June 22, 2007 at 6:36 pm | Posted in Sheeko | Leave a comment
Xafladdii dhoweyd ‘Cabdullaahi Qarshe’ waa joogay Print E-mail
 qarshe.gif
Cabdullaahi Qarshe

Laga bilaabo heesta ardayda dugsiyadu qaadaan ilaa muusigga ay ku soo gasho Laanta Af-Soomaaliga ee BBC London. Intaba, Cabdullaahi Qarshe wuxuu ahaa qof ku dhex nool. Xataa wuxuu joogay oo wax ka dabaaldegay xafladdii Kasmo, 3 Abriil 2007.

Fanaanka weyn, Axmed Naaji Sacad, wuxuu munaasabaddii dabaaldegga Abaalmarinta Wargeyska Kasmo, ka dhex qaaday hees Cabdullaahi Qarshe tiriyo tii ugu dambeysay; waa heesta ‘Gumownayeey’ ka soo qoray maalmo ka hor geeridiisa.
Markii Axmed Naaji heeskaas qaaday, dadkii xafladda dabaaldegga joogay, sidii in Cabdullaahi Qarshe soo galay goobta, ayaa xushmeynta iyo weyniintiisa loo wada joogsaday, waxaana dadka qaarkood indhahooda ku hubaa in ay ‘lmo’ ka soo qubatay.
Qarshe, qofka dadnimadaas leh, markii iigu horreysey iyo halkii aan ku bartay toona ma xusuusto. Waxaanse xusuustaa galab aan soo galay ‘Aqalka BBC-da ee Bush House’. Halkan waxaa Laanta Af-Soomaaligu ku soo gaba-gabeyneysey barnaamij ay ku xusaysey 40-Guurada ka soo wareegtay markii iyada la aasaasay.

BBC-du, 40kaas sanoba waxay ku gaardinaysey socodka Arraweeladii la sheegay in ay xilliyo hore ka talin jirtay dalka maanta lagu magacaabo Soomaaliya. Taas oo dib noogu soo noolaatay markii Cabdullaahi Qarshe laxan iyo muusig ugu sameeyey habkii ay u socon jirtay boqoraddu!

Ingiriisku ‘colaadda’ uu u qabo Soomaali, malaha, waxaa looga tilmaan qaadan karaa Laanta Afka Soomaaliga oo yeersata ‘turubada’ socodkii Arraweelo, oo eelkii rag iyo dumar ay kala gelisay ilaa maanta taagan yahay.
Arrintani waxay dib inoogu celinaysaa, Sanadkii 1988, markii aan Cabdullaahi Qarshe kula kulmay qado loogu sameeyey magaalada Nairobi, Aqalka Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey Kenya, Axmed Sheekh. Waxay ahayd qado maamuuska iyo weynenta Qarshe, darteed loo sameeyey.
Waxaa sharaf ii ahayd in martiqaadkaas la igu casuumay, waxaana markii la qadeeyey, aan Cabdullaahi Qarshe warsaday, bal haddii uu na maqashiin karo miraha heesta ay muusikadeeda ku soo gasho Laanta Af-Soomaaliga ee BBC London.
Markuu soo kala rogtay Gamankii uu caanka ku ahaa, ayaan Qarshe warsaday waqtigii iyo munaasabadii heesta la curiyey? Jawaabtii Qarshe sidan ayey ahayd: “Waxay ahayd magaalada Hargeysa, xilligii Britain gumeysaneysey Waqooyiga Soomaaliya. Markaas gumeysigu wuxuu caburin jiray Gumeysi-diidka Soomaalida. Heesta: ‘Dadkaan dhawaaqaya, Dulkooda doonaya, Hadday u dhiidhiyeen, Allahayow u dhiib’.
Sharqanta heestaas markii Ingiriisku maqlay, wuxuu u yeeray Abwaanka oo uu caddayn ka warsaday waxa heestu ku saabsan tahay? Wuxuu ugu jawaabay: “Waa Socodkii Arraweelo ‘Arrawelo March!”.
Socodkaas oo ay ilaa maanta ku jirto. Hase ahaatee, BBC-du in ay xuquuqda alifidda u ogolaatay Cabdullaahi Qarshe iyo in ay booli ku haysato oo ay wax ka soo bililiqaysatay maskaxda Soomaalida, markii Ingiriisku wax ka gumeysanayey; mid ay tahayba baaritaan kuma aanan sameyn. Haddiise Cabdullaahi Qarshe helay faa’iidada allifaha, markaas Abwaanku wuxuu noqon lahaa qof ka mid ah kuwa ugu hodansan Fanaaniinta Qaaradda Afrika.

Dhamaadkii qarnigii hore, 30-kii bisha Sebtember 1997, ayaan soo galay Istuudyaha BBC. Waxaa ku sii jiray Cabdisalaam Harari. Maalmahaas, Laanta Af-Soomaaligu waxay baahinaysey Barnaamijyo taxane ah oo ay ku xusayso 40 Guuradii ka soo wareegtay, markii 1957 iyada la aasaasay.
Qaybtii ugu dambaysay barnaamijkaas, waxay ahayd heesta Cabdullaahi Qarshe ee Socodkii Arraweelo. Aniga iyo Cabdisalaan Harari, midkoodna ma ogeyn in heestaasi noqon doonto tii ugu dambaysay oo aan maqallo iyadoo Cabdullaahi Qarshe nool yahay. “Cabdullaahi Qarshe, Ilaahay wuxuu ku manaystay Cimri dheer” waxaa yiri Harari. “Allaha u sii siyaadiyo” waxaa yiri aniga, ka dibna waxaa qolka Istuudyaha soo galay Saciid Cali Muuse oo xaggeyga u soo jeedshay makarafoon iyo su’aashii ugu horreysey ee ku saabsan soo saaridda Wargeyska Kasmo oo tirsigeedii 1aad gacanteyda ku jiray.
Markii soo saaridda wargeyskaas la diyaarinayey, goor fiid ah, Sebtembar1997, waxaan telefoon ku wacay Cabdullaahi Qarshe. Waxaan u sheegay in uu ka martiqaadan yahay xafladda abuuritaanka Kasmo, 27ka Sebtembar 1997.

Cabdullaahi Qarshe, si weyn ayuu soo dhoweeyey casuumadda iyo figradda wargeyska. Wuxuuse ka cududaartay in uusan ka soo qayb-geli karin; “Waxaan 25ka bisha la ballansan nahay Takhtar. Waxaan filayaa in aan 27ka aallayo Isbitaalka. Iiga cududaar in aanan imaan karin xafladda oo aan xanuunsanayo. Magacayga hambalyo iigu dheh Xafladda, una sheeg ‘Cabdullaahi Qarshe wuu idin salaamayaa, wuxuuna idin ka codsanayaa in aad hirgelisaan oo uusan joogsan Kasmo.”.

“Nin aan u malaynayo in uu yahay kan ugu da’da weyn fanaaniinta nool ee Soomaalida, Cabdullaahi Qarshe oo aan jeclaa in uu joogo xafladda ayaa xanuunsan, wuxuuna iga codsaday in aan idin soo gaarsiiyo Hambalyadiisa, una cudadaaro in uusan caafimaad darti, la imaan karin xafladda.”. Erayadan kooban aniga ayaa u sheegay xafladda aasaaska Kasmo oo lagu dhex qabtay Maktabad weyn oo London kaga taal xagga W/galbeed ‘Willesden Library’.

Xafladdii Kasmo maalmo yar ka dib, waxaa mar, laba iyo seddexba talo ii soo jeediyey Khaalid Macow. Wuxuu iga codsanayey in aan Cabdullaahi Qarshe soo booqanno iyo in aan wareysi la yeellanno. Ma dhicin, waxaana wargeysku weli ku koobnaa cadadkii 1aad. Waxaan fekerayey in aan si fiican u habayno shaqada, dadkuna barto in aan Kasmo lug ku lahayn koox iyo qaybiil toona. Laakiin waxaa ka soo hormaray tii Alla, waxaana geerida Cabdullaahi Qarshe I soo gaarsiiyey Khaalid Macow laftiisa oo iiga naxsaday ‘Waayista qof aan jeclaa intii la doono’.

Cabdullaahi Qarshe wuxuu dhintay isagoo aan arag wargeyskii uu jiritaankiisa ka dardaarmay iyo Kasmo oo aan wareysi ugu tegin. Sidaas darteedna waxaan weligay necbaan doonaa geerida iyo wareysi Abwaan geeriyoon doona. Weliba tan London waxay I soo xusuusisay mid kale oo dhacday mar laga joogo in ka badan 20 sano.

Waxay ku beegnayd 1986, markii goor fiid ah, qiyaasta 7.30 aan ka baxay Xafiiska Wargeyskii Ogaal oo aan ka shaqaynayey (1985-1990). Gaariga aan wato, keligay ayaa saaran, wuxuuna ku sii socday xagga isgoyska wadada Afgooye aadda, waxaana Xamar ka degganaa Qolka B9 ee Xaafadda African Village.

Hal mar ayaa wax iiga baaqeen xagga Sanaag! Waxaa dareenkayga ku soo dhacay Abwaankii weynaa, Xaaji Aaden Af-qalooc. Xaajiga waxaan bartay 1977. Waqtigaas oo aan ururkii Dhalinyarada Kacaanka Soomaaliyeed ka tirsanaa.

Xarunta Ururku waxay ahaan jirtay meeshii SYL horay rugta ugu ahaan jirtay. Xaajigu, isagoo soo dugsanaya rejada uu dhalinyarada ka qabi karo, ayuu wuxuu ka degganaa qol.

Maalintii inta badan, marka uu guriga ka soo baxo, wuxuu soo fariisan jiray Baar xarunta ku dhex yaal. Waxaan qirsanahay in aanan garan karin qofka nagu dhex jira oo maalin walba nala jooga Baarka dhalinyarada, waxa uu nooga duwan yahay intayada kale oo dhan!

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan warsaday Xaajiga inta sano oo uu jiro? Jawaabtii Xaaji Aaden waxay ahayd “127 sano ayaan jiraa”.

Xaaji Aaden Af-Qalooc, xarunta ayuu khudbad noogu jeediyey habeenkii ka horreeyey maalinta aan filkiisa warsaday. Khudbadaas oo uusan meel qoran ka akhriyeen, waxaa Xaajigu ku bilaabay eray Carabi ah: “Yaa shabaabii” oo la mid ah dhalinyaradaydiiyeey …

Habeenkaas uu khudbadda noo jeediyey toban sano ka dib, ayaan soo xusuustay Xaaji Aaden Af-Qalooc. Waqtigaan Xaajigu wuxuu jiraa 137, waxaana igu soo dhacay in aan qaban-qaabiyo safar aan ugu ambabaxo Gobolka Sanaag. Kaas oo ujeedadiisu tahay in aan Xaajigii dib ula kulmo, soona wareysto.

Weli baabuurkii baan saar nahay, waxaana si xoog leh daqiiqado yar maskaxdaydu ka shaqayneysey tifaftirka waxa loo baahan yahay in aan sii diyaariyo: tirada dadka baxaya, Video Kamera, cajalado, rekoor, gaadiidka tan iyo Sanaag- dhul iyo cir kuu noqon karo iyo sahayda loo baahan yahay iwm. Waxaan goostay in aan laba maalmood gudahood kaga baxno magaalada Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Culeyska dareen ahaan i hafiyey iyo tan safarka dartood, waxaan toos u soo aaday aqalkaygii ku dhex yiil ‘African Village’. Waxaan furtay qolkii, nalkii baan daaray. Dhinaca bidix, ka soo jeedka derbiga, raadiye miis dul saaran ayaan daaray. Saacaddu waxay dul taagan tahay 8.00 fiidnimo oo ku beegan markii Radio Muqdisho sheegi jiray warka.
Markaan raadiyaha daaray, waxaa ku jiray muusikadii warku ku soo geli jiray, waxaana eraygii ugu horreeyey noqday: “Allaha u naxariistee, waxaa maanta oo bishu ahayd….”
Ilaa hadda ma aqaan sababta aan u hubay in qofkaas aan weli Radio Muqdisho sheegin magaciisa, u yahay Xaaji Aden Af-Qalooc, waana uu noqday! Waxaana habeenkaasi ka mid noqday kuwii aan farxad la’aanta hoyday, waxaana halkaas ku baaqday wareysi iyo is-arag aniga iyo Xaaji Aden dhex mara, sida Kasmo iyaba u wareysan weyday Cabdullaahi Qarshe!

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: