Tolow reer rag leh roob sidan ma u galaa!?

June 22, 2007 at 5:27 pm | Posted in Sheeko | Leave a comment
  Print E-mail

Waxaan soomaalida dhowr jeer si isku mid ah uga maqlay in laga soo weriyay hooyada qoys xoolo dhaqato ah oo miyi deganaa inay ku catowday (calaacashay) xikmaddaan (Tolow reer rag leh roob sidan ma u galaa?!”.

Inta aanan u gudbin ujeedada aan u adeegsanayo waxaa muhiim ah inaan wax ka sheego dareenka xikmaddu ku dhalatay. Waxaa goor saq dhexe ah oo la hurdo qoyskan sheekada si kedis ah uga dul hooray roob mir ah, iyadoo reerku uusan ku seexan habeenkaas saan saan roob iyo filasho toona.

Shanqarta kararta roobka iyo dabeyl xoog badan oo isla markiiba aqalka inta ay gilgilashay dusha sare raradii ka qaaday, ayaa hooyadii qoyska ku soo hambaabirtay. Si degdeg ah ayay banaanka ugu soo baxday.

Dabeysha ayaa ku dharbaaxday dhibco xoog iyo kuleyl badan, xanafna ku reebaya meesha ay ku dhacaan. Cirka ayay eegmo ugu dhaqaaqday si xaaladda ay u qiimeyso. Dhankasta oo ay ka eegtayba waa qam (waa gudcur roobabow).

Inta aysan islaantu xaaladda kediska ah go’aan ka qaadan, ayay aragtay mid ka mid ah raradii dabeyshu qaaday oo meel hore sii bidaya. Aqalka ayay kor u eegtay, mise, korka oo dhan wuu ka diiran yahay. Intay raradii soo aruurineysay oo midba meel ka soo qaadeysay, rabtayna inay dib ugu celiso meeshoodii, inkastoo, taasi suura galkeedu adkaa ayaa isla markiiba xaalado kale oo khatar ahi soo if baxeyn.

Waxaa qeylo iyo oohin hal mar isku wada daray afar caruur ah oo sagaal jir ugu weyn tahay oo duqda reerka ku weheliyay. Dhibicdii raaradu ka difaaci lahayd ayaa toos u garaacday. Daad xaabo qaad ahna meel kasta wuu ka soo galay. Qof meel cidla ah roobku ka helay kama duwana gogoshii ay ku jiifeyn iyo wixii ay huwanaayeen intaba dhaqso ayay u qoyeen. Dabeyshiina wey ku dhuufatay goosaha ayay isla dhaceen.

Tan labaad, arigii reerka u xareysnaa oo jiilaal xun oo macaluul ku reebay soo maray, ayaa roobkii ugu horeeyay isugu daray karaar kuleyl badan, ufo iyo dabeyl. Gees walba oo xerada ariga ah ayaa waxaa ka yeeray “a’ aaa’ iyo bacaaac!!!!”

Allow alle!! Murugo weynaa. Xagee bay wax ka qabataa? – aqalka inay marka hore deddo si aakhirka caruurta iyo ariga intay ka gaarto u badbaadiso wey ku fekertay – inay caruurta oo si ba’an u beer qaadeeda ay xal u hesho. Xataa geed cidlo ah in ay hoos dhigto inta arrin si kale noqonayso way ku fekertay. – ariga bakhtigiisa ayaa batay meel roobka laga geliyana ma muuqato. Dadkii ayaa meel loo la’yahay, duunyo warkeed lama hayo.

Hadal iyo dhamaantii xataa hal raar oo kaliyah inay aqalka dib u saarto wey awoodi weyday. Sababtoo ah, howsha oo kaligeed ku ahayd iyo dabeysha oo ka carqaladeyneysay wax qabadkeeda. Raradii intay soo qaaday oo qaar duuduubtay ayay caruurtii salka u saartay qaarna dusha ka saartay. Rajadii in ariga wax laga badbaadiyana quus ayay ku dhamaatay.

Xaaladaan murugada leh ee reerka ku habsatay, reeraha la deriska ahaa saameyn weyn kuma yeelan waayo qaar ragii reerka ayaa joogay, qaarna wiilashoodii oo xoog leh. Guryahoodii dabeyshii wey ka adkeeyeen, daadkiina wey ka mooseyn. Ariga intii loo cabsanayay ay jilicsaneyd aqalka ayaa la jiriyay.

Nin leh ayaa ku danqada oo xanaaneysta dadkiisa iyo duunyadiisa.

Dhowr jeer islaantu afka labadiisa waawareey kor ugu dheereysatay ayna aaminsaneyd in derisku maqlaayo ayaa cid u soo gurmato iska daayee qofna si tanaago ah u weydiin sida xaalkeedu yahay. Waana ku adkaatay inay ka uur qabowdo arxan la’aanta ay kala kulantay deriskeeda, weliba raga oo wax badan inuu xeeriyo laga fisho.

Xaaladdii roobka iyo dabeysha weli waa sidoodii. Xeradii ariga wax shanqar iyo dhaqdhaaq ah malahan malaha ninna kama noola. Hadba intaas iyo in kale oo murugo badan ayadoo maskaxdeedu ku mashquulsantahay, ayay ku soo baraarugtaa oohinta ilmaha jiifka iyo joogaba ku dhiban.

Iyadoo kadaloobta, suxuladuna dul saaranyihiin jilbaha, labada calaacaloodna midba ku heysa dhabanka ilaa dhafoorka xiga, ilmana ka dareereyso ayay xaalada oo ka tan badisay darteed ku catowday tolow reer rag leh roob sidaan ma u galaa

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN, XASBUNALAAH…… Heblaay, waan ka xumahay inaan kaala soo daahay inaan kaaga tacsiyeeyo xaaladihii adkaa ee kula so dersay. Kuwaasoo kugu reebay murugo, ciil, calool xumo iyo cayrba. Tan Alle ka sokow, tol la’aan iyo taag la’aan ayaa ku heshay.

Intaas ka dib, waxaan kaa rajeynaya inaad ii raacdo wadada samirka iyo dulqaadka. Alla ku mahadi wuxuu kuu qadaray iyo in adiga iyo caruurtaba badbaadeen. Dhaqanka wanaagsan waxaa weeye in markii dhibaato kugu timaado, aad hareerahaaga fiiriso. Waxaa laga yaabaa in qolo kaa dhibaata culus aad aragto ama maqasho, ka dibna aad iimaansato taada markaan sidas ku leeyahay, waxaa i hormaraya muuqaalo fool xun oo naxdin badan, gadaashaana ka dhacay dagaalka soomaalida.

Si xuf ah ayaana kuugu dul marayaa ee la soco

Marka hore heblaay, xaaladihii shalay aad la kulantay ee aad la catowday waxay ahaayeen markaan ku noqdo roob arigii ku dhaafiyay iyo rag la’aantii reerka oo aan dareemayo inay tahay tan kugu reebtay murugada gaarka ah. Maantana waa sidoodii – waa taagan roob , daad, duufan iyo abaaro sidoodii ayay u halakeeyaan dad iyo duunyaba rag la’aanina weli waa jirtaa.

Dhibka kaloo jira waxaa weeye cadaawad joogta ah oo ka dhalatay meesha xerada somalida kaga taal adduunka. Waxay ku taal meel aduunka u leh ahmiyad militari iyo dhaqaale. Labadaan istaraatiijiyo waxay abuuraan :

  1. loolan dhex mara hadba dowladaha istawadiya cududda malitari iyo dhaqaale ee adduunka .
  2. dareen cabsi iyo dhiilo colaadeecd oo dowladaha deriska noo ah iyo kuwa gobolka.

Labadaan arimood waxaa ka dhasha galaangal diblomaasiyadeed, dano la kala bedesho iyo is xulufeysi siyaasadeed. Waxaa kale oo aan meeshaan ka marneyn is xulufeysi diimaha ah. Sida ka dhacday qarnigii 15aad geeskaan afrika.

Itoobiya – Burtuqiiska. Somaliya – Turkiga.

Waqtigaan la joogana is xulufeysigaan dambe aad ayuu u muuqdaa siyaasadaha gobolka iyo Soomaaliyana sameyn weyn ayuu ku leeyahay, isiro kale oo deganaansha la’aanta Soomaaliya ka qeyb-qaata ayaa jira.

Laakiin qasdigeygu markii horeba ma ahayn inaan bartilmaameed ka dhigto, waxa qura ee ii geeyay wuxuu ahaa inaan wax yar ka muujiyo sida istiraatiijiyadaha caalimaga ah ee dalkeenu cadow ugu yihiin nabadda iyo deganaanshaha Soomaaliya.

Bal itna dowlo ee qeybsigii Afrika Soomaaliya kala goosatay fiiri, inta haddana qolooyin kale loo sii gooyay fiiri. Balaayo iyo baasbaa nagu loolamay. Dhamaantood waxay ka siman yihiin iyagoo kala dano ah in dowlad kasta hesho soomaalida oo kaligeed kadaba xadreyneysa, dowlad kalena warkeeda aanaan maqlin.

Dowlad kasta dhagaha koox soomali ah ayay wax ugu shubtay, dowlada kalena cadowgeena ku tilmaantay, dhexdeenana cuqdad iyo cadaawad qabiil ka abuurtay.

Nala kala qeybi! Na kala adeegsadana oo isku keen dire. Inta dab nala saaray ayaa dowlad kasta dhinaceeda naga hurisay. Qabiilba qabiil ayuu quunsaday. Koox kasta oo dowlad ku xirneyd koox kale ayay hoosta ka wareentay adinka ayaa ka sax ah ayaa warbaahitna laga yiraahdaa.

Heblaay, war iyo dhamaantii laga soo bilaabo dhamaadkii qarnigii 19aad markii gumeysiga reer yurub soo galeen soomaaliya korintaanka tirada dhimashada soomaalida xowli ayay ku socotay, gaar ahaan laga soo bilaabo 1988 soomaaliya waxaa ka dhacay dagaaladii ugu dilka iyo gumaadka badnaa uguna fool xumaa taariikhdeeda. Gacantoodana isku laaye gacan shisheeye oo gurmad u soo galayna leysay.

Haddaan qodobeeyo hadalkaas faraha badan:

– qoysas badan ayaa hal qofna laga reebin oo la gumaaday

– hooyooyin badan ayaa wiilashoodii iyo aabbayaashood lagu hor dilay, iyagiina la kuufsaday

– qoysas badan ayaa madfac ku habsaday, ilmo umul lagula jirayna isagoo dhaawac ah ka badbaaday

– haween badan ayaa cidla ku umulay, dhiig baxna u dhitnay, ilmihiina bahal cunay.

– Gabdho badan oo ugub ah ayaa koox ahaan lagu kuufsaday oo dhibaato la gaarsiiyay oo u dhimatay.

– Waxaa dhacay in koox rag ah qabiil ahaan inta la soo aruuriyay goob fagaaro ah lagu xasuuqay weliba daawashadoodii dadweyne fara badan lagu casuumay.

– Tirada dhimashada xagga malyanka ayay u socotaa

– malaayiinna adduunka ayay qaxooti ku yihiin.

– Malaayiinta kale ee soo hartayna waa qaar dhaawac kacay ah oo naafo ah iyo qaar maskax ahaan aan fiyoobeen.

Fool xumo iyo naxdin weynaa! Dhamaan adduunka ayaa naga yaabay wixii aan sameynay, waxaana loo arkaa macno-darro in waxaasi nagu gaareen. Subxaanallaah, maxaa cuquba dhacday! Maxaa caqli xumo ka talisay! Maxaa cadow noo tashaday.

Heblaay weli rag la’aantii ayaa taagan ee ku samir! Waxaana war ku dhan yahay; ‘Tolow reer rag leh roob sidaan ma u galaa!’

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: