MIYAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 3AAD
July 26, 2008 at 9:03 pm | In sheeko jaceyl | Leave a CommentTags: dhoofjaceyl, jaceyl, Sheeko
Isa salaam isa soo dhaweyn iyo isku mahad celin ka dib wilkii waxa uu gabadhii usoo bandhigtey arin xidhiidh una sheegey in uu ka helay gabadhan waa dacad dadnimo allah u dhashay jecelna in ay nololsheeda danbe iyo mustaqbakedba la wadaagto wil dhigeed ah oo soomali ah arintii waa soo dhawweesay isla wakhtigii na waxa labilabay in la iska wareesto dadyawgooda waxa la qabto mid ba kan kale uga shekeeyey markiiba waxay bartey wilkii rerkoda oo ay dhankasiyo sweden ka wada imadeen badankooda oo markaa ku sugnaa guriga marka laga reebo waalidka o aan meshan xaadir ku ahayn.
ugu danben habeenka waxa lagu balamay isla gurigii uu malintii hore tusay iyada oo halaw ah isla habenkii waa la isugu imi gurigii inantiina waxay u shegtey isla habeenkaas in ay dareemayso wax aan waligeed hore u soo marin iyada oo kula kaftamtey wilkan in anay xalay ka seexan hadaladiiisii qimaha ugu fadhiyey isna arintaasu waa u riyaqay wiilkani maha wil arintani ka dhabtahay lakin waa ha kusii xambaarto bad weynta ha kaa talaabiso inkaastoo wiilkani dhawr jer oo hore isku dayey in uu tahriib ku galo wadamada dibadaha oo dhalinyaradu badankooda ay jecelyihiin uma suuro galin waayo ma haysto dhaqaalihii lagaga talaabi lahaa badaa dheer iyo saxarahaa la sii maraayo labadaba
DIYAARIYE:HOODO AHMED IBRAHIM
AKHRISTAYAASHA QIMAHA LEHAW LA SOCDA QAYBTA 4AAD MAALMAHA SOO SOCDA HADII ALAH IDMO
Akhriste waan qaadanyaa waxii dhaliil ah iguna soo celi waxii aad khalad ku aragto fadlan ka raali ahada hadad ku aragtaan wax khladadaad ah dhanka qoraalka
fadlan igala soo xidhiidh cinwaanka ah
Hoodo07@hotmail.com
MIYAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 6AAD
May 26, 2008 at 7:35 pm | In sheeko jaceyl | 1 CommentTags: jaceyl, Sheeko
Maxaa heli lahaa ujedadiisiibuu gadhaye waji aan ahayn kii gabadhan lagu qaabili jiray kii ay arki jirtey codku macal muu ahayn kii ay taqaaanay ee xiisaha lahaa waji gabax ayaa inantii lagu salamay maxaad umaleen akhristaw dadkii inantan la socday in ay is leeyahihiin xanta dadku ma yara waad dareemaysaa sida qofka aynu ugu firsano hadaynu bini adamnahay ,wiilkiina loo soo dheelmi dhankii gurigii ay u yagleelshay marwadiisu.
dadkii iska tage labadoodii iyo wilkoodii oo aan weli afartanka ka bixin iskukaliyeyste Xaajigu maha noocnaba balse waxa uusugayaa uun sidii uuuga goosan lahaa marwadiisa iyo wilkan yar inta uu ku indho furanaayo magaladan iyo dalkan sweden ahba .
mudo 3 week ah markuu jogay gurigii gabdhiina ay garan ladahay waxa ay sameeso marar badana isku dadyay in ay weydiiso waxa bedelay ee ka kaxeeyey jacaylkeedii ay hargeisa ku taqaanay waxa uu ku jawabayey in uu sidan uun ahaa isbedelna ku jirn ..
waa ilbaxay ilfuray markii horeba ileen waa nin horeba ugu soo tala galay ujedo gabana lahaa oo intan dhafsiisneen ninkii waxa uu bilabay in uu radsado asxaab uu ku lahaa dalka sweden telephonekooduna uu sitey ayuu la hadlay loona wada imi waxa uubilabay in wilkii uu habenkii dhaxo waa yaab oo qof aan magalada jogin mudo bil ahba halkee ayuu tagay waa arin layaab ku noqotey marwadiisii, Markayla hadashana waxa uu ugu jawabaa maxaa kaaa galay gabadh yahay waa la ika daba dhigay IWM mudo aan badnayn markii saas lagu jiray ninkii waxa u goaansaday in aanu ku soo noqon waayo gurigan joogina waxa uu qatey alabadiisii uu sitey maba badneene waaba dee shandadii uu calalada ku sitey intiisiina iska qaday gabadhana cid ay arintan hor dheceedii la socodsiisay majirin markuu xamaamtii yareed qatey ayey waydiisaymesha uu tagayo waxa uu jawaab uga dhigay maxaa kaa galay ilama hadli kartid ima sheegan kartid iyo hadalo kale oo cago juglayn ah ,,,
iskana bax mud aan ka yareen bil iyo badh markuu maqnaa ayey gabadhi goaansaey in ay cideeda arintan ku dhacday la socodsiiso isna ay so ogaatey halka uu jogo ka dib amrkii loo diray odayaal rag dhalinyaro ah iyo wayeelkiii ay is fuarayen gacmo madhana lagala soo labtey ayey iyadii goaansatey in ay halka uu jogougu tagto soona weydiiso na ujeedadii ugu laabtumayey jacayl aan jirin iyo galgalcal aan dhamaanayn isna waxa uuku iri dad igama taqanid hana ibaran gabadheey wilkegana keen hadad doonto iyana waxay goaan satey in iyaga o is hor fadhiya ay is ugu yedho dad markaati u noqda arintedaba iyo wilkan say isku barteena ay uga sheekeso tasna waa usooro gashay ugu danbeen arintii waxay ku gabo gabawday WIILAW MAAD IGU DHOOFAYSAY iyo in ay gabadhii ka qaadato warqadeedii waxii ay meher xaq ugu yalatana ay ilahay dartiis uga hadho
Inkas too ay dad badani kula taliyen in ay ninkan dacweyso madamada ay wadamada galada ay dumarku kaga xaq badan yihiin raga dibna ugu celiso halkii ay ka kentey iyo s/land waxay iyadu ku gacan saydhay dhamaan hadalkii dadka una shegtey in waxkasta oo iilaahay dartii loo sameeyo ay akhriadeeda uga hadhayso sadaqana uga dhiganayso isaga illahy ka abaal marin dono dhibta uu u geestey..
DHAMAAD DHAMAAD
HADABA AKHRISTAYAALKA QIIMAHA IGU LEH WAXAN KA CODSANAYAA IN AYNAY UQADAN DHAMAAN WILASHA SOMALIDA AH IN AY SIDAN WADA YIHIIN LAKIN AY TAHAY UUN INTA UGU YAR EE DHACDA MAR WALBANA AKHRISTE OGAW IN AY JIRAAN DAD DADKA KALE EE WALAALAHOOD AH KU DANESTA WANA JIRAAN WANA BUUX IN WIILAL SOMALIYEED AY KU DHOOFAAN GABDHAHA SOMALIYEED EE PASSPORTSKA SITA SIDOO KALE WAXA GARABTAALA IN HABLUHUNA AY SIDAAS OO KALE SAMEEYAAN
AKHRISTE ISOO GUDBI WIXII ARAGTIDADA AH EE KU WAJAHAN SHEKADAN MAAD IGU DHOOFAYSAY WAAN QADANAYA DHALIISHAADA WAA WAXA AAN DIYARKA U AHAY IN AAN QAATO BINI ADAMKUNA MAR WALBA WAA KHALDAMI AKRAA WAA EEBE KOREYE KAAN KHALDAMIN EE XUMAAN KA NASAHAN KANA RAALI AHADA HADAD ARAGTAAN KHALADAAD DHANKA QORAALKA AH WAAD MAHADSANTIHIIN DHAAMAAN AKHRISTAYAALKA QAALIGA AHAW….
DHAMAAD DHAMAAAAAAAAAAAD
DIYAARIYE: HOODO AHMED IBRAHIM
Hoodo07@hotmail.com
Jaceyl..??
May 21, 2008 at 11:37 am | In sheeko jaceyl | 5 CommentsTags: jecyl, Sheeko
Jaceyl:Maxaad Ka Taqaan Jaceylka?Waa maxay jaceyl?
Waa maxay daawada jaceylku? Goorma ayaa la dareemaa jaceylka?
Run ahaantii jaceyl waa ereyga ku soo noq noqda in badan qalbiyada dadka Majiraa jaceyl mise ma jiro? Waa wax jira jirina doona inta ay dunidani dhisantahay waana dareen ku lamaansan jiritaanka nolosheena waayo qof walba wax ayuu ka helaa akhristoow! Ka hadalka jaceylka ama faalooyinkiisu aad ayey u badan yahin lakin hadii aan ku noqdo
su’aalaha kor ku xusan WAA MAXAY JACEYL? Jaceyl sifooyinka lagu sifeeyo waxa ka mida ah doonis, rabid, ka helid, u khushuucid, jamasho, ka dhex dhalata labada qof Markey kulmaan akhriste doonistaa ama rabitaankaas oo marwaliba ay naftaadu tebeyso qofkii ay ka heshey, Runtii dawada jaceylka oo shaki ku jirin waxay tahay inaad hesho qofkii aad ka heshay kaasoo qalbigiisu kuusoo jeedo kuuna ah daacad hadii aad intaasi heysato waxad heshey dawadii jaceylka!
Jaceyl waxa la dareemaa marka aad la kulanto qof nafsadaadu ka hesho naftaaduna ogolaato! Markaas ayaad si dhaba u dareemeysaa jaceylka waayo jaceylka ayaaba ah DAREEN
Rabitaanka qofka aad jeceshahay waxa aad kala kulmeysaa farxad marna
murugo hadana labadaasiba waxa kuu haya qofkii aad ka heshey means aad jecleyd hadii sabababaha noocaasa soo qaadno Tusaale: waxad doontey inaad wacdo qofkii aad tebeysay ee aad jecleyd then waad weydey waxa aad dareemeysaa niyad xumo hadii aad hesho ama aad la kulanto qofka aad jeceshahay waxa aad dareemeysaa farxad akhriste run miyaa mise waa been tusaalahaasi? Akhriste maxad ka taqaan cadowga
jaceylka? Waxa uugu weyn cadowga jaceylka oo la sheego waxa ka mida 1- foqriga 2-
sedexeeyaha waxa loo yaqaan (cilmi boodhari ayaa waxa uu idhi hadii uu faqrigu qof ahaan lahaa waan dili lahaa) Sidoo kale sedexeeyaha ayaa ahaan lahaa wax la dilo ee danbi ayaa ku jira kakakkakaak akhriste waxan dhanbaalkan kusoo gebagebeynaya
1- matahay qof nolosha jecel ?
2- matahay qof farxad jecel ?
3- matahay qof wax jecel ?
4-matahay qof la jecel yahay ?
5-matahay qof farxad inu ku noolado jecel?
Si kastaba ha ahaatee ha fakarin. Ha warwarin. Ha calaa calin U dhoola cadee nolosha. Una qosol.
Waligaa inta aad nooshahay. Waxan kaa balan qaadayaa hadii aad keento wajifuran. Qalbi saafiya.
Niyad saafiya. Waxa hubaal ah inaad guuleysaneyso aakhirka kuna guuleysaneyo hawlahaaga nololeed
waxii war bixina: Qoraaga: faalada
Muna maxameda daahir
Hargeisa s/land
muna_maxamed@yahoo.com
muna_maxamed@hotmail.com
Jacaylkii Internetka ma dhabaa, mise waa Dhalanteed? .
May 21, 2008 at 11:34 am | In sheeko jaceyl | Leave a CommentTags: jaceylkainternetka, Sheeko

AQristayaasha Qiimaha Iyo Qaayaha lahoow Waxaan maata idiin soogudbinyaa Qisadii Magaceedu Ahaa ,Jacaylkii Internetka ma dhabaa, mise waa…Dhalanteed .Aqristoow Qisadaani waxaa ay Dhaxmartey Lamaanayaasha Kala ah Yoonis Maxamed Xarbi Iyo Xamadi Barkhad Kaahin ,
Yoonis Maxamad Xarbi Waxuu Kunolaa Wadan Kenya Garaan ahaan Xaafada somali ubadan Tahay ee islii Waxuuna Wadanaka Kenya Yimid 1998 Asgoo markaasi aysan ujoogin Waxa Ehel ah ama Qaraabo Xataa Waxuuna ahaa Wiil aad iyo aad ubadaceeda Fiican oo aanan Laheyn waxabalwad Waxuu markii yimid wadanka Kenya Bilaabey siduu uheli lahaa Nolalmaalmeedkiisa Iyo Meeshii Hoygaga Kadhigan Lahaa Durbadiiba Waxuu Bilaabey in uu kashaqeeya Maqaayada Kutaala Townka Nairobi .
Waxuu sidaasi Kuraadshaa Nolashisa Waxuuna Yaqaana ama Kuhadlaa oo kaliya Luqadada Ingiriisaka ah Waxuu Bilaabey in uu Xilana kasheeqaya Maqaayada Xilina Macalin kanqoodaa Schoolkuyaala Xafaadada islii asagoo baraa luqadada
Engalishaka ah Waxaana Ibilaabey in uu halkaasi kasoo Saro nolsha Reerkoodada oo faqri ah Waxuuna Biili jirey hooyadii iyo Afara Caruur ah oo ladhalatey kuwaasi oo kusuganaa Magaalada Muqdisho Waxuu sidaasi ahaaba Ilaahey waxuu lagarab Galey Shaqadiisa Ileen Waxuu ahaa nin Imaanleh Waxuu bartey markuu joogey magalada Nairobi Mudo 2sano ah Reer aydaris ku ahaan jireen magalaada muqdisho Reerkaasoo ahaa Kuwa Dhaqaalo Fiican kuheystaa Wadanka kenya ,
Waxaana Ladajiyey Qol asaga ugaar ahaa oo aanana Lagaga rabin Waxa qarasha ah waxaana intaasi usiidheeraa Raashinkiisa iyo jiifkiisa oo ahaa lacaga la aan taasoo aheed kurbadada ugu weyn nolashiisa Markoo Reerkaasi Lanoolaa Yoonis Mudo 6Lixbilood ah waxaa Yimid Xaaji Cismaan oo ahaa Odeygii Reerka In mudana Safara ugaga Maqanaa Wadanak Waxaana loosheegey Wiilkaani yoonis Ah in uu Dhaley Odey Maxamed Xarbi oo ay saxiibo Isku Dhow ahaaayeen intaasi markii loosheegey Xaajigii Waxuu Kusoo boodey Wilkii Yoonis ahaa waxuuna kawareystay Meesha uu kudanbeeya Abahii Yoonsi ayaa waxaa uu lasooboodey Abe alaha Uraxmdo waa uu dhintey Waxaa noola hooyo Khadiijo oo ah Xaaskii odey Maxamed uu ka dhintey
Waxaana Biloodey Iswareysi dheer iyo in laweydiiyo Waxa uu meeshaani kaqabto Yoonis iyo in uu uyimid Leyn Dibada ah Waxuuna hadalkiisi Kubilaabey Yoonis adeer aniga meeshaani wax leyn ah oo aan ujoogo malaha iyo Cid aan Biila kasugaayo anigaaba la iigaga sugayaa Biil Waxaan uu xaajiga usheegey yoonis maanta waxii kandanbeeya uu kamid yahay Reerka waxuu ubahdana Weydiisan Karo
xaajiga Intaasi kadib Yoonis Waxaa Ubiloodey Nol Cusub Waji Cusub Waxaan Madax Loogaaga Dhigey Seper Cafe ama Goob Internetka ah oo kutaal magaalada Maxada waxuuna iska Daayey Shaqadii Maqaayada iyo Schoolkii inta ba Asgoo markaasi Bilaabey Faraxad Waxaana uu kushaqeyn Jirey Bishii Mushaar ahb Dhan 15000.kun oo kenya ah Tasoo udhigtanaa 200 oo Doolar ah.)
AQristayaasha Qiimaha Iyo Qaayaha lahoow Waxaa Markaani Bilaabaneysaa Qisadii ama Sheekadii Waxeyna Udhacdey Sidatani …
Jacaylkii Internetka ma dhabaa, mise waa…Dhalanteed
Yoonis Xilagaga oo joogo Goobta Internetka Waxuu aad ujeclaa in uu galo Qolaka Layiraahdo Baltalk Halkaasoo maalinkastaa jeclaaa in uu galo ama Qolkaasi Ay dhalinta Qurbaha Joogto Kuwada Kulmi jireen Maalin Maal maha kamid ah Ayaa Waxaa Dhacdey in uu Halkaasi Kabarto Gabar somaliyeed oo Kunool Wadanka newzealand.
Gabadhaasi oo Magaceedu Ahaa Duniyo Adan Nuur Intaasi kadib waxaa La isi Weydaarsadey Sheekooyin iyo Kafatan Duniyo Iyo yoonis Yoonis oo Yaaban Lana yaban Kaftan ka gabdhaasi Ayaa Waxuu iska Galey Shaqadiisa Maalin ka Dib waxaa laisku Arkey Qulkii Sheekadada Waxayna Duniyo Weydiisey Maleedahay Hotmail ama Yahoo Markaasi Buu Yire Haa Asgoo yabaan Yoonis Intaasi kadib Duniyo Waxay Fariimo ama Salaamo usoo Deri jirtey Yoonis Maalin Maalmaha Kamid ah Yoonis Waxaa Laweydiiyey Maleedahay Telephon Markaasi Bey Tire iiqor Asgoo Yaaban Lana Yaaban Waxa Gabdhaani Uweydiineyso Telfoonka Ayuu Waxuu kuyire Qore Waxnuuna Rabaa in uu kala Ogaano Qufkaani in uu yahay Quf dumar ah ama Quf Rag ah Intaasi Kadib Durabdiiba Waxaa Yoonis Soo Wacay
Duniyo oo Leh Haloow Walaale Yoonis Miyaa Asguna Durbadiiba Waxuu lasoo Boodey Waa Aniga Yoonis Waxeyna Hadlkeedii Kubiloodey Sidatan .Sidada Sheekadada Yoonis Iyo Duniyo Kubilaabatey Duniyo oo Leh Walaale Aniga Magaceyga Runta ah Waa Duniya Waxaan Ahay gabar Somaliyeed oo Kunool Wadanka New Seland Barsho Wacan Yoonis Maanta Waxii kadanbeeyana Waan Wadada Xiriiri Doonaa ,,,,,,
Continue reading Jacaylkii Internetka ma dhabaa, mise waa Dhalanteed? ….
Nabsi Iyo Naruuro Jaceyl.
May 21, 2008 at 11:11 am | In sheeko jaceyl | 2 CommentsTags: jaceyl, Sheeko
Sahra oo maalinkaasi alaab lasoo gadaysay gabdho ay Saxiibo Yahiin oo oo aadey mareykanka Sahra Cidna uma maqneen ceelna uma Qodneyn Waxay Reerkooda ka biilan jirtey waxaey raashinka u karin jirtey dhalinyaro
Blog at WordPress.com. | Theme: Pool by Borja Fernandez.
Entries and comments feeds.
