Sh. Xasan Daahir” Hadii C/llaahi Yuusuf abaal leeyahay gabadhiisa ayuu Isiin lahaa, sababtoo ah..” Wareysii uu siiyay TV-ga Aljazeera.

July 1, 2007 at 2:53 pm | Posted in wareysi | 4 Comments

Gudoomiyihii golaha shuurada Maxaakiimta Islaamiga ah Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday shaashada caalamka kadib markii lagaga awood roonaaday dagaalkii ay la galeen dowlada Itoobiya.

Sh. Xasan Daahir oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka ALJAZEERA gaar ahaan barnaamijka LIKHAA QAAS isagoo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Ereteria ayaa si dheer uga hadlay xaalada uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya kadib bur burkii Maxaakiimta Islaamiga ah.

Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay ugu horeyn in uu isagu caafimaad qabo kana badbaaday duqeyntii Maraykanka ay u geysteen isagoo dhanka kalena xusay in haatan dalku uu cadow gacanta ugu jiro loona baahan yahay in laga saaro wax walba ka hor.

Sh. Xasan ayaa dhanka kale sheegay in wali ay jiraan maxaakiimtii islaamiga aheyd ayna yihiin kuwa hada ka dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya isagoo sheegay in dhamaan dowlada federaalka iyo kuwa itoobiya ay isku mid yihiin waxaa kaloo uu sheegay in xitaa ciidamada Ugandha ay la mid yihiin ayna u yimaadeen dalka sidii ay garab u siin lahaayeen Itoobiya.

” Anaga wax naloo reebtay majiraan umadeenana waa la xasuuqay, xasuuqaas-na dowlad ka hadashay majirto Qaramada Midoobay iyo qolooyinkaan isku sheega inay u doodaan xaquuqda aadamaha ayaa sheegay kaliya in xaalad bini aadan nimo ay ka jirto Soomaaliya.” Ayuu yiri Sh. Aweys.

Sh. Xasan daahir ayaa ka warbixiyay sidii ay uga badbaadeen duqeyntii Mareykanka uu u geystay kadib markii ay u carareen gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in Illaah uu ka badbaadiyay isagoo dhanka kalena xusay in Mobile-ka THURAYA uu Mareykanka u sahlayay ogaanshaha halka ay ku sugan yihiin.

” Waxaa cajiib ah mar alaale iyo markii aan ku hadalno Mobile-ka Thuraya 30- daqiiqo kadib waxaa na soo weerayaya diyaarado iyagoo madaafiic iyo gantaalo nala dhacaya, balse illaah wuu naga baxshay waxaase halkaa ay ku xasuuqeen dad xoolo dhaqato ah iyo xoolahoodii.” Ayuu Yiri Sh. Xasan Daahir.

Sh. Aweys ayaa u mahad celiyay umadda Soomaaliyeed isagoo sheegay in ay aad ula dhaqmeen markii cadowgu uu iyaga baacsnayay waxaa kaloo uu xusay in meelo ay cadowgu joogeen ay iyaguna ku dhuumanayeen.

Sidoo kale Sh. Xasan Daahir ayaa sheegay in Mareykanku uu wakiil uga soo yeeshay Itoobiya qabsashada Soomaaliya sida uu Israa’iilba wakiil uga dhigtay qabsashada Falastiin waxa Maxaakiimta lagu diidayayna ay aheed islaanimada.

Waxaa la su’aalay Sh. Aweys cadaawada ka dhaxeysa isaga iyo Madaxweynaha dowlada federaalka ah oo sida la ogyahay dagaal uu labadooda ku dhexmaray sagaashamaadkii xili Sh. Xasan Daahir uu hogaaminayay AL ITIXAAD waxa uuna Sh. Aweys sheegay in Soomaalidu marka ay doonayaan in ay qof u abaal gudaan caadadoodu tahay in gabar la isi siiyo,

” Hadii C/llaahi Yuusuf abaal leeyahay gabadhiisa ayuu I siin lahaa sababtoo ah waxaan ahay ninkii ka danbeeyay sii deyntiisa xiligii uu dagaalka nala galay oo aan gacanta ku soo dhignay kadibna iska sii deynay ” Xasan Daahir ayaa ku eedeeyay Col. C/llaahi Yuusuf In uu yahay nin daba dhlif u ah cadowga Soomaaliyeed isagoo sidoo kalena ku eedeeyay dowladaha Itoobiya, Kenya, Ugandha iyo Mareykankaba in ay mas’uul ka yihiin xasuuqii ka dhacay Soomaaliya.

Ugu danbeyn Sh. Xasan Daahir ayaa sheegay in madaxdii maxaakiimtu ay nabad qabaan Sh. Shariif-na ay mar walba isla hadlaan iskana warqabaan isagoo dhankla kalena beeniyay in wax xiriir ah ay kala dhexeeyaan dowladaha Eretrea iyo Iiraan oo lagu eedeeyay in ay taageero militari iyo mid dhaqaale siiyeen Maxaakiimta Islaamiga ah.

4 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. haa waa sax hadalka shiikha ,waana in loo mahad celiyaa wixi ey noo qabteen ,daba dhilifyadana waa in leyskugu tagaa oo lawada racdeeyaa oo loo fiirin waa qabiilkeeyga ee loo fiiriyaa ma daba dhilif baa mise maaha ,,somaliya somali baa leh ..dhul ninkiisi baa iska leh somaliya ha noolato aamiin,

  2. sax waye abayadis somaliya somali baa leh ..dhul ninkiisi baa iska leh somaliya ha noolato somaliya hanolato!!

  3. Waxaan marka hore salaamayaa dhamaan umadda soomaaliyeed meel kasto ay joogto, waxaana la yaab leh inuu sheekhu sheegay inay ka badbaadeen duqayntii u gaystay maraykanka markii ay ku dhuumaaleysanayeen jubooyinka laakiin duqayntaasi ay ku dhinteen dadka masaakiin ah oo xoolo dhaqato ah shiikhu ma wuxuu ku faanayaa inuu Ilaahay isaga ka badbaadiyay laakiin ay sababtiisa loo laayay dad masaakiin ah yaa qaadaya mas’uuliyadaas???? hadii uusan shiiku dhankaas ama howshaasba geli lahayn markiisa hore ma masaakiintaas lagu laayay jubbooyinka ayaa la layn lahaa ama kuwa hadda lagu laynayo magaalada muqdisho???
    waxaan u sheegayaa dhamaan dadka ka wada qarxinta itoobiyaanka ay saba u yihiin duqaynta loo gaysanyo dadka masaakiinta ah ee ku nool caasimadda, hadii ay daacad iyo Lilaahi ay ka tahay xureynta dalka maxaa markii dagaalku fool ka fool ahaa looga soo carary Jannada ayay geli lahaayeenee, masaakiintii ardayda ahayd iyo odayaashii wadanka daacadda u ahaa ee (77kii) baray casharka lama ilaawaanka ahaa itoobiya loogu lug gooyay inta furunta la geeyay kadibna looga soo baxay garabna ay waayeen ( Allaha u naxariisto odayaash iyo ardaydaas) muxuu amar been ah ku bixiyay mooryaanka gaashaandhigga ay ka dhigteen kadibna uu lacag ku qaatay inuu lug gooyo muslimiinta dhabta ee ku shahiiday goobta dagaalka. isagana kadib u carary Germany maxaa ummada masaakiinta ah ilaa hadda loo laynayaa??? War Ilaahay ka cabsada diinta Ilaahay waad barateenee ummada haloo noxo ha isugu darin cadow gaal ah oo haysta iyo hoobiye gacantiina kasoo dhacay “Itaqulaahi fi naas yaa culamaa’aldiin” Ilaahay uga baqa dadkan.
    Soomaaliya Ilaahay ayaa abuurtay isagaana og kana bixinaya dhibtaan haysata waa imtixaan loo soo dirayee ee Ilaahay aan u laabano hala towbad keeno Ilaahay danbi dhaaf aynu weydiisano diintana haloo laabto waayo waxaa batay macaasida iyo dunuubta,
    W.c.w.w

  4. SHEEKHO . MISAAJIDKA AYAA LOOGABAAHANYAHAY;CABDILLAHINA;SHAQADIISI AYUU HAYAA; ITOOBIYAANKUNA; DADKAN WAAYANDAN DANBE. SINAADAY AYEEY.NINBA BOOSKISII; KUCELINAYAA


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: