Maxa ka jira Muqdisho:? Duq magaalaha aan seexan habeenkii Vs nafta tareenka saaran!!

June 11, 2007 at 6:18 am | Posted in maqal | Leave a comment

Maxamed Cumar Xabeeb oo ah duq Magaalaha aan habeenkii seexan ee Muqdisho dhaqan uma lahayn ama laguma aqoon in maalin lagu arko isagoo ku sugan xafiiskiisa ama Magaalada Kormeeraya xilligii uu Gudoomiyaha ka ahaa Gobolka Shabeeladda dhexe maxaa yeelay wuxuu la qabsaday jawi cimiladiisa aan saxmad lahayn ,wuxuuna shacabka degaankaas ku maamuli jiray digreetooyin iyo Awaamiir uu habeenkii hindiso oo dabcan la oran karo wuxuu kala mid yahay Madaxweynihii Kacaanka 21-ka sano ee Maxamed Siyad Barre laakiin Maxamed wali wuxuu raadinayaa inuu sii ahaado Duq Magaalaha aan habeenkii Seexan ee Muqdisho laakiin taasi way u suuri geli wayday oo waxaa uu noqonayaa duq magaale jagadiisa cusub ku waayay Jiifkiisii maalinlaha ,kana dhigay mid saacada kooban maalintii ku seexda hal il oo kaliya si uu kaga badbaado ama ugu hortago kooxaha qarawgiisa badiyay ee ismiidaaminta iyo qaraxyada ka wada Muqdisho loona yaqaan naftood hurayaasha Shabaabka

Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya,waxay qarka u saaran tahay inay noqoto caasimad laga hayaamay oo lama galaana.waayoo waxay ehel u noqotay qaraxyo waaweyn ,dilal ugaarsi ah oo sii kordhayo,xarig,boob iyo handadaad ay garwadeen ka yihiin duq Magaalaha aan seexan iyo nafta tareenka saaran ee Shabaabka.

Maalmahii la soo dhaafay nolosha dadka Muqdisho waxay ahayd mid aad u liidato dhinac walbo.waxaana dhibaatada ugu wayn tahay kooxo Jihaadiyiin ah oo miino iyo hubka nuucyadiisa kala duwan la beegsado kolonyo gaadiida oo ay Itoobiyaan wataan ama fariisin ay leeyihiin dabadeedna Askarta Itoobiyaanka waxay si aan naxariis lahayn u furan tacshiirad aan kala go lahayn iyagoo qabqabta inta rayidka ah ee ka badbaado rasaasta ay furayaan ee aan bartilmaameedka lahayn.

Lama hubo in Salaada oo la badiyo janada lagu galo,lamana hubo in qof Muslima oo aad isku qarxisay shahiid janada ku wajahan ku noqon kartid waxaase igu maqaalo ah in Cali Maxamed Geeddi ,Cabdilahi Yusuf ,Cabdi qaybdiid iyo Maxamed dheere shalay iyo maanta Salaada jameeco ku wada dukanayeen iimaamkoodana uu ahaa madaxa nabadsugidooda korneyl Darwiish.waxaanse iswaydiiyay saligga ay ku dukanayaan iyo biyaha weesadda ma sanduuqa dowlada ayaa laga bixiyay mise kan la dagaalanka argagixisada.

Waxaan saacadihii la soo dhaafay maqlayay codka dheer ee Shabaabka oo isugu hambalyeeynayo in naftii hurahii isku qarxiyay gurigga Cali Geeddi ay ku wada riyoodeen isagoo Janada ka dhex dhoola cadeeynayo oo asaxaab kale oo ifka jooga u gacan haatinaya,kolkaas ayaan iswaydiiyay toloow hadii aad isku qarxiso ilmaha Jaamac iyo Cali ee reer baaquli ,ayna qaarkood dhintaan iyagoo ashahaadka heysto,janada ma intaas beey kuu jirtaa ?maadama aan cilmi badan lahayn hadana dhega dhegeyn baan ku maqlay nin Muslima oo muslim kale dilay jano ma arko,kolkaas baan isi sii waydiiyay,ilmo cali waa gaalo raac,xadiis baan u waayay oo caqliga iyo cilmiga intaan ka bartay waxay qabaan inay janadu jirto dhinaca Inta aan ashahaadan.

Maxamed dheeraha aan seexan iyo taliyaha socodka badan ee Cabdi qaybdiid baa la kulmay Ayeeyo Cosobo oo ah Gudoomiyaha beelahaa Halgan Jecel,Aargoosi jecel,weerar jecel,isnacayb badan,yaab badan,eber badan,kolkaaseey ugu hambalyeeyeen halganka cusub ee barakicinta beelaha ay madaxda u tahay,waxay ku tiri hambalyo marka koowaad,marka labaad ka bilaaba odayga xilka igu heysto ee Xaaji Cabdi Iimaan Cumar,marka xigta ku dara odayaasha u nacamleeya,iga xira Idaacadaha afka dheer ee gurbaanka u tuma,si ay u sheeg sheegin xarigooda dhagaheeygana u maqlin,kuna dara taageerayaashooda xabsiga la geeyo,kumanaanka kalana barakiciya ,si aan isugu soo harno anaga oo qura.

Maxamed dheere ayaa qosol la dhacay wuxuuna waydiistay tuf si uu kaga badbaado nafta tareenka saaran Shabaabka laakiin wuxuu ayeeyo cosobo waydiiyay ,hadaan dadka oo dhan ka saarno Magaalada,inta kalana xir xirno yaan xakumeeynaa,waxay ku tiri,Cabdilahi Yusuf,Cali Geeddi, Jeneral Gabre iyo inta ay wataan ayaad xukumee yaa kaaga wanaagsan,wuxuu yiri isqarxintana ka waran,waxay tiri waa iska caadi way sii socon doontaa ?wuu naxay oo wuxuu ku yiri maxaad ayeeyo kala jeedaa,waxay ku tiri Muqdisho maanta maaha maxaad taqaan ee waa yaad taqaan,ismiidaaminta maaha yaa tahay ee waa janada tag oo Maxamed dheere la beegso,boobka maaha waa reer hebel ee waa hanti Al Qaacida,Xariga maaha waa duub dhaqameed ee waa argagixisaduu taageeraa,Xilka maaha awoodaada iyo sharciga isku ilaali ee waa ii magacaaw,ina maamul,dilku maaha Masaajidka ayuu ka soo baxay,waa ahlu diin ee waa baasmarsii Cali Geeddi buu la qadeeyee,cadaaladu maaha caqligaada ee waa tan Cabdulahi Yusuf ku faro.

Korneyl Qaybdiid baa u sheegay inay tufta iyo amarka Ayeeyo cosobo ka qaateen,wuxuuse su-aal ka waydiiyay rajada u muuqata Mustaqbalka,waxayna ku tiri cod dheer,inaan xabsiyada iyo kaamamka ugu daba tagno kumanaanka beesheena ee aan barakicinay ama xirnay,inuu tareenka naftood hurayaasha Shabaabka nagu yimaado oo xijaabano.

Korneyl Qaybdiid oo codsanayo inay ayeeyo Cosobo ugu yeerto Jeneral ayaa waydiiyay hade beel ahaan maxaan faa-iidnay ,kolkaaseey tiri waa inaad su-aashaas kula laabataa beeshaada eber joogtaa ana aan kula laabtaa beesheeyda isnaceyb joogtaa,Maxamed kula laabto beeshiisa weerar joogtaa.

Korneyl Qaybdiid oo ka carooday hadalka Ayeeyo Cosobo wuxuu amray in xabsiga la dhigo.

Aqoonyahankii baa shiray oo wuxuu isku raacay inuu Magaalada isaga baxo, ganacsatdii baa shirtay oo waxay go-aansatay inay dhuumaaleeysi ku wada dhoofto,bulshadii baa boorsooyinkoodii xirtay,diyaaradahii baa qaali noqday,sida basaska ayaa istaag loo raacay, laba Korneyl baa dalkii isugu haray,Casmaro iyo Addis ababa ayaa burjiga iyo tusbiixda looga hayaa.

Iswaydiin baa taagan loolanka caasimadaha labada dal iyo cabsida Muqdisho,Zenawi booqday ,Afewark hadmaad imaan adiguna ,maxaadse isu tihiin Melles

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: