Dhaawgii Baabboow

April 12, 2007 at 3:53 am | Posted in Uncategorized | 5 Comments

Dhaawgii Baabboow

Ashahaadda iyo waan aqaan aayaddii Nebi’e
Ha yeeshee ilmada kaa dhacdiyo umalka guudkaaga
In yar iiga sheeg waxa’n rabaa in aan ogaadaa’e

—— Cali Xuseen Xersi. “Fiin”.

MAADEEY SOOMOOW, ifka waxa uu ka tegey hooyadiis iyo aabbihiis, Iisha Barakow iyo Soomow Xijiyow oo ku noolaa buulada Doonkaa-Daafeedow, Shabeellada Hoose. Reerkaas, goblanka ahaa, ma jirin dowlad ka warqabtay, iyo qaran ka ba warhayay meel uu ku dambeeyay. Maadeey, madi aan kamid ahayn naflaa’iga maanta nool, ayay dhal oo dhan na ka qabeen. Alla, wuxu, ubad baarri ah ayuu ahaa! Had iyo jeer, heeso faro badan ee uu waalidka ku ammaanayay, ayuu shareerada ku garaaci jiray. Umaayoow, mid ka mid ahayd heesihii, waxa ay ka hadleysaa dhulkii, fac ka fac, ay weligood ba degenaan jireen, ay beeraha ka falan jireen, xoolaha na ay ku dhaqan jireen; waa dhulka uu ku jirrado laqanka af Soomaaliga kiisa loo yaqaanno “Maxay”. Si kooban, Umaayoow, waa carro’baris ku saabsan Goballada Hoose oo ay labada webi waraabiyaan. Soohdimihii ay daadadku butaaci jireen, iyo adduunkoodii barwaaqada badnaa ciriiri ayay maanta ka galeen. Labo guri oo uu kiiba, baaxad ahaan, labo tillaabo yahay ayaa looga dhex dhisay siibadda aqalkoodii. Umaayoow, gees kale haddii laga eego, ma aha hees uun; waa war iyo sheeko ka soo haray walaal dhibaatooyin badan lagu madiyeeyay, iyo igaar ay dhaleen oo—cimridegdeggii lagu riday awgiis u—wada hoyaad tegey. Hoyadiis iyo aabbihiis, haatan, iyagii ba, ku ma noola Doonkaa-Daafeedow.
SI KA DUWAN HALGANKII WIILKOODII, Iisho Barakow iyo Soomow Xijiyow, iyaga geeridoodii ka dambow, waxa weli baxaya ololkii gobannimo—dabkii ay ka shideen dhulka u dhexeeya labada webi. Walow guushii ay gaareen na aysan yareyn; waa isla guushii la gaaray waxa, run ahaan, weli la doonayo in la tiigsado—in lagu sii hirto.
MD NUUXOOW ULBATTI, guddoomiyaha cusub ee ururka Burinta Aabikeenka iyo Boolimaalka Ummadda (BABU), ayaan la kulmay maalintii la aasayay Aw Soomow Xijiyow iyo Aay Iisha Barakow. Waxa uu ii iiga sheekeeyay in Aw Soomow uu dadkiisa u reebay dardaaran ahaa:

Fratello, fratello walaasheeydii, walaalkeeygii…eyshoow’milih iyoontooy warkaaseeti finito waayee dey! Mooryaanta, tutti sono maledetti. Bunto e basta! Nawad haddii rawaan, arramadow ak ka masaafunaan! Muqaamkeennii wahaas ku imaahaa leey—sidii ewelbo ku imaa jiri wisinkii Talyaaniga; saas lee ku imaahaa—muggii adowgeenna aan wah ka nawardhawno!

Ulbatti waxa uu iiga sii hadlay dhibaatooyinka ay geysteen aawikeenku, iyo dhaqanka xun ay la yimmaaddeen,

War wexeey noo keeneen fiiri! In ay naga miifiyaan wihii fatuuro, bushkuleeti, mootosheellaro, beer maa tiraahaa, far iyo keli maa tiraahaa, haryan iyo heeb ma tiraaha, guri ma tiraahaa, iskool iyo istibaal, motoorradii waraabka iyo bambooshinkii, hoolo maa kuu heri, badar maa kuu yaallo … adleey noogeysid haddii waa hisaabi tiraahid! Sii noogu qabsadeen, belaayo leey nugu suubi haayeen. Maalkaagii waayee dey; muran eey gelihaayaan: Adiibo waa soo haddi, ay ku leey’iin; ooy aheen na, gowolkayaga, dad wah ka soo hadeen aad ka soo gadati, aaba lagu yiri haddii kaleeto. Si leey yeel bo adii, waa kuu kaasaahe. Mahaa sheegee waaye! Haddii muranka batto ne, Aakeey Forte’Sewen aa sanka lagaa gili’haa. Ama waa lagu toogahaa! Taaseeyto wah kalle aa bo ka sii hun: Dadkii eey u sheegaayaan heer aan bo la kaseeynin wihiis yahay, “Maal iyo ninkiis, aragti baa ka dhaxaysa!” Sheeygii la iga soo hadi haddiin arko, waa khadaahaa! Dhuunsamareew wihii ka dhumi, Markacaddeey Minan Aw Cusmaan Nuur, Buulo Mareertooy, ama Baraawe aa laga soo jirihaa! Saas leey ma ka wadaanoo hee? Dhoobooy uuka maa laga soo hadi markii noo diidaayaanne inii ku noolaanno? Siis Aw Soomoow warka u yiri leey na naqaheeysaa! E’ finito! Mooryaantaanee son maledetti! Meel kastaa laga soo hawaari: waa inii la buriyaa!.

SOOMAALIDA WAXA KU soo guduutay waa nabsi ay galeen waahore. Godob ayaa hadba intaas dad kale loo geysan jiray; mise na, baalasha sheekada na laga tirtiri jiray. Eexo qaran weeye, iyo gashi uu adoogeed qabay, waxa goordambe, iyadii, haatan, uu Eebbe ka gabbaanadayo. Gefka maanta ay shinniyeyso na, beri dambe ayuu dhasheeda u soo hufi doonaa. Daah na iga ma saarno, in ayan dhasheedu ku riyaaqi doonin abuurka ay carrada ugu sii duugayso—nabsiga—gooraha uu u soo biqili doono.
*****
SIDDEED IYO LABAATAN sanadood ka dib, ma jiro daljir dambe ee aan ugu yeeri karo Maadeey Soomoow. War baas ayaa la iiga keenay Somaliland. Baroordiiq soo daahday. Maarso 15, 1978, maalin weeye aan rabi lahaa in aan ogaalkayga ka tiro; ha yeeshee, aawadood dharaarahan uu isboobka sokeeye ka jiro Soomaaliya, ayaan, hadba, dib u soo goconayaa. Diricii Horintii Danab, beriga isaga ah, ayaa ku ag geeriyooday Irdihii Harar! Ciidan ka koobnaa 50.000 ee isugu jiray rag iyo haween ayuu ka mid ahaa; ciidan loogu talogalay, mar qura iyo weligeed ba, in uu cagtamariyo maxaysatadii Yaityopya Nigusa Nagast Manguist (Imbaratooryada Itoobiya): Xooggii saddex bilood gudahood boqolkiiba 90 dhulkii Soomaali Galbeed gacanta ku soo dhigay! Si guud ayuu kuwaas uga mid ahaa; si gaar ahaan na, Xeradii Ballidoogle xiddigihii ka dhex muuqan jiray, maqaawiirtii, ayuu ka mid ahaan jiray. Carbiskii cuslaa, iyo muddadii dheereyd ee uu tababarku u soconayay, waxa uu muujin jiray tayooyinka halyeeyada u gaarka ah, kuwaas oo ka soo duxa sameyska geesiyada—laboontinimo. Unuggiisii ayaa qiray in aan uu ahaan jirin, dhibaato kasta oo soo foodsaarto, isuroonta oo kale, iyo masuugga walaalka intiisa kale ka nafjeclaysto. “Dhanka uu kaa jiro, rag baa kaa jira,” ayuu taliyihiisii, Gash. Dhawre, oran jiray. Anigu se, meel dambe ee uu iga jiraa, ma jiri doonto.
MAALINTII LOO SHEEGAY in duullaan lagu qaadi lahaa Itoobiya, ayuu iigu yimid magaaladii Jaxaasle. Cabbaarkii uu iiga warramayay dantii uu iigu yimid darteed, ayay anigu na laabtii i sii rogmanaysay. Joogemaqane oo kale ayaan ku soo baxay. Sheekooyin hore ayaa markale dib ii soo booqday. Caku dhaawacyada qaar, kuwa aan weli loo helin dawooyin lagu dhayaadeeyo; caku xusuusta baas ee la i horkeenay: Rag ayaa jiray hore uga soo qeybgalay Dagaalkii 1964, billado na lagu safay; gadaashii dambe na toogasho lagu garsooray; in aan arrimahaas gocanayay na, ma ogi. Hal ayaan se kuu hubaa: Gocoshadu, ogow, waxa ay ku dhalataa dadka uu ciilku shiday; waa sida sifaarka cawska ee ka soo baxa dhulka uu suudigu gubay.
BILO KA SII HOR, iyo teeryo waaberi la dili lahaa, heestii Hooballadii Waaberi, iyo hirarkii gaagaabnaa ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha, Raadiyo Muqdisho, ayaa feejignaan aan ay hore ugu lahaan jirin danqaabadii Kacaankii Oktoobar, iyo dhego dheerdheer ba u yeelay “Soomaalida Maanta—as”. Qolooyinkii uu fiigtaalku ku dhashay, asii aan dalka ka didin ayaan anigu na ka mid ahaa. Gudaha gadaale ee maankayga ayaa ay sawirro iiga soo foocayeen; madaxayga ayaan ka dhex arkayay ciidan loogu goonnibaarayo sidii barkulmiskii shiiska oo kale; ama duul warmoog ahaa oo xargaha na lagula tigtigayo tiirarkii qotomay, buurtii kaxarka badnayd salkeedii, agagaarkii Dugsigii Booliska. Dhibbaneyaal, habeennimaddii oo idil la urugeynayay, la oofatirayay, afka na looga haraatinayay cagtii taliyahii—ninka madaxda u noqon lahaa, Ciidanka Nabadsugidda Qaranka (National Security Service) kaas oo Luulyo 1, 1976, la dhisi lahaa—NSS-ta oo buud madow illan. Maxaabiis ay biro ku jabsanaayeen, halgaadda na aan ka gabban karayn; ciirsil’aan na ay ku haysatay godkii Jilicow. Midkood na ma calaacalin, ma caban, ma na cabaadin. Si ka geddisan taas, qaarkood, waa ba ay diganayeen. Nin ka mid ahaa xiraneyaasha se, taliyihii silcinayay ayuu ku yiri:
“Cawada, saad doonto ii garaac.” Indho la moodo dhimbilo dab ah na inta uu galka uga siibay, u sii dabadhigay, “Waa hubaa, wixii foogta ka dambeeyo, in’an dilkaaga ka raysa’ doono.”
Askariga sidaas ragga u dacdarreeyay, iyo askariga sidaas warka u sarbeebay, midkood ba, madaxweyne Soomaaliyeed ayaa soddog u ahaa.

SUBAXII XIGAY NA waxa laga soo kaxeeyay godkii saxariirta, laga na soo dejiyay gaarigii lagu keenay. Indhihii dadweynuhu na, geddii walhadihii saacadda masjidka ayay dhibanayaasha midkood, kolba si gaar ahaaneed, u jalleecayeen. Garaacista wadnahaygu na waa ka sii jabaq dheerayd codweyneeyihii Golaha Hanuuninta Dadweynaha oo ay guulwadeyaashu ku handadi jireen degmooyinkii Xamar; walow, isla hadda na, iyaga, guulwadeyaashu, ay qudhoodu ba qeylinayeen, tumayeen na digsiyo, iyo durbaanno ay dheguhu igu dillaaceen. Hooyooyinkii Kacanku na waxa ay ku heesayeen heestii uu Axmed Cali Cigaal qaadi jiray ee ahayd: “Samadiidow Dabin baa kuu Dhigan lagugu Dili Doono.” Waa dhoollatus cusbaa ee loogu daawgalay in lagu qaranjebiyo beelo islaweyni badnaa; waa dhaqan nagu cusbaa ee, ogow se, laga soo amaahday, laga na soo minguuriyay habkii lagu hoggaamin jiray dalalkii la isku oran jiray USSR (Midowga Sofiyeeti); si loo jarabaro reerguuraagii Maryooleey, looga na wada dhigo barbaar iyo shaqaale wada “jaalle” ah: Carruur ay Tawradii Dalka hooyo u ahayd; Jaalle Siyaad na uu aabbe u ahaa; Marx, Angels, iyo Lenin na ay adeerro u ahaayeen. An se ila ahayd sidii siriq dad lagu merjin lahaa, iyo “…daldalaad aan dacwo lahayn …”! Beriga maanta ah na, haddii aan runta ka hadlo, waxa la dilayay ma aan ay ahayn eedeysaneyaal ciidda rogay; sida kale se waxa la heerayay waxa ay ahaayeen hoodadii, iyo haybaddii Soomaalidii Midowday. Fagaarihii dhimashada waxa loo kala jaal ahaa tar iyo tumbul—saddex la loogi lahaa, iyo dadweyne, si ay waalli ku jirtay u sugi la’aa dilkoodii. Raggaas, waxa iiga muuqatay karaamo ka awood sarreysay cabsida geerida; sida aan qabo na, dareen ayay u wada lahaayeen—haybadda ay muujinayeen. Haddii meeshaas uu Sharaf wax ka joogay; sida aan qabo iyaga ayuu naga raacay. Oday Soomaaliyeed ayaa berigeedii igu yiri: “Sharafku dib ugu ma soo laabto, meeshii uu mar ka tago!” Midkood ba, tiir ka mid ahaa tiirarkii nabsiga ayaa lagu nabay. Garoonkii Horseed (kooxdii kubadda cagta ee Booliska), waa goofkii garowla’aaneed oo ay bulsho ugu dabbaaldegtay—hooggii kacaankii dhiigmadaadshe, isaga oo kale dil loo daawasho tago kii ugu horreeyay—xasuuq sokeeye. Raqdaas ayay ishaydu eegmada ku haysaa weli; weli ba halkaas ayay ilamdu na uga dhacaysaa. Weli allaan u jeedaa arooryadii, Luulyo 03, 1972—Maxamed Caynaanshe Guuleed, Cabdulqaadir Cabdulle Dheel, iyo Salaad Gabayre Kediye—sida, isla judhii ba, saddexdii dhibane uu dhiiggoodii bacaadkii caddaa u guduudshay.

Dhibbane

SHEEKADAAS DUUGGA AH awgeed, daymo dheer ayaan ku la dheygagay muuqa i horjoogay. Illeyn anigu is ma ogayn in aan booyayay; waxa aan ku soo naaxay Maadeey oo i leh: “Maxaa ku daaray ne? Mabba ogid miyaa; siyaan u dhimmanno lee in noola dhalay bo?” Waa ay adag tahay si aan ugu helo ereyo aan ku tibaaxi karo. In kasta uu ii la ekoonaa isla dablihii aan oqoon jiray; hadda na, waxa iiga muuqatay wejigiisa raynrayn layaab lahayd: sidii in ay u soo gashay gallad uu waayo badan suganaayay; sitaahoo, ay u rumowday riyo uu sannado badan ka dhursugayay ayuu dagaalka farabaxsi u ahaa! Labadiisa indhood sidii billadgeesi ayay u halalaclaynayeen. Waagaas, kalsoonida walaalka oo xumayd—cabsi la kala qabay awgeed—ayaan uga gaabsaday in aan uga xogwarramo dareenkayga. Si uun ama si kale se, waxa aan odorosayay, goordhow, Maadeey, in uu dhiman lahaa—weli ba na, geerida lagu hungoobo oo kale—guull’aan, geyila’aan, iyo tixgelinla’aan. Odoroskaygii na, dibdambe ayaan ka ogaaday in uu dhalanteed ahaa. Muuqa I horjoogay se, iga libdhi maayo uu, weligay; haddii indhahayga uu xitaa gabbal ugu dhaco sidii Habeennimadii Godkii Jilicow oo kale!

QADADII DUHUR KA bacdi, ayaan u kaxeeyay gurigoodii; si uu reerka u soo bariidiyo. Markii aan gaarnay degmadoodii, in yar na la isu sheegay xaalkii jiray, abbihiis waxa uu isla haddiiba u soo yeeray wadaaddo. Waqdhaacin ayaa la qalay. Quraan na la saa’r wiilkii. Dhowr makaraan na, wax na qoorta, qaar na gacmaha loogu kala xir; qaar na lagula tali’ in uu jeebabka gashado. Dadaal loo ma kala reeban. Weliba na Baabboow Iffiki, sixirrowgii ugu weynaa ee Afar-Waab-Dhoobooy ayaa la keenay, kaas oo laabtii reerka ee kacsanayd ku dejiyay:

“Koolbadii ku dhacdo Maaddeey korkiisa, war taaseeti, karamadiisa leey kor u khaadeeysaa. Isimkiisa oo kaleeto, a…a…aka cabsanin inaas dhinto!”.

FALAANFULLOWGU KAAYGII xumaa ayuu falxad lagu abshiro oo kale u rogay. Rajo, rajola’aan ayay dhaantay. Tuhunkii aan qabay se, calooshayda hoose ka ma aan uu suulin. Saadaasha sixirrowgu na i ma ayan qancin karin; iga ma na ayan saari karin aragtidii aan hore u qabay. Runta jirtay se waxa ahayd, iyada oo uu waqtigii hoosta naga soo galay; maxaa yeelay, habeennimadii Saacadda Eber [00.00], in uu joogo Xeradii Ballidoogle ayuu Maadeey ku ballansanaa. Hooyo iyo abbe, labadu ba, ducooyin faro badan ayay wiikooda u marinayeen, illaayo aan ka soo ambabaxaynay Doonkaa-Daafeedow. Oohin ayay ooyayeen; oohinta uu maqli karayay uurkaygii tiiraanyeysanaa oo keli ah. Sidii aan u sii waday na, markii aan gaarnay Daafeed ayuu igu yiri: “Ka noqo meeshaada. Haddii la nool yahay na, waa la is arki doonaa.” Markii uu gaarigii ka degay ayaan ka dabo degay. Kolkaas ayaan, inta bogaadiyay, dhegta na ugu sheegay: “Ilaah ayaan ka baryayaa in aan sheeggaaga la waayin!” Innaga oo saamjiid ahayn na, halkii ku kala dareernay. Fiidkaas ayaa iigu maqal dambaysay, Maadeey dambe, kii oo aan nolol ku maqlo.
*****
SHEEKADA MAADEEY wixii intaas ka dambeeyay, waxa aan ka bartay dhambaallo uu ii soo diray Gaaxnuug Liibaan—dable ahaa reer Allaybaday, reer Somaliland—oo ay rafiiq ahaan jireen, iyo sidii walaalo rumaad.

HANGARKII BALLIDOOGLE WAXA wax ka joogay jananka ugu sarreeyay militariga Soomaaliya, kaas oo ahaa mid ay si aad ah soomajeesteyaashu u jeclaan jireen. Mid mid ayuu u wada gacanqaaday colkii. Niyadda ciidanku na, sidaas awgeed, cirka ayay sare u sii saloolatay. Darajooyinka ugu korreeyay, iyo kuwa ugu hooseeyay ba, meesha wixii joogay oo idil, qiiro qarannimo asii uu guulguul na ku milnaa ayaa wada saaqsanaa; tashigu ka ma marnayn, waxa lamooggu uu qof wali ugu sii hayay kaydka. Murugo meesha ka ma ayan muuqan isla hadda na; see ciilka loo qabay gummeysiga Amxaarada ayaa muuqeedii ba isku daahay. Urkii ayaa isla goorihii ba is sii rogayay; hadba kedadii geerida ayaa intaas soo dhowaaneysay. Rag faro badan sow lagu ma gurin diyaarad la oran jiray N2(N-Dava); shimbir afar baal oo labolabo iska duldhisan lahayd, loo na adeegsan jiray in lagu daadgureeyo dalladlayda. Gaaxnuug waxa uu ii soo qoray, isaga iyo Maadeey, in ay iska ag dhowaaween; labadoodu in ay isku daboxigeen kolkii kor loo sii tafayay sallaanka shibirtii. Walaalka iswatay waxa loo qaaday in sahan ahaan loogu dulqubo jiidaha Xabashida meel ka sii shisheysay; si ay u go’doomiyaan, saadka na uga jaraan ciidankii cadowga ee Godeey fadhiyay. Duullaankii na sidii loogu talogalay ayuu u fulay. Cawadaas madoobayd se waxa ay ugu dambeysay ciidan Soomaali oo isku duuban—ciidan dambe ee wareeya Sarreeyihii Ciidamada Qalabka Sida—gaashaandhige na u noqda dalkiisa, iyo dadkiisa ba.
HORINTII DANAB UGU horreeysay, sidii biriqda oo kale heegadii uga timid saldhiggii Godeey, ayuu ugu horreeyay. Waxa uu ku hanweynaa Galbeed oo xorowdo; taas ayuu na doonayay in ay suurtagasho, kol ay ku ahayd, haddii uu naftiisa ku waayi lahaa. Yiddidiiladaas ayaa hammigiisa ku weynayd; waa na uu rumaysnaa in ay dhaboobi lahayd; Eebbe ayuu na ka baryi jiray, dirwacashada, in uu ciribteeda ku simo. Intii aan uu shimbirtii dibadda uga boodin, dhoolcad oo ay kalsooni ku dheehnayd ayuu muujinayay; ka ma na ayan muuqan foolkiisa, ha ba yaraato ee: wax baqdin ama ba jirniglayn ahayd. Shacaarkii maqaawiirta ayuu ku dhawaaqayay, sidii loo wada saarnaa diyaaradii na laga daba jiibinayay! Habeenkaas wixii ka dambeeyay na, Xabashidu wax ay isku habaarto ayay noqotay: “Soomaali cillan, cirka kaaga soo dhacday!”

LAGA BILLAABO GODEEY, lagu na geeyo agagaarkii Harar, saddex bilood ayuu si aan kalago’ lahayn u dirirayay. Halkaas ayaa ugu dambaysay meel uu ka dagaallamo. Buurihii, Marinkii Kaaramardha, waa tii la ogaa in ciidan-ku-sheeggii Amxaaradu, baqo awgeed, ay ciriigii isku buurteen. Maxeysatadii, koodii ugu sokeeyay waxa uu ka soo jeestay Harerge. Itoobiya iyada ayaa afkeeda ka qiratay, waageedii, in uu gacanteedii ka siibtay “dhulkii Soomaalida ee loo oqoon jiray Ogaadeenya.” Goor ay galabgaabkii ahayd ayuu fogtusiye ku eegay magaaladii; wax la filan waayo oo kale ayay ku noqotay, quraanjadii ku dul abaabaysay gidaarradii guryaha in uu arki karayay. Qiiro ayaa qaadday. Waxa laga hayaa in uu ku fooryay heestii Seynab Xaaji Cali (Baxsan) ay qaadi jirtay: “Hurdada ka kacaay, hubkiinna gurtaay, waa in aynu helnaa ama aan hoyannaa, ama aan hoyannaa!” Cudurka la isqaadsiiyo oo kale ayay noqotay; qof ba heestii ayuu hore ka qaaday. Habeenimadii, uu gudcur na daahiisii rogay, rag loo xulay in ay kamiin soo fuliyaan ayuu ka mid ahaa. Malaha shan saacadood ka bacdi ayay qaar uu isagu ka mid ahaa ku soo laabteen madashii. Iyaga oo idil, waxa la mooday in dhiig loogu soo qubeeyay; ha yeeshee, kood na xagatin soo ma ayan gaarin. Dharkooda waxa ku soo xarkagay waxa uu ahaa dhiig ka soo burqaday Amxaaro la dooxay. Dhamaantood in ay meyrtaan, dharka na bedeshaan ayaa la faray; dabadeed na ay sii seexdaan intii ka harsanayd waaberigii Harar la qaban lahaa.

GUULIHII NA MA NOQDEEN, wax si isdabajoog ahayd isu soo dabaxigsaday. Cagtii ciidanka ma hadaaqbartay codkii qaranka: Hirarkii gaabgaabnaa ee Radiyo Muqdisho, iyagu na, cirarka sare iyo cirifyada dunida, meel walba ba ma u tebiyeen! Ciidanka libintiisii, codadkii hooballada, iyo codkii Cawke (weriyihii weriyeyaasha), ma ku soo wada baxeen wax aan laga ba bogan karayn! Maalin kasta ba, waxa ay inoo ahayd furitanno horleh, farriimo horleh, iyo falxado cusub! Viva’ Soomaaliya!

IN YAR KA DIB SE, xiddiggii ayaa isdoorshay. Lamooggu se, legaaddo ayuu walaalka u la shibbanaa. Bulshada Caalamka sow, mar kale, Taliskii Derg ee Gash. Mingistu Xayle Maryam u ma ayan soo hiillin. Ciidamo ka kala socday Yahuudda, USSR, Kuuba, Yementii Koofureed iyo Kuuriyada Waqooyi oo iswata sow cadowgeennii u ma soo gurman—iyo Libiya! oo hore hub u soo dirtay bishii May, 1977. Goortii ay qaraaraatay, Maarso 9, 1978, sow Muqdishu amar ku ma dhiibin in Ciidankii Qaranka Soomaaliyeed uu dib u soo gurto, ku na soo laabto xadkii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Maadeey, hadda na, waxa uu ka mid ahaa raggii yiri:

Ku ma laabto Ballidoogle, anigoon baroortiisa maqashiin reerkiisii; eedsiin na nacabka yimi, maalintii ay hooyadii dhashay!

Waayaragnimada ay reebeen na waxa ka mid ahayd: “in hubka la sito aan uu dagaallamin; waa danabka hubka sida waxa dirira.” Illaayo horraantii gu’gii 1978, aaggaas ayay colka ruugga ugu dhigayeen isgaashaanbuursigii shantii cadow—saadla’aan, gurmadl’aan, garabla’aan. Isaga iyo Horintiisii Danab ahayd, Soomaalidii carrada lahayd ayay ka dhiman waayeen; kuwaas ayaa baad, biyo, iyo wax kasta oo kale oo ay ku tari karayeen, heeggan u la ahaa.

CIIDANKII WEYNAA EE dibugurtay, qaar ka mid ahaa na, waxa uu hubkiisii kula jeestay xaggii dowladdii Oktoobar; si ay uga jeebaan, Jaalle Siyaad dakanooyin uu hore uga qabay. Dhacdooyinkii dhacay, Cirro ayay madaxa ka soo saarayaan: Kacaan waxa dumiya, ayaa la yiraahdaa, isla wixii uu isagu dhisay! Walaalkii ayaa billaabay in uu isdabargooyo; nacab aan weligii heshiin karayn na, la iskaga dhigay! Sidii goofafkii Xamar ee mowlumaalka laga dhici jiray, nin wali ba tawaan yari, ayuu degmooyin, ama gobollo ka mid ahaa ciiddii qaranka sheegtay in uu isagu iska leeyahay. Jabhadihii, SNM, SSDF, USC, iyo qaar kale ee weli hadoodilan, waxa ay u horseedeen ayaandarridii ugu weynayd ee weligeed ba ku habsata jiritaanka qaranka Soomaalida. Horintii Danab na, weli, dagaal ayay ugu maqnayd qaranka sii burburayay. Mid mooyee, intoodii kale, danta ayaa badday in ay reerahoodii ku kala laabtaan iyaga oo ay qaalintii qaranku na ay ku soo baxday sidii “galoof olola been.” Maandeeq na, qalawdii uga dhacday kalagoysyadeedii darteed ayay meel na u gaari kari waysay.
******
IISHA BARAKOW IYO odaygeedii ahaa Aw Soomow Xijiyow, labadu ba, gumaysi cusub ayay eedeen. Degmadoodii si looga barokacsho, nacab ayaa kor uga yimi. Gumeystaha qabsaday ka ma an uu iman xagggii Orobada cacadayd; ka mana iman xaggii Imbaratooryada Itoobiya ee madoobayd. Waa qawle ka soo dalaabay gobol ka mid ah Jamhuuriyaddii Soomaaliya: dalkii Maadeey, wiilkoodii aan soo laaban, ay naftiisii ku maqnayd. Gumaysi weli ba gaboodfalka ugu fooshaxun la soo indhocad, waa qawleysato ka soo dagaagtay carro uu nabsi hore u gubay. Addoonsiga sokeeye, waxa ay ugu magacdareen: Gumaysiga Mataanaha Galguduud (GMG).

WISINKII HORE, WAXA ay dadka u kala saari jireen: “abogaay iyo abaarkeentay.” Walaal oo kale ayay na u ahaan jireen dadkii abogaaga ahaa ee degmadooda ku dhashay, ku dhaqday, ku na dhintay—qawiilkii ay doono ha ka soo jeedo ee. Maanta, soogalootiga waxa ay u kala saaraan abogaay iyo aabikeen. Aabikeen waa mooryaanta ku soo cidgashay abogaaygii hore loo oqoon jiray dartiis. Maanta, abogaaygii, ayaa ba u dhaqmaya sidii isticmaarkii Talyaaniga. Sidaas awgeed na, haddii uu yahay abogaay ama ba aabikeen, midkoodii uu doono ha ahaado ee: galtida oo dhan waxa ay u arkaan sidii “qaade iyo qarshe” oo kale;—sidii tuug kula joogay iyo taroox kale ee uu keensaday.

BARBAARTA REER CARROMADOW ayay ku baraarujin jireen; har iyo habeen na ku guubaabi jireen, beelaha galtida ah ee qabsaday dhulkooda in ay ka kacshaan; harqoodka na ay iska tuuraan! Intii ay awooddoodu u oggolaan kartay, ayay na qeyb ka qaadan jireen halganka looga soohorjeeday Mooryaanta. Waxa ay dhiseen urur lagu magacaabo Burinta Aabikeenka iyo Boolimaalka Ummadda (lasoogaabi ahaan na loo qoro, BABU). Diseembar 30, 2005, maleeshiyadii Fajays Marmadoobe ayaa bam gacmeed ku ridday muddulkoodii, rasaas na shaandhada uga dhigtay. Aw Soomow, isaga oo afuufaya siinbaartii, danabadii gobannimodoonka uu ugu baaqi lahaa gulufkoodii xigay, ayaa gumacii uga soo dhacay duudka, ka soo dusay xawadkiisii. Aay Iisha Barakow na, shaashxirka ayay ka goosatay—cad weyn oo lafmadax ahaa, timo, iyo gambo isku duuban ayaa albaabkii minanka dibadda uga soo booday. Iyadu, naftu ku ma raagin; hore ayay ka shahiidday. Aw Soomow se, hore ka ma aan uu dhiman.

SIDII MAADEEY, dardaaran ka ma ayan hayn; ogow se, naflacaarigii, in uu aargoosto ayuu mintid ku ahaa. Qori, aan ka yareyn tiir wayaake, ayuu sadaqa hoostiisa ka la soo baxay: Ma u shafay mooryaantii sidii cawskii Keli Aslaayle! Dhiiggoodii na ma u qulqulay sidii siimowgii Webigii Shabeelle. Lixyatoban ayaa la iigu sheegay in u ka dilay; afaryatoban na uu ka dhaawacay; labo Tikniko oo uu kiiba ku xiran yahay Shilke ayuu ka qabsaday, iyo 25 qori oo AK47 ah. Dhaawacyada qaar ayaa halis ahaa. Tiradii, mooryaantii uu ifka ka buriyay, yaa kuu yaqaan! Waxa se la iigu soo warramay: Mooryaantii Fajays Marmadoobe, diide’ in ay dib ugu laabtaan daafihii Doonkaa-Daafeedow!
*****
MAADEEY IYO CUTUBKIISII oo idil, iyada oo aan geeri ku wada tirinaayay, ayaan ninkii Gaaxnuug ahaa, beri dhow, warkiisii helay. Ururka Soohdinlaawe ee Xiriirinta Soomaalida (USXS) ayaa leh mahaddeeda, waxa uu ii soo diray dhambaallo uu ka mid ahaa midkan hoose:

… Maadeey, dhufays buu uga jiray jiidda hore; colyahan qoda na uu isagu ugu horreeyay. Kolkii ay weerarradii soo bateen, isla haddii ba, fulay dib u guray. Halkii uu ka hagran lahaa kaalintiisa, wacadkii iyo dhaartii na uu raqda uga kudi lahaa, waxa kala gudboonaatay, isaga qudhiisa, in uu noqdo ka tirma oo aan uu raad na ka harin; sidaas darteed na, cadowgii qaranka uu dadkiisa ka badbaadiyo. Wiil buu ahaa ay qisadiisu, qabkiisu, iyo qabadkiisu ba ay u noqon wax ay ku dhaadan kari doonaan jiilasha iman doono. Illoobay ee ha i ogaysiin! Naftihure, kommaandoos nool buu ahaa. Cirguduuddii waaberi, madfac ka mid ahaa riddooyin talantaalli u dhacayay oo ay soo ridaysay gaashaanbuurtii—dee waa Kabaweyne iyo eeyihii kale ee i garo, isirkoodlacadaab—ayaa ugu galay uubtii. Oogtii na, baallaha ayay dhiig ku caseysay! Maadeey, wax naf adadag buu ahaa; hore ka maanuu dhiman. Waaritaan dheer se u maanu hadhsanayn; kolley se si weyn ayuu kasha uga jeclaa, gunaanadka ka horow, bal in uu walaalka la dardaarmo. Walaal oo kale ayuu u aqoonsanaan jidhay cid kasta oo xubin ka ahaan jidhay Xooggii Dalka. Hooheey, ayaandarri badnaydaa! Saddex erey kamay badan warkii uu odhan karayay ba. Sidii shacaarkii ayuun buu mar qudha la higgooday: “Allahayow ku nabadyeel!” Afkiisa ereyo dambe ee uu faro bay ugu dambeyeen! Ducadaasi iyada ihina, igu walloonan garanaynin cid uu ula jeeday; calanka Soomaaliyeed inuu u naqayay bay se ila ahayd. Isla godkii uu ku dhintay ayuun baan nu ku aasay.

Toban sano xabsi ayaan ku jidhay. Dhowr sano oo kale na dagaal sokeeye ayaan ku jidhay. Haddii, Alle yidhaahdo waxan idin soo booqan doonaa sanadka 2006, horraantiisa. Reer Soomow in aan u tago aad bay iigu weyn tahay. Dhowr qardhaas (makaraan, xirsi) oo aan wii¬lkoodii ka furfuray na waan u haya iyo ficiis kale ba ….

*****
DHOOBAY OO DHAN NA, waxa la isla dhexmaraa in goobo badan lagu arko cirfiidkii Maadeey! Meeshii kasta ee uu halgan ka dhacayo na, sidii Cantar ibn Shaddaad, gudcurka damta ah in hummaagtiisii ay ka soo oogsanayso, la na maqlo shacaarkii Horintii Danab:
Danaab! Danaab! Danaab!
Libin! Libin! Libin!
Huh! Huh! Huuuuuh!

Jabaqdaas oo la mid noqotay wax la halmaala, qacdii tenegga loo garaaci jiray ciiraqabihii maroodi; si delagga beeraha looga afqabto. Reer Dhoobooy, dad badan ayaa aaminsan: Maadeey in aan uu dhiman; in aan uu xitaa dhiman lahayn, sidii geesiyadii la toogan jiray, haddii madaxa lagala dhici lahaa coup de grâce—koolbada naxariista. Waa runtood! Geesigu ma dhinto. Baabbow ba waa uu inoo sarbeebay: “Isimkiisa oo kale … ma dhinto!” Haddii ciwaaradaas ay run tahay iyo haddii ay been tahay ba, runtu waxa ay tahay: Doonkaa-Daafeedow, in ay la mid noqotay oraahdii reer Galguduud ee oran jidhay: “Harag Shabeel, tuke ku ma soo dego!”
NUUXOOW ULBATTI, isaga oo ii sii sagootinaya halkii gaadhigu ii oollaa, ayaa iigu soo afjaray sheekadii reer Soomow:

“Maadeey waa geesiga keliya, geeridiisii ka dambow, cadow kii shiisheeye ama cadow kii sokeeye ah bo—ay sheeggiisa ka wada rooraan!”

“Waa runtaa! Waa dhaawgii Baabboow! Waa sidii jiritaan aan ay geeridu joojin kari doonin,” ayaan anigu na ku ayiday warkii guddoomiyaha ururka BABU! Waxa aan ugu sii daray: “Weligaa ha moogaan; Soomaalinimada waa wax taariikhdu aan ay aasi kari doonin. Ha u dirin in aad uun degmo qudha tuugo ka xoreyso; u dirir in aad nacab dalka oo idil ka xoreyso. Maadeey, iyo malaayiintii naftoodii u huray, ha ka yeelin dad u dhintay si ujeeddola’aan ahayd oo kale. Viva Somalia! Viva … SOOMAALIDU HA NOOLAATO!”
.
.
.
DHAMMAAD
F. G. Dhacdooyin la mid ah sheekada reer Soomow ayaa jiri kara. Sidaas darteed, haddii ay sheekadan istaabad la yeelato, cid nool ama ba cid dhimatay, waxa aan halkaan ku caddeynayaa in aan loola jeedin qof na; ay na tahay

5 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. Salaamu Calaykum adeerkiis Adow

    * RAMADAAM KARIIM * ALLAA MAHAD LEH *

    Bog aad u qurux badan. Halkaas ka sii wad hawshaada wanaagsan!

    Caafimaad , cimri dheer iyo sanooyin farax badan ayaan ku rajeynayaa.

    Mar kale Ramadaan wanaagsan adeerkiis.

    Yusuf Wayeel

  2. Salaamu Calaykum adeerkiis Adow

    * RAMADAAM KARIIM * ALLAA MAHAD LEH *

    Bog aad u qurux badan. Halkaas ka sii wad hawshaada wanaagsan!

    Caafimaad , cimri dheer iyo sanooyin farax badan ayaan ku rajeynayaa.

    Mar kale Ramadaan wanaagsan adeerkiis.

    Yusuf Wayeel

  3. Ramadn karim Aderkiis wa kumahadsantahay coment-ga bro come again Blog-ga waxaad ugu bogan doontaa sheekoyinka maqalada iyo waxyaba xisa leh oo dhan Ramadan Mubarak……

  4. waad mahad santihiin laakin waxaan idinka codsanaayaa soo dhamaystira sheekada ah jacaylkii raja beelay plz isma dhaafno wsc

  5. Jaceylkii Rajabelay -abayo maba so post gareyn somaha shekadas aniga…. can you link me the url..?


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: