Kooxda Mbegathi & Kadeedka Ummadda

May 9, 2007 at 5:49 pm | Posted in maqal | 2 Comments

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa sebenkii Daraawiishta ku gabyey

“Mar haddaan waayey calan la ii nashiro tan iyo Nairobi”

“Ma waxaan waayey Nuurkii Alliyo Nabiga jaahiisa”.

Cabdullaahi Yuusuf oo gabaygii Sayidka soo xigtay ayaa yiri:

“Mar haddaan waayey Soomaali mideysanoo ii mashxaradeysa”

“Ma waxaan waayey Madfacii Meyle iyo maato la xasuuqo”

“Mar haddaan waayey Muslimintii Somaali iyo mahurtadii Carabta”

“Ma waxaan waayey Gaal macatab leh iyo manaxe ii muraad qumiya”

“Mar haddaan waayey Madaxweyne Soomaali iyo Maamul hanaqaaday”

“Ma waxaan waayey Maleeshiyada reer tolkey iyo Maamul Goboleedkii”

Sh. Ibraahim C/qaadir Calinuur (Abu Xaniifa)

Xaniifa77@yahoo.com

May 01, 2007

Qaranimo Online

voip voip voip learn more about voip – internet telephony

Taarikhda waxaa laga bartaa taxanaha isdaba jooga ee dunidu soo martay. Taarikhdu waxay kala huftaa: halyeeyga iyo habacsanaha, geesiga iyo fuleyga, deeqsiga iyo buqaylka, waddaniga iyo qaa’inka iyo sifaalaha kalee soo raaca. Taarikhda Islaamka waxaa ku xusan geesiyaal naftooda u huray hirgelinta diinta Islaamka iyo rag qeyb libaax ka qaatay fidintaanka diinta. Afarta iimaan ee mad-habaha ka sokow, waxaa ka mid ah: Bukhaari, Nawawi, Daariq bin Siyaad iyo culumo kaloo aan halkan lagu soo koobi karin. Sidoo kale waddamada reer Yurub waxaa ka soo dhexbaxay geesiyaal taallooyin loo dhisay iyo aqoonyahanno lagu abaalmariyey billadda Noble. Ayaandaaro taarikhda Somaaliya waa mid liddi ku ah nidaamka dadka lagu qiimeeyo ee adduunweynaha ka jirta.

Halyeeyga iyo habacsanaha, geesiga iyo fuleyga, deeqsiga iyo buqaylka, waddaniga iyo qaa’inka, waxa qura ee lagu kala saaro waa nin reer hebel ah. Halyeeygii horumarka dalka hirgeliyey iyo habacsanihii gumeysiga u hindiwaasay, nin kasta waxa uu bulshada ka mudan yahay laguma abaalmariyo, xataa manaahiijta dugsiyada laguma qoro oo ardayda lama baro hoggaamiye kasta taarikhdiisa iskudhafan, ammaan iyo dhaliilba. Tusaale: Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah geesi gumeysidiid ah iyo Maxamed Dheere oo meel fagaare ah ka yiri “Ciidanka Xabashida ee shacabka xasuuqaya biyaha iyo caanaha ayaan ka dabaqaadeynaa, dhaawacoodana waan baanineynaa”. Sida dhaqanka Somaalidu yahay, Sheekh Shariif iyo Maxamed Dheere markay tolka dhex joogaan waa laba nin oo Harti Abgaal ah, oo waxba isma dheera

Hoggaamiyaasha daafaha dunida ku baahsan, intooda badan ilaa xad waxay ku dadaalaan, si ay ku hantaan kalsoonida shacabka ay madaxda u yihiin inay hormariyaan: kaabayaasha dhaqaalaha, adeegga bulshada, waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada iyo wixii soo raaca. Taasi beddelkeeda hoggaamiyaashii majaraha u qabtay maamulka Somaaliya intood badan waxay ku dadaaleen oo ay meelmariyeen: dil-dhaca-kufsi iyo gaboodfal kastoo liddi ku ah xuquuqda shacabka. Waxa laga faano ayaa nin ku faanaa, mas’uul madaxweyne sheeganaya ayaa had jeer ku faana xasuuqa shacabka tabaaleysan.

Jeneraal Maxamed Siyaad Barre waxaa halhays u ahaan jirtay (Maxaa wacay iyo Kacaanka libineed) wasiirkii aan halhays ka dhigan labadaas eray, wuxuu waayi jiray xilkiisa oo waxaa lagu sunti jiray Kacaan-diid. Kornayl Cabdullaahi Yuusuf waxaa halhays u ah (dadka anigaa ugu hub badan iyo dagaallada sokeeye anigaa billaabay iyo waxaan xariif ku ahay sida dadka loo laayo). Wasiirada Cabdullaahi Yuusuf ninkii aan halhays ka dhigan erayada ku wajahan xasuuqa shacabka, xilkiisu qilqiil buu ku jiraa, taasina waxay keentay in wasiir kasta ku hadaaqo waa in shacabka argagaxisada ah la xasuuqaa. Bal isweydii sidee baa shacab dhan argagaxiso ku wada noqday? “Xasuuqa shacabku waa xisaab qoran” Bal u fiirso erayada ka soo burqanaya: (Sheekh Aadan Madoobe, Cali Maxamed Geeddi, Maxamed Gacmadheere, Salaad Cali Jeelle, Qanyare & Qeybdiid iyo Cawil Dhiigsokeeye oo ah Taliyaha ilaalada Cabdullaahi Yuusuf iyo rag kaloo ka mid ah haykalka dowladda Mbegathi).. Fircoon ayaa sixiroleyaashiisii ku yiri “haddii aad nabi Muuse ka guuleysataan, waxaad ahaanaysaan kuwo aad iigu dhow”. Sidaas oo kale Kornayl Cabdullaahi Yuusuf wuxuu kooxdiisa ku yiri “ninka dadka ugu layn og ayaa gacanteyda midig noqonaya” Baaqaas si firfircoon ayaa loo hirgeliyey oo waxaa loo tartamey xasuuqa shacabka.. Wadaad werdi raatib ah uruurinaya oo markii la yabooho CASHARA-10-, inta tusbaxa roga yiraah Megen Alle oo kale ayaa xarunta Madaxtooyada maanta ka jirta oo Cawil Dhiigsokeeye oo ah taliyaha Koofiyadcasta iyo Xuseen Idamaal oo ah afhayeenka Cabdullaahi Yuusuf ayaa tiriya dadka maalin kasta la laayo oo sida wadaadkii oo kale tusbaxa u roga. Hadallada Cabdullaahi Yuusuf malaha waxay ka turjumayaan gabay abwaan xigmaawi ah tiriyey oo leh “Ma ogtahay degmayada cudurrada dilaagaa waa lagu ducaystaa.. Ma ogtahay degmayada dibida iyo weylaha dameerahaa inoo dhala”

Kooxda Mebaghaati yaa abuuray? Somaalise ma yihiin? Maxaadse ka taqaan taarikh nololeedkooda? Su’aallahaan jawaabtoodu waa mid Somaali oo dhan u furan, balse dhowr ka mid ah aan maqaalkan si kooban ugu xuso:

Kornayl Cabdullaahi Yuusuf:

Xilligii dagaalkii qaboobaa, hay’adihii sirdoonka (CIA iyo KGB) waxaa ka dhex socotay basaasnimo iyo isqaarijin xad-dhaaf ah. KGB waxay ku guuleysatay inay si hoose u disho (assisination) sarkaal CIA, kun beddesho nin muuqaal ahaan aad ugu eg oo KGB ah. Sidaas oo kale CIA iyaduna waxay ku guuleysatay inay disho sarkaal KGB ah, kuna beddesho nin muuqaal ahaan aad ugu eg oo CIA ah. Xabashidu waa dowlad facweyn oo xadaarad fog leh, waxaana suurtagal ah inay isticmaashay nidaamka KGB & CIA. Waxaa muuqata Sirdoonka Xabashidu inuu 1960-yadii diley sarkaalkii la oran jiray Cabdullaahi Yuusuf kadibna lagu beddeley sarkaal muuqaal ahaan u eg oo laga keenay gobolka Shawo, sababtoo ah nin dhiig Somaaliyeed ku jirao uma dhaqmeen habka ninka lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf oo aan is leeyahay waa (copy) u dhaqmo. 1980-yadii ayaa shacabka reer Iiraan waxay aad ula yaabeen naxariisdarrada Ayatullaahi Khowmeyne, kadibana saxafi reer Iiraan ah ayaa wargeys ku qoray, ninkii Khowmeyni la oran jiray waa hore ayuu dhintay ee Khowmeyniga maanta na laynaya waa nin KGB ay ka keentay gobolka Tashkanti oo loo ekeysiiyey Khowmeynigii reer Iiraan. Hubaal Cabdullaahi Yuusufka maanta waa Amxaar loo ekeysiiyey Cabdullaahi Yuusufkii Somaaliga ahaa.

Sheekh Aadan Madoobe:

Marka laga reebo Ambiyadii Alle doortay, laga soo billaabo Nabruud iyo Fircoon, madaxda waddamada adduunweynaha, inta badan 90% waxay ku tiirsan yihiin Kuhaan iyo Sixir. Boqor Xayle Salaalse wuxuu safka hore uga jiray madaxdii xukunka ku raagtay oo 41 sano ayuu ahaa boqor aan laga daba hadlin. Qadarta Eebbe ka sokow, sababtii Xayle Salaase xukunka ugu raagay waxaa loo aaneeyaa kuhaankii iyo ducadii Sheekh Cumar Azhari (Somaali) la garab istaagay saaxiibki boqor Xayle Salaase.

1991kii markii kooxda Tigree ay la wareegeen xukunka Itoobiya, Meles Zanawi wuxuu ku hamiyey inuu xukunka haysto ilaa geeridiisa. Si riyadiisu ku hirgasho Sixirooleyaasha Itoobiya wuxuu ka doondoonay nin ku xeeldheer hawlaha kuhaanada (faalka iyo fellega). Itoobiyaankii aqoonta durugsan u lahaa sixirka, waxay Meles Zenawi u sheegeen Sheekh Cumar Azhari inuu suurtageliyey xukun ku waaristii boqor Xayle Salaase. Sidaas awgeed waxay kula taliyeen inuu guud ahaan sinjiga Somaalida, gaar ahaan faracii Sheekh Cumar Azhari ka raadiyo nin ku xeeldheer hawlaha kuhaannada.

Meles Zenawi oo fulinaya taladii sixiroleyaasha Itoobiya, wuxuu u yeeray Kornayl Cabdullaahi Yuusuf oo ah horjoogaha kooxda Tabcane Tigree, wuxuuna u sharraxay taladii kuhaannada, kadibna wuxuu ka codsaday inuu degdeg ugu keeno carruurtii Sheekh Cumar Azhari wiilkii bartay sixirka ee dhaxlay kutubtii Asaraarta. Kornayl Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ugu jawaabay carruurtii Sheekh Cumar Azhari, Dr Yuusuf Cumar Azhari kaliya ayaa ka bartay cilmiga sixirka oo dhaxlay kutubtii kuhaannada, isaguna aniga ayuu la-taliye ii yahay oo waa gacanteyda midig, asaraarta Dr Yuusuf la’aanteedna ma shaqeyn karo, balse dadka ku nool dhulka Koofur-Galbeed ka xiga Afgooye ayaa aad u yaqaan cilmiga sixirka, halkaas ayaan kaga raadinayaa nin ku xeeldheer cilmiga sixirka.

Kornayl Cabdullaahi Yuuusf wuxuu si fudud ku helay Sheekh Aadan Madoobe oo ah xeeldheere ku taqasusay cilmiga sixirka. Sheekh Aadan Madoobe yaraantisii waxaa lagu magacaabi jiray Aadan Faaldhaw, markuu weynaaday oo lala yaabay indhasarcaadkiisa waxaa lagu magacaabay Shaydaan Madoobe. Sheekh Aadan Madoobe markii loo geeyey Meles Zenawi oo la imtixaamay waxaa lala yaabay burhaantiisa, wuxuuna noqday ninka ugu dhow sixiroleyaasha ku meersan Meles Zanawi. Sheekh Aadan Madoobe wuxuu Meles Zanawi u sheegay madaxtinimadiisu inay ku egtahay maalinta dowlad ay ka dhalato Somaaliya, wuxuuna ka dhaadhiciyey maalinta dowlad Somaaliyeed oo xor ka ah Itoobiya ay hanaqaado inuu godkiisa qoto oo karfantiisa tosho. Meles Zanawi subax kasta inta uusan quraacan wuxuu telefoon u soo diraa Sheekh Aadan Madoobe, wuxuuna weydiiyaa wixii uu yeeli lahaa maalintaas. Sida qaalibka ah Sheekh Aadan Madoobe wuxuu saaxiibki Meles Zanawi kula taliyaa maalin kasta inuu dhiig Somaaliyeed daadiyo, sidaas inay dowladda Tigree ku badbaadi karto, talada Shaydaan Madoobena sida ay tahay ayaa loo fuliyaa.

Prof Cali Maxamed Geeddi:

Jabhadii xoreynta Eretereya si ay ugu guuleysato dagaalkii ay kula jirtay gumeystaha Xabashida, waxay abuurtay jabhaddii xoreynta Tigree. Afewarke oo halgan dheer u soo galay madaxweynaha Eretereya ayaa Somaaliya keenay Meles Zenawi kana wasteeyey oo isku xiray isaga iyo madaxdii Somaaliya. Dowladdii Somaaliya hub ay ka soo iibsatay Shiinaha oo dekadda Berbera ka soo degay ayaa la siiyey jabhadii (TPLF) ee Meles Zenawi guddoomiyaha ka ahaan jiray. Xubnihii TPLF ee Somaaliya joogay dhaqdhaqaaqooda waxaa lagu jaaday koox NSS ah oo madax looga dhigay Kornayl Maxamed Geeddi. Mariidka ama waabayda waxaa ugu khatarsan timo la tag ama seddax saamoodley. Qofka lagu dhufto mariidka halista ah seddax tallaabo kadib waa dhintaa timuhuna waa ka bidaan. Kornayl Maxamed Geeddi oo ka mid ahaa raggii ku marqaati furay Salaad Gabeyre Kadiye, wuxuu ahaa nin ku xeeldheer basaasnimada, qof uu qaniinayna seddax maalmood ka badan ma noolaan..

Maadaama Maxamed Geeddi ahaa xiriiriyaha jabhadda TPLF iyo taliyaha NSSta, waxaa isbartay Meles Zenawi iyo Cali Maxamed Geeddi oo noqday saaxiib far iyo faraati ah. Cali Maxamed Geeddi oo isaga laftiisa loo qoray adeege dahsoon (NSS) oo ka soo warbixiya ardayda jaamacadda, waxaa loo xilsaaray inuu soo ballamiyo guryaha raaxda ee Meles Zenawi u tumasho tago. Burburkii Somaaliya kadib reer Maxamed Geeddi waxay u guureen Adis Ababa, saaxiibkood Meles Zenawi ma noqon abaallaawe ku wacadfuray abaalkii reer Maxamed Geeddi u galeen sanadihii jabhadda TPLF ay Xamar joogtay. Si fiican ayuu u soo dhoweeyey, reer Maxamed Geeddina wuxuu dejiyey guri qasri weyn ah oo Adis Ababa ka tilmaaman. Prof Cali Maxamed Geeddi magaca Itoobiya wuxuu hay’adaha calamiga ah uga helay jago sare oo qaabilsan xoolaha Geeska Afrika, kadibna si loo cuuryaamiyo dhaqaalaha Somaaliya oo xoolaha nool ay lafdhabar u yihiin, Cali wuxuu qoray warbixin uu ku qeexay in xoolaha Somaaliya ay qabaan cudurro halis ah oo Xumadda Rift Valey ay ka mid tahay. Warbixin Prof Cali qoray waxay keentay in cunaqabateyn lagu soo rogo ganacsiga xoolaha Somaaliya. Warbixinta Cali qoray waxaa kaloo loogu dowgalay xoolaha Somaalida in lagu dhoofiyo magaca Itoobiya.

Prof Cali oo qaamuuskiisa aysan ku jirin MAYA iyo dullinimadaas Somaaliya ma qaadan karto, Meles Zenawi aad buu ugu bogay dhego fudaydka Prof Cali wuxuuna u dallacsiiyey Barasaab ku-xigeenka Somaaliya oo loo qorsheeyey inay noqoto Kilinka 6aad ee Itoobiya. Prof Cali wuxuu noqday nin jilicsan oo aad u karti yar, baxaadegga siyaasaddana aan beydna ka aqoon, wuxuuna ku guuldarreystay hawlahii Meles Zenawi u xilsaaray oo ahaa in Somaaliya ay noqoto gobol 6aad ee Itoobiya. Xan hoose oo ilo xog-ogaal ah laga helay waxay tibaaxaysaa, Meles Zenawi inuu dibinta qaniinsan yahay oo ku calaacalayo bal maxaa doqonkaan micida dheer i baray.

Nin ugaarsade ah ayaa dabino dhigtay, maalin waxaa ugu dhici jiray sagaar, maalinna cowl, maalinna waxba kuma dhici jirin oo waa ku hungoobi jiray. Maalintii dambe dabinkii waxaa ugu dhacay xayawaan uusan weligi arkin, waa xayawaan aad u yar balse qurxoon. Ugaarsadihii wuxuu go’aansaday inuu magaalada u iib geeyo xayawaankaan qurxoon. Afarta lugood ayuu ka xiray wuxuuna u qaaday dhanka magaalada, intii uu sii socday qofkii ka horyimaadba wuxuu weydiiyaa magaca xayawaankan. Qof baa ka horyimid oo wuxuu ku yiri, waxaa la yiraah mukulaal, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah bisad, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah yaanyuur, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah dinad, qof kale ayaa ku yiri basho, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah curre, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah shaambi, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah durmad, ilaa magacyo toban gaarey ayaa loogu sheegay. Ugaarsadihii aad buu u farxay wuxuu is yiri maanta waxaad heshay xayawaankii adduunka ugu qaalsana oo toban magac leh, maanta ayaad faqri baxday oo gorofta cayrta tuurtay. Markii uu tegay suuuqii magaalada waa lagu qoslay oo waxaa lagu yiri xayawaanka aad sidataa lama iibiyo waayo harag iyo hilib toona maleh ee miyaad waallan tahay maxaad mukulaal beec ah suuqa u keentay. Ugaarsadihii oo aad u niyadxun ayaa mukulaashii meel ku tuuray wuxuuna yiri magacyo badanaa oo manaafacaad la’aa. Markii hore Meles Zenawi saaxiibtinimada Cali Geeddi waa ku farxay, oo wuxuu niyadda gashtay, waxaad heshay Prof Cali oo Hawiye ah oo ka sii ah Abgaal oo u badan deegaanka Banaadir, maanta ayey ku toostay oo qorshahii aad Somaaliya ka lahayd ku meelmaray, balse sida ugaarsadaha oo kale Meles Zenawi wuxuu ku calaacalay Prof fanax leh barako yaraa, belaayo qabahaan waan ku sirmay, magac qurxoon oo muunad yaraa.

Maxamed Gacmadheere:

Anigu waxaan deganahay xaafadda Huriwaa waxaan u soo shaqo tagaa goob ganacsi oo aan ku leeyahay suuqa Bakaaraha. Intaan jidka ku soo socdo, dad tiro badan ayaa wax iga weydiiyaan Maxamed Gacmadheere. Su’aallahooda waxaa u badan, nin reer Xaaji Suleymaan inuu sidaas u hadlo oo noqdo daciif kaba qaad ah taarikhda laguma aqoon ee sidee bey ku dhacday? Ma waallan yahay ninku? Maxaa ka qaldan? Gacmadheer miyaanuu reer Xaaji Suleymaan ahayn? Jawaab kooban, Maxamed Gacmadheere farac iyo tagoog midna kuma nasab sheegto, umana dhalan reer Xaaji Suleymaan. Qiyaastii 1950kii, sanad gobollada dhexe caan ka ah oo loo yiqiin Gugii Roobkii Gabalqariye, xeebta Hobyo waxaa ku jabtay doon ay wateen dad reer Sirilaanka ah. Wixii qaraqmay mooyee, dad iyo duunyo wixii ka badbaaday waxaa bililiqeystay oo qeybsaday reer Hobyo. Somaalidu geela iyo ragga aad bey u jeceshahay, waxayna ku maahmaahdaa “rag xalaala iyo geel xalaala midna xero lagama buuxiyo”.. Sheekh Maxamuud Guuleed Gacmadheere oo ahaa Qaadigii Hobyo oo waagaas wiilashu ku yaraayeen ayaa qeyb uga helay dadkii doonta ka samatabaxay wiil kuray ah oo dadiisu ahayd 10 sano jir. Sheekh Maxamuud wiilkii Sirilaanka ahaa wuxuu ugu waqlalay Maxamed, si fiican ayuu u koriyey waxna u baray wuxuuna ka mid noqday carruurtiisa. Wiilkii doonta laga helay yaraantiisii waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Sirilaanka, balse Sheekh Maxamuud intii uusan xijaaban wuxuu ka dardaarmay in laga daayo naaneysta Sirilaanka, sidaas ayuu ugu milmay reer Xaaji Suleymaan.

Murti baa waxay leedahay “Soo seexis waa sinji dhaan”.. “Soo seexis sixirow ka daran” “Ninba inta hilibkiisu ku jiro ayaa hiilkiisu ku jiraa”… “Sidig seedo ma leefto”… Maxamed Sirilaanka beeshii uu magaceeda mansabka ku helay inuu yiraah waa argagaxiso ee hala xasuuqo waa mucjiso maanka fayow diidan yahay. Xabaddu dadka ma wada haleesho oo waxbaa ka fakada, laakiin gaajadu hambo ma reebto. Madaafiicdii Madaxtooyada laga riday firxadkii ka fakaday oo silica iyo darxum geedaha la jiifa, Maxamed Sirilaanka inuu isbaaro u dhigto macaawinadii loo weday waa xaasidnimo ka baxsan aadaminimada waxayna caddeynaysaa bal iska daa reer Xaaji Suleymaan ee inuusan u dhalan sinjiga Somaaliyeed. Maxamed Sirilaanka wuxuu ku andacooday in hay’aduhu keeneen raashin dhacay ee arrintaas maxaa ka jira?

Sideedaba raashinku hadduu dhaco sun ma noqdo ee waxaa yaraata nafaqada ku jirta. Taarikhiyan Somaalidu waxay weligeed cuni jirtay badar bakaar ku raagay, caano dhowr bilood la dhiteeyey oo dhanaan noqday, wax cudur ahna lagama qaadi jirin. 16kii sano ee dowlad la’aanta (Ganacsatada & Hay’aduhuba) waxay dalka keenayeen raashin iyo daawo dhacday, qof ku sumoomey oo ku dhinteyna ma jiro haba yaraatee. Ka rog oo laba saar ! Yaa cilmi u leh oo caddeeyey in raashinku dhacay? Raashinka dhacay cilmiga lagu baaro waxaa loo yaqaan (Toxicology). Jaamiciga Somaaliyeed ee cilmiga (Toxicology) soo bartay waa kuma? Su’aashaan jawaabteeda waxaa laga rabaa Maxamed Sirilaanka.

Bal aan dib u jaleecno taarikhda waxbarashada Somaaliya. Gobollada woqooyi ardaygii ugu horreeyey ee waxbarasho jaamacadeed loo diro wuxuu ahaa Cabdiraxmaan Tuur. Gobollada Koofurna ardaygii ugu horreeyey ee waxbarasho jaamacadeed loo diro wuxuu ahaa Cilmi Axmed Ducaale oo hadda ah wakiilka kooxda Mbegathi u jooga Qaramada Midoobay. Arday Somaaliyeed oo hadda ka hor soo bartay cilimiga (Toxicology) ma jirin, sababtoo ah wax baahi dalku uma qabin, taas waxaa daliil u ah, dowladdii Jeneraal Maxamed Siyaad, baarista tayada raashinka & daawada waxay u xilsaartay oo qandaraas kula gashay shirkad Switzerland ah.

Nin telefoon iiga soo diray Yurub wuxuu ii sheegay koox aqoonyahanno ah oo ka damqatay darxumadii dalka ka dhacday, gaar ahaan xasuuqii Xamar, inay Gal-dacwadeed ka fureen Maxkamadda Heyg ee qaabilsan dembiyada dagaalka. Dacwadu waxay liddi ku tahay guud ahaan kooxda Mbegathi, gaar ahaan shaqsiyaadka haysta Basaboorada Ajnebiga, dadka la dacweeyey waxaa ugu horreeya:

1..Maxamed Gacmadheere (Wasiirka Gudaha) oo haysta UK Passport
2..Cabdullaahi Cali Cumar (Taliyaha XDS) oo haysta UK Passport
3. Maxamed Darwiish (Taliyaha NSSta) oo haysta UK Passport
4. Xuseen Idamaal Maxamuud (Afhayeenka) oo haysta UK Passport
5.. Rag kaloo tiro badan, kuwaasoo dembiyo culus dalka ka galay.

Haddaba Wasiirka Gudaha ee kooxda Mbegathi Maxamed Sirilanka waxaa looga baahan yahay inuu Maxkamada Heyg (Holland) horkeeno (Toxicolgist) sun-yaqaanka caddeeyey inaan raashinka la cuni karin, haddii kale waxaa caddaan doonta dhiigiisa inaan dhibac Somaalinimo ku jirin. Mar kale aan daliil cad oo la cuskan karo u keeno Maxamed Sirilaanka inuusan dhalasho ahaan Somaali ahayn. 1978 Heshiiskii (Camp David) ee lagu iibiyey qaddiyadda xoreynta reer Falastiin, dhanka Carabta waxaa u saxiixay Anwar Al-Sadaad. Heshiiskaasi walaac iyo niyadxumo ayuu ka abuuray guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan Carabta waddaniyiinta ah. Sheekh Kishki ayaa la weydiiyey xukunka lagu qaadi karo Anwar Sadaad. Sheekh Kishki wuxuu yiri, Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo aqoonta diintu ku yar tahay ayaa fahmey inaan haba yaraatee wax xiriir ah lala yeelan karin Yuhuudda Alle nacladay ee sidee baa Anwar Sadaad oo ka soo jeeday Faraaciintii 7da qarni ee ilbaxnimada ah lahayd u aaminay Yuhuud oo heshiis u la soo saxiixday. Sheekh Kishki wuxuu yiri Anwar Sadaad waa malcuun ka caqli yar Maxamed Siyaad ee hala dilo, dilkaasna waa lagu fuliyey. Xuseen Caydiid oo ka mid ah kooxda Mebaghati ayaa adduunweynaha u caddeeyey in Cabdullaahi Yuusuf si foolxun u gumaaday shacabka reer Banaadir.. Haddaba waa xil dhallaan gartaye, Maxamed Sirilaanka ma Xuseen Caydiid ayuu garasho liitaa? Xuseen Caydiid malaha wuxuu hidde raacay halyeeygii dhalay Jeneraal Maxamed Faarx Caydiid. “Xuseen cirriqiisu meeshuu ka yimid caynadeed noqoy”. Farqiga u dhexeeya hadallada Xuseen Caydiid iyo Maxamed Gacmadheere, waxaa weeye: Xuseen waa dhashay, Maxamedna waa dhaqmay. Murti baa leh: “Hal aan xerada ku dhalan haddii koorta lagu xiro geelu waa lumaa”…..

Seben hore, nin burcad oo geel dhacista lagu yaqaan oo lagu magacaabi jiray Cali Barre ayaa geel ka dhacay culumo meel degan. Nin ka mid ahaa culumada ayaa gabay kuhaan tiriyey, wuxuuna yiri: “Dad wax iriye waxaan Cali Barrow, kugu dambeysiiyey”.. “Meelaan dab iyo sarrin lahayn doogi kaa qabatay”.. “See waxaad qabtaa culumo deynkeede”.. Habarkii wadaadka Alle waa aqbalay, Cali Barrena waxaa asiibay cudur aan daawo lahayn. Sidaas kale waxaan leeyahay, Maxamed Sirilaanka beeshii aad xoolaheeda ku soo kortay, magaceedana aad mansabka ku heshay, haddii aad u ololeynayso in la gumaado, waa hubaal inay ku asiibi doonto ibtelo dhacarsata faracaga abid ka abid.

Salaad Cali Jeelle:

Yaraanteydii gobollada dhexe waxaan ka maqli jiray sheeko la yiraah Maxamed Baadi oo dhacday sebenkii gumeysiga Talyaaniga. Sida la ii sheegay 1900kii gobollada dhexe waxaa ku noolaa nin lagu magacaabi jiray Maxamed Baadi, sida xoolaha ayaa loo soo hoyn jiray, caqli iyo garasho ma jirin. Maxamed waa lumay,waxaana la waayey raq iyo ruux meel uu jaan iyo cirib dhigay. Wiilka ka maqan darti hooyadi ayaa waalli ku dhowaatay, waxayna Axmed oo ahaa da’dii ku xigtay Maxamed fartay inuusan guriga ku soo laaban ilaa uu war cad ka keeno xaaladda Maxamed. Axmed siduu u baadigoobaayey walaalki Maxamed, ugu dambeystii wuxuu magaalada Beledweyne ugu yimid Maxamed oo loo qoray askartii Baandada oo albaabka ka taagan Barasaabkii gobollada dhexe oo xilligaas fadhigiisu ahaa Beledweyne. Maxamed walow uusan caqli barti lahayn, waxaa Eebbe ku manaystay filsami joog iyo jamaal gole-joosgsi wacan u dheer yahay, muuqaalkii haybadda lahaa ee Maxamed Baadi wuxuu soo jiitay Barasaabkii Talyaaniga oo sida eeyaha u tababray kana dhaadhiciyey inuu albaabka xafiiska ka furo, markuu soo galona salaan qac ka siiyo. Axmed ayaa reerihii ku laabtay, wuxuuna u sheegay inuu Beledweyne ku soo arkay Maxamed oo loo qoray askeri Baando. Habeenkii ayaa dhalinyaradii cawska isugu timid ciyaar tunteen, gabadh ayaa ciyaartii ka booday, waxayna ku maansootay “Markii Baadi Baando loo qoray, Alla maxaa Baando baahi loo qabay”. Sidaas kale waxaan leeyahay kooxda wasiir iyo afhayeen ka dhigatay Salaad Cali Jeelle, baahida ay wasiir u qabaan tiro badanaa. Taarikhdii Salaad Cali Jeelle oo kooban.

Salaad wuxuu ku dhashay miyiga Jowhar, wuxuuna ka dhashay qoys lo’ley ah. Waayihii uu soo barbaaray wuxuu xanaaneyn jiray (ilaalin iyo waraabinba) lo’da qoyska. Sida Maxamed Baadi oo kale caqliga iyo garashada oo ku yar darteed, yaaraantisii waxaa lagu tirin jiray xoolaha oo waxaa lagu naaneysi jiray Salaad Dibi.. 1989kii Salaad Dibi oo lo’ caanoteel ah ku haya meel Jowhar u dhow ayaa magaalada u iib keenay dhiil caano ka buuxaan. Salaad Dibi oo xilligaas jiray 35 sano weligi naag qaawan ma arkin sababtoo ah gabdhihii geyaankiisa ahaa oo dhan waa diideen oo mid kasta waxay tiri DIBI guursan maayo. Salaad Dibi oo xasaasiyadda dareenka ragganimadu ku badnaayeen darteed, hadba gees ayuu dhugtay oo wuxuu ku indha daraandaray naagihii suuqa joogay, kadibna wuxuu iskudayey inuu kufsado naag jidka mareysay. Ayaandarro naagtii uu iskudayey inuu faraxumeeyo waxay ahayd afadii Barasaabka gobolka shabellaha dhexe, isla markiiba Boliiskii saldhigga ayaa xiray, waxaana lagu soo oogay dacwad ciqaabteedu tahay 10 sano oo xarig ah. Odayaashii beesha Salaad Dibi ka dhashay ayaa Barasaabkii baryey, codsigii odayaasha Barasaabka waa yeelay wuxuuse shardi ka dhigay Salaad Dibi inuu iskaga baxo gobolka, kadibna Salaad Dibi wuxuu u huleelay xeryihii USC ay ku lahayd gudaha Itoobiya. Salaad Dibi oo aan dhanna ku fiicnayn waxaa lagu jaaday inuu jabhadda cuntada u kariyo, dharkana u dhaqo, sidaas ayuu uga mid noqday jabhaddii USC ee Itoobiya ka soo duushay.

Qeybta Qudaarta ee Suuqa Bakaaraha waxaa jooga dibi weyn oo madow, wuxuu aad ugu eg yahay Salaad, malaha waa kii lagu samiyey. Suuqleyda ayaa qad cad feeraha dibiga kaga qortay Salaad Cali Jeelle. Dibigu waa muhdi dadka ka cuna qudaarta, si aan ku hubiyo dibigii Salaad lagu samiyey inuu ka badbaaday xabbihii wiiftada ahaa iyo in kale, shalay ayaan suuqa qudaarta soo maray, waxaan ku soo arkay dibigii oo weli qolofta mooska cunaya. Marka la qiimeeyo hadalladii Cabdullaahi Yuusuf soo faray Salaad ee uu dhowaan kaga hadaaqay goob tolkiis ku shirsanaa, salaad waa dibi aan bari iyo koofur kala aqoon, wuxuuna la mid yahay Acraabigii isku qalday saca iyo maroodiga.

Carab reer miyi ah oo aad u yaqaan luuqada Carabiga balse aan waxba ka aqoon Qur’aan ayaa magaalo yimid. Masjid ayuu galay, salaad cishe ayuu jameeco ku xirtay, iimankii ayaa aqriyey Suuratul Baqara, istaagga ayaa ku dheeraaday, wuxuu ku sigtay inuu salaadda ka baxo, waase dulqaatay. Habeen kale ayuu masjidkii salaad cishe u yimid, iimaankii wuxuu aqriyey Suuratul Fiil, ninkii reer miyiga ahaa markuu maqlay (Bi asxaabil fiil) isagoo fahamsan in maroodi sac ka weyn yahay, wuxuu is yiri, suuradii saca haddii saqdhexe lagu gaarey, suuradda maroodiga waxay dhammaan doontaa waaberiga ee meesha isaga tag. Ninkii reer miyiga ahaa oo Suuratul Fiil oo shan (5) aayadood ah u fahmey inay ka badan tahay Suuratul Baqara oo 286 aayadood ah ayaa jaahilnimo darteed salaaddii isakaga baxay.. Salaad Dibi oo fahamka siyaasadda kala mid ah reer miyigii salaadda uga baxay maroodi sac ka weyn, xantii Cabdullaahi Yuusuf ku qarsaday ayuu fahmi waayey si loo xafdiyo, wuxuuna uga hunqaacay meel fagaare ah.

Arrinta Salaad Dibi waxaan ku soo afjarayaa beyd ka mid ah gabay uu tiryey saaxiibkey Abshir Bacadle: “Buubaa dilmahayiyo Xuseen waa ka daba tuure” “Dalka Geedi baa iibsaday Duq iyo Neeflow’e”.. Neeflowgu waa Salaad Dibi oo markuu hadlayo hinraaga… Hinraagii Jeelle habar tukatay dheh… Hugunkii beesha hayb nacayb tol dheh…

Qanyare & Qeybdiid:

Sida muuqata Maxamed Gacmadheere wuxuu si rasmi ah ugu fashilmay xilkii wasaaradda gudaha, sababtoo ah beesha reer Xaaji Suleymaan 100% waxay si kalsooni leh u taageertay kacdoonka looga soo horjeedo Tigreega dalka qabsaday. Haddaba ilo lagu kalsoon yahay xog laga soo xigtay waxay tibaaxaysaa madaxda Kooxda Mbegathi inay go’aan ku gaartay in xilka wasaaradda gudaha loo magacaabo Maxamed Qanyare. 1991 kadib sanadihii burburka, dadka qofba wax buu caashaqay oo jeclaystay, Somaali inteeda badan saar baa ku dhacay. Sida dhaqanku yahay qofka saarku asiibo waa laga tumaa, waxaana loo yeeraa madaxda Jinka sida Yoose iyo Maame, Reyfe iyo Rigaaxe.

Somaalidii saarku ku dhacay lagama tumin oo weli waa waallan tahay. Qofkii jeclaa inuu beer fasho wuxuu aaday Dhooboy oo dhul buu bililiqeystay, qofkii jeclaa inuu naag cad guursado wuxuu aaday Baraawe oo gabar cad ayuu soo kaxaystay, qofkii jeclaa inuu noqdo sarkaal wuxuu qaatay derajada G/Sare oo suuqa ayuu gaardiyaa, qofkii jeclaa inuu noqdo Madaxweyne dadka ayuu laayey wuxuuna ku faanay xasuuqay shacabka, qofkii jeclaa inuu noqdo wasiir si fudud ayuu ku helay oo dowaladihii ay dhiseen (Cali Mahdi, C/maan Tuur, Cigaal, Caydiid, C/qaasim, Cabdullaahi Yuusuf, Daahir Riyaale & Cadde Muuse) waxay wasiir u magacaabeen dad kor u dhaafay 3000 seddax kun oo qof. Laashin ka shirbay arrinta wasiirada xad-dhaafka ah wuxuu yiri “dadkaan wareeray waayadaan wasiir ku wacaa wuxuushnimaa”.

Mudane Maxamed Qanyare wuxuu si miyir la’aan ah u caashaqay jagada wasiirka arrimaha gudaha, weli maskaxda ayey uga qunfulan tahay oo saarkaas lagama tumin. Maxamed Qanyare wuxuu caan ku yahay laba sifo oo kala daran oo aan siyaasadda ku fiicnayn, waa qabyaalad aan joogsi lahayn iyo gebedhaclayn siyaasadeed. Qabyaaladda madaxmartay Maxamed Qanyare waxay ka soo billaabataa Hawiye iyo Daarood, waxayna ku dhammaataa labadiisa bahood. Xaaskiisa weyn waa reer Qardho, xaaskiisa yarna waa reer Ceelbuur, haddii carruurtiisu diriraan dabcan wuxuu la saftaa carruurta bah Ceelbuur.

1991kii dowladdii Cali Mahdi dhisay wuxuu ka noqday wasiirka arrimaha gudaha, markii USC dirirtay wuxuu si xoog leh ula saftay garabkii Cali Mahdi, wuxuu idaacadda ka yiri, Janankii waallaa (Caydiid) iyo mooryaantiisii waa laga adkaaday oo waxaa la sii ceyrinayaa Afgooye. Maxamed Faarax Caydiid ayaa meertadiisa u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha, xishood la’aan wuxuu yiri, Kooxdii Maxmiyadley (Garabkii Cali Mahdi) waa laga adkaaday oo waxaa la sii ceyrinayaa Keysaney. C/qaasim waa ilduufay oo wuxuu u magacaabay wasiirka Kallumeysiga, taasina waxay dhalisay inuu si ba’an ula diriro maamulkii C/qaasim. Cabdullaahi Yuusuf ayaa isna u magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka oo malaha u dhigatan wasiirka arrimaha gudaha. Maxamed Qanyare madaxweyne kasta oo uu siyaasad kula shirkoobo, wuxuu kula gorgortamaa maaliyad, waana inuu helaa lacag xad-dhaaf ah, waa nin damac badan oo aan jeebkiisu marnaba buuxsamin. Maxamed Qanyare wuxuu ku xeeldheer yahay siyaasadda gebedhacleysa ee danaysiga ku dhisan (Political Scandalism), weligi 30 maalmood meel kuma negaan oo hadba dhan ayuu u naqraacaa. Damaca xad-dhaafka ah ee Maxamed Qanyare waa caqabadda hortaagan israac beelaha USC ku midoobaan oo ay maamul ku dhistaan. Laashin cabbiray hab-dhaqanka Maxamed Qanyare ayaa ku shirbay “Hawiye waxaa dhibaa, hal dhunxaayoon dhergeyn” . Mudane Maxamed Qanyare oo ah aas-aasihii allifey Ururukii Islaam la dirirka balse lagu magacaabay Argagaxiso la dirirka, waagii uu socday dagaalkii u dhexeeyey Islaamka iyo Gaalada, wuxuu yiri Maxaakiimtu waxay doonayaan inay nagu xukumaan Shareecada, anaguna waan diidnay Shareecada oo waxaan dooranay dastuurka Cilmaaniyadda ku salaysan. Sidaas awgeed marka la qiimeeyo afkaartiisa ee Islaam ka horjeedka ah, Maxamed Qanyare waa mudan yahay jagada Wasiirka Gudaha oo la rejeynayo in dhowaan loo caleemosaaro. Beryahaan hadalhaynta reer Muqdisho waxay u badan tahay “Naqraaca Qanyare iyo Nololdiidka Qeybdiid, natiijadu maxay noqon?”

Kornayl Cabdi Qeybdiid wuxuu safka hore uga jiray saraakiishii halganka USC ka soo bilaawday gobollada dhexe (Saldhiggii Dhuumoodle) ilaa 1989kii xabbad ayuu ku dhex jiray. Goobihii rag ku faltamay midna guul kama keenin, dhacdooyinka dagaalladii la soo maray marka dib loo jaleeco, waxaa la xaqiijiyey inuu yahay hoodelaawe mar kasta ku guuldareysta dagaalka fool-ka-foolka ah (front line), balse wuxuu ku hoodo leeyahay oo aad u yaqaan dhabar ka wareenka iyo dilka siyaasadeed (Political assisination). Waa nimaan xishoon, waa nimaan cabsan, waa nimaan naxin, waa nimaan naxariisan, waa nin ku shaqeeya ujeeddo gurracan, wuxuu ka mid yahay koox hadafkeedu yahay Somaaliya inay weligeed ku jirto qas iyo jahawareer, si aan loogu maxkamadeyn dunuubtii ay galeen.

Kooxda Mbegathi waxay taagan tahay marxalad qalafsan, waxay maree meeshii C/qaasim ratigu uga dheelliyey. Wasiiro laysku shaandheeyo, xubno Baarlamaan oo lagu beddelo suuq joog xaafadaha laga soo uruuriyo iyo Cabdi Qeybdiid oo loo magacaabo taliyaha Boliiska waa aafooyinkii araxda jebiyey dowladdii C/qaasim. Horaa loo yiri “Islaan dhaliweyday aleelo ku waalatay” Kooxda Mbegathi waxay ku riyootay haddii la hawlgeliyo (Qanyare & Qeybdiid) in si fudud loo burburin doono xoogga kacdoonka shacabka lagu suntay argagaxisada.. Madaxweynaha Kooxda Mbegathi muxuu ka macaashi doonaa magacaabista Cabdi Qeybdiid? Muuxse Cabdi Qeybiiid ka macaashi doonaa xilka loo dhiibay? Sanadkii 2000 ka hor, dilalkii Xamar ka dhici jiray waxay lahaayeen laba magac kaliya, waxayna kala ahaayeen: Hebel waxaa loo diley hanti laga dhacayey darteed iyo hebel waxaa loo diley aargoosi haybtiisa qabiil darteed. Laakiin 10/10/2004 maalintii Meles Zenawi Cabdullaahi Yuusuf ka dhigay Barasaabka Maxmiyadda Somaaliya, wixii ka dambeeyey waxaa aad u batay dilalka qorshaysan ee qofka loo qaarijiyo siyaasad darteed. Haddaba Cabdullaahi Yuusuf magacaabista Cabdi Qeybdiid wuxuu ka macaashi doonaa inuu sii kordhiyo dilalka siyaasadda (Political Assisinations), Cabdi Qeybdiidna xilka loo dhaariyey wuxuu ka macaashi doonaa inuu dib ula soo noqdo Isbaarada Siinka Dheere (bartamaha Xamar & Afgooye) oo uu maalintii ka heli jiray boqol malyan oo shilin intii aan Maxaakiimtu ka faramaroojin. Mar haddii Cabdi Qeybdiid hawlgeliyey waa hubaal in la arki doono meydad tiro badan oo aan la aqoon macnaha loo diley.

Biyodhaca Qoraalka:

Xasuuqa Somaaliya ka socdaa wuxuu ka dhashay seddax ujeeddo oo is huwan. Madaxweyne Bush oo doonaya inuu Muslimiinta ciribtiro ka sokow, wuxuu si miyir la’aan ah u doonayaa inuu ka aarsado dagaalkii 1993 dhexmaray Rangers iyo USC. RW Meles Zenawi oo doonaya inuu Somaaliya gumeysto ka sokow, wuxuu si miyir la’aan ah u doonayaa inuu ka aarsado dagaalkii 1977 dhexmaray Somaaliya iyo Xabashida. Cabdullaahi Yuusuf oo doonaya inuu noqdo Barasaabka Maxmiyadda Somaaliya ka sokow, wuxuu si miyir la’aan u doonayaa inuu ka aarsado dagaalkii 1991kii dhexmaray Hawiye iyo Daarood. Haddaba mashruuca ujeeddo badan ee loo qorsheeyey in Somaaliya lagu gumaado, seddaxda nin (Bush-Zenawi-Yuusuf) keebaa guulaystay oo hadafkiisii gaarey? Keebaa mudan in halyeey loogu yeero “Who is who”?.. Seddaxda hoggaamiye mid kasta ilaa xad waa ku guuleystay hadafkii dagaalka, laakiin aragtideyda Cabdullaahi Yuusuf ayaa billadda horyaalka hantay oo riyadiisii meelmariyey, sababtoo ah aargoosigu haybad iyo sharaf ayuu ku yahay dhaqanka Somaalida. Ninku markuu faraxsan yahay ama careysan yahay labada goorba hal-abuurka suugaantu waa u sahlan tahay. Cabdullaahi Yuusuf oo dareenkiisu isku Milan yahay (mixed feelling) ayaa tiriyey dhowr gabay, sida la sheegay wuxuu yiri:

“ Mar haddii haruubkii dowladnimo layga halakeeyey”

“Sow guri Hawiye huf iyo haakuf kama yeelin”

“ Mar haddaan halyeey waddani iyo haybad qaran waayey”

“ Hugunkiyo rasaastii hoygii Xamar sow haar-cad kama yeelin”

Ogeysiis: Ujeedada uu xambaarsan yahay qoraalka & aragatidiisaba waxay ku kooban tahay ama ay ka turjumaysaa oo kaliya aragtida qoraaga, Maamulka QARANIMO.com wax mas’uul ah kama aha aragtida uu xambaarsan yahay qoraalkan.

Fadlan wixii faahfaahin ah ama aragti ah la xiriir Qoraaga:

Sh. Ibraahim C/qaadir Calinuur (Abu Xaniifa)

Xaniifa77@yahoo.com

Qaranimo Online

119 Online

E-mail: info@qaranimo.com | Web feedback: webmaster@qaranimo.com |
© 2005 Qaranimo Online All Rights Reserved!

2 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. mawduucan waa mawduuc cajiib ah, aniga waxaan qoray qaybtiisi labaad, website yo badan ayaa soo qoray sida qaranimo.

  2. Hello bro.
    I the beginner.
    Probably, it will be interesting to you,news Blog

    http://heidi-samuel-nude.blogspot.com


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: