Cabdulahi iyo Geeddi oo xeeladoodii ugu dambeysay ee dagaal soo bandhigi doona!!

October 6, 2007 at 4:32 am | Posted in somalia | 1 Comment

wasiirkamadaxweynahaiyora_isulwasaaraha1.JPG

Khilaaf siyaasadeedka u dhaxeeya Cabdulahi Yusuf iyo Cali Geeddi ayaa u muuqda mid lugaha la galay xeeladahii ugu dambeeyay ee dagaal kadib markii Madaxweyne Yusuf ku adkeystay:-

In codka kalsoonida looga qaado baarlamaanka Xukumadda Federalka ee Ra’isulwasaare Geeddi,inta aan la gaarin waqtiga jiritaankeeda sharciyeed ee 12-ka bishaan Oktobar.

In la meelmariyo go-aamadii ka soo baxay shirkii uu Cali Mahdi gudoominayay ee loogu magac daray nabada,kaas oo qodob ka mida uu sheegayay in Ra’isulwasaaraha iyo golaha Wasiiradiisa laga soo xulin karo dibada baarlamaanka,taas oo Cabdulahi kaga faa-iideysanayo in hadii Cali Kalsoonida waayo uu si toosa kaga qaado awooda.

Khilaafka labada nin ee ka tirsan dowlada tabarta yar ee meel ku gaarka,waxay walaac gelisay Xukumadda Itoobiya iyo beesha Caalamka oo ah kuwii maalgeliyay Dowlada ,iyagoo ka cabsi qabo inay dhamaan burburaan hay’adahii lagu soo dhisay shirkii dib u heshiisiinta ee labada sano ka badan ka socday Kenya,lana soo gabagabeeyay 2004.

Madaxweyne Cabdilahi marnaba muran kagama jirto in xafiiska Ra’isulwasaarenimada laga kaxeeyo Cali Maxamed Geeddi,oo la geeyo shaqsi ay wada shaqeyn karaan isaga.waxaana inta badan la hadal hayaa,Cali Mahdi Maxamed oo ay aad isugu dhaw yihiin beryahaan dambe,Wasiirka Ganacsiga Proff Cabdilahi Afrax iyo Maxamed Maxamud Gacmo dheere oo ah Wasiirka arrimaha gudaha,waloow qaar ka tirsan la taliyeyaasha korneyl Yusuf doorbidayaan in booska Cali Geeddi la geliyo xubin laga keenay dibada ee aan ka qeybgelin khilaafaadkaan sanadaha dambe,awoodna u heli kara inuu la xaajooda mucaaradka dowlada ee fadhigooda yahay Asmara iyo dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ee ku sii xoogeeysanaya Muqdisho.

Taageerayaasha Cali Geeddi,waxay si buuxda u cadeeyeen oo ay shirar gooniya oo ay yeelanayeen isla garteen ,inay isdaba taagayaan Cali Maxamed Geeddi,ayna si buuxda uga hortagayaan cidii uu Cabdulahi Yusuf doono inuu ku bedelo,waxayna digniino gaara u muujiyeen Cali Mahdi oo ay kula taliyeen in magacaabistiisa ay wiiqeyso isku duubnida beelaha Mudulood gaar ahaan tan ay ka wada tirsan yihiin ee Harti Abgaal.

Dhinaca kale Gacmo dheere ,dad badan baa su,aal ka keenaya waxtarka uu ku soo kordhin karo siyaasada murugsan ee Soomaaliya ,uuna dhex cararayay 1991-dii ,markaas oo xabsi ay ka sii daayeen dagaalyahanadii beelaha USC.sidoo kale magacaabistiisa waxaa laga cabsi qabaa inay soo nooleeyso colaado hore u dhexmaray beelaha Hiraab oo la dhameeyay xilli hore.

Proff Afrax wuxuu xubin ka ahaa golaha dhexe ee Ururkii USC SSA ,isagoo u xilsaarnaa dhaqaalaha taasina ay canaan badani kaga timid mudadii uu xilka hayay,waxaa kale oo jirta in beelaha Waceysle ee uu ka dhashay aysan diyaar u ahayn inay taageeraan tilaabooyin siyaasadeed khilaaf ka dhex abuuri karo beelaha Abgaal,ugu dambeyna dhalin kara dagaal sokeeye.

Warar sira oo Waagacusub xog ogaal u noqday ayaa sheegaya in Proff geeddi laga yaabo inuusan tegin Magaalada Baydhabo kadib markii ay talaadadii u jeediyeen talo taageerayaashiisa iyo qaar ka mida qaraabadiisa,kuwaas oo ku adkeeyay inuusan haba yaraatee kalsooni weydiisan baarlamaanka,iyagoo tilmaamay inay doon qura wada saaran yihiin isaga iyo Cabdilahi Yusuf,uuna ujeedka yahay inay marqura wada dhacaan ama wada joogaan ilaa 2009,xilligaas oo ah waqtiga Axdiga KMG u qabtay in dalka laga sameeyo doorasha xora.

Wasiirka arrimaha dibada ee itoobiya ayaa lagu wadaa inuu maalinta khamiista Muqdisho ku tago socdaal la xiriira xalinta khilaafka Madaxweyne Yusuf iyo Ra’isulwasaarre Geeddi ee ka sii daraya,loogana cabsida qabo inuu burburiyo guud ahaan jiritaanka dowladnimo ee federalka Somaliya.

Taageerayaasha Cali Maxamed Geeddi ayaa Waagacusub ugu xog waramay in Socdaalka Siyum Musfin ee Muqdisho uu khuseeyo,sidii uu Madaxweyne Yusuf ugu qancin lahaa inuu ka tanaasulo ololaha ka dhankaa Ra’isulwasaarre Geeddi ee uu doonayo inuu xilka uga qaado.

Inkastoo ay fikirka nuucaasa ka bixinayaan taageerayaasha Geeddi Socdaalka Wasiir dibadeedka Itoobiya uu khamiista ku tagayo Muqdisho hadana dhinaca kale taageerayaasha Cabdilahi Yusuf oo Waagacusub kala sheekeeystay fikirkooda socdaalka Musfin,waxay qabaan in socdaalka Wasiir dibadeedka Itoobiya uu yahay mid uu ku qancinayo Ra’isulwasaarre Geeddi ,oo uu kula talinayo inuu iska wareejiyo xilka maadama uu sanado badan xukumada federalka hogaankeeda hayay.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa xaqiiqo ah in marjaca madaxda sare ee dowlada uu yahay Xukumadda Addis Ababa ,taas oo ka dhigan inaysan sina ku diidi Karin go-aankasta oo ay ka qaataan xalka khilaafka u dhaxeeya labada hogaamiye ee DFKMG.

1 Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. FIRST QUETION ARE WE AS A SOMALIA PEOPLE UNDER CONTROL ITHOPIANS NOW, AND IF THAT IS THE CASE , DOES IT EXIST STATE OF SOMALIA NOW, SHAME ON YOU , THOSE WASHING THE ASS OF MELE ZENAWI,

    THEY WILL ACCOUNTABLE THEIR ACTION, AND WE ARE NATION AS A SOMALI COMMUNITY AND WE WILL FREE OUR COUNTRY IN SHA ALLAH ONE WAY OR ANOTHER, BUT IF YOU ARE USING TRIBE TO DIVIDE OUR PEOPLE ,I M TELLING YOU IT WILL NOT LAST IN SHA ALLAH BI ITNI LAAHI CARIIM B.


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: