Galmudug: wadada horumarka ee gobolada dhexe

June 20, 2007 at 5:44 am | Posted in MUDUG | Leave a comment

Wadanka Soomaaliya oo gumeysi toos ah xor ka ahaa muddo 47sano sii cagacageyneysa waxaa soo maray marxalado kala duwan oo iskugu jira: farxad, naxdin, jahawareer, horumar, dibudhac, dagaallo iyo cudurro galaaftay dadyow farabadan. Dowladihii dimuqraaddi ku sheegga ahaa ee sagaalka sano iyo bilaha ka jiray dalka ee curtay xornimada dabadeed meelaha qaar waxaa laga dheehan karaa in ay dadaal muujiyeen hadana caqabado ay siyaasiyiinta Soomaalidu isku hayeen oo qabyaalad iyo nin jecleysi salka ku hayey iyo tacliintooda oo hooseysay ayaa ugu darnaa waxyaabihii gaasiray horumarkooda. Maamuladaas oo aan sideedaba abuurin awood dhaqan dhaqaale iyo horumar mujtamac oo sidaas u buuran ayaa hadana gobolada dhexe ee Soomaaliya si gaar ah u hagardaameeyey. Kuraasta baarlamaanka looga qoondeeyey ama waa la yareeyey ama waxaa ka soo geli jiray dad aan gobolkaba u dhalan. Weliba dagaallo ahli ah ayey ka abaabuleen goboladaas. Waxaana gaar u ahaa goboladaas in dowladdu si toos ah ciidankii xoogga kula dirirtay shacabkii ku dhaqnaa deegamadaas. Xoolo iyo dadna waa laga qafaalan jiray iyagoo ugu marmarsiyooday inay taageeri jireen jabhaddii loogu yeeri jiray Koofiyo dhuub oo lagu tuhunsanaa iney ka soo jeedeen goboladaas.

Hagardaamadii Dowladii Kacaanka ee GM 1969-1990

Run ahaan inta badan adeegga dowli iyo kan dadweyne ee Soomaaliya ka jira waxaa dhisay dowladdii ciidanku garwadeenka ka ahaa. Dowladaas Kacaanka la baxdayna wax weyn ayey ka qabatay horumarka wadanka sagaalkii sano ee u horeysay. Haseyeeshee iyada laftirkeedu gobolada uma xaq-soorin xagga adeegga guud iyo xarumaha dowladda ee sidii oo kale ayey u hagratay gobolada dhexe. Tusaale ahaan magaalada Gaalkacyo oo beelo kala duwan ku dhaqan yihiin oo xaafadaha uu kala qeybiyo jidka dheer ee magaalada dhexmara ayaa dugsiyadii, warshidihii, cusbitaalkii, xerooyinkii ciidanka iyo garoomadii ciyaaraha iyo diyaaradahaba laga wada dhisay dhanka waqooyi oo ay ku badan yihiin beelaha dhistay dowlad-goboleedka Puntland. Sidoo kale Gobolka Galguduud wax horumar ah wey u diideen oo magaala madaxda gobolka ee Dhuusamareeb waxay u egtahay degmo yar ama tuulooyinka qaarkood. Taas waxaa u sii dheeraa iyadoo mar walba madaxda gobolka loo magacaabo qof aan deegaanka ka soo jeedin oo cadaadis saari jiray horumarka dadyowga u badan deegaanka. Astaanta dowladnimo ee Dhuusamareeb laga muujiyey waxey aheyd oo keliya taliskii ciidanka ee 21aad oo saldhig weyn ku lahaa.

Magaalooyinka qadiimiga ah sida Hobyo iyo Xarardheere iyaga waaba la baabi’iyey oo adeegyadii hore uga jiray oo dhan ayaa laga jaray si shacabku uga huleelo. Hobyo oo ka mid aheyd magaalooyinka gobolada dhexe ugu dadka badan waqtigii xoriyadda waxa la dhaxalsiiyey in shacbiyadeedu aad hoos ugu dhacdo. Cadaado waxaa laga dhigay goob dagaal wixii ka danbeeyey dagaalkii 77. Diyaaradaha Xabashida iyo taangiyada Kacaanku isku si ayey ugu galgasheen. Hagardaamadaas muuqata ayey dowladihii wadanka iskaga danbeeyey ka galeen deegaamada gobolada dhexe. Waana mid ka mid ah sababaha ilaa iyo haatan dowlad aan shacbiyad heysan ay Soomaaliya uga hana qaadi la’adahay. Dowlad dhexe oo xoog leh sidii kuwii hore iney Soomaaliya ka hirgashaana waa habeen xalay tagay.

Dagaaladii sokeeye si ba’an ayey goboladaas u saameeyeen iyagoo nasiib u helay in ay noqoto halka ay ka soo bilawdeen kacdoonkii xididdada loogu siibay dowladdi kacaanka. Hadaba markii in muddo ah la waayey dowladnimo taam ah oo gobolada qaar boorka iska jafeen dibna u hawlgaliyeen wixii ay heli kareen, gobolada dhexe waxaa khasab ku noqotay in waxkastaba salka laga soo bilaabo, maadaama aaney wax kale daaye dhismooyin lagu hawlgalaaba meesha oollin. Dugsiyadii, ceelashii, Cusbitaaladii iyo dhamaan adeegyada guud ee aasaaska u ah nolosha ayey shacabku muruqooda iyo maalkooda ku maalgeliyeen.

Dhalashadii Galmudug (GM)

Dad badan oon xog ogaal u aheyn sida ay lagu aasaasay dowlad-goboleedka GM ayaa sifooyin kala duwan ku cabira ujeedada loo aasaasay GM, waxeyna ku andacoodaan in GM loo abuuray in looga hortago xoogaggii maxaakiimta iyo in Puntland gacan ku leedahay dhidbidda GM. Dadkaas qaar kama warhayaan sida uu ku yimid maamulkaasi waana iska mala’awaalayaal kuwa kalena arimo siyaasadeysan ayey ka leeyihiin markaas ayey door bidaan iney marin habaabiyaan hanaankii uu ku dhashay maamulka Galmudug.

Abaabul ay hormuud ka yihiin Jaaliyadaha dibaddu ayaa 5tii sano ee la soo dhaafay ka socday goboladaas, kaas oo maalinba heer marayey laakiin hadafkiisa guud waxaa ka mid ahaa; in la dhiso maamul mideeya Gobolada dhexe oo wax ka qabta adeegga guud iyo baahida baahsan ee Dhaqaale, Caafimaad iyo Waxbarasho ee ka taagan goboladaas. In la hirgeliyo heya’do kobciya oo xoojiya ilaha dhaqaale oo gobolku caanka ku yahay. In islaax la dhexdhigo iyo wadashaqeyn beelaha ood-wadaagga iyo walaalaha ah ee ku habsaamay dagaalada ahliga ah. Maxaa ka khaldan ujeedooyinkan? Soow ma ahan kuwa caafimaad qaba oo qofkasta oo same-jecla ah uu taageerayo? Waa ujeeddo aan turxaan laheyn oo ka timid bulsho isku tashatay.

Maamulkii maxaakiimta iyo abaabulkii Galmudug keebaa horeeyey

Haddii aan taariikhda dib u eegnno maamulkii maxaakiimtu wuxuu hogaanka Benadir la wareegay June 2006, wixii ka horeeyey waxay ahaayeen maxaakiim beeleed xalliya arimaha deegaanka ay maxkamaddu ku taallo waxeyna gabigood ku ekaayeen Gobolka Benadir marka laga reebo tii Baladweyne iyo kuwo yaryar oo tuulooyinka qaar ka hawl geli jiray xiriirna aan la laheyn Maxkamadaha Benaadir. Magaca midowga maxkamadaha Islaamiga (MMI) ahna wuxuu abuurbay dhamaadkii 2005.

Dhanka kale gudiga jaaliyadaha dibedda iyo bulshada deegaanka ee koofur Mudug waxay maamul ka hirgeliyeen Gaalkacyo 2004, maamuladaas waxaa ugu danbeeyey gudigii uu madaxa ka ahaa Imaan Xasan Jiiroow oo hogaanka ku simay markii lagu dhawaaqay dowlad-goboleedka Galmudug. Taas micnaheedu ma ahan in ay is-diidayaan ujeedada GM iyo tii MMI. Ha yeeshee maamulkii MMI ayaa doorbiday in maamulka cusub ee GM uu duldhigo maamulkiisa oo halkaas ku tiritiro figrad ay dadka deegaanka ka soo shaqeynayeen muddo dheer maal badanna ku baxay. Maanso aan ka soo qaadanayo laba beyd ayaan waagaas u diray MMI gaar ahaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) anigoo tusaaleynaya in ay khalad tahay duullaanka lala maagay GM:

  1. Koow jahaad aad gashaa Abshiroow kan naftaa mudane
  2. Kalkaal walaal baa leh; hiil iyo ka celin labada key tahaye
  3. Tuhun baase kaa galay Kax dagaari iyo koofur reer muduge
  4. Belo hurudda lama kiciyo iyo waa-baay kaa dadane
  5. Kahasho iyo intuu warkaagii kurbo; geliyaa badane
  6. Waa karaaheen reer waqooyi warankaad kilkili Bacadloowe
  7. Meel kalimaad xallin karaan warhooy weerar haw kicinin
  8. Oo kaadso kuray matihid aan waayuhu kuruud soo marine.
  9. Kareeb iyo nabaraa weli ku yaal kulli reer muduge
  10. Kaluun ma dabtaan mana lullan karuur waayahane
  11. Kamay kaban colaaddii iyo abaarihii kululaaye
  12. Ma karaan qax iyo kuudud yabaqeede
  13. Ka gurta gelinsoor iyo keliyadaad qodatay
  14. Kal-naxa hadaad leedihiin duulaanka u kaadsha
  15. Kaxankax iyo halaag ha badin oon lagu kala guurin
  16. Hana kala tuurina iftiinkaas iyo milgada kaaheysa (GM)

Punland iyo GalMudug

Puntland waxey si cad u sheegtay inaaney aqoonsaneyn maamulka iyo jiritaanka GM, laakiin dhabtu waa “subcisaye yaa kaa hoorin” Aqoonsiga GM arin PL u taal maba ahan. Dadka dhistay maamulka GM iyo dadka PL waxaa ka dhexeeya darisnimo kuwada noolaasho, maamulka PL ee ka jira waqooyiga Gaalkacyona wax saameyn ah weligii kuma yeelan koofurta Gaalkacyo. Marka dadka leh dhismihii GM waxaa gacan ku lahaa PL maxey qiil uga dhigayaan? Haddii dadka koofur Mudug ay u daayeen PL iney ku intifaacaan keligood warshadihii, iskuuladii iyo garoonkii lagu maalgeliyey canshuurta dadweynaha ee gobolka, kuma haboona iney fara-geliyaan hanaanka maamul ee GM. Teeda kale haddii reer PL ay dhisteen maamul iyo kala danbeyn oo bulshadoodu horumar ku tilaabsatay maxey tahay sababta ay u caaradayaan maamulka beelaha dariska la ah? Labada maamul maadaama ay daris yihiin waxa ku haboon iney nabadgelyada iyo ganacsiga iska kaashadaan, hubaalna, PL wax natiijo ah kama gaareyso hanqaltaagga dhul-balaarsi iyo faragelinta bulshooyinka la daris ah, waxaana u eg iney ogaadaan in GM aan ciidan Tigree lagu soo weerari karin ee ay PL aqoonsato qiimaha nabadgalyadu u leedahay labada maamul. Haddii PL ay daneyneyso darisnimo wanaag iyo nabedgelyo waarta waxaa u eg iney si dhakhso leh uga qaadato ciidanka lagu sheegayo Gelinsoor maadaama aaney Galinsoor aheyn furin dagaal oo looga duulo PL.

Muuqaal guud maamulka GM

Waxaa la arkaa wax kasta oo hoos laga soo dhisaa in ay guuleystaan oo yeeshaan aayo fiican oo layska dhaxlo waxeyna u egtahay in tani tahay sababta ay u socon la’ yihiin dowladaha had iyo goor Soomaaliya looga soo xaawilo dalalka shisheeye. Tusaale haddii aan u qaadanno Sland maamulkeeda hoosta ayaa laga soo dhisay waxeyna maanta heystaan dowlad horumar gaarsiisay deegaanada ay maamulaan. Hadaba waxaa dhab ah in ay GM tahay biloow fiican iyo rabitaan ka yimid dadka deegaanka. Waa maamul furfuran oo dagaal diid ah, darisnimo jaceyl iyo dulqaad u muujiyey maamulada iyo beelaha xadka la wadaaga. Waxaa madaxweyne ka ah aqoonyahan ruug-cadaa siyaasi ah; Maxamed Warsame oo loo yaqaan Kimiko. Marka la eego shaqooyinkii uu soo qabtay sida isagoo safiir ka ahaa rugo muhiim ah oo ay ka mid tahay xafiiska UNta iyo wasaarado muhiim ah ee uu ka soo shaqeeyey waa nin u qalma in uu Soomaaliya oo dhan hogaamiyo waxay taasi tilmaan fiican u tahay in biloow-geediiba GM ay nasiib u yeelatay hogaan fiican oo tayo leh. Wasiiradiisana rag dhallinyaro ah oo firfircoon iyo saraakiil sarsare oo dibad iyo gudaba ka soo shaqeeyey ayaa ka mid ah sida wasiirka arimaha gudaha Gsare Muxiyadiin Macallin oo aqoon durugsan u leh gobolka Mudug madaxna ka ahaan jiray waqtigii dowladda kacaanka iyo danjire M A Caalin madaxa gobolka Hobyo oo rajo fiican laga qabo in uu horumariyo gobolkaas oo ay ku yaallaan nabaradii dibu-dhac ee mudada dheer heystay.

Waa maamul u doodaya xaquuqda dadka deegaanka ee ay dowladihii hore duudsiyeen, waa maamul ku dhiirigelinaya heya’adaha caalamiga ah iney deegaanka GM laga qeybgeliyo gargaarka bini’aadnimo iyo mashaariicda horumarineed ee loo gooyey guud ahaan dalka Soomaaliya. Waa maamul u hogaansan diinta Islaamka oo culimada aan lagu takoorin. Waa maamul u istaagay kobcinta aqooneed ee dadka deegaanka, dhiirigelinaya wax wada qabsi iyo xiriir ganacsi.

Hodanimada deegaanka GM

Inkastoo maamulka cusub aanu weli wada gaarin dhul ka badan 500km oo wareeg ah ayuu ku fadhiyaa GM, waxaa inta la hubo ku jira macaadiin fara-badan gaar ahaan saliidda qeyriin oo ilaa 4 ceel ay calaamadeysan yihiin sida laga xaqiijiyey shirikado baaritaan ka sameeyey. Xeeb dhererkeedu la egyahay 345km ayey leedahay GM, xoolo aad u badan sida Geel, lo’ iyo Ari ayaa laga helaa gobolka oo laga dhoofiyaa dhamaan gobolada dalka. Waxey masaafo dhow (85km) u jirtaa xadka haatan ay sheegato Itoobiya. Taasina faa’iido iyo naaqusnimo labadaba wey noqon kartaa. Haddii xagga darisnimo wanaagga laga eego waa suuq weyn oo kheyraadka iyo adeegga gobolka loo beecgeyn karo maadaama qowmiyado fara-badan ku nool yihiin Itoobiya. Dhanka kale waa dowlad aan qarsan cadawnimada ay Soomaaliya u qabto oo aaminsan iney liqdo dhamaan Soomaaliya iskaba daa dhulkii hore oo ay soo celisaaye. Kalluun iyo manaafacaad fara-badan ayaa badda dhex-jiifa oo ka badan baahida gobolka lacag adagna soo gelin kara.

Figrado Guud

Dadaalka ay muujiyeen jaaliyadaha dibadda waa in la laba-jibaaraa inta maamulku uu ka cagadhiganayo oo uu ka abuurayo dhaqaale daboola baahida hawlahooda. Dadka ka soo jeeda GM dabiiciyan waa dad firfircoon oo door weyn ku lahaa halgankii gobonimo doonka iyo guud ahaan hurseedka gumeysi diidka ee Soomaaliya nuuc kastaba ha ahaadee iyadoo taas la tixgelinayo waa in ciidanka Itoobiya aan marna loo ogolaanin iney xarumo ka helaan GM. Taageerayaasha GM waa iney ku mintidaan arimaha aan ka midaysanahay sida deegaanka, horumarka bulshada iyo walaaltinimada oo aan lagu mashquulin arimaha siyaasadda ku lugta leh ee lagu kala figrad duwanaan karo sida DKMG, MMI iyo taageeridda shakhsiyaad danohooda gaarka ah raacda. Bulsho walba horumarkeeda waxaa lagu qiyaasaa aqoonta bulshadeeda sidaa awgeed waa in sare loo qaadaa aqoonta bulshada deegaanka.

Heya’daha aan dowliga aheyn ee haatanba hawlo la taaban karo ka wada gobolka waa in la xoojiyaa wada shaqeynna joogta ahna ay la yeeshaan heya’adaha caalamiga ah. Waa in ay aqoonta mutadawaciinta iyo shaqaalahooda kor u qaadaan oo siminaarro iyo koorsooyin gaagaaban u furaan. Waa in xoogga la saaraa sidii loo hawl-gelin lahaa dekedda Hobyo si gobolku uga maarmo dekedaha fog-fog ee ay wax uga soo degaan.

Waxaa qoray Xasan A Kullane

xkullane@yahoo.com

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: