Taariikh nololeedkii Madaxweyne S/Gaas Maxamed Siyaad Barre

June 19, 2007 at 6:00 am | Posted in somalia | 3 Comments


 


S/Gaas Maxamed Siyaad Barre

Taariikh nololeedkii Madaxweyne

S/Gaas Maxamed Siyaad Barre

Naxariistii janno Allaha siiyee madaxweynihii hore ee Soomaaliya xukuumad soo marta ugu waqtiga dheeraa Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Shilaabo ee dalka Itoobiya, wallow uu ku dooday intii in uu ku dhashay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, sanadkii 1919kii.

Intii uu yaraa ayuu geeriyooday aabihiis, ma laheyn sida ay ku doodeen dad aqoon durugsan u lahaa Formal Education, haddaba si uu uga mid noqdo ciidamadii boliiska ee hoos iman jirey maxmiyaddii Talyaaniga ayay aheyd markii ay soo if baxday in uu ku dhashay gobolka Gedo; intaas ka dib waxaa u suurtagashay in uu ka mid noqdo ciidamadii loo qorey Boliiska, wuxuuna ka qeyb galay tababarro ay u fidiyeen maamulkii Maxmiyadda wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee loo diro dalka Talyaaniga sanadkii 1952dii.

Sanadkii 1956dii wuxuu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee maamul ay yeelato magaalada Muqdisho ka mid noqda, wuxuuna noqday taliyihii ugu horreeyay ciidamadii Boliiska gobolka Banaadir.

Markii la aasaasay ciidankii Xoogga Dalka wuxuu noqday taliye ku xigeen, markii xorriyadda la qaatay ka dibna, wuxuu qaatay nidaamkii MARXIST, wuxuu xiriir joogto ah la lahaa saraakiil u dhalatay dalkii la oran jirey USSR, horraantii Lixdankii.

Madaxweyne Max’ed Siyaad Barre wuxuu 21kii Okt. Sanadkii 1969kii talada dalka kula wareegay Afgambi aan dhiig ku daadan, ka dib markii toogasho lagu dilay madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. C/rashiid Cali Sharmaarke, intii uu talada dalka hayayna waxaa kor u kacay shaqsiyaddiisii, iyadoo gidaar kasta oo yaalla Tuulo, Degmo, Gobol lagu sharaxay muuqaalladiisa ama sawiradiisa.

Guulihii ugu horreeyay ee la taaban karo ee uu gaarey muddo yarna waxay aheyd markii uu guddoonsaday qoraalkii afka Soomaaliga, haddaba qaadashadii xuruufta Laatiinka waxay noqotay in far Soomaaligu noqdo luqadda Qaranka, waxayna kalsooni badan siisay Soomaalida, sanadkii 1972dii oo ku beegneyd dabaaldeggii sanadguuradii Kacaanka ayaa dhammaan shaqaalihii dowladda lagu amray in ay bartaan qoraalka iyo aqriska Soomaaliga muddo 6 bilood gudahood ah.

Madaxweyne Siyaad Barre wuxuu ka mid ahaa dadka aaminsan Soomaali mid ah ama Great Somalia, ujeedadiisuna ay aheyd xoreynta & mideynta gobollada maqan ee Soomaaliya sida:-

  • Jabuuti;

  • Somali Galbeed;

  • NFD ;

Tanina waxay sababtay in dagaal faraha looga gubtay uu dhex maro dalka Soomaaliya & Itoobiya, dagaalkanna uu noqdo kii halmiyay Qarannimadii dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dagaalkan intii uu socday wuxuu sanadkii 1977dii dalka ka eryay dalkii Midowga Sofiyeetka ama USSR ee Soomaaliya jaalka la ahaa, Ruushkuna waxay taageeradii ay u fidin jireen dalka Soomaaliya u wareejiyeen dalka Itoobiya, tanina waxay ku qasabtay dowladdii M.S. Barre in uu taageero ka doonto dowladda Mareykanka, waxayna dowladda siin jirtay $ 100 Million sanad kasta illaa laga soo gaaro sanadkii 1989kii.

17kii ilaa 18kii Okt. Sanadkii 1977dii xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa xoreynta reer Falastiin ay afduub ku qabsadeen diyaarad laga leeyahay dalka Jarmalka, Luftansa Flight 181 madax furashana u qabsadeen 86 ruux ayay ciidamadii Soomaalida oo kaashanaya ciidamo Jarmalka ka socday suurtagaliyeen in ay soo furtaan diyaaraddii ay dadkii la socday, wuxuuna hoggaamiyihii dalka Jarmalka Chancellor Helmut Schmidt ka helay abaalmarino isugu jirey Qalab & Gaadiid iyo taageero kaleba.

Muddadii uu dalka ka talinayay wuxuu fuliyay barnaamijyo waxtar u leh bulshada, horumarinta dhismeyaasha Warshadaha iyo Wadooyinka isku xira inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Sanadkii 1986dii wuxuu shil gaari ku galay wadada Afgooye ee koofurta ka xigta magaalada Muqdisho, waxaana loola cararay Isbitaal ku yaalla dalka Sacuudi Carabiya, wuxuuna dalka dib ugu soo noqday isagoo caafimaad qaba.

Muddadii uu dalka madaxweynaha ka ahaa waxaa lagu eedeeyaa in uu geystay falal ka soo horjeeda bini’aadannimada, hey’adaha u dooda xuquuqul Insaankuna ku tilmaameen hoggaamiye naxariis daran, iyo amarkii uu ku bixiyay geerida malaayiin aan waxba galabsan.

26kii bishii Jannaayo sanadkii 1991dii ayay jabhadihii la dagaalamayay xukunkiisa ka eryeen xaruntii madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, wuxuuna u cararay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, halkaas oo uu ku sugnaa illaa laga soo gaaro bishii Abril sanadkii 1992dii, waxaa dalka ka saarey ciidamo u daacad ahaa hoggaamiyihii ururkii USC/SNA Jeneraal Max’ed Faarax Ceydiid.

Intaas ka dib wuxuu magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Nigeria, wuxuu 2dii bishii Jannaayo sanadkii 1995tii ku geeriyooday magaalada Legos ee dalkaas, waxaana lagu aasay magaalada Garbaharey ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

Intii talada dalka laga qaaday waxaa la qabtay in ka badan 14 shirar dib u heshiisiin ah iyadoo wax guullo ah oo laga soo hoyay ayan jirin, Soomaaliyana ma yeelin dowlad shaqeysa wixii intaa ka dambeeyay.

3 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. waxaan idi n odhan lahaa iyadoo carabi ah

  2. maaashaa allah ilaah ha u naxariisto janatul fardowso alaha ka waraabiyo wuxuu ahaa geesi africaan ah somali xushmad bay ku laheed dhammaan caalam

  3. waxaa aan leeyahay ilaaheey ha u naxariisto maxamed siyaad bare waxaase uu ahaa amaba ahaan doonaa tusaale meel u yaalo soomaliya oo in badan dunidan lagu sheekeeysto waxaadna dareemi kartaa in uu ahaa nin soomlinimo ku dheertahay wax qabadkiisii iyo soomaaliya sideey bari ahaan jirtay
    cid kasto oo xumaan ka sheegto waxaa xusi doonto tariiqda waxaanse anigu shaqsiyan dareensanahay in waraabayaal badan soomaliya ka hortaagnaa geeridiisiina ay saamaxday i bahalihii iyo waraabayaashiiba godkoodii ka soo fakadaanoo dadkii midba maalin soshaan sida hadaba na haysato
    bal eeg cabdulahi yusuf wax qabadkiisii
    siilaanyo
    wax qabadkiisii
    shariif sakiin wax qabadkiisii
    shariif af gaduud wax qabadkiisii
    qabqablayaa dagaal oo dhan bal eeg faroole wax qabadkiisii
    waxaan oran karaa maxamed siyaad waxaa uu ahaa golden lost


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: