COLONEL CABDULLAAHI YUUSUF: Ma u qalmaa jago Madaxweyne?

February 23, 2008 at 6:59 pm | Posted in maqal | Leave a comment

Distoorka ma arbushi karo Madaxweyne kasta oo dagaal jecel – Francis Biddle

Distoorkeenna waa mid loo sameeyey dadka diinta iyo akhlaaqda leh – John Adams

Distoorku ma ahan muujinta iimaan siyaasadeed ee waa cabsi siyaasadeed – Herbert Croly

Dhaqanka qof Madaxweyne ah laga doonayo ayaa ah asluub hoggaamineed iyo dhowrista distoorka u yaalla dowladda. Madaxweynuhu, waa inuu sameeyaa wanaag, si uu u kasbado wanaag. Waa inuu u hoggaansamaa qodobada distooriga ah ee u degsan dowladda uu madaxda u yahay. Distoorku waa qodobbo kooban oo lagu tilmaamo inay u sarreeyaan sharciyada dalka lagu maamulo. Sida uu Aristotle ku qeexay distoor, waa qaabeynta garsoorka Qaranka. Sidaa darteed, sharci kasta ee la dejinayo waa inuu ku saleysan yahay distoorka, mas’uul kasta ee dowladda ku jirana waa inuu u hoggaansamo qodobbada axdiga iyo sharciyada dalka u degsan.

Haddaba, Madaxa maamulka Mbagathi ma yahay nin u hoggaansan qodobada distoorka iyo sharciyada? Waxaa jawaabta qof kasta ka soo baxaysa ay tahay “maya.” Laga soo billaabo, ‘Head of State’-ka oo la rabo inuu dhowro qodobada distoorka, kuna dhowro mas’uuliyiinta kale ayaa u bareeray ku durdurinta sharciyada iyo caddaaladda. Haddii ay dhacdo arrintaas oo kale, muxuu ka qabaa distoorka u degsan maamulka lagu soo dhisay Mbagathi?

Sideedaba, Colonel Cabdullaahi Yuusuf Axmed uma tartami karin madaxtinimo, waayo maba heysan tilmaamaha looga baahan yahay nin Madaxweyne ah, sida uu qabo distoorka maamulka Mbagathi ee lagu soo sameeyey Kenya oo qeexaya shuruudaha laga doonayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Qodobka 40-aad. Faqradda E wuxuu dhigaya. Waa in maskaxdiisu ay ahaataa mid 100% caafimaad qabta, horeyna uusan ugu dhicin xukun la xiriira dambi culus.

Haddaba, Cabdullaahi Yuusuf ma galay wax dambi ah oo adag? Haa, iyadoo Soomaaliya ay dagaal kula jirto Ethiopia sannadkii 1977-kii ayuu u galay cadowgii lala dirirayey. Wuxuu markaas madax u ahaa ciidan gaaraya 7,000 oo fadhigoodu ahaa meesha la yiraahdo Feltu. Kaddib Maxkamadda Badbaadada ayaa ku riday xukun, markii uu ku fashilmay inqilaab uu doonayey in dowladdii Maxamed Siyaad uu ku afgambiyo. Cid kasta waxay xog-ogaal u tahay in isaga iyo wixii la galay dambiyadaas la geeyey Maxkamadda Badbaadada, oo isaga iyo dad uu ku jiray lagu xukumay dil iyo xoolahooda oo lala wareego 9 April 1979 .

Faqradda F waxay iyaduna leedahay: Waa inuu yahay qof asluub wanaagsan oo hoggaamin leh.

Sifahaasi ma leeyahay Col Cabdullaahi Yuusuf? Waxaa dhammaan dadweynuhu ka wada dheregsan yahay in markuu hadlayo uu hadalkiisu ka maran yahay anshaxa iyo asluubta qof hoggaamiye ah. Waxaa hadalkiisii ugu dambeeyey ee habeen hore uu ka sii daayey Universal TV ka mid ahaa, “Wixii iga hor yimaadda waan dabsaarayaa… Qabiilka naga soo horjeeda waa kuwa ku faanaya Mareykanka ayaan jebinnay… (Qabiilkaasu) haddeysan Soomaaliyoo dhan xoog ku qabsan karin yeysan is daalin.” Wuxuu kaloo yiraahdaa, “Annagu haddaanu reer hebel nahay, dumarka iyo carruurta kuma dhex dirirno.”

Mar uu ka hadlayey arrinta Kismaayo oo ay ku loollamayaan qabiilka uu ka dhashay iyo qabiillo kale, wuxuu yiri, “Kismaayo waxaa haysta qabiil, qabiilka haystana ma rabno inaan magaalada kula dhex dirirno ee bannaanka ayaan isula bixi doona, waxaana leennahay hubka iska keena, haddey diidaanna gacmaha ayaan isula tagaynaa.” Waxaa ugu dambeeyey inuu yiri, “Wixii aan ku dhaliilayo reer Puntland, ka sheegi maayo idaacadaha ee si gaar ah baan ugu sheegayaa.” Mar uu maliishiyada Puntland kula hadlayey Gaalkacyo hadda ka hor wuxuu ku yiri, “Dadka Xamar jooga adinka iyso ciidanka Ethiopia ayaa hubka ka dhigaya.”

Waxaa u caado ah inuu ku gefo xaasaska la qabo, sida carrab-dhabkii uu ku sameeyey Marwo Biibi Cumar Baanafuusi oo ah marwada Madaxweynihii hore, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan. Waxaa cajiib ah in awoodda uu ku faanayo ee uu ku sheeganayo xoogga uusan lahayn ay tahay tan Ethiopia , isagoon ka xishoonaynin in awood uusan lahayn uu ku faano. Hab-dhaqanka noocaas ah ayaa ah mid ugub ku ah dhaqanka Soomaalida. Waxaa muuqata in afkiisa iyo dhegihiisu aysan is maqlin.

Sidoo kale Faqradda G ee isla Qodobka 40-aad wuxuu leeyahay: Waa inuu leeyahay karti iyo waaya-aragnimo iyo caafimaad uu ku fuliyo waajibaadkiisa madaxweynenimo.

Su’aashu waxay tahay, ma leeyahay karti iyo caafimaad uu howl madaxweynenimo ku fulin karo Col Cabdullaahi Yuusuf? Waxaa iska hor-imaanaya caafimaad-xumadiisa iyo howsha uu rabo inuu dhex dabaasho, waxaana cad in qodobada distoorku ay xaggiisa ka yihiin xarfo meel ku qoran oo aan ahayn Métis Nation Constitution. Waxa uu u jeel-qabo ee uu raadinayo ayaa ah awood xukun oo dhammeystiran, hase ahaatee ‘awood xukun oo dhammeystiran’ ayaa ah mid iyadu si dhammeystiran isu musuqmaasuqaysa, sida uu u yiri Baron Acton sannadkii 1887-kii.

Qodobka 43-aad

Faqradda B: Madaxweynaha dowladda federaalka waa la maxkamadeyn karaa haddii uu jebiyo qodob ka mid ah Axdiga iyo sharciyada dalka u degsan.

Haddaba, ma jiraan qodobo uu jebiyey Col Cabdullaahi Yuusuf? Qodobada uu jebiyey waxaa ka mid ah; isagoo maalin walba safiirro, jeneraallo, agaasimeyaal guud iska magacawda, ninkuu doonana iska xirta, sida Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Yuusuf Cali Haaruun oo weli u xiran, taasoo uusan distoorku u siineynin wax awood ah, isla markaana aysan jirin wax u sharciyeynaya. Wuxuu safiirro u magacaabay taksiileyaal (Cab Drivers) aan weligood dowlad u soo shaqeyn. Wuxuu Jeneraalnimo siiyey niman aan weligood military iyo police midna noqon.

Qodobka 44-aad ee Axdigu oo ka hadlaya mas’uuliyadda Madaxweynaha, wuxuu qabaa in magacaabistaasi ay ka timaaddo Golaha Wasiirada. Wuxuu qodobku caddeynaya inuu wax magacaabi karo marka ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada. Hadduu jebiyo hal qodob oo Charter-ka ka mid ah waa in lagu sameeyaa impeachment. Waxaa shardi ah 1/3 xubnaha baarlamaanka inay keenaan motion, marka dambena ay isku raacaan 2/3 ka mid ah baarlamaanka. Xubnaha Baarlamaanka ee iska fadhiya Baydhabo, waa inay qodobadaas akhriyaan oo waxa ay sheegayaan inay u dhaarteen ay fuliyaan, haddey fulin waayaan, wixii ka yimaadda iyaga ayaa mas’uul ka ah. Illaa iyo hadda ma jiro Wasiir ama xildhibaan sheegaya in Col Cabdullaahi Yuusuf uu ku tumanayo distoorkii u yiillay, taas oo la leeyahay waxaa u geysay cabsi iyo cagajugleyn lagu hayo.

Qodobka 48-aad ee Axdigu wuxuu isna caddeynayaa in Prime Minister-ku uu mas’uul ka yahay socodsiinta, isu dheelli-tirka iyo kormeeridda siyaasadda xukuumadda guud ahaan. Ma jirto meel uu Axdigu ka xusayo in hoggaaminta siyaasadda xukuumadda uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha. Waxyaabihii Col Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi ay isku jiireen ayaa waxaa ka mid ahaa fulinta siyaasadda iyo howlaha dowladda oo Axdigu u xilsaarayo xukuumadda. Haddii ay wax xumaadaan, waxaa gefka iska leh Golaha Wasiirada, iyaga ayaana maxkamad loo saarayaa – wadar ahaan iyo keli-keli ahaan, sida uu qabo Axdiga.

Sida Baarlamaanku uu ugu xil-saaran yahay dejinta sharciyada, Maxkamaduhuna ugu xilsaaran yihiin dhaqan-gelinta sharciyada ayaa xukuumaddu ugu xilsaaran yahay dejinta iyo fulinta howlaha xukuumadda. Sida ku cad distoorkii hore ee 1960-kii, Madaxweynuhu waxaa lagu oogi karaa Maxkamad marka uu jebiyo qodob ka mid ah qodobbada distoorka, midnimada Qaranka Soomaaliyeed iyo hab-socodka dowladnimo.

Sidaa awgeed, in xaaladda caafimaad ee Col Cabdullaahi Yuusuf iyo maskaxdiisu aysan fayoobeyn waxaa caddeynaya inuu janan ku magacaabayo nin qaadwale ah oo suuqa maraya oo uu leeyahay ‘janan baan kugu magacaabay’, isagoo ku soo dhoweysanaya inay xigto yihiin oo keliya. Tani waxay muujinaysaa inuusan wax tixgelin ah siinaynin Axdiga uu ku sheeganayo madaxtinimada. Waa in xubnaha Baarlamaanku ogaadaan in sida keliya ee Col Cabdullaahi Yuusuf loogu qaban karo shabaq ay tahay in lagula xisaabtamo Axdiga qoran ee u yaalla maamulka Mbagathi.

Faalladaan waxaa qoray Saxaafiga

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Email: Ingiriis@yahoo.com

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: