Dowrka Dhalinyarada ee Bulshada Dhexdeeda.

June 22, 2007 at 6:55 pm | Posted in maqal | 1 Comment

WQ: Sharma’arke C/risaaq Cilmi

Bismilahi Raxmani Raxiim,

Dhalinyaranimadu waa xiliga ugu wanaagsan ee qofka bini’admiga ah soo mara xiligaas qofku wuxuu kulansadaa fursado uusan markale heleynin, waxay yihiin tamarta, c/fimaadka, iyo firaaqo badan.

Culimada c/fimadku waxay tilmaamaan hormuunada dabiiciga ah ee uu leeyahay qofka dhalinyarada ah in ey xiligaas aad u badan yihiin taasina ey ka qeyb qaadaneyso fir fircoonida dheeriga ah, hadaba waxaa haboon in aan tilmaano hadii eynu ka hadleyno dhalinyaronimada mowducyo ey ka mid yihiin Waqtiga iyo sida looga faa’ideysan karo,abwaankii weynaa ee Cismaan Yusuf Kenadiid ayaa waxa uu ku leeyahay mar uu gabay kaga hadlayey waqtiga ;

Aduunyadu cawo iyo maalin weys ciribinaayaane,

Cabaarkii yar oo kaa tagaa waa cad kaa go’ane,

Cimrigaan gabaabsiga noqdey oo sii ciriiryamaya,

Camal falasho wixii aan ahayn kaga ciilbeeshid.

Bulsho kastaa waxa ey ku hor martaa dhalinyaradeeda, bulshooyinka hor u marey waxaa hubaal ah in ey leeyihiin dhalinyaro qiimo badan oo wadaniyad leh, hadii aan taariikhda dib u raacno halgamadii dunida ka dhacay waxaa hor u mood ka ahaa dhalinyar sida;

Halgankii Islaamka; waxaa lafdhabar u ahaa dhalinyar ( Saxaabo ) iyaga oo diinta islaamka ku faafiyey dhamaan dunida waqti yar oo kooban,

Halgankii Axmed Gurey; waxaa saldhig u ahaa dhalinyar ayaga oo la garab taagnaa hiil iyo hooba naftoodana u hurey in ey soo ceshaan dhulkii itobiyanku ka qabsadey islaamka, waxa ay ku guuleysteen in ey hogaamiyaan halgan adag oo lala galo gumeystihii xabashida, waxay kale oo ey ku guuleysteen in ey diinta islaamka ku faafiyaan dhulka ey somalidu degto iyo Geeska Afrikaba.

Halgankii Sayidka; Sida aan ogsoon nahay sayid maxamed cabdulle xasan oo ahaa halgamaa weyn oo soomaaliyeed waxa uu aasaas u ahaa halgankii gobanimo doonka ee uu kula dirirayey gumeystihii dhulka soomaaliyeed qabsadey, waxaan ka wada war qabnaa sayid maxamed iyo daraawiish guulihii waaweynaa ee ey ka soo hooyeen gumeystaha.

Halgankii Leegada ( SYL ); sida aan ognahay waxaa saldhig u ahaa halgankaas dhalinyaro soomaaliyeed ayaga oo go’aansadey in ey wadanka ka xoreeyaan gumeystihii xakumey aan soo qaadano maqaallo uu dhowaan faafiyey halgame Daahir Dhegaweyne oo ka mid ahaa dhalinyaradii leegada ( SYL ) ;bal aan wada aqrinno maqaalka koobaad ee halgame daahir uu u direy cinwanka mudug online oo aan ka soo xiganayo.

( “Iyadoo hadda lagu jiro bisha Maajo, waxaan jecleeystay inaan wax yar ka taataabto taariikhdii asaaskii xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbanaanida. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”.

Taariikhda xibigii SYL lama soo koobi karo, aniguse waxaan si kooban uga hadlayaa unuggii xisbiga, anigoo ka mid ah dhalinyaradii nasiibka u yeelatay, eebbena waafajiyey inay asaasaan xisbigaas. Waxaan uga dan leeyahay qoraalkaan inaan dadweeynaha Soomaaliyeed xusuusiyo halgankii qawmiyadeed iyo taariikhdii sharafta lahayd ee la soo maray si looga faa’iideeysto.

Markaan soo xusuuusto xilligii uu hanaqaaday xisbigii SYL marna waa farxaa, marna waa naxaa. Waa farxaa oo waxaan soo xusuustaa wanaaggii, wadaninimadii, midnimadii, isqadarintii iyo kalsoonidii Soomaalidu isu qabtay waagaas, kuna guuleeysatay. Marna waa naxaa, oo waxaan arkaa xaaladda manta Soomaali ku sugan tahay oo ah: dawlad la’aan, daryeel la’aan, dagaal joogto ah, dulli qaxootinimo iyo dugaagnimo.
Curashadii Fikradda

Fikrad kasta oo lagu hormaro waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda lagu asaasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa Allaha u naxariiste Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke oo mudan in si gaar ah loo xuso. Yaasiin wuxuu ahaa nin fiiro dheer oo aqoon yahan lagu tilmaami karo, inkastoo uusan dhigan dugsi rasmi ah. Wuxuu ahaa nin leh wacyi iyo maskax siyaasadeed, iyadoo aan waqtigaas dadku u bislayn siyaasadda. Yaasiin wuxuu si fiican u yiqiin afka Talyaaniga, wuxuu kaloo yiqiin afafka Carabiga iyo Ingiriiska. Dadaalka Yaasiin ka sokoow, curashada fikradda waxaa saaciday arrimo dhawr ah ooy ka mid ahaayeen:

Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub.

Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay naacoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya.

Waxaa waagaas magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan. Yaasiin wuxuu saaxiib la ahaa qaar ka mid ah nimankaas, ooy is dhaafsan jireey fikradaha.

Yaasiin wuxuu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qaybsado bulshada. Wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin. Waxaa dadkaas ka mid ahaa: garaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa’uddiinka iwm.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir noogu qabtay gurigiisa, waxaan ahayn 7 ama 8 dhalinyaro ah, si fiican uma xusuusto tirada. Wuxuu noo soo jeediyey talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed. Wuxuu nagu wargelieyey in afarta dawladood ee waaweeyn oo xulufada ah: Amerika, Ingiriiska, Ruusha iyo Faransiiku ay ka tashanayaan aayaha dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo hadda gacantiisa ka wareegay. Dalalkaasi waxay ahaayeen Soomaaliya, Eritrea iyo Libiya. Wuxuu nagu guubaabiyey inaan fadhiga ka kacno oon dhisno urur ka tarjuma danaha bulshada Soomaaliyed oo ah gobanimo iyo horumar. Wuxuu naga codsaday in qof waliba uu casumo qof uu ku kalsoon yahay oo ka mid noqda asaasayaasha ururka. Waxaan bilaabnay dhaqdhaqaaq. Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa. Intaan ka xusuusto, anigu waxaan casumay Cabdulqaadir Sakhaawuddiin oo aan saaxiib gaar ah ahayn, Allaha u naxariistee. Xaaji Maxamad Xuseenna wuxuu casumay Dheere Xaaji Dheere, labadoodaba Allaha u naxariisto.

Muddo bilo ah gudohood ayaan isku uruursannay 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, una babacdhigaan halganka gobanimadoonka,

Magacyadii Dhalinyaradii SYL ( leegada );

1:Yaasiin Xaaji Cismaan

2:Xaaji Maxamad Xuseen

3:Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin

4:Khaliif Huudow Macallin

5:Maxamad Cismaan Baarbe.

6:Cismaan Geedi Raage

7:Maxamad Faarax Hilowle

8:Dheere Xaaji Dheere

9:Sayidiin Xirsi Nuur

10:Maxamad Cabdalla Xayeesi

11:Maxamad Cali Nuur

12:Cali Xasan Maxamad “Verdura

13:Daahir Xaaji Cismaan.

Suugaantii ey reebeen ” waxaa ka mid ahaa ereyo uu lahaa xaaji aadan afqalooc oo ey ka mid ahayd;

ka kacaay ka kacaay leysu soo kororyee ka kacaay,

ka kacaay ka kacaay kama-kama yimiyee ka kacaay,

ka kacaay keenyuu gubayeey ka kacaay,

ka kacaay kaayagaa xiga ee ka kacaay,

* kama-kama waa governarkii u fadhiyey Ingariiska gobolada waqooyi.

Abwaan kale ayaa lahaa;

Haruub nin sitoo hashiisii irmaaneyd ha maalin la leeyahay baan ahayeey,

Dagaal nimuu heysto meel halisoo hubkiisu hangool yahay baan ahayeey,

Haraad nin uu hayo la hiifanayo biyahaya laga horayo baan ahayeey,

Markii Calanka laqaatey qaasim asaga oo cadan jooga waxa uu soo tiriyey gabey uu ku halqabsanayo sayidka ;

Allow yaa darwiishkii fariin dabacsan gaarsiiya,

Allow yaa damaashaad farxad leh kala dul eedaama,

Allow yaa dalkaagii ku dhaha dowlad nimo qaaday,

Dhaaxuu ku daakirey xaqii naga dahsoonaaye,

In dariiqadii toosan tahoo dihini soo gaarin,

oo uu dabkuu shidey rag kale dogobyo sii saarey,

Allow af lama daaliyee daacad ugu sheega.


Waajibaadka saaran dhalinyarada soomaaliyeed

Dhalinyaradu waa xooga sababa isbadalka bulshada ku yimaada oo marna hor u kac ama dib u kac ku keena mujtamacooda, jabhadihii ina bur buriyey waxay caadifad qabiil ku kiciyeen dhalinyaro soomaaliyeed ayaga oo u horseedey dalkii burbur iyo baaba’a iyo dib u dhac, hada nimanka qabqableyaasha ah waxa u adeega ee dalka burburiyey maatadiina laayey xoolihii dadweynaha dhacay ehelkii, gacalkii, dariskii iyo xigtadii kala eryey waa dhalinyaro soomaaliyeed, hada ka horna kuwii xornimada iyo dadnimada inoo soo hooyeyna waxay ahaayeen dhalinyaro soomaaliyeed ee bal adiguba garo farqiga u dhaxeeya kala garo!

Waxyaalaha laga rabo maanta Dhalinyarada soomaaliyeed,

Sida aan horey u soo sheegney dhalinyartu waa lafdhabarta bulsho, somaliya hadii ey burburteyna waxaa iminka badbaadin kara waa dhalinyarta soomaaliyeed oo iskaashata oo barnaamijyo dhameystiran dhigata, siyaabaha wax loogu qaban karo wadankii waxaa ka mid ah wacyi galin iyo in wax la baro dhalinyarta hubeysan iyo kuwa jaadka cuna si loogu habeeyo mustaqbal wanaagsan wadankoodana ey dib wax ugu tari lahaayeen, dhalinyarta dalka dibadiisa wax ku barata waxaa laga doonayaa ale ka cabsi iyo in ey isku xirnaadaan, iyo in ey istixgaliyaan waxna wada qabsadaan si loo baadi goobo midnimadii somaliyeed loogana boxo kala googo’a iyo qabyaalada ragaadisey mujtamicii iyo bulshadii soomaaliyeed ee ab iyo isir iyo islaamnimo intaba wadaagey, waxaa haboon in dhalinyarada aqoonyahanka ah ey boorka iska jafaan oo wadada ku toosaan, waxaa banaan maanta dowrkoodii, waxaa loo baahan yahay urur dhalinyaro oo u dhigma ururkii SYL si dib loogu doono nabad ku soo dabaalida dadweynihii soomaaliyeed waxaa laga doonayaa dhalinyarta aqoonyahanka ah in ey dhisaan somaliya cusub oo nabad, cadaalad, sinaan, iyo xuquuqul insaanku asal u yahay waxaa laga doonayaa in la dhiso somaliya diin, cilmi, dhaqaale, tiknoolojiyo, iyo horumar nooc kastaba leh ka hirgasho.

About these ads

1 Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. aniga aad uu farax saan in aan u diro shacab ka somaliyed malinta xusida mudane malinta dhalinyareda somaliyed oo aheyd shaley waxaana leynayahay malin wanagsan in aan ku dayano dhalinyaraeda halkentay waa in aan noqon dadka lugu shaqeysto oo xabada lagu rido dhalin yareda somaliyed ayaga loo adegsanaya qabyald


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com. | The Pool Theme.
Entries and comments feeds.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: