Raaxada Guurka2

July 1, 2007 at 2:01 pm | Posted in Raaxada Guurka | 1 Comment

BAABKA LABAAD

AQALGALKA

GABADHA UDHISA GACALKEEDA

Gabadha intaan gacalkeeda loo guri geyn, waxaa loo baahan yahay in loo dhiso, loona naashnaasho. Saciid bin Al-Musayib wuxuu ibni Cabbaas (RC) ka weriyey inu yiri: Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) kolkuu gabadhiisa Faadumo (RC) u guurinayey Cali (RC), wuxuu haweenkii ku yiri: “Gabadheyda Faadumo waxan u guurinayaa ina adeerkay Cali. Waanad ogsoon tihiin halkay iiga taallo, waxaanan doonayaa inaan haddeer u guri geeyee, gabadhii waa taase dhisa”. Kolkaa intay Faadumo u tageen bay ugeliyeen waxay dahab lahaayeen, kuna udgiyeen waxay barafuunno lahaayeen. Muddo markuu ka maqnaa buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) mar labaad u galay haweenkii, markaas bay uga bexeen qolkii, waxase ku hartay gabar la oran jiray Asmaa’ binti Cumays. Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) baa markaa weydiiyey gabadhii: “Adigu tumaad ahayd?”. “Tii gabadhaada ilaalineysay baan ahay”, una raaciday: “Gabadha habeenka la aqalgelinayo waa in ay qof dumar ihi la joogto u adeegta, hadday dan yeelatana ufulisa”. Markaas buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) ugu duceeyey: “Eebe hortaada, gadaashaada, midigtaada iyo bidixdaada intaba sheydaan haka ilaaliyo”.

Haddaba, gabadha habeenka aqalgalka waa in inta si wanaagsan loo dhiso, la raaciyaa gabar kale “Malxiisad” ninka guriga ugu gelisa, una bandhigta qurux jirkeeda wixii ku qarsoon, iyadoo mar lugeheeda tusta, mar gacmaheeda, mar wejigeeda marna dahabka dusheeda ku raran, si uu isha uga buuxsado ugana dhergo intaanba gogol iyo galmo la isla gaarin. Waxaa weliba habboon in ninka xaaskiisa loo aqalgeliyo habeenkii kolkay dunidu degto dadkuna jabaqda dhigo.

 

DARDAARANKA HOOYADA HABEENKA AQALGALKA

Hooyo. 1: (Gabadheydiiyeey, waxaad ka baxday guri aad baratay una baxday gogol iyo nin aanad garanayn. U noqo dhul, samo hakuu noqdee. U noqo dhab, udub dhaxaad ha kuu noqdee. U noqo jaariyad, addoon ha kuu noqdee. Ha isku nabin yaanu ku nicine, hana ka fogaan yaanu ku hilmaamine. Hadduu kuusoo dhowaado u dhowow, hadduuse kaa meero ka fogow. Ilaali sankiisa, dhegihiisa iyo indhihiisa. Yaanu kaa urin udug mooyee, yaanu kaa maqal hadal mac mooyee, yaanunna kaa dhugan dhalaal iyo qurux mooyee).

Hooyo. 2: (Gabadheydiiyeey, waxaad ku socotaa nolol cusub.. Nolol aanu boos uga bannaaneyn hooyadaa, aabbahaa, iyo walaalahaa toonaأ¢â‚¬آ¦Waxaad noqoneysaa xaas uu qabo nin aan dooneyn inay cidi kula wadaagto, xitaa hadday ciddaasi ahaan lahayd kuwii ku dhalay iyo kuwii kula dhashay.

Gabadheydiiyeey, ninkaaga u noqo naag iyo hooyo labadaba. Gaarsii heer uu aamino in aanay cid aan adiga ahayni jirin, mar kastana xusuusnow inuu nin (nin kasta) yahay carruur caga weyn, hadal macaan kan ugu yarina uu ka farxinayo. Yaanu kaa dareemin murugo iyo in guurka uu ku guursaday aawgii aad reerkaagii uga soo fogaatay, illayn isaguba waxa uu ka soo tegay gurigii aabbihii iyo reerkiisiiye. Ha yeeshee farqiga idiin dhexeeya adiga iyo isagu waa uun farqiga u dhexeeya nin iyo naag oo naagi mar waliba waa ay ka beer jilcan tahay kagana xiiso badan tahay ninka xagga waalidkeed iyo gurigii ay ku dhalatay, ku barbaartay waxna ku baratay. Waa inaad la qabsataa nolosha cusub iyo ninka cusub oo laga billaabo maanta noqday ninkaagii iyo carruurtaada aabbohood.

Gabadheeydiiyeey, waa kaa mustaqbalkaagii waana kaa gurigaad adiga iyo ninkaagu wada dhisateen, aabbahaa iyo hooyadaana ka soo qaad wax tegay. Ku oran maayo iska illow aabbahaa, hooyadaa iyo walaalahaa, haddaad adigu illowdana iyagaanba ku illoobi karin, waxanse kaa codsanayaa in aad ninkaaga jeclaatid, isu qurxisid, isagana u joogtid, weligaana maandhey iska ilaali masayr haddii kale furriin meel kuuma jiro).

Hooyo. 3: (Gabadhaydiiyeey, maal badni waalidkeed hadday gabari nin kaga maarmi lahayd adaa ugu horreyn lahaa, balse haddaynu dumar nahay rag baa naloo abuuray, sida raggaba annaga naloogu abuuray.

Gabadheydiiyeey, waddankaad ku dhalatay iyo gurigaad ku barbaartay waa tanoo waad ka baxaysaa, adoo aadaya dal aanad aqoon iyo nin aanad u baran la dhaqankiisa, ee maandhey u ilaali toban umuurood:

Ta koowaad iyo ta labaad: Ku qanac wuxuu ku siiyo kana maqal wuxuu ku yiraahdo, maxaa yeelay qanaacada qalbigaa ku qabooba, maqalka ninkana rabbi baa raalli ka noqda.

Ta saddexaad iyo ta afraad: Halka ishiisu qabanayso la soco, halka sankiisu urinayana ogoow, oo yaanay ishiisu qurux mooyee wax kale qaban, sankiisuna udgoon mooyee wax kale urin.

Ta shanaad iyo ta lixaad: La soco waqtiyada uu wax cuno, uguna dadaal degganaanta waqtiga uu hurdo, maxaa yeelay gaajadu way gubtaa, hurdada oo lagu bar gooyaana way ka caraysiisaa.

Ta toddobaad iyo ta siddeedaad: U dhowr guriga iyo maalka haku qaddariyee, una daryeel qaraabada iyo ubadka maamul aqoon iyo marwanimo hakuu qiree.

Ta sagaalaad iyo ta tobnaad: Sir haka bixin yaanu kaa sad goosane, amarna haka diidin yaanu intuu kuu xanaaqo ku diline. Ha farxin isagoo murugeysan, hana ismurjin isagoo faraxsan).

DAREENKA GABADHA HABEENKA AQALGALKA

Gabadha aan bekra-jebinta wax fikrad ah ka haysan, was-waas, shaki iyo cabsiyi kama marna habeenka lala aqalgelayo. Marka aan leeyahay (fikrad) kama wado tijaabooyin hore oo ay soo martay, balse waa fikrad cilmiyeed la soo baray loogana soo sheekeeyay. Waxaa dhacda inay hablaha qaarkood ka baqaan inayba kala dillaacaan habeenkaasi. Bekra-jebinta waxaa la socda xanuun yar oon micne lahayn, watana macaan illowsiisa cabsida oo dhan. waxaan oran karnaa maba jiro wax xanuun lagu tilmaami karaahi haddii aynaan annagu arrinka buunbuuninayn, siinaynna ahmiyad ka weyn tan uu mudan yahay.

Waxa waajib ku ah gabadha inay isugu diyaariso guurka si qalbi furnaan leh, sababta oo ah habeenka aqalgalku waa hadafkeeda koowaad waxaana ku xiran mustaqbalkeeda oo dhan. Gabadha si wanaagsan u xulatay gacalkeedu maba aha inay cabsato, balse waa inay si kalsooni ah xabadkiisa isugu tuurtaa una dhunkataa iyada oo u diyaar garoobeysa inay la midowdo laga billaabo saacaddaasi ilaa iyo intay nooshahay. Dabcan gabadha caynkaasi ah ee farxad iyo laab furnaan ku soo dhoweysa habeenkeedu way hilmaantaa xanuunka aan wax la sheego lahayn ee la socda bekra-jebinta.

SIDEED U DHAQMAYSAA HABEENKA AQALGALKA

Waxaan shaki ku jirin in aanu ninku wax dhibaato jireed ah kala kulmeynin bekra-jebina habeenka aqalgalka, ha yeeshee waxa uu la kulmaa dhibaatooyin nafsiyadeed oo kaga yimaada dhanka xabiibtiisa kasoo tagtay gurigii waalidkeed ay ku noolayd laga soo billaabo carruurnimadeedii albaabkana laga soo xirtay, isna aragtay iyada oo joogta caalam cusub una dhiibaysa nafteeda iyo jirkeeda nin aysan aqoon amay dushaas uun ka arki jirtay, cunto cusub, guri cusub, amar qaadasho cusub, iwm. Waxa laga yaabaa in gabadhaasi ay sanado badan daawan jirtay kana qaybgeli jirtay aqalgallo, akhrisanaysayna buugaag ku saabsan guurka, kuna riyoon jirtay farxadda iyo raynraynta sugaysa, waana tanoo rajooyinkeedii gabarnimo maanta waa ay dhaboobayaan, waxaanay dareemeysaa in halyeygeedan ay jeceshahay uu yahay kan leh jirkeeda, haddana waxa aanay ka dhamayn baqdin dumarnimo.

Habeenka aqalgalku waxa weeye habeen imtixaan, mana aha siday dad badani u haystaan habeen raaxo iyo in intuu ninku isku dul tuuro haweeneydiisa cusub uu ka darduurto macaan aan xisaab lahayn. Waxaa waajib ku ah ninka inuu habeenkaasi ula dhaqmo gacaladiisa sidii qof martiya oo kale uusanna ula dhaqmin sidii naagtiisa, sababta oo ah ahmiyadda nafsiyadeed ee habeenkaasi leeyahay baa ka weyn tan jinsiyeed. Waxaa ninka looga baahan yahay inuu bixiyo wax ka badan inta uu qaadanayo, waana in uusan ka fekerin raaxadiisa balse u qaato in habeenkaasi yahay habeen imtixaan xaddidaya mustaqbalka iyo aayaha dambe ee la dhaqanka haweeneydiisa, iyada oo habeenkaasi ka qaadanaysa fikrad heerka ay gaarsiisan tahay raganimada ninkeedu, kalana hubsanaysana in ay u dhabowday riyadii ay ku taami jirtay iyo inay khasaartay.

Asmaa’ bintu Yasiid (RC) oo malxiisad u ahayd Caa’ishah bintu Abii-Bakar (RC) markuu Nabigu (Sallallaahu calayhi wasallam) la aqalgelayey, waxaa laga weriyey inay tiri: (Caa’ishah oo si wanaagsan loo soo qurxiyey ayaan soo geliyey qolkii aqalgalka, markaas baan ugu yeeray rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam). Waxa uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) inoo soo galay isaga oo sida weel caano ku jiraan, intuu qaar ka cabay buuna Caa’ishah u taagay, markaas bay kama qaadane hoos dhugatay xishood dartii, markaas baan cod canaani ku jirto ku iri: Naa ka guddoon Nabiga (Sallallaahu calayhi wasallam). Dabeeto intay ka qaadatay bay xoogaa ka cabtay, markaas buu ku yiri: Sii inta soo hadhay hablaha saaxiibbadaada ah).

Haddaba waxaynu halkaa ka garan karnaa in kolka gabadha la soo geliyo gurigii lagula aqalgeli lahaa, ay habboon tahay in ugu horreynta la guddoonsiiyo hadiyad wixii markaa loo heli karo, loona sheekeeyo si xishoodka iyo baqdinta looga bi’iyo, gogoshana aan marnaba lagula degdegin.

Diinteenna Islaamku waxay qabtaa in kolka aroosadda aqalka la soo geliyo, intuu ninku madaxeeda gacanta ka saaro uu ku ducaysto in Ilaah khayrkeeda iyo barakadeeda waafajiyo, waxay xumaan leedahayna ka badbaadiyo.

Amarka ugu horreeya ee ay habboon tahay inuu ninku xaaskiisa cusub siiyaa waxa weeye inay laba rakco oo Salaad ah ku xirato, ayna ku ducaystaan in Ilaah isu barakeeyo, carruur khayr qabtana kala siiyo. Sidaasi bay labada isqabaa ku dareemaan in ulajeeddada ugu weyn ee guurku aanay ahayn galmo iyo raaxaysi, balse ay tahay gudasho waajib diini ah iyo dhalid carruur dadkooda iyo dalkooda anfacda. Sidaas bayna Diinteenna Islaamku niyadda ugu dhisaysaa labada qof habeenka aqalgalka, ugana dhigaysaa macaanta hawsha habeenkaasi cibaado.

Ninku sida uu u dhaqmo habeenka aqalgalku waxay ku xirantahay sida uu u fekero, aqoontiisa, da’diisa, heerka rabitaankiisa jinsiyeed, iwm.. Haddaba si looga hor tago dhibaato kasta oo si lama filaan ah ku timaada, waxa loo baahan yahay in kahor habeenka aqalgalka ay labada isdoortay iska afgartaan mashaakilka jacaylka iyo guurka, haddii ay dareemaan in ay isku afgaran la’yihiin arrimahaasina waxa talo iga ah in ay kala tagaan, sababta oo ah guurka ku billowda is afgaranwaa jinsiyeed waxa uu lamid yahay cimaarad laga dul taagay bacaad khasabna ay tahay inay isbuurato.

Ninka habeenka aqalgalka waxa waajib ku ah inuu ka fogaado wax kasta oo miyirka ka qaadi kara sida: mukhaadaraadka, qaadka (jaadka), khamriga, iwm. (waxyaabahaasi oo sidoodaba xaaraan ka ah qofka Muslinka ah), si uusan u fasahaadin una burburrin rajooyinkii xabiibtiisa oo dhaboobaya habeenkaasi, kuwaasi oo ah inay aragto gacalkeeda oo intuu ku soo dhoweeyo waji furan, u ximbaara xaggaa iyo sariirta. Waa inuu ka ilaaliyaa inay ku baraarugto nin cabsan oo dhac-dhacaya, kuna soo socda isaga oo Aalkolo iyo khamri ay ka soo urayaan, afkiisana ay ka soo baxayaan ereyo aan dhegaha u roonayn, halkaasina dabeeto ay kaga qaraxdo quraaraddii rajadu.

Kolka labada caruus ay ka tagaan goobta waliimada una baqoolaan xaggaa iyo gogoshooda, waxa ninka waajib ku ah inuu u dhaqmo si xilkasnimo ku jirto. Waa inuusan hilmaamin in xafladdu ay daalisay jirka ooridiisa cusub. Maalinta aqalgalku waxay farxad u tahay labada qoys, ehelada kale iyo asxaabta oo dhan, ha yeeshee daal bay u tahay labada aqalgelaya, iyada oo weliba inta badan xafladda la qabto qorrax dhac kadib.

Waxa habboon in ninku uusan ugu deg-degin firaashka sidii isaga oo xiso waxbarasho dhaafaysa ka gaarsiinaya. Waa inuusan ku degdegin furitaanka hadiyadda loo keenay. (Ninyahaw noloshaada guur ha ku billaabin kufsi. Ha degdegin saacado, maalmo iyo sanado badan baa ku horyaal aad sidaad doonto u raaxeysan karto eh. Ka ilaali gacaladaada wax kasta oo shaki, naxdin, iyo degganaan la’aan ku abuuri kara , ulana dhaqan ugu yaraan saacad kaamil ah sidii adinka oon weli aqalgelin waxbana aysan dhicin. Waxaan ula jeedaa, uga sheekee jacaylka aad u qabto iyo quruxdeeda, isuna ahaada sidaad isu ahaydeen habeen kahor, si ay gacaladaada ugu soo noqoto degganaantii una dareento ammaan iyo nabad-gelyo, wax walibana waad heli doontaaye tartiibso).

Waa inay aroosaddu heshaa xorriyad buuxda oo ay dharka iskaga beddesho, waana inuusan u soo gelin ninkeedu ilaa ay sariirta ka tagto. Waa inuu isagu dharka iskaga soo beddelaa qol kale amaba suuliga. Aroosaddu waa inay soo xirataa dhar khafiif ah oo laga dhex arkayo jirkeeda furitaankiisuna uu sahlan yahay sida guntiinada oo kale, si ay u soo jiidato ninkeeda, laakiinse looma baahna inuu isagu soo qaato dhar khafiif ah, ama xayto, amaba is-qaawiyo, taasi oo ka didinaysa xaaska habeenka ugu horreeya. Waxa laga yaabaa in gabadhu kolka ay aragto jirka ninka oo qaawan uu u cuntami waayo, oo sidii ay filaysay iyo sida dhabta ahi ay kala fogaadaan sida geedkiisa oo aad u weyn ama jirka ninka oo dubkiisu uu aad u jilicsan yahay, ama tin fara badan leh amaba ay aafo ku taal.

Waxyaabaha ay gabadha bekrada ahi aadka uga xumaato, nafteedana dhaawaca waxa kamid ah, ninka oo jirkeeda u qaawiya si ula kac ah, sababta oo ah waxa lagu barbaariyay inay is-asturto ama ay cawradeeda hoose sida naasaha, caloosha iyo xubinta taranka qarsato, sidaa awgeed ninka oo goobahaasi mar qura daboolka ka rogaa (gaar ahaan kolka uu isagu dharkiisii weli qabo) waxay gabadha ku dhalinaysaa xishood iyo inay ka xumaato, dareentana in ninkeedu ula dhaqmayo sidii inay dhillo tahay oo uu rabo inuu ka dhamaysto oo qura. Waxa kale oo loo baahan yahay in ninku uusan gacmihiisa gabadha dharka oo dhan kaga dhigin, sababta oo ah waxay u haysataa in dharku uu asturayo wax aan loo baahnayn in indhaha ninku ay arkaan, oo ah ceeb jirkeeda ku taal. Haddaba waxa ninka la gudboon inuu ooridiisa cusub u daayo habeenka koowaad inay iyadu dharka iska dhigto ama iska beddesho, welibana waa in uu tagaa meel aanay ka arkayn markay dharka iska saarayso si uusan uga xishoodsiin. Haddii haddaba uu yahay ragga ka hela inay hawshaasi iyagu fuliyaan waa inuu si tallaabo-tallaabo ah u fuliyaa oo uusan hal mar dharka ka wada dhilqin, balse uu dhowr habeen hadba meel kusii hoydaa, kuna fuliyaa hawshaasi meel mugdi ah inta ay ka baranayso xaaskiisu, ugana kalsoonaanayso. Kolka uu kalsoonidaasi kasbadana wax dhibaato ah kala kulmi maayo inuu siduu doono wax yeelo.

DHIBAATOOYINKA DHAQANXUMADA NINKA

Waxa dhab ah in aqoon la’aanta haweeneyda iyo aqoon yarida ninku ay keeni karaan xaalado murugo leh oo aynu ka tilmaameyno oo keli ah saddexdaan xaaladood.

Gabar ayaa ku kortay gurigii waalidkeed. Kolkii walaaleheed ka da’ weynaa wada guursadeen baa lagu khasbay inay guursato nin loogu tilmaamay inuu yahay nin wanaagsan iyada oo lagu qanciyay in jacaylku imaan doono guurka dabadiis. Kolkii gabadhii loo aqal geeyay buu ninkii habeenkii koowaad ku billaabay habab galmo aanay u dulqaadan karin, weligeedna aanay ku riyoon inay la kulmi doonto. Habeen labaadkii gabadhii waxay iska tuurtay daaqaddii guriga oo ka koobnaa dhowr dabaq, iyada oo geeri ka door bidday waxyaabaha uu ninkeedu kula kacayo oo in la qariyaa ay ka roon tahay sheegistooda.

Waxay ahayd gabar aad u dabeecad wanaagsan, furfuran dadka intii taqaannay oo dhamina jeclaayeen, balse dareen fudud oon dulmi u dulqaadan. Gabadhii waa la guursaday iyada oo raalli ka ah, ha yeeshee aan nolosha guur waxba ka garaneyn. Habeenkii aqalgalka ayuu ninkeedii amar ku siiyay inay isdhiibto, saa waa ay diidday iskuna dayday inay iska caabbiso, dabeetana ninkii baa sidii dugaaggi oo kale u soo weeraray, si uu u helo waxa uu u haysto inuu xaq iyo sharciba u leeyahay. Gabadhii intay xanaaqday ayay billowday inay jejebiso alaabadii qolka taallay inta ay ka gaartay, kolkaasi buu dadkii hoteelka degganaa soo kala yaacay oo intii ay gabadha dhakhtar u dooni lahaayeen, u dalbeen ciidanka booliska, kuwii oo iyana intay qabteen oo xirxireen u gudbiyay cusbitaalka dadka waalan.

Gabar baa guriga aabeheed ku gaartay gu’ soddonaad, maalinkii dambe baa nin lagu mehriyay, waxayna dhowr jeer isku dayday inay ninkeeda wada hadal kala yeelato arrimaha ku saabsan nolosha guurka, waase uu ku xanaaqayey mar waliba isaga oo diiddan in uu (naag) kala hadlo mowduuc ceynkaasi ah (sharaftiisana ku ciyaaro), ha yeeshee natiijadii kibirkiisu waxay soo baxday habeenkii aqalgalka. Haweeneydiisii oo ku kortay dhowrsanaan buu ka soo horbaxay isaga oo qaawan oo sidii Eebbe u abuuray ah. Gariir xoog leh iyo argagax bay gabadhii ku dhalisay aragtidaasi naxdinta lihi, waxayna billowday inay isdifaacdo, isagiina isku deyay inuu weeraro oo qabsado, balse wax guul la taaban karo ah sooma uusan hoyn, inkasta ooy libintu dhankiisa u badnayd. Kolkii uu ogaaday inuusan halkaasi koob biya ah ka kabbanaynin buu qolkii oo la moodo goob legdan dib uga gurtay isaga oo caydu afkiisa ka fanfaniinayso, degayna qol kale. Subaxdii ayuu soo laabtay si uu quraac u helo, waxase lagu salaamay quursi, yasmo, diidmo, iwm.. Habeenkaasi yaabka iyo argagaxa lihi waxa uu aroosaddii ku dhaliyay kacsi iyo rabitaan la’aan waqtiga galmada iyo weliba caadada oo isgefgefta.

 

BEKRA-JEBINTA

Habeenka aqalgalku waa habeennada nolosha qoys kan ugu horreeya, galmada dhacda habeenkaasi bayna gabadhu isugu bedeshaa haweeney, sidaasi daraadeed aad iyo aad buu ahmiyad ugu leeyahay haweeneyda cusub. Waxa ugu muhiimsan ee habeenkaasi dhacayaa waa bekra-jebinta. Bekradu waa xuub ama dub khafiif ah oo ku dahaaran afka hoose ee cambarka, waxaana ninka waajib ku ah inuu dillaaciyo ama ballaariyo xuubkaasi kolka ugu horreysa ee uu dhalfada gelinayo cambarka.

Waxa jirta in hablaha 10-39% xuubkooda bekradu aanu dillaacin balse uu ballaarto, iyada oo ay dhalfadu si xoog leh ku dhex marto xuubkaasi ballaartay. Xuubku waxa uu markaasi dhalfada u qabsanayaa sida laastiigga oo kale, halkaasina haweeneydu waxay ku dareentaa xoogaa xanuun ah oo ay macaani ku dheehan tahay (ka hadli mayno gudniinka fircooniga ah iyo gabadha la tolay, balse waxannu ka hadleynaa hablaha bekradii Eebbe u sameeyey qaba). Mar kasta oo ay dhalfadu sii ballaariso xuubka caynkasi ah, xanuunku waa uu sii yaraadaa, sidaasi buuna ninku geedkiisa si fudud muddo dabadeed cambarka ku geliyaa isaga oon wax dillaac ah u geysan. kolka ay galmadu badato si toos ah buu xuubkaasi u kala tagaa isaga oon wax dhiig ahi ka imaan amaba xitaa xanuunin.

Ragga khibraddoodu ay yartahay qaar baa u haysta in bekra-jebintu ay u baahan tahay xoog, kana shakiya awooddooda sidii iyaga oo ku jira ciyaar kooxeed, cabsidaasi oo dhibaato nafsiyadeed ku abuurta habeenka aqalgalka. Haddaba xaqiiqdu waxa weeye in bekra-jebintu aanay u baahnayn xoog, ha yeeshee ay ku filan tahay oo qura geedka ninka oo kaca dhalfaduna adkaato oo taaganto.

Dariiqada ugu sahlan ee uu ninku xaaskiisa ku bekra-jebin karaa waxa weeye gabadha oo intay dhabarka si dherer ah ugu seexata labadeeda lugood kala furta, jilbaha soo laabta, labadeeda cajirna kala fogeysa iyada oo gacmeheeda kaashanaysa, sidaasina uu ku ballaarto afka cambarku, kuna giigsamo xuubka bekradu, dhex-maristiisuna sahal ku noqoto. Dabeeto intuu ninku geedkiisa ku subko kareemo sahasha sibxashadiisa, ayuu xaaskiisa kor kaga yimaadaa, oo dhalfada u saaraa bushimaha cambarka, hal-marna si kedis ah kaga dusiyaa, halkaasina bekradii sidii maqaar durbaan u dillaacdaa.

Haddii gabadhu ay tahay mid aqoon yar, cabsi badan, kana baqaysa bekra-jebinta, waxa ninka waajib ku ah in aanu isku deyin in uu xoog kaga dusiyo geedkiisa, gaar ahaan hadduu geed weyn yahay sahalna aysan ahayn inuu cambarka dhex-maro, balse waa inuu u dib dhigtaa ilaa berrito kuna kaaftoomaa istiimin iyo salaaxid, si uu u soo dhoweeyo xabiibtiisa. Haddii uu ku guulaysto inay xaasku istiinka qaadato waa inuu si tartiib-tartiib ah isugu dayaa inuu kaga baabi’iyo cabsida ay ka qabto ninnimadiisa, isaga oo erayadiisa naxariista leh laabta ugu dejinaya, iskuna deyaya inuu ka bi’iyo gacaladiisa is-difaaca nafsiyeed iyo tan jireed intaba.

Kolka uu taasi ku guulaysto, waa inuu furista albaabka xiran u billaabaa si xariifnimo ku jirto, isaga oo isku deyaya ballaarinta xuubka bekrada, kana dhaadhicinaya aroosaddiisa in xanuunku uusan ahayn mid laga baqo, afka uu furayna uu yahay mid ku filan inuu si sahal ah geedkiisa ku geliyo. Waa inuu billaabaa gelinta dhalfada, isaga oo raacinaya niiko fudud, waana inuu xoogga saaraa inta u dhaxaysa labada bushimood ee yaryar xuubkooda ku beegan bartamaha cambarka, dabeetana gacaladiisa afka-afka u geliyaa oo dhunkasho iyo dhuuqmo ku billaabaa, daqiiqado kadibna si toos ah u geliyaa geedka. Markaasi qaylo ayay ku dhifataa, neef ay ku dheehan tahay oohin iyo farxadna neefsataa, kuna soo geba-gebeysaa dhoola caddeyn. waa guul.

Sida caadiga ah kolka bekrada la dillaaciyo dhiig ayaa ka yimaada, aan ka badnayn dhowr dhibcood, halleeyana go’a ku firaashan sariirta. Dadyowga dunida qaar baa waxay dhiiggaasi ku tilmaamaan inuu daliil u yahay bekranimada gabadha, ehelada gabadhuna waxay sameeyaan xaflad diini ah ooy ku xusayaan go’aasi dhiigga leh, iyaga oo ku waraya meelo loogu talagalay, kuna faanaya, ha yeeshee arrintaasi waa mid diinteenna Islaamka iyo akhlaaqda (anshaxa) khilaafsan.

Haddii gabadha uu dhiig badani ka yimaado, taasi oo mararka qaar dhacda, waxa waajib ku ah inay intay dhabarka u seexato, ay labada cajar isku dhejiso, iyada oon waxba isdhaq-dhaqaajin, markaa isaga ayaa iskii iskaga joogsanaya, waana inaanay isku deyin inay joojiso amaba dhiiggaasi tirto.

Waxaa marmar dhacda in xuubka bekradu uu adag yahay oo aanu ninku si fudud ku dillaacin karin, waxaana loo baahan yahay markaasi in aan xoog lagu dayin, oo intii aynu maqli lahayn qaylo iyo oohin ay habboon tahay in dib loo dhigo ilaa habeen dambe, haddiise arrintu adkaato waa in loo geeyo dhakhtarad ku takhasustay cilmiga haweenka, si ay qalliin bekra-jebin ah ugu sameyso. Xuubka bekradu kolka uu dillaaco sida caadiga ah waxa uu reebaa gaballo yaryar ama faraqyo aroosadda xanuujiya habeennada xiga, waxayse iskood u baaba’aan dhowr maalmood ama dhowr usbuuc kadib.

XUUBKA BEKRADA

Xuubka bekrada waxa dusha ka dahaara bushimaha yaryar ee cambarka. Xuubkaasi oo dillaaca habeenka gabadha la bekra-jebinayo, wuxuu yeeshaa kolka uu dillaaco faraqyo ama raaman, waana la dareemi karaa jiritaanka raamankaasi ilaa laga gaaro dhalmada koowaad kolkaasi oo uu si toos ah u baaba’ayo. Dillaaca xuubka bekrada waxa la socda dhiig bax heerar kala duwan leh. Waxa laga yaabaa in xuubku uu aad u adag yahay, hor istaagana galmada, ama yahay sida laastiigga oo kale oo uusanba galmo ku dillaacin, balse goor dambe dhalmadu ay dillaaciso. Waxa dhacda in mararka qaar afka xuubka bekradu uu yahay mid tooxan oo uusan koobaabnayn, mararka qaarna waaba uu dahaaran yahay oo maba laha xitaa meel uu dhiigga caadadu kasoo baxo, taasi oo kallifta in dhakhtar loogu yeero.

Dhakhtarad caafimaad oo tijaabo ay la kulantay ka hadashayna waxay tiri: (Gabar lix iyo toban jir reer miyi ah ayuu ninkeedii oo wadaa iigu keenay rugteyda caafimaadka. Waxay ahayd gabar caato ah, midab boor ah leh, aadna u bar yar, oo ruuxii eegaa u malaynayo inay ilmo laba iyo toban jir ah tahay. Waxaan ugu horreyntii u qaatay inay raashin xumo sidaan u gashay, ha yeeshee waxa iga shaki siiyay jirkeeda aad mooddo inuu dhiig caddaad qabo oo boorka leh, waxaanan is iri armay dhiig sumow qabtaa. Markii aan dharka ka dhigay waxa ii muuqatay caloosheeda buuran. Kolkii aan ninkeedii weydiiyayna waxa uu ii sheegay inuu qabo muddo ku dhow sanad, maalmahaan dambese ay billowday inay caloosha ka sheegato, isaga oo intaasi ii raaciyay “Waxaan u maleynayaa inay uur 5-6 bilood ah leedahay”. Dabeeto gabadhii ayaan weydiiyay su’aasha caadiga ah “ Goormaa dhiig caado kuugu dambeysay?”, waxanay iigu jawaabtay inaanay weligeedba arag dhiig caado, saa ninkii baa lasoo booday “Gabadhu waa ay yartahay oo weli ma qaangaarin, waxaana laga yaabaa inuu uurku sabab u yahay caado la’aanta”. Gabadha kolkii aan baaray waxa ii caddaatay in uusan jirin wax uur shan bilood ahi, balse ay jiraan wax aan garan waayey. Waxaan markaasi baaray ilma-galeenkii, saa dhabtii baa qorraxda ka caddaatay oo aad iiga nixisay. Cambarka waxa ku dahaaran dub dhumuc weyn oo balaastiig ah, kolkii aan farta ku riixayna si sahal ah u duusmay, waxayna farteeydu ku sigatay inay gaarto luqunta ilma-galeenka oo uusan u dhexeyn wax aan xuubkaasi ahayni. Ninkii baan weydiiyay waxa uu ka xusuusto habeenkii aqalgalka, wuxuuna iigu jawaabay “Habeenkaa xaaskeyga waan u tegey, wax dhiig ahise kama imaan, ha yeeshee kama aanan shakiyin maadaama ay ahayd ilmo yar oo aan weli caqliyaysan”. Markaas baan ninkii u sheegay in naagtiisu ay weli bekro tahay ayna ku dhalatay xuub bekro dhumuc weyn oo owdan, waxa caloosheeda ka buuranina uu yahay dhiiggii caadada oo bilba bisha ka dambeeysa ku ururayey, meel uu dibadda uga soo baxana la’aa. Kolkii aan xuubkii bekrada dillaaciyay waxa oodda soo goostay dhiigii duugga ahaa oo is urursaday, gabadhii markaas bay miiskii ay dul saarneyd uga toostay sidii iyada oo markii ugu horreysay ka soo nabdoonaatay cudur ku raagay) .

Xuubka bekrada caadiga ahi kolka uu ku dillaaco galmada ugu horreysa, waxa dillaacaasi luqada caafimaadka lagu yiraahdaa (Defloration), ha yeeshee waxaa laga yaabaa in dillaacaasi ay keenaan waxyaabo kale oo aan galmo wax xiriir ah la lahayni, kolkaasi ooy gabadhu dareento xanuun yar amaba aanay waxba dareemin, xoogaa dhibco dhiig ahina ka soo tif-tif yiraahdaan. Waxa isna jira xuub bekro daloolkiisu uu laab-laaban yahay, kana ballaar badan yahay kan koobaabinta ah, geedka ninkuna uu geli karo isagoon wax dillaac ah u geysan, gaar ahaan hadduu geedku ka dhumuc yar yahay sida caadiga ah. Waxa kale oo isna jira nooc xuub bekro daloollo badan leh sida shaqshaqa oo kale, kaasi oo kolka galmadu dhacayso si sahal ah u dillaaca isaga oon keenin wax dhiig bax iyo xanuun ah toona. Waxa intaa dheer hablo dhasha iyaga oo xuubkooda bekradu aanu lahayn wax dalool ah sidaan hore uga soo hadalnay waase arrin naadir ah. Xuubka bekrada noocyadiisa waxa ugu badan (75%) nooca jilicsan daloolkiisuna koobaabinta yahay. Boqolkiiba 25% waa noocyada kale ee aan caadiga ahayn, waana in arrintaasi maanka lagu haayo.

Waxa laga yaabaa in xuubka bekradu uu ku dillaaco sababo kale oon ahayn galmada sida farda fuulka, mooto fuulka, amaba ay gabadhu farteeda ugu dillaaciso si ula kac ama kama’ ah sida iyada oo farta ku riixda si ay u hubsato in ay weli bekro tahay, sidii qof kiish lacag ahi jeebka ugu jiro oo mar waliba gacanta ku hubsanaya inuu meeshiisii weli ku jiro, taasi oo markaasi keenta inuu si tartiib-tartiib ah u duusmo dabeetana u dillaaco.

Xuubka bekradu kama qaybqaato galmada wax shaqa ahna kuma laha, mana keeno wax raaxa ah, ha yeeshee waxa uu qiimi weyn u leeyahay nolol bulshadeedka mujtamacaad badan oo dunidan ku nool. Dad badan baa waxay ka dhegaxiran yihiin waxa uu xuubkaasi yahay, waxaanay qaarkood aaminsan yihiin inay waajib tahay in xuubkaasi lagu dillaaciyo kulanka ugu horreeya ee ay kulmaan labada aqalgalay dhiig gaduudanina soo yaaco, haddii kale gabadhu bekro ma aha. Waxa dhacda in dalalka qaar gabadha qudha laga jaro hadduu dhiig ka soo yaaci waayo habeenka aqalgalka, iyada oo looga aar-goosanayo inay ku ciyaartay sharafteedii iyo tii eheladeeda intaba.

Kolka laga soo billaabo waqti fog, xuubka bekrada oo nabad qabaa waxa uu ka marag kici jiray bekranimada gabadha iyo inaan weligeed loo tegin, suuragalna aanay ahayn inay uur qaaddo xitaa hadduu ka joogsado dhiigga caadadu. Si haddaba looga ilaaliyo gabadhu inay bekra-jabto iyada oon bisayl (16-18) gaarin, waxay mujtamacaadka qaarkood u dejiyeen qawaaniin u diidaysa inay sameyso wax haba yaraatee lagu magacaabi karo galmo, xitaa hadday ahaan lahayd dhunkasho amaba taabasho xubnaha taranka dharka kakor laga taabanayo. Mujtamacadka qaar ay Soomaalidu kamid tahay waxay u qodbaan gabadha si iskaba daa gaabsiye sidii gabadhaasi guur loogu naageysan lahaa ay u baahan tahay dagaal ba’an oo dhiig ku daato. Iyadoo taasi jirto bay misana hablaha magaalooyinku gabarnimadooda (bekranimadooda) ku waayaan kacsi labboodnimo iyo raaxo jinsiyeed raadin aawadood, ama ay siraan dhallinyaro u ballan qaadda inay guursan doonaan, amaba jacayl been ah u dhisa, dabeetana kolka ay muraadkooda ka gaaraan qashin-qubka iskaga tuura una horseeda sharmuutanimo.

Si kastaba arrintu ha ahaato eh looma baahna in xuub bekro kasta oo dillaaca loo qaato inuu ku dillaacay galmo. Sidoo kale looma baahna in nabad-qabka xuubka bekrada loo qaato looguna dhaarto in gabadha lihi ay bekro tahay. Dr. Amiin Ruweyxa waxa uu ku qoray buuggiisii (Al-Xubbu Was-Sawaaju) sidatan: (Waxaa maalin maalmaha kamid ah ii timid gabar leh uur shan bilood ah, ahna ardayad Jaamacad dhigata. Gabadha waxay is jeclaayeen wiil ay Jaamacadda wada dhigtaan, waxanay ku ballameen inay is guursadaan kolkay waxbarashada dhameeyaan. Gabadha iyo gacaliyeheedu dusha sare ayay isaga galmoon jireen (waa uu u buraashi jiray) iyagoon wax dhaawac ah gaarsiin xuubka bekrada. Ha yeeshee taasi kama aanay hor istaagin xawadii inay maalin maalmaha kamid ah gaarto daloolkii xuubka, oo inta ay gashay, dabeeto uga gudubtay qaybihii hoose ee cambarka, sidaasi bayna gabadhii ku qaadday uur iyada oo bekro ah “sida uu dadku ku tilmaamo”). Haddaba akhristaha sharafta lahow isweydiiyoo ma tahay gabadhaasi bekro?.

Waxa weliba taa ka sii daran in la is xusuusiyana mudan umuur fara ba’an ku haysa qaar kamid ah dalalka bekrada caabuda (gabadhii xuub bekro leh ixtiraama). Dhallinyarada ku nool dalalkaasi qaarkood iyaga oo doonaya inay raaxeystaan isla markaasina ilaalinaya xuubka bekrada xabiibtooda, ayay ku kacaan umuur aad uga fool xun arrimihii lagala dagaallamayey, taasi oo ah inay hablaha uga galmoodaan dhanka gadaale (Dabada). Mashaqadaasi waa mid aad caan ugu ah dalalka habeenka inantooda lala aqalgelayo dhiigga ka soo yaaca u sacabba tuma.

War iyo dhammaan, galmada habeenka koowaad oo si naxariis darro ah loogu dillaaciyo xuubka bekradu waxa ay gabadha ku keentaa dhiig-bax iyo dhaawacyo mararka qaar u baahda dhakhaatiir iyo cusbitaallo. Waxa weliba intaa dheer gabadhaasi oo laga yaabo inay qaaddo qabow iyo rabitaan la’aan jinsiyeed ka dhashay dhaawacyadii habeenkaasi.

 

BISHA MALABKA

Soomaalidu waxa ay taqaan in toddobaadka ugu horreeya aqalgalka, haddii uu ninku shaqo lahaa intuu fasax ka soo qaato, uu xaaskiisa cusub guriga kula jiro, waxaana la yiraahdaa: (Hebel toddobo ayuu ku jiraa). Ha yeeshee, dalal badan oo caalamka ah waxa laga yaqaan bil kaamil ah oo lagu magacaabo (Bisha Malabka), kana billaabata habeenka aqalgalka.

Dhanka toddobaadka Soomaalida haddii aynu ku horreyno, ninku maba ku fekeri karo muddadaasi wax aan ka ahayn siduu u bekra-jebin lahaa gacaladiisa, maadaama uu bedenkiisa ku jeexayo meel bir loogu tolay, oo nasiib buuba leeyahay hadduu toddobaadka gudihiisa ku bekra jebiyo xaaskiisa.

Dalalka aan isticmaalin gudniinka fircooniga ah, oo bekra-jebintu aanay inta badan qaadan wax ka badan hal habeen, bisha malabka waxay u haystaan bil raaxo. Ha yeeshee guud ahaan labada xaaladoodba, aqalgalku waxa uu ka dhigan yahay seminaar u billaabanaya labada aqalgelaya, gaar ahaan gabadha ka soo baxday caalamkii gabarnimada, una soo baxday caalam naagnimo. Waxa looga baahan yahay ninka inuu bishaasi xaaskiisa baro dhammaan waddooyinka uu ku guuleysan karo guurkoodu, kuna socon karo ilaa geeriyi kala geyso. Waa bil isbarasho laba badan, laba naf iyo laba dabeecadood. Waa inuu ninku bishaasi gudeheeda ku baraa xaaskiisa dhammaan wixii uu ka garanayo hababka galmo iyo raaxo, dabeecaddiisa, dookhiisa, noocyada cunto ee uu jecel yahay, iwm.

Bekra-jebinta kadib, gabadhu waxay u baahan tahay nasasho iyo daryeel gaar ah, sababta oo ah dhaawacyada bekradu inkasta oo dusha sare ay yihiin haddana waa uun dhaawacyo ku dhacay jir dad, waxayna u baahan yihiin dhowr maalmood ilaa ay ka bogsoonayaan, waxaana marmar dhacda inay gabadha la bekra jebiyay u baahato in la daaweeyo. Haddaba iyada oo taasi laga duulayo, waxa waajib ah in maalmaha hore laga fogeeyo safarrada daalka iyo damqashada keena. Waxa kale oo jira in toddobaadyada xiga habeenka aqalgalka, ay aroosadda la soo darsaan isbeddello fara badan oo gudaha iyo dibadda jirka intaba kaga yimaada. Isbedelladaasi waxay u badan yihiin kuwo ku dhaca shaqada gudaha ee xubnaha taranka, sababta oo ah waa markii ugu horreysay ee ay gabadhu sidaasi u kacsato. Ilma-galeenka ayaa laalaabmaya, ugxan-siduhuna billaabayaa inuu hormoonno jinsiyeedyo ku shubo dhiigga, taasi oo raad ku yeelata dhammaan qaybaha jirka gaar ahaan qanjirrada iyo maskaxda . Sidaasi daraadeed shaqooyinkii hore ee jirka waxa ku soo kordhaya shaqooyin cusub oo aan hore loo aqoon. Haddaba waa inuu ninku muujiyo dulqaad iyo karaan, si uu u badbaadiyo bilawga nolol waarta, isaga oo meel iska dhigaya laxa-jacayl iyo iska dhega-tirka isbeddellada ku imaanaya gacaladiisa, waana inuu ku dadaalaa sacaadadeeda iyo raaxadeeda.

admin@somalimarket.com “Sabriye Macallin Muuse”

Somali

It’s tough running a country whose only natural resources are camels, bananas, frankincense, spiny lobster tails, shark fins, kidnapped aid workers and pirated yachts-a country which generates its tax revenue from roadblocks, license plates, pirate-collected port duties and whatever spare change is left in the sand. Somalia’s clans have been drilling holes in each other ever since the first Somalis decided to marry someone other than their sister. How long will this clan-banging go on? Well, until they run out of bullets and somebody ties down every rock in this parched, godforsaken country. Recently, the clans have cloaked themselves with high-faulting political names so that it sounds.

1 Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. waxaan doonaya ugu horen in laiga caawiyo sidee aan uga mid noqon lahaa webka somalilife
    2 waxaan doonayaa in laiga jaflitiro qaabka dumarka loo lasheekeysto


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: