(Dood) maalinka jaceylka aduunka ma loo dabaal degi karaa,oo ma tahay maalin muteysatay in loo dabaal dego??..

February 23, 2008 at 6:51 pm | Posted in maqal | Leave a comment

Maalmo yar kadib waxaa nagu soo aadan maalin lagu sheego in ay tahay maalinta jaceylka aduunka.

Waxaase la yaab leh in ay soo dhaweeyntaas ka qayb qaadan doonaan dad muslimiin ah, soomaali ah,

oo sheeganaya in ay jecelyihiin horumarka adduunka iyo janada akhiro isla markaasna aan laga karin joojiya xusitaanka aad xuseeysaan dadka dhintay, weliba maahan qof Illaah yaqaanee waa:

Gaal geeriyooday wakhti hore waxana hadiyadaha,salaamaha, Ubaxayada Dukaamada looga dhameyn doono maalinkaas waynan aanu muteysan!

Bisha Febraayo 14-keeda ayaa loo aqoon-saday inay tahay Maalintii Jaceylka Aduunka (Valentine’s-Day),

waxaana la isku diraa Salaamo, Ubaxyo qurux-badan, iyo Hadiyado qaali ah oo ay is-dhaafsadaan Lamaanayaasha is-jecel, iyo kuwa isqaba.

Hadaba maxay tahay ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa munaasabadan iyo Xafladaha lagu maamuuso Maalinta Caashaqa lamaanaha iyo Jaceylka dunida?

Marka ay dhagahaaga ku soo dhacdo ereygan Valentin’es waxaad markiiba dareemaysaa in magacani macno ahaan u dhadhamayo inuu ka soo jeedo Diinta Krishtaanka ama caadooyinkii hore ee Roomaanka.

Hadaba aan is-weydiino yuu ahaa Valentines? Maxaasa loo dilay, hadana loo xusaa ilaa maanta, oo looga dhex arkaa magaciisa meel walba oo jacel lagu sheegaa, xafladana ay ugu dhigaan bulsha kasta khaas ahaan dhalinyarta isjecel?.

Qarnigii Sadex iyo Tobanaad, dhalashadii Nabi-Ciise kadib (Caleyhi-Salaatu-Wasalaam) ayaa waxaa jiray Boqor la odhan jiray Calodis oo ka talin jiray Dalka Talyaaniga, boqorkaas wuxuu amar ku siiyay Dhalinyarada in aysan guursan karin, kuwaas oo ahaa Ciidan uu ku ilaashado awoodiisa maamul iyo sharafta boqortooyadiisa.

Balsa waxaa amarkii boqor Calodis ka hor yimid oo xaq darro u arkay Ninka maanta u dabaal dagaan lamaanaha isjecel iyo guud ahaan dhalinyartu waa Valentine.

Valentine wuxuu bilaabay inuu si qarsoodi ah u guursado dumar fara badan, hadaba markii ay soo shaac-baxday guurkii qarsoodiga ahaa ee Valentine, waxuu Boqorka amray in la geeyo xabsiga lana dal-dalo Valentine.

Sida ay sheegaan dadka taariiqda Valentine yaqaana, waxaa ku dhacay xiligii uu xabsigi ku jiray Jaceyl xaad-dhaaf ah oo uu jeclaaday gabar dhalinyaro ah oo aad u qurux badneyd taasoo aheyd gabar uu dhalay Ninkii xabsiga ka talinaayay, gabadhaas oo soo booqatay waqtigii uu ku jiray xabsiga Valentine.

Hadaba waraaq jaceyl xambaarsan oo uu ku saxiixnaa Valintines kadib markii la dal-dalay ayaa laga helay qolkii uu ku xirnaa, warqadas oo ciwaan kaga dhigay”Ka socoto Valentinkaagii” wixii maalintaas ka dambeysay si loo xuso sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la dal-dalay Valintines oo ku beegan 14-ka Bisha Febraayo 271-sano dhimashadii Nabi Ciise kadib ayaa la go,aansaday in la xuso maalintan oo kale, oo la is dhaafsado ubaxyo, salaamo iyo hadiyadu qaali ah, ilaa heer ay gaartay in ay noqoto maalin lagu cabiro lamaanaha is jecel jaceylka ay isku qabaan inta uu la egyahay, oo hadii maalinkaas qof ayaga ka mid ah hilmaamo loo micneeyo inuusan jaceyl hayn.

Marka laga hadlaayo arimaha Jaceylka waxaa dhacda doodo aan xal loo helin, inta badan waa la isku maan dhaafaa, maadama aan la aqoonin sida loogu macneeyn lahaa loona fahansiin lahaa dadka aan weli jaceyl jaribin, oo jaahilka suuq jooga ah iska ah, dareenka ay sheeganaayaan lamaanayaasha isjecel, sida farxada, macaanka, murugada iyo xanuunka ay isla wadaagaan, hooygana u yihiin maalin iyo habeen hadii ay is waayaan.

Jaceyl inuu jiro dadka intooda badan waa isku raacsanyihiin, loona dhinto, inkastoo la isku qilaafsanyahay inuu jaceyl weligiis jiri doono oo labada qof oo jaceylka isku guursaday ay waligood ahaan doonaan laba isjecel in geeri iyo qaddar Rabi kala geeyaan maahane.

Taas oo jirta hadane Lamaanayaasha dunida isku jecel ayaa aaminsan in Jaceyl Biro fujin, Biyana kaa dhaqin! Sidoo kale in waqtiga isbedelkiisa qofku isla bedeli karo, oo dabeecad ahaan, feker ahaan iyo hormar ahaanba.

Hadaba aqiristow yaanan waxba maqaalku ila durkine waxa aan maqaalkan kugu soo qoray ma ahayn in aan ka doodno inuu jaceyl yahay wax jira ama aan jirin.

Balse maalinka jaceylka aduunka ma loo dabaal dagi karaa oo ma tahay maalin muteysan in loo dabaal dego?? hadii aad aqligaaga si sax ah ugu laabatid waa maya, dhowr sababood daraadood:

1)Horta hadii aan nahay umad islaam ah waa in aan ka soo horjeesano tilaabo walba oo ay qaadaan dadka ah KARISTANKA IYO YAHUUDA, oo waa in aan qiimeeynin waxa ay qiimeeyaan iyo waxa ay buunbuunshaan, maadaama aan kala nahay dad aan diin ahaan iyo dhaqan ahaan waxba iskugu darsaneen Adduunyo iyo Akhirane aan isku wax ka sugeeynin.

2)Nin gaal ah maalinkii oo baqtiyay in lago farxo, oo hadiyado la is dhaafsado, jaceylna la isku muujiyo, oo lamaana kasta ay si gooni ah u qaddariyaan, taas oo micnaheedo yahay in ninkii (Valentinis) baqtiyay la xusaayo, oo laga xunyahay daldalkiisii.

Taasna diinteena wanaagsan oo islaamka ah ma ogola, oo waa mamnuuc in aad gaal xustid u ooy ama u qosole.

3)Umadda islaamka ah waxeey leeyihiin maalmo ay si gooni ah u xusaan sida: Ciid ramadaan, Ciid Adxaa, (xajka kadib), iyo asbuuc kasta maalinka jimcaha, oo shaqada iyo iskuulaadka nasiino laga qaadanaayo.

Intaas waxaa dheer in faamil/reer kasta iyo waddan kasta ay leeyihiin maalmo ay si gooni ah u qaddariyaan, hadiyado iyo xafladane u wada dhigtaan.

Hadii xaflada famil u gooni noqon karta aan ttusaale ka soo qaato waxeey noqon kartaa: Malinkii ay lamaanaha is qaba isguursadeen/jaceylaadeen, dhalashadii ilmahooda iwm.

Dal ahaan waxaa loo wada dabaal dagaa maalinka uu dalkeena xoriyada qaatay oo kale.

Marka in aad adiga sameeysatid maalin kale oo aan soomaali hadii aan nahay aan dhaqan ahaan u aaminsaneen, xaqiiqa ahaane aan reer Galbeed ugu nimid, kaaga daranta aan sal iyo baar meel ay diinteen ugu taalo la arag, lana aqoonin waa bidco, kaana mamnuuc ah hadii aad tahay qof islaam ah.

Rasuulkuna waxuu yiri S.C.S.W. asigoo waxyaabaha aan anago sameysanay nooga digaaya:” Bidca kasta waa baadi, baadi kasta Naarta ayaa la gelinaa.”

4)Valentine waxaa loo dilay inuu ka soo horjeestay sharcigii waddankiisa. Waxa uu sharcigaas ku dunshayna waxaa la sheegay inuu yahay jaceyl oo u qaaday

dumar fara badan oo guursaday. Dadka is jecel waxeey ku doodaan maantay in qof walba hal qalbi leeyahay, markii sidee ku suurtagashay in Valentine oo lagu tilmaamaa inuu ahaa aabahii jaceylka inuu jeclaado waxaas oo dumar, weliba wada guursaday? Soo lama dhihi karo Valentine naftiisa ayaaba ahaa cadawgii jaceylka waa hadii dhab loo aaminsanyahay in uusan jirin qof laba qalbi leh? Soo lama dhihi karo ninkii tumashada iyo baahida jinsiga in si qarsoodi ah lagu kala dhameysto sharciyeey waxuu ahaa ninka maantay looga mahadinaa in jaceyl jiro (Valentine’a day)? .

Suaalahaan waxeey quseeyaan, oo aan ku baraarujinaa dadka ku guda jira, una dooda in jaceyl yahay wax dhex mara laba qof oo kaliya, hadii qof sadaxeysane, tumasha/saaxiibtinimo amaba guur ha ku imaato qofka sadaxaade uu jaceylkii loo yahay qofkii hore meesha ka baxay, weliba qiyaano iyo daacad la’aan tii ugu weeyneed isku bedelay jaceylkaas.

Hadaba walaalaha muslimeenta ahow is dhowra, inta Illaah inku waajibiyana ka soo baxa marka hore, intaas ayaaba howl iyo dhib inkugu aadee, oo aan hubaa in maantay inteena

badan khaas ahaan dhalinyarada wiilasha iyo gabdhaha iskugu jiro weey ku adagtahay ineey ka soo baxaan waajibaadka Illaah saaray. Mana ahan, waana maan gaabnimo iyo axmaqnimo tii ugu danbeysay weliba ineey ku gagabtaan wax aan la idin dirsanin, ajar iyo xasanaad midna inkugu jirin ineey danbi, carro Rabi iyo cadaab aakhiro idin horseedo maahane.

Wanaaga Aduuunka iyo Janada Akhiro oo aad naftaada la jeceshahay ,kagana dig xumaanta iyo cadaabta rabi weeyninkiisa,soo xasuusi siraadka Aakhiro!

Digniin:

Shaqsi ahaan waxaan dhalinyarta kaga digaa xusitaanka maalinkaas, weliba waxaan u sheegi lahaa in jaceylkooda dartiis ay imaankooda ku weeyn doonaan,

qof aan imaan laheeyn wa qof aan diin laheeyn. Maalinka Valentine aysan jaceylkiina iyo guurkiina waxba ku soo saaidin doonin in ay inka dhumiso ubax jaceyl oo aad horay u wada fiirsaneyseen maahane.

Waa mahadsantahay Aqriste, fadlan ka dhiibo ra’yigaaga, yeeysan kula noqonin in aan diyaar loo aheeyn in laga jawaabo sualaahaaga shaqsiga ah.

W/Q Ifraax Yusuf A. G. (Ifka)

suni said salalah

Ku Soo dir Fikradaada ama doodaa

sunninet@hotmail.com ama djsunni@hotmail.c

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: