa ay ka soo kacday hurdadii subax waxaa sugayey aabo XAAJI DAHIR oo war u qarsoonaa una sheegay in ay doonan tahay lana siiyey wiilkii INA XAAJI CUSMAAN, waxaa uu ahaa dareen badalay aroorayaashii dhiiga, heydhna saaray araga indhaha, waxaa loo sheegay in uu dhacayo meherkii bari taasina ay tahay guul reerka u soohatay mar hadii uu soo doontay in jooga MINISOOOOOOOTA.
HUDA hadal maleh waxaa ay go,aansatay in ay u jarmaado dhankii JAMAAL una sheegto waxa jira, waxaa ay gashay xaafdii nasiib daro ma joogo waxaa la geeyey dhaqtarkii, waxaa sii xumaatay xaaladiisa oo nabar ayaa ku soo booday, waa loo diiday maalintii oo dhan in ay aragto, casar gaab ayey u soo dheelmatay xaafadii oo abaabul aroos ka jiro, dareena uma laha, habeenkii maseexan, aabo XAAJI DAAHIRNA sooryadii iyo meherkiiba barkinta ayuu ku hoos hayaa, ehelkiina bari ayuu balansanyahay HUDANA wali meyna arag JAMAAL, waxa ay go,aansatay in ay si kasta aabaheyd wax ugu sheegto laakiin waa hadal rag jaray, way ciilootay way calaacashay waxaa ku soo dumay cirka waxaa la ciiray dhulka, waxaa ay sida ciyowga geynta cataabto, way carartay aqalkiina caadka uga baxday sidii dhagax samada ka soo dhacay batalaq ku tiri dhulka cad cad kala yaacday cad iyo cidaam riiqmay noqotay, jaceyl aboodiya ninkuu helaa aakhiruu u sahamiyaa, HUDA hoyataya halkii loo badnaa beegsatay.. .GODOBTII MINISOOTA GODKAY GALISAY AYEY WEHEL U TAHAY, GODOBTII MINSOOTA GARANAY MA ILA GARATAY……………………..?
Blog at WordPress.com. | Theme: Pool by Borja Fernandez.
Entries and comments feeds.