Raaxada Guurka VII

July 1, 2007 at 2:26 pm | Posted in Raaxada Guurka | 6 Comments

BAABKA TODDOBAAD

UURAYSIGA IYO

MADHALAYSNIMADA

MACLUUMAAD GUUD

Mowduuca uuraysiga iyo madhalaysnimadu waa mowduuc aannu is leennahay aad iyo aad buu ahmiyad ugu leeyahay cid kasta oo Soomaali ah oo doonaysa inay guri degto ubadna daadihiso, maxaa yeelay waxaa ku jira macluumaad hadduu qofku fahmo uu kaga maarmi karo dhakhtar raadin iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee daba jiitamaya, kol hadday ummaddu isaga badan tahay taagooley aan xitaa bixin karin kharashka wiisitada intaanan daawaba laysla gaarin. Haddaba annaga oo mowduuca dib ka quusi doonna, bal marka hore aan ku billowno macluumaad guud oo ku saabsan jinsiga.

XAWADA

Xawadu (Manidu) waa walax duuf ah oo uu ninku ku tuuro ilma-galeenka xaaskiisa kolka uu gaaro heer biyabbax. Xawadu kolka ay soo baxayso waxay leedahay midab jaalle xigeen ah oo u eg casaanka ukunta, ha yeeshee waxay dareere dhegdheg ah isu beddeshaa kolka ay hawadu ku dhacdo. Waxa kale oo ay leedahay ur gaar ah oo uu sababo dheecaanka borostaatku.

Xawadu waxay si joogta ah ugu samaysantaa labada xiniinyood laga billaabo xilliga qaan-gaarnimada (13-15 jir), waxanay ka samaysan tahay madax ay ku jiraan Hiddo-sideyaal (Genes), iyo dib u fududeeya inay dhaqdhaqaaqdo. Xawadu waxay ku noolaan kartaa gudaha habdhiska taranka naagta muddo afar maalmood ah.

Halkii tuurmo oo xawa ahi waxay u dhigantaa 3-6cm oo saddex jibbaaran ama 220-300 milyan oo unugyo jinsiyeed (Sperms) ah.

Xawadu intaanay ka bixin jirka waxay soo martaa masaafo aad u fog oo ku dhow laba mitir oo dherer ah. Kolka istiinku uu gaaro heerka ugu sarreeya, geedka ninku waxa uu tuuraa shan ilaa siddeed tuurmo oo xawo ah isaga oo sidaasi kaga takhallusaya wax kasta oo ku jira.

CAADADA

Qanjirrada taranka ee ninku waxay maalin kasta si aan kala go’ lahayn u soo daayaan malaayiin unugyo jinsiyeed ah, ha yeeshee jirka haweeneydu taa waa uu ka duwan yahay. Haweeneyda qaan-gaarka ahi waxay leedahay keyd dhan dhowr kun oo ugxan aan bislayn, ahna kii ay weligeed isticmaali lahayd. Haddaba 26-28 maalmood oo kasta waxay haweeneydu soo deysaa hal ugxan oo bislaata bartamaha wareeg caado oo kasta, gaar ahaan maalinta 15aad marka dib loo soo tiriyo caadada xigta. Ugxantu ayadoo bisil ayay kasoo baxdaa ugxan-sidaha, diyaarna ku noqotaa luqunta ilma-galeenka (Cervix of Uterus), haddii aan muddo go’an gudeheed lagu faxlinna jirku waa uu iska soo qashin saaraa ayada oo uu la socdo xoogaa dhiig ahi, hawshaasi oo loo yaqaan (Caado).

Caadadu waxa ay ka kooban tahay afar marxaladood oo marxalad waliba ay hal usbuuc qaadanayso:

Usbuuca koowaad ee ka dambeeya joogsiga dhiigga caadada, mid kamid ah labada ugxan side ayaa soo daaya hal ugxan.

Usbuuca labaad ugxantu waxa ay ka soo baxdaa ugxan sidaha. Inta badan haweenku ma dareemaan ka soo baxaasi, ha yeeshee qaar tiro yar baa xanuun aan sidaa usii badnayn dareema.

Usbuuca saddexaad ugxantu waxay soo martaa makaroofanka (Buuqa).

Usbuuca afaraad haddii aan ugxantaasi la faxlin waa ay dhimataa, isla markaasi gidaarka ilma-galeenku waxa uu soo tufaa dhiig iyo dareere kale oo ku dheehan ugxantii dhimatay, gebi ahaantoodna waxay ka soo baxaan afka cambarka waxaana markaasi loogu yeeraa (Dhiig caado).

Dumarka boqolkiiba konton (50%) dhiiggooda caadadu waxa uu u dhexeyaa 25-75 garaam.

Haweeneyda caadada qabta waxa la gudboon inay ku dadaasho nadaafadda iyo isku bed-beddelashada dharka, mar kastana isticmaasho boolbire. Waa inaysan sariirta isku tuurin kolka ay caadadu ku dhacdo, balse ay isdaryeeshaa gaar ahaan labada maalmood ee ugu horreeya.

waxaannu soo sheegnay in 26-28kii maalmoodba mar caadadu timaado, waxase jirta in mararka qaar isbeddel yari ku yimaado muddadaasi oo ama ay 26 ka yaraato ama 28maalmood ka badato, haddiise isbeddelkaasi uu usbuuc ka bato, waxay taasi ku tusaysaa inuu jiro cudur dhakhtar u baahani. Dhiigga caadadu waxa uu socdaa maalin ilaa toddoba maalmood, haddiise muddadaasi ay ka yaraato maalin ama ka badato usbuuc waxa uu noqonayaa mid aan caadi ahayn oo dhakhtar u baahan. Waxyaabaha gooya ama dib u dhiga dhiigga caadada waxa kamid ah: Isbeddelka jawiga, ka guurista xeebta oo loo guuro magaalada bartamaheeda ama lidkeed, ka guurista ban ilaa buur ama tuulo ilaa magaalo, beddelista waqtiyada cuntada, ku qubaysashada biyo qabow, ciyaarista isboortiga, xanaaqa faraha badan, cabsida iwm. Waxa weliba intaa dheer in inantu kolka ay qaangaarayso ayaamaha dhiiggeeda caadadu aysan habeysnayn.

Dhiigga caadada soo dhowaanshihiisa dumarka qaar baa ku garta calaamado ay kamid yihiin: Calool xanuun, daal, indhaha dushooda oo culays ka fuulo, shuban, madax xanuun, tamar darri iyo suuxdin, iwm., haddiise ay gabadhu dareento xanuun aan loo adkeysan karin waxa markaasi habboon inay dhakhtar la tashato.

Xanuunka ka yimaada caadada waxyaabaha kahortaga waxa kamid ah tarbiyadda wanaagsan. Waxa nalooga baahan yahay haddii aynu nahay waalidiinta carruurta koriya in aynu u sharraxno hablaha inta ay yaryar yihiin wax kasta oo ay la kulmi doonaan mustaqbalka, si aysan kedis ugu noqon oo aanay uga welwelin caadadaasi iyo dhiigga la socda. Kolka aannu inanta kala hadlayno caadada ku dhacday markii ugu horreeysay, waa in aynu ku waaninnaa waanadan oo kale: (Caadadu ma aha cudur ama ceeb, balse waxay ku tusaysaa inad qaangaartay. Hadda laga billaabo waxaad gudahaaga ku qaadi doontaa bu’dii uu ka uunmi lahaa uurjiifku. Waxaad ogaataa in aad weynaatay ood mar dhow noqon doonto haweeney, kolka aad si wanaagsan u kortana aad carruur dhali doonto. Haddaba farax oo ducayso markasta oo ay caadadu kaa timaado, hana u aabayeelin xanuunnada yaryar ee ay keento. Dhiigga aad arkaysaa ma aha wasakh sida ay ku doodaan kuwa jaahiliinta ahi, balse waxa weeye mid caafimaad, waana hoore cunto u noqon doona carruurtaada berrito. Haddaba ka soo qaad ayada oo ay caadadu kuu tahay ballanqaad laguu ballan qaadayo farxad soo socota taasi oo ah hooyonnimo).

Inantu waxay marka ugu horreeysa caada keentaa kolkay 11-12 jirsato, waxase laga yaabaa inay da’daasi dib uga dhacdo taasi oo ku xiran jawiga ay ku kortay, cuntada ay cunto, iwm., ha yeeshee haddii ay 18 jir dhaafto iyada oo aanay weli caado ka imaan waxa markaasi habboon inay dhakhtar u tagto.

DHAXLIDDA ASTAAMAHA

Qof kasta oo bani’aadmi ahi waxa uu ka unkamaa hal unug oo lagu magacaabo (Bu’da bacrimane), taasi oo ka dhalata kolkay is galaan iskuna baaba’aan xawada ninka iyo ugxanta naagtu. Unuggaasi waa uu qaybsamaa asagoo u kala jeebmaya laba unug oo isla eg, dabeeto afar, dabeeto siddeed unug…ilaa uu ka samaysmo qof bani’aadmi ah oo ka kooban kumanaan unugyo ah.

Bu’da unugga ayaa ah halka uu qaybsanku ka dhaco. Bu’da waxa ku dhex jira koox miiqyo ah oo isku dhex miliqsan looguna yeero Koroomasoomyo (Chromosomes). Unugga jirka bani’aadmigu waxa uu ka koobanyahay 46 koroomasoomyo oo lambar labaysan (laba saf oo kiiba 23 koroomasoom ka kooban yahay).

Koroomosoomyada waxaa ku dul tixan Hiddo-sideyaal (Genes) ah kuwa iyagu xaddida astaamaha ruux kasta oo inaga mid ah u gaar ah ee lagu garto. Astaamaha sida; dhererka, midabka dubka, midabka indhaha, iwm., waxa xukuma laba qindi hidddo-side ama isku jaad ah ama isku liddi ah, kagana raran labada koroomasoom ee lambarka labeysan laba meelood oo iska soo horjeeda. Labadii qindi hiddo-side ee isku jaad ahi, astaan mideysan ayay toos ugu gudbiyaan tafiirta. Labadii qindi hiddo-side ee isku liddi ahi waxay kala xukumaan laba astaan oo isku liddi ah, mid uun baana tafiirta u gudubta (shiiqiye) iyada oo tan kale la qariyo (shiiqsane).

Haddii aynu maykariskoob ku eegno waxaynu arkaynaa in qindi kasta oo koroomasoomyo ahi isaga mid yihiin xagga qiyaasta dhererka iyo muuqaalka, marka laga reebo qindiga 23aad oo isaga koroomasoomyadiisu ay ku kala geddisan yihiin xag muuqaal iyo xag dherer intaba. Labadaa koroomasoom ee dambe mid baa dheer, dhumucda madaxiisuna weyn tahay, waxaana loo yaqaan X, midna waa uu gaaban yahay, dhumucda madaxiisuna yartahay, waxaana loo bixiyay Y. 44ka koroomasoom ee qindi-qindiga isugu jaadka ah waxa loogu yeeraa koroomasoomyo jireed, halka labada koroomasoom ee X iyo Y looga magacaabo koromasoomo jinsiyeed.

Xawada ninka iyo ugxanta naagta midkiiba waxa uu ka kooban yahay unug koroomasoomyo jireed (46 koromasoom oo lambar labaysan) barkii (23 koroomasoom oo lambar baran ah), waxaana lagu magacaabaa unug koroomasoomo jinsiyeed. Kolka haddaba ay midoobaan xawada iyo ugxantu iskuna baaba’aan, waxay yeeshaan tira buuxda oo koromasoomo ah (46 koromasoom oo lambar labaysan ah). Haddaba 46ka koroomasoom ee ay sidaan unug jireedyadu, 23 koroomasoom kamid ahi waxay ka yimaadaan xawada aabbaha, 23ka kalena ugxanta hooyada. Sidaasi daraadeed, astaamaha qofka lagu suuraadiyo barkood wuxu ka helaa aabbihii, barka kalena hooyadii.

Kolka ugxan iyo xawo isu yimaadaan oo is galaan ayay abuuraan Bacrimane (Zygote) oo ah uur bilawgii. Naagta unug jinsiyeedkeedu waxa uu ka kooban yahay 22 koroomasoom + hal koroomasoom oo dheer, waxaana loo soo gaabiyaa (22+X.). Ninku waxa uu leeyahay isagu laba nooc oo xawo ah:

Nooc ka kooban 22 koroomasoom + hal koroomasoom oo dheer (22+X) loona yaqaan (xawo X).

Nooc ka kooban 22 koroomasoom + hal koroomasoom oo gaaban (22+Y) loona yaqaan (xawo Y).

Labada nooc xawo ee aynu soo sheegnay waxaa ka imaan kara laba nooc oo bacrimin ah:

Xawada (22+X) oo la kulanta ugxanta (22+X) gabarina ka dhalato (44+XX).

Xawada (22+Y) oo la kulanta ugxanta (22+X) uuna wiil ka dhasho (44+Y).

Sidaasi buu nooca ubadku ugu xaddidmaa daqiiqadda ay dhacayso bacrimintu. Saa darteed, cilmi ahaan cidda ka mas’uulka ah nooca ubad ee dhalanayaa waa ninka iyo xawadiisa, oo hadday xawadu tahay X waxa ka dhalanaysa gabar, haddiise ay tahay Y waxaa ka dhalanaya wiil. Haddaba waxaynu halkaasi ka garan karnaa in haweeneyda iyo ugxanteedu aanay wax door ah ku lahayn xaddidaadda nooca ubad ee dhalan doona, waana macluumo loo baahan yahay inay ogaadaan ragga ku eedeeya mararka qaarna kuba fura haweenkooda gabdho ay dhaleen aawadood. Tan kale, miyaanay ragga caynkaas ahi akhrin Aayadahaan:

}Eebbe asagaa iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, wuxuu abuuraa wuxuu doono, cidduu doono wuxuu siiyaa gabdho, cidduu doonana wiilal. Amaba wuxuu isugu daraa wiilal iyo gabdho, cidduu doonana waxa uu ka dhigaa madhalays, isagaa wax og, awoodi karana{ (Suutar As-Shuuraa: 49, 50).

BACRIMINTA

Halkii jeer ee ay galmo dhacdo, waxaa gudaha cambarka gala qiyaastii 300 milyan oo xawo ah, ha yeeshee dhowr boqol oo qura ayaa gaara ugxanta. Xawadu intaanay ugxanta gaarin waa inay cambarka ka gudubtaa. Cambarka gudihiisa waxa ku badan Aysiidha, xawaduna waxay u baahan tahay jawi Alkali ah , Aysiidhuna ku yartahay.Waxaa markaa lama huraan ah inay xawo aad u fara badani halkaasi ku xasuuqmayso. Xawadii intay ka badbaaddo xasuuqaasi, dareeraha duufka ah haleesha ayuun baana gaaraysa ugxanta oo bacriminaysa.

XAWADA WIILKA IYO TAN GABADHA

Waxaynu hore u soo sheegnay in xawadaY ay tahay ta uu wiilku ka dhasho, halka X ay tahay ta ay gabadhu ka dhalato. Waxase jira waxyaabo kale oo ay ku kala duwan yihiin labadaasi nooc ee xawo:

Xawada X waa ay ka madax ballaaran tahay xawada Y.

Tirada xawada Y waa ay ka badan tahay tirada xawada X.

Xawada Y waa ay ka firfircoon tahay ta X, ha yeeshee waa ay ka keyd yartahay, sidaa daraadeedna ka hordhiman ogtahay.

Xawada X waa ay kaga adkeysi badan tahay ta Y Aysiidha cambarka.


UURAYSIGA

Xawadu kolka lagu tuuro cambarka, waxay isugu tagtaa guntiisa meel u dhow afka ilma-galeenka oo isagu soo daaya dareere xawada ugu dul meereysta sida ay shinnidu buulkeeda ugu dul meereysato, dabeetana u kaxaysta dhanka afka ilma-galeenka. Masaafada u dhaxaysa halka ay ugxantu taallo iyo afka ilma-galeenku waxay dhantahay 150 cm., muddada ay xawadu u socoto halkaasina waxay u dhigantaa muddada uu nin lugaynayaa ku jari karo masaafo 8 km ah. Waddadaasi u dhaxaysa ugxanta iyo afka ilma-galeenku waa mid jiirooyin badan, waxaana ku yaal qanjirro iyo maqaarro badan oo laalaaban, kuwaasi oo wiiqa socodka xawada oo isaga lagu qiyaasay o.333 mm/sec.

Xawadu waxay u baahan tahay muddo 5 – 7 saacadood ah si ay u jarto masaafada u dhexeysa cambarka iyo (makaroofanka), halkaasi oo ay ugxantii ku sugayso. Haddaba suuragal ma aha inuu faxal dhaco waqtigaasi kahor, welibana mararka qaar waqtigu intaasi waa uu ka badanayaa, sababta oo ah waxaa kulmaya ugxantii oo aad u yar iyo xawadii oo aan haysan waddo toos ah. Xilligaasi xawadu waxay u muuqataa sidii ciidanka gargaarka degdegga oo raadinaya nin ku dhex lumay buuro aan sahal lagu dhex mari karin.

Maadaama jirka haweeneydu uu diirran yahay, qoyan yahayna, waxaa suuragal u noqonaysa xawada inay ku dhex noolaato muddo laba ilaa afar maalmood ah iyada oon lumin awooddii faxlista. Xawadu waxay ka tagtaa labada makaroofan gashaana gudaha caloosha, dabeetana hareereysaa ugxansidaha, iyada oo raadinaysa meel ay u marto ama ay suuragal tahay inay ugxantu ka soo baxdo, waxaanay saacado badan u sugtaa imaatinka ugxanta sidii eeyo ugaareed oo hor fadhiya god bakayle.


GOORMA AYAY BACRIMINI DHICI KARTAA?

Si aynu su’aashaasi uga jawaabno aynu derisno afartaan xaaladood:

Hadday galmo dhacdo muddada u dhaxaysa maalinta ay haweeneydu ka qabaysato dhiigga caadada, ilaa iyo afar maalmood kahor maalinta ay ugxantu diyaarka u tahay in la faxlo, xawadii waa ay dhimanaysaa intaanay la kulmin ugxantii, maadaama aanay noolaan karin wax ka badan afar maalmood, sidaasi daraadeed bacrimini ma imaan karto.

Hadday galmo dhacdo afar maalmood ilaa iyo maalin kahor xilliga ugxamaynta, xawada inteeda badani waa ay dhimataa, qaar baase gabbaadin ka dhigta raacana dareeraha duufka ah, halkaasina ku suga soo bixitaanka ugxanta. Markii muddo la joogaba qaar xawadii kamid ah ayaa dibadda u soo baxa si ay bal u hubiyaan inay ugxantii soo baxday iyo in kale, halkaasina ay Aysiidha cambarku qaar kale kaga leysaa. Ugu dambeynta hal xawo ayaa laga yaabaa inay nasiib u yeelato inay ugxantii la kulanto, halkaasina ku bacrimiso. Xawada qura ee ay suuragal tahay inay wax bacrimiso waa nooca X, maadaama aanay Y muddada intaa la’eg noolaan karin keyd cunto iyo adkaysi yaraan aawadood.

Haddii la isu galmoodo maalinta ugxamaynta ilaa iyo 24ka saac ee xiga, ugxanta ayaa ah markaasi tan iyadu sugaysa inay xawadu u timaado, sidaasina bacrimintii ku dhacdaa. Xawada wax bacrimin karta xilligaasi waa Y, maadaama ay ka firfircoon tahay X, kagana hor marayso ugxantii oo diyaar ah.

Haddii la isu galmoodo kolkay 24 saac ka soo wareegto ugxamaynta iyo wixii ka dambeeya, nasiib darro ugxanta oon noolaan karin wax ka badan 24 saac aawadeed, ayay intay quusato murugo u dhimataa.

Waxaad halkaasi ka garan kartaa in muddada ah afar maalmood kahor iyo 24 saac kadib maalinta ugxamayntu ay tahay waqtiga ugu habboon ee bacrimini dhici karto.

Su’aashii aynu mar dhoweyd ka jawaabnay haddaynu si kale isu weydiinno, qaab kalena uga jawaabno, waxay noqonaysaa sida tan:

GOORMA AYUU UUR IMAAN KARAA?

Baaritaanno ay sameeyeen culimo fara badan oo ku xeel dheer cilmiga caafimaadka gaar ahaan cudurrada dumarku, waxay caddeeyeen in ugxantu ay ka tagto ugxansidaha 15 maalmood kahor caadada xigta, ama haddaynu si kale u niraahno maalinta 15aad kahor inta uusan imaan dhiigga soo socdaa. Sidaasi bay haddaba ku xaddidi kartaa islaantu wareegga dhiiggeeda caado, iyada oo taasi ka tixraacaysana ay sii sheegi kartaa goorta ay ugxamayn doonto.

Waxaynu hore usoo sheegnay inay xawadu jirka haweenta ku jiri karto muddo (48) saacadood. Haddaba haweeneyda wareeggeeda caado uu yahay 26 maalmood oo kasta, waxaa la faxli karaa inta u dhexeysa maalinta 9aad ilaa 13aad, iyada oo loo eegayo xisaabtaan:

26 – 26 –

15 = 15 =

__ __

11 – maalinta ugxamaynta 11 + maalinta ugxamaynta

02 = intay nooshahay xawadu 02 = nolosha ugxanta

______ ______

09 maalinta ugu horreysa ee ay 13 maalinta ugu dambeysa eey

faxlisi dhici karto faxlisi dhici karto

Muddada ay suuragal tahay inay faxlisi dhacdo

Waxaa intaa dheer inay suuragal tahay inay ugxantu hor marto ama dib dhacdo laba maalmood, sidaasi bayna dhakhaatiirtu ugu dareen muddadaasi aynu soo sheegnay 2 * 2 = 4 maalmood oo kale oo ka dhigan waqti nabad gelyo.

09 – maalinta sagaalaad 13 + maalinta 13aad

02 = muddo nabad gelyo 02 = muddo nabad gelyo

__ __

07 maalinta ugu horreysa 15 maalinta ugu dambeysa

ee ay faxlisi dhici karto ee ay faxlisi dhici karto

Muddada ay suuragal tahay inay faxlisi dhacdo


Sidaasi bay haweeney kasta oo wareegga caadadeedu uu yahay 26 maalmood ay uur ku qaadi kartaa inta u dhexeysa maalinta 7 – 15aad kolka laga soo tiriyo maalintay caadadu ku dhacday. Haweeneyda caadadeedu 27ka maalmood tahay waxay uur qaadi kartaa inta u dhexeysa maalmaha 8 – 16aad. Tan 28ka maalmood 9 – 17, tan 29ka 10 – 18, tan 30ka maalmoodna waxaa suuragal ah inay uur qaaddo inta u dhexeysa maalinta 11aad iyo maalinta 19aad laga soo billaabo maalintii ay ka timid caadadii ay ka qubaysatay.

Haddaba maxay samaynaysaa haweeneydu si ay u garato maalmaha ay uurka qaadi karto?. Jawaabtu waxa weeye:

Waxay si sax ah oo jadwalaysan muddo dhowr sanadood ah u qoraysaa taariikhda ay caadadu ka timaado.

Iyada oo jadwalkaasi la kaashaneysa waxay ogaaneysaa taariikhda caadada soo socota.

Taariikhdaasi waxay ka tuuraysaa 15 maalmood, dabeetana waxaa soo baxaya waqtiga ugxan jiifka.

Si ay wax farqi ah oo dhici kara uga hor tagto waa inay ku dartaa waqtigaasi laba maalmood oo ka horreeysa iyo laba ka dambeeysa, sidaasina uu waqtigu ku noqonayo shan maalmood.

Shantaasi maalmod waxay ku daraysaa 2 * 2 = 4 maalmood oo kale, iyada oo laba maalmood oo kamid ah laga soo qaadayo inay xawadu gaartay kahor waqtigii la filayey, labada maalmood oo kalena ay noolaan karto kadib waqtigii la filayey inay noolaato, sidaasi bayna haweeneydu ku uuraabi kartaa oo qura 9 maalmood oo ku jira bartamaha bisha caadada.


KHALKHALKA JADWALKA CAADADA

Waxaa marmar dhacda in ay caadadu ka soo hormarto ama ka dibdhacdo waqtigeedii. Haddaba waxyaabaha khalkhalka geliya jadwalka caadada waxa ugu horreeya kuwa soo socda:

Cudur ku dhaca haweeneyda (cudur caadi ah).

Uurka, dhalmada, dilanka iyo cudurrada haweenka.

Jawiga oo isbeddela, sida gabadhii ku noolaan jirtay magaalada oo u guurtay tuulo iyo taasi lidkeed.

Jirka oo daal ba’ani ka haayo, sida kan ka dhasha socdaalka dheer, guuritaanka, cayaaraha isboortiga, iwm.

Shaqada oo isbeddesha sida guri joog noqotay teeb garaacdo.

Welwel, baqdin ama naxdin fara badan sida kuwa ka dhasha geeri ku timaada xubin ehelka ka tirsan ama saaxiib, mehersiga, guurka, iwm.

Waxyaabahaasi aannu soo sheegnay haddii ay ku dhacaan nuska hore ee wareegga caadada, waxa dhacaysa in isbeddel ku yimaado dib u dhiga ama soo hor mariya caadada. Si haddaba looga hor tago khalad kasta oo dhici kara, waa inay haweeneydu degsataa jadwal tusaya waqtiga ay caada bileed kastaa bilaabato. Iyada oo jadwalkaasi ka tix raacaysa, haddii ay ogaato in wareeggaasi uu habaysan yahay, dusha ayaabay ka qaybi kartaa, waxaana markaasi suurtagal noqonaysa inay awood u yeelato inay sii sheegto waqtiga ay bil kasta ugxamayn doonto. Waxay markaasi qoraysaa waqtiga kuna daraysaa afar maalmood oo ka horreeysa iyo afar ka dambeeysa, si ay u hesho (9)ka maalmood oo ay suuragal tahay inay uur qaaddo. Kolka ay caadada xigtaa timaadana, waxay ka tuuraysaa (15) maalmood si ay u hubsato inay saxsan tahay iyo inkale.


CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH

Waxaa jira dhowr calaamadood oo lagu garto inay haweeneydu uur qaadday, ha yeeshee calaamadahaasi middoodna keligeed kuma filna inay tusaale cad u noqoto jiritaanka uurka, balse waa in la helaa iyaga oo isku duuban si loo hubiyo in uur jiro.

1- Caadada oo istaagta:- Calaamooyinka lagu garto uurka bilawga ah tan ugu caansan, uguna saxsani waxa weeye caadada oo joogsata. Ha yeeshee, haddii ay dhacday faxlistu waxyar kahor imaatinka dhiigga caadada, waxa suuragal ah inuu dhiiggaasi caadadu soo laabto bisha dambe, sababta oo ah xawadii u gudubtay ilma-galeenka ayaa dul meereysanaysa ugxan-sidaha iyada oo sugaysa ugxan soo baxda, taasi oon soo baxaynin ilaa ilma-galeenku dubka rogto xilliga caadada. Haddaba waxaa laga yaabaa inay galmadu dhacday kahor dhiigga caadada, ha yeeshee faxlistu ay dhacday dhiiggaasi kadib. Arrintaasi dumarku ma garanayaan mana rumaysanayaan, iyada oo middood kolka dhakhtar ku yiraahdo uur ayaad leedahay, ku qaylisa (suuragal ma aha , caadaaba iga timid galmadii kadib eh sideen uur ku yeelan karaa?). Waxaa marmar dhif ah dhacda in dumarka qaar ay dhowr jeer caadadu ka timaado inta ay uurka leeyihiin, ha yeeshee sida caadiga ah caadadu waa ay istaagtaa kolka uurku billowdo. Guud ahaan haweeneyda uu waqtigeeda caadadu u jadwalaysan yahay waxay xaq u leedahay inay isu qaadato qof uur leh kolka uu dhiiggu ka soo daaho waqtigii uu ka imaan jiray.

2- Matagga subaxdii:- Matagga subaxdii ay haweeneydu matagto waa calaamadda labaad oo lagu garan karo uurka. Uurjiifku waxa uu ka samaysmaa ugxanta hooyada iyo xawada aabbaha. Haddaba maadaama dhismaha borotiineed ee xawadu uu ka duwan yahay kan jirka haweeneyda, waxaan shaki ku jirin in ay xawadu ku tahay jirkaasi soo galooti, taasi oo markaasi keenta in haweenka badankoodu ay ku sumoobaan usbuuca ugu horreeya uurka. Jirka haweenku maalintii waa uu u adkaysan karaa sunta soo galootiga ah maadaama kilyaha, sambabada iyo qanjirrada dhididku ay si wanaagsan u shaqaynayaan, ha yeeshee kolka habeenkii shaqada xubnahaasi ay yaraato, suntii ayaa ku ururaysa dhiigga, kolka ay haweeneydu subaxdii hurdada ka toostana waxay billowdaa shuban iyo matag maadaama ay jirka bani’aadmiga caado u tahay inuu dibadda isaga saaro wixii sun ah ee soo gala. Sidaasi ayuu mataggu subaxdii u yahay wax iska caadi ah, iyada oo looga dan leeyahay in dibadda looga saaro sunta gashay ilma-galeenka. Mataggu waxa uu billowdaa subaxdii isla marka ay haweeneydu hurdada ka toosto iyada oon wax cunin waxna cabin. Waxaa mararka qaar dhacda inuu mataggu haayo maalintii oo dhan muddo dhowr bilood ah, una diido inay raashin qaadato, kuna dhaliyo caatanimo iyo tamar darri, isaga oo weliba mararka qaar gaarsiiya heer lagala gaaro dhakhtar ilmaha ka soo tuura si uu iyada u badbaadiyo, waase arrin dhif ah.

3- Ilma-galeenka oo ballaarta:- Mar kasta oo uurjiifku sii weynaadaba ilma-galeenku waa uu sii ballaartaa, dhakhtarkuna qalabkiisa gaarka ah ayuu arrintaasi kula socdaa, ha yeeshee haweeneyda uurka lihi ma dareento inta uu ilma-galeenkeedu weynaanayo.

4- Ibaha naasaha oo midabbaysta:- Ibaha naasuhu bilaha dambe ee uurka waxay yeeshaan midab aad u madoow. Sidoo kale waxaa samaysma khadka dhexe ee isku xira xuddunta iyo bisaqleyda, kaasi oo baaba’a kolka ay haweeneydu umusho.

5- Caloosha oo buurata:- Dumarka kuwooda khibradda yari waxay u qaataan in usbuuca horeba caloosha buurani ay uur sheegayso, mana garanayaan in aan uurjiifka caloosha laga dul garan karin ilaa laga gaaro bisha shanaad, isaga oo wixii marxaladdaasi ka horreeya si tartiib-tartiib ah u sii weynaanaya ilaa uu soo muuqdo

6- Dhaqdhaqaaqa uurjiifka:- Dareeraha lagu magacaabo (Aminotic) ayuu uurjiifku u dhex dabaashaa sidii rah berkad biyo ah ku dabaalanaya oo kale, isaga oo weliba sameeya dhaqdhaqaaq sida kan raha oo kale ah. Dhaqdhaqaaqaasi sida caadiga ah waxa uu billowdaa kadib kolka ay xubnaha uurjiifku koraan bartamaha xilliga uurka, kaasi oo ku beegan laga billaabo usbuuca 21aad.

7- Wallaca iyo degganaan la’aanta:- Waxaan shaki ku jirin in isbeddellada ku dhaca dhiiggu ay reebaan degganaan la’aan maskaxeed iyo mid nafsiyadeed intaba, arrinkaasi oo haweenka intooda badani u fasirtaan inuu yahay uur bilawgiis. Waxaa kale oo haweeneyda ku billowda wallac, iyadoo ku dhex meereysata noocyada kala duwan ee cunto. Cuntooyinka qaar aad bay u qaadataa gaar ahaan kuwooda borotiinka iyo sokortu ay ku badan yihiin, iyada oo mar dalbata kalluun, mar cunta qajaar, mar wax dhanaan cabta mar kalena shukulaato yuuyuubata. War iyo dhammaantiis, haweeneyda wallaca ahi waxa ay codsataa cuntooyin ka duwan kuweedii caadiga ahaa, waxaana laga yaabaa inay marmar jecleysato noocyo cunto yaab leh, sida iyada oo intay kalluun dubkiisa qaba saliid ku shiilato dabeeto isku sii deeysa. Isbeddelladaasi rabitaan waxaa barbar socda isbeddello kiimikaad oo ku dhaca dhiigga haweeneyda.

Wallucu waxa uu mararka qaar la yimaadaa isbeddel ku dhaca dabeecadda haweeneyda marka laga eego la dhaqanka ninkeeda, oo ama waxay u jeclaataa sidii ay awal u jaclayd si ka daran amaba waxaa dhiba araggiisa iskaba daa hadal iyo la dhaqan eh. Nin dhallinyaro ah oo aynu saaxiibbo nahay baa dhowr sanadood kahor iiga sheekeeyey dhibaato ka qabsatay wallaca gabar ay isqabeen, waxaanu hadalkiisa ku billaabay sidatan: (Gabar baannu isjaclayn annaga oo weli dugsiga sare dhiganna. Kolkii aan waxbarashadii dhammeeyey ee aan shaqo billaabay baan gabadhii reerkeedii ka doontay, saa waa la’ii diiday. Aniga iyo gabadhii waxaynu go’aansannay inaynu isguursanno, maadaama aan masruufan karo. Waanan isguursannay oo guri jacayl degnay.

Waxaynu subag iyo malab isu ahaannaba, dhowr bilood kadib bay gabadhii la soo baxday dabeecad hor leh. Waxay billowday inay sabab iyo sabab la’aanba iska kay caaydo, qoladayda caaydo, quruxdeyda caaydo, shaqadeyda caaydo!. Ay indhaha isaaraysaba intay shaqaday haysay faraha ka qaaddo bay caay af-labadii iila soo fariisataa. Waxaan go’aan ku gaaray in aan ka dhuunto, oo habeenkiina imaado ayada oo hurudda, subaxdiina aroor hore ka dheelmado amaba meela kale soo seexdo. Saa way iraadisaa, wax kale maaha eh si ay ii caaydo oo karaamadayda dhulka ugu masaxdo, anna waan ka cararaa. Maalintii dambe ayay iga-kor-timid anigoo rag saaxiibadaya dhex fadhiya. Markay wixii caay dunida jiray soo afuuftay bay “ifur” kusoo af-jartay, anna illeyn dulqaad shalay baaba iigu dambeysay eh, saddexdeedii baan dusha ka saaray anigoon u sarrifin. Saa kalmad dambe ma ayan orane way iska dhaqaaqday.

Gurigii baan saacado kadib tegey, si aan waxaan duunyo lahaa uga qaato ayadana reerkeedii ugu diro.

War nacas yahaw wallac baan ahaye maxaad iigu dulqaadan weyday!!!.

Intaa markay tiri baan sidii nin baraf ku da’ay gebigay qarqaray. Waa ubad kii iigu horreeyey, waa gabadhaan dumar oo dhan ka doortay oon weliba reerkeedii isku dilnay, waa saddex dalqadood!!.

Naa inkaar qabto, maxaad iigu sheegi weyday sidaa uma degdegeene!!.

Waa cudur daawa beelaye, halkii baa lagu kala dareeray. Gabadhii wiil bay dhashay iminka toban jir dhaafay, ha yeeshee taan dumaroo dhan ka doortay dib la’isuguma soo noqon ).

Haddaba sidii horeba loo yiri (cudurka oo waxa uu yahay la gartaa waa daweeyntiisa barkeed), haweeneyda ogsoon degganaan la’aanta ku soo korortay inay ka dhalatay uur ay qaadday, waxay u dhaqantaa si aad uga wanaagsan tan aan garanayn meel looga yimid una haysata inuu cudur halis ahi haayo. Waxaan shaki ku jirin in ogaanshahaasi uu ku dhiirri gelinayo inay u dul qaadato uurka iyo dhibaatooyinkiisa, wax walibana u hurto hooyanimada ku soo fool leh. Waxaa haddaba waajib ku ah bulshada ay ku dhex nooshahay oo uu ninkeedu ugu horreeyo inay ahmiyad siiyaan waxyaabaha ay jammanayso, una dulyeeshaan isbeddellada ku yimaada dabeecaddeeda, kana waantoobaan inay ku jees-jeesaan wallaceeda. Waa inay ku dadaalaan sidii ay haweeneydaasi miskiinta ah ugu tari lahaayeen wax allaale iyo wixii ay awooddoodu saamaxayso, ilaa iyo inta ay ka baxayso ciriiriga ay ku jirto uguna soo noqonayso xaaladdeedii caadiga ahayd.


XADDIDISTA XILLIGA UMMULISTA

Dhakhaatiirta kuwa ugu aqoonta badani ma awoodi karayaan inay sii sheegaan maalinta iyo waqtiga ay haweeneyda uurka lihi ummuli doonto, arrinkaasi oo ilaa iyo hadda aanay jirin cid garanaysa aan ka ahayn Eebbihii ina abuuray. Waxa keliya ee ay dhakhaatiirtu awoodi karaan waxa weeye inay soo dhoweeyaan maalintaasi.

Sida loo badan yahay muddada u dhaxaysa uuraysiga iyo ummulistu waxa weeye 266 maalmood, waxayse dhibaato ka imaanaysaa sidii lagu xaddidi lahaa maalintuu uurjiifku caloosha hooyadii galay.

Waxaa jirta dariiqo kale oo taa ka sahlan, waxana weeye in muddada uurka laga soo tiriyo maalintay caadadii udambeysay haweeneyda ku dhacday, maalintaa iyo maalintay ummuli doontana waxa u dhaxayn kara siday dhakhaatiirtu ku doodayaan 280 maalmood.

Haddii haddaba ay haweeneydu doonayso inay soo dhoweeyso maalinta ay ummuli doonto si ay isugu diyaariso, waa inay maalintii ay ku dhacday caadadii ugu dambeysay diiwaan gelisaa, oo ka jartaa saddex bilood kuna dartaa toddoba maalmood. Tusaale ahaan, haddii maalintay caadadii ugu dambeysay ay ku dhacday intaanay uurka qaadin ahayd 05/07/2001, dib ha u tiriso saddex bilood (05/04/2001), hana ku darto (7) maalmood, sidaasina waxay ku ummuli doontaa abbaaraha maalinta 12/04/2002, haddii Allaha awoodda lihi idmo.

Waxaa isna jira hab kale oo ay gaar ahaan Soomaalidu ku xisaabaan maalintay u maleynayaan inay haweeneydu ummuli doonto, kaasi oo ah inay tiriyaan sagaal bilood iyagoo kasoo xisaabinaya maalintay haweeneydu ka qubaysatay caadadii ugu dambeysay. Tusaale ahaan caadadii ugu dambeysay hadday ka qubaysatay 01/01/2002, waxay filayaan inay ummuli doonto 01/10/2002.

Guud ahaan, hababka aynu soo sheegnay inkastoon 100% lagu kalsoonaan karin oo aanay sahal ahayn sidii laysu waafaji lahaa ummulista islaanta iyo taariikhda la odorosay, haddana farqigu saa uma sii badna, waxase habboon in dhowr usbuuc taariikhdaa kahor la’iska sii diyaar garoobo.


MADHALAYSNIMADA

Ninka caafimaadkiisa jireed uu wanaagsan yahay, awoodna u leh inuu wax dhalo, xaaskiisana dhowr sanadood u galmoonayey iyada oon wax uur ah qaadin, waxa uu u qaadanayaa inay haweeneydiisu tahay madhalays. Waxaa haddaba caadi ah inay haweenku rimi waayaan sanadka koowaad ee aqalgalka, taasi ooy ugu wacan tahay habdhiskooda taranka oo sanado badan soo dayn jiray ugxan aan la faxlayn, iyo iyaga oo kacsigoodu aanu gaarin heer ay rimitaan diyaar u noqdaan. Waxay arrintaasi ka dhigan tahay sidii gaari habeenkii baraf ku da’ay oo matoorkiisu uu subaxdii u baahan yahay in la kululeeyo muddo dheer kahor inta aan la dhaqaajin. Waxaa kale oo laga yaabaa in samayska iyo bisaylka xubnaha taranku aanay dhamays tirnayn, sidaasi daraadeed ay isdifaacaan si aanay u uuraabin iyada oon la gaarin waqtigii ku habboonaa.

Waxaa caadi noqotay in haweeneyda oo rimi weyda sababteeda iyada dusha laga saaro oo haddii muddo dhowr sanadood ah uur ku soo bixi waayo la yiraahdo waa madhalays, taasi oo ah mid ka soo hor jeedda mandiqa. Haddii aan la caddayn in ninku wax rimin karo, waa khalad in mas’uuliyadda rimay la’aanta haweeneyda dusha laga saaro. Haddaba, ninku waa inuu isagu marka hore xawadiisa baaro oo hubiyo inuu sito xawo awood u leh inay wax faxasho. Waxay dhakhaatiirtu caddeeyeen in 30% xaaladaha dhalma la’aanta mas’uuliyaddeeda uu ninku leeyahay.

Waxaa habboon in aan qofna eedda la saarin, balse baaritaan la sameeyo lagu ogaado qofka jirran, si dabeeto markaa loo daweeyo. Waa in mar waliba la xusuusnaado in Eebbe ubad-siinta isagu haayo, waana ka Aayaddiisa Qur’aanka ah ku leh:

}..Cidduu doonana waxa uu ka dhigaa madhalays, isagaa wax og, awoodi karana (Suurat As-Shuuraa: 50).

MADHALAYSNIMADA NINKA

Sababaha ugu waaweyn ee ninka ku keena madhalaysnimada waxaa kamid ah:

1- Ciniinnimo:- Ciniinnimadu waxa weeye inay ninka ku dhacdo tamardarri jinsiyeed iyo inuu galmada dhamaystiri waayo. Taasi waxa keeni kara geedkiisa oo si buuxda u kici waaya ama gebi ahaanba aan kicin. Baab dhan baannu kaga hadalnay ciniinnimada.

2- Degdeg u biyabbax:- In kasta oo geedku uu si buuxda u kacayo haddana biyaha ayuu tuuraa isla marka ay dhalfadu cambarka gasho amaba inta lagu jiro hordhaca, kolkaasi oo intuu damo uu tamar dhigo.

3- Xawada oo aan bislayn:- Amaba tiradooda iyo inta ka nooli ay yaryihiin, taasi oo markaasi keenaysa inay xawadu awood u yeelan weydo inay wax faxasho.

MADHALAYSNIMADA NAAGTA

Madhalaysnimada haweeneyda waxa keena cudurro fara badan oon halkaan lagu soo koobi karin, balse aynu ka taabanno inta ugu caansan:

1- Cambarka oo ciriiri noqda:- Geedka ninka oo si buuxda u geli kari waaya cambarka, biyahana ku daadiya afkiisa hore ama meel aan ka fogayn ayaa kamid ah waxyaabaha haweenka ku keena madhalaysnimada, waxaana mararka qaar dhacda in murqaha cambarku ay xilliga galmada gariiraan taasi oo markaasi keenta inuu dibadda iskaga soo tuuro xawada

2- Qaababka galmo een habboonayn:- Waxaa la wada ogsoon yahay in dumarka caadiga ahi ay uur ku qaadaan qaab kasta oo loogu galmoodo, iyaga oo u baahan qaddar yar oo xawo (sperms) ah si ay ugu gudbaan waddooyinka jirka, dabeetana uu midkood ugu guulaysto inuu faxlo ugxanta. Ha yeeshee dumarka qaar bay dhibaato kaga timaadaa rimayga. Dumarka caynkaasi ah raggooda waxay dhakhaatiirtu ku waaniyaan inay ugu galmoodaan qaabab sahlaya in tirada ugu badan ee xawo ahi ay cambarka gasho. Qaababkaasi oo aynu hore u soo sharraxnay, waxa kamid ah inay haweeneydu u seexato dhabarka iyada oo barkimo doolasha iska gelinaysa si ay cambarka sare ugu soo qaaddo dabeetana gelitaanka geedka ninku ugu sahlanaado, taasi oo xawada gacan ku siinaysa inay si degdeg ah ku gasho ilma-galeenka. Kolka ay galmadu dhammaato, waa inay haweeneydu muddo dhowr saacadood ah iskaga jiifto dhabarka iyada oon wax dhaqdhaqaaq ah samayn, taasi oo markaasi kahortag u ah soo laabashada xawada, fududaysana inay ilma-galeenka u gudubto.

3- Afka ilma-galeenka oo ciriiri noqda:- Taasi oo mararka qaar keenta inay xawadii ka daadato iyada oon gelin. Ciriirinimada afka ilma-galeenka guud ahaan waxaa keena gabadha oon si wanaagsan u qaaangaarin ama u bislaan.

4- Ilma-galeenka oo qallooca:- Ma aha dhif iyo naadir in la’arko madhalaysnimo sababteedu tahay qallooc ku yimaada ilma-galeenka. Ilma-galeenka caadiga ah afkiisu waxa uu u jeedaa dhanka hoose, halkaasi oo ay xawadu ku soo shubanto kolka islaantu ay dhabarka u jiifto. Haddiise ilma-galeenku qallooco, afkiisa ayaa ka fogaada afka cambarka, mar kasta oo qalloocaasi sii fogaadana waxaa yaraata rajada laga qabo inay xawadu gasho ilma-galeenka. Qallooca ilma-galeenku waxa uu keenaa in dhakhtar loo baahdo iyo marmar qalliin.

5- Qabow jinsiyeed (Kacsi la’aan):- Sida caadiga ah kolka ay haweeneydu kacsato waxaa xubneheeda taranka buuxiya dhiig, dabeetana maqaarka xubnahaasi waa uu kululaadaa, qanjirraduna soo daayaan dheecaannadoodii, murquhuna isku laablaabmaan, laablaabankaasi oo keena in ilma-galeenka afkiisu soo nuugo xawadii. Haddaba haweeneyda baaridka ah (aan kacsan), ilma-galeenkeedu wax dhaqdhaqaaq ah ma sameeyo, taasi oo markaasi yaraysa nuugista xawada iyo rimayga intaba.

6- Ugxan la’aanta:- Dumarka qaar baa joojiya soo saarista ugxanta, taasi oo inta badan horseedda caadada oo ka istaagta, haddii aanay haweeneydu caado keeninna waxaa lagu tiriyaa madhalays.

Guud ahaan madhalaysnimadu waxay noqon kartaa mid joogta ah ama mid waqti ku xiran oo ay keenaan dhibaatooyin haddii laga hor tago amaba la daweeyo laga gudbi karo.


TALOOYIN LA SIINAYO DUMARKA AAN UURAABIN

1- Dheereeya muddada galmada:- Ragga qaar baa u haysta in inta jeer ee haweeneyda loo galmoodo oo la kordhiyaa ay keento uur. Haddaba taasi run ma aha, waxase loo baahan yahay in la dheereeyo muddada ay qaadanayso halkii galmo intii saddex iyo afar jeer lagu celcelin lahaa isla muddadaasi in la’eg.

2- Dhowr usbuuc xabbadda joojiya:- Waxaa looga baahan yahay labada isqaba kolkay arkaan inuu uurkii daahay, inay joojiyaan galmada muddo dhowr usbuuc ah si dhiigga haweeneydu uu fursad ugu helo inuu iska qashinsaaro hadduu jeermis ku jiray, jeermiskaasi oo xawada dila, sidaasina ku hor istaaga uuraysiga.

3- Biyaha macdanta ah isku daaweeya:- Waxaa dhacda in biyaha macdanta ah (mineral water) oo cabistooda la badsado ay daawo keento, sababta arrintaasina lama garanayo ilaa iyo iminka.

4- Waqti go’an isu galmooda:- Waxaan ula jeedaa in galmada loo badiyo ama xoog la saaro waqtiyada ugu badan ee ay haweeneydu uuraabi karto, iyada oo laga tixraacayo jadwalka wareegga caadada.

5- Saacadaha galmada beddela:- In labada ruux ee isqbaa ay beddeshaan saacadaha iyo weliba qaababka ay isugu galmoodaan si aad ah bay faa’iido ugu leedahay. Tusaale ahaan, halkii ay isaga galmoon jireen habeenkii iyaga oo daallan, waxaa habboon inay u dib dhigtaan ilaa iyo aroortii salaadda subax dabadeed xilligaasi oo intuu daalkii ka ba’ay, jirkooduna nastay, ay firfircoonaantii soo ceshadeen. Kolka ay kala dhammaystaan waa inay in door ah seexdaan. Kolka ay toosaanna intay biyo kulul ku qubaystaan ay markaasi ku quraacdaan quraac nafaqo leh oo ukun iyo waxyaabo kale oo abitaaytka furaa ay ku jiraan. Taasi waxay markaasi keenaysaa inuu kordho dareeraha dubka iyo qanjirradu, dabeetana ay kororto rajada laga qabo inay haweeneydu uur qaaddo.

6 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. hadii xawada ninka timaado laakin midna haweeneyda aysan iman ayadoo naagtii waxba ka iman kala baxo fajarkiisa maxaa celad ah oo naagta ku imaanaayo

  2. walaal waa maxay cadadu ii soo sheega byee

  3. walaal waad mahad santihiin, waxan doonayaa inaad iga soo jawaabtaan waxan ahay gabadh aan guursan wali waxan leeyahay qoyaan badan oo aan ahayn caadada ee ha biyo cad oo aad u badan kolkaas ma aadin dhakhtar ta labaad waxa igu badan dareenka iyo baahida i haysa e maxaan iskada daweeyaa ama iga yaraynaya

    ee aan sameeyaaa plz ii soo sheega

  4. walaal waan musalaamayaa waxaan kuleeyahay guurso oowalibawaxaajeclahay inaad ani iguursato

  5. walaalo
    waad ku mahadsantiin sidaa dadbadan wax ugu sheegteen

  6. Wad mahadsantihin walalayal waxad ishegtan naagta haday ninka kacabsanayo oy markasto shahwada kabar dadato od adna ay kadadato barked maxa lasubin kara sidas uur may kunoqon kartaa naagta?


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: