Raaxada Guurka IV

July 1, 2007 at 2:15 pm | Posted in Raaxada Guurka | 5 Comments

BAABKA AFRAAD

CAAFIMAADKA

GALMADA

ILA TALIYA OO INTEE JEER BAAN U TAGAA?

Waxaa mar kasta dhakhaatiirta u yimaada dad doonaya inay kala tashadaan inta jeer ee ay isu galmoon karaan iyadoon wax dhibaato ahi ku imaan caafimaadkooda. Ha yeeshee, lama helayo jawaab ku wada habboon dadka oo dhan, sababta oo ah bani’aadmigu waxa uu ugu kala duwan yahay rabitaanka jinsiga, sida uu ugu kala duwan yahay xagga da’da, awoodda, dareenka, iwm.

Waxaa la yiri: “Qofka caaqilka ahi waa kan saddex waxyaabood joogteysta, ha yeeshee aan badsan: Cuntada, socodka iyo galmada. Waxa kale oo la yiri: “Geedka ninku waa sida candhada xoolaha, haddii la liso wuu dararaa oo godladaa, haddii la daayana wuu guraa. Nin tilmaamaya siduu galmada u jecel yahayna wuxuu yiri: “Saddex baan la’iga maareyn karin: Hilib la cuno, hilib la koro (sida fardaha) iyo hilib hilib lagu liso (sida haweenka)”.

Nin baa asagoo wiilkiisa la dardaarmaya ku yiri: “Wiilkeeyow, dumar la xaajoodkood haku dheeraan yaanad ka xiisin ayana kaa xiisa dhicine, inaad ka joogsato adoo u jeellan baana laguu qaatay intay adoo jilcan ku jiidjiidi lahaayeen”.

Culimada Islaamka qaar uu Cali bin Abii-Daalib (RC) ugu horreeyaa waxay go’aamiyeen in ninku u galmoon karo xaaskiisa hal jeer afar iyo labaatankii saacba (habeen iyo maalin), inayba dhiig qabto mooyee, halka qaar kale ka gooyeen inuu afartii maalmoodba mar u tago, maadaama uu Alle afar dumar ah u banneeyay, hadduu caddaalad wax ugu qaybinayana ay mid waliba afartii maalmood maalin leedahay. Tiradaasi -bay leeyihiin- intaas wuu ka yarayn karaa ama ka badin karaa, ha yeeshee waa inuu xaaskiisa la tashadaa, il gaar ahna ku eegaa rabitaankeeda, inkastoon haween la harraad goyn karin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, labada ruux ee isqabaa waxa ay isu galmoon karaan mar kasta oo ay iska gartaan rabitaan iyo inay u dul-qaadan karaan galmada, iyagoon dareemin wax aan ka ahayn xoogaa yar oo daal ah oo yimaada kolka ay hawsha galmadu dhammaato. Tusaale ahaan, hadday galmadu dhacdo habeen, waxa lama huraan ah in daalka ka dhashaa uu baaba’o jiifka hortiis, subaxdiina labada ruux ay shaqadooda u baqoolaan iyaga oo ay ka muuqato firfircoonaan dheeraad ahi. Haddiise ay toosaan iyaga oo daal iyo tamar-darro la ildaran, jirkoodana meel waliba jaban tahay, ama ay dareemaan gaajo iyo lalabbo, amaba cajarrada oo uu culays ka saaran yahay, iyo weliba jilbaha oo xanuunaya. Waxaasi oo dhami waxay tusaale u yihiin in habdhiska taranku uu gudbay xuduuddii awooddiisa iyo qaaciddadii macquulka ahayd. Waxaad haddaba halkaasi ka garan kartaa in firfircoonaanta iyo caafimaad qabka maalintii ay daliil u yihiin inta jeer ee saxda ah ee la isu galmoon karo.

Waxaa jirta in ciyaaraha isboortiga, iwm., ay qayb libaax ka qaataan dhismaha jirka. Ragga feerka ciyaara mar kasta oo ay murqohoodu sii dhismaan, jirkooduna sii xoogaysto, xiniinyahoodu waa ay sii yaryaraadaan. Ragga caynkaasi ahi kolka ay gaboobaan ma tamar-darreeyaan, sababta oo ah waxa sii baaba’a qanjirradooda taranka. Ha yeeshee dumarka aan loo galmoon, jirkoodu waa uu kala daataa iyaga oo dhallinyaro ah, sababta oo ah ugxan-sidayaashooda ayaa joojiya soo saarista ugxanta.

Sida caadiga ah, kolka galmada hore ay dhex marto labada ruux ee isqaba, geedka ninku waa uu damaa, dabeetana waxa labada qof qabta wax aad lulo mooddo oo ah daal iyo macaan isku dheehan. Waxase jira rag kolka ay biyabbaxaan uusan geedkoodu damin, awoodna u leh inay mar labaad galmo sameeyaan. Ragga qaar baa saddex ilaa afar jeer oo isdaba joog ah biyabbaxa isagoon geedku ka damin, waxase aanu shaki ku jirin in mar kasta oo ay galmadu badato ay awoodda raggu sii yaraato, yaraatana xawada ay tuurayaan ilaa ay eber gaarto. Qanjirrada taranku si ay mar labaad u soo daayaan xawo bisil, waxay ugu yaraan u baahan yihiin toban saacadood. Sidoo kale dareenka macaansi ee ninku waa uu yaraadaa galmada labaad ama tan saddexaad kadib. Biyabbaxa (gariirka) naagtu isagu waa uu ka duwan yahay kan ninka, dhismeheeda oorganeed baana u oggolaanaya inay inta ay doonto galmo ka qayb qaadato.

Waxaa la arkaa in haweeneydu ay awooddo inay ninka hoos seexato oo uu ka xaaja guto, iyada oon gaarin heer kacsi ay ku biyabbixi karto, ha yeeshee haweeneyda caykaasi ahi kolka ay hoos jiifto gacalkeeda ay jeceshahay, waxay biyabbaxdaa 2-3 jeer intuusan isagu biyabbixin. Waxaa weliba la sheegaa in aanay haweeneydu ka daalin kacsi ilaa ay ka hoos istaagto ninkeeda, haddii iyada lala tashan lahaana ha la’isa saarraado ay oran lahayd habeenkaasi oo dhan.

FAA’IIDOOYINKA GALMADA:

Kolka ay galmadu ku dhacdo tabihii iyo tiradii looga baahnaa, waxa ay qofka u leedahay dhowr faa’iido:-

1- Jirka iyo maskaxda ayay firfircooneysaa.

2- Dareemayaasha ayay fududeysaa .

3- Madax wareerka ayay bi’isaa.

4- Waswaaska ayay qofka ka qaaddaa.

5- Waxay xoojisaa aragga, wanaajisaa wadnaha, kaalmeysaana qashin saarka kilyaha.

6- Dhiiggay cusbooneysiisaa.

7- Waxaa ku bogsada dadka balqanku faraha ba’an ku haayo.

DHIBAATOOYINKA GALMADA

Galmada oo uu qofku iska badbadiyo, jirkiisu inta uu xamili karo ka badanna ku khasbo dhibaatooyinka ka dhasha waxaa kamid ah:-

1- Maskaxda iyo murqaha ayay qallajisaa.

2- Fahmada iyo fudaydka ayay qofka ka qaaddaa.

3- Jirka iyo lafaha ayay daalisaa.

4- Cumriga qofka ayay soo dedejisaa.


GALMADA UURKA DABADIIS

Waxaa jirta in dheddiga xayawaanka aan caqliga lahayn kuwooda uurka lihi ay diidaan inuu labkoodu abaahiyo, ha yeeshee dhinaca bani’aadmiga arrintu taasi waa ay ka duwan tahay. U galmooshada hooyada uurka lihi wax dhibaata ah u geysan mayso iyada iyo uurjiifkeeda toona, waase hadday galmadaasi ku dhacdo jawi taxaddar iyo feejignaani ku dheehan yihiin, welibana la isticmaalo hababka galmo ee ku habboon. Rabitaanka dumarku xilliga ay uurka leeyihiin isku mid ma aha oo qaarkood waa uu kordhaa qaar kalena yaraadaa. Guud ahaan mar kasta oo ay dhalmadu soo dhowaato, waxaa kordha ka fekerka ay hooyadu ka fekereyso ilmeheeda yar ee soo socda, iyadoo isu diyaarineysa hooyanimo, sidaasi buuna rabitaankeedii jinsi si tartiib-tartiib ah isugu dhimaa.

Waxaa ragga looga digayaa inay haweenkooda u galmoodaan afarta usbuuc ee ka horreeysa dhalmada, sababtoo ah galmada xilligaas ahi si kasta oo ay nadaafadda ugu dadaalaan haddana waxay keentaa inuu cambarka galo jeermis khatar ahi. Cambarku kolka uu caadiga yahay waxa uu awood u leeyahay inuu dilo jeermis kasta oo dibadda kaga yimaada isaga oo adeegsanaya dheecaanno sun ah oo uu soo daayo. Ha yeeshee xilliga dambe ee uurka gidaarradiisu gebi ahaantoodba waa ay qallalan yihiin, oo dabacsan yihiin, diyaarna u yihiin dhalid. Waxaa intaa dheer dub-duleedka habdhiska taranka oo gebi ahaanba kala baxbaxaya, oo balballaaranaya, iyo xididdada ilma-galeenka oo iyana kala furfurmaya, jeermiskuna uu dabeeto si fudud ku geli karayo. Waxay weliba ugu sii daran tahay oo uu jeermisku haystaa fursaddii ugu fiicnayd waqtiga dhalmada, isaga oo jirka haweeneydu uu waqtigaasi tamar dhigayo, gabayana awooddii uu iskaga caabiyi lahaa cudurrada. Haddaba, waxa loo baahan yahay ah in xilligaasi aannu soo sheegnay laga fogaado fal kasta oo keeni kara jeermis dibadda ka yimaada, kaasi oo khatar gelinaya haweeneyda iyo uurjiifka labadaba.


GALMADA DHALMADA DABADEED

Cilmiga ummulisanimadu si aad ah buu u horumaray sanadahaan dambe, waxaana jira dhakhaatiir ku faana inay arrinkaasi ka gaareen guulo la taaban karo, iyaga oo sheegta inay u oggolaadaan haweenka ay umuliyaan inay dhowr maalmood dhalmada kadib billaabi karaan shaqooyinkoodii caadiga ahaa, iyo inay weliba raggooda kala qaybgeli karaan galmo haddii ay doonaan. Ha yeeshee taasi waxa weeye gef weyn oo ay gelayaan dhakhaatiirta caynkaasi ahi, sababta oo ah dhismaha jirka bani’aadmigu waa uu ka duwan yahay qalabka dad sameega ah ee sidii la doono laga yeeli karo mar kasta oo uu cilmigu hore u maro.

Marxaladda dhalmadu waa marxalad Bayolojiyeed oo isbeddello badani ay ku yimaadaan awoodda iyo maskaxda haweeneyda. Ilma- galeenku waxa uu u baahan yahay saddex usbuuc oo uu ku soo ceshado qaabkiisii hore (yaraado), kadib markuu uurjiifku ballaariyey. Sidoo kale qanjirrada naasuhu waxay u baahan yihiin laba usbuuc si ay ugu caana keenaan si buuxda. Gidaarrada calooshu iyana waxay u baahan yihiin nasasho iyo inay isku laab-laabmaan. Wadnaha iyo xididdada dhiigga qaadaa iyana sidoo kale si ay ugu soo laabtaan daryeelka jirka kadib usbuucyo badan oo ay xoogga saarayeen uurjiifka. Afka cambarku isna waxa uu u baahan yahay waqti ku filan si uu dib ugu soo laabto qaabkiisii hore (inay 1-2 farood geli karaan), kadib markuu kala ballaariyay madaxa dhallaanku. Dhaawacyadii luqunta ilma-galeenku iyana waa inay bogsadaan. Waxa weliba intaa dheer haweeneydii dhiigga faraha badani kaga baxay dhalmada oo u baahan waqti iyo daryeel aan yarayn si ay u soo kabato.

DHIIGGA NIFAASKA

Hooyadu kolkay ummusho waxaa ka yimaada dhiig lagu magacaabo (Nifaas), sida ay diinteenna Islaamku qabtana, kolka uu dhiiggaasi nifaasku ka dhammaado ayuun bay galmo kaqaybgeli kartaa.

Madhabta Shaaficiyada oo ay Soomaalida badankeedu ku dhaqantaa waxay qabtaa in muddada ugu yar ee uu dhiigga nifaasku socon karaa ay tahay hal tuurmo (dhiig halmar soo baxa), halka muddada ugu badani ka tahay lixdan maalmood. Dumarka badankooda waxa dhiigga nifaasku kaga dhammaadaa muddo afartan maalmood ah, waana halka ay Soomaalidu ka tiraahdo “heblaayo afartankii bay ka baxday”.

Dumarka badankoodu waxay aaminsan yihiin in kol hadday afartan maalmood kasoo wareegtay maalintay ummuleen ay waajib tahay inay qubaystaan oo salaad tukasho billaabaan, raggoodana galmo kala qayb galaan. Haddaba xaqiiqdu waxa weeye inay arrintaasi laba khatarood leedahay:

Waa mide, waxa laga yaabaa in haweeneyda uu dhiiggii nifaasku ka dhammaaday beri hore, oo ay ahayd inay intay qubaysato, salaadda tukato, ninkeedana isu diyaariso, sidaasina salaado badan oo waajib ahaa kaga tageen (waana inay soo qalleeyso), ninkeediina sabab la’aan rafaad u gelisay, haddaanuba dumar kale ka hunguriyeeyn.

Waa tan labaade, waxa laga yaabaa inay haweeneydu qubaysato markay afartan maalmood u dhammaadaan (siday caadadu ahaan jirtay), ha yeeshee dhiiggii weli ka socdo, caadadiina aanay weli ka dhammaan. Arrintaasi waxay markaasi keeneysaa inay xaaraan ku dhacdo, mar haddaan la oggolayn in haweeney nifaas qabta loo tago. Waxa kale oo ay keeneysaa dhibaato caafimaad ku timaada iyada iyo ninkeeda labadaba hadday sidaasi galmo uga qaybgalaan.

Dhiigga nifaasku marka uu bilawga yahay waxa uu leeyahay midab madow, muddo kedibna waxa uu noqdaa guduud, kedibna jaalle xigeen, sidaasi buuna midabkiisu isu sii beddelaa ilaa uu biyo oo kale ka noqdo, biyahaasi oo tilmaan u ah dhammaadka dhiiggii nifaaska, markaas oo intay haweeneydu qubaysato, dhar qurux badan lebbisato, isna carfiso, galmo iyo gadgaddoon u diyaar garowdo. Dumarka qaar kolka uu dhiigga nifaasku ka dhammaado, cambarkooda wax qoyaan ahi kama yimaadaan oo wuu qallalan yahay. Ha yeeshee marba hadduu dhiiggii istaagay waa inay haweeneydu qubaysato.

Waxa mararka qaar dhacda in dhiiggii istaagi waayo oo lixdan maalmood kabadan socdo. Haddaba markaasi oo kale waa inay haweeneydu qubaysataa oo tukataa, mar haddii lixdan maalmood la gudbay, maxaa yeelay markaas oo kale dhiiggaasi ma aha dhiig nifaas, balse waa mid ku yimid cillad caafimaad, una baahan dhakhtar iyo baaritaan

Guntii iyo gunaanadkii, waxaa shardi ah in dhiigga nifaasku istaago haddii la doonayo in ninka iyo haweeneydiisa la’isu oggolaado. Haddaba, hadduu dhiiggu ku istaago muddo gaaban, diinteenna Islaamku waxay qabtaa in la’isu galmoon karo. Ha yeeshee culimada diinta qaarkood iyo dhakhaatiirta caafimaadka intuba, waxa habboon bay leeyihiin in hooyada cusub nasasho la siiyo muddo dhowr usbuuc ah, intay wax waliba caadigoodii kaga soo noqonayaan.


CAAFIMAADKA XUBNAHA TARANKA

Qofka bani’aadmiga ahi waxa uu isticmaalaa xubnihiisa taranka kolka uu u galmoonayo la qaybsadaha noloshiisa ee uu ka dhex xushay kumanaanka qof ee uu la nool yahay. Haddaba sida maacuunta nadiifka ah iyo miiska sida wacan loo goglay ay u furaan abitaaytka qofka, ayaa loo baahan yahay in mid kasta oo kamid ah labada isdoortay uu u daryeelo xubnihiisa taranka si uu u soo jiito rabitaanka gacalkiisa.

CAAFIMAADKA XUBNAHA TARANKA NINKA

Ninku waa inuu xubnihiisa taranka (geedkiisa) biyo iyo saabuun ku mayro ugu yaraan hal jeer maalintii. Waa inuu galmo kasta dabadeed xubnihiisa si feejigan u mayraa, gaar ahaan kolka uu ka baqayo inuu jabto qaado, isaga oo ku dadaalaya inuu xubnahaasi ka ilaaliyo wax dhaawac ah.

Ragga qolfada laga gooyo (sida Muslimiinta iyo Yuhuudda) iyaga waxaa ku filan in marka ay qubaysanayaan saabuunta ku mayraan xubnahooda taranka, mar kasta oo ay kaadiyaan ama dumarkooda u galmoodaanna iyana si wanaagsan u mayraan. Waxaa haddaba lagugula dardaarmayaa in galmo kasta dabadeed aad geedkaaga biyo kulul ku mayrtid, kulayle iyo qaboobe xilligii la joogaba, maxaa yeelay waxaa la caddeeyey in biyaha qaboobi ay geedka ragga jilciyaan oo dilaan.

CAAFIMAADKA XUBNAHA TARANKA NAAGTA

Xubnaha taranka dumarku waxay u baahan yihiin in loo daryeelo si ka daran kana feejigan kuwa ragga sababta oo ah. Xubnohooda taranka waxaa ku hoos jira qanjirro soo daaya dhidid iyo dheecaanno keena ur laga dido. Qolfada kintirku sida tan geedka ninka aan la gudin oo kale ayay usoo deeysaa dareere si dhaqsa ah isu beddela, si aad ahna usoo ura, kaasi oo loo yaqaan (baaro = dooro) Cambarku waxa uu soo daayaa dareere aysiidh ah oo hadduu xaddigiisa dhaafo jirka iyo dharkaba halleeya. Afka daloolka kaadidu waxa uu ku yaal meel dedan, taasi oo keenta in dhibco kaadi ahi ay ku hooraan cambarka, keenaanna inuu uro.

Cambarku waxa uu xiriir la leeyahay micnaha quruxda, ninkuna kolka ay haweeneydiisu isu dhiibto oo ay hor dhigto, waxa uu cambarka u eegaa sidii isaga oo hor fadhiya shey xurmo mudan. Lama xisaabi karo inta dumar daqiiqaddaasi ku waayey jacaylkii gacalkoodu u qabay, sababta oo ah “Albaabkii Jannada” ee uu wax badan dhawrayey baa kolkuu kala furay qurmoon aanu filayni kaga soo baxay.

Hooyada waxaa xil gaar ahi ka saaran yahay hubinta nadaafadda xubnaha taranka inanteeda yar kahor intaanay qaan-gaarin iyo kadib intaba. Kolka ay gabadhu qabto cudurro sida jabtada oo kale ah, waa in si dhaqsi ah loo daaweeyaa. Gef weyn bay ku tahay ehelka inaanay xil iska saarin daryeelka xubnaha inantooda iyaga oo ka baqaya inay ka xumaato amaba ay ku kacsato taataabashada goobahaasi, natiijaduna waxay markaasi noqonaysaa siday qiyaasayeen si ka duwan, maadaama dareeraha ka yimaada cambarka ee ay daryeel la’aani keento ama cudur sida jabtada oo kale ahi uu keenaa yahay kan isagu kiciya dareenkeeda jinsiyeed kuna dhaliya kacsi iyo gariir joogta ah.

Hooyada waxa la gudboon inay inanteeda ku baraarujiso sidii ay nadaafadda ugu dadaali lahayd gaar ahaan xilliga caadada, fahamsiisana in mustaqbalka haweeneydu uu ku xiran yahay nadaafadda jirkeeda, haddii ay ku dadaashana aanay farxad gelineyn nafteeda iyo dadka la nool oo qura, balse ay damaanad qaadayso mustaqbalkeeda, fahmeysana ugu dambeynta in maalinta ay adduunka ugu farxadda badan tahay ay tahay maalinta ay xabadka u furto gacalkeeda, una soo bandhigto jir qurux, udug iyo soo jiidasho badan, qiimayn iyo qaddarinna mudan. War nin yahaw heedhe intaas oo sanadood baad Yurub, Carab iyo meel walba mareeysaye maxaad mid waloo cad u guursan weyday, waa adigaan Soomaaliya iyo carri aad waa hore ka dhooftay guur usoo doontaye? Saaxiibow waa runtaayoo waan soo arkay dumar badan oo cadcad, welibana quruxdooda haddaad indhaha saartid aad halkaaga iskula shubeysid, guurna igu baryayey, ha yeeshee naagihii Soomaalida ka sokow afkii, dhaqankii, diintii iyo dhiiggii oo aynu wadaagno, waxa aan marnaba lagu gaareynin tii nadaafad ahayd.Waa sheeko dhab ah oon dhif iyo mar la’arag ahayn, aniguna shakhsi ahaanteyda waxaan sheekadaasi mid la mid ah ka maqlay nin ajnabi ah oo gabar Soomaaliyeed qaba. Arrinkaasi runtii waa mid ay haweenka Soomaalidu ku ammaanan yihiin, annaguna haddaynu raggii nahay ku faani karno.

Haweeneydu waa inay xubnaheeda taranka mayrto maalintii ugu yaraan hal jeer, markaasi oo intay kaadi-haysta faaruqiso, ay dabeeto ku mayrto biyo kulul iyada oo isticmaaleysa gabal saabuun ah oo loogu talagalay. Dabeeto waa inay xubnahaasi ku qallajisaa shukumaan ama gabal mara ah oo u gaar ah, isticmaashaana boolbire. Waxaana intaa dabadeed haboon inay goobtaasi ku carfiso (Deodorant) oo ah barafuun udgoon isla markaasina shiir bi’iye ah. Fiiro gaar ah: Haweenka Soomaalida qaar baa aad nadiif u ah kolkay arrintu jirkooda joogto, ha yeeshee aan xil sidaasi ah iska saarin nadaafadda guriga ay ku noolyihiin iyo tan jikada ay wax ku kariyaan intaba. Jikadu gaar ahaan, waxa weeye halka ugu muhiimsan ee dumarka ajnabiga ahi ay kaga libin heli karaan dumarka Soomaalida, haddii nadaafad lagu beretamo. Maacuunta, gidaarrada iyo daaqadaha jikada oo aan sidii loo baahnaa loo nadiifin, daaqadaha qolalka gaar ahaan qolka jiifka iyo kan carruurta oon la nadiifin, si maalinle ahna aan loo furin si hawadu isu beddesho nakhaskuna uga baxo, dharka carruurta oo inta la mayro, dabeeto meel lagu raseeyo iyadoon la kaawiyadeyn iwm., waa sifooyin ay kasiman yihiin guryo badan oo Soomaaliyeed. Dumarka Soomaalidu waa inay haddaba waxyaabahaasi oo dhan u fiiro yeeshaan, waa hadday doonayaan in koobka nadaafadda aanay cidi kula beretamin.


5 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. Ascww all muslims melkasta oo ay jogan wad salaman tihin mar labad bugan wankahelay wayo wax yalo badan oo bugdi iga jiray ayaa hada ii iftimay marka wad mahad san hay sxbkeyga isku mash quliyay bugan

  2. haye adiga

  3. asw salaan qaaliya kadib waxaan u mahadnaqayaa bogan iyo soo diyaariyaasha mawduucan muhiimka u ah bulshadeena af ka soomaaliyeed ku hadasha guud ahaan sigaara dhalinta yar ee u baahan wax haga.
    waxaan leeyahay jaakumu laahu khayran kariisan halkaa kasii wada.

  4. salaan ka did,,,, waan idiinka mahadcelinayaa sida aad bulshadiina isugu xil qaamteen,iyo ururinta macluumaatka wax ku oolka ah.
    waxaan jeclaan lahaa in aad wax iga tiraahdaan nin saaxiibkay ah oo ka cabanaya wax qabadka xubintiisi taranka oon si fiican u shaqaynayn,,micnaha bilowga hore wuu kacayaa laakiin dhaqso ayuu u damayaa inti aysan wax ka imaan(biyo) fadlan maxaad kula talin lahaydeen in uu sameeyo. dhaqtar waa uu tegay baaritaan lagu sameeyayna waxaa la yiri jirkaadu waa caadi.saaxiibayaal iga soo talo siiya.,,,,. mahadsanidin

  5. Wllo anigu weligey wax ma wasin kacsina IMA qabto waa maxay sababtu mahadsaniiid


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: