NEWS ALERT

February 23, 2008 at 6:48 pm | Posted in maqal | Leave a comment

SASA NEWS ALERT

Waa Bille Ka soobaxa waaxda warfaafinta & wacyigalinta Ee Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Gobalka Eastern Cape Ee Wadanka K/Africa

Waano Iyo wacyi Galin ku aadan Bulshada Somaliyed

Anaga oo ah waaxda warfaafinta ee Sasa News Alert Waxaan waano iyo wacyi galin usoo jeedinaynaa walaalahayaga Soomaaliyeed ee kunool wadanka K/Afrika in ay illaaliyaan Diinta iyo Dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliyeed.

Waxa aad ogtihiin in ay umad waliba iyo Qoomiyad waliba Kufaanto Dhaqankeeda Laakiin Inaga Waxaad moodaa in aaynu kafaano Dhaqankeenii hadii aaynu nahay Soomaali.

Walaalayaal Dhaqanka iyo Diinta waa waxa kali ah ee aaynu dadkunahay.

Walaalayaal dal qurba ah ayaynu joognaa Dad iyo Dal ayaa inaga danbeeyo oo inaga wax inagasugaayo Marka qofwaliba waa in uu masuuliyad isisaaraa., Noqdaana qof xilkas ah.

Waaxda SASA NEWS ALET Waxay rajayneysaa in ay qayb lixaad leh kaqaadan doonto isku duubnida Jaaliyada Soomaaliyeed iyo wacyi galinta.

Sidookale waxaan rajaynaynaa in aan wax kabadali doono dhibaatada inaga haysato wadankan aan ku noolnahay Insha,allaah.

Xaqiiqdii waxaad ogtihiin in maalin waliba dad Soomaaliyeed oo shabaab ah dhibaabto kasoo gaadho ama ugaystaan dadka wadankaan udhashay iyagoo inoo gaysto Dhac,Dil Iyo Boob joogto ah taas oo Doowlada K/Afrika ay ku eegeeganayso Dhago aan maqal lahayn iyo indho aan arag lahayn.

Ayada oodaboosho marwaliba tacatiyada si aysan ugaarin hay,adaha u ol oleeyyo Xuquuqda insaanka ama qaxootiga marka SASA NEWS ALERT waxay rajayneysaa in ay u daahfuri doonto dhamaan tacatiyadaas soona bandhigi doonto, una gudbin doonto dhamaan saxaafada caalamka.

Marka Jaaliyada Soomaliyeed Waa in ay Garab istaagtaa Jaraa’id keenaan ku hadla Afkeenii Hooyo.

Wareeysi aanlayelanay gudoomiya kuxigenka Jaliyada Somaliyed Ee Eastern Cape Mudane C/raxmaan (Raabi)

SASA NEWS: Mundane Raabi kusoo dhawoow Jaraa idka SASA NEWS ALERT ?

Mudane Raabi: Bismillaah Marka hore mahdoo dhan waxaa iskaleh allaah Nabdgalyo iyo Naxariisna korkiisa ha ahaato Nabigeena Suba S.C.W Marka xigta aad ayaad umahad santihin bahda SASA NEWS ALERT waana dhawahay.

SASA NEWS: Seed u aragtaa Jaraa idkaan cusub ee kusoo biiray wax qabadka Jaaliyada?

Mudane Raabi: aad iyo aad ayaan oogu farax sanahay inaan arko wargay kuqoran afkaygii hooyo kaas oo gaara meelaha aanan laheeyn Internetka Sida (Locationada) iyo uulooyinka kale iyo da,a yarta Soomaaliyeed ee kubarbaato akhirta afka soomaaliga .

SASA NEWS: Maxaad udardaarmeysaa jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka K/Africa?

Mudane Raabi: Umada Soomaaliyeed ee kudhaqan wadanka K/Africa waxaan udardaarmaya Taqwada alle Iyo Midnimo waxaadna ogaataan in ay gacmo wadajir wax kugooyaan.

SASA NEWS: G/Kuxigeen wax ma nooga sheegi kartaa Qaybaha Jaaliyada?

Mudane Raabi: Jaaliyadu waxay kakobantahay Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshda, Sida,Dacwada iyo tacliinta ,waaxda warfaafinta iyo wacyigalinta, Waaxda Sportiga iyo Dhalinyarada, waaxda ardayda jaamacaadka ,waaxda dumarka aan wali soo dhameystirmin maamulkoodii. Waxaana rajaynaynaa inaan soo dhameys- tirno maamulkooda sida ugu dhaqsiyaha badan .

SASA NEWS: Maxaad Jeceshahay bahda wargeeyska in aad ugudbiso?:

Mudane Raabi: Bahda wargeyska waxaan usheegayaa in ay samraan dulqaataan korna uqaadaan adeega bulshada ay u hayaan ajir iyo abaalna ay kadalbadaan eebe Wayne.

SASA NEWS : Aad ayaad umahadsantahay Mudane C/raxmaan Axmed yuusuf (Raabi ) Sida sharafta leh ee aad ooga jawabatay Su,aalahayaga?

Mudane Raabi: Dinkaa Mudan waxaana inoobalan ah hadalyar iyo howl badan

Waxaa inoo soo diyariyay Tafatiraha wargayska mudanae (Ismacil Turky)

Warbixin: Kaalinta yuhuudu ku leedahay Loolanka Geeska Afrika (Soomaaliya) Beerdhiga 13.02.2008 15:28

Warbixin dheer oo ay Jariidada Alqudus Alcarabiya ee ka soo baxda Magaalada London shalay qortay oo taariikhdu ahayd 12/2/2008 ayay kaga faalootay kaalinta ay Yuhuudu ka qaadatay duulaankii ay Itoobiya ku qabsatay dalka Soomaaliya dhamaadkii 2006 waxayna warbinitu u qornayd sidan:

Qaybtii 1aad

Kadib duulaankii ay iska kaashadeen Itoobiya iyo maraykanka oo lagu qaaday Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 2006 warbaahinta Yuhuudu waxay bilawday in ay durbaanka u garaacdo guusha ay Itoobiya ka soo hooysay dagaalka, ayaga oo ku faanay dawrka ay Yuhuudu ka ciyaartay jabintii Maxkamadaha Islamiga waxayna sii buunbuuniyeen dacaayadihii been abuurka ahaa oo ay sameeyeen una gudbiyeen Q.M taas oo sheegaysay in dagaalyahano ka tirsan Maxkamadaha shareecada islaamku ay ka barbar dagaalamayeen ururka Xizbu-allah ee Lubnaan dagaalkii u danbeeyay ee ay Yuhuudu ku qaaday dalka Lubnaan si ay ugu guubaabiyaan ra’yul caamka reer galbeedka khatar kaga soo wajahan Soomaaliya, waxaana Sidaas qortay Jariidad ka faaloota siyaasadda oo laga leeyaahy dalka Kuwait taariikhdu markay ahayd 19/1/2007 taas oo baahisay warbixino faahfaahsan oo xiriir ah oo ku saabsan dawrka ay Yuhuudu ku lahayd duulankii ay Itoobiya ku qaaday dalka Soomaaliya ayada oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah oo yuhuud ah.

Warbaahinta Yuhuuda ayaa bilawday in ay baahiso khuraafaad aad uga fog xaqiiqada oo la mid ah khuraafaad ka ay ka sheegaan istaagidda Dawlad weyn oo Yuhuudu leedahay waxaana ka mid ah sheekooyinkaas in Soomaaliya ay tahay Dhul barakaysan oo Yuhuudeed dhulkaas oo waagii hore ay ku magacaabi jireen Puntland ayna qaar ka mid ah Anbiyadoodu ku noolaan jireen sida

dagaalyahanada Maxkamadaha Islamiga ah kuwaas oo hadii ay dalka qabsadaan Yuhuudda Soomaalidu waayayso xuquuqda ay ku leeyihiin dhulkooda khatarna galinaysa Dhulka barakaysan!!! Waxaaba intaas dheer in saraakiil Milatery oo Yuhuud ah kana soo jeeda Falaasha ay ka qayb galeen dagaalkii dhexmaray Maxaakimta Islaamiga ah iyo Ciidamada Itoobiya.

Yuhuudu waxay waligeed Itoobiya ku tilmaantaa saaxiib istaraatiiji ah taas oo Yuhuuda ka waardiyaysa xagga danbe ee Badda Cas, saaxiibtinimadaas oo soo bilabatay xilligii Xayle salaase kaas oo ku faani jiray in uu asal ahaan ka soo jeedo Yuhuuda oo uu yahay faracii “Yahuudaa” iyo tarankii boqoraddii Saba (Balqiisa), iyo sidoo kale xilligii Kali taliskii Mingisto Xaylo Maryam ilaa laga soo gaaro Meles Zinawi oo isku amaana in uu xaqiijiyay wax aysan horay u xaqiijin Madaxdii Imbiraadooriyadda Xabashidu asaga oo ku dhereray xuduuda Imbiraadooriyadda Xabasha xeebaha Badweynta Hindiya oo uu ula jeedo qabsashada dalka Soomaaliya.

Isbahaysiga ay Itoobiya la leedahay maraykanka iyo Yuhuuda ayaa waxay ka dhigaysaa quwada ugu saraysa geeska Afrika waxaana intaas dheer taageerada ay Itoobiya siiso kooxaha mucaaradka ah oo ka dagaalama Koonfurta Suudaan iyo qalqal galinta daganaanshaha Daarfuur iyo calaaqaadka adag ee ay la leedahay Uganda, Kenya iyo dawladaha Harooyinka waaweyn ee Afrika waxayna awood u yeelatay in ay cunaha ku dhagto Masar iyo Suudaan gacan ku haynta ilaha uu ka soo burqado wabiga Niil awgeed taas oo balaarisay dawrkeeda Heer gobol ee Afirca iyo Carabtaba.

Waxaan akhristayaasheena sharafta leh u balan qaadaynaa in aan warbixintan qaybteeda 2aad u soo gudbin doono Barri insha alla

Waxaa diyariyay MR. Ismacil Turky

Somaliland oo sheegtay inay xabsiga utaxaabtay dadkii kadambeyay afduubkii loogu geystay nin jarmal ah magaalada Cergaabo.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa xabsiga utaxaabay ilaa 5 ruux oo lagu eedeeyay inay kadambeeyaan afduubka nin jarmal ahaa oo lagu afduubtay ceergaabo kaasi oo sio xoog ah looga soo furtay kooxihii haystay.

Sida uu xaqiijiyay gudoomiye kuxigeenka gobolka sanaag C/casiis Xasan Siciid ciidamada Somaliland ayaa soo qabtay shantan nin oo loo haysto afduubka ninkii jarmalka ahaa ee lagu afduubtay deegaano katirsan Somaliland maalintii qamiista ahayd kaasi oo ushaqeynayay hay,ada lagu magacaabo GAA.

Wasiirka arimaha gudaha ee jamhuuriyada gooni ugoosadka ah ee Somaliland C/laahi ismaaciil ayaa sheegay in kooxaha afduubayaasha ahi aay markii hore kayimaadeen magaalda Boosaaso ee maamulka Puntland.

Waxaa so diyariyay wariye Dhagacadde

Sababaha uu ilaahay ku halaago Bulshada:

Sidoo kale maamul goboleedka Puntland ayaa gaashaanka udaruuray eedeeymaha kayimid Somaliland iyadoo afhayeen uhadlay madaxtooyada Puntland oo lagu magacaabo Bile Qaboowsade uusheegay inaysan afduubayashu kaimaan Puntland hayeeshee aay kayimaadeen magaalooyinka Ceerigaabo iyo burco oo katirsan Somaliland .

Dhanka kale ninkii jarmalka ahaa ee laga sii daayay gacanta burcadii haysatay ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay intii ay haysteen kooxihii afduubayasha ahaa isagoo wariyayaasha kula hadlayay garoonka caalamiga ah ee magaalada hargeysa xiliga uu halkaasi kaduulayay

Waxaa iska leh mahad dhamaanteed ilaahay(sw) intaa ka bacdi Marka u horaysa waxaan dadka u dardaarmaynaa cabsida Alle, sida allaah uu Quraanka kariimka ah noogu sheegay {dadyahaw muÕminiinta ahi haddad Eebe ka cabsataan oo ka dhowrsataan wuxuu iddin yeelayaa faraj (nabad gelyo) wuxuuna asturi
Jaabir ibnu Cabdilaahi ayaa wuxuu yiri markii ay muhaajiriintii aaday wadanka Xabashida soo noqdeen oo ay yimaadeen magaalad Madiina ayaa Nabiga (scw) wuxuu yiri: (waxaad iiga warantaan waxyaalihii u cajiibsanaa ee aad ku aragteen wadanka Xabashida, markaas ayaa nin dhalin yaro ah oo ragii ka yimi Xabashida wuxuu bilaabay in uu ka waramo, wuxuu yiri: Rasuulkii Ilaahayow goor aan anagu fadhino ayaa waxaa na soo ag martay qof dumar ah oo daÕ wayn waxay madaxa ku sidatay ashuun wayn oo biyo, waxaa soo ag maray wiil dhalin yaro ah intuu soo booday ayaa wuxuu riixay garbaheed dabadeed way dhacday oo jilbaha ayay dhulka ku dhufsatay waxaana ka jabay ashuunkii ay sidatay, markay kor u kacday ayay intay wiilkii fiirisay tiri: wiil yahaw waad ogaan doontaa waxaa igu samaysay marka uu Ilaahay kursigiisa dhigto soona kulmiyo ummadihii hore iyo kuwa dambe, oo ay hadlaan gacmaha iyo lugaha dadku, kana hadlaan waxa uu qofku sameeyey, ilaahay agtiisa markaan tagno ayaad ogaan doontaa waxaad igu samaysay, intaa markuu marayay ayaa nabigu istaagay oo yiri: run bay sheegtay, run bay sheegtay sidee Ilaahay u dahirayaa haddii aan keeda xooga wayn ka qaban kan daciifka ah.

wuxuu kale oo uu nabigu sheegay in maalinta qiyaamaha loo kala xaq soorayo neefka ariga ah oo geeshaha leh iyo midka aan geesaha lahayn, haddaba qofkii dulmi qof ka galay waxuu mudan yahay innuu ogaado in ciqaabkaasi jiro maalinta qiyaamaha, waxaa kale oo nabigu xadiis qudsi ah ku yiri (ilaahay wuxuu yiri waan u gargaarayaa qofka la dulmiyey waqtiba ha ka soo wareegee, xataa haddii uu gaal yahay).

Sababta 2aad: Maal-jacayl
In kastoo sharcigu amaanay maalka badan oo jidka Ilaahay loogu gargaarayo laakin qofka oo had iyo jeer jecel inuu helo maal aad u tira badan waa waxyaalaha keena ciqaabta iyo halaagga ummadda, taas waxaa daliil u ah xadiis uu warinayo Camar ibn Cawf inuu yiri nabiga (scw) ayaa abuu cubayda wuxuu u diray Baxrayn si uu uga soo ururiyo jizyada laga qaadi jiray dadkii aan islaamka ahayn ee ku hoos noolaa dawladda islaamka, ayaa waxaa maqlay Ansaartii (saxaabadii rasuulka), waxay aad u yimaadeen salaadii subax, markii uu nabigu(scw) salaadii ka baxay ayay soo hor mar mareen nabiga si ay u tusaan in ay joogaan masaajidka, nabigu ayaa intuu dhoolo cadayey wuxuu yiri (waxaan u malaynayaa inaad maqasheen in Abaa-cubayda yimi oo uu maal ka keenay Baxrayn) waxay ku jawaabeen “haa sidaas ayaan maqalnay” nabiga ayaa wuxuu yiri (ilaahay baan ku dhaartaye idiinka baqi maayo fakhri iyo saboolnimo ee waxaan idiinka baqayaa in aduunyada laydiin fidiyo sidii ummaddihii idinka horeeyey loogu fidiyey oo aad ku tartantaan sidii ay ugu tartameen oo laydinku halaago sidii loogu halaagay).

Taas waxaad ku garanaysaa in u tartanka aduunyada iyo in aduunyada la jeclaado iyo in lagu xeeldhaaraado jacaylkeeda in ay tahay sabab lagu halaagi karo ummadda.
Waxaa jira xadiis kale sida uu Imaam Muslim soo saarayo in Cabdilaahi ibn Cumar uu yiri: wuxuu yiri nabigu(scw) (Sidee ahaan doontaan marka aad furataan Faaris iyo Roma) dabadeed Cabdiraxmaan ibn Cawf ayaa wuxuu ku jawaabay marka la furto Roma iyo Furus waxaan oronaynaa oo ahaanaynaa sidii Ilaahay na amaray, nabiga(scw) ayaa wuxuu ku jawaabay (Arintu sidaa si ka duwan ma laga yaabaa inay isu bedesho, waad tartamaysaan ka dib waad is xastaysaan dabadeed waad isu caroonaysaan oo waad isu dhabar jeedinaysaan).

Sababta 3aad: Sinada iyo ribada oo faafta

Sinada iyo Ribada oo batadda dabadeedna ummadda dhexdeeda ku batadda waa waxyaalaha keena in qofka ama bulshada u keena cadaabka aduunka iyo midka aakhiraba. Wuxuu nabigu (scw) xadiis ku yiri (Hadii ay sinada iyo ribaduba ay umad dhexdeed caadi ka noqoto waxay naftooda u keenayaan ciqaabka ilaahay). Ribada wuxuu Ilaahay tilmaamay in qofka isticmaala uu qiyaamaha imaanayo isagoo aad moodo inuu waalan yahay, sidoo kale Ilaahay wuxuu noo sheegay in uu la dirirayo ciddii caado ka dhigata in ay isticmaasho ribada. Lama soo koobi karo sababaha keena in qofka la cadaabo waxaan door biday inaan intaa ku soo gaabsano.
wabilaahi tawfiq…

Rumeyso waa runne

Akhristoow miyaadan Lasoconin in la aas aasay Wargays Billa ah oo kahadlaayo danaha bulshada Soomaaliyeed Ee kunool Dalka K/Afrika.

Wargayskaan oo noqon doono mid kusoo baxa afkaada hooyo Ee Soomaaliga.

Waxaana uuyahay wargayskii oogu horeeyay ama noqon doono wargayskii oogu horeeyay oo kusoobaxa afka Soomaaliga Kana turjumi doono Aayaha ama danaha Jaaliyada Soomaaliyeed Ee ku dhaqan dalkan koofur afrika Iyo Waliba Soomaaliada kale Ee kukala Baahsan Duniada dacaladeeda.

Taas oo aysan jirin cid ama Doowlad ka hadleeyso kadib markii talada laga tuuray xukuumadii SIYAAD BARRE Sanadii 1991dii illaa Iyo haatana aysan jirin Doowlad loodhanyahay oo dalka kataliso.

Ayaa dhab ahaantii waxaa abuurmay Jaaliyada Soomaaliyeed oo markasta utaagan wax uqabadka dadkooda dhibaateeysan.

Hadaba Jaaliyadahaas waxaa kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed Ee wadanka K/Afrika (Somali Association of South Africa)Taas oo aan la qiyaasi Karin waxyaabaha ay uqabatay Soomaalida kunool Dalkaan K/Afrika ayaga oo markasta utaagan wax uqabadka iyo horumarinta Bulshada Soomaaliyeed ee Kudhaqan wadaka K/Africa.

Dhanka kale Wargayskaan ayaa lamagac baxay (SASA NEWS ALERT)ayaa waxaa uu kasoobaxaa Magaalada PORT ELIZABETH ee Gobalka Eastern Cape.

Hadaba Akhristaha Sharfta mudanoow Rumeeyso waa runne inaad Bil kasta heli doontid wargayskaan oo bil waliba kuugu soo baxaayo afkaadii hooyo.

Qorre: Madaxa warbaahinta SASA NEWS ALERT : Mudane: Mohamed Shariif

Soomaalida Ku dhaqan wadanka Maraykanka Gaar ahaan Gobalka Ohio Columbus oo Luguwado ol olo Lugu gaalaysiinaayo

Jaaliyada Soomaaliyeed ee kudhaqan Magalada Columbus Ohio ee cariga maraykanka ayaa carro xoogle kamuujisay tabeelo xayaysiin ah oo loogu dhajiyay goobo ay Soomaalidu dukaamo kuleeyihiin.

Tabeelahaan xayeeysiiska ah ayaa dushiisa lugu qoray erayo loogu yeerayo Soomalida in ay raacaan diinta kiristaanka.

Waxaama tabeelaha hoostiisa laguqoray teleefoono lagala xiriiraayo cidii dooneeyso in ay raacdo diinta kiristiyaanka islamarkaana doonsyso inay kasoo baxdo diintiisa.

Boorarka ayaa waxaa lagusawiray wiil Soomali ah oo geel lajoogo taas oo ay muujinayaan dhaqanka Soomalida ayaa waxaa tabeelaha laguqoray Erayo Somali ah oo ay kamid tahay Isooraac Sayid Ciise Masiixi Oo laha waday in fariintani katimid Nabiyullaahi Ciisa CSW oo ay Kiristiyaanka Aaminsanyihiin Inuuyahay will uudhalay Illaaahay Halka qaarkale ay aaminsanyihiin inuu yahay isaguba illaah Arintaan ayaa waxaa kahadlay Culumada Soomaaliyed Ee ku dhaqan Cariga maraykanka Ee uu kamid yahay Maamulaha MASJIDKA IBNU_ TAYMIYAH Sheikh Maxamed Xassan Aadan.ayaa waxaa uu kacodsaday Soomaalida Magaalada Columbus in aysan siinin wax fejignaan ah (Attention) qoraalka kuqoran tabeelaha maadaama ujeedada looga danleeyahay tahay in ay Soojiitaan dareenka dadka Iimaankoodu daciifkayahay.

Hadaba ma,ahan markii ugu horeysay Ee Soomalida Kudhaqan Cariga Maraykanka lagu tijaabiyo arinkan laxariiro diintooda waxaana dhoowr jeer oo hore loogu dhajiyay goobaha ay kubadan yihiin Soomaliada iyo dukaamadooda taswiiro lagu aflagaadeeynaayo diinta islaamka iyo waliba nabigeena Muxamed S.C.W

Qorre: Madaxa warbaahinta SASA NEWS ALERT : Mudane: Mohamed Shariif

Muusihii madoobaa, Xazqabiil,iyo Xabquuq.

Marka laga tago khuraafaadka gaboobay waxaa jira khuraafaad cusub oo ay warbaahinta yuhuudu faafisay taas oo tilmaamaysa in ilaa 50,000 oo Yuhuud asalkoodu ka soo jeedo Soomaali ay ku noolyihiin dhulka reer Falastiin oo yuhuudu xooga ku haysato kuwaas oo ka soo barakacay Soomaaliya horaantii 1990 sababo kala duwan oo ay ka mid tahay dagaalada sokeeye waxayna sheegeen in ay dadkaasu hadda heer sare kaga jiraan dhaqaalaha Yuhuuda saamayntaooduna aad ay u soo kordhayso gaar ahaan quwadda ay leeyihiin iyo milkiyadooda warshado aad u fara badan gudaha dhulka Yuhuuda iyo dawladaha kale ee caalmaka qaar ka mid ah kuwaas oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Dhaq dhqaaqa Sahyuuniyadda waxay ku caanbaxday tan iyo markii ay dhalatay abuuridda Been u adeegaysa masaalixdeeda siyaasadeed ayada oo si joogta ah ugu shaacinaysa Warbaahinta caalamiga ah ee ay gacanta ku hayso, waxay beentaas ku abuurtay cuquusha dadka jaahilka ah oo ay beer laxawsato taas oo ay marka danbe si xoog ah ugu soo rogto ra’yul caamka waxayna sahyuuniyaddu ku kalsoontahay in haddii Soomaaliya ay gacanta u gasho maraykanka ay u sahlayso ujeedadeedii isbalarinta ku dhisnayd.

Waxaa si cad u soo baxay kaalinta ay Yuhuudu ku lahayd dagaalkii Itoobiya ku soo qaaday dalka Soomaaliya waxayna Idacadda Codka Israel siidaysay warbixin taas oo lagu sheegay in Yuhuud asal ahaan Soomaali ah oo kaashanaya Yuhuuda Falaashaha loo yaqaano oo ka soo jeeda Itoobiya ay aruuriyeen intii uu socday dagaalkii ugu danbeeyay lacag tabarucaat ah waxayna cadaadis xoogan ku sareen xukuumadda Yuhuuda in ay ciidamada Itoobiya oo ku duulay dalka Soomaaliya siiso taageero maaliyadeed iyo mid milateryba oo u suurta galin karta in ay ka guulaystaan

Wafdigii uu hogaaminayay Sh.shariif Sh.Axmed oo qaahira kula kulmay Saraakil sar sare oo ka tirsan Wasaarada arimaha dibada Ee Masar

Gudoomiyaha gudiga fulinta ee isbaheysiga dib u xoreynta soomaaliya Sh.sharif sh.axmed iyo wafidigii uu hogaaminayay ayaa waxa ay magaalada Qaahira ay kulan kula qaateen saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaarada Arimaha dibada Masar.

Wafdiga Sh. Shariif oo Shalay galinkii danbe soo gaaray Magaalada qaahira ayaa ilaa xalay ku mashquulsanaa kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan Xubno ka socday beesha caalamka iyo dowlada masar.
Kulanka ay maanta la yeesheen Saraakiisha waaxda arimaha dibada masar ayaa waxa ay isku soo qaadeen xaaladaha ka taagan dalka soomaaliya iyo Sidii Wax looga qaban lahaa iyo waliba sida ugu haboon oo ay soomalida gudaheeda uwada hadli lahaayeen.

Gudoomiye Sh.shariif ayaa waxa uu masar usheegay in wax walba ay ka horeyso in dalka soomaaliya laga saaro ciidamada itoobiya oo cadow soo jireen ah u ah umada soomaaliyeed waxaana uu tilmaamay in ay itoobiya dil iyo xasuuq joogta ah ku heyso shacabka soomaaliya oo ay burburiyeen hantidii shacabka isla markaana ay barakicin baahsan wadaan waxaana uu cadeeyay in isbaheysigiisu uu si wadayo dagaalka uu kula jiro xoogaga itoobiya ee jooga gudaha soomaaliya ilaa inta ay ka baxayaan dalka.

Saraakiisha ka socday wasaarada arimaha dibada masar oo uu sh. shariif la kulmay ayaa dhinacooda cadeeyay in ay ka xunyihiin dhibatada heysata umada soomaaliyeed ayna dhowr mar oo hore ku baaqeen in ciidamada itoobiya ka baxaan dalka soomaaliya oo taa badal keedana la qeeyo ciidamo caalami ah oo ka socda beesha caalamka.

Wafdiga uu hogaaminayay Sh.Shariif Sh. axmed ayaa xalay horay kulan ula qaatay Wafdi ka socday midowga yurub oo ay isla sooqaadeen qaabkii la iku sii horfariisin lahaa iyaga iyo dowlada KMG ah waxaana ay wafdiga isbaheysigu u cadeeyeen in ay wali ku taagan yihiin mowqifkoodi ahaa in ciidaamada itoobiya ay marka hore ka baxaan dalka soomaaliya oo ay aaminsanyihin in uusan xor aheeen oo aysan la hadleen wax ay ugu yeereen shaqsiyaad aan awood laheyn waxaana u wafdigaasi ka socday midowga yurub uu isla xalayba dib ugu laabtay magaalada Nairobi oo ay markii horaba ka yimaadaan si ay halkan ugula kulmaan Sh.shariif Sh.axmed.

Qorre: Wariye Mohamed Hussein (Dhagacadde)

Fiiro Gaar ah: waxaan idinka raali galineeynaa wixii khaladaad ah oo aad ku aragtaan jornaalka waa markii ugu horeysay ee uu si toosh usoobaxo marka dib ayaan kasaxeeynaa wararkeena danbe hadii allaah idmo waxaan idiin rajeeynayaa hoowlyar iyo wax qabad dhameystiran wallaahu waliyutoowfiiq

Waxaad ka akhrin kartaan websityada kala ah

Xogta.com.com | Waagacusub.com iyo Kismaayonews.com

Ama kala soo xariira wixii fikrad iyo wacyi galin ah ee aad kusoo korodhineysaan E-mail: Abshiryare114ta@hotmail.com

Tell: 041 453 5107 / 0793222180

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: