Yuusuf Qumeyr: Caleenta iyo Cawska ayaan ku Noolaa daanyeeradana cuntaan la qaybsadey Qiso naxdin leh oo kusaabsan wiil reer Swedan ah oo dagaal Soomaaliya ka galay

October 9, 2007 at 6:54 pm | Posted in maqal | Leave a comment

Yuusuf Qumeyr waa wil 23 jir ah oo reer Sweden ah, kaasoo abihii asal ahaan ka soo jeedo dalkaTuniisiya hooyadiisna ay tahay haweenay u dhalatay dalka Sweden, waxaa uu ka mid ahaa koox kontameeyo Carab oo u gurmatay maxakamadaha islaamka xiligii dagaalka ay kula jireen ciidamada Itoobiya , waxa uuna gaarey kaymaha fog ee ku yaal xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.
Wiilkan dhalinyarada ah oo ay wareysatay Shabakada Islamonline ee laga leeyahay dalka Qadar oo markii horena ka tagay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa waxa uu si baaxad leh ooga shekaynayaa dhibaato adag oo kusoo waajahday xiligii uu dagaalku ka dhex qarxay xoogaga Maxkamadaha iyo ciidanka Itoobiya, markaas oo Ciidamada mareykankuna ay dusha ka garaacayeen saldhigyada maxkamadaha.

Yuusuf Qumeyr waxa uu si murugo leh uga waramayaa sida wax u dhaceen xiligaas oo uu joogay dhulka dhirta badan ee ku yaal koonfurta Soomaaliya, markaas ku dhex anbaday kaymaha go’doonka ah, sadex biloodna uu ugaarta iyo qaybaha duurjoogta kale duwan nolasha la qaybsanayey, waxaana uu ka bilabayaa nolashii Kharaarka badnayd ee uu soo marey xiligaas.
Waxa uu yiri” waxa ay ahayd maalin ama laba maalmood ka dib Ciida barakaysan ee Al adxaa, oo ku beegnayd 2da ama 3dii Janaayo 2007 , waxanan ahayn qiyaastii 50 naftii hore oo u kala dhashay dalalka Carabta waxaan joognay kayn ku taal inta u dhaxaysa xuduudka Soomaaliya iyo Keenya waxana maxkamaduhu mareyeen xili adag oo ay wax walba faraha ka baxeen ayna ka soo insixaaben inta badan goobihii ay fadhiyeen oo casimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay ku jirto, dagaalyahankooduna kooxo kooxo ayey ugu kala baxeen kaymaha adag ee halkaas ku yaal” . waxa uu sheegayaa ninkani in xiligaas ay weerarro dhinac walba kaga soo ekeyeen Diyaaradaha dagaalka ee mareykanku dagaalyahanka uu la socday iyadoo Itoobiyaankuna madaafiic ku asqaysiiyeen goobhii ay ku dhuumaalysanayeen, iyadoo uu arkayey dhamacda olalaysa iyo nabaalka wax guba ee qaracyadu ay jafaysay gedaha oo lamaha kala jareysay hortiisa iyo gadaashiisa, dhulka agagarkiisa ee cagaarina uu dagdag gubad isgu badallayey.

Yuusuf waxaa uu sheegayaa in xiligaas ciidamadooda qaarkood aanayba hub haysan, inta hubka haystaana ayna waxba ka qaadi karin dayuuradaha waawayn ee gantaalaha ku asqaysiinaya iyo madafiicda sida daran dooriga ah ugu soo shubmaysa korkooda, taasina waxay qasbaysay in aan ku kala leexano ayuu yiri kaymaha oo aan gabaad raadsano.
cabdi.jpg

Arintaas ayuu Qumeyr si faahfahsan uga warbixinayaa wuxuuna leeyahay” Ciidanka Itoobiya ayaa maalin weerar lixaadleh nagu soo qaaday, aroortii hore markiin aan salaada subax ka baxnay markaas oo aniga oo caga cad ku dhex cararey kaynta oo aan ku anbaday markii danbe, waxaana markaasi soo food saarey walwal iyo naxdin markii uu ogaadey in uu kaligiis ku yahay howdka aan dhamaadka lahayn oo ay ciidamada cadawguna cidwalba ugaarsanayaan, maalintaas oo dhan waxay yuusuf u ahayd walwal iyo walaahoow hubka uu adegsanayeyna waxa uu ahaa baryada ilaahay, salaad, quraan akhris iyo oohin, wuxuuna ilahay ka baryey in uu xaladan ka badbaadiyo.

Laakiin hadana wuxuu sheegayaa inuu isku dajinayey inta badan in haduu dhinto uu yahay nin shahid ah oo ku dhintay wadadii ilahay raaliga ka ahaa.. waxa uu yiri ” waxan sii socday maalin habayn ooanan arag cidana, waxaana ii cadaatey in aan si fog u sii lumay oo ay sugayaan malmo adag oo kharaar badan, taas oo ii hor seedi doona gaajo iyo Haraad badan .. waxaa meel kasta oo agteyda ah joogay maalinkii xayawaanka noocyihiisa kala duwan kuwaasoo nasiib wanaag aan ahayn kuwa wax dhibaateya waxaana ka mid ahaa Daanyeerka, noocyada kala duwan ee ugaarta, iyo Xamaaratada .. laakiin habeenka ayaa ugu murugo badnaa waayo waxaa bananka u soo wada baxaya xayawanada halista ah oo dhan sida libaaxa, dawacada, warabaha iyo yeyda iyo wixii la halmaala, waxana si argagax leh isku dhex yeeraya cida iyo hiinraaga bahaladaasi, waxanan inta badan nafta ku badbaadin jirey geedaha dushooda oo aan baryada ilahayn mar walba kashanayey, badbadana aan ka sugayey .. ” waxayna Yuusuf arintaasi ku qadatay dhowr Todobaad oo uu maqlayey hugunka rasaasta iyo dagaalada ka dhacayey dhulka kaymahaa, markaas oo marmarna shedda uu ooga jeeday ciidamada mareykanka oo dhulka ku dajinayen ciidamadooda gaarka ah si ay u qabtaan dadka firdhadka ah ee kukala lumay howdka ah.
Muxu Cuni Jirey?

Qumeyr wuxuu ka sheekaynayaa wuxuu xiligaas uu anbadka ku dhex ahaa Kaymaha waawayn dhexdooda uu ku ceeshi jirey oo jidiinka uu marin jirey iyo halka uu ka heli jirey biyo intaba , wuxuuna leyahay ” Inta badan waxa igu quus badnaa oo aan la dhibtoon jirey sidii aan u heli lahaa wax aan jidiinka mariyo oo aan nafta ku ceshado si an usii noolaado maalmo kale , waxayna dantu igu qasbi jirtay in aan laamaha geedaha ka fujisto diir diir caroogta ( waa diir diir ku dhexjirta caroog wareegsan oo xiliga barwaqada ah ku dul dahagta hlamaha geedaha waawayn) Xabagta iyo caleenta geedaha calaliyo iyo waliba oo aan doogga daaqo aan ugaarta la daaqo, waxaana aan aad u farxi jirey markaan helo waxa ay Soomaalidu u taqaan Saytuunka daanyeerka oo ahaa wax dhadhan ahaan yara dhaama dhirta kale.. sidoo kalena waxa aan waqti dheer ku bixin jirey si aan u helo biyo haraadka aan kaga baxo, waxana dhici jirtay in aan waqti dheer ka dib aan baadi goob ku heli jirey gal biyo ka gur ah oo dhooqo ah oo aan inta shaatiga ku miiro muudsan jirey, kuwaas oon markii danbe ka qaaday cusurrka malaariyada .

Xiligaas asaga ah waxaa uu muuqaal ahaan u ekaa Yuusuf Qumeyr sidii reer (Asxaabu Kahfi) oo kale waxaa ku baxay timihii, garkiina waa uu dheeraaday waxa uuna gaarey xabadka, sarwaalkii yaraa ee uu xirnaana waxa waa uu hayl haylmay oo meelkasta geeduhu ka jeexeen, shaarkiisiina waa dhalan gadoomay siduu igu miireyey biyaha dhoobada ah oo cabi jirey, waxaana uu wariyihii la kulmay uu sheegayaa in xiligii ay dhibatadaasi qabsatay ay aad u fogayd hadana ay wali ka muuqdaan garaafooyinkii iyo dhawcyadii ka soo gaarey kaba la’aantii uu mudada sadexda bilood ah uu dhex xulayey kaymaha, oo uu qodaxda, dhoobada iyo abeesiyinkana ku joogsanayey.
Rajadii badbaadka!

Yuusuf Qumeyr waxa uu sheegay in dabayaqadii bishii Maarso oo ahayd sadex bilood ka dib uu markii ugu horeysay ee uu naftiisa u sheegay dareen yididiilo oo uu ka qabo inuu ka badbaadi doono in hilibkiisa waraabaha iyo aarku libaaxu qayb qayb Jugux hunguriga ugu siisto, markii uu ku soo baxay Tuulo yar oo uu markii hore u malaynayey in ay tahay tuulo ku taal gudaha keenya ; waayo waxa ay isaga la ahayd maadama uu sadex bilood lug ku jirey inuu ka baxay gudaha Soomaaliya oo uu gaarey dalka Kenya, hase ahaatee waxa u cadatay markii danbe inuu iska daba waregayey oo uu dib u laabtay, waxayna tuuladani ahayd dhulka Soomaaliya waana ( Kulbiyoow ) oo ku taal koonfurta dalka.

Qumeyr waxaa uu sheegay in ay dadkii Soomaaliyeed ee halkaasi dagaana iyo odaygii horjooga ahaa ay si wanaagsan u soo dhaweyen oo dhar iyo cuntaba ay siiyen si fiicanna ay u baxnaaniyeen muddo laba Usbuuc ah, habdhaqan walatinimona uu kala kulmay, waxaana uu kula sheekaysan jirey dadka oo aan luqada carabiga garanaynin fara fiiq fiiq oo ay isku fahmi jireen, laakiinse waxaa uu markii danbe ogaadey in nin odayga tuulada ay qaraabo yihiin uu quraanka xifdisanyahay carabigana ku hadlo oo si fiicanna ay dadka tuuladu ku nool ooga warhayeen markaasi dhibaatada soo wajahday dadka aan Soomaalida ahayn ee gurmadka dagaal ku yimid Soomaaliya xiligaasi .

Markii uu Yuusuf joogay Tuuladaas muddo laba todobaad ah waxaa laga fakerey sidi loo bixin lahaa, waxaana loo sheegay in ay qasab tahay in loo celiyo dhinaca waqooyi si xeebaha soomaaliya looga sii saaro doon u socota dalka yeman, waxaana xusid mudan in markaasi in xududa Kenya la gudbo ay halis ahayd oo ayna suuro gal u ahayn. sidaas ayaana gaari lagaga soo kexeeyey ninkaasi halkaasi markii uu odaygii uu tuulada kula noolaa ku amrey gaarigaas in lagu kexeeyo oo si dhuumashaal ah loo geeyo meeshi laga sii safrin lahaa, sidaas ayeyna gudaha Soomaaliya ugu soo safreen ilaa masaafo gaareysa 2800 KM dhinaca waqooyi meel u jirta halkii laga soo qaadey, wuxuuna Yuusuf ka sheekeeyey sidi ay ku soo maren dhulka intaas baaxad le’eg oo intiisa badan ay haysteen Ciidanka

Itoobiya, kuwaas oo aad baaritaan ugu hayey gadiidka u kala gooshaya dalka iyo socotada saaran, wuxuuna shegay in marka bar koontarool la soo gaaro uu gaariga dabadiisa ku qarinayey darawalka baabuurku , inta badana aan maalinkii oo dhan halkaas ku jiri jirey, oo habeynkii uun uu soo bixi jirey, isagoo ku ammaanay darawlkii soo qaaday inuu ahaa nin si fiican xiriir ula leh reeraha meshaas degan ee kala duwanaa oo saaxiibtinimadiisa macrifadiisa wax badan ku maareynayey.

Yuusuf waxaa uu xeebaha Soomaaliya ka soo raacay markii danbe dooni ay dad Soomaali iyo yeman ahi wateen sidaasna waxa uu ku soo gaarey dalka yeman, taasoo uu markii danbana la xiriirey nin ay saaxiib ahaayeen oo ka shaqaynayey safaradii dalkiisu ku lahayd Sucuudiga maadama ayna dalka Yeman sida uu shegay aanay ku oolin safarad uu leeyahay dalka Swedan, waxana halkasi looga soo sameyey warqad uu dalkiisa ku soo aado waxaana uu sidaas ku yimid dalka Sweden markii danbe markii uu ka soo dhargay xanuun iyo dhinac walba leh.
Waxaa xiiso badan in aan qoraalkan oo aan aad usoo koobay ku soo xiro sidii qiimaha badnayd ee uu

Yuusuf Qumeyri uga jawaabay Su’aal uu waydiiyey ninkii wareysanayey oo ahayd ” sida uu u doortay inuu ilmihiisa iyo xaaskiisa isaga dhaqaaqo oo oo uu qar iska tuurnimada intaas le’eg ku dhaqaaqo” waxaana uu ku jawaabay ” marka miisanka ilahay isku kaa barbar dhigo maslaxada gaarka ah iyo tan Umadda ( musliimiinta) waxaa muhiimsan tan Umadda”.Taasina waxa uu si cad ugu sheegaya sida aanu wax shalay ah ooga qabin go’aankiisi uu Soomaaliya ku aaday oo ahaa inu difaaco dal Muslim ah oo cadaw ku soo duuley islamarkaasana aanay mabadi’idu isbadalaynin si kasta oo jidka loo marayaa ay u dhib iyo khatar badantahay.

Cabdi Yuusuf
ina_yusuf@hotmail.com

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: