Taariikh socota: Taxanaha Assalka Khilaafka u dhexeeya Soomaaliweyn iyo Ethiopia.

June 18, 2007 at 5:10 am | Posted in somalia Vs Ethiopia | 2 Comments

Waxaa qoray: A/Rasaq.H.Nuurre,

E-Mail: Alldalka@Alldalka.com

 

Hordhac

Laga soo bilaabo dhammaadkii Qarnigii 13aad illaa qarnigan 21aad ee aynu ku jirno dadka ku dhaqan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliweynta degta inta u dhaxaysa Gacanka Cadan ama Jibbuuti iyo Wabiga Tana ee Kenya, iyo dadka assal ahaan deegaankoodu yahay dhulka sare ee Ethiopia, Amharada iyo Tikrega, waxaa soo maray khilaafaad marba heer taagnaa, duruufaha isbadbadalayey ee caalamkuna ay gacan xooggan ku lahaayeen hadba dhinaca ay u janjeersato ama u liicdo awodda ciidan, dhaqaale iyo siyaasadeedba.

Dadka Soomaaliweyn oo aan tirokoob sax ah lagu hayn inta ay tiradoodu dhantahay, duruufaha jira awgood, waxay intooda badani ay deggenyihiin Jamhuuriyadda Soomaaliya dhulka looyaqaan, inta kalena waxay ku noolyihiin Djibouti, NFD iyo dhulka Soomali Galbeed ama Ogaden sida caalamkuba u yaqaan.

Dadkaas Soomaaliyeed ee aan kor kusoo xusnay waxay kaga duwanyihiin dadyowga kale ee Bariga Africa kula nool islamarahaantaasna mideeya ku hadalkooda afka Soomaaliga, dhaqashada xoolaha nool oo uu geelu halbowle u yahay, iyo wadaaga dhaqan iyo diin kaliya oo midaysa, Iamaslaamka.

Sidaan sheegnay Soomaaliweyntan ma jirto cid luuqad ahaan ukala tarjunta, waxayna leeyihiin muuqaal u gaar ah oo Soomaalinimadooda laga dheehan karo.

Dadkaan Soomaaliyeed waxay kasoo badbaadeen jillaafooyin farabadan laga soo bilaabo qarnigii 10aad, gaar ahaan wixii ka danbeeyey qarnigii 13aad oo muran xooggan oo ku salaysan xagga dhulka iyo caqiidada uu kala dhexeeyey Boqortooyadii ka dhisnayd dhulka sare ee Ethiopia mudada dheer oo u arkaysay marwalba in dadka Soomaalidu ay yihiin khatarta ugu weyn ee kusoo fool-leh jiritaankooda iyo danahooda geeska Afrika.

Wixii ka danbeeyey bilowgii saldanaddii Awdal ee ka abuurantay agagaarka Harar kadib burburkii kuyimid Saldanaddii Muslimiintu ay ku lahaayeen waqooyiga Ethiopia, Qarnigii 13aad, ee lagu magacaabijiray IFAT ama AWFAT, waxaa qabaa’ilka Soomaaliyeed u bilowday waa cusub iyo halgan adag oo ku dhisan taariikh socota ku dhawaad 7 qarni oo ay kula jiraan labadaas qowmiyadood ee aan horay u sheegnay in ay degaan dhulka sare ee Ethiopia (Amxaarada iyo Tigreega), oo iyagu marwalba awoodooda dhaqaale, siyaasad, iyo ciidanba uu ku xirnaa quwado shisheeye, gaar ahaan kuwii ka jirey Yurub.

Laga soo bilaabo boqortooyadii Abasiinya ee qarnigii 13aad illaa laga soo gaaro tii u danbaysay ee Haile Selassie (1930-1974) iyo nidaamyadii soo maray xukunka Ethiopia ee uu kamid yahay kan maanta ka jira Adis-ababa ee Meles Zenawi, waxaa shacabka Soomaaliyeed ku socda qorshe adag oo khatar badan leh, una baahan in dadka Soomaaliyeed meelwaba oo uu joogo uu ka fikiro sidii uu uga badbaadi lahaa.

Waxaan shaki ku jirin in Soomaalinimadu aysan kusoo dhismin ficil siyaasadeed oo ay ku midaysnaayeen qabaa’ilkaas Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale shaki ku jirin in Qabaa’ilka Soomaaliyeed ay si tartiib-tartiib ah uga soo fideen xeebaha ku teedsan Khaliijka Cadan (waqooyi Bari, Galbeed, iyo Djibouti), ayna ku qaadatay muddo 10 qarni ku dhow in ay gaaraan wabiga Tana ee Kenya. Laakiin tani kuma dhisnayn dhulballarsi ay u danlahaayeen Qabaa’ilka Soomaaliyeed ee aan sheegnay in aanay lahayn fikir siyaasadeed oo ay ku midaysnaayeen oo salka kuhayey Boqortooyo, ama nidaam dawladeed oo ay wadaageen, sida kuwii Tigreega iyo Amxaarada ee ka dhisnaa dhulka sare ee Ethiopia; wuxuu ahaa mid inta badan ay ku baadigoobayeen daaqsin iyo biyo.

Cutubka 1aad

Boqortooyada Ethiopia

Si aan u fahanno assalka khilaafaadka Soomaliweyn iyo qowmiyadaha Tigre-Amhariga, waxaa haboon in aan taariikhda boqortooyada Ethiopia dib u raadqaadno ilaa aan ka gaarno boqortooyadii Aksum oo ahayd boqortooyadii ugu muhiimsanayd ee soo marta taariikhda Ethiopia. Waxaad qormooyinkeena soo socda ka dhadhansan-doontaa sida dhacdooyinkii soo maray boqortooyadan reer Aksum ay saamaynta (aan tooska ahayn) ugu yeesheen khilaafka Soomaalida iyo Tigree-Amhaarada inkastoo xilligaas aanay jirin wax khilaaf ah oo kusugan buugaagta taariikhda inta aan anigu ka akhriyey. Laakiin waxaan dareemay in ay lagama maarmaan tahay in wax laga ogaado taariikhda boqortooyada Aksum mar hadiiba laga hadlayo khilaafka Soomaalida iyo Ethiopia.

I. Reer Aksum

Aksum, waxay ahayd boqortooyadii ugu horaysay ee Ethiopia waxaana loogu magacdaray caasumaddii xilligaas gobolka Tigre ee Aksum. Waxaa laxusaa in boqortooyadani ay soo bilaabatay qarnigii Koowaad ee miilaadiga; qiyaastii qarnigii Afraadna waxaa la rumaysanyahay in ay qaadatay diinta Masiixiga ee Nabi Ciise (Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato). Intaanan faah-faahinta boqortooyada Aksum aanan u gelin waxaan jeclaystay in aan isla xusuusanno, si kooban, sidoo kale assalka magacyada Ethiopia iyo Xabasha halka ay iyaguna taariikh ahaan kasoo jeedaan.

Ethiopia waa magac assalkiisu uu luuqadda Greek kasoo jeedo, micnihiisuna uu yahay “Dadkii wajiyada gubnaa” (Burned faces) oo reer Greek ugu yeeri jireen dadkii kunoola dhulka Suudaan iyo Ethiopia amaba dadka madoow ee qaaradda Afrika ee dhulkaas kunoolaa. Waxaa larumaysanyahay in magaca Ethiopia uu bilaamay Qarnigii Afraad ( Ethiopia, The unknown land, bogga.19)

Xabasha waxay iyana luuqad ahaan kasoojeeda dhulka carabta, laakiin guud ahaan magaca uu dhulka Ethiopia xilligaas uu caanka ku ahaa waxa uu ahaa Aksum oo loogu magacdaray boqortooyada reer Aksum.

Waxaa la rumaysanyahay in boqorkii ugu horeeyey ee reer Aksum ee qaata diinta Masiixiga uu ahaa boqor Ezan sanadkii 340 miilaadiga; laakiin waxaad ku arkaysaa buugaagta kale ee taariikhda Ethiopia wax ka qoray in labadii boqor ee mataanaha ahaa ee reer Aksum, boqor Atsbeha iyo Abraha ay iyagu ahaayeen boqoradii ugu horeeyey ee reer Aksum ee qaata diinta masiixiga. Boqor Abraha, oo ay taariikdiisa si fiican uga hadleen buugaagta taariikhda ee Islaamka, Quraankuna uu kaga hadlay dhacdadii Maroodiga, wuxuu ahaa boqorkii reer Aksum ee weeraray Kacbada waxyar kahor dhalashadii nabi Muxamed (naxariis iyo nabdgelyo korkiisa ha ahato)

Labadaan boqor, Atsbeha iyo Abraha qiyaastii laba qarni ayay ka danbeeyeen boqor Esankii aynu soo sheegnay in uu ahaa buqorkii ugu horeeyey ee reer Aksum ah oo qaata diinta Masiixiga. Sida taariikhda ku sugan, Boqor Atsbeha, oo looyaqaanay boqor Kaleb, wuxuu ku duulay oo qabsaday qaybo kamid ah dhullka Yaman; gaar ahaan dhulkii ay maamulaysay boqortooyadii Yuhuudda ee ka dhisnayd Ximyar qarnigii Lixaad ee uu boqorka ka ahaa Boqor Yusuf Asar Yathar. Sabata keentay qabsashada boqor Atsbehe uu qabsaday boqortooyada Ximyar waxaa lagu tilmaamaa in ay timid kagadaal markii Boqortooyada Ximyar ay dad masiixiyiin ah ku laysay dhulkii ay maamulaysay. Boqorrada Reer Aksum dabcan masiixiyiin bay ahaayeen, taas ayaana sabab looga dhigi karaa duulaanka reer Aksaum ee koonfurta carabta inkastoo ay jiri karaan sababo kale.

Qarnigii 6aad, oo ay awoodda dhaqaale, siyaasad iyo ciidan ee Boqortooyada reer Aksum isa soo tartay, waxaa markan lasoo guboonaaday dhibaato weyn oo xitaa gilgilay dhulkii ay assal ahaan kasoo jeeday ee waqooyiga Ethiopia ee Aksum. Imbaratooriyaddii Furus ama Persia oo xilliyadaas ahayd mid kamid ah labadii quwadood ee jirey waxay markan go’aansatay in reer Aksum koonfurta Carabta laga saaro. Persianku waxay sanadkii 570 kusoo weerareen Boqortooyadii Aksum ee ka dhisnayd yaman 8 doonyood iyo 800 oo ciidan ah ( History of Ethiopia, Marcus, bogga.10).

Xilligaas ay sii yaraanaysay awoodda boqortooyada reer Aksum oo ku xirnayd Imratooriyaddii Ruum (Rome Empire) oo iyana ahayd quwadda kale ee loolanku ka dhexeeyey reer Furus ama Persia, waxaa garab socday in Islaamku ku fidayey dhulka Shaam. sanadkii 636 miilaadiga, Islaamku wuxuu gaaray Qudus illaa Dimishiq. Afar sano kadibna Masar waxay hoostagtay khilaafadii Islaamka ee ka dhisnayd Madiina.

Mar haddii Persianku riday boqortooyadii reer Aksum ee Yaman ka jirtay, Islaamkuna kala dhexgalay reer Aksum iyo Ruum taas oo keenatay in uu go’o xidhiidhkii iyo isu socodkii ka dhexeeyey Ruum(Rome Empire) iyo boqortooyadii Aksum ,jihada kaliya ee u furnayd boqortooyada Aksum waxay noqotay in ay u soo fiddo dhinaca koonfureed iyo dhulka Amxaarada.

Xilligaas ka hor xidhiidhka ka dhexeeyey Boqortooyadii Aksum iyo Islaamka wuxuu ahaa mid heerar kala duwan soo maray. Boqor Najaasha, boqorkii reer Aksum ee la kowsaday bilowgii Islaamka wuxuu Nabi Maxamed (NNK) uu ku tilmaamay in uu yahay boqor caaddil ah oo aan agtiisa cidna lagu dulmin. Waxaa magangalyo ka helay dhulka boqor Najaashe ilaa 40 saxaabi oo uu kamid ahaa Jacfar sida ay kutubta Siiradu qoraan oo kasoo cararay dhibkii kajiray Makka ee ay Qurayshtu ku haysay Muslimiinta.

Laakiin dhinaca kale markii xilli kaas ka danbeeyey uu xirmay marinkii reer Aksum ay u sii marijireen Imratooriyaddii Ruum, sidaan soo xusnay, waxay bilaabeen in ay samaystaan burcad badeed ay ugu talagaleen in ay ku carqaladeeyaan ganacsigii isaga dhexgooshi jirey Badda Cas oo markan ay maamulkeeda gacanta ku hayaan muslimiintu. Sanadkii 702 waxay Boqortooyada Aksum weerartay xeebta Jidda, waxaana xusan in ay mar qabsadeen dekedda Jidda oo aad ugu dhow Makka ( History of Ethiopia, A.H.M jones and E. Monroe. bogga.45). Falalkan ay sameeyeen burcad badeedda reer Aksum waxay sabab u noqotay in Muslimiintu ay yimaadaan xeebta badda Cas, dhinaca Africa ee ay maamulayeen boqortooyada Aksum. Waxay dhacdooyinkan intooda badani ku beegnaayeen xilligii khilaafada Umawiyiinta, gaar ahaan Waliid Ibn-Cabdulmalik Ibn-Marwaan ee bilowgii qarnigii 8aad jirtay. Waxay khilaafada Waliid soo afjartay burcad badeeddii reer Aksum.

II- Boqortooyada Amxaarada

Inta aynaan ugudagelin sida ay ugu soo wareegtay nidaamka boqortooyada Qoomiyadda Amxaarada, oo muddo 7 qarni ah oo ay soo jirtay (laga soobilaabo qarnigii 13aad, ilaa laga soo gaaro boqor Haile Selassie, 1974) uu soo socday khilaafka Soomaliweyn iyo Ethiopia (Intiisa badan), waxaan gaarnay qormadeenii hore xilli boqortooyada Aksum ay sii liicday kadib markii ay saamayn kuyeesheen jiritaankeeda dhawr waxyaabood oo lafdhabar u noqday bur-burkii kuyimid dhismaheedii xoogga badnaa.

  1. Islaamku wuxuu soo gaaray xeebaha Badda Cas dhinaca Africa, waxaana yaraaday miisaankii boqortooyada Aksum ay kulahayd xeebaha Badda Cas.

  2. Awooddeedii baahsanayd ee gaartay koonfurta carabta, gaar ahaan Yaman oo dhamaatay kadib markii Persia ama Furus ay qabsatay dhulkii ay reer Aksum joogeen.

  3. Dhibaato dhaqaale oo si ba’an u soo foodsaartay boqortooyada xarunteedii kadib markuu go’ay xidhiidhkii ay lalahaayeen caalamka, gaar ahaan Ruum (Rome Empire) oo ay u dhoofinjireen foolka maroodiga, hargaha, iyo dadka addoonta laga dhigto.

Intaas oo caqabadood markii ay wiiqeen boqortooyadii reer Aksum ee kudhawaad 10ka qarni soo jirtay, waxay markaan u jilbajabtay, xarumaheediina kusoo duulay qarnigii 9aad ciidan ay hogaaminayso haweenay boqorad ahayd oo kasooduushay dhul xarumihii Aksum kaga beegnaa galbeedka sida uu qoray qoraa carbeed oo lagu magacaabijirey Ibin-Hawqal. Boqorkii ugu danbeeyey reer Aksum, boqor Hadani waxaa goobtaas kudilay ciidankii ay hogaaminaysay Boqoraddii duullaanka ku timid.

Nidaamkii boqortooyada Ethiopia wuxuu ku wareegay qarnigii 10aad dad lagu magacaabi jirey Zagwa. Hadii aan dhexgalno taariikhda Zagwahan, waxaan ka habaabaynaa yoolkii aan ugu talagalnay in aan gaarno oo ahaa “Assalka Khilaafka Soomaaliweyn iyo Ethiopia.” Sidaas awgeed waxaan u tallaabaynaa bilowgii qarnigii 13aad ee aynu hordheceennii ku halqabsanay in uu ahaa bilowga is-hardiga Soomaaliweyn iyo Ethiopianka.

i. Boqor Yekunno Amlak

Sanadkii 1270kii, waxaa dhulka Ethiopia ka abuurmay boqortooyo ay hogaaminayso Qowmiyadda Amxaarada. Boqor Yekunno Amlak oo ahaa boqorkii ugu horeeyey ee boqortooyadan cusub abaabulay wuxuu ka takhalusay boqortooyadii Zagwaha. Durbaba waxay boqortooyadan cusub aas-aas kadhigatay si ay u kasbato shacbka Ethiopia, intii markaas Kiristanka ahaa, laba arimood oo marwalba taariikhda boqortooyada Ethiopia muhiim u ahaa. Ugu horaynba in nidaamkan cusub uu ku qotomo nidaamkii iyo diintii nabi Sulaymaan (NNK); boqor Yekunna Amlak qudhiisuna uu farac ahaan kasoojeedo durriyaddii nabi Sulaymaan iyo boqoraddii Saba,Balqiis (Boqoraddii Yaman). Durba awoodii boqortooyada Amxaaradu wuxuu ku baahay dhulka Ethiopia, waxayna taageera ballaaran ka heshay dhamman kaniisadihii Ethiopia kajiray xilligaas oo muddo u haraad qabay in ay dib usoo noqoto boqortooyo kudhisan waxyaabihii ay aaminsanaayeen.

Inkastoo ay boqortooyadan boqor Amlak ay ku guulaysatay kasbashada dad farabadan oo Ethiopian ah, hadana waxaa hortaagan oo aysan ka gudbi karin, haddii aysan xal u helin, isla caqabaddii boqortooyaddii Aksum soo waajahday oo ahayd “Islaamkii oo ka fadhiya marinkii caalamka ay u marilahayd, Badda Cas. Waxaa iyana caqabad kale ku noqotay sida ay ula xiriiri doonto kaniisaddii ay taariikh ahaan kaniisadaha Ethiopia kuxirnaayeen ee Alexandria oo markan ku hoosjirta Imaarada Muslimiinta ee Masar.

Labadaas arimood oo isbiirsaday waxay ku keentay boqor Yekunno Amlak in uu ku fekero in uu cilaaqaad dhow la yeesho dhulkii ay Islaamku maamulayeen sida Masar, Yaman iyo Saldanaddii Muslimiintu ay ku lahaayeen dhulka waqooyiga Ethiopia, laga bilaabo agagaarka gobolka Shawa illaa laga gaaro xeebta badda Cas, ee lagu magacaabi jiray IFAT. Sanadkii 1273kii, boqor Yakunno Amlak wuxuu warqado ukala diray labadii xaakim ee ka ariminayey Masar iyo Yaman; waxuuna ka dhaadhiciyey in boqortooyadiisu ay xiriir fiican laleedahay dadyawga muslimiinta ah ee ay dariska yihiin, isagoo xusay in xitaa ciidankiisa ay ku jiraan ciidan muslimiin ah oo fardoolay ah ( The Ethiopians, Pankhurst. Bogga. 76)

Boqortooyadan aan xusnay in ay boqorro kayihiin qowmiyadda Amxaarada waxay xarumaheeda u soowareejisay dhulka Shawa, waxayna garabka ku qabatay Saldanaddii Muslimiinta ee IFAT. Labadaan quwadood ee isdhinac yaal, kasakoow xidhiidhka ganacsi oo kadhexeeyey, waxaa misana kala dhexmaray dagaallo goos-goos ah oo hadba mid looga xoogroonaanayey. Labadooduba, si fiican ayay taariikhda Boqortooyadii Aksum uga dheregsanyihiin.

 

ii. Boqor Amada Tseyon ((1314-1344)

Waxaad intabadan aad ku arkaysaa buugaagta ay qoraayahanada qoraaladooda kugarab istaaga Ethiopia, waxna ka qora dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee soo maray Geeska Afrika, gaar ahaan Qarnigii 16aad oo caan ku ahaa dagaaladii dhexmaray Muslimiinta oo uu hormood u ahaa Imaam Axmed Ibin Ibrahim (Axmed Gurey) iyo boqortooyadii Ethiopia ee ay garwadeenada ka ahaayeen qowmiyadda Amxaarada, in Imaam Axmed uu ahaa dhiig-yacab dad iyo duunyaba ka idleeyey dhulka sare ee Ethiopia ee labada qowmiyadood ee Amxarada iyo Tigregu ay degenaayeen; iyo in uu ahaa isagu kan bilaabay duulaanka kusalaysan gardarada ee lagu ciribtirayey dad kirishtan ahaa oo kudhexnool badweyn muslimiin ah.

Waxay qoraayahanadani ay marwalba iska indha tirayeen xasuuqii, iyo barakicintii qarniyada socday ee uu nidaamkii boqortooyada Ethiopia kuhayey qowmiyadaha kale ee kunool Geeska Africa kahor inta aanuu iman duulaanka Imaam Axmed iyo qabaa’iladii Soomaalida ee ku garb istaagay sida ku cad buugga Tuxfatu-Alzamaan ama Futuux Al-Xabasha ee uu qoray qoraagii goobjoogga u ahaa dhacdooyinkaas ee lagu magacaabi jiray Shihaabudiin Ibin-Cabdulqaadir Al-Jiizaani. Waxay Qoraayahanadani mararka qaar ay kusheegaan boqorka nidaamkiisu uu gaysto xasuuqa iyo bililiqada ugu badan in u ahaa halyey diffaacay jiritaanka mustaqbalka Ethiopia.

Boqor Amada Tseyon (1314-1344), oo ay qowmiyadda Amxaaradu rumaysanyihiin in uu guulo ballaran ka gaaray dagaaladii ay kula jireen Immaaradihii Muslimiinta sida IFAT iyo ADAL bilowgii qarnigii 14aad, wuxuu dhinaca kale (Muslimiinta) ugu muuqday dhiigyacab xasuuq iyo boob ku hayey shucuub farabadan oo ku noolaa Geeska Afrika iyo hantidoodaba.

Boqor Amada Tseyon waxay xukunka boqortooyadiisu kusalaysnayd dhulballaarsi, illaa ay isaga iyo askartiisu isku khilaafeen ku adkaysashadiisii uu ku adkaystay in uu gaaro dhulkii Soomaalidu ay daganayd, sida Zaylac, kadib markii uu cagta soo mariyey dhul farabadan oo ay kunoolaayeen qowmiyadda Cafarta oo iyagu lafdhabar u ahaa nidaamkii IFAT ee kadhisnaa xeebaha Badda Cas illaa agagaarka dhulka Shawa oo ay maanta xaruntiisa ugu mihiimsan ay tahay Adisababa.

Xilliga uu boqorkan, Amada Tseyon, uu duullaanka kujiray, waxaa dhibaatooyinkii uu geystay ay inta badan kuwajahnaayeen dhulkii ay maamulaysay Imaarada IFAT ee aynu horay u soo sheegnay in uu ahaa dhulkii ay beecshiradu uga soo degeysay ugana dhoofaysay boqortooyada Ethiopia kadib heshiisyo ay horay u wada galeen labada maamul. Immaarada muslimiinta ee IFAT waxaa hogaamiye u ahaa Amiir Xaqu-diin oo larumaysanyahay in uu kasoojeedo qowmiyadda Cafarta ee maanta ku kalanool Ethiopia, Djibouti iyo qaybo kamid ah dhulka Eritrea.

Boqor Amada Tseyon oo laqabkiisu ama naanaystiisu ay ahayd “Gebra Maskal” oo micnaheedu yahay “Addoonkii Iskutilaabta”, (Slave of the Cross), wuxuu duulaan ballaran uu ku bixiyey Imaaraddii IFAT, waxayna ciidankiisu qabsadeen xarumihii Imaarada, waxayna goobtaas ku dileen Amiir Xaqu-diin. Dhacdadaas kadib, waxaa dib u abaabulay ciidamadii IFAT wiilkii uu dhalay Xaqu-diin oo la oranjiray Darader, laakiin ciidamadiisii waxaa iyana ku dhacay jab lamid ah kii ciidamadii Xaqu-diin uu kala kulmay ciidanka Boqor Tseyon, taas oo isana markiisa, Darader, lagu dilay dagaaladaas.

Wixii ka haray Imaaradii IFAT iyo ciidankeedii waxaa dib usoo abaabulay, hogaamiyena u noqday sanadkii 1332kii Amiir Xaqqu-diin walaalkiis oo lagu magacaabijiray Sabru-diin. Boqor Amada Tseyon oo dareemay in uu markan ka awoodroonaaday, kalana firdhiyey Imaaradii IFAT, wuxuu kusoo bixiyey Amiirka cusub ciidan aad u ballaaran kaas oo gebi ahaanba lawareegay Imaaradii IFAT dhulkii ay ka talinaysay oo dhan iyo xarumaheedii. Ciidanka Amada Tseyon waxay halkaas ka geysteen xasuuq ba’an oo uu Boqorkuna si aad ah ugu riyaaqay sida qoraalkan hoose ka muuqda:

“Ciidamada Amada Tseyon waxay soo galeen xarumihii Sabru-diin, waxayna boobeen wax alla wixii ay hanti ka heleen sida Dahabka, Qalinka , dharka iyo dhagaxaanta qaaliga ah; waxayna dileen ragbadan, haween badan, dad waayeel ah, iyo caruur…. Boqor Amada Tseyon wuxuu aad ugu farxay warkan, wuxuuna u mahad celiyey ilaahay.” ( The Ethiopian Royal Chronicles, by Richard Pankhurst, Bogga: 17, Sadarada 7-12 iyo sadarka 25. Published by Oxford University Press in 1967)

Qabsashadii 1aad ee Zaylac (1403)

iii. Boqor Safya Arad, Wudem Asfare, iyo Dawit I (1344-1411)

Inta aynaan hangoolkeena taariikhda ku soo qaban boqorradan sadexda ah, waxaa lagama maarmaan ah in aan gunaanadno taariikhda boqor Amada Tseyon.

Boqor Amada Tseyon kolkii uu qabsaday dhulkii ay ka talinaysay saldanaddii Muslimiinta ee IFAT, wuxuu gacanyare u maamula u doortay Amiir Sabru-diin walaalkiis, Jamaalu-diin. Wuxuu u bixiyey “Boqorka Muslimiinta oo dhan.”

Wixii wakhtigaas ka danbeeyey, wuxuu Boqor Amada Tseyon duulaankiisa u soo wareejiyey Saldanaddii Adal ama Zaylac ee ku baahsanayd inta u dhaxeeysey bariga gobolka Shewa illa xeebta Zaylac. Boqorku, Amada, wuxuu ballan ku qaaday in uusan dagaalka joojinayn illaa uu gebi ahaanba cagta mariyo Adal.

Amiir Jamaalu-diin, oo u adkaysan waayey dhibaatada boqor Amada Tseyon uu ku hayey shucuubta Muslimiinta, wuxuu ka codsaday boqorka in uu guud ahaanba ciidankiisa kala baxo dhulkii uu qabsaday, kuna celiyo dhulkii ay ka yimaadeen, isla mar ahaantaasna uu joojiyo duulaanka uu ku hayo Imaarada Zaylac.

Amada Tseyon ma siin wax ahmiyad ah talada uu Amiir Jamaalu-diin u soo jeediyey, wuxuuna sii waday colaadii uu ku hayey dhulkii muslimiinta intii markaas gacantiisa ku jirtay iyo Adal oo uu ku hanweynaa in uu mar uun ka takhalusi doono.

Waxaan kaga baxaynaa taariikhda boqor Amada Tseyon qoraal kooban oo uu qoray qoraa carbeed oo lagu magacaabi jiray Ibn Fadlallah Al-Cumari, kaas oo sifaynaya habdhaqankii boqorka Ethiopia, Amada Tseyon:

“Marka mid kamid ah boqorada Muslimiinta ee hoosjoogay boqor Amada Tseyon uu geeriyoodo, ayna jiraan wiilal uu dhalay boqorka geeriyooday, wuxuu mid walba (wiilashiisu) isku dayi jiray in uu helo boqor Amada Tseyon kalsoonidiisa; maxaa yeelay Boqorka (Amada) ayaa ah kan dooranaya wiilka xukunka qabanaya” (ee dhaxlaya aabihiis) ( The Ethiopians by Pankhurst. bogga: 75 published by Blackwell)

Markuu geeriyooday boqor Amada Tseyon, waxaa halgankiisii iyo hammigiisii ku dhisnaa in uu mar’uun hanan doono dhulka imaarada Adal ama Zaylac sii waday wiilkiisii ka dhaxlay taajka boqortooyada, Safya Arad.

Boqor Safya Arad (1344-1372), oo naanaystiisu ahayd “Nawaya Kristos” (Vessel of Mary) wuxuu talada boqortooyada hayey muddo 28 sanadood ah. Wuxuu ahaa sida taariikhda ku sugan siyaasi ruug cadaa ah. Wuxuuna inta badan u isticmaalay dhulka Muslimiinta siyaasad ku dhisan “Qaybi oo xukun” taas oo u suurto gelisay in uusan inta badan adeegsan awood ciidan.

Safya Arad kolkii uu geeriyooday waxaa kala wareegay kursiga boqortooyada wiilkiisii Wudem Asfare (1372-1382)

Waxaa isna sida caadada boqortooyada Amxaaradu ay ku dhisnayd uu la baxay naanays “Newaya Mariam” ( Vessel of Mary) wuxuuna 10kii sano ee uu xukunka hayey dagaal kula jiray imaarada Adal inkastoo uusan ku guulaysan in uu Zaylac qabsado.

Markuu isna geeriyooday boqor Wudem Asfare, waxaa isna dhaxalka boqortooyada la wareegay walaalkiis, boqor Dawit I (1382-1411) oo ahaa wiilkii labaad ee boqor Safya Arad. Boqor Dawit I wuxuu ku guulaystay in uu jiiro ciidankii Muslimiinta Adal oo markan uu hormuud u ahaa Amiir Sacdu-diin; wuxuuna dagaal kharaar oo labada ciidan dhexmaray kadib boqor Dawit I ku dilay Amiirkii Zaylac, Sacdu-diin.

Sandkii 1403, waxaa boqor Dawit I u suurto gashay qabsashada dekedda Zaylac oo halbowle u ahayd imaaraddii Adal. Waxay ciidanka boqor Dawit I Zaylac ka gaysteen xasuuq iyo bililiqo lamid ah tii awowgiis, boqor Amada Tseyon uu ka geystay xarumihii IFAT 50 sano ka hor.

IV. Boqor Zara Yakob (1434-1468)

Inta aynan dhex gelin taariikhda boqorkan, Zara Yakob, oo ka mid ahaa boqorradii ugu muhiimsanaa ee soo maray taariikhda Ethiopia, waxaa haboon in aan si kooban u xusno inta boqor ee xukunka boqortooyada Ethiopia iska dhaxlay mudadii u dhaxaysay boqor Amada Tseyon (1314-1344) iyo boqor Zara Yakob (1434-1468) oo qormadeena maanta aan si kooban uga hadli doono.

Boqradan intooda badan kagama aynaan soo hadlin qormooyinkeenii hore, maxaa yeelay in badan oo iyaga ahi kuma negaan kursiga boqortooyada muddo dheer, mana lahayn miisaan hogaamineed oo lamid ah midka boqorrada aan qormooyinkeena kuxusnay ama aan ku xusidoonno; sidaas darteed waxaan muujinaynaa oo kaliya magaca boqorka iyo taariikhda uu soo hayey xukunka boqortooyada Ethiopia:

Amada Tseyon……….. (1314-1344)

Safya Arad……………….(1344-1372)

Wudem Asfare.............. (1372-1382)

Dawit I........................ (1382-1411)

Tewodros I………………. (1413-1414)

Yesak…………………….. (1414-1429)

Endreyas…………………. (1429-1430)

Takla Maryam……………. (1430-1433)

Sarwa Iyasus……………. ( 1433)

Amada Iyasus…………… (1433-1434)

Zara Yakob……………… (1434-1468)

Boqor Zara Yakob (1434-1468) oo ah wiilkii ugu yaraa ee boqor Dawit I-kii aynu soo sheegnay in uu ahaa boqorkii reer Ethiopia ee sanadkii 1403 qabsaday Zaylac, waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa boqor kali-taliye ahaa. Wuxuu xilka boqortooyada hayey muddo 34 sano ah.

Waxyaabaha sida aadka ah loogu xasuusto boqorkan waxaa ugu muhiimsan dilkii uu dilay afadiisii, Seyon Mogasa, oo uu ku eedeeyey in ay maleegaysay shirqool ka dhan ah boqorka Ethiopia, boqor Zara Yakob.

Boqor Zara Yakob wuxuu yaraantiisii qaybo kamid ah tacliinta diinta Kirishtanka ku soo qaatay Aksum, kadibna wuxuu ku xarooday xarun si gaar ah loogu barto ku takhasuska diinta kirishtanka oo ku taalay Shire, laguna magacaabi jiray Debra Abbay.

Sida caadada boqorrada reer Ethiopia ay ahayd, boqor Zara Yakob wuxuu isna markiisa la baxay naanaysta ” Kwestantinos” ama Constantine oo uu malaha uu ku ixtiraamayey boqorkii Ruum, Constantine Emperor, 285-337

Boqor Zara Yakob wuxuu door muhiim ah ka qaatay, mudadii uu xukunka hayey, xoojinta ku dhaqanka diinta Kirishtanka . Wuxuu xukunka boqortooyada Ethiopia u fidiyey Koonfurta iyo bariga. Wuxuu amar ku bixiyey in qofkasta oo Ethiopian ahi uu madaxa ku xirto calaamad muujinaysa in uu yahay qof haysta diinta Kirishtanka, isilamar-ahaantaasna u dhaar la galo (bayco) boqortooyada.

Boqor Zara Yakob wuxuu caasimadda boqortooyada Ethiopia u wareejiyey waqooyiga Shawa, wuxuuna xarun kadhigtay Debra Birhan oo ahaa qasri aad u qurux badan. Wakhtigaas Muslimiinta reer Adal ama Zaylac waxay gacanta ku hayeen ganacsigii u dhexeeyey Zaylac oo ahayd dekked muhiim ah iyo dhulkii kale ee Muslimiinta sida, Ifat, Fatigar, Dawaro iyo Bale.

Sidaan horay u soo xusnay boqor kasta oo reer Ethiopia ah wuxuu awwoodda saari jiray marwalba sidii uu marin-badeed u heli lahaa; sidaas darteed boqor Zara Yaqub wuxuu culayska saaray xeebaha Eritrea oo kamid ahaa dhulkii Muslimiinta, islamarkaasna aad ugu dhawaa gobolka Tigray. Sanadihii 1448-1449kii wuxuu abaabulay ciidan, wuxuuna isugu geeyey dhulka Eritrea, kadibna wuxuu ku weeraray Musawac iyo Jasiiradihii Dahlak.

Dhanka kale, Zara Yakub, wuxuu duulaan ku qaaday Amiir Axmed Badley Sa’du-diin oo wakhtiyadaas u talinayey Saldanaddii Zaylac ama Adal oo ahayd imaarada muslimiinta ee xilliyadaas ugu awwoodda roonayd. Warka dagaaladan uu Boqor Zara Yaqub kawaday dhulka Muslimiinta wuxuu gaaray qaaradda Yurub, wuxuuna aad u farxad geliyey maamuladii iyo boqortooyadii ka dhisnayd dhulka Yurub oo ku fakaray in ciidanka Ethiopia uu yahay ciidanka jabin kara Muslimiintii Masar, Sham, iyo Jaziiradda Carabta oo dhan.

Sidoo kale boqor Zara Yakub iyo maamulkii ka dhisnaa Masar waxaa dhexmaray khilaaf aad u xooggan, kaas oo keenay in boqor Zara Yakub uu ku hanjabo in uu leexsan doono biyaha wabiga Nile. Sida dadka ku xeel dheer taariikhda Ethiopia ay xusaan, Boqorka Ethiopia, Zara Yakob, wuxuu aad uga carooday warar sheegayey in kaniisad kutaal Masar ay maamulka muslimiintu burburiyeen.

V. Boqor Ba’eda Maryam iyo Boqorad Elena

Inta aynaan isha marin taariikhda boqor Ba’eda iyo boqoradda Elena, waxaa xusuusin mudan in taariikhda Immaam Axmed iyo dagaaladii baaxadda laha ee uu la galay boqortooyada Ethiopia (gaar ahaan Boqor Lebna Dengal, wiilkiisii Galadious, iyo boqortooyadii Portugueseka ee gurmadka u fidisay) ay ina soo hayso oo aan taxanahan qaybo badan oo kamid ah si faahfaahsan uga hadli doonno; sidaas darteed, waxaan jeclaystay in aynaan ku degdegin bilowga taariikhda Imaam Axmed illaa aan halkeeda ugu tagayno.

Boqor Ba’eda Maryam (1468-1478)

Waxaan horay uga soo warbixinay, qormadeenii tan ka horaysay, ciqaabtii boqor Zara Yakob uu ku qaaday xaaskiisii, Seyon Mogasa, kadib kolkuu ku eedeeyey in ay mu’aamarad ka dhan ah boqor Zara Yakob, oo ay ku doonaysay in ay xukunka kaga wareejiso, ay faraha la gashay. Seyon Mogasa, waxay ahayd boqor Ba’eda Maryam hooyadiis, sidaas darteed, arintan waxay Ba’eda Maryam ku keentay, yaraantiisii, cabsi aad u badan oo uu ka qabay in uu aabihiis, Zara Yakob, marin doono ciqaab lamid ah tan uu hooyadiis mariyey.

Si kastaba ha ahaatee, Boqor Zara Yakob wax ciqaab ah ma marin wiilkiisa, wuxuuna u diyaariyey in uu ka dhaxlo taajka boqortooyada Ethiopia. Sidaas ayuuna boqor Ba’eda Maryam kula wareegay maamulka boqortooyadii Amxaarada sanadkii 1468kii kadib kolkii aabihiis u geeriyooday xannuun muddo hayey.

Waxyaabaha sida gaarka ah loogu xasuusto boqor Ba’eda Maryam (the hand of Mary) ama gacantii Maryam oo lagu magacaabi jiray Dawit, waxaa kamid ah dhisitaankii kaniisaddii sida weyn caanka u ahayd ee “Atronsa Maryam” sidoo kale wuxuu amar ku bixiyey in lafihii boqorradan dhawrka ah: Yakuna Amlak (1270-1285), Neway Maryam (1372-1382), iyo Tewodros (1413-1414) lagu aaso Kaniisadda Atronsa Maryam.

Dadka ree Ethiopia ee xukunka boqor Ba’eda Maryam ku hoos noolaa waxay ku xamanjireen in uu wakhtigiisa inta badan uu ku lumiyo fardafuulka oo uu aad u jeclaa. Boqorku, Ba’eda, wuxuu markii danbe ku dooday in fardafuulkiisan faraha badani uu yahay mid caada ahaan kasoo jeedda Boqortooyada Ethiopia uuna ka dhaxlay boqorraddii hore ee isaga xukunka kaga horeeyey.

Boqor Ba’eda Maryam waxaa sidoo kale lagu tilmaamaa in uu ku dhiiri geliyey dadka reer Ethiopia in ay waxbeerashada xoogga saaraan, gaar ahaan liinta, sonkorta, canabka iyo geedmiroodyo kale oo farabadan.

Boqorad Elena

Boqoraddan, Elena, waxay kamid ahayd xaasaskii boqor Zara Yakob. Waxay ahayd inan uu dhalay boqorkii Muslimiinta reer Dawaro ee iyagu markii danbe qaatay diinta Kirishtanka kadib kolkii dhulkooda uu hoostagay boqortooyada Ethiopia.

Haweenaydan waxay si kumeelgaar ah taajka boqortooyada Ethiopia ugu haysay boqor Lebna Dengel oo isaga oo 7 sano jir ah aabihiis, boqor Na’od, lagu dilay dagaal dhexmaray boqortyooyada Ethiopia iyo xoogaggii Muslimiinta reer Zaylac ama Adal.

Dadka taariikhda boqortooyada Ethiopia wax ka qora waxay ku tilmaamaan boqorad Elena in ay ahayd haweenay caqligu aad ugu maaxay. Waxay durbaba xidhiidh la samaysay Suldaan Maxamed Azir oo muddo ka badan 30 sano (1488-1518) katalinayey saldanaddii Muslimiinta ee Adal. Waxay sidoo kale xidhiidh la samaysay dawladdii Portugueseka iyadoo markaas dareemaysay in boqortooyada Ethiopia ay ku soo fool-leedahay khatar ballaaran oo kaga imaanaysay dhinaca bari, gaar ahaan saldanaddii Zaylac.

Boqorad Elena waxay wafti ahaan ugu dirtay dawladdii Portigueska nin Armenian ah oo lagu magacaabi jiray Mateus. Waxaana sanadku markuu ahaa 1514kii uu boqorkii Bortaqiisku, Manuel I uu ku qaabilay Lisbon, oo ahayd xaruntii Bortaqiiska, waftigii boqoradda Ethiopia. Wakhtigaas, waxay Boortagiisku dano muhiim ah ka lahaayeen India, waxayna aad u soo dhaweeyeen aragtida boqorad Elena.

Sanadkii 1520kii, oo ku beegnayd xilliyadii uu taajka boqortooyada Ethiopia uu hayey boqor Lebna Dengel, waxaa soo gaaray xeebta Musawac markab siday wafti Portiguesku u soo diray boqortooyada Ethiopia. Waxaana waftiga madax u ahaa Duarte Galvao oo ahaa safiirkii dawladda Portiguesku u soo magacawday Ethiopia, si taageero ballaran loogu fidiyo boqortooyada Erhiopia, loogana taakuleeyo sidii ay uga guulaysanlahayd Saldanaddii Muslimiinta ee Zaylac.

Cutubka 2aad

Dagaalkii Diimeed ee Imaam Axmed Ibrahim (Gurey)

Inta aynaan u guda gelin faahfaahinta dagaalkii Diimeed ee dhexmaray ciidankii Muslimiinta reer Awdal ee uu hogaaminayey Imaam Axmed Ibrahim (Gurey) iyo labadii Boqor ee isdhalay, Boqor Gelowdewos iyo aabihiis Boqor Lebna Dengel oo horjoogay ciidamadii huwwanta ahaa ee ka koobnaa Ethiopianka iyo Portugesekii gurmadka ugu yimid, waxaa ila haboonaatay in aan qiimayn ku samaynno sida uu ahaa xaalka labada dhinac ka hor inta aysan iman duufaantii liqday Ethiopia guud ahaan ee dhankooda Muslimiintii reer Zaylac ay ku magacaabeen Furashadii Xabasha.

Boqor Lebne Dengel (Wanag Sagad) (1508-1540)

Waxaan horay usoo taabanay in boqorkan nasiibka daran ee Lebne Dengel uu ku soo koray agoonimo kadib kolkii aabihiis boqor Na’od lagu dilay dagaal uu la galay muslimiintii reer Awdal, iyo sidii boqorad Elena ay mudada ugu haysay kursiga boqortooyada intii uu ka gaarayay xilli uu ku hanan karay majaharaha looga arimiyo boqortooyada Ethiopia.

Boqor Lebne Dengel waxay boqortooyadiisu ku soo beegantay xilli dhinicii xilliftanka siyaasadeed, diimeed, dhaqaale iyo milateriba uu kala dhexeeyey ee reer Awdal uu hoggaanka u qabtay shakhsi kulansaday dhammaan sifaadka hogaamineed ee looga baahanaa hogaamiye umadeed, xilli shacabkiisu ay joogaan wakhtigii ay ugu baahida badnaayeen helitaankiisa, Imaam Axmed Ibraahim, Gurey (Allah ha u naxariisto)

Boqor Lebne Dengel oo lagu naanaysi jiray, (Incense of Virgin) ama Cuudkii Maryan, sida macnaha labada eray ka muuqata, wuxuu boqor ka ahaa dhulka Ethiopia muddo 32 sano ah oo inbadan oo kamid ah uu ku jiray dhuumaalaysi iyo qax isdaba joog ah oo uu naftiisa ku badbaadinayey kadib markii ay horeeyeen ciidankii Imaamku, ugana yimaadeen jiha kasta dhulka Ethiopia, buuro iyo bannaanba.

Dadka iyagu sida gaarka ah wax uga qora taariikhda Geeska Africa, gaar ahaan tan Ethiopia, waxay isku raaceen in xilligii uu taajka boqortooyada Ethiopia uu hayey boqor Lebne Dengel uu ahaa xilligii ugu xumaa ee soo mara taariikhda Ethiopia intii ay jirtay. Xilligii uu han-jabka ugu ballaaran uu ku yimid boqortooyo ku gabowday, kuna gaamurtay habmaamul ku dhisan “Qaybi oo xukun.”

Wakhtiga Boqorkan, Lebne Dengel, uu talada hayey waxay ku soo aaday wakhti aad ugu adag dadkii ahaa Kirishtanka reer Ethiopia, taas oo keentay in awwoodoodii mudada 400 oo sano ka badan ka jirtay dhulka sare ee Ethiopia, kuna baahsanayd koonfurta iyo bariga Shawa, illaa xeebta badda Cas, ay ku wiiqantay wax kayar 15 sano oo uu Imaam Axmed dagaal kula jiray.

Xilligaas u darnaa boqortooyadii reer Ethiopia, Muslimiintii reer Awdal, oo ay qabaa’ilka Soomaalidu kulahaayeen door shariif ah, waxay ku durduriyeen gebi ahaanba dhulka sare ee Ethiopia. Waxay dadka wax ka qoray dhacdooyinkaas diimeed ku sheegeen qoraaladii ay ka qoreen, in 10kii qof oo kamid ah dadkii kirishtanka ahaa ee reer Ethiopia ay 9 kamid ah muslimeen. Mudadaas dhowr iyo tobanka sano ah ee uu Imaam Axmed dagaalka la galay boqor Lebne Dengel, boqortooyada Ethiopia waxay ahayd guud ahaan mid hawl-gab ah, dhulkeeduna uu hoos tagay imaaraddii beri ay kor ka maamuli jireen ee Adal.

Wixii ka danbeeyey boqortooyadii Zara Yakob, gaar ahaan Boqor Ba’eda Maryam, awwooda dhaqaale, ciidan iyo maamul ee labadan kooxood ee isdhinac yiilay wuxuu ahaa mid si tartiib tartiib ah isu daba marayey; awwoodda ciidan iyo maamul ee boqortooyada Ethiopia waxay ahayd mid aad hoos ugu dhacday, halka tan saldanaddii muslimiinta reer Zaylac ay ahayd mid isasoo taraysay.

Dilkii boqor Na’od ay Muslimiintii reer Adal ku dileen, dagaal ay isga horyimaadeen ciidanka boqorka Ethiopia, waxay ahayd dhacdo taariikhi ah oo dhinaca kale u wareejisay waxyaabihii ay labada saldanadood midba midka kale ka aaminsanayd. Waxay ahayd dabcan bilowga soo kicitaanka awoodda Muslimiintii reer Adal; waxay sidoo kale ku ahayd dhinaca kale yaqiinsi ay yaqiinsadaan in uu u bilowday waa ka duwan waayadii talada boqortooyada ay hayeen boqor Amada Tseyon iyo Zara Yakob. Dhacdadan waxay baraarujisay dadkii reer IFAT ee mudada dheer ku hoos jiray xukunkii ay iska dhaxlayeen boqoradii Amxaarada.

Waxyaabaha ay sababta uga dhigeen hoos u dhaca ku yimid awwooddii boqortooyadii Kirishtanka ahayd dadka sida gaarka ah wax uga qoray taariikhda Ethiopia waxaa kamid ahaa hayyaankii qowmiyadda Oromadu ay ka soo hayyaantay dhulkii koonfurta ka xigay boqortooyada Ethiopia, iyagoo usoo guuray dhulkii ay maamulaysay boqortooyadu oo uu kamid ahaa dhulka Shoa, kadibna harqiyey, iyadoo dadkaas badankoodu ay qaateen diinta Islaamka. Laakiin, waxaan meesha ka marnayn in ay keeni karto hoos u dhacaas wiiqay hannankii maamul iyo ciidan ee boqortooyadii Kirishtankii Ethiopia culayskii qarniyada soo socday ee ay ku hayeen shucuubtii ku hoos noolayd xukunkooda, gaar ahaan saldanadihii muslimiinta reer IFAT, Zaylac, Dawaro, iyo fatigar, kuwaas oo si tartiib tartiib ah isga wareejiyey culayskaas iyo cadaadiskaas kaga imaanayey boqortooyada Ethiopia.

Zaylac oo Portuguese-ku gubey

Muslimiinta reer Adal Imaam Axmed ka hor.

Wax yar ka hor intii aanu Imaam Axmed la wareegin hogaanka Diimeed, Siyaasadeed, iyo Milateri ee saldanaddii Muslimiinta reer Zaylac, waxaa muslimiinta harqiyey khilaafaad muddo socday oo ku salaysnaa isfahan la’aan ka dhexjirtey Amiirradii horay talada u hayn jirey, oo iyagu asal ahaan kasoo jeeday saldanaddii burburtay ee IFAT, iyo Amiiro cusub oo doonayey in wax laga badalo qaabkii loo maamulayey saldanadda.

Labadan quwadood oo mabda’ ahaan aad u kala fogaa, waxay isku khilaafsanaayeen dhawr arimood oo ay ugu muhiimsanayd: iyadoo jiilkan Amiirada cusub uu aaminsanaa in la gaaray wakhtigii lala xisaabtami lahaa boqortooyada Ethiopia ee mudada dheer cadaadiska ku haysay dhulka iyo dadka muslimiinta reer Adal iyo in gabi ahaanba saldanadda Adal ay noqoto mid aayaheeda iyo mustaqbalkeedaba ay go’aamiyaan dadkeedu; kooxdan waxaa hormuud u ahaa Amiir Maxfuud, Amiirkii Harar.

Dhinaca kale oo uu hogaaminayey Suldaan Maxamed Azar Abubakar Sacdudiin, amiirkii guud ee reer Adal, waxay qabeen in lala shaqeeyo Boqortooyada Ethiopia, lana ilaaliyo heshiisyadii ay horay u wada gaareen labada dhinac, taas oo kooxda kale ay u arkaysay mid saldanadda reer Zaylac ay ku dulmanayd.

Xilliyadii u horeeyey ee talada boqortooyada Ethiopia uu qabtay boqor Lebne Dengel, waxay dagaal isaga hor yimaadeen ciidankii Amiirka Harar, Amiir Maxfuuz. Wakhtigaas waxaa imaarada Muslimiinta xarun u ahayd magaalada Dakar oo qiyaastii waqooyi bari kaga toosan Harar. Dagaalkaas dhexmaray ciidanka Amiir Maxfuuz iyo kuwa boqor Lebne Dengel, waxaa ku dhintay dad badan oo ka tirsanaa ciidanka Amiirka, waxaana ciidanka boqor Lebne Dengel uu dagaalkaas ku gubay mid kamid ah qasriyadii Suldaan Maxamed Azir ee ku yiilay halkii lagu diriray.

Wakhtigaas uu dagaalku dhexmarayey labada ciidan oo ku beegnaa sanadkii 1516kii, ciidanka badda ee Portuguesaku, oo aan horay u soo sheegnay in xidhiidh dublamaasi iyo mid milateriba ay la lahaayeen boqortooyada Ethiopia, waxay dhabar jabin ku sameeyeen ciidankii reer Adal, waxayna gubeen Zaylac. ( Layers of Time by Paul B. Henze, bogga: 85, Published by St. Martins Press in 2000)

Suldaan Maxamed Azir Abubakar Sacdudiin, Suldaankii Muslimiinta reer Zaylac ama Adal, wuxuu aaminsanaa in aan dagaal lala gelin boqortooyada Ethiopia, wuxuuna ka leexday jidkii muslimiinta reer Adal ay ka doonayeen in uu ku maamulo oo ahaa shareecada Islaamka. Sida uu ku qoray Shihaabudiin buugga Futuux Al-xabasha, Suldaanka waxaa dilay seedigiis oo ahaa Maxamed Abubakar Maxfuuz. Wixii ka danbeeyey dilka Suldaan Maxamed, waxaa soo maray saldanaddii Adal dilal isdaba joog ah oo hadba amiirkii talada qabta isagana markiisa la khaarajinayey.

Amiirradii ugu muhiimsanaa ee majaraha u qabtay saldanada Adal waxaa kamid ahaa Garaad Abwan (1522-1529). Mudadii gaabnayd ee uu Garaad Abwan talada hayey wuxuu reer Adal ku maamulay caddaalad iyo sinaan, wuxuuna la dagaalamay burcaddii dadka wadooyinka u fariisan jirey, si ay iyaga iyo hantidoodaba u waxyeeleeyaan; wuxuuna door fiican ka qaatay horumarinta waxbarashada sida uu Shihaabudiin buugiisa ku xusay.

Imaam Axmed Ibraahim (Gureey)

Sidaan horay u soo xusnay wixii ka danbeeyey dilkii Suldaan Maxamed Azir, suldaankii guud ee Muslimiinta reer Adal, waxa soo food saaratay Saldanadda khilaafaad aad u ba’an oo degenaansho la’aan iyo qalalaasaba ku abuuray nidaamkoodii dawladnimo.

Waxaa muddo laba sono gudohood ah soo maray illaa 5 amiir oo mid walba si dhakhso ah looga wareejinayey xukunka kadib dagaallo dhiig badani uu ku daatay. Waxaa hoggaanka u qabtay sidii aan horay usoo magacawnayba Garaad Abwan, oo ahaa nin aad ugu dheggan shareecada Islaamka. Imaam Axmed Gureyna wakhtigaas wuxuu ka mid ahaa ciidankii Garaad Abwan, wuxuuna caan ku ahaa geesinimo, karti iyo indheer-garadnimo uu ku kasbaday kalsoonida Garaadka iyo bulshadii uu ku dhex noolaa intaba.

Garaad Abwan waxaa isagana markiisa loo dilay khilaafkii ku salaysanaa awoodda maamulka Imaarada, waxaana xukunka kala wareegay Abubakar Maxamed Azir…Sacdu-diin oo ahaa wiilkii uu dhalay Suldaan Maxamed Azir.

Wixii ka danbeeyey dilkii Garaad Abwan, Imaam Axmed iyo Suldaankii reer Adal waxaa soo kala dhex galay isfahan la’aan, markii danbe sababtay in uu dhexmaro gacan ka hadal ku dhamaaday dilkii Suldaan Abubakar.

Inkastoo waxyaabaha sida aadka ah looga xasusto suldaan Abubakar ay ka mid ahayd usoo raritaankii uu caasimaddii muslimiinta reer Adal uu u soo raray Harar, hadana waxayaabaha dhanka kale lagu dhaliilo waxaa kamid ah, in uu wax ka qabanwaayey ammaankii imaarada oo faraha ka baxay. Waxaa mar kale soo noqday wakhtigiisii burcaddii jidadka u fariisan jirtay dadka socotada ah, si ay iyaga iyo hantidoodaba dhib ugu geystaan.

Waxaa sidoo kale hoos u dhacay rajadii muslimiinta reer Adal ay ka qabeen in loolan dhab ah uu dhex mari karo iyaga iyo Boqortooyadii galbeedka ka xigtay ee Kirishtanka Ethiopia. Muslimiinta reer Adal oo iyagu kaga wanaagsanaa boqortooyada Xabshida dhinaca xidhiidhka dibadda, gaar ahaan kan ganacsi ee ay la lahaayeen koonfurta Jasiiradda Carabta, wuxuu ku guul daraystay Suldaan Abubakar in uu kaga faa’iidaysto, culaysna ku saaro Boqortooyada Xabashida oo si aan kala go’ lahayn u isticmaali jiratay khadadkii ganacsi ee dhulka sare ee Ethiopia ku xirayey dekeddii Zaylac iyo Gacanka Cadan.

Waxaa sidoo kale halkoodii ka sii socday duulaankii boqortooyada Ethiopia ay ku haysay dhulkii ay maamulysay Imaarada Zaylac; inkastoo uusan ahayn duulaankani mid khatar badan ku hayey jiritaanka Imaarada, hadana waxay dhibaato aan yarayn ku haysay dadkii muslimiinta ahaa ee ku teedsanaa dhulkii xadka la lahaa boqortooyada Ethiopia oo mar walba iyaga uu saamayn ku reebayey dagaalada ay ku soo qaadaan ciidanka boqor Lebne Dengel.

Muslimiinta reer Zaylac, laga bilaabo wabiga Hawaash illaa laga gaaro Gacanka Cadan iyo xaruntoodii ganacsiga ee Zaylac, waxaa mar qura soo food saartay khatar ballaaran. Nidaamkii maamul ee Imaaradu wuxuu halis ugu jiray in uu gebi ahaanba burburo.

Musuqmaasuq iyo maamul xumo ku baahday dhammaan xarumihii looga arrimin jirey saldanadda, ammaankii iyo kala danbayntii oo faraha ka sii baxay, iyo duullaankii isadaba joogga ahaa ee boqortooyada Ethiopia oo halkiisii ka sii socday, intuba waxay sabab u noqdeen in uu yimaado kacdoon shacbi oo uu hogaaminayo Imaam Axmed Ibraahim Gurey.

Yaraantiisii Imaam Axmed wuxuu ku soo barbaaray dhul qiyaastii koonfurta kaga toosan Harar. Waxaan shaki ku jirin in uu qawmiyad ahaan ka soo jeedo Soomaalida, sida uu Professor Maxamud Brelvi uu ku xusay buuggiisa “Islam in Africa” oo lagu daabacay Lahore, Pakistan sannadkii 1964kii. Qowmiyadda Oromada oo iyagu ku dooda in Imaamku uu dhankooda ka soo jeedo ayaa la rumaysanyahay in ay agagaarka Harar soo gaareen qiyaastii xilligii Amiir Nuur Amiirka ka ahaa Harar.

Qabaa’ilka Soomaalida ee loo tiirin karo Imaam Axmed waxaa kamid ah: Geri-ga, Marreexaan-ka, Habar Magaadle-ha, oo ah qaybo kamid ah reerka Isaaqa. Sida ka muuqata buugga Futux Al-Xabasha waxay sadexdaas qoys ku tabaruceen inta badan ciidankii iyo fardihii ka yimid qowmiyadda Soomaalida ee uu Imaam Axmed uu ku weeraray boqortooyada Xabashida. Sidoo kale qabaa’ilka Harti-ga, oo iyagu ka yimid Maydh, Hawiye-ha, Xarla-ha, Jaraan-ta iyo Yibra-ha ayaa iyaguna ka mid ahaa qabaa’ilkii Soomaalida ee Imaam Axmed gacanta ku siiyey duulaankiisa.

Imaam Axmed Gurey markii uu dareemay halsita ku soo wajahan imaarada Zaylac, wuxuu gooni ula baxay ciidan u badnaa ciidankii Garaad Abwan, waxayna amiir u doorteen Garad Cumar Maxamed Azir, oo ahaa suldaan Abubakar walaalkiis. Khilaafkii Imaam Axmed iyo suldaan Abubakar wuxuu gaaray halkii ugu saraysay. Wakhtigaas ciidanka ugu badan ee Suldaan Abubakar waxay kasoo jeedeen qowmiyadda Soomaalida qabaa’il ka tirsan sida ku xusan buugaagta taariikhda.

Boqor Lebne Dengel, boqorkii Xabshida, oo ka faa’iidaysanayey khilaafkii ka dhex aloosnaa imaarada Zaylac, wuxuu sannadkii 1527kii amray Fanuel, oo ka soo jeeday Kirishtankii reer Dawaaro, in uu weerar ku kiciyo reer Harar. Fanuel iyo ciidankiisu waxay weerarkooda ku ekeeyeen goob u dhow goobihii uu Imaam Axmed Gurey kula sugnaa ciidankii uu kala soo tegey Harar.

Dagaalkaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee si toos ah u dhexmara Imaam Axmed Guray iyo ciidanka boqortooyada Ethiopia, wuxuu Imaamku ka gaaray guul ballaaran. Ciidanka Fanuel waxaa lagu jabiyey goobtii lagu dagaalamay, waxaana dagaalkaas looga qabsaday illaa 60 faras, baqal fara badan iyo hub sida uu ku xusay Shihaab Al-Diin buuggiisa Futuux Al-Xabasha, baalka 12aad.

Soomaalida iyo Dagaalkii Diimeed ee Imaam Axmed

Inta aynaan soo qaban magacyada qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee halyeeyada ugu tabarucay, kana qayb qaatay halgankii Imaam Axmed Gureey uu ugu jiray difaaca dalkiisa,dadkiisa iyo diintiisaba, waxaa in wax uun laga fahmo u baahan doorkii Boqortooyadii Portagues-ka iyo tii Cusmaaniyiin-tu ay ka geysteen khilaafkii Siyaasadeed, Diimeed, iyo Milateri ee ka dhexeeyey Muslimiintii reer Zaylac iyo Boqortooyadii Kirishtanka Ethiopia.

Inkastoo uusan Imaam Axmed soo gaarin dhacdadii uu badmareenkii caanka ahaa ee Vasco Degamo uu ku duqeeyey Muqdisho sanadkii 1449kii, hadana wuxuu goob jog u ahaa, Imaamku, dhacdooyin taas ka danbeeyey oo uu Portuguesku ka geystay xeebaha Soomaalida. Portuguesku wuxuu dareensanaa in culays xagga xeebta ah oo uu saaro saldanadda Adal ay wax weyn u tari karto xaliifkiisa istraatiijiga ah ee boqortooyada Xabashida.

Waxaan horay u soo xusnay in sanadkii 1517 kii ciidanka badda ee Portuguese-ku, oo uu hogaaminayey Lope Saurez, ay gubeen Zaylac. Sanadkii kaa xigayna, 1518kii, ciidan kale oo uu watey Saldanhana, oo isna ahaa badmareen reer Portuguese ah, ayaa cagta mariyey Barbara. Cadaadiskaas uu Portuguesku ku hayey xeebaha Saldanadda Adal waxaa dhinac socday in uu si fiican isugu ballaariyey xeebaha Badda Cas oo dhan.

Dhinaca kale, Boqortooyadii Cusmaaniyiintu waxay dhankeeda xiriir wanaagsan la lahayd saldanadda Adal. Waxay dareensanayd boqortooyadani in ay lagama maarmaan tahay in ay gacan u fidiso maamul ay is dareensiisay in uu kamid yahay dhulweynaha hoos yimaada maamulkeeda. Sandkii 1517kii waxay Cusmaaniyiintu la wareegeen Masar, 8 sano kadibna, 1525kii waxay maamulkeeda ku darsatay Yaman. Dabcan u soo dhawaanshaha Boqortooyada Cusmaaniyiintu ay u soo dhawaatay dhulka saldanadda Adal, waxay kor u qaaday hammigii muslimiinta reer Zaylac ay ku haminayeen in mar uun uu soo gaaro gargaar u dhigma kan ay boqortooyada Xabashidu ka heshay Portagueska.

Labadan quwadood, Portuguese-ka iyo Cusmaaniyiintu, waxay dareensanaayeen, malaha, ahmiyadda uu mid walba ugu fadhiyo in uu taakuleeyo xaliifkiisa gobolka, muslimiinta reer Zaylac iyo boqortooyadii Kirishtanka Ethiopia. Wixii wakhtigaas ka danbeeyey labada dhinac waxay taakulayn milateri ka heleen labadaas quwadood. Waxaase aan meesha ka marnayn in sida qolo walbaa ay u maamusho dhulkeeda iyo sida ay ugu hagar baxdo dadkeeda uu saamayn ballaaran ku yeelan karo natiijada ka soo bixda dagaal ballaaran oo ka dhex qarxa.

Imaam Axmed wuxuu durbaba bilaabay in uu isu soo dumo dhammaan dhinacyadii uu khilaafku u dhexeeyey ee kawada tirsanaa Saldanadda Zaylac. Wuxuu xoog iyo xeeladba ku kasbaday qabaa’il door ah oo ka tirsanaa qowmiyadda Soomaalida. Wuxuuna ugu baaqay in ay marka hore dhammeeyaan khilaafaadka dhexdooda ka jira (sida kii Geri-ga iyo Mareexaan-ka, ama Geri-ga iyo habar Magdi-ga) kadibna ay qayb ka noqdaan difaaca sharafta iyo karaamada umadda.

Wuxuu Imaamku gebi ahaanba ka hortegey, si aan naxariis lahaynna ula dagaalamay, burcaddii dhibaatada faraha badan ku haysay dhulka Saldanadda. Wuxuu dadaal fara badan ku bixiyey in uu ku maamulo caddaalad iyo sinnaan dhammaan mujtamicii ku hoos noolaa maamulka Imaarada. Wuxuu sidoo kale ka takhalusay maamul xumadii jirtay, wuxuuna garabka u raariciyey, isla mar ahaantaasna aruuriyey danyartii iyo masaakiintii ku firirsanayd kuna dhex tabaalaysnayd dhulkii Saldanadda.

Dhanka kale, Imaam Axmed Gurey wuxuu dadaal aan horay u soo marin saldanadda uu ku bixiyey sugitaanka ammaanka gudaha iyo waliba xuduudda ay Imaaraddu la lahayd boqortooyada Xabashida. Wuxuu dhisay ciidan xoog badan oo u qalabaysan diin ahaan iyo dagaal ahaan labadaba. Wuxuu ku soo ururiye Harar ciidan tayo leh oo ka kala yimid dhammaan qaybihii kala duwanaa ee Saldanadda.

Qabaa’ilka Soomaalida ee sida gaarka ah uga qayb qaatay dhismaha ciidankii Imaam Axmed, gaar ahaan dagaalkii ballaarnaa ee Shimbira Gura, waxaan ka xusi karnaa sida ku qoran baalasha 123 iyo 76 ee buugga Futux Al-Xabasha:

Mareexaan

80 faras/90 faras P.44

700 ciidan lug ah

Habar Magdi

50 faras

500 ciidan lug ah

Geri

80 faras

1000 ciidan lug ah

Xarlah

20 faras

300 ciidan lug ah

Harti

300 ciidan lug ah

Yibroh

—-

400 ciidan lug ah

Waxaa sidoo kale ciidan badan isu soo ururiyey qabaa’il kale oo ka soo jeeday qowmiyadda Soomaalida oo ay kamid ahaayeen: Hawiyaha, Jeraan-ta, iyo Mazzar-ka oo aanay sugnayn tirada ciidanka ay u soo direen Harar.

Isaga oo tilmaamaya Shihaabu Diin sidii qabaa’ilka Soomaalidu ay ciidamada u soo tubeen Harar, una ajiibeen baaqii Imaamkooda, Axmed Gurey, wax yar ka hor intii uusan dhicin dagaalkii weynaa ee “Shimbira Gura” wuxuu ku yiri baalka 123aad ee buugiisa Futuux Al-Xabaha:

“ Qabiilkii ugu horeeyey ee yimaada (Harar) wuxuu ahaa Habar Maqdi, oo uu hogaaminayo Garaad Daa’uud. Waxay ahaayeen 50 fardooleey ah iyo 500 oo ciidan lug ah. Iyaga ka dib waxaa yimid reerka Mareexaan, oo uu hor socdo Axmed Hirabu. Waxay ahaayeen 80 fardooley ah iyo 700 oo ciidan lug ah. … Kadib waxaa yimid reerka Geriga oo uu hor socdo Garaad Mataan. Waxay ahaayeen 80 fardooley ah iyo 1000 ciidan lug ah. Sidoo kale waxaa yimid reerka Xarlaha oo uu horsocdo suldaankooda, Suldaan Maxamed. Waxay ahaayeen 20 fardooleey ah iyo 300 oo ciidan lug ah.”

Dagaalkii weynaa ee Shinbira Kore (April 1529 miilaadi-----Rajab 935 Hijri)

Imaam Axmed Ibraahim, imaamkii muslimiinta reer Awdal, markii uu kalsooni ballaaran ka helay dhammaan qabaa'ilkii ay kulmisay imaaradu oo ay kamid ahaayeen qabaa'ilka Soomaalidu, kuna soo ururiyey Harar ciidan fara badan sidii aan horay u soo xusnay, wuxuu u jihaystay qorrax u dhac iyo dhulkii galbeedka kaga toosnaa xaruntiisii Harar, dhulkii ay ka talinaysay boqortooyada Ethiopia.

Dadka iyagu xigsada dhinaca Ethiopia, marka wax laga oranayo taariikhda Geeska Africa, gaar ahaan tii dhexmartay boqortooyada Ethiopia iyo saladanaddii muslimiinta reer Zaylac ama Awdal, waxay sababta ugu weyn ee keentay jabkii lixaadka lahaa iyo burburkii ku yimid dhismihii xoogga badnaa, soo jireenkana ahaa ee boqortooyada Ethiopia, xilligii boqor Lebna Dengel, uga dhigaan "markii Boqor Lebna Dengel uu ka codsaday boqortooyadii Portuguese-ka in ay ciidankeeda kala baxdo dhulka Ethiopia, taasna uu ka faa'iidaystay Imaam Axmed."

Xaqiiqa ahaan, inkastoo aan la inkiri karin sida boqortooyada Ethiopia ay ugu tiirsanayd taageeradii milateri ee Portuguese-ka, iyo sida aysan uga maarmin marnaba taageeradaas xilli saldanadda Awdal uu hogaanka u qabtay shakhsi aan ku soo sheegnay in uu kulansaday tilmaan kasta oo looga baahnaa hogaamiye qaran, hadana, waxaa door weyn ka ciyaaray han-jabka ku yimid boqor Lebna Dengel iyo ciidankiisii fal-celiskii ka soo maaxday dadyowgii ku noolaa dhulalkii boqollaalka sano ay caburinta iyo caga-juglaynta ku haysay boqortooyada Abassynia.

Dagaalkii Shinbira Kore

Sida buugaagta taariikhda lagu qoro, qaarkood, ay xusaan dagaalkan ballaaran ee wax ka bedelay guud ahaan jawigii ay ku kala sugnaayeen muslimiintii reer Awdal iyo nidaamkii boqortooyada Ethiopia, wuxuu ka dhacay goob buuro ley ah oo lagu magacaabo Shinbira Kore, qiyaastiina 80 km dhinaca koonfur-bari kaga beeganayd halka maanta loo yaqaan Adis-ababa. Taariikh ahaan sida uu ku qoray Shihaabu-diin buugiisa Futuuxa, dagaalkan wuxuu dhacay xilli ku beeganaa bishii Rajab sanadkii 935kii hijriga oo ku aadan bishii Abril 1529kii miilaadiga. Laakiin, qaar kamid ah dadka wax ka qoray dhacdadaan waxay ku sheegaan in uu dhacay dagaalku sanadkii 1527kii ama 1528kii.

Labada dhinac ee dagaalkan isaga hor yimid, boqortooyadii kisrishtanka Ethiopia iyo saldanaddii muslimiinta Awdal, waxay mid walbaa isugu keentay ciidan fara badan Shinbira Kore. Boqor Lebne Dengel wuxuu isu soo dumay ciidan aad u fara badan oo ka kala yimid dhulkii Tigray, Amhara, Agew, Begemdir, Gojam, iyo Shawa. Shihaabu Diin oo soo xiganaya qof uga waramay dagaalka oo waraystay nin ka mid ahaa kirishtankii Azmac, ee la soo dagaal tegey maalintaas ciidanka boqor Lebne Dengel, laguna magacaabi jirey Haibi, gadaalna ka qaatay diinta Islaamka, ayaa sidan uga waramay tirada ciidanka boqorka Ethiopia ee ka qayb qaatay dagaalkii Shimbira Kore:

  1. Ciidanka Fardooleyda: 16,000

  2. Ciidanka Lugta: 200,000

  3. Waxay ahaayeen 7 saf.

Dhinaca kale, ciidanka Imaamku wuxuu ka koobnaa sadex saf oo ka kala socdey dhinacyada, Midig, Bidix, iyo Dhexda oo u badnaa ciidan fardooley ah, hor joogana uu u ahaa Imaam Axmed. Ciidankii muslimiinta Awdal ee dhinaca bidix ka socday waxay gebi ahaanba ahaayeen kuwo ka yimid qabaa'ilka Soomaalida sida: Geriga, Mareexaan-ka, Yibraha, Hartiga, Jaraanta, Mazaerka, iyo Barsub-ka. Dhinaca midigta ciidankii ka socday waxay ahaayeen qabaa'il kale oo ka soo jeeday qawmiyadaha kale ee hoos imaanyey xukunka Imaarada Awdal oo kala ahaa, Zaman bara, Barzara, Yaqula, Jasaar, Arab Tka, iyo qabiilka Atqa.

Dagaalkan Shimbira Kore ee dhex maray ciidanka muslimiinta oo uu horjoogey Imaam Axmed iyo kan boqortooyada Ethiopia oo uu gadaal ka hogaaminayey boqor Lebne Dengel wuxuu labada dhinacba u geystay khasaare aad u fara badan. Dagaalkii Shimbira kore wuxuu Imaam Axmed kaga guulaystay ciidankii boqortootayada Ethiopia. Goobtaas dagaalku ka dhacay ee Shimbira Kore waxaa ku dhintay ugu yaraan 3000 oo ciidan ah kana soo jeedey qabaa'illadii Soomaalida sida ku xusan buuga Futuux Al xabasha baalkiisa 81, sadarada 24 illaa 27.

Wixii ka danbeeyey jabkii boqorka Ethiopia iyo ciidankiisa ka soo gaaray dagaalkan Shimbira Kore, Imaam Axmed iyo ciidankiisa waxaa u suura gashay in ay gaaraan dhulka Dawaro iyo Shawa; sanadkii 1533kii waxay guud ahaan ka talinayeen ciidanka Imaamku dhulkii taariikhiga ahaa ee loo yaqaanay boqortooyada Amxaarada.

Imaam Axmed oo qabsaday dhulkii Boqortooyada Xabashida

Markii uu dhamaaday dagaalkii weynaa ee Shimbira Kore, Imaam Axmed iyo ciidankiisuna ay wiiqeen awoodii ciidankii ka soo horjeedey ee boqortooyada Ethiopia, waxaa soo ifbaxay dhowr arimood oo muhim ah, ayna lagama maarmaan ahayd in ay ciidanka guulaystay ku dhaqaaqaan fulintooda:

  1. In dib loo soo celiyo dhulkii ay maamuli jireen imaaradihii muslimiintu, gaar ahaan Bali, Hadya, Dawaro iyo Sidama oo intuba ku hoos jirey gacantii boqorka Ethiopia, Lebne Dengel.

  2. In si aysan ciidanka boqortooyada Ethiopia fursad ugu helin in ay ku soo duulaan dhulkii ay maamulaysay Saldanaddii Muslimiinta ee Awdal, awood ahaan loo burburiyo, loono wiiqo tayo iyo tiro ahaanba ciidankoodii xoogga badnaa.

  3. Iyo In lagu faafiyo diinta Islaamka dhulkii ay maamulaysay boqortooyada Ethiopia oo in badan oo kamid ahaa dadkii ku noolaa aysan haysan wax diin ah, halka qaar badan oo kamid ahaa dadkaas ay horay u haysteen diinta Islaamka, dibse uga baxeen ka dib cadaadis ba'an oo kaga yimid boqortooyada Xabashida oo dhulkooda awood milateri ku haysatey muddo farabadan.

Arimaas dhowrka ah iyo kuwo kale oo aynaan koobinba waxay noqon kareen kuwo aad moodeysey in ay ahaayeen waxyaabihii ka dhex guuxayey horjoogayaashii ciidanka Imaamka iyo hogaamiyahoodii xoogga iyo xikmadaba badnaa, Imaam Axmed Ibn Ibraahim (Gurey).

Imaam Axmed iyo ciidankiisuba waxay markiiba foodda saareen dhulkii ay horay u maamuli jireen saldanadihii muslimiinta ee laga itaal roonaaday kal hore, kuna hoos jirey maamulkii boqortooyada Xabashida. Dhulkii uu markiiba gacantiisa soo geliyey Imaam Axmed waxaa kamid ahaa goboladii Bali, Hadya, Sidamo iyo dhulkii Guragada. Sanadkii 1535kii Imaam Axmed wuxuu wada hantay guud ahaan koonfurta iyo bartamaha Ethiopia.

Xilligaas uu Imaamku gaaray, xoreeyeyna dhulalkii horay looga haystey Muslimiinta, boqorka Ethiopia, Lebne Dengel iyo ciidankiisuba waxay dib ugu gurteen gudaha dhulka Amxaarada, waxayna ku jireen abaabul ballaraan oo ay hub iyo ciidan fara-badan oo ay kaga hortagaan ciidanka Imaam Axmed ku ururinayeen. Isla sanadkaas 1535kii, boqor Lebne Dengel markii uu arkay in xaaladdu ay ku adagtahay ciidankiisa, uuna yaqiinsaday in uusan u babac dhigi karin ciidanka Muslimiinta reer Awdal, wuxuu gargaar milateri u dirsaday xaliifkiisii istraatiijiga ahaa ee boqortooyadii Portuguese-ka.

Wuxuu boqorku, Lebne Dengel, ka codsaday nin la oranjirey John Bermudes oo kamid ahaa khubaro Portuguese ah oo horay u joogey Ethiopia in uu xaalka qallafsan ee boqortooyada Abyssinia ay ku sugantahay uga warbixiyo Portuguese-ka, uuna ka gaarsiiyo in loo baahanyahay gurmad degdeg ah si loo badbaadiyo intii ka harsanayd dhulkii uu ka talinayey oo si tartiib tartiib ah gacantiisa uga wareegayey. (Islam in Africa, by professor Mohamud Brelvi, published by Institute of Islamic Culture, Lahore Pakistan. Feb. 1964)

Waxay inta badan buugaagta wax ka xusa taariikhdan ay qoraan in ciidanka uu Portuguese-ku gurmad ahaanta u soo diray ay ahaayeen 400 oo ciidan oo aad u qalabaysan; laakiin marka aad eegto awoodda ciidankii loogu talagalay in ay ka hortagaan ee Imaam Axmed Gurey, waxaa suurtogal noqon karta in ciidanka Portuguese-ku ay intaas ka badnaan kareen. Sandkii 1541kii waxaa xeebta Misawa ka soo degey ciidan uu Portuguese-ku u soo diray boqortooyada xabashida, uuna hogaaminyey wiil uu dhalay bad-mareenkii caanka ahaa ee Vasco da Gamma oo lagu magacaabi jirey Christopher da Gamma.

Boqorkii Ethiopia, Lebna Dengel, wuxuu geeriyooday sanadkii1540kii isaga oo dhuumaalaysi ku jira intii aanay soo gaarin gurmadkii uu Portuguese-ku u soo diray, si ay qayb uga noqdaan ciidankii boqrku ku daafici lahaa dhulkii Tigre-Amxarada ee ay Imaam Axmed iyo ciidankiisu dhex mushaaxayeen.

Geeridii Imaam Axmed Ibrahim (Gurey)

Markii uu ku geeriyoodey boqor Lebne Dengel, Debra Libanos sanadkii 1540kii, loona awood sheegtay ciidankiisii, waxaa taajka boqortooyada ku soo boodey, markiisa, wiilkii uu dhalay oo lagu magacaabi jirey Galawdewos (1540-1559). Boqorkan dhallinyarada ah, da'diisuna ahayd 25 sano, wuxuu taajka boqortooyada uu qaaday xilli inta badan dhulkii ay ka talin lahayd boqortooyadiisu ay gacanta ugu jirto ciidankii muslimiinta reer Awdal ee uu hogaaminayey Imaam Axmed. Waxaa sida muuqata hortaaley boqorkan cusub hawl aad u dhib badan, ayna adagtahay inuu si sahlan uga gudbo.

Dhinaca kale, Culyskii iyo duullaanadii faraha badnaa ee ciidanka Imaamku ay ku hayeen dhulkii Xabashida wuxuu ku khasbay ciidankii iyo dadkii taabacsanaa boqortooyadu in ay heli-waayaan fursad ay dab ku shitaan (iyagoo ka cabsi qabay in ay bartilmaameed u noqdaan ciidanka Imaamka) si ay isaga kariyaan hilibka xoolaha; taasina waxay sabab u noqotay in ay hilbaha ku cunaan ceeriinka halkii ay ka karsan lahaayeen, arintan oo dhaqan ahaan illaa hadda uga jirta qaybo kamid ah dhulka Ethiopia.

Boqorka Abyssinia, boqor Galawdewos, wuxuu markiiba bilaabay in uu isu soo dumo ciidankii uu ka geeriyoodey aabihiis, Lebne Dengel, oo iyagu ku kala firxaday dagaaladii ay isaga horyimaadeen ciidankii Imaam Axmed. Dhanka kale, sidii aan horay u soo xusnayba, waxa ay ciidankii Portuguese-ku, oo ay la socdaan ciidan Xabashi ah oo ay soo abaabushay haweenaydii uu ka geeriyoodey boqor Lebne Dengel, laguna magacaabi jirey Sabla Wangal, ay u soo dhaqaaqeen goobihii uu ka socdey dagaalku.

Waxaa markiiba dib usii laba kacleeyey dagaaladii ay ciidamada Imaam Axmed iyo kuwa boqortooyadii Xabashidu isaga soo horjeedeen. Dagaalkan, oo isagu yeeshay waji ka gedisan kuwii dagaaladii hore ay lahaayeen, wuxuu markan isu bedeley mid u dhexeeya ciidankii Imaamka oo dhinac ah iyo ciidan xulafa ah, kana kooban Portuguese iyo Xabashi, oo iyaguna dhinaca kale ka soo safnaa. Dagaallo dhowr ah oo dhex maray labada ciidan kadib, waxaa u suuragashay ciidanka Imaam Axmed in ay nolol ku qabtaan isagoo dhaawac ah, kuna dhuumaalaysanaya kaynta, kadibna ay ku dilaan hogaamiyihii ciidanka Portuguese-ka, Christopher da Gamma. Dhacdadan waxay niyad jab aad u weyn ay ku noqotay boqor Galawdewos iyo ciidankiisii xulafada, waxayna kor u qaaday niyaddii cidankii Muslimiinta reer Awdal.

Bishii Ocober,1542kii dagaal gaadmo ah oo ay soo qaadeen, xilli habeeynimo ah, ciidankii xulafada ee boqor Galawdewos, ayuu ku shahiidey Imaamkii muslimiinta reer Awdal, Imaam Axmed Ibraahim Gureey. ( Islam In Africa by Prof. M. Brelvi). Waxaa dad badani rumaysanyihiin in dagaalka uu ku geeriyoodey Imaam Axmed uu ka dhacay agagaarka harada ugu weyn Ethiopia ee Tana.

Wixii ka danbeeyey geeridii Imaam Axmed, ciidankii Muslimiintu waxay bilaabeen in ay dib ugu soo gurtaan xarumahoodii ay markii hore ka duuleen ee saldanadii Muslimiinta ee Awdal.

Waxaan haddii alle idmo sii wadi doonaa taxanahan….. illaa 1991

Waxaa diyaariyey Faqiirkan, wuxuuna u hibeeyey dhammaan inta danaynaysa qadiyadda dalkeenna, Somaaliweyn.

Qoraalkan lama daabacan karo, lamana guurin karo iyadoon ogolaansho laga helin qoraaga xuquuqdiisa iska leh. fadlan wixii ra'yi ah ee kusaabsan qoraalkan kusoo hagaaji cinwaanka qoraha maqaalka ee kor kuxusan. Mahadsanid.

2 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. walaal adigoo aad u mahadsan diyaarinta aad maqaalkan diyaarisay hadan waxaa faahfaahin ka bixisaa qaabka qaabaailka soomaaliyeed u qaybqaateen taas uun xaqiiji buugan fatuuxuna wax kale ayuu qorayaa adigoo eegaya dagaanaasha dhulka qaabaailka soomaaliyeed waayo adal ama dhulka waqayiga herer ka xigaa qaabil soomaaliyeed ayaadahga ku wan aad ku sheegtayna wax raad ah kuma laha meeshaa haddii run la sheego xarala way degtaa mareexaana waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa amiirkii ugu dambeyeyna in uu ka soo jeeday mareexaan lakiin saxiib markii taariikh la qoraayo in badan waa in la raadiyo xaqiiqda waad mahadsantahay

  2. dagaalka shimbara kora waxaa kaloo ku jiray qabaailka ogaadeen isagoon ku badnayn waxaana laga xusi karaa mataan cismaan oo ahaa abaan duulaha ciidamada axmad guray wuxuuna ku aasan yahay shimbira kora
    qabiilkiisu waa
    ogadeen oo maxamad subeera ka siiah reer isaaq ka siiah reer harun ka siiah reer xasan wayd ka sii ah
    reer cismaan
    kaasoo ahaa mid ay tariikhdu wax kaxustay laakiin aan kamuuqan markii aan akhari tay maqaalka qoran
    aaaaaaaaaaaad banad umahadsan tihiin


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: