maqaaal

April 12, 2007 at 2:33 am | Posted in Uncategorized | Leave a comment

Xildhibaan Cabdala Aadan Xasan: Wasiirada Hawiye waa inay si dhaqso ah isku casilaan haddii ay rajo ka qabaan mustaqbal siyaasadeed sidoo kale Cali Mahdi Maxamed waa inuu ku dadaalaa inuu helo raggii bedeli lahaa Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Geedi si wadanka loo dajiyo dagaalada hadda socda kadib la iskuna cafiyo

Xildhibaan Cabdala Aadan Xasan oo ka mid ah xubin ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee magaalada Gothenborg ayaa ugu baaqay in dhamaan xubnaha beesha Hawiye ee ku jira dowladda inay si dhaqso ah isaga casilaan xilalka ay hayaan waayo waxa dadka rayadka lagu xasuuqaayo waa magaca aya huwan yihiin taariikhdana ma soo mari waxa ka dhacay Muqdisho sidaa darteed in damiir bani aadanimo ah haba yaraatee ma ogolaan karo in xasuuq intaas le’eg iyo burbur loo geysto daaro iyo guryo aanan wax looga dan leeyahay aan la garaneyn.

Haddaba maadaamaxubnaha golaha wasiirada ee beesha Hawiye ay iyagu sheeganayaan inay magaca dadka rayadka ee Bmka lagu garaacaayo ay matalaan isla markaana aysan waxba ka qaban karin sidaa darteed waxa ugu yar ee ay sameen karaan waa inay is casilaan xataa hadii ay kalifeyso inay naftooda ku waayaan iscasilaadaan ayuu yiri Cabdala Aadan Xasan oo la soo xiriiray webstika Dayniile maantay.

Xildhibaan Cabdala Aadan Xasan ayaa intaas ku daray in ay foolxumo iyo ceeb ma hadho oo taariikhi ahiyadoo magaalada Muqdisho ay ka socoto xasuuq la mid ah midkii ciidamadiii dowladdii Siyaad Bare ay ka geysatay caasimada Somaliland iyo qaabkii loo burburiyey sidaa darteed waxaa u sharaf badan inay iska casilaan xilka wasiirnimo ay ahaayaan waayo mansabka waa mid la heli karo mid walba hadii qofku uu sii noolaado laakiin magaca iyo sharafta lama soo iibsan karo qof walba oo adduunka jooga oo damiir lehna sidaas ayuu sameen lahaa.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdala Aadan Xasan ayaa ka codsadey Cali Mahdi Maxamed inuu isku dayo inuu helo rag wax gal ah oo ka dhashay beelaha ay ka soo jeedaan Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Mahdi oo lagu bedelo labadaas nin marka dagaalada Muqdisho ay dhamaadaan cidii doonta guushu ha raacdee waayo iska cadaan in nabad waarta ay adag tahay in la helo hadii labadaas nin ay kursiga ku fadhiyaan umana eka rag iskood isku casilaya oo kursiga ka tagaya sida muuqata sidaa darteed waxaa haboon in si niyad wanaag loo helo oo Soomaali ay isku cafiso in bal wajiyo cusub la keeno meesha dagaalada kadib si looga badbdaado haddana kacdoon kale iyo dhib kale mustaqbalka waayo dadk la laynayaa dhulka kama aysan soo bixin oo dad ayay ka dhasheen dadkoodana si fudud maku iloobi karaan xaquus intaas le’eg iyo in la iska BM lagu garaaco xaafado iska nabad ah oo wax kacdoon uusan ka jirin haba yaraatee ujeedada laga leeyahayna waa wax qof walba oo caqli leh waxaana muhiim ah in dadka reer Muqdisho ay hadda garowsho ka dhiibaan sababta keentey reer Somaliland inay go’aansadaan inay Soomaaliya ka go’aan ileen xanuunkii dadkaas gaaray iyana waa arkeene. Haddaba maadaama Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Geedi ay ka baxeen balantii aheed inay nabad wax ku raadinayaan oo ay dagaal foolxun galeen oo ay geysteen xasuuq iyo burbur ka daran midkii xamar ka dhacay 20kii sano ii u danbeeyey waa in Cali Mahdi uu u sheegaa inaysan ka gadmi karin ummadda Soomaaliyeed oo aan dib danbe loogu aamini karin inay matalaan magaca ummadda Soomaaliyeed maadaama Maxamed Siyaad iyo hogaamiyekooxeedyadii ka danbeeyeyba ay noqdeen i qarso marka loo eego dhibka ay dagaalada hadda socda ay geyteen ayuu yiri xildhibaan Cabdala Aadan Xasan.

Xildhibaan Cabdala Aadan Xasan ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay waxa ka socda Muqdisho iyo xasuuqa iyo burburka la gaysanayo waxaana uu sheegay inay tahay wax laga xishoodo in dad magac qaran huwan ay ku dhaqaaqaan aargoosi qabiil iyo in BM lagu garaaco xaafado aanan wax iska hor imaad ka jirin maadaama la lahaa Soomaali way heshiisay oo waa la is cafiyey haddii la is cafiyey maxaa saraha cidlada ah ee laga qaxay loo duqeynayaa maxaa Suuq Bacaad Bmka loogu garaacayaa, Maxaa suuqa Bakaaraha loo duqeynayaa , Maxaa Albaraka iyo Black sea iyo Gubta madaafiicda loogu garaacayaa ma ciidamo kacdoon wada jooga goobahaas ? Waa su’aal jawaabteeda looga baahan yahay qofka ujeedada gaarka leh ee xaafadahaas madaafiicda iyo Bmka ku duqeynaayo haddaba sidee ayuu qofkaas beri ku qabanayaa masuuliyad qaran marka dagaaladu dhamaadaan yuuse xukumayaa? Sidaas ayuu kusoo gabagabeeyey Xildhibaan Cabdala Aadan hadalkiisa.

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: