Beesha Caalamka oo ka cabsi qabta in Shirweynaha Casmara lagu

August 31, 2007 at 5:36 pm | Posted in somali | 2 Comments

Dowladaha Beesha Caalamka ayaa markii ugu horeeysay bilaabay shaki ay ku falanqeeynayaan shirweynaha Casmara uga furmaya garabyada Soomaalida 1-da bisha Setember,ka gadaal markii boqolaalkatirsansiyaasiyiinta,aqoonyahanada,
culumaa’udiinka iyo maalqabeenada Soomaalida ay ku biireen shirkaas.

Guddi beesha Caalamka u qaabilsanaa la socoshada shir Jabhadeedka Casmara ayaa warbixino ay ka diyaariyeen
ku tilmaamay muuqaalo aan la dhayalsan Karin oo sabab u noqon kara inay Casmara ka soo baxdo dowlad adag oo Soomaaliya yeelato,marka laga tusaalo qaado xubnaha
isugu tagay Casmara iyo awooda ay u leeyihiin inay dalka Soomaaliya ka hergeliyaan dowlad adag oo heysata
kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Warbixinada ay Saraakiisha QM diyaarisay oo aan xog
badan ka helnay,waxay ku sheegtay in Diyaarada Djabouti
ay ergada ka daad gureyneyso Soomaaliya garooma ku yaal iyo Jabuuti,sidoo kalana ay dhamaan aqoonyahanadii Soomaaliyeed ee dibad jooga ahaa isugu tageen Casmara,iyadoo garoonka Ereteria ee Mai Jax jax uu aad mashquul u yahay ergada Soomaalida ee ku qulqulaya aawadeed.

Dowladaha reer Galbeed oo shirweynahaas u arko mid danahooda Geeska Afrika Qatar ku noqon karo ,ayaan
wax saameyn ah ku yeelan Karin qaab socodkiisa shireed,sababtuna waxay tahay ergada ka qeybgaleeyso
oo dhamaantood isku mabda ah,heystana dhaqaalo fiican.

Shirweynaha Casmara ee garabyada isbiirsaday ee dowlada
ku kacsan ay ku dhisanayaan maamul ay ku mideysan yihiin,waxaa ka dhexmuuqda,Qaar ka tirsan madaxda dowlada,golaha Maxaakiimta oo dhan,qurba jooga
Soomaalida ,aqoonyahano,siyaasiyiin magac iyo miisaan ku leh dunida sida Proff Cabdi Ismaaciil Samatar,Proff Cali Khaliif Galaydh,Dr Cabdi risaq Xaaji Xuseen,Proff Axmed Ismaaciil Samatar,Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib iyo boqolaal kale
oo la mida.

Shirweynaha Casmara ee furmaya waxaa lagu casuumay dhamaan Warbaahinta dunida,waxaana tebin doono Telefishinka dalka Jabuuti ee RTD,iyadoo sidoo kale aan anagana idiin soo gudbin doono Warar iyo sawiro la xiriiro ,hadba halka shirka uu marayo,waloow caqabado ay ka
dhalan karaan Internet-ka Casmara oo slow,laga dareemayo.

Kala soco Waagacusub Shirweynaha Casmara ee
Isbahaysatada Soomaalida

2 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. marka hore waad salaaman tahay salaan kadib walaall waxaan ku weydiiyey magacaan Aden A.adow waxa loola jeedo oo ku save garaysan magacayga iyo cinwaankeyga, hana igula yaabin hadii aan qaldanahay iyo hadii aan saxsanahay intaba.
    tan kale qaab qoraalka webkaan waa mid lagu daalayee ujeedadiisu maxay tahay ma in waqti badan la geliyo ayaad doonaysaa mise sidaas ayaad u sameysay?.
    aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay

  2. Wan ka qaday sxb salanta anna mid lamid ah ayan hawada ku samarinaya mida xigta magacan waa magaceyga sxb oo sadaxan layab malahan dad magaca sadaxan waa isaga ekan karan lakin waxan layabay maxad ula jeda iyo ciwankeyga..??
    web blog gan sxb aniga admin kisa ah….

    sxb kani waa web blog…. hadi aa doneyso inaan kuu sharaxo waa maxay blog..?? Blog waxa weye meel lagu qoro dhacdoyinka xiisa leh sida siyasada, Arimaha bulshada, shekoyonka iyo waxi lamid ah inta aqrisaneysana si ay usoo post-eyan fikradahoda sidasna an iskugu wedarsano fikirkena intas ayuu usameysanyahay ujedkiisana waa intaas wasalam


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: