Maqaalkan la’iga minguuriyey(bililiqeystay) bal ila arka Dadweynow!!

February 23, 2008 at 6:55 pm | Posted in maqal | Leave a comment

Taariikhdu waa maguurto, maduugowdo,bini aadamku waxna waa ku daraan waxna waa ka dhimaan, wixii mar soomarana weligeedba waa laga dheehdaa, waxaan daba socdaa maqaal kusoo baxay shabakadaha Dayniile iyo Somalitalk cinwaankiisuna uu yahay:-“Kala Daadsanaata Dadkeena iyo Daneysiga Shisheeye.

” Uuna qoray nin la yiraahdo Qadar Xasan, isaga oo qeyb ka mid ah qormadiisa kasoo minguuriyey maqaal aan aniga horay u qoray kaas oo cinwaankiisu uu yahay:- Nin Xurnimo udirirkiis Nin kaley Argagixisadiis tahay!(One man`s fighting for freedom is another man`s terroriste) kuna soo baxay 14 shabakadood, hadii aad rabto inaad ogaatana gal http://www.google.com kuna qor naaneysteyda Cigalley kadibna waxaa kuu soo baxaayo shabakadaha uu weli ku danbeeyo.

Hadaba markii aan xaqiiqsaday in qeyb ka mid ah maqaalkeygii la iga minguuriyey ayaan la xiriirey labadii shabakadood ee uu kusoo baxay maqaalka “kala daadsanaata dadkeena iyo daneysiga shisheeye” weliba anoo tusay cadeymo muujinaayo in uu maqaalkeyga ka soo minguuriyey.

Nasiib wanaag maamulka shabakada Somalitalk wey ii soo jawaabeen,ayagoo ilaalinaayo sharciga xuquuqda qoraalka ama copyright, waxeyna igu wargeliyeen in markii la booqdo maqaalka “Kala daasanaata dadkeena iyo daneysiga shisheeye” uu si toos ah ugu xirmaayo maqaalkii aan aniga horay u qoray ee ahaay “Nin xurnimo u dirkiis nin kaley argagixisadiis tahay”

Halkaan ka fiiri maqaalka “kala daadsanaata dadkeena iyo daneysiga shisheeye” oo kusoo baxay shabakada Somalitalk, isagoo si toos ah kuugu xiraayo markaad booqato maqaalkeygii ” Nin xurnimo udirikiis Nin kaley Argagixisadiis tahay”
http://www.somalitalk.com/2007/oct/09sep807.html

Halkaan ka fiiri maqaalka ” Nin Xurnimo u dirirkiis Nin kaley Argagixisadiis tahay” oo kusoo baxay shabakada dayniile isagoo kusaxiixan magaceyga:-

http://www.dayniile.com/oktobar/gabar3.htm

Halkaana ka fiiri maqaalka Nin Xurnimo udirirkiis Nin kaley Argagixisadiis tahay oo markale la’ iga minguuriyey ama uu iga bililiqeystay nin isqarinaayo, waa sida uu igu yiri maamulaha shabakada dayniile “dad aanan garaneyn baa ii soo diray mana aanan ogeyn, ee ka raali noqo mar danbana ma dhaceyso”:-

http://www.dayniile.com/Decenbar/10disember13.htm

Halkaana ka fiiri maqaalka kala Daadsanaanta Dadkeena iyo Daneysiga Shisheeye, isaga oo kusoo baxay shabakada dayniile:-

http://www.dayniile.com/Janaayo/22Janaayo15.htm

Bal fiiri halka uu ka bilowdo baaragaraafka (Paragaraph) 8 aad “Wadankeena marxalad xun ayuu marayaa oon Afrika aan ka dhicin, Soomaaliyoo dhan ayaa la inkiray waxaana loosameystay magaca argagixiso ” ilaa iyo dhamaadka, wax yar ayuu ka badalay wuxuuna si toos ah uga soo mnguuriyey maqaalkeyga ah Nin Xurnimo u dirirkiis Nin kaley Argagixisadiis tahay! oon kor ku soo xusay.

Hadaba waxyaabaha uu maqaalkeyga ka soo minguuriyey waxaa ka mid ah qeyb uu kasoo qaatay bilawga maqaalka iyo qeyb uu kasoo qaatay dhamaadka maqaalkeyga ee bal ila arka koobigaan aan ka soo koobiyeey maqaalkeyga:-

Wadankeena marxalad xun ayuu marayaa oon Afrika aan ka dhicin, somaaliyoo dhan ayaa la inkiray waxaana loo sameestay magaca Argagixiso, mar hadii lagaa xoog badan yahay magacyo badan ayaa laguu bixinaa iyo eedo badan ayaa laguu sameeynaa.

Maxaakkiimta wexey wax ka badaleen wadcigii jiray wexeyna fureen garoonkii diyaaradaha iyo dekedii, wexey soo celiyeen nabadii wexeyna isku fureen wadooyinkii , shacabkuna wexey u arkeen maxaakiimta iney maslaxadooda ka shaqeynayaan saas ayeyna ku taageereen waayo wexey heleen nolol iyo nabad, aduunkana qof nabad keenay wax lagu abaal mariyo waa waxa ugu qiimo badan, nasiib darase waxaa la yiri argagixiso ayaad tihiin!!!

Dowlad ku sheegaan cadow ayaa soo dhistay, cadow ayaana maamulo , danaha cadowga ayeyna fulineysaa, xooga ay garabsaneysana waa itoobiya, waa yaab dowlad iyo shacbigeedii lakala ilaalinaayo, dowlad laga ilaalinaayo shacbigeeda iyo shacbi dowlad aysan rabin lagu qasbaayo iyo shacbiga Falastiin dowladii ay soo doorteen ee Xamaas oo la diiday waa yaabka yaabkiis.

Waxba yuusan qalinku ila turun turooninee waxaan ku soo gunaanadaa mar hadii dalkii uu heesto gumeysi waa waajib in dalka laxureeyo, soomaaliyana soomaali baa leh, gumeystaha soo duulay iyo ninka geyigiisa difaacaayo, guushu wexey raacaysaa wadaniga xaq udirirka ah, Xaaqin iyo Dhul, Xaaqinka ayaa dhamaado.

Hadaba waa sharcidaro iyo bililiqo in lasoo minguuriyo maqaal qof kale uu leeyahay kadibna loo diro shabakadaha iyadoo aanan ogolaansho laga heysan qofkii lahaa maqaalka, taasina waxey la mid tahay adigoo galay dukaan si aad wax uga soo iibsato, suurto gal maahan inaad badeecadii aad la soo baxdo adigoon dhiibin lacagtii badeecada, laakiin marka aad iibsato waad la soo bixi kartaa banaanka, hadaad rabtana waad uga sheekeyn kartaa saaxiibadaa waayo adiga ayaa iska leh.

Waxaan halkaan ka cadeynayaa iney jiraan dad shaqo ka dhigtay Minguurinta, Xadida iyo Bililiqeysiga qoraalada dadka, ayagoo waxyar ka badalaayo sida ninkan la yiraado Qadar Xasan oo qoray maqaalka ” Kala Daadsanaata Dadkeena iyo Daneysiga Shisheeye.” iyo kan magaciisa qariyey oo maqaalkeyga oon waxba laga tegin soo qoray, waana xatooyo waayo qof ayaa wakhtigiisii qaaliga ahaay ku bixiyey maskaxdiisana u dhalaaliyey, si uu usoo saaro qoraal fiican.

Ogsoonoow wax kastoo fiican waxey ku jiraan meel xun helidoodana waxaa ka sokeeyo dadaal iyo in dhib loo maro.

Tusaale ahaan:- dheemanta koonfur Afrika meesha laga qodo iyo meesha uu dhex ceegaago, labadaba meel wanaagsan maahan, dhuxul iyo meel madoow ayuu dhexyaalaa.

Ubaxa udgoon ( Lilies ) wuxuu kabaxaa meel dhiiqo ama dhiiri badan!

Hadaba qofkii rabo wax qiimo leh in uu soo saaro waa inuu isu diyaariyaa inuu noqdo mid soo bandhigo qoraalo uu isaga curiyey.

Wadamada reer galbeedka ee ku horumaray tiknoolajiyada casriga iyo ilaalinta shuruucda xuquuqda qoraalada ayeyba ka dhacdaa arimahaan ku saabsan minguurinta ama xadida qoraalada.

Waxaana tusaale u soo qaadaneynaa arin ka dhacday wadanka Sweden, taasoo ah in wiil la yiraahdo Erik uu qoray Gabay, laguna soo daabacay wargeyska iskoolka, dhowr isbuuc kadib ayuu Erik ku arkay gabaygiisii wargeys kale

Gabaygiisii oo wax laga badalay iyadoo lagu daray Tuduc kale ama beed kale taasoo gabi ahaanba badeshay micnihii gabayga, laguna sixiixay magac aan magaciisa ahayn.

Marka ugu horeyso Erik cid weydiisey maleh in la isticmaali karo gabaygiisa, tan labaadna waala faalsigareeyey, tan sedexaadna qof kale ayaaba magaciisa ku saxiixday.hadaba Erik wuxuu xaq u leeyahay in la siiyo lacag, qofkii xaday gabaygiisana in la ganaaxo ayuu sharcigu leeyahay.

By:- Yoonis Aadan ( Cigalley )
wardhiigley@hotmail.com
Gothenburg-Sweden

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: