QALANJADII GOL JANO

June 20, 2007 at 5:45 pm | Posted in sheeko gaaban | 5 Comments

Sheeko Gaaban

qurux haween iyo qaayo dumar ayuu ebbe ku hagoogay, xushmad iyo xishood ayey astaan u laheyd, , eddadeed ayey la noo shahay, aabo iyo hooyo midna may arag,hooyo in ay laheyd dhagta ayey ka maqashay,aabihii dhalayna sawirkiisaa latusay, nasiib uma yeelan sida asaageed in ay gacanto qabsato hooyadeed kuna hataaqdo MAAMO, aabo ay ku soo roorto oo hab yiraana ma jirin, gooni ayey u istaagi jirtay marka ay caruurtu ku hayaamaan waalidkood, sidii cowl cidlla dag ah ayey docda istaagtaa,illmadana iska dudaa, waxaa hooyo iyo aabo u ahaa eddadeed RAAQIYA oo qalbigeeda alle u dhigay naxariis,kuna abbabisay wanaag iyo barbaarin haboon,waxaana ay ku hanaqaaday anshax iyo asluub wacan, mataqaan wareega, mana arag wax yiraa gacaliso, hal ku dhigyo badan oo dhalintu adeegsatana dhagool ayey ka tahay,aroos la tako taa hadalkiisa, waa geenyo dumar alle ayaa u dhameeyey qurux iyo jamaal, dheeraa ma dhudd dhabiyaa, gudduudanaa ma timirtii MADDIINAA, ilka dabranaa ma sabiibaa kuu xardhan, qofkii mar arkaa kama jaleeco, kii maqlaana gocoshaa wareenta ,GOLJANO ayey ku nooshahay,hoogeydu ku yaalaa waa casar cadceedu sii gacan haadineyso, sabootiskiina cirkey casuus ku cilaantay,dadku dheelmad ayuu ku jiraa, guryo noqosho ayey ku jireen, shinbiruhu laftiguudi buul noqod ayey ahaayeen oo hoyashada qoraxdaa la haybinayaa, XAMSE JAAMAC waxaa uu ka yimid ATLLASKII waxaa uu soo fariistay aqalka hortiisa lana kala baxay buugii, intii uuna boga rogin waxaa saaqay illeys waxa cawaray iftiin, waxaa jiitay kooraan, waxaa qalbigiisa lulashay birlab,ma waxbaa cirka ka soo dhacay mise cadceedii ayaa soo rogaal celisay, madaxa ayuu kor u qaaday indhahaa dakaamay,waxaa uu qac ku siiyey indhaha HANI oo saladdii wadata dareena la,aana hormaraysa, kana timid dukaankii eddadeed, marbuu qalbigu haraad qabtaa, dhidid la hooraa, marbay indhuhu ka salalaan araga, wuu eeggaa wuu foorarsadaa, caado uma lahaan jirin indha la raaca dumar ee maanta waddkiisaa galay, wuu istaagay, muxuu oran hadii uu daba galana, wuu dhaqaaqay, muxuuse hadal ka ka bilaabi ,bowsi xitaa ma yaqaan. wuu iska daba galay, buugiina wuu hilmaamay, qaraacday aqalkii gudahana u gashay, muxuu oran, yaa miskiin yaa kabo dacas, soo rogaal celi, halkiisiina iska fariisay, habeenkaa jiif ma laddin, waxaa uu sidaa ahaado mudo, HANINA ayna waxba ka ogyen xaaladiisa ayuu beegsaday galabtii danbe cagtana cagta u saaray, waxaa uu ku hoos qabtay geed MIRI MIRR hoostii kuna hataaqay sidii sabbi, waxaa uu usheegay inuu jecelyahay arageedii horana galaday waa xaajo ugub kuna cusub dareenkeeda, waxaa uu kiciyey shucuur u qarsoonaa, waligeed wiil lama istaagin, laakiin waxaa ay hoos isku weydiin jirtay marka ay filim daawto, alle adigana yaa ku oran doona waan ku jecelahay, waan ku hantay, qalbigaan ku galiyey,far iyo faraanti aan noqono, waa dareen ciyaarsiin jiray laakiin maanta ka hor dhab uma arag, wax ay ku jawaabto ayey weyday wayna dhaqaaday iaydoo leh, walaal waxaa aniga ha iila iman, hadal la,aan ayuu dhaqaaqay oo wali ma baran tabb loo hanto gacaladii aad u hawooto,dabnaha ayuu qaniinay jeedsina bilaabay, way dhaqaaqday, iaydoo qalbiga kaleh alle muu siiwado hadalka, ma intaa ayuu ku dhaqaaqay maxaad hadalkaa ugu tiri, waxaa kilaankileynaya hadaladii, waxaa ku daamurmay WAAN KU JECLAHAY , xaafadii ayey tagtay, habeenkii may seexan, ma taqaan dookh jaceyl mana taqaan doorsho lamaane ee waxaa culay erayadii wiilka,nin dhinbiil jacel wadaa ma haro wuu raadiyey, balan cusubna u qabtay, markan way ka duwantahay sidii hore, gooni ayaa loo baxay, mid waliba waxaa uu ibba siibay xishoodkii iyo khajilkii, waxaa ay si wada jir ah u gardaadiyeen cishqi cusub oo shaash ubaxa loo saaray, waxaa uu mid walbaa dareemay wehel waxaa deysay dhaxan ofaha ka tumaati jirtay,waxaana hal qabsi ay ka dhigteen,(arageygu waa aragaaga,muusoodkeygu waa dabnahaaga) waxaa sidaa la ahaado,waxaa soo hadashay, gabar ay eddadeed dhashay, oo joogtay UK una sheegatay hooyadeed in ay damacsantahay in ay HANI siiso baasaboorkeeda,si ay ku gasho UK macal tikitkii waa diyaar ee 3 cisho gudaheead ha ku timaado ADDIS ABABA, hadalkaasi waxaa uu farax galiyey eddo laakiin waxaa uu wareemay HANI, HANI markii ay maqashay warka cusub waxaa ay beegsatay XAMSE way ogeyd in uu caano dhan u tagay howd isbuucna maqnaan doono, waxaa ay qaraacday taleefankii, waxaa loogu jawaabaa, taleefanka aad wacday wuu kabaxay khadka, way soo laabatay, sidee ayey fariin ugu sheegtaa, yey ku aamintaa fariin, midkoodna ma laheyn saaxiibo ogaa lana socday arintoda, XAMSE laftigiisa isbuucu sanado ayuu ku ahaa, HANI safartay ADIIS tagtay, XAMSE wuu soo laabtay, nasiib xumo waxaa ka lumay MOBILKII waxaa uu damcay in uu HANI la hadlo muxuu kula hadlaa maba hayo numberkeeda,waxaa u damcay inuu u fariisto xaafadooda iyo dukaanka eddadeed, wuu waayey, kana quustay, goor uu balanbalay ayaa loos heegay in ay dhooftay, laftigeedu dhimatay oo daashay ileen waa nin uu ka lumay taleefankii araxdaranaa jaceylku,qalbi adagaa aramida galgacal, boholyow badanaa dhanbaaladiisu, talo kale ma jirto oo aan ka aheyn inuu ADIIS abaaro, dhaqaaq, una kac dhankii ADISS ABABA, nasiib xumaa dhooftay xalay oo jadwal la soo xiray waa hore ayaa hagaya, way ka dhooftay madaarkii addiis iyadoo qifkii ay atagtaaba u yaha XAMSE, goor danbe ayuu gaaray, loona sheeg in ay gaartay carigii UK, QANBARUURSI jaceyl ayuu la fariistay, , email meyna laheyn labadoodaba waxaa hurinaya jaceyl uguba oo aan laheyn qaraabo iyo qansax, midna ma yaqaan meel uu ka baadi goobo ka kale, XAMSE soo laabay,hargeysa yimid,habeenkii seexad maleh maalintiina dibad bax daa hadalkiisa oonbaa biyaha loo cabaa uumatan gaajo, XAMSE waxaa dhex yaal wadnihiisa QALAN JADII GOLJANO ee galabtii xasuusta badneyd barkatay qalbigiisa, waa dhibane jaceyle haloo gurmado QALANJADII GOLJANO HALAGA NAADIYO DHULKII AY U HAYAANTAY….

5 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. Waa Qiso dhaba
    qisadani waxay dhexmartay laba qof oo aan isku ciyaal ahayn magaalada xingalool

    Qalbi, waxay ku dhalatay xaafada suwayto ee magaalada xingalool, Sanadkii, 1984

    Wax barashadeedi hoose waxay ku soo qaadatay dugsiga xingalool, wax barashadeedi sarena Qalbi, waxay ku soo qaadatay dugsiga ina Oomaar, ee magaalada Hargaysa.

    “Hibo eebe ku siiiyey iyo habeen la iskama qaado,” ee Qalbi, kasokow waxbarashadeeda dugsiga waxay aad ugu wanaagsanayd guud ahaan cayyaraha fud-fudud gaar ahan cayyarta kubada koolayga ee loo yaqaan “Basket Ball.” Qalbi waxay markiiba ka mid noqotay gabdhihi u cayaari jiray kubada kolayga isla dugsiga ina Oomaar ee magaakada Hargaysa.

    Fir-fircoonidi iyo cayaar wanaagi ay Qalbi, muujisay waxay dhaxalsi-say in ay isla markiiba u gudubto oo loo qaatay xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka waqooyi galbeed.

    Maalin maalmaha ka mid ah waxaa Qalbi u yeedhay gudoomiyihi Gudiga olombikada gobolka waqooyi galbeed “siciid yaqshii” iyo taba-barihi kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka hargaysa
    “Axmad jinac” oo Qalbi ugu bishaareeyey in Ayyada loo doortay kabiteenada hogaamin doonta kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka. Waxa kale ooy Qalbi u shegen in dhammaan kooxaha xulka wiilasha iyo gabdhaha kubada kolaygu soo diyaar noqdaan maalinta Jimcaha, 10 ka Subaxnimo, si ay ugu kici timaan magaalo ceergaabo ooy kaga qayb gali donaan tartanka ciyaaraha koobka horyaalka gobolada ee kubada kolayga.

    Qalbi magaalada ceergaabo dad qaraabo ah iyo asaxaabatoona kama-taqaan, sida darteed, waxay go’aansatay inay dhanba u dhaafin gurigi mar-tida lo dajiyey oo Qalbi waxay wakhtigeedi ku soo koobtay: .

    Mar ay tartan ciyaareed ku maqantahay,

    Mar ay tababar ku maqantahay,

    Iyo mar ay Buug aqrisanayso.

    Qalbi, intii lagu gudo jiray tartankii ciyaaraha koobka horyaalka kubada kolayga waxay isbarteen- Nimco Jeego oo ahayd, kabitanka kooxda Xulka horyaalka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka sanaag. Nimco Jeego waa gabadh aad u fur-furan, si wanaagsanna uga qayb-qaadatay dhinaca soo dha-weeynta iyo marti-galinta dhammaan kooxihi ka kala yimid gobolada dalka.

    Maalin maal maha ka mid ah, rugtii ay daganayd Qalbi, waxaa ugu timiday Nimco Jeego, waxayna u sheegtay inay kooxda horyaalka gabdhah iyo wiilasha gobolka sanaag ee kubada kolaygu casho ugu marti qaadeen Hoteelka xadeed, habeenka Qamiista ee Jimce soo galayo dhammaan koxda Horyaalka Gabdhaha iyo Wiilasha kubada kolayga ee ka yimid gobalka hargaysa

    Waxaa lasoo gaadhay habeenki Qamiisti ee Jimce soo galayey:

    Waa habeen u haba-yaraate wax caad ihi saarnayn cirka.

    Waa habeen u heer-kulka magaalada ceergaabo taagan yahay halkii ugu wanaagsana.

    Waa habeen saxan-saxo udgoon badani babanayso daafaha magaalda.

    Waa habeen aad laydha caafimaad iyo naacawda caashaqa Ood hawada ka nuugtid mooye, waa habeen ay naftu, Waa habeen ay naftu guriga galba ku dhahayn.

    Waxaa hal-hal, laba-laba, koox-koox iyo raxan-raxanba loo soo galaya oo la iskugu yimid waa marti-qaadkii cashada iyo hoteelki xadeed. Waxaa wiil iyo gabadh loo labisan-yahay maxaa kaa galay camal. Waxaa qof walba sitaayi waa labiskii aynan uga danbaynin. Waa labiskii u qof walba is-lahaa hadaad mar uun xidhan lahayd Allay-illehe, Alla-ilehe caawa xidho (xiro).

    Saacadu markay ahayd, 7:30 kii, fiidki, waxaa albaabka hoteelka sanaag gaar ahaan qolkliisa xafladaha ka soo gashay gabadh u Allahen, Dhumuc iyo dhererba u dhameeyey, hubqaa- dkeeda iyo hannaan wanaageeda ba aad iyo aad lola dhaygagay.

    Waxaa mar qudh ah is-taagtay shan-qadhii qolka, dhammaan wiil iyo gabadh inta lawada aamusay waxaa daymo layaab leh sidaa loo wada Jalleecay dhinici gabdha oo aad moodaysid in Nal ama laydh laga soo iftiimshay.

    Waxaa fadhiya dhanka midigta ee albaabka laga soo galo hoteelka xadeed, gaar ahaan qaybtiisa xaafladaha Afar wiil oo dhallin-yar ah. Waxay aad iyo aad ugu qushuuceen sha’ni wanaagi iyo sharfti ka muuqatay gabadhan albaabka ka soo gashay, oo wiil walba is-dhahay Ar-may taada noqota, waxaase wiilashi iswa-ydiyeen carr yaa gabadhaas la hadli oo nin raga ah?, wiilka ka mid ah wiilashi ayaa soo kacay isagoo sharad ku soo galay inu gabadha la hadli dono oo u isagu ku qaban doono wiilku isaga un ba is- dhahaye, ma oga waxa u kala kulmi iyo wax u mudan midba, wuxa u wiilku ogayn hadal adayga hablaha Soomaaliyeed guud-ahaan, gaar-ahaan habeenka iskugu kiin horaysa in-aan dhayal iyo ciyaar ciyaarba loogu soo gali karin Qalbi se, wayba ka sii xag jirtaa oo waa gabadh aad u dagan, hadal kooban, miisaaman oo xikmad badan leh waa gabadh aan haba-yaraate loola iman karin sheekooyinka raqiiska ah.

    Waa laba aan is ogayne isku eeg waxay kala qaadan. Horayba seLo yidhi, “ Fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanin.”

    Wiilki, gabadhi waa u yimid isagoo ilka cadaynaya oo wuxu ku dhahay,

    “walaal waa lagu salaamay.”

    “Qalbi,”- walaal waa lagaa qaaday.

    “wiilki,”- Abaayo qof miyaad raadinaysay.

    “Qalbi,”- Walaal qof baan raadinayeyba kumaan odhan.

    “Wiilki,”- Abaayo hablihi martida aha inad tahay wan u jeeda, side-waaye

    “Qalbi,”- walaal waxba taas kaama galine, danhaaga sheego.

    “Wiilki,”-Abaayo adiga uunbaan ku caawin-rabay NO.

    “Qalbi,”- Walaal intaas mooye wax kale miyaad haysa.

    Markay intaas iswaydaarsadeen, wiilki yaabka ka dhammaday, oo cabaar intu aamusay ba waax hadal ahi ka soo bixi waayay.

    Waxaa gadaal kaaga timid Nimco Jeego oo intay ku soo booday labada daan ka dhunkatay waxay tidhi, “Alla waa Qalbi abaayo ii warran sideed tahay.”

    “Qalbi,”- Walaal waan iska fiicanahay ee adigu ii warran, sideed tahay.

    “Nimco”-Abaayo waan fiicanahay, oo hadaan isdhahayey maxaa ku dhacay gabadhi.

    “Qalbi,”-Walaal malaha waan idinku soo daahay ee iga raali ahaada.

    “Nimco,”-Maya, abaayo naguma aad soo dahin ee, walaalkay Aqli na maad istaqaanaan oo inteed isku barateen.

    Cawad Cali Barre

  2. wixii qisooyina waxaan ka codsanayaa in laygu soo hagaajo eimalkayga mahad sanidiin

  3. aaway somalie nimo ilahay mad kayabtan
    adonimo miyaad jeclaateen
    caruurto afowdiniyo duntood kudhumataan
    miyaa ragatinima’a war ilahaykayaaba
    oo dib uu xasuusta the best off world ( somalie in 1977)

  4. Waan xusuusanahay mana ilaawikarno ee rag lagaran usheeg aaax

  5. sxbyal wan idin salamay .waxan idin haya qiso jaceyl o layirah .{dhintaye ya idhaxlay.} o kadhacday uganda.iga gudoma .


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: