Sheekh Shariif Rajada Soomali Waa Adiga!!

July 18, 2007 at 5:17 am | Posted in maqal | 3 Comments

Waxaan ku bilaabaya magaca Ilaaha wakiilka ka ah aduunka loona noqon doono xiliga danbe,waxaan aan jeclahay in aan maqaalkaan ku taageero halganka cusub ee ku wajahan sidii dalka looga saari lahaa cadowga Ethiopia iyo xulufada dalka keenay iyo sida uu howsha u wado Sheekh Shariif ineey tahay mid xaq ah una baahan sabar ama dulqaad faro badan,waxaan ka xumahay in taladii uu soo jeediyay Eng. Yarisow ee ahaa in uu siyaasada ka fadhiisto ama ka nasto,waxaa eey aniga iyo in faro badan nala tahay in Sheekh Shariif uu sii wado halganka xaqa ah,uuna muujiyo sabar,dulqaad,adkeeysi Ilaah u noqo Ilaahey waxaa uu dhahay:86 surad Aali-Cimraan لَتُبْلَوُنَّ فِي أَمْوَالِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ وَلَتَسْمَعُنَّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُواْ الْكِتَابَ مِن قَبْلِكُمْ وَمِنَ الَّذِينَ أَشْرَكُواْ أَذًى كَثِيراً وَإِن تَصْبِرُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ذَلِكَ

مِنْ عَزْمِ الأُمُور

Waxaa lagu imtixaana xoolaha iyo nafta,gaaladana had iyo jeer dhibaa laga maqlaa waxeeyse u baahan tahay adkeeysi iyo dhwrsanaasho,dagaalkii sokeeye waxa kaliya oo eey umada ka dhaxashay oo faaiido ah waxaa eey tahay in umada soomaliyeed eey ku baraarugeen in shareecada Islaamka eey tahay tan kaliya ee keeni karta nabada,cadaalada,iyo wadanoolaanshaha umada soomaaliyeed,waxaan leeyahay wallaalkeey Dulqaado,Sabir adkeeyso ogowna in aad hugan tahay mabdį aad qali ugu ah umada soomaaliyeed runtiina eey haboon tahay in loo taagnaado,loona sabro,haddii aad meesha ka baxdo ogow in dhaawaca uu soo gaarayo mabdaįa aad hogaanka u qabaty xligii uu Ing Yariisow ku tilmaamay the Golden Age ama xiligii dahabiga,waxaan kale oo aan aad ugu diidanahay wallaalkeey Ing Yariisow in danbiga MMI uu dusha ugu tuuray eey tahay mid aan waxba ka jirin waxaana ku sabbabeeynayaa in Ethiopia eey hore u qabsatay dhamaan dalka halka u harsaneeydna eey aheeyd Muqdisho,waxaan la inkiri karin in G/Bay,G/gedo,Gobolada Puntland G/hiiraan eey hore u joogeen Ethiopia halka u dhineeydna eey aheeyd magaalada xamar,waxaanba qabaa haddii eeyan MMI soo bixi laheeyn Ethiopia xamar waxaa eey qabsan laheeyd xiligii Maquuste uu noqday madx kusheega imbagaati ee 2004 balse waxaa Ethiopia eey timid xamar 2006 bishii ugu danbeeysay.

Ing.Yariisow waxaa hadaladiisa ka midka ahaa:Waxaana kula talin lahaa inuu ka soo tago Asmara oo uu yimaado waddamada kale, sida Doha, Dubai, Cairo iyo Yemen.

Suaasha jirtaa waxaa eey tahay Carab iyo afrika xiliga lagu jiro in laga soo dhex halgamo tee roon,dib u fiiri dowladaha carabta dhamaan weli taariikhda laguma hayo jabhad laga soo taakuleeyay oo wax noqotay,Palastiin ayeey u diideen dhulkooda,bal fiiri qoxootiga Palastiin ee xiligaann lagu gumaadayo Lubanan,dowladaha carabta anaga oo ka mid ah ayeey awoodi waayeen in eey af dheer ku dhahaan Ethiopia ha ka baxdo soomalia,Saiydka ayaa waxaa uu dhahay: maandhow calaacalka iga daa carabi waa naage,maaha qarnigaan aan ku jirno waxa uu Sayidka ka dhahay Carab,Eritareia waa dalka xaqiiqdii sida weeyn ugu gilgishay foolxumada gumaadka iyo qabsashada Ethiopia welina afdheer kaga dhawaaqday in USA eey tahay mida garabka ku siineeysa Ethiopia qabsashada soomalia.

Dalkaan waxaa uu soo maray xili la dhihi jiray:Angoola iyo Muzanbik indooshayna sharqul awsad irdahaa jabuuti abidkoodba ha xorowaan abidkoodba ha xorwaan,soomalia waxaa eey ka midka aheeyd dowladihii faro ku tiriska ahaa ee ka soo qeeybqaatay xoreeynta dowladado faro badan oo aduunka xiligaan xor ku ah,koonfur afrika,Angoola Muzanbik,Eritareia,Jabuuti Plastaan ayeey ka midka ahaayeen dowladihii aan u qeeyli jirnay xornimadooda,sidaas awgeed ayaa cadowlaga USA iyo Ethiopia ayaana weli caalamka uu ka aamunsan yahay

Waxa maanta dunidaan ka socdaa ayaa ah in aanan marnaba raali laga aheeyn in Shareecada Islaamka leeysku xukumo, waxeeyse gaareen MMI in umada soomaaliyeed eey u soo bandhigaan wax xaqa ah iyo in umada eey ku baraarugto xukunka Ilaah, lix bilood waxa eey qabteen MMI maaha wax lagu soo koobikaro maqaal balse ninwalbaa waa eey taabatay sharafta iyo cisiga diinta eey leedahay, shareecada oo la qaatay waxaa eey dhaxal siisay shacabka Muqdisho nabada,cadaalada iyo wada noolaansho, koleey ilama aha in Calmaaniyiinta Maquuste eey awoodaan 10% waxa MMI eey u sameeyeen umada soomaaliyeed,inta dhimatay Ilaah naxariis ha siiyo inta noolna koleey waxaa na horyaal imtixaan adag oo loo baahan yahay in lagu sabro loo dulqaato,Diinta ma dhiman iyadaaana baaqi noqoneeysa, kuwa u dhintayne waa shuhado balhum waa axyaa xaga Ilaah,inta taageerada u haysay MMI waxaa eey taageerayeen hirgelinta shareecada Islaamka ee ma taageereeyn qabiil iyo shaqsi taana waxaa ka marqaati kacaya in soomaali oo dhan eey u istaagtay qaadashada shareecada Islaamka, welina waxaan aaminsanahay in shareecada oo la qaataa eey wax badan ka bedeleeyso soo celinta nabada,cadaalada iyo wada noolaansha umada soomaaliyeed.Ilaah nagu filan oo akliya ee talada Ilaah saarta.

فَإِن تَوَلَّوْاْ فَقُلْ حَسْبِيَ اللّهُ لا إِلَـهَ إِلاَّ هُوَ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَهُوَ رَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ

Waxaan aad ugu xumahay in Xaaji Cabdi Imaan iyo C/aahi sheekh xassan hortooda uu Maquuste ugu sheego in Ethiopia eeyan ka baxeeyn dalka inta eey ka nabadeeyneeyso suaashuse waxaa eey tahay nabada soomaliya ma waxaa laga rabaa Ethiopia mise soomali,ninwalba diintiisa ayuu waxaa uu dhaafsaday xogaa Ilaahaana sheegay kuwa noocaas ah waa Suurada An-naxl aayada 94 aad oo leh: ha ku gadanina balanka ama cahdiga ilaah qiimo yar وَلاَ تَشْتَرُواْ بِعَهْدِ اللّهِ ثَمَنًا قَلِيلاً إِنَّمَا عِندَ اللّهِ هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ Ilaah waxaa agtiisa ah ayaa idiin qeeyr roon haddii dadow aad wax ogtihiin.

إِنَّا أَنزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ اللّهُ وَلاَ تَكُن لِّلْخَآئِنِينَ خَصِيمً

Dr.Ali.A.Hirabe

3 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. Hey, I’m the hope of Somalia, only Majeerteen boyz can fix the gab, shut the hole and solve the problem, I was here to tell you that Sheikh Sharrif is not as he once was. Adeer Shiikha way ka dhammaatay!

  2. hehe…lol@the hope of somalia.. wake up man… waa hurdoneysa waxa wadanka burburiyayba waa adinka maha lol viva shiekha…
    by the way seen ur blog still u’r not muster brogramer coz can’t leave ya a comment lol

  3. You couldn’t comment, coz, you know, I didn’t allow you… Besides, I’m the future ruler of Somalia… and at that time, you’ll become my soldier..
    by the way, I like your website…


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: