Nin Xurnimo u dirirkiis Nin kaley Argagixisadiis tahay!

February 23, 2008 at 7:10 pm | Posted in maqal | 2 Comments
Tags:

Swedon, Axad 06 January 2007,
One man`s fighting for freedom is another man´s terrorist

Mareykanka 47 sano ayuu la dagaalamaayey Shuuciyadii, dagaalkii qaboobaayna waa dhamaaday, soofiyeetkiina waa la furfuray, darbigii baarliina meesha waa laga saarey, Mareykankana wuxuu noqday quwada ugu xooga badan aduunka ha ahaato mid siyaasadeed, militari, dhaqaalo, iyo dhaqan “ political, military, economic and culture” , mana dhicin taariikhda aduunka in hal gacan oo kaliya ay kulansato afartaas awoodood.

Hadaba maanta waxaa loo soo jeestay Islaamka oo duulaan lagu yahay, USA cid kasto oo danaheeda ka hortimaado wexey ku darsaneysaa liiska argagixisada sida Bush uu yiri qofkaan anaga nala jirin wuu naga soo horjeedaa.

Wadankeena marxalad xun ayuu marayaa oon Afrika aan ka dhicin, somaaliyoo dhan ayaa la inkiray waxaana loo sameestay magaca Argagixiso, mar hadii lagaa xoog badan yahay magacyo badan ayaa laguu bixinaa iyo eedo badan ayaa laguu sameeynaa.

Maxaakkiimta waxey wax ka badaleen wadcigii jiray wexeyna fureen garoonkii diyaaradaha iyo dekedii, wexey soo celiyeen nabadii wexeyna isku fureen wadooyinkii , shacabkuna wexey u arkeen maxaakiimta iney maslaxadooda ka shaqeynayaan saas ayeyna ku taageereen waayo wexey heleen nolol iyo nabad, aduunkana qof nabad keenay wax lagu abaal mariyo waa waxa ugu qiimo badan, nasiib darase waxaa la yiri argagixiso ayaad tihiin!!!

Wadcigii la badalay wey u cuntami wayday Mareykanka wuxuuna sameeyay kuwa la dhaho Contact Group, wuxuu olo olo u galay in la qaado cunaqabateyntii hubka kadibna wuxuu noo soo adeegsady labo dowladood oon jiiraan nahay oo dal iyo dad naga heesto iyo dowlad kale oo ah Yugaandha oo masraxa ku jirto.

Dad dhulkoodii lagu soo duulay oo dadkoodii la leynaayo oo la barakicinaayo, guryahoodii la burburinaayo, dhaqaalahoodana la dhacaayo oo la gubaayo, intii qaxdayna gargarkii la gaarsiin lahaay laga hor istaagey ka dibna layiri waa argagixiso, shacbiga masaakiinta ah ee geedaha hoostooda jiifo oo canugii dhashabo dhalanaayo isgoo qabo TB ama cuduro kale sedex bilood ka dibna uu dhimanaayo nafaqo daro iyo daawo la aan awgeed, in la yiraahdo argagixisaad tahay !! runtii waa dad laga gardaran yahay gar Alley leedahayee, waxaana meesha ka baxday Dimuqraadiyadii iyo Xuquuqul Insaankii ay wadamada reer Galbeedku sheegi jireen.

Ayagoo shuruud uga dhigo wadamada ay mucaawinada siinaayaan.

Maantana Itoobiya waxaa dhaqaalo badan lagu siiyaa xasuuqa, burburinta dhaqaalaha iyo barakicinta shacbiga soomaaliyeed.

Dadka soomaaliyeed waa dad cadowgoodii gacmaha loo qabtay sida ka kadhacday Bosniya oo Boosniyaankii muslimka ahaay loo gacmo qabtay Seerbiskii kirishtaanka ahaay oo lagu sameeyay xasuuq intii yareed ee ciidamadii UN ka iney magan galiyaana loo xilsaarayna ayagana waa la xasuuqay oo waliba waa lagu fiirsadey !!!

Aduunyada waxaan xasuusineynaa in Itoobiya ay naga dhexeyso colaad soo jireen ah dhoor jeerna uu dagaal na dhex maray, waana fal cadowtooyo iyo mid argagixiso ah in la dhaho Itoobiya hubka haka dhigto Soomaaliya taasina waa wax aan dhici karin, waxeyna la mid tahay iyadoo la yiri Waqooyiga Kooreya hubka haka dhigto Koonfurta Kooreya ama Giriiga hubka haka dhigo Turtkiga!!

Aduunyada waxaan u sheegeynaa inaan nahay dad xaqdaro ka dagaalaayo, dad dhulkoodii la heysto oo bulsho ahaan loo burburiyey, dhaqaalo ahaana loo burburiyey si isticmaarka naloo hoosgaliyo, mana nihin argagixiso balse qof xurnimo u dirirkiis waa qof kale argagixisadiis sida uu yiri Mahad M. Gandi “ One man´s fighting for freedom is another man´s terrorist “ mana yeeleyno oo waan ka dagaalameynaa mana laga yaabo inaan madaxeeno u foorarino “ we will never ever bow dhown our head “ kuwa dalkeena , dadkeena iyo diinteena duulaanka ku ah kana leh dano siyaasadeed , mid dhaqaale iyo mid milateri intaba, Inaan dalkeena difaacno waa sharci aduunkoo dhan u yaalo, diintaa ku amreyso garaadkeena iyo soomaalinimadeena ayaa na fareyso, Tikreey ama Wayaanaha ummada soomaaliyeed kama adkaan karto taariikhda dib u fiiriya “ Somalia never Kneel down “

Soomaaliya nabad la lama rabo, dowlad la lama rabo waxa la rabaa waa danaha Tigreeyga ama Wayaanaha in la fuliyo, waa in shacbiga kiristaansha ee laga tirada badan yahay uusan xukunka gacantooda ka bixin, Itoobiya iyo Keynya hadafkoodu waa sidey u bedeli lahaayeen Calankaan Shanta Xidig leh si ay u dhamaato sheegashada Soomaali Galbeed iyo NFD, hadaba korkeena ayaa lagu hishiiyey bohol ayaa naloo qoday xaabana korkaa laga saaray.

Dowlad ku sheegaan cadow ayaa soo dhistay, cadow ayaana maamulo , danaha cadowga ayeyna fulineysaa, xooga ay garabsaneysana waa itoobiya, waa yaab dowlad iyo shacbigeedii lakala ilaalinaayo, dowlad laga ilaalinaayo shacbigeeda iyo shacbi dowlad aysan rabin lagu qasbaayo iyo shacbiga Falastiin dowladii ay soo doorteen ee Xamaas oo la diiday waa yaabka yaabkiis.

Waxba yuusan qalinku ila turun turooninee waxaan ku soo gunaanadaa mar hadii dalkii uu heesto gumeysi waa waajib in dalka laxureeyo, soomaaliyana soomaali baa leh, gumeystaha soo duulay iyo ninka geyigiisa difaacaayo, guushu wexey raacaysaa wadaniga xaq udirirka ah, Xaaqin iyo Dhul, Xaaqinka ayaa dhamaado.

2 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. aslaamucaleykum walaal waan hurudnaa marka ugu horeyso waa in aan hudada ka kacno maxkamadaha jidadka way nadii fiyeen waan kugu raac sanahay. but diplomatic way. waxbo kama ogeen mareykanka danbuu kaleeyahay somalia shidaal baakujira contract ayaa la kala saxiixday forr american 0il combany and one uk wadaadada waxay ubaahnaayeen qoff waashington ufadiyo ..14 bare kadib markii ay wadaadada qabsadeen xamar saned way ufadiyeen arinta somalia kasocoto marka aan kudahaayo waan hurudnaa ilaahey bad buu nassiyay dull quruxbadan ayuu nasiiyayay dad tiro yar ayuu naga digay hadii aynu somali nahay waa in aan indaha iska fiirinaa aynu runta isku sheeg naa dulkaa waan isla qebsankarnaa xukunka waan ilaqebsan karnaa qiabiil kasto halasiiyo magaaladooda iyo sidiiay uxukumilahaayeen waqtiga lajoogo and we shud mayk qofwalba oo somali ah registar for thare city or qabiil kooda ?and we shud have the sistam off gov legislatve execuive judicial antill then got hep as alahu akbar

  2. walaal waxaan jooga yaman waxaaan kutalin lahaa in iska meel loo wada jeesto oo lahaliyo aritasomali aniagu waxaan kasoo cararey bayadhabo markii hotel aan kushaqeynaay bam laqa soo tuurey waxan galabsadina malahan dowlad maihi mucaaradna maihi nin iska hamaalanay ayaan ahay had xadii nabad jiri lexeed wadankeyga ayaan iska laban lahadala dadow dhib ayaa naga xaysta mid lixiraay iyo mid kale ayaan nahay mahad sanid


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: