Waxgarad ka tirsan beesha Gaaljecel oo taageeray magacaabista wasiirka amniga Qaranka iyo arrimaha Gudaha dalka Soomaaliya.

January 9, 2008 at 5:40 pm | Posted in siyasada somalia | Leave a comment

Muqdisho, Isniin 07 January 2007, Waagacusub.com
Shir ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen waxgarad ka tirsan beesha Gaaljecel oo isugu jira odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin, Culumaa’udiin, aqoonyahanno, Dhalinyaro rag iyo haweenba leh iyo qeybaha kala duwan ee beesha Gaaljecel ayaa waxay ku taageereen kuna soo dhaweeyeen magacaabista Wasiirka Amniga Qaranka iyo Arrimaha Gudaha dalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin.

Shirka ay maanta yeesheen waxagaradka kala duwan ee beesha Gaaljecel ayaa waxaa lagu soo bandhigay taariikhda siyaasiga Muuse Nuur Amiin oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo nadiif ah, isla markaana ah muwaadin xalaal ah oo dadka Soomaaliyeed u wada siman, una qalma jagada loo magacaabay oo sida ay yiraahdeen wax weyn uu ka bedeli karo maadaama uu yahay aqoonyahan nadiif ah oo Soomaali oo dhan ay u wada siman yihiin.

Shirkaas oo ay gogoshiisa dhigeen odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Caloofi ee ka tirsan beelweynta Gaaljecel ayaa waxay wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Muuse Nuur ugu hambalyeeyeen howshaas loo dhiibay waxayna ugu duceeyeen in uu Alle ku garab galo, isaguna uu si xalaal ah u guto howshaas loo ikmaday.

Dhanka kale waxaa degaanno ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya, gaar ahaan degaannada ay degaan beelweynta Gaaljecel ka dhacay shirar iyo banaanbaxyo lagu taageerayo magacaabista wasiirka cusub ee arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Muuse Nuur, iyadoo sidoo kale ay jiraan degaanno kale oo ay ka socoto qabanqaabada bannaanbaxyo iyo shirar lagu taageerayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Muuse Nuur Amiin oo meel kasta oo beesha Gaaljecel ay degan tahay looga wada hambalyeynayo.

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: