HAGAR DAAMADII GUURKAYGA 1-aad “ Qiso Wariye STN

February 23, 2008 at 7:08 pm | Posted in Sheeko | 1 Comment
Tags: ,

Mahan Sheeko Waa Qiso ay ku dhacday Ismaciil Maxamed , Ismaciil Maxamed waxa uu ka mid ahaa dhalinyarada ku dhalatay Magalada Muqdisho Qaasatan Xaafada Hawl wadaag, Dugsiga dhexe iyo midka sare wuxuu ku dhamaystay Muqdisho, intii ay bur burtay Dowladii dhexe, waxaa uu ka mid ahaa Bahda warbaahinta isagoo ka soo shaqeeyey Idaacado tiro badan iyo wargeeysyo ka soo baxa magalada Muqdisho, waxa uu ka shaqaynayey markii ay qisada lama filaanka ah ay qabsatay Idaacadda STN, Inta badan waxa uu aqrin jiray Barmaamij la oran jiray MAANA FAAY oo soo gali jiray 2:30 PM duhur nimo sido kale waxa uu soo dayn jiray Barmaamijka SAHANKA BULSHADA oo Maalin kasta oo ah Jimce lasoo dayn jiray 4:30 PM ee galabnimo.

Labadaan Barmaamij ayaa ahaa kuwa Jacayl ah oo ay dhagaystaan dhamaan dad ka ku nool daafaha Dunida
Waqti Abaarihii 2:30 PM Galabnimo markaas uu aqrinaya Barmamijka Maana Faay isagoo ku jira Idaacada waxa u ka joogi waayey telephone iska soo daba dhacaya markaasna wuxu ku jiraa Idaacada markii uu dhamayey barmaamijka, waxa uu wacay Telephone kii soo wacayey markii uu diray Telephone kii waxa uu la kulmay Cod inta badan ku soo noq noqday maskaxdiisa, waxa ay tiri, haa waxan ahay Gabar Soomaaliyeed oo aadan aqoon run ahaantii hadii aan iskaa baro waxa lay dhahaa Raxma Ahmed waxan ku noolahay Dagmada Madiina Xaafadda Korantada inta badan waxan dhagaystaa Barmaamijyada aad soo daysid sidaa awgeed codkaaga rabi ku banaystay soowdka wanaagsan soo jiidashadana leh ayaa i qaaday taasna waxaa ay keentay in aan kula soo xariiro, waxan filaya in aad isleedahay waa qof waalan balse waxan kaa codsanayaa in aan isbarano,(Barasho Horteed ha inicin ).

Markii in mudo ah wada hadlaynay waxan ka yeelay in aan wada kulano balse nasiib xumo waqtigaas magalada muqdisho ma ahayn meel isku fur furan waa Magaalo markaas Hogaamiye Koxeed ay u xirneed.

Maalintaas aan is Baranayno waxa ay ahayd 23 Murch 2003,mudo aan ku qiyaasay dhoor cisho markii ay ila soo xariiraysay anigana aan la xariirayo waxaa sibiq igu beermay Jaceyl xageyga.

Habeen aniga iyo ayadoo qadka Telephone ku wada sheekaysanayno qosol iyo Erayo ku dheehan jacayl mid ba midka kale isdhaafsaneyno ayeey iga aamustay,waxan ku iri maxa ku helay hadal, kadib Raxmo waa ay hadashay waxa ay igu Tiri ma taqaan Faadumiini, markas ayan iri haa waa Gabar ka mid ahayd Dhagaystayaashayda Qiimaha badan in badana waxa ay igu timid Idaacada Gudaheeda ayadoo I sheeganaysa inay i jeceshahay balse waqtigaas aniga diyaar uma aan ahayn in aan Jaceyl la sameeyo ayadana waxaa ay igu sii hanjabtay in ay i dhan dhansiin doonto jaceyl intaas ayaan ku iri.
Raxmo oo hadalka qaadatay ayaa tiri hadii aan ku waramo aniga iyo Faadimiini waxan ahayn Saxiibo arinkaan aan kugu bartayna waxan rabay in aan Jacayl kugu abuuro oo aan kaga aar gooyo saxibaday jaceyl ka aad ku siidaysay, balse maxan kaaga aar gooya anigii ayaaba lay galay oo jaceyl kaan rabay in aan kugu abuuro igu beermay waxan jeclaystay in aan si daacad nimo leh kugu waramo, hadana waxan kaa codsanayaa in aadan shaki iga qaadin.

ama adan iga didin
Anigoo Ka cabsanaya inay shirqool ii wado Raxmo waxa ay iga codsatay in aan la kulmo balse intaan la kulmin nolashayda maxa ay ku sugneed?
Run ahaantii Raxmo ma aan arag suurad ahaanteeda aad iyo aad ayaa waxaa igu beermay jaceyl markaas isaaqay dhamaan naftayda oo dhan, waxaana ila soo darsay walaac iyo walbahaar qeeybsaday naftayda, anigoo is dhahaya Raxmo hadii ay ku sheegtay in ay Aarsi kugu socoto hadana ay iska dhigtay lilaahi sidee u aamintaa?

La soco qeybta 2-aad ee Hagardaamadii guurkeeyga!!

1 Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. ascwrwb waxan idinka codana inaa shekada maxamed ismail mohamed soo glaisan qeebtedi labad aad iyo aad ayaan u xisonoya lol byyyyy


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: