Qeybta 4-aad Xulashadda Shaqsiyaadka sanadkii tagay 2007

February 23, 2008 at 7:01 pm | Posted in siyasada somalia | Leave a comment

Qalinka qaadaa dhiga shaqsiyaadka sanadkii tegay waxaan ku eegi doonaa Saxaafadda iyo Saxaafiyiinta anagoo dib idinkaga soo gudbin doono qeybo badan oo dhinaca Fanka iyo Suugaanta la xiriira.

Sunni Siciid Saalax ayaa loo aqoonsaday inuu yahay Weriyaha horyaalka dhinaca falanqeynta Ciyaaraha,isagoo noqday Weriyaha ugu taageerada badan bahda Saxaafadda Soomaaliya.

Sunni Siciid Saalax wuxuu sanado badan barnaamijka Ciyaaraha ka tebin jiray Idaacadda HornAfrik hasse yeeshee guud ahaan sanadkii tegay wuxuu ahaa Tifaftiraha guud ee Waagacusub Media dhinaca Sports-ka.wuxuuna iminka yahay Agaasimaha Wargeyska Waagacusub Sports ee ka soo baxa Muqdisho.

Sunni Siciid Saalax dhinaca tebinta Ciyaaraha waxaa kula hardamay Weriye Cabdi Xafiid Cabdi Samad Zaciimka oo noqday Weriyaha labaad ee ugu horeeya Muqdisho dhinaca tebinta Ciyaaraha.

Cabdi Xafiid Zaciimka waxaa uu iminka yahay Tifaftiraha Wargeyska Waagacusub Sports ee jiita inta badan bahda Ciyaaraha jecel ee Soomaaliyeed.wuxuuna sanadkii la soo dhaafay ka qeybgalay Ciyaarahii u dhaxeeyay Xulalka Soomaaliya iyo Jabuuti ee ka dhacay Djabouti isagoo soo tebinayay halka uu Xaal marayo.

Weriye Zaciimka wuxuu ka soo shaqeeyay Idaacado badan sida STN iyo Simba Radio Muqdisho.

Wargeyska loogu jecel yahay akhriska Ciyaaraha ee sanadkii la soo dhaafay wuxuu ahaa Wargeyska Laacib ee ka soo baxa Muqdisho waloow Tifaftiraha Wargeyskaas uu ka maqnaa Muqdisho xaaladaha nabadgelyada aawadeed.

Tifaftiraha Wargeyska Laacib Xuseen Qaasim Shiikha waxaa uu astaan ahaan yahay Khabiir dhinaca Ciyaaraha ku xeeldheer isagoo loo aqoonsan karo qoraaga sanadka ee dhinaca Sports-ka Soomaaliya.

Weriyaha Sanadka ee dhinaca arrimaha bulshada waxaa loo aqoonsaday Cabdi Fitax Muxudiin Nuur oo loo yaqaan la jecloow kaas oo mar qura Masraxa Saxaafadda kaga dhexmuuqday doodo cilmiyeeysan iyo maqaalo xirfadeysan oo ku wajahan arrimaha bulshada.

Weriye Cabdi Fitax la jecloow wuxuu qabanqaabiyay doodo badan oo xiiso leh iyadoo aad loogu riyaaqay sida uu u garsooray dood ku saabsaneed masaafurintii Suxufiyiinta reer Muqdisho ay ku sameeysay Jamhuuriyadda Somaliland.

Dooda Cabdi Fitax la jecloow wado ee Radio Somaliweyn Halkaan ka dhageyso

Cabdi Fitaax la jecloow oo aan u xulnay inuu yahay Weriyaha sanadka ee 2007 wuxuu ka mid yahay Weriyaasha loogu jecel yahay Warbaahinta Somaliweyn.

Website-ka Somaliweyn ayaa isagana noqday website-ka ugu akhristayaasha badan Website-yadda Somalida wuxuuna tartan xoogan oo bareejeeyna la galay Shabaakadaha Waagacusub.com,Shabelle.net iyo Dayniile.com oo la rumeysan yahay inay yihiin kuwa isugu soo haray loolanka iyo kala jiidashada akhristayaasha Soomaaliyeed.

Website-ka Waagacusub ayaa loo aqoonsaday Website-ka sanadkii tegay ee 2007 wuxuuna ku yahay wararkiisa hordhacaa oo noqday kuwa run ku dhamaada.

Website-ka Waagacusub wuxuu soo tebiyay dagaalkii ka biloowday Muqdisho isagoo noqday website-kii ugu horeeyay ee soo bandhigay askar Somali iyo Itoobiyaana oo Muqdisho lagu jiid jiidayo,hadana sidoo kale waxaa uu noqday website-ka kaliya ee si madaxbanaani ku dheehan tahay uga hadlayay khasaarooyinka garabyadii isku hayay Muqdisho.

Waagacusub waxaa uu gacan weyn ka geystay sidii loo gargaari lahaa hooyooyin agoonleey ku noqday dagaaladii Muqdisho sida Binti,Farxiyo iyo Nadiifo,isagoo dhaqaalooyin ugu geeyay guryahooda kadibna ka dhoofiyay Muqdisho.

Waagacusub wuxuu isu xilsaaray sadaqooyin inuu u qeybiyo masaakiinta ku dhibaateeysan degaanada ka baxsan Muqdisho ee ka barakacay Muqdisho,waxaana xasuus mudan inay xilligaa ahayd waqti adag oo amaan xumo tii ugu darneyd ay Muqdisho ka jirtay.

Waagacusub wuxuu helay Codka Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle taas oo noqotay khudbadii ugu xamaasad abuurka badneed ee qasabtay in BBC lagu wareystay kadibna lagu dulshido si loo maqalsiiyo codkiisa hadaba xaquuqda khudbadaas ee Waagacusub lahaa Halkaan ka dhageeyso

Waagacusub wararkii ugu hanjabaada badnaa ee uu faafiyay kuna dhamaaday dhab halkaan ka akhriso

Proff Dalxa oo Madaxweyne Yusuf la hadlaya qaab sireed ayuu Waagacusub Faafiyay Halkaan ka dhageyso

Maxamed Qanyare iyo rag kale oo shir albaabada u xiran la yeeshay Itoobiyaanka ayuu Waagacusub Khudbadahooda faafiyay Halkaan ka dhageyso

Tifaftiraha guud ee Warbaahinta Waagacusub Dahir Abdulle Alasow ayaa loo aqoonsaday Weriyaha sanadkii tagay ee 2007 ,wuxuuna noqday Weriyahii ugu dakanada badnaa Weriyaasha reer Muqdisho isagoo sedex jeer dil kaga badbaaday Muqdisho oo ay ku ugaarsanayeen kooxaha Shabaabka,sidoo kalana ka soo dhoofay garoonka Muqdisho isagoo ku xakuman xarig oo ay baadi goobayeen Ciidamadda Nabadsugida dowlada iyo kuwa Itoobiya.

Weriyaha waxaa uu shaashadaha Internet-ka ka soo muuqday isagoo wato Garan taagana jiidaha dagaalka .

Weriye Dahir Alasow wuxuu dilkii ugu dambeeyay uga badbaaday Magaaladda Nairobi bishii Setember ee 2007 ka gadaal markii ay Kooxda Shabaabka oo adeegsanayo nin lagu magacaabo Nuuradiin Yusuf Diini ahna Wakiilka Xawaaladda Qaran ee Kenya iyo Uganda isku dayay inuu mishimo balse uu si dhib yar kaga tilaabsaday.

Nuuradiin Yusuf Diini oo ah gacanyarahii ninka Mareykanka ay baadi goobayaan ee Isse Osman Isse wuxuu lacag badan siiyay boliiska Kenya si Dahir Alasow dalka looga masaafuriyo balse markii uu ku guuldareystay ayey kooxda uu la shaqeeyo ee Shabaabka soo dhigeen sawirkiisa Shabaakadda ku hadasha ee AlMujaahid.com iyagoo ku baaqay in lagu dilo meeshii lagu arko.

Xasan Cumar Maxamed (Xasan Baaffo) ayaa noqday sawirqaadaha sanadkii tegay ee 2007 wuxuuna sawiro dhaxal gala ka qaaday dagaaladii ka socday Muqdisho isagoo u shaqeeyay telefishino badan iyo Website-yo badan sida Waagacusub.com.

Sawirqaade Xasan Baaffo wuxuu noqday Sawirqaadaha Weriyaasha ASOJ ee Socdaalka ku maray Somaliland,Itoobiya,Uganda,Koofur Afrika iyo Kenya.

Fardowsa Mohamed Abdulle ayaa noqotay Weriyaha sanadka ugu taageerayaasha badan ee barnaamijyadeeda aadka loo xiiseeyo,waxaana Somalida ugu magac dareen Xidigta sanadka ee telefishinka Universal.

Fardowsa Mohamed Abdulle waxaa dhinaca shacbiyada kula bartamay Weriye Cabdiqadir Maxamed Cashar Nadaara oo ay dadbadan u yaqaaniin Larry King of Somalia marka la qiimeeyay qaababka uu barnaamijyada doodaha iyo siyaasada u falanqeeyo.

Weriye Cabduqadir Nadaara waxaa aad loogu jeclaaday barnaamij uu ka tebin jiray Idaacadda Hornafrik oo aad loo jeclaa uuna ugu magac daray XOG WARAN.

Cabduqadir Nadaara waxaa uu ka dhigan yahay Weriye aan Xukumadii Maxamed Siyaad ka hor la maqal magaciisa hadana noqday Saxaafi magacweyn leh oo dadaal badan iyadoo dad badana ay aaminsan yihiin inuu soo saaray telefishinka Caalamiga noqday ee Universal TV .

Qeybta 3-aad Xulashadda Shaqsiyaadka sanadkii tagay 2007 ee Waagacusub Media Riix

Qeybta 2-aad Xulashadda Shaqsiyaadka sanadkii tagay 2007 ee Waagacusub Media Riix

Xulashadda Shaqsiyaadka sanadkii tagay 2007 ee Waagacusub Media 1-aad Riix

Waxaa isku soo duway

Maxamed Cismaan Sheekh Qadaafi

M_qadaafi@hotmail.com

Rotterdam-Holand

Ururka Suxufiyiyiinta Somaliyed ee Kenya oo ku biiray ASOJ

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: