Xeer ilaaliyahii guud iyo ku xigeenkiisii oo xilalkii laga xayuubiyay iyo Gudoomiyihii Maxkamada sare oo la sii daayay.

September 23, 2007 at 5:08 pm | Posted in somali | Leave a comment

Xeer ilaaliyahii guud iyo ku xigeenkiisii oo xilalkii laga xayuubiyay iyo Gudoomiyihii Maxkamada sare oo la sii daayay.

Baydhabo Axad 23 September 2007, Waagacusub.com

Xeer ilaaliyaha guud iyo ku xigeenkiisa Qaranka Soomaaliya ayaa xilalkii laga xayuubiyay kadib markii ay sidaas isku raaceen golaha Wasiirada ee DFKMG sida uu Waagacusub u sheegay Wasiirka Warfaafinta Mudane Madoobe Nuunoow Mohamed.

Wasiirka Warfaafinta waxay ku nuuxnuuxsadeen in xariga ama afduubka lagu sameeyay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka Yusuf Cali Haaruun uu ahaa mid qalada oo lagu deg degay ama loo maray wado qalada.taasna ay sababtay in Xeer ilaaliyaha guud iyo ku xigeenkiisii ay ku waayaan xilalkoodii dowlada.

“ Golaha Wasiirada waxay hoosta ka xariiqeen in laga been abuurtay gudoomiyaha Maxkamada sare Yusuf Cali Haaruun,sidaas daraadeedna waxay amreen in xilalka laga qaado Xeer ilaaliyaha guud iyo ku xigeenkiisa”ayuu yiri Madoobe Nuunoow.

Xasan Dhimbil Faarax oo ah Wasiirka Garsoorka ayaa hore ugu hanjabay in la xirayo Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka ,waxaana la sheegay inuu isaga jaray waaranka qabashada Yusuf Cali Haaruun hasse yeeshee waxay taasi noqotay mid waji gabax iyo fashil ku dhamaatay.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka Proff Yusuf Cali Haaruun oo lagu sameeyay jirdil,bood qori,waxaa lagu wadaa inuu ka hadlo arinta ku dhacday iyo dimbiyada lagu eedeeyay.
Beesha Caalamka ayaa la yaabtay afduubka ay ciidamada dowlada ku sameeyeen gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka oo ah awooda ugu sareeysa ee dowlada.

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: