MIYAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 3AAD
July 26, 2008 at 9:03 pm | Posted in sheeko jaceyl | 1 CommentTags: dhoofjaceyl, jaceyl, Sheeko
Isa salaam isa soo dhaweyn iyo isku mahad celin ka dib wilkii waxa uu gabadhii usoo bandhigtey arin xidhiidh una sheegey in uu ka helay gabadhan waa dacad dadnimo allah u dhashay jecelna in ay nololsheeda danbe iyo mustaqbakedba la wadaagto wil dhigeed ah oo soomali ah arintii waa soo dhawweesay isla wakhtigii na waxa labilabay in la iska wareesto dadyawgooda waxa la qabto mid ba kan kale uga shekeeyey markiiba waxay bartey wilkii rerkoda oo ay dhankasiyo sweden ka wada imadeen badankooda oo markaa ku sugnaa guriga marka laga reebo waalidka o aan meshan xaadir ku ahayn.
ugu danben habeenka waxa lagu balamay isla gurigii uu malintii hore tusay iyada oo halaw ah isla habenkii waa la isugu imi gurigii inantiina waxay u shegtey isla habeenkaas in ay dareemayso wax aan waligeed hore u soo marin iyada oo kula kaftamtey wilkan in anay xalay ka seexan hadaladiiisii qimaha ugu fadhiyey isna arintaasu waa u riyaqay wiilkani maha wil arintani ka dhabtahay lakin waa ha kusii xambaarto bad weynta ha kaa talaabiso inkaastoo wiilkani dhawr jer oo hore isku dayey in uu tahriib ku galo wadamada dibadaha oo dhalinyaradu badankooda ay jecelyihiin uma suuro galin waayo ma haysto dhaqaalihii lagaga talaabi lahaa badaa dheer iyo saxarahaa la sii maraayo labadaba
DIYAARIYE:HOODO AHMED IBRAHIM
AKHRISTAYAASHA QIMAHA LEHAW LA SOCDA QAYBTA 4AAD MAALMAHA SOO SOCDA HADII ALAH IDMO
Akhriste waan qaadanyaa waxii dhaliil ah iguna soo celi waxii aad khalad ku aragto fadlan ka raali ahada hadad ku aragtaan wax khladadaad ah dhanka qoraalka
fadlan igala soo xidhiidh cinwaanka ah
Hoodo07@hotmail.com
MIYAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 6AAD
May 26, 2008 at 7:35 pm | Posted in sheeko jaceyl | 1 CommentTags: jaceyl, Sheeko
Maxaa heli lahaa ujedadiisiibuu gadhaye waji aan ahayn kii gabadhan lagu qaabili jiray kii ay arki jirtey codku macal muu ahayn kii ay taqaaanay ee xiisaha lahaa waji gabax ayaa inantii lagu salamay maxaad umaleen akhristaw dadkii inantan la socday in ay is leeyahihiin xanta dadku ma yara waad dareemaysaa sida qofka aynu ugu firsano hadaynu bini adamnahay ,wiilkiina loo soo dheelmi dhankii gurigii ay u yagleelshay marwadiisu.
dadkii iska tage labadoodii iyo wilkoodii oo aan weli afartanka ka bixin iskukaliyeyste Xaajigu maha noocnaba balse waxa uusugayaa uun sidii uuuga goosan lahaa marwadiisa iyo wilkan yar inta uu ku indho furanaayo magaladan iyo dalkan sweden ahba .
mudo 3 week ah markuu jogay gurigii gabdhiina ay garan ladahay waxa ay sameeso marar badana isku dadyay in ay weydiiso waxa bedelay ee ka kaxeeyey jacaylkeedii ay hargeisa ku taqaanay waxa uu ku jawabayey in uu sidan uun ahaa isbedelna ku jirn ..
waa ilbaxay ilfuray markii horeba ileen waa nin horeba ugu soo tala galay ujedo gabana lahaa oo intan dhafsiisneen ninkii waxa uu bilabay in uu radsado asxaab uu ku lahaa dalka sweden telephonekooduna uu sitey ayuu la hadlay loona wada imi waxa uubilabay in wilkii uu habenkii dhaxo waa yaab oo qof aan magalada jogin mudo bil ahba halkee ayuu tagay waa arin layaab ku noqotey marwadiisii, Markayla hadashana waxa uu ugu jawabaa maxaa kaaa galay gabadh yahay waa la ika daba dhigay IWM mudo aan badnayn markii saas lagu jiray ninkii waxa u goaansaday in aanu ku soo noqon waayo gurigan joogina waxa uu qatey alabadiisii uu sitey maba badneene waaba dee shandadii uu calalada ku sitey intiisiina iska qaday gabadhana cid ay arintan hor dheceedii la socodsiisay majirin markuu xamaamtii yareed qatey ayey waydiisaymesha uu tagayo waxa uu jawaab uga dhigay maxaa kaa galay ilama hadli kartid ima sheegan kartid iyo hadalo kale oo cago juglayn ah ,,,
iskana bax mud aan ka yareen bil iyo badh markuu maqnaa ayey gabadhi goaansaey in ay cideeda arintan ku dhacday la socodsiiso isna ay so ogaatey halka uu jogo ka dib amrkii loo diray odayaal rag dhalinyaro ah iyo wayeelkiii ay is fuarayen gacmo madhana lagala soo labtey ayey iyadii goaansatey in ay halka uu jogougu tagto soona weydiiso na ujeedadii ugu laabtumayey jacayl aan jirin iyo galgalcal aan dhamaanayn isna waxa uuku iri dad igama taqanid hana ibaran gabadheey wilkegana keen hadad doonto iyana waxay goaan satey in iyaga o is hor fadhiya ay is ugu yedho dad markaati u noqda arintedaba iyo wilkan say isku barteena ay uga sheekeso tasna waa usooro gashay ugu danbeen arintii waxay ku gabo gabawday WIILAW MAAD IGU DHOOFAYSAY iyo in ay gabadhii ka qaadato warqadeedii waxii ay meher xaq ugu yalatana ay ilahay dartiis uga hadho
Inkas too ay dad badani kula taliyen in ay ninkan dacweyso madamada ay wadamada galada ay dumarku kaga xaq badan yihiin raga dibna ugu celiso halkii ay ka kentey iyo s/land waxay iyadu ku gacan saydhay dhamaan hadalkii dadka una shegtey in waxkasta oo iilaahay dartii loo sameeyo ay akhriadeeda uga hadhayso sadaqana uga dhiganayso isaga illahy ka abaal marin dono dhibta uu u geestey..
DHAMAAD DHAMAAD
HADABA AKHRISTAYAALKA QIIMAHA IGU LEH WAXAN KA CODSANAYAA IN AYNAY UQADAN DHAMAAN WILASHA SOMALIDA AH IN AY SIDAN WADA YIHIIN LAKIN AY TAHAY UUN INTA UGU YAR EE DHACDA MAR WALBANA AKHRISTE OGAW IN AY JIRAAN DAD DADKA KALE EE WALAALAHOOD AH KU DANESTA WANA JIRAAN WANA BUUX IN WIILAL SOMALIYEED AY KU DHOOFAAN GABDHAHA SOMALIYEED EE PASSPORTSKA SITA SIDOO KALE WAXA GARABTAALA IN HABLUHUNA AY SIDAAS OO KALE SAMEEYAAN
AKHRISTE ISOO GUDBI WIXII ARAGTIDADA AH EE KU WAJAHAN SHEKADAN MAAD IGU DHOOFAYSAY WAAN QADANAYA DHALIISHAADA WAA WAXA AAN DIYARKA U AHAY IN AAN QAATO BINI ADAMKUNA MAR WALBA WAA KHALDAMI AKRAA WAA EEBE KOREYE KAAN KHALDAMIN EE XUMAAN KA NASAHAN KANA RAALI AHADA HADAD ARAGTAAN KHALADAAD DHANKA QORAALKA AH WAAD MAHADSANTIHIIN DHAAMAAN AKHRISTAYAALKA QAALIGA AHAW….
DHAMAAD DHAMAAAAAAAAAAAD
DIYAARIYE: HOODO AHMED IBRAHIM
Hoodo07@hotmail.com
Nabsi Iyo Naruuro Jaceyl.
May 21, 2008 at 11:11 am | Posted in sheeko jaceyl | 4 CommentsTags: jaceyl, Sheeko
Sahra oo maalinkaasi alaab lasoo gadaysay gabdho ay Saxiibo Yahiin oo oo aadey mareykanka Sahra Cidna uma maqneen ceelna uma Qodneyn Waxay Reerkooda ka biilan jirtey waxaey raashinka u karin jirtey dhalinyaro
MIYAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 5AAD
May 21, 2008 at 11:01 am | Posted in sheeko jaceyl | Leave a commentTags: dhoofjaceyl, jaceyl, Sheeko
Isla markii la todoba baxay sidii cadada ahayd lamanahan heshiiskoodu ahaa waxa loo ambabaxay dhankaasu iyo itoobia si safarada halkasu ay ku ledahay wadanka sweden looga qaato visahii uu wiilku ku gali lahaa dalka sweden markii mudo la sugayey ayey gabadhii goaansatey in xaajigeedu kali ah iska sugo visaha iyana iskaga labato dalkii sweden sidiibanay ku anbabaxday inantii. Wilkiina uu adis ababa ku sii joogay mudo aan ka yareen 6 bilood markuu sugayey waxa uunasiib u helay in uu visahii qaato isla wakhtiyadana ay gabadhiisii waxay ku dhashay dalkii sweden wiil ay ugu magacdartey odaygeeda abihii ..
isla markiiba wiilkii waxay ooridiisii u soo dirtey lacagtii uu ticketka ku soo goosan lahaa una shegtey in ay umushay wil soo na gadho inta anu afartanka ka bixin isna waa ku ayiday wacnaan lahaydee in dadka isku muraadka ah isku beegman runtii marka loo noqdo sheekadan oo dhab ah kana dhacday hargeisa waa kaaaf iyo kala dheeri .
Wiilkan hel ujedadiisii gabadhiina kaga talaab bad weyntii helba tuu ku tamayey nasiib daran gabadhan ayaa allah u hayey tasna noqtey ubadna allah uga beray kana dhaxaysiiyey labadoodii .
Wiilkii waxa uuka dagay madaarkii caasimada sweden isla wakthigaas waxa madaarka ku soo dhaweesay xajiyadiisii iyo qaar ka tirsan ehelkeda asxaabteda inantani waxay dareemaysaa galgacal iyo reynreyn aan la qiyasi karin waayo waxa maanta si toos ah ay nolosha ula wadaagi dontaa wilkii ay dunida ka calmatey , wiilkii soo deg ka soobax madaarkii una soo bax baxada hore ee madaarka iyo madhasha dadka lagu so dhaweeyo marwadii gacaliyaheedi soo dagayey waxay u dhaqaaqday in ay si kalgacaaleh usooo dhaweyso xaajigeeda lakin xaajigeedii ma yahay baa ka horesa kii markuu hargeisa joogay la yaqanay oo talaw maxaa helay?????
AKHRISTAYAASHA QIMAHA LEHAW LA SOCDA QAYBTA 6AAD MAALMAHA SOO SOCDA HADII ALAH IDMO
Akhriste waan qaadanyaa waxii dhaliil ah iguna soo celi waxii aad khalad ku aragto fadlan ka raali ahada hadad ku aragtaan wax khladadaad ah dhanka qoraalka fadlan igala soo xidhiidh cinwaanka ah
DIYAARIYE: HOODO AHMED IBRAHIM
Hoodo07@hotmail.com
MIYAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 2AAD
May 21, 2008 at 10:51 am | Posted in sheeko jaceyl | Leave a commentTags: jaceyl, Sheeko
Waxa uu wiiilkii isla wakhtigiiba bilaabay in uu telephoneka gabadha ka qorto iyana isla markiiba waa ugudsbisay telephonekeedii gacanta ee mobileka , dabadeedna ay tustey gurigoodii wilkii gabadhii ayan ahayd waxa uu ku sagootiyey in uu soo waci doono insh aalah iyana waa ay ka aqbashay.
Markaas oo uu Xaafadoodii geeyey, iyada oo la kala qortay adress-yadii iyo telefoonadii.
Markii Inankii iyo Inantii kulankoodii gaabnaa laga soo wareegay ugu yaraan 3 saac, ayaa waxa soo dhacay tilfonnkii Inantu siday, waana ay qabatey, kolkaas oo ay tidhi “waa kumwa?” kume “Waa Inankii aad saaka wada socoteen ee xafada ku tusay.
“La’isa salaans, dabadeedna Wilkii waxa uu Inantii ka codsaday in ay is arkaan.
Inantu waa qof dhalin yaro ah, oo diinta islamkana si wacan loogu bar-baarshay weliba Yurub ku dhalatey kuna bar-baartey, isla markaana aan aqoon dhaqanka xun ee magaalada laga isticmaalo ee ah gidaar isla istaag [Wiilasha iyo Hablaha Gidaarada ku sheekaysta].
Kolkaas iyadu is may lahayn Wiilkani waxa u kaa leeyahay dano kale, isla markiiba waxay ay inantii u sheegtay Inankii in uu hay wiil walaalked oo kale ah, mar haddii uu Inan reer Somaliland-na, waxaana ay ku qancisay in uu ugu iman karo gurigeeda, madaama oo uu arkay.
Waxa uu ka war-wareeg in uu Guriga yimaado, aakhirtii waxa na la noqotay in uu sameeyey guriga in uu yimaado.
Ka dib markii Inantiina ku adkaysatey in anay kala garanayn magaaalada, oo aanay soo bixi karan.
Markaas ayuu Wiilkii go’aasaday, isla markaana ogolaaday in uu ugu yimaado gurigeeda iyana way soo dhawaysay.
Isla wakhtigii balanta kamuu habsaamin ee waa soo garaacay albabkii reerka, markaas oo Albaabkii laga furay, waana la qaabilay, oo waxa loo soo dhaweeyey sidii qof qiimo weyn ugu fadhiya, maadaama oo iyada uu kualmo badaan uu ufidiyey, waana ta keli ah ee ay gabadhani wiilka ay ugu casuumtay xafadooda.
AKHRISTAYAASHA QIMAHA LEHAW LA SOCDA QAYBTA 2AAD MAALMAHA SOO SOCDA HADII ALAH IDMO
Akhriste waan qaadanyaa waxii dhaliil ah iguna soo celi waxii aad khalad ku aragto fadlan ka raali ahada hadad ku aragtaan wax khladadaad ah dhanka qoraalka
fadlan igala soo xidhiidh cinwaanka ah
Hoodo07@hotmail.com
N.B LAMA DABAACAN KARO ILAA OGOLAANSHO LAGA HELO QORAAGA KU SAXEEXAN
DIYAARIYE: HOODO AHMED IBRAHIM
Hoodo07@hotmail.com
Blog at WordPress.com. | Theme: Pool by Borja Fernandez.
Entries and comments feeds.
