Inta qof ee fal gardaro loogu dilay Soomaaliya

April 23, 2007 at 3:10 am | Posted in Uncategorized | 2 Comments

(Magacyada shaqsiyaadkaasi)

Sida aan la socono Soomaaliya waxaa lagu dilay dad badan oo u badan culamaa’udiin, aqoonyahano, Saraakiil ciidan, samalfale, ganacsade iyo in badan oo aan magac (degree) wadan balse gardaro lagu gumaaday, dilalkaas fool xumada leh ayaa wali laheyn cida ka danbeysa si loo taago xukun cadaalad leh maadaama ay ayagu yihiin kuwa daba gura inta yar ee dalka ka muuqata .

Dilalkaan oo ahaa kuwa qorsheysan hadana aan horey loo arag ayaa ilaa iyo hadda laheyn cidda ka danbeysa dilalkaas qorsheysan waloow ay jiraan shakiyo iyo far ku taag badan oo laga muujiyey kuwa ka danbeeya dilalkan, balse ilaa hada ayaan dhicin akhristow in dhib la gaarsiiyo ama la gaarsiiyay kuwa umadda aafada u soo jiiday oo ay ugu horeeyaan qab qablayaasha dagaalada ooga, qaadicul dariiqyada dadka furta iyo kuwa qeyraadka dalka ku iibsada qiimo aan qaayo ku fadhin

Koley waxaa meesha ka marneyn gamco shiishe (invasion) oo aalaaba u xusul duubta iney cagta mariyaan inta ay ku tabi karaan inay u taagan yihiin bad baadinta dalkooda iyo dadkooda.

Hadaba qoraalkan ayaan ku muujin doonaa akhristow inta qof ee soomaali iyo ajaanib ah ee lagu dilay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba iyo taariiqaha la shirqoolay oo aan wali la soo gacan galin gabood falayaashi geystay dhagartan.

Military group (ciidanka dalka)

· General yuusuf ahmed talan hotel sahafi, muqdisho Oct 18 2000.

· Colonel. Abdulahi Mohamed Warsame “Nero”, Lafoole. April 2003.

· Captain. Mohamed Adan, Xamarweyne April 2003.

· Colonel. Mohamed Ismail “Gure”, Aug 14, 2004.

· Police: Colonel Ismail Haji Osman. Gurigiisa, degmada Howlwadaag. Aug 14, 2004.

· General. Maxamed Cabdi Maxamed, degmada Shibis, sep 11, 2004.

· Colonel. Ahmed Ugaas “Foodey”, Oct 2004.

· S/Gaas. Maxamed Xaashi Gaani Asoo meyda laga heley hotelka uu daganaa, Nairobi Kenya Oct 18, 2004

· Colonel. Maxamuud Abdinuur Aadan “Bataar”, Degmada Howlwadaag, Oct 26, 2004.

· Police: General Yusuf Ahmed Sarinle, degmada Wardhiigley, Jan 23, 2005.

· Colonel Xirsi Maxamuud Cumar ”Xirsi Dhoore”, degmada Yaaqshiid, Jan 31, 2005.

· Police Officer: Cabdullaahi Kaahiye Cali, Afisyoone, March 07, 2005.

· Police. Colonel: Maxamed Saciid Maxamed, degmada Yaqshiid, may 21, 2005.

· Police. Colonel: Max’ed Cusmaan Coon, Three Biano, July 31, 2005.

· Colonel maxamed xasan maxamuud “cadaawe” Jan, 21 2006

· Taliyaha Maleshiyada X.Bootan Ciise, Saciid Axmed Sangaab iyo Xaaskisa, March 1, 2006.

· Marines Colonel Abuukar Maxamed Xusen (Abukar Dheere) Degmada Wardhigley, March 16, 2006.

Mullahs (culumaa’udiin)

· sheekh Axmed Muumin Haaruun khadiibkii Masjika abuu Hureyra, July 29, 2005.

· Shiikh Cabduqaadir Muumin 2005

· Shiikh cali mu’adinkii masjidka xareed, march 05, 2007.

Peace work ( nabad doon &sama fale)

· Aabihii nabadda Maxamuud Cali Axmed (Elman) muqdisho march 9, 1996.

· Halgamaa Istarliin cabdi caruush xiriiriyaha hayadda Cosv Nairobi Jan 10, 2002

· Italian Nurse; Annalena Tonelli, Borame. Oct 5, 2003.

· British aid worker; Richard Eyeington iyo xaaskiisa Enid Eyeington, Sheikh Secondary School, waqooyi galbeed. Oct 21, 2003.

· Project Manager GTZ’s; Florence Cheriuyot, April 19, 2004.

· Peace Activist. Cabdulqaadir Yaxye Cali Cibaar, Degmada Madiina, July 11, 2005.

· U.N Worker; Mohamed Musse Guraage Kismayo, Oct 05, 2005.

· High assistance kalkaaliye sare Cabdi Kheeyr kismayo novermber 05, 2005

· Sooro talyaani oo lala dilay ilaaliyaheeda oo ka shaqeyneysay islbitaalka SOS muqdisho Sep 17, 2006

· Madaxa hay’adda horumarinta iyo nabada ee Kasimayo Ciise Cabdi Ciise muqdisho, march 14, 2007

Journalist (saxafiyiin)

· BBC Correspondence: Kate Peyton, Hotel Sahafi hortiisa, Feb 9, 2005.

· Horn Afric Correspondence: Duniya muxidiin nuur, Afgoye, Sun. June 5, 2005 10:11 pm

· British Correspondence: Martin Adler, Tarabuunka Hortiisa, June 23, 2006.

Thinker (Aqoon yahay)

· Maxamuud Xasan Taakow degmada, Yaaqshiid sep 10, 2004.

· Philosophy: Cabdiraxman Maxamuud Takbiir, degmada Yaaqshiid, Dec 01, 2004.

· Dr.Abdirahman Warsame Elmi, degmada Madiina, Jan 29, 2005.

· Drs.Maryan Maxmed Xasan Kuulow, degmada Waberi, march 19, 2005.

Political relation (xiriir siyaasadeed)

· Xildhibaan Shiikh Ibraahin Cali Cabdulle Nairobi Kenya 2003

· Faay Mac’buud Cabdi dumar lagubay ka dib lacag lagu sheegtay, Feb 6, 2005

· Qadar Cismaan Cilmi Boqorre, wiilka X. boqorre, km 4. Muqdisho, November 12, 2005.

· Cabdalla deerow isaaq wasiirkii dastuurka DFKM baydhabo Friday July 28, 2006

· Maxamed Cabdullaahi Yuusuf (Curcuro). Gudoomiyahii rugta ganacsiga MGPL Aug 8, 2006

· Cabdi naasir seerjito former ambassador in U A E muqdisho March 28, 2007.

· Abuukar socdaal ku xigeenka shirka dib u heshiisiinta muqdisho March 31, 2007.

· Wiilka uu dhalay Xaaji Cabdi Iimaan Gudoonka Beelaha hawiye April 15 2007.

· Ku xigeenka duqa (mayor) muqdisho Ibraahim Cumar Sebriye (Shaaweeye), Nairobi Kenya April 20, 2007.

Business man ( ganacsade)

· Cumar cabdi diini nation link laanta guriceel guri ceel July 18, 2005.

· Marxuum C/nuur Aw-cali Golis telecommunication company bosaso

INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN

Akhristow inta aqoon yahay, culumaa’udiin, sama fale,ciidan iyo inta siyaasad qalafsan loo dilay waxaan lee yahay qabriyadooda ALLAH ha u qaboojiyo anagana sabar iyo iimaan naga siiyo, gacan ku dhiiglayaasha (dad iyo dawlad) ka danbeeyay fal xumadaas waxaan rabi ka rajeyn in indhaheena mar uun ku qaboojiyo iyagoo cadaalada la marinayo.

Ugu danbeyntii inta samaha jecel ee guudkan dushiisa ku nool ALLAH ka bad baadiyo gacan ku dhiiglayaasha ku dhuumaaleysanaya dalka iyo dibada, waxaana ka codsan inay qalinka u qaataan fadhigana ka kacaan si ay u meel mariyaan dar daarankii, howlahii adkaa, geesinimadii iyo dhaxal wanaagii ay ka tageen inta inaga baxday si aan u gaarno guul iyo guri wanaagii ay noo bilaabeen geesiyaashii cadawgeena ka hor istaagay inay dhameys tiraan, una hurno naf iyo maal sidii aan usoo ceshan laheyn karaamadeenii luntay dalkana uga xureyn laheyn cawadaga iyo caada qaatayaasha lumiyiyay halgankii aabayaasheen.

2 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. waxaaa ka maqan dad kale saan filaayo oo badan ,wariyaal , maareeye shirkade , I.w.m./

  2. WAA WAX UU KU FARXO QOF KASTOO WAX GARAD AH JIRITAANKA AMA HELITAANKA DAD U HURO WAQTI IYO NAFBA INEY RIKORGAREEYAAN GABBOODFALADA KA DHACAY WADANKA,(dadka isku hawlay arintan waa dad ay taariikhdu xusidoonto) waana hawl aaaaad loogu baahnaa.


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: