Aadan Cadde Alla Haw Naxriisto Ammaanse Ma’ lahayn

June 19, 2007 at 5:20 am | Posted in somalia | Leave a comment



Waxaan Tacsi u gudbinayaa Eheladii iyo Garaabadii uu ka baxay Alla Ha u
Naxariistee Adam Cabdalle Cusmaan oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee
wixii la odhan jirey Jamhuuriyada Somalia.

Sida caadada u ah Somalida waxay amaanaan qof kasta oo dhinta mana aha
feker xun oo Diinteenaaba ina faray in aynu Meetideena wanaag ku xusno,
taas micneheedu maaha in aynu si indha la’aana ah oo beeni ka fogayn
amaan aanu wada geyin, laysla wada qirsanayn uga dhigno taariikh illeen
inagu soo noolaan maayo e’, dabcan waxaanu geysanna dusha lagamasaaro
ruux aan is difaaci karayn.

Hadaan u soo noqdo dulucda maqaalkan, waan ka naxay geerida Adam Cadde
Alla Ha u Naxariistee, waxase i saaqay amaanta runta ka fog ee ay isgu
jiibiyeen Ilma Ismaciil Samatar waa Axmed & Cabdi e’ iyo ninkii isaga
iyo inaadeerkii ka faa’iidaysteen iimaha uu lahaa Marxuumku oo ahaa
HAMRASHO REER, EEXASHO, CADAALAD DARRO iyo weliba aqoon la’aan kaga
daahnayd Degaamada Somalida iyo dadkeeda siiba reer Waqooyigii oo aan
xaggiisa uga duwanayn sida Gobolka Mudug oo kale.

Adam Cadde wuxuu ka dhignaa Alla janada ha geeyee nimankii reer Andalos
hadeer loo yaqaan Spain ee aan dha-dhamin macaan iyo qadhaadh weligood
ka hor intii aanu Islamku soo gaadhin Europe ee dabeedna nimankii
muslimiinta ahaa ee Diinta iyo xadaarada ka soo talaabiyey Badda cad
sayhaygoodana ay ka mid ahaayeen macaanka iyo qadhaadhka oon laga aqoon
geyigaas waagaa, oo inta lagala hadhay waxay wanaag sideen wixii la’
laayey mooyaane wixii hadhay dib looga soo talaabiyey meelaha ay ka mid
tahay JEBEL-DAARI,
waxa ka dhignaa 33 kii nin ee xildhibaanada waqooyi ee laga hantiyey
xannaan iyo xornimadii lana yidhi dabadeed, alloore Hargeisa Xamara
laga daaraa.

An ku soo dhowaadee Marxuumku wuxuu ahaa nimaan aaminsanayn inay talo u
qaban karaan Somali aan ahayn MAXAMUUD SALEEBAAN oo Majeerteen ah waxan
kuu cadaynaya laba gobol baa isku darsaday laba dawladood oo weliba
fekradaas isku darsigu waxay ka socotey gees ahaan oo xamaasada iyo in
la midoobo deg-degsanayey, waxana u daliila sidan,
Somaliland waxay hantiday Xornimadeedii baaqatay 26kii June1960 waxayna
4 casho dabadeed si xamaasad leh kula midowdey bilaa shuruud Mogdisho
waxa wakiilada Waqooyiga hogaaminayey Maxamed X Ibrahim Cigaal Alla Ha u
Naxariistee
waxay doorteen iyagoo isku duuban kuwii Waqooyi iyo kuwii Koonfureedba
Marxuumkaas Aadam Cadde inuu noqdo M/weynnii ugu horeeyey ee labadii
gobol ee midoobey.

Waxay sartu ka qudhuntay ninkii dhamaan iyo kalgacal iyo is aamin iyo
Somali buu isla doonayaa lagu doortay markii la’ yidhi soo magacaw
Wasiirka koowaad (Prime Minister) wuxuu cugtay Alla Ha u Naxariistee
isna Cabdurashiid Cali Sharma’arke oo ahaa MAXAMUUD SALEEBAAN
(MAJEERTEEN) wuxuu ku yidhi “maandhe soo dhis dawlad”
wuxuu dhisay waa la’ ogaa wuxuu soo dhisay dawlad qaraabe xidid xeelad
kale iyo xagla qaloocini ka muuqato.

Nimankii waqooga Dawladooda ku haysanwaayey iskadaa Raysal-wasaare e’
waxay iska arki waayeen raaca hore iyo hana qaadka wasiirada sida
MAALIYADDA, KHAARAJIYADDA, ARRIMAHA GUDAHA iwm, waxay isugu soo noqdeen
iyagoo muraa-radilaaca meel yaroo aan filayo inay Shabeele ku taallay.
Markii ugu horeysey ay iisu yimaadeen bal saaxiib sawir gacmeed ka
hindisood wejiyadooda, waxay kaga toleen qosol Gariir iyo wadhi iyo
wadhi godatey, waxay is weydiiyeen weedhahan, waar maxa ina helay? waar
waasidee? waar maxaynu yeelaa? waar maxaynu ku joognaa maxaynuse la
noqona? waar sidee wax yihiin? waar miyaanay arkayn in aynu dawlad
wadaney oo noqonkaro iyo ga’aankii oo noqday waar meel aynu ka noqono
ma’ joognee iska samra.

Waxay ciin iyo ciilba daaqday markii saraakiishii military ga runta ahaa
ee ka soo qalin jebiyey Akaadiimiyadda ugu caansan caalamka oo dhan ee
SANDHERST kuna taala carriga Ingiriiska ee markii Xamar la’ tegey la’
yidhi kuwa (police) ka ahaa koonfurta ee garab-saar dab, lagu qortay oon
weligood buug iyo qalin isu qaadin marka laga reebo xoogaa bowsi ah iyo
af- suuqdi Tayaani ah mooyee, ayaa looga dhigay madaxdii ciidamada,
xeerka waxa dhigay Adam Cadde, waxa ku weheliyey C/rashiid Cali
Sharma’arke iyo C/risaaq X Xusseen oo ahaa ninkii yidhi codkiina
dhageysnmaayo e’ waxa i odhanaysaan ka soo dheha Radio Hargeisa.

Nacaybak iyo cadaalad dararadii iyo xaq-soor diidka, fogeynta hangool ku
hayntii waxay u yaqaaneyn reer Nooradka, waxa ka mas-uul ahaa odaygaa
Wiiggan xijaabtay, waxa ku bar-bar iyo baal taagnaa Cabdiyadii
Majeerteen ee laga soo xulay Beelsha ay ka soo jeedey afada odayga waa
ina Muusa Mataan e’ ee Maxamuud Saleebaan.

Hadaba waxa Aadam Cadde Eebe Ha u Naxariistee wuxuu is qarin waayey inuu
yahay nin ay dulmiga ugu adeegtaan Majeerteenku siiba Maxamuud
Saleebaanku markii ay isagii ku hungurey-yeen kursigiisii ninkii mas
korsadayn isaga melegye’, waxana dhacday sheekadan,

Nuwaabtii ama an idhaahdo xildhibaanadii ka soo jeedey waqooyiga ayaa
waxay hungureeyeen jagada Raysal Wasaaraha weliba gaar ahaan kuwii reer
Shiikh, way shireen waxayna isla qaateen in ay mideeyaan codkooda kagana
bedeshaan jagada 2aad ee dalka ugu mudan si ay u suura gashona waxay
iska qabteen nin oday ahaa oy aad isu hayeen Cabdiyada Majeerteen waa
C/rashiid iyo C/risaaq e’, odaygaas waxa loo xil saaray inuu codkoodii
oo isku duuban kaga soo bedelo ninkii ugu balan qaada inuu u magacaabi
doono jagadaas ay yoolka ka dhigteen,
wuxuu ahaa odaygaasu Maxamed Xaaji Ducaale (Dhoolayare) oo ka soo galay
xisbigii SNC uu madaxda ka ahaa Alla Ha u Naxariistee Shiikh Cali
Ismaciil sanadku waa 1967.

Maxamed Xaaji Ducaale wuxuu u tegey oo ku horeeyey Aadam Cadde isagoo oo
la ‘ sharaxan C/rashiid, wuxuu markiiba u dedejiyey wixii uu u socdey oo
ahaa isagoo ka filayey inuu soo dhoweeyo ” wuxuna yidhi Aadanow waxan
sidaa talo reer waqooyi weliba reer shiikh-isxaaq waxay rabaan cidii u
magacaabayasa R/wasaare ayay codkooda oo midaysan siinayaan heshiis
sidaas ah baan sidaaye bal warran”.
Wuxuu ku jawaabey Aadam Cadde maya jagadaas idin ma’ siinayo hadaan ku
guuleysto wuxuna ku sababeeyey markaad timaadeenba maydaan qaadan
hadeerna cod ku bedel inaad ku helaysaan filimaayo, isagoo qaadan waayey
buu yidhi Dhoola-yare waar hada xannaan ahaan baan kuugu soo horeeyey e’
kadaa! muuse yeelin.

Maxamed Xaaji Ducaale (Dhoolayare) wuxay dani ku qasabtay C/rashiid oo
aanu jeclayn inuu badhi taaro kase maarmi waayey nin faras dabadii ka
degey meel uga taaboon buu waayay e’, wuxuu ku soo dhoweeyey C/rashiid
odaygii reer shiikh rax-rax, ray-rayn iyo raalinimo debecsan, isagoon
suginba waxa uu doonayo Dhoolayare ayuu ku tiraabay maxamedow maanta i
qaata oo codkii reerka ila doon, wuu u hawl yareeyee wuxu ku celiyey oo
maxaad ka dhaafsanaysaa, wuxu ku yidhi waxaay doonaan, wuxu ku yidhi
hadaad rumaynayso inaad na siiso jagadaas R/wasaaranimada waxad ku
bushaareysataa waxaad Aadan Cadde kula tartamaysey, sidaas bay isku
gacan qaadeen foodkii lagu siiyey C/rashiidna ku noqday Madaxweyne kuna
magacaabay R/wasaare Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal Ilaahay dhamaantood Ha
u Naxariisto.
Nasiib darro waxana loo tirinayaa dilkii C/rashiid ninkaas reer Waqooyi
ee uu magacaabay.

Hadaba akhristow miyaanay ahayn amaanta iyo ololaynta ilma Ismaciil
Samatar wax u baahan hubsiino? miyaanayse kaga haboonayn Pro. Axmed iyo
Cabdi inay ka qoraan Abohood, Adeerkood, Abtigood, iyo baan ku idhi
saaxiibayaal Aagoodii & School koodii, ragba waaku rageeda e’, haday
diidaan miyanay ku sifoobayn? Hashii awrkeeda diidaa awr kale u roortaa
afartaba dab laga saar way abaaho seegtaa.

Waxay doodaydu leedahay Aadan Caade Alla Haw Naxariisto ammaanse ma’
lahayn.

Waxan kula talinayaa kana codsanayaa akhyaarta wax qorta inay wixii
taariikh ah ka dhowraan waxaan la hubin, wixi feker iyo maqaal ahna ku
ila xidhaan hufnaan iyo hadal wax tara.
Somaliland Ha Noolato Amiin.
Ammaano Alla,

By: http://www.qarannews.com/show/13688.html

Ahmed Haji Yuusuf Dualeh.

huluulyare@yahoo.co.uk

Read more

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: