Profile Of Sheikh Sharif Sheikh Ahmed The leader of the Islamic Court Union (ICU)

June 19, 2007 at 6:06 am | Posted in somalia | 1 Comment

January 18, 2007

 


Sheikh Sharif Sheikh Ahmed The leader of the Islamic Court Union (ICU)

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waa hogaamiyaha ururka lamagac baxay Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah, ururkaas oo mid lama filaan ah ku noqday ururkii cusbaa ay sameysteen dagaal oogayaasha ee lamagac baxay ladagaalanka ARGAGIXISADA.

Midowga Maxkamadaha Islaamiga waa ururkii riday QABQABLAYAASHII 15-ka sano ummada ku heystay xaaraanta, Midowga Maxkamada Islaamiga wuxuu mudo gaaban ku noqday ururadii jiray midka ay ummada Soomaaliyeed ku nasatay, noqdayna mid magac dheer ku yeeshay.

Annu eegno taariikhda Sheekh Shariif.

Shiikh Shariif Shiikh Axmad wuxuu dhashay taariikhdu markay ahay July 25, 1964, wuxuuna ku dhashay magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeeladda Dhexe, Soomaaliya.

Waxbarashadiisa dugsiga dhexe wuxuu wax ku bartay dugsiga hoose dhexe & sare ee Sheekh Sufi ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif wuxuu waxbarashada heerka sare ee jaamacadeed ku soo kala bartay wadamada Liibiya iyo Jaamacada Kordafan ee Suudaan, wuxuuna ku soo taqasusay maadooyinka Carabiga iyo Juqraafiga. Sheekh Shariif wuxuu ku hadlaa luqadaha Afka Soomaaliga, Carabiga iyo Engiriiska.

Sheekh Sariif wuxuu kusoo laabtay wadanka Soomaaliya sanadkii 1998, wuxuu ku noolaa xaafada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho wuxuuna lanoolaa xaaskiisa iyo laba caruur ah.

Sanadku markuu ahaa 2002 ayaa Sheekh Shariif loo doortay inuu madax kanoqdo Maxkamad Islaami ah oo laga furay magaalada Jowhar, maxkamadaan oo la xiriirtay xalinta khilaafyada yar yar ee la xiriira qoysaska iyo ganacsatada. Markii magaalada Jowhar uu la wareegay hogaamiye kooxeedka Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayuu Sheekh Shariif ka soo tegay magaaladaas isagoo soo aaday Magaalada Muqdisho wuxuuna bilaabay inuu dib ugu noqdo shaqadiisii macalinimada, wuxuuna wax ka dhigi jiray dugsiga sare ee Juba ee ku yaalay xaafada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho wuxuuna bari jiray maadooyinka Joqraafiga iyo Carabi iy Diinta.

Kadib markii wiil yar oo 12 jir ahaa laga afduubay dugsiga uu wax ka dhigaayay ayuu Sheekh Shariif ka dhiidhiyay dhibkaan lagu haayo bulshada rayid ah, wuxuuna bilaabay inuu abaabulo in magaalda Muqdisho laga sameeyo Maxkamado Islaami ah si looga hor tago burcada dhibka kuhayso bulshada rayidka ah isuna keena dhamaan Maxkamada ka dhisan Muqdisho iyo agagaareheeda si ay uwada shaqeeyaan.

Isagoo adeegsanaaya khibradiisa ku aadan maamulida maxkamad islaami ah oo intuu joogay Jowhar uu madaxda ka ahaa iyo khibradiisa heerka jaamacadeed gaarsiisan ee uu ku soo bartay akhlaada diinta, ayuu Sheekh Shariif bilaabay in laga hirgeliyo maxkamado Islaami ah magaalada Muqdisho si loogu soo celiyo kala danbeyn iyo xasilooni magaalada.

Sanadii 2004 ayaa Sheekh Shariif ayuu noqdo ninka ugu magaca dheer uguna cad cad dhamaan maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ka jiray magaalada Muqdisho.

Sanadii 2005 ayaa waxaa lamagacaabay urur ay ku midoobayaan Maxkamadihii ka jiray magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda waxayna lamagac bexeen MIDOWGA MAXKAMADA ISLAAMIGA AH, waxaa leysu keenay ku dhawaad 15 maxkamadoo oo mid waliba ay gooni u taagneed, waxaana madax looga dhigay Sheekh Shariif.

Soomaalida inteeda badan waxay ku tilmaamaan nin furfuran xushmeeyana xuquuqda dadka iyo warbaahintaba, ahna Moderate.

Sheekh Shariif waxay riyadiisii u rumowday kadib markii ururka uu madaxda u ahaa ee Midowga Maxkadamaha ay dagaal lagaleen ururkii cusbaa ee lamagac baxay LADAGAALANKA ARGAGIXISADA ugana adkaadeen magaaladana ay ka saareen.

Shacabka Soomaaliyeed waxay ku tilaamaan Sheekh Shariif inuu yahay shaqsiga kaliye ee ummada isu keeni kara, ahna nin ay hogaamintiisu daacadnimo ku dheehan tahay.

Sikastaba ha ahaatee, waxwalibana ha dhacaanee Sheekh Shariif wuxuu ka galay taariikhda Ummada Soomaaliyeed iyo tan Aduun weynahaba BAAL DAHAB AH.

 

 

Insha Qoraalkan :

Somali Intellectuals and

Wikipedia, the free encyclopaedia

1 Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. Mosets Tree is a directory component for Joomla!. You can use Mosets Tree run a complex Yahoo! style directory directly inside your Joomla website. Mosets Tree is designed to handle any data that requires a directory structure such as a business directory, links directory or scripts directory. Because Mosets Tree runs on Joomla!, you have infinite possibilities to include more features to your website by using third party extensions from Joomla! Extensions Directory.
    Mosets Tree 2.1.7 Nulled
    Extremely Customizable
    Mosets Tree has been built with customizability in mind. You can have text fields, checkboxes, radio buttons, drop downs or many other field types in your listing submission form. If you are a developer, you can even create your own field type, so you are not limited to the field type that comes with Mosets Tree.

    Flexible template system
    If you have an existing Joomla website, you can install and run Mosets Tree in no time. The default M2 Tree template that comes with Mosets Tree is ready to use for business or links directory. If you’re feeling creative and wants something different, customize the template! We make it easy and flexible for web designer to modify the templates without touching the core codes.

    Featured Site
    Mosets Tree is the directory extension that powers Joomla! Extensions Directory. We have been extremely excited to be working with the Joomla! team to develop this site. Every feature you see in the Extensions Directory is available in Mosets Tree, except for a few customizations that is specific to Extensions Directory. You can read more about the launch announcement here.


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: