QARACAN!!!

June 20, 2007 at 4:24 pm | Posted in sheeko gaaban | 4 Comments

 

SHEEKO GAABAN


bilan jaamac waa cuud iyo cadar la miiray,man baxay iyo ubax deyr jooga, diir iyo dabci midna ebbe kama soocin ehelka deegaanka,muqaal xardhan qurux iyo bilicba ebbaa ku shubay,dhererkeedu waa joog dhexdeedu waa mudac dhabankeedu waa daray dheeheedu waa dhiin waa gayaan guur gaadhay damac iyo dareen ayaa qaaday,

Bilan waxaa ay dagantahay xaafada hodan ee moqdisho waxaa ay dhawaan ka baxday dugsiga sare ee axmed gurrey waxaa ay astaan ulaheyd dabeeco wacan iyo garaad foojigan,waxay barasho iyo galgaceyl la gardaadisay faarax geelle oo ay fasal wadaag iyoodwadaagana ay ahaayeen, farxaan qalbigeedu galay beerkuu barkin ka dhigtay neecow iyo udug ka helay sidii balanbaalis ubax dawaafeysa ayuu habeen galab iyo dharaar heegan ku ahaa, yaa tahay ? yaad gashaa? midna ma weydiin ka kale galgaceyl uguba ayaa dhantaalay labadoodaba dhaxan iyo dheel ku riday dhakafaar iyo dhakow huwiyey,marbay aramidu gantaalka tuurtaa wadnaha bidixna qotonsataa,halbowlaha kadh ka siisaa dhiig joojin iyo seedo la guntana la waayaa,BILAN JAAMAC wardiga iyo oogida salaada dareen kale ayaa uu dheer habeenkii soo galaa ma dhamaado kii tagaana dharaar aan dhamaad laheen ayuu soo dhaweeyaa, is araga bilan iyo farxaan cadceedu soo baxduu u ahaa dayax muusooday ayuu u ahaa, halkudhigoodu waxaa uu ahaa ADIGU WAA ANIGA ANIGUNA WAA ADIGA qosolkood waa dawan qalbigu wato,ilmadoodu waa dhado iyo dharab wadnuhu muudsado,waxa ay kala sugaan waa warsan iyo weedhasan ii soo wac.

BILAN JAAMAC kuma riyoon kumana baraarugin in jaceyl dareen lihi hogaan u noqon doono in falaar mariid ah wadanheeda surmi doonto,murti iyo maanso waxaa u ahaa ADIGAA DAGAY QALBIGA WADNAHA DACALKIISA DHUUXEYGII JUBTOO QAATAY NUURKA ARAGEYGA,FAARAX GEELLE kama xanuun yara kama damqasho yara sidii qaalin kaliil jooga ayuu tif noqday dhankuu eegaba waa BILAN JAAMAC gabadhuu arkaa waa BILAN JAAMAC xijaabkii madowba waa BILAN JAAMAC DAREEN KALE MALAHA OO AA N KA AHEYN(ADIGAAN KU DOORTOO DOOKHEYGII LA TAGE DHAAWACEYGA BOGSII,.

waxaa geediga caashaq ee BILAN JAAMAC IYO FARXAAN GEELLE socdaba,halkii lagu furi lahaa ayaa lagaaray xiligii miro gurashada ayaa la gaaray,FARXAAN waxaa uu u tagay aabo GEELLE una sheegay in uu doonayo in uu hanto gacaladii jid iyo jab ay wadaageen, AABO GEELLE su.aal kaliya ayuu weydiiyey farxaanSU,AAL UUNA HOREY UGA FIKIRIN,GEELLE( AABO WAA QOLOMA GABADHA AAD CALAFNEYSAA? WAA SU,AAL ADAG! FARXAAN horey iskuma weydiin dareena maba siin, socod iyo gucluu isku daray BILAAN WAA UYIMID isagoo leh, gacaliso waxaan doonayaa inaan gabagabeeyo waxii aan sabanka soo wadnay,laakiin dhaqanku waa sahay ma guuraan ee horta heybtaada ii sheeg? QALBIGU MARBUU DA,AA DHADO IYO ROOB DA,AA SAMADU MARBAY QARSOONTAA DAAH MADOW IYO CAAD DABOOLAAN, BILAN JAWAABTU KAR KUMA HEYSO GARASHO LA,AAN KAMA AH,DAREEN AYAA SAAQAY DANBI AYNA GALIN LAAKIN LOOSAARAY AYAA OLOKIISU GUBAYAA, INTA AY QOSOSHAY AYEY TIRI (ISKU BARTA QABIIL AYUU EEBBE QIIL UGA DHIGAYE QABIILKEYGU WAA DADKAAD TAQAANIYO WAXII QIILKA LOO WAAYEY) intaa markii ay tiri ayuu FARXAAN GEELle dhaqaaqay isgoo leh (gar eexiyo lama hayo garasho waayeel waxaa i dhantaalay dhunkaalka i cabsiisay waa dhaqan hore aboodiye) wuu dhaqaayay,barina beegsaday talaabo qaad ayuu damcay socodkaa kala dhantaalmay dhiiga wadnahaa kala leexday halkii loogu talagalay hareer maray BILAN GALBEED AYEY BEEGSO MAAGATAY INTA AYNA DHAQAAQIN AYEY DAMACDAY IN AY JALEECO SABOOTISA OO AAN KUTALA GAL AHEYN DEYMOO IS TIRI WAXAA AY ISHU QABATAY FARXAAN OO DHANKA BIDIX U YAALA HUMAAG AYAA SAAQAY DHANKII BARI AYEY BEEGSATAY BOGAY KU SOO QAATAY GEEDNA LA HOOS TIMID DHABTANA SAARTAY INTA AYNA SAARIN YAASIINKA AYUU AAKHIRA BEEGSADAY IYO HALKII LOO BADNAA, IFKUU KA TAGAY ISAGOO MUUDSANAYA ILMADII BILAN JAAMAC DARDAARAN IYO BALAN OOFINA UGU FILAN BILAN JAAMAC.

BILAN DUSHAY SAARAT IILKA EYEY DHIGTAY SHALMADEEDIINA KAFAN AYUU U AHAA..

GALBEED IYO XAAFADII HODAN AYEY BEEGSATAY HABEENKU WAA WAHALHADALKEEDU KAMA BADNEEN( HORAAR DHEER IYO HADAL WADKII GALAY MIDNA ANOO KU ORANEEN WAAN SOO SOCDAA HALKII LOO BADNAA IYO AAKHIRAAN U SOOSOCDAA HOOY LAGU NASTIYO HOOS QABOW INOO HEYBI….

4 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. salaan diiran bahda aayaha nolosha

  2. nice story.

    Ilike it.

  3. yaaaaaaa story lee miyaa caadi maaha

  4. Maasha allah, waa sheeko cajiib ah, waana sheeko uu qoray qof aan hubo inuu yahay qof eebahay ku manaystay maskax iyo murti mida ugu wanaagsan.


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: