“Waxaad ciideysaan idinkoo madaxbanaanidiinii idiin muuqato”fariinta Isbaheysiga Asmara

October 13, 2007 at 5:20 pm | Posted in somali | 1 Comment

Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha G.fulinta mudane Sh.Shariif Sh.Axmed waxa uu hambalyo u dirayaa ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan munaasabadda ciidda soonfur ee barakeysan awgeed, waxa uuna Allah weydiisanayaa in uu ka aqbalo soonka, salaadda iyo ducooyinkii ay la yimaadeen bisha soon ee barakeysan ee sannadkan.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaa xoogagga muqaawamada, madaxdooda, Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, aqoonyahanka iyo dhammaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed ee diiday in ay u hogaansamaan damaca gumeysiga iyo dabadhilifyadiisa, muruq, maal iyo maskaxna u huray sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen ciidamada cadawga ee qabsaday una soo celin lahaayeen sharfkii iyo jiritaankii Soomaaliyeed ee dhulka lagu jiiday.
shariifka_oo_kor_loo_hayo3.jpg

” Waa hubaal in uusan gumeysigu cimri dheereyn hase-yeeshee waxa uu reebaa ceeb iyo cawaaqib xumo aan ka harin dabadhilifyada” ayuu guddoomiyaha ku daray hadalkiisa, isagoo bogaadiyey muqaawamada & waxqabadkeeda. Sidoo kale Guddoomiyuhu munaasabadda ciidda soonfur awgeed waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan dalalka Islaamka iyo madaxdooda, waxaanu ugu baaqay in ay ku taageeraan shacabka Soomaaliyeed sidii uu xoriyadiisii iyo madaxbanaanidiisii u soo ceshan lahaa, ciidamada Ethiopia-na dalka looga saari lahaa.

“Sh acabka Soomaaliyeed waa xusuusnaan doonaa sida ay madaxda dalalka Islaamka iyo kuwa caalamkaba indhaha uga laabteen – intooda aan ka qeyb qaadan- waxyeelaynta joogtada ah ee ciidamada cadawga ah ee soo duulay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed xilli aysan xukuumada sharci ahi aysan dalka ka jirin” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waa wax laga xumaado iyadoo dhiigii shacbka soomaaliyeed uu cadwgu daadinayo, oon, gaajo iyo hoy la’aanna ay la il adarn yihiin intii ka badbaaday xabadda cadawga inay kuwa masuuliyad sheeganaya ay u baratamayaan sidii ay gaari lahaayeen raalli ahaanshaha cadawga.

Guddoomiyaha Isbahaysiga waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay sida ay uga go’anatahay isbahaysigiisa xoreynta dalka, waxa uuna yiri waa inay Ethiopia ciidamadeeda ciidda Soomaaliyeed kala baxdaa, shacabka reer Ethiopia-na waxa uu ugu yeeray inay iska qabtaan madaxdooda faraha dhiiga kula jirta ee cadawga ku ah nabadda iyo degegnaanta gobalka haddii ay rabaan inay sii jirto qarannimadooda.

Ugu dambeystii guddoomiyaha waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay taakuleeyaan kuwooda tabarta daran, sidoo kale hay’adaha samafalka, ururada goboleed iyo kuwa dawliga ahba waxa uu ugu baaqay inay garagaaraan Soomaalida ku waxyeeloowday dhibaatada gumeysiga.

Bartilmaameedka WC:- Waa ayo Sheekh Shariif Maanta?!!!
XAFIISKA WARFAAFINTA

ASMARA12/10/2007

Xil suleymaan Colaad Rooble
xubin ka mid ah baarlamanka xorta ah ahna guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo wacyi galinta isbahaysiga dib-u-xoreynta soomaaliya

1 Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. waxaan jaecelaan lahaa in aad igu soo dirtaan emailkaga wiixii maxamed siyaad bare uu fakrad uu katagay


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: