Faahfaahinta Qudbadii daraad Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu jeediyay, “Gafafka uu qudbada ku geystay”.

November 22, 2007 at 10:00 am | Posted in siyasada somalia | Leave a comment



Faahfaahinta Qudbadii daraad Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu jeediyay, “Gafafka uu qudbada ku geystay”.
Baydhaba, 22/11/2007 November

Shabakada Waagacusub waxey idiin soo bandhigeysaa qudbadii uu daraad magaalada Baydhaba ka jeediyay Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Somali Cabdilaahi Yuusuf Axmed, inagoo soo qaadan doono qodobada ugu muhiimsanaa oo uu Madaxweynaha halkaasi ka jeediyay, waxana jiray gafaf dhowr ah oo uu qudbadaasi ka geystay.

http://somalitalkradio.com/cod/yusuf_20112007.m3u

Khudbadaan uu madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf Axmed, Nov 20, 2007 ka jeediyey Xaruntiisa (Baydhabo) ayaa timid kadib Siminaar ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha DFKMG oo looga hadlaayey Qorshaha Mustaqbalka guud ee dalka iyo Qorsho hawleedka DFKMG ee sanadka 2008-da.

http://somalitalkradio.com/cod/yusuf_20112007.m3u
Erayadiisa waxaa kamid ahaa:

“….Masaajida Muqaawamada waxaa loo geeyaa Muqaawamadu inta ay raashinkaas qaadato oo lacagaysato anaga nagula dirirto….” C/laahi Yuusuf

Xiriirka Muqaawamada Iyo WFP

Raashin iyagu ay suuqa ku iibsanayaan oo raalli ku yihiin oo midka ay xafiis dhibtaanba waa mid la shaqaynaya Muqaawamada iyo dadka fidnada ka shaqaynaya weeye. Maalin hore nin ayaa la xiray waad ogeydeen.. maxaa lagu xiray.. raashinkii ay keentay WFP ayuu walwaalaa oo masaajidada Muqaawamadu ku tukunayaan ayuu geeyaa… bal ka warama.. yaa… annagu kuwa aanu ku tukanno waa u sheegnay Gaalada oo waxaan iri annagu dadkayaga Muslimiinta dhabta ah oo Soomaalidii runta ahayd ah oo diintii runta ahayd haysata oo tirada badan masaajidda aanu ku tukanno waxba lama geeyo, ayaan iri. Masaajida Muqaawamada waxaa loo geeyaa Muqaawamadu inta ay raashinkaas qaadato oo lacagaysato anaga nagula dirirto. Soomaaliya marka in ay xasisho ma rabtaan ayaan ku iri.

Hadda ama waa la bedelayaa oo waa tegayaan ama qaar shaqaynayaa imanaya, ama Ilaah baa igu og halkan anigu majoogaa iyaguna Nairobi ma joogaan: weligay la hadli maayo… Haddaad idinku yeeleysaan, Caliyoow, adiga iyo wasirada kale iyo.. Ra’iisul wasaaraha iyo.. haddaad nimanka sidii hore ula macaamileysan anigu ma aqaan.. sannadku marka uu soo dhowaado wixii meelahaas ku haray iyo in wax la luf-lufaayo, haddee waa idinka, anigu idinkulama jiro…

Dalka inagaa leh, inagaana dad u ah, dawladna inagaa u ah, dhibaato ayaan qabnaa oo dhaqaale ma haysano, oo waxaynu wax ku qabano ma haysano, laakiin haddii aynu dadaalo oo fekero wax ayeynu qaban karnaa.. Nimanka in aan ka kaaftoomi karno aan tusno

Dawladda Soomaaliya ee rasmiga ah Nairobi ayey Joogtaa?

Haddii aad run rabtaan, 17-kii sano ee la soo dhaafay marka lagu saro 3-dii sano ee dawladdani dhisnayd nimankaasi Soomaaliya iyagaa dawlad ka ahaa ( De facto Government ) beentayn ma aha. 3-dii sano inagu aynu dawladda sheeganeyney, dawladda dhabta ah oo Nairobi fadhida iyaga weeye. Dawladda ay leeyihiin waa aqoonsan nahay oo tan ah, inta ay aqoonsadaan iyaga hala macaamileen, oo wixii ay bixinayaan iyaga marsiiyaan oo sidaas ku bixiyaan, oo intay soo guuraan ay Soomaaliya soo degaan, oo markaas wax inala qabaan, oo dhab ahaan wax inala qabtaan, nimankaas kama hor cadda.

Haatan haddii ay idinla fariisan lahaayeen buugaas in aydinaan qorteen ayey ila tahay…. ma qori lahaydeen haddii ay idinlajoogi lahaayeen, maya ayey aniga ila tahay.

Anigu maalintii waxaan ku iri baarlamaanka hortiisa, Haddeer meesha idinku weerari maayo’e, da’na waan ahay, mas’uuliyadna waan hayaaye, markaynu shir isugu nimaadno ayaan anigu ra’yigayga idiin sheegayaa ayaan ku iri, hadal sidaas u dhacaya ayaan ku iri.

Nairobi markii aan tegey, oo aan u tegey baaritaan caafimaad ( check-up ) iyagoo guuraaya ayey iigu yimaadeen hoteelkii aan deganaa, waa isla kuwii oo la soo badiyey.. Ninkii ayaa horkacaya, qaar kale ayey ku soo darsadeen, safiiro kale ayey ku soo darsadeen oo dalalka Yurub ka socda.. Meeshii ay ka bilaabeen.. Isbaarooyin ayaa wadoonkiya yaal, Afgooye wax ma geyn karno, Marka wax ma geyn karno, meel kale ama wado kale ka hadli maayaan, Afgooye iyo Marka, wadada Baydhabo iyo Xamar .. Wallaahi meel kale oo Soomaaliya ka mid ah in aysan igala hadlin… Malaha intaas uun bay rabaan in ay wax geeyaan ee Soomaaliya inteeda kale waxba ma geeyaan.. sow sidaas macnuhu noqon maayo..

…kii caasha-dheeraa ee Ameerikaanka ahaa muxuu ahaa Inkaar qabaha ahaa.. …Cooper… iyo .. Waleed iyo.. haddaad u dhiibtaan ALLAH MACAKUM ayaan ku iri anigu, wax aan shaqo ku lenahay lama arko.. C/laahi Yuusuf

Musuqmaasuqa iyo Dawladda Federaalak Kumeel Gaarka ah

Hadda ma waxbaan kala qarsaneynaa, sow inaga keliya ma aha, ma ajnebi ayaa inala jooga, saddex sannadood iyo weliba dheeraad sow hadda dawladaani ma dhisna, waayahay’e, haddii aydinaan lahayn ” tariff ” cashuurta lagu qaado, bal hadda dhegeysta, tii baarlamaanku soo saaranya aad tuurteen, caawa wax aad wax ku cashuurtaan aydinaan ka warqabin, oo aydinaan miisaaniyad samayn, oo cashuurta aad qaadeysaan miisaaniyadda geleysa aan la aqoon, oo aydinaan bangigii dawladda ku shaqaysan, warqado ayaa yaal la leeyahay bangigii dawladda lama dhehi karo bangi dawladeed, oo ilaah baa og aniga ayaa haya, idinku mahaysataan.. (waa haysanaa ayey ku jawaabeen qaar xildhiibanada iyo wasiiradii goobta fadhiyey).. oo wixii soo gala meel ay maraan aynaan kawarqabin, oo wixii deeq la inoo siiyo meel ay maraan aynaan ka warqabin, oo yeynaan been isu sheegine musuqumaasuqa adduunka oo dhammi ogyahay oo la leeyahay Soomaaliya waxay caalamka kaga jirtaa musuqmaasuqa adduunka, sidee qorshe u fulineysaan oo u keeneysaan xoolo aad wax ku fulisaan.

Haddii aydinaan la diririn oo ninkii shilin qaada sharciga la horgeyn, oo aan wuxuu mutaysto la marin, oo aan sharciga laga biqin, oo aan dawladda iyo qaranka laga biqin, oo aan ummadda danaheeda loo hoggaansamin, wax idiin soconayaa ma jiraan.

Hadda anigu dhaqaale ka hadli maayo, dhaqaale yahan ma ahi. Kulligeen waxaan u malaynayaa wexeenu waa iska bowsi.. Maxaad ka baxday adigu Cali… Jaamacaddee ka baxday.. (waxa uu ku jawaabey: Anigu waxaan ka baxay jaamacad waxana ka bartay Economia Agraria ama Dhaqaalaha Beeraha), waayahay…. intaas meesha fadhida nin walba wax ayuu soo bartay, wax ayuu ku takhasusay, waxaa laga yaabaa wixii uu ku soo takhasusay in uusan ku shaqayn, markaas waa iska ” Theory “.. Marka buuggaan waa akhriyeynaa wixii ku jira sidii loo hirgelin lahaana waa ka shaqayneynaa, maalgelina waa in loo raadshaa, haddaan macaawino dibadeed la helin sidaan hadda ku suganahay kuma maalgelin karno’e, horta waxa yar oo aan cashuurta u qaadno aan wax kadhigano.

Xawaalada Soomaalida

… Lacagaha adag ( Hard Currency ) ee yimaadaba haddii uu XAWAALADAHA ku dhacayo Bangigeenu xaggee wax ka helayaa… C/Laahi Yuusuf

XAWAALADUHU inta ay jiraan bangigeenu ma hirgelayo, beentay miyaa!. Lacagaha adag ( Hard Currency ) ee yimaadaba haddii uu XAWAALADAHA ku dhacayo Bangigeenu xaggee wax ka helayaa. Dawladdu waxay cashuur u qaaday oo meesha dhigatay ma ahane ma wax kale ayuu helayaa, MAYA weeye, oo Bangigu sow in uu Bangiyada oo dhan xakumo ma aha, oo isagu lacagta KANTOLOOLO, Lacagta Adag Kantoroolo, khasnadii dawladda noqdo oo, dhaqaalaha isagu gacanta ku hayo’oo, CONTOROOLKA iyo sow ma aha.. Saddexdii sano ee tagtay ayey si inaga noqotay’e, muddada labada sano ka yar ee inoo hartay waxaad qabataan waa la arki doonaa. Qorshahaas haddaad ku tallaabsataan fulintiisana haddee waa idiin garaabeynaa oo waxaan oraneynaa WALLAAHI nimankaasi 50-kii beri ee ay meesha fadhiyeen wax ayey faa’iideeyey. Haddiise buugag qurxan baa la qoray oo fulintii la waayona, haddee markaas waxaanu oraneynaa wixii is la baraneye wixii wax kama jiraane ciddii kale oo timaada haatan ALLAH ha u keeno anagu waxba qaban weyney’e, sow in aynu niraahno ma aha?….

Hadda xukuumadii waa dhacday. Xukuumad cusub ayaa la dhisayaa. Xukuumadda cusub ee la dhisayo ma raadkii hore ayey raceysaa mase raad cusub ayey qaadeysaa, aan idin weydiiyee… waddada ay mareyso bal idinku sheega… sow idinku ma tihidin xoghayntii joogtada ahaa (Permanent Secretries), HAA (ayey ku jawaabeen).. Wasiiradii waa dheceen, wasiiro kale ayaa imanaya, laakiin idinka ayaa joogto ah, oo idinkaa la rabaa in aad maamulka waddaan. Ninkii wasiirkiisu wax musuqmaasuqaayo haddii aad qarsato haddee adigaa yaqaan, adiga iyo ALLAH iyo Wasiirkaaga ayaa yaqaan.

Waxaasi in laga sii shaqeeyo ayey u baahan yihiin. Halkan ayuunbaad fariisateene ” SURVEY ” ma samayseen oo dalka ma marteen, mase hadda kaddib ayaad samayneysaan. Haddii aydinaan degmo kasta tegin, oo gobol kasta tegin oo mushaakilka oo dhan soo ogaan, oo magaciisii walba soo ogaan, oo meel walba aydin ka warqabin, waa iska “Theory” waxaad qortaan’e wax rasmi ah ma aha.

Wadaadada ayaa haysta Masaajidda, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada, ganacsiga, isgaarsiinta….

Tan kale, TACLIINTA YAA INOO HAYA? Tacliinta ma wadaadada xakuma mase Wasaaradda? Wasaaradda ayaa xukunta (miyaad leedihiin)? Manhaj-kee ayaa laga dhigaa Iskuulada, yaa leh Ducaaloow?.

Malcaamadaha Qur’aanka, Dugsiyada Hoose iyo Kuwa Dhexe, Dugsiyada Sare, Jaamacadaha, waxaa haysta Al-Islaax iyo Al-Itixaad iyo Alfatuud iyo magaciisii ayaa haysta oo wasaaraddii meel ay haysato ma leh.

…nimanku (Wadaadadu) waxay wax ku yihiin wax allaale wixii dalku lahaa, ama tacliin, ama diin, ama masjid, ama Xawaalad, ama dhaqaale, ama isgaarsiin (Telecommunication), ama ganacsi, ama fatuud, ayey gacanta ku haystaane aan gacantooda ka wareejino… C/Laahi Yuusuf

Wadaadadu waxay haystaan Masjiddadii, waxay haystaan Waxbarashadii iyo arrimihii bulshada, waxay haystaan xataa Caafimaadkii, waxay haystaan ganacsigii, waxay haystaan Isgaarsiintii ( Telecommunication ), waxay haystaan Xawaaladahii. Wax Alla wax aan haynaa ma jirto’e, wadaadada sidii laga yeeli lahaa saakay halaga taliyo. Ma wadaadada ayaa dalka u dawlad ah mase inaga dalka u dawlad ah. Qorshaha maku soo darteen sidii nimankaas loogala wareegi lahaa waxaas oo adduun ah, HAA (ayey ku jawaabeen kuwii fadhiyey goobta), maku soo darteen (HAA.. mar labaad)… Waayahay’e anigu nin ayaan ahay gacan ayaan idinka siinayaaye, nimanka col ayaan nahay’e, ma i maqleysaan, nimanka aan iska celino, nimanku waxay wax ku yihiin wax allaale wixii dalku lahaa, ama tacliin, ama diin, ama masjid, ama Xawaalad, ama dhaqaale, ama isgaarsiin ( Telecommunication ), ama ganacsi, ama fatuud, ayey gacanta ku haystaane aan gacantooda ka wareejino, haddaad rabtaan in ay Soomaaliya noqoto Soomaaliya.

Anigu haddaan intaas iri hadalkii waa iga dhan yahay’e, aad ayaad u mahadsan tihiin, waana idiin hambalyaynayaa, qorshana waan akhrisan doonaaye, laakiin waxaa la rabaa wadanka inta loo kala diro dad aqoonyahanno ah oo wax garanaya in la sii lafa guro oo meel walba waxa looga baahan yahay la ogaado, oo waxa ugu daran oo hadda ina haysta waa ” infrastructure ” -kii: waddooyin ma lihin, dekedo ma lihin, haddii Allah kuu roonyahay’e meel aan marno ma lihin, Garoomo Diyaaradeed ma lihin (Airoports), magaciisii ma lihin. Haddii aan waxaasu dhisnayn, ” infrastructure ” haddii uusan dhisnayn, horta dhaqaale ma laga shaqayn karaa.. (MAYA ayey ku jawaabeen qaar dadkii goobta joogey).. haddee halaga fekero marka. Wixii la qaban karo oo itaal ah ha lagu dadaalo marka dambe waa iska imaaneysaa’ye.

http://somalitalkradio.com/cod/yusuf_20112007.m3u

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: