50-JIR AAN WELIGIIS GUURSAN OO KA SHEEKEYNAYA SABABTA UU U GUURSAN WAAYAY IYO HEESO UU KA SAMEEYAY SABABTAAS

June 20, 2007 at 4:37 pm | Posted in sheeko gaaban | 42 Comments
 

 

Xasan Xuseen Maxamed (shab-shaab) waa Oday 50 jir ah oo weligiis aan guursan, haatanna sheegay inuusan rajo ka qabin inuu guursado.

Haddaba Xasan Shab-shaab wuxuu faalo dheer oo ku saabsan sababta uu u guursan waayay una diiday inuu inta cimrigiisa ka dhiman uu guursado siiyey wargeyska Aayaha Nolosha ee ka faalooda arrimaha Qoyska iyo is-Jacaylka ee ka soo baxa magaalada Muqdisho, wuxuuna ka sheekeynayaa sababta keentay inuu guurka ka caago, haatanna uusan u dooneynin inuu guursado, wuxuuna warbixintiisa oo ay ku jiraan Gabay iyo Hees uu ka sameeyay ku bilaabay sidatan:-

“Xilli da’deydu ahayd 19-sano jir ayaa gabar aanu Iskuul isla dhiganaynay jacayl wadaag noqonay, gabadhaas oo run ahaantii ilaa iyo hadda aan ka aaminsanahay in gabar ku dabeecad ah aysan Soomaaliya joogin, xitaa kuma dambaabayo sida ay ila tahay haddii aan iraahdo dunidaba lagama helayo gabar ku ayni ah.

Gabadhaas waxaa ina dhex maray jacayl dhab ah, oo daacadnimo ku salaysan, weligey erey xumaan ah igagama imaan afkeeda, anna sidoo kale erey xumaan ah kumaan oran oo maba aysan iga istaahilin. Gabadhaas la’aanteed ma ahaan karin, saacad iska daaye ilbiriqsi inaan moogaadana ma kari karin oo mar walba oo iyada la arko anna waa la I arkayay, haddii aniga la I arkana iyada ayaa la arkayay.

Dhalinta iyo asxaabta Iskuulka aan wada dhiganaynay, deriska iyo asxaabta nawada taqaana waxay inoo bixiyeen (Cilmi Boodhari iyo Hodan) run ahaantiina waan u dhignayn in tusaale nalooga dhigo Boodhari iyo Hodan, inkastoo Boodhari iyo gabadha Hodan aan uga duwanayn in hal dhinac kaliya uu jacaylku hayay kaasoo ahaa Cilmi Boodhari oo Hodan aan u ogeyn jacaylkiisa, laakiin aniga iyo gabadhaas oo magaceedu ahaa Basro Cumar jacayl talantaali ah oo isu dhigma ayaa naga dhexeeyay.

Muddo 13 sano ayaanu gabadhaas xiriir lahayn, ha dhicin, ha jebin, maxaa kuu roon, maxaa kuu qaraar ayay ahayd halkudhigyadee-na aanu caanka ku ahayn, qofna qofka kale kama sir qarsan jirin, go’aankeenuna wuxuu ahaa guur, inuusan midkeen midka kale ballanta uga bixin, jacaylkana ku cidleyn.

Qadartu waa wax iska qorane, markii la gaaray xilligii aanu aqal geli lahayn ayaa anigu wax hanti ma lahayne waxaan dhaqaale u raadsaday Abtigey oo degan mid ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, markii aan u sheegay qorshaheyga guur aad buu u soo dhaweeyay oo wuu ku farxay, wuxuuna I soo siiyey dhaqaale buuran oo aroos iyo wax kasta aan ku fushan karo.

Anigoo faraxsan oo ku haminaya inaan la aqal geli doono Gacalisadaydii aan muddada 13-ka sano jacaylka isla soo jileynay ayaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, qofkii iigu horreeyay oo aan arko oo ahaa qof aniga iyo Gacalisaday Basro isku kaaya yaqaanay ayaa arrin aan ka naxay oo utun igu noqotay ii sheegay, arrintaasoo ahayd in waqtul xaadirkaa loo fadhiyo arooskii Basra oo aabaheed uu Nin ku daray.

Mar qura ayaa dhidid waaweyn buuxiyey jirkeygii, hadalkii ayaan kari waayay, lugihii aan ku taagnaa ayaa awooddii gabay oo xamili waayay taagnidii, indhihii ayaa nuurkii daqiiqad daqiiqad uga sii libdhay, anigoo maqane jooge ah oo qofkii warkaas dhiilada leh ii sheegay uu mar hore iga dhaqaajiyey ayaan si aayar ah anigoo miyir doorsoon bartii ka soo dhaqaaqay, waxaan soo tiigsaday hoygii Basra ay ku noolayd si aan u hubsado warka la ii sheegay, balse markii aan albaabda guriga ku soo dhawaaday ayaan maqlay alalaas iyo Sawaxan ka baxaya guriga, markaas ayaana iigu dambeysay miir oo waxaan soo baraarugay anigoo Isbitaal ku jira oo dhex jiifa dad bukaan ah oo maryo cad-cad huwan.

Riyo inaan ku jiro ayaan isu maleeyay, indhaha ayaan maraanmartay, waxaana ogaaday xaqiiqda ah inaan Isbitaal dhex jiifo…. Dadkii ila joogay ayaan weydiiyey goorta meeshan la ii keenay.

Xasan Xuseen Maxamed (Shab-Shab) oo ah 50-jir aan weligiis guursan ha inoo sii wado sababta ku kaliftay in uu guursan waayo.

“Dadkii ila joogay ayaan weydiiyey goorta Isbitaalka la i keenay, waxay iiga sheekeeyeen xaaladdii aan ku sugnaa daqiiqado kahor iyo sababta aan u miyir doorsoomay oo ay I xusuusiyeen inay ahayd gabadha la iga guursaday darteed, inyasna ii sheegin ayaaba ii rooneyde mar kale ayaan haddana miyir gadoomay oo aan noqday maahsane aan waxba kala ogeyn.

Muddo 24-saac ah markii aan Isbitaalka ku jiray oo xaaladdeyduna ay aad u cakiran tahay ayaa la I geeyay guriga iyadoo dhakhaatiirtuna ay ku baaqeen in nasiinno aan qaato oo meel aan buuq lahayn la I geeyo, waxayna sidoo kale ku taliyeen inaan marna la igaga sheekeyn gabadha la iga guursaday iyo afaaraheeda si qalbigeygu uusan mar kale ugu dawaqmin iyada darteed.

Abtigeygii aan xoolaha aan ku aqal geli lahaa aan ka soo qaatay ayaa Miyiga ka yimid kadib markii akhbaarteyda iyo xaaladda aan ku suganahay loo sheegay, markii warbixinta xaaladdeyda min bilod iyo dhammaad loo sheegay ayuu ogaaday in gabadhii aan uga soo xoolo qaatay guursigeeda la iga guursaday sababtaasna aan u miyir gaddoomay ayaa aniga ma hadli karin oo nin Juuqdii gabay baan noqday uu u tegay gabadha aabaheed oo uu arrintaa kala soo hadlay, laakiin waxaa loo sheegay in Basro Cumar oo nin ooridii ah aan si kastaba la heli karin, balse si xaaladda wiilka (Waa anigee) loo dejiyo la I siiyo gabar la dhalatay Basro oo da’dii ka yareyd ah.

Abtigey go’aankii iyo qorshihii ay soo qaateen isaga iyo Basro aabaheed ayuu aniga iila yimid, laakiin “Nin meeli u caddahay meeli ka madow baa la yiriye” cid aan Basro ahayn inaanan ku qanceynin ayaan u sheegay….. qayaanada ay Basro igu samaysayna aan aakhiro faraqa heysto, maadaama 13-sano oo aanu saaxiibo ahayn ay qayaano iyo inay iga dal doorsato iigu abaal gudday, nabsiguna ma baaqdee aan markeeda sugayo in nabsigu soo gondo xiro.

“Markii aan abtigey u sheegay in aanan ku qancaynin gabar aan Basro ahayn oo aysanba jirin waa sida aan aaminsahay ilaa iyo haddee gabar u dhiganta inay duni guudkeeda saaran tahay ayuu Abtigey iga tagay, xitaa waxaan ka diiday in gabar uu isaga dhalay uu I siinayo, kadibna wuxuu ku laabtay degaankii uu ka yimid, anna xaalkeygu wixii markaas ka dambeeyay inuu ka sii darro mooyee ma soo hagaagaynin, waxaana galay nolol liidata oo daciifnimadu ay hoggaamineyso, walaahowguna wehel u yahay.

“Caku iyo Dumar mar hadday ku legdadaan kaama dul kacaan” Basro darteed ayaan u walaacay oo nolosheydii xitaa u iloobay, waxaana noqday qof qayirmay oo sida dun miiq ah oo kale jirku u tifmay.

Marka ciilku iyo caloolyowgu kaa bato ayaad burqataaye waxaan alifay hees aan ku saluugayo dhaqanka hablaheena iyo waxyaabaha aan sida gaarka ah ugu nacay, waxayna heestaasi u qormeysaa sidatan:-

  • “Barqin duhur, hablaha baararkaa, bidix u rooraaya, Boorso suuf ka buuxay, xarago bagax ka siiyaane, Bankiyada raggaa soo dhigtiyo, Boqolaal rooraaya, Baysteen ninkii lagu arkay, baasha saaraane, Rabbigey hanaga baajiyee, bello yar weeyaane.

  • Basrooy gabar bidhaan quruxsan, oo burji kaahiyo, Beri laguma arag, Waa wax aan abid soo bixine, bidhaantaada goortaadan, arkaa beerku wuu I gubane, Boholyowga caashaqu, wadnaha baaluhuu jaraye, inuu Eebahay belo ku badin, Xabiibii abaayo, beerka maad I saarti.

 

  • Burco iyo Hargeysiyo, Boorama afkeeda, Baladweyne Baardheere iyo Baydhabo agteeda, booqashada dhulkaa lagu tagaa, bilo ku noolaaye, uma bogin Hablaha, Baararkiyo suuqa wada buuxa, Rabbigey hanaga baajiyee, belo yar weeyaane, bidhaan Dumar waxaan ku nacay Baabkan weeyaane, Boqorkii dhalay iyo reerka wey baal marayaane, Baatir Geel nimaan heysan, oo baagana aan qaadan, oo qiiqa buufinayay, baalka saaraane.

42 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. waan ka xuumahey walaal wiixi kugu dhaacey

    • Waxaan waa been

  2. walalol ma kaa runbaa mise waa sameys ?

  3. ogm this young ilmi boodhari but am sure that basra will be get pannishment from love one day

  4. i am so sorry lakin waxay ila tahay duqa in la naboyo maskiinka.

  5. arintaan dhacdo run ah iilama eka maxaa yeelay jaceelka labada qofooo wada dhadhamiya kuma kala haraan ilaa ey dhacdo qalad is ka dhaadhicin tan kale hadii qof kaliyah uu jeceelka ku koobnaa dabcan arintaan mar walba ayey dhacdaa maxaa wiil aboowoow ku calmaday la yiri been loo aqriyayoo good bye lagu yiri laakiin qofka jaceel idinka dhexeeya waxey ku oraneysaa nin aa leygu qasbi rabaa duqa ee ila gambi lol

  6. waan kaa xumahay:(

  7. sheekada si fiican ayad uu taqana:)

  8. jeceylka mar marka qarkood aad aye uu dhib badantahay:(

  9. maxaa laguursadaa
    meeye hablihii lahaa sharafta iyo xishoodka maanta iyagaa ku shukaan sanaya oo doonaya inaad la tumato

    waa yaab””””…….

    runtii waan yaabno goormaa sidan loorogmay

    Barqin duhur, hablaha baararkaa, bidix u rooraaya, Boorso suuf ka buuxay, xarago bagax ka siiyaane, Bankiyada raggaa soo dhigtiyo, Boqolaal rooraaya, Baysteen ninkii lagu arkay, baasha saaraane, Rabbigey hanaga baajiyee, bello yar weeyaane.

    Basrooy gabar bidhaan quruxsan, oo burji kaahiyo, Beri laguma arag, Waa wax aan abid soo bixine, bidhaantaada goortaadan, arkaa beerku wuu I gubane, Boholyowga caashaqu, wadnaha baaluhuu jaraye, inuu Eebahay belo ku badin, Xabiibii abaayo, beerka maad I saarti.

    Burco iyo Hargeysiyo, Boorama afkeeda, Baladweyne Baardheere iyo Baydhabo agteeda, booqashada dhulkaa lagu tagaa, bilo ku noolaaye, uma bogin Hablaha, Baararkiyo suuqa wada buuxa, Rabbigey hanaga baajiyee, belo yar weeyaane, bidhaan Dumar waxaan ku nacay Baabkan weeyaane, Boqorkii dhalay iyo reerka wey baal marayaane, Baatir Geel nimaan heysan, oo baagana aan qaadan, oo qiiqa buufinayay, baalka saaraane.

    cawad cali barre
    xingalool

    • MAA NAGU DHEESHEEYN ANAGA MA,AAN XUNIN ANAGA WAXAANISKU MALEEYNAA INAAN SHA LAF AAN LEENAHAY

      • Waxan hano sheegina beenta hada nahay dhalinta 2021 malin kaliya ka dhimane 2022

  10. cawad cali barre waa wiil bihidoor ah oo ka mida inamada u soo kacaya reer xingalool ku wa ugu caansan ugu tayada badan waxaad moodaa inuu yahay wiil durba ku dhacay tub hanaan, hogaamin iyo horumarineedba u horseedaya dhalinta maanta ee u soo kacaysa geeska africa

    taariikhda cawad
    waxa uu ku dhashay magaalada xingalool sanaddkii 1983 waxaa uu dugsigiisii hoose ku soo qaatay xingalool iyo bosaaso ilaa kii dhexe isagoo dugsigii dhexe ku dhameeyay magaalada hargaysa dugsiga sh. bashiir kiisii sarena ka baxay dugsiga sare 26 june waxaa uu ka mid yahay ardayda ka qalin jabinaysa jaamacada hargaysa sanadkan 2008 kuliyada dhaqaalaha

    cawad waxaa aad looga yaqaan magaalooyinka bosaaso, xingaloo, ceergaabo iyo hargaysa

    waxaa uu yahay iminka xoghayaha guddida arrimaha dibbada ee golaha wakiilada JSL

    by his best friend

    kkkk axmed

  11. Kkkkkkkkk wayaab

  12. waan ka xumahay qisada naxdinta badan ee kugu dhacday lakin sheekada intan may ku dhamatay nah mise wali ma dhamanin.

  13. haweenka somaliyeed guurka iyo jacaylka waxay jecel yihiin guurka waa dhaqan xun runtii waana ka xumahay dhibkaa ku dhacay laakiin inaad iska guursataa fiican WAARI MAYSIDEE WIIL HAKAA HADHO.

  14. waa wax dhacay dhicidoonana ,waayo guurkii imika wuxuu u e kaaday wax aan lamalaysan karin ,saas waxaan ula jeedaa ,hablihi laguursan lahaa oo aanad garanaynb waayo ninkii guur udhaqaaqaba seetaynay ….waayaabe hadaba hableheenii wan wanaagsanaa maxaa helay ?…..ma waxay rabaan in ragii oo dhami guurka kaxanaaqaan …….waa yaab ..guurku waa wax ilaahay raali kayahay waana in aan shuruud laisku xidhin ee la isku guursado oo qudha qalbi furan ayadoo qof na uuna ka warwarayn wax dhici doona.

  15. waar waxaan anigu naftayda waydiiyaa tolow yaad guursan, markaa waxan leeyahay dadka iyagu akhrisanaya maqaalkayga in aay talo u tahay dhalinyarada guurka jecel, marka waxan ku leeyahay dhalinyarow guursada hablaha wadaada ah ee xaafid quraanka ah waa hadii aad ka rabto guurkaaga musqabal? iyo reerkaaga….

    by. abdinasir Osman Mahamoud “foodcade”

  16. miskiin aaad ayaan uga xumahay walah iyadana aduunyo ayay iska dhaqanee isagana noloshii ayuuba uga quustay miskiin

  17. dadka waad layaabaysaa

    hadii la idin yiri fikirkiina ka dhiibta arrinkan maahayn inaad wax kasta kaga sheekaysaan meesha calaan caruurta caanaha ka caba ayaad tihiin

    caruur wada caruur kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  18. ASC Haddii EEbe wax kuu qoray qadar ku sabir Aduunka Intaad ku nooshahay dhibaato farabadan ayaa kusoo mari doonto.Maalmaha way is bed-bedelaan qofna kuma waaro barwaaqo joogto ah iyo caafimaad koleey dhibaato aduun ma waaartee ee waxaad badsataa sadaqada

    Miskiin

  19. walahay waa yaan ninka guursan wayey anigu waxan dhahi laha walaalow iska guurso oo wax ha ka hareen taalo walaalka
    yusuf cali
    xagroone@hotmail.com

  20. s/c marka hore nolosha maamulkeeda ilaah ayaa haayo mida xigta waxaan ka xumahay waxa ku dhacay ninka odeyga ah hadaansa lamasabideynin aniga waxaan dhihi lahaa iska guurso hadaad awoodid

  21. asc aad ayaan uga xumahay walal arrintan kugu dhacday waxaana ku oran lahaa iska guurso mid ka fiican inaad hesho ayaa laga yaabaaye gabdhaha soomaaliyeedna isku mid ma ahan kuwa fiican iyo kuwa xunba weey isugu jiraan

  22. kkkkkkkkk ar yaa islaam ah sheekada maba xumee adeerka sawirkiisa xa looga inkaar galabsanaya oo loogu qarabanayaa kkkkkkkk kan koo aan aqaano buuba u eh yahay
    lkn adeer sorry aniga xitaa taas tu lamid ah ba igu socotaan filaayaa adeer ani basra o kale wa ku noqon karaa i guurso noooooh anaa ku illawsiinaayee kkkkkk

  23. when i have read this story i that i am in the middle of love occean. i believe this story is true that the man should try another chance becouse this live that need to have another try and error. i will say you are not out of time try once more!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  24. Run ahanti qisadan wax daremi kara qofki ay ku dhacday o kalia lakin waxan ku leyahay sxb sabarka badso

    • ilaahaw kali hakugu dilin ee iska guurso ayaan kuoran lahaa

  25. walaal waan ka xumahay. ilaahay ayaa qoray.
    laakiin madoonaayo inaan sheekada dib ugu noqdo.
    xataa inay kula socodsiiso in nin kale la siinayo ayay ahayd.
    insha allah mid kale iska guurso oo iska hilmaan ayada.
    mahadsanid.

  26. waa layaab aduuni howli kama dhamaato runtii marka aad ayaan uga xumahay oo mantay dhalinta jirta ma garanayan inta badan micnaha uu xinbarsan yahay jeceylka sidoo kale waa suurag al inay jiraan kuwi hore eyegana kuwa qalad u fahmay jeceylka qasatan hawenka oo micnaha aan kla jeedo inay isbedel badan yihiin marka aad wax ku heshiisiin
    abwaan cabdal aya horay udhahay caqligoodu waa calal nadiifade marba kii cashada kaa dhiibo ayeey wada caweyaan
    marka intabdan waxay kaa racayaan doolar iyo wax saas oo kale ah
    sidoo kale waa muhiim in kalsooni ay jirto oo lees aamino waa lagala marmaan rintii wax walbana waa calaf sxbkeey qisadaas ku dhacdana runtii waa iso xanuun badan waxaan leeayahay dulqadka badi waa jiraan kuwa ka fiicane sxb kuna dadaal sidada ku gursan laheyd oowladuna waa muhiim aduunkee

  27. asc wrwb nab sigaa soo qaban

  28. ANIIGU NINKA WAXAN LEYAH WAXANI WAA WAAX QOORAN OO ALE AYA KU QADARAY LAKIIN ISKA GUURSO HADA WIIXI KADANBEYA KOLAY ALE KUSIIYO HAL CUNUG OO KU DUCYA MARKAD DHIMATO HADI AD KA HORAYSO ADIGU BAY

  29. waxaa is weydiin mudan , dulucda sheekadan maxaad ka dhan dhansateen, mid waxaan oran karaa, lilaahi iyo laqdabo meel ma wada maraan, lamaanaha isjecelna, waa far iyo faraati, jaceylka dhabtaana waa mid qodo dheer leh, had iyo jeerna, 2bada isjecel ay hadaqooda ku dhameystiraan, duco iyo gunaanad in ay calaf isku yeeshaan, dad weynoow waxaan idin soo dhex dhigey , su aasha ah
    (waa maxey jaceyl?????)

  30. kkkkkkkk waarye waar ninku waa mu alifee isagaa sameeyee qaarkalena soo daa dheh.

  31. waar odayga waxbaa helay balo ku dagtay kkk

  32. Asc dhaman shekadan wa sheko yaab leh

  33. i am that but i am saying you try one you will get your love which is better province one

  34. War ileen tan okale war maxay ahayd laqmatadu ninka way toogate aggah war heedheh waxaa ilag quman inaad heshid gabadh noloshan gaaban kula qaybsata . Noloshu iyadàaba iska gabo gabo ahee.. Ya btter find ya luvin

  35. Waa qiso layaableh oo ubaahan in lagu cibro qaato waxaan ku waa ninayaa waalidiinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan in tix galiyaan jaceylka lamaanaha is doortey iskana calmadey bulshada dhex deeda waa iga talo

  36. Qisadan markan aqriyay indhaheygu ilin ku istaagtay waan kaxumahay arintaan

  37. waaaaaaaaaaaaan ka xumahay in ay sidaan kugu dhacdo lkn wax walbo waaa qoraaaal xagga rabi ka yimaaaaaaaaado sabar ayan ku lee yhaay adeeeeeeeeeeeeroooooo

  38. wll aduunyaduu waa wareer qofna intuu noolyahyay dhibaato kama dhamaadee samra sed helee waa la iska samraa


Leave a reply to Miskeen Cancel reply

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.