F’U’AAD IYO NOLASHII INTERNET KA

May 24, 2007 at 4:23 pm | Posted in Sheeko | 2 Comments
  1. F’U’AAD IYO NOLASHII INTERNET KA

waxaa qoray anigoo ah abdullahi omar hassan(shimali) wixi qalad ah ama fikrad ah igu soo aadi ciwaankeyga shimaali10@hotmail.com ama igala soo xariir oo kala soco sheekada qeybaheeda danbe ciwaanka http://www.shimali.7h.com

sheekadaan waxay ku dhacday f’u’aad o ku nool magaalada wellington ee dalka newzealand…..waana qiso dhab ah…

fu’aad wuxuu ahaa wiil da’yar oo 16 sano jir ah sanadii 2003, wuxuuna ku noolaa magaalada mogadishu, dhalinta ay isku xaafada ahaayeen aad bay u jaclaayeen, waayo wuxuu ahaa wiil caqli badan dabeecadisana aad bay u qancisay inta ku nooleed xaafada uu degnaa, xaga aqoonta wuxuu kam id ahaa kaalimaha dhexe, mamacalimiinta iyo ardaydana way texgelin jireen, fu’aad xiligaas wuxuu dhiganaayey dugsiga sare, hadaan ka hadlo nolashiisa wuxuu ahaa wiil ad-adag maxaa yeelay wuxuu ahaa mid ku soo dhex noolaa dagaaladi iyo xaaladihii adkaa ee somalia, qisooyika iyo taariiqihiisa waxay aheeyeen kuwa isdaba yaalay, wuxuuna jeclaa oo uu xiiseen jiray internet ka oo markaas ahaa mid ku cusub magaalada mogadishu, web site yada algu sheekeesto ayuu dhex mushaaxi jiray inta badan waqtigiisa internet ka, wuxuu bartay dhalin yaro badan oo isugu jiray wiilal iyo gabdho oo ku kala noolaa dunida daafaheeda, iyo kuwa ajnabi ah intaba… wuxuu asxaab badan ku yeeshay oo uu ku lahaa web site ka somalilife.com oo ahaa kan ugu sareeya ee ay isugu imaan jireen dhalinta, waxay is barteen gabar ku nooleed dalka newzealand oo lagu magacaabo riyaaq, waxayna dalkaas ku joogtay 15 sano jir, waxayna la nooleed waalidiinteeda iyo dhowr caruur ah oo la dhashay, riyaaq waxaa oogu harsaneed xiliga qaan gaarka xeerka u yaala qurbaha reer galbeedka 3 sano.
waxaa si is daba yaala u bilowday sheekada u dhaxeesay fu’aad iyo riyaaq oo xiiso u laheed inta isku taqaanay ee aheed gacalka ama asxaabta web site kaas, riyaaq waxay aheyd gabar qurux badan misna dabeecad u saaxiib ah, waxay galeen iyada iyo familkeeda dalka australia sanadii 1996 ayagoo sanado kadibna u wareegay dalka newzealad, aqrinta iyo qiraalka afka soomaliga waxay aheyd gabar si fican u taqaana, iyadoo kaga fiicneyd asxaab badan oo ku nooleed ama ku soo barbaaray dalka somalia ama qaarada africa, fu’aad wuxuu la yaabi jiray erayada ay isticmaasho isagoo dhihi jiray aniga xitaa waad iga badisaa, iqiyaareey sheekada fu’aad iyo riyaaq waxay ka soo bilaabatay barasho caadi ah, kaftan iyo is dhexgal ayaa xigtay, maalin hadey fariin isu soo qorin maalin labaad isma seegeen…..
Nolasha fu’aad hadaan wax inkaaga sheego, wuxuu soo maray dhib badan, sanadihii ay socdeen dagaaladii sokeeye ee ugu darnaa markii ay dhacday dawladii dhexe ee alle ha u naxariistee maxamed siyaad barre uu madaxweynaha ka ahaa, waxaa mar qure hal meel kuwada dhintay fu’aad aabihiis iyo sedex la dhalatay halka ay ku naafowday fu’aad hooyadii, isaga iyo sedex la dhalatayna ka badbaadeen, waxaa cidii ku dhacay niyad jab, waxayna qaraabadii soo gooyeen in caruurta la kala qaato maadaama hooyadood ay lugaha beeshay oo aysan awoodin in xitaa caruurta wax u qabato marka laga reebo jaceylka hooyanimo. soo dhib ma’ahan kala geenta caruur isla dhalatay oo wel-wel ku ku aheed dhimashadii aabahood iyo walaalahood, iyo dhibka ku yimid hooyadood. fuaad waaa laga waday hooyadiis u jeclaa iyo walaalihiis la dhashay, waxaana loo waday baadiyo oo ay wadatay haweeney qaraabada fu’aad ka mid aheed, si ay oogu fa’iideesato xooga iyo mustaqbalka danbe wiilka yarka ah ee agoonka ah, si uu ugu raaco xoolaha , beerahana ay ugu falato, fu’aad waxaa u bilowday nolol cariiri ah, waxaa lagu daray caruur ay dhashay naagta wadatay, badankood way ka wada weenaayeen, way ximin jireen wayna ku gooban jireen, misna hooyadood garta ayaga ayay siin jirtay, waxayna dhihi jirtay isaga oo maqlaya caku agoon kan dhib badanaa, fu’aad subaxdii ayuu kalihi jiray si uu waxaraha u raaco, isagoo jeclaa kaligiis inuu duhuraha iska jooga inti ay dili lahaayeen caruurta uu la joogo, wuu iska oyn jiray wuxuuna ku cataabi jiray ala ayaankaada xumaa, been ma aheen inuu nasiib xumaa, wuxuu xaafada oogu jaclaa duq buraale oo ahaa ninka qabay guhaado oo aheed islaanta ay qaraabada ahaayeen, wuxuuna ku dhihi jiray iska sabar fuaadow dhibka waad ka bixi doontaa , fuaad wuxuu ooya marna dhaho aabo buraale, hooyadeey iyo walaalaheey goormaan arki doonaa, duq buraaalana niyada oogu dhisi jiray, haduu alle yiraahdo waad arki doontaa, ayuu la qabsaday noolashii adkeed ee baadiyaha, wuxuuna bartay quran ka, fuaad maalin ayuu fursad u helay inuu soo aado tuulo oo uu soo raacay dad soo biyo dhaaminaayey…fuaad wuxuu ku fikiraayey inuu goosto oo uusan u noqon noolashii dhibka badneed ee baadiyaha…………….

aqristayaasha sharafta lahow, tani wee qeybtii koowaad ee sheekadii xiisaha badneed ee fu’aad iyo nolashii internetka, sheekada qeebaheeda kale waan idin soo gaarsiin doonaa haduu alle idmo……

waxaana kala socon kartaan web site ka http://www.shimali.7h.com oo ay si toos ah oogu bixi doonta…………….

xuquuqda sheekada waxay u dhawran tahay qoraaga

2 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. good, waa sheeko xiiso badan

    xoogaa afsoomaaliga yara sax qoraalkiisa

  2. Asc. Anigo ah prof. Yalah soomaali ah dagan muqdisho.
    Waxan ahay qoraa wax ka qora arimaha bulshada
    kadib marka an arkay qeybta hore e shekada fu,ad waxan damcay in an daabaco anigo xusaya qoraaga iyo walib wepsite-ka
    hadi aad i ogolataan daabicista shekadan waxan tiro gareysa 1000 oo buug ka dabici doonaa iyado an bixinayo qarashka laakin wa inad ila so xirirtan my celphone keyga wa 00252615304050


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: