Qeybta 6-aad ee Xulashadda Shaqsiyaadka sanadkii tagay 2007 Waagacusub Media.

February 23, 2008 at 6:39 pm | Posted in siyasada somalia | Leave a comment

Qormadda 6-aad ee qaadaa dhiga shaqsiyaadka saameeynta yeeshay sanadkii tegay ee 2007 waxaan ku fureeynaa Afhayeenkii Xukumadda Federalka Cabdi Raxmaan Diinaari oo loo aqoonsaday geesi wadaniya oo diiday inuu xil weyn oo safiirnimo ka qabto Xukumada federalka ee xasuuqa ku heysa shacabkeeda,wuxuuna Ambassador Diinaari waydiistay magangalyo siyaasadeed dalka Sweden xilli laga sugayay inuu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Suuriya.

Agaasimaha Hay’ada wadatashiga iyo Cilmi Baarista ee CRD Jabriil Ibrahim Abdulle ayaa noqday aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ugu nabad raadinta iyo safarka badnaa dhalinta aqoonta leh ee Soomaaliyeed wuxuuna Jabriil ka hergeliyay inta badan gobolada Soomaaliya wada hadalo nabadeed oo ku saleeysan hanaanka maamul wanaaga iyo wada tashiga.

sidoo kalana wuxuu ka qeybgalay boqolaal DOOD CILMIYEED oo ka dhacay dunida Daafaheeda isagoo dabayaaqadii 2007 dood cilmiyeedyo xasaasiya kaga qeybgalay dalalka HOLAND,AUSTRALIA IYO CANADA.isagoo ka jeediyay khudbado xigmadeysan oo soo jiitay dhegaha ka qeybgalayaashii doodaha sida ay qireen Proff Axmed Ismaaciil Samatar iyo Ambasador Devid Shin oo ah diblomaasi ku xeeldheer Afrika.

Cismaan Xasan Cali Caato ayaa noqday siyaasiga loogu xamashada badnaa sanadkii tegay ee 2007 waxayna dadka badankood isla dhexmarayeen inuu xabsi guri ku jiro Baydhabo oo Cabdulahi Yusuf u xiran yahay.

Cismaan Caato oo ka mid ahaa hogaamiyaasha sida weyn looga baqo ee Soomaaliyeed kuna xeeldheeraa kala fur furida iyo isku xir xirida xargaha siyaasadeed waxaa laga reebay diyaarad uu doonayay inuu Nairobi u raaco isagoo xanuunsan,waxaa sidoo kale la bililiqeystay gurigiisa iyo garaashkiisa ku yaal Banaadir ee Seeybiyaano Muqdisho.taas oo sii kordhisay xamashadii lagu xamanayay inuu Caato ku xiran yahay Baydhabo oo awood gaashaandhig iyo mid siyaasadeed lahayn.

Gudoomiyaha Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye Mudane Maxamed Maxamud Xaad ayaa noqday siyaasi magaciisa aan hore loo maqal oo masraxa siyaasada ka soo dhexmuuqday sanadkii 2007 kuna caan baxay oo saameeyn siyaasadeed ku dhex yeeshay beesha Caalamka waloow ay golahiisa ka baxeen siyaasiyiin caana iyo oday dhaqameedyo sida Cabdulahi Sheekh Xasan,Cabdi Iimaan Cumar,Cabdi Dahir Caga jabeey iyo rag kale oo badan.

Maxamed Xaad inkastoo sanadkii tegay uu soo caanbaxay hadana waxaa uu noloshiisa ku dhameeystay jabhadeyn iyo dhuumaaleysi wuxuuna hada yahay hogaamiye ku tiirsan Kooxaha la magac baxay Shabaabka.

Afhayeenkii siyaasada ee golaha dhaqanka iyo Midnimadda Hawiye Cabdulahi Sheekh Xasan ayaa noqday siyaasigga ugu go-aan qaadashada adag siyaasiyiinta saameeynta ku leh labada garab ee Muqdisho isku hayo,waxaana ugu magacdarnay diblomaasiga Soomaaliya ee sanadkii tegay 2007.

Cabdulahi Sheekh Xasan wuxuu siyaasiga sanadka ee Soomaaliya ku noqday ka gadaal markii uu qaadacay inuu la sii shaqeeyo golahii uu ka tirsanaa oo noqday gole ay kor ka maamulaan Xoogaga Shabaabka sidoo kalana wuxuu uldheer iskaga fogeeyay dalabaadkii dowlada federalka ku dooneysay inuu la shaqeeya.

Siyaasiga Cabdulahi Sheekh Xasan wuxuu magangalyo siyaasadeed waydiistay dalka Ingiriiska oo uu ku sugan yahay.

Ra’isulwasaarahii hore ee Soomaaliya Proff Cali Maxamed Geeddi ayaa noqday siyaasigga ugu Ciilka iyo Calool xumada badnaa sanadkii tagay ee 2007 ka gadaal markii qaab garba duuba looga qaaday jagadii uu haayay ee dakanada badan uu uga galay shacabkiisa.

Proff Geeddi waxaa uu wali ku nool yahay Nairobi isagoo ka walaacsan in dimbiyo xasuuq shacab iyo lunsasho hanti Qaran lagu oogo.

Madaxweynaha dowlada federalka ee Somaliya Korneyl Cabdulahi Yusuf ayaa noqday sanadkii tagay siyaasiga ugu caga jugleynta iyo Caafimaad xumida badan ,waxaana shaashadaha aduunka laga arkay isagoo ku fadhiya kursi dhinacyada barkimo laga geliyay,kuna caga jugleeynaayo inuu tilaabooyin melleteri qaadi doono.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Jeneral Cadde Muusse boqor ayaa noqday siyaasiga ugu Beenta iyo bootadda badnaa sanadkii tagay ee 2007,waloow Xeeldheerayaasha qaarna ay leeyihiin wuxuu Cadde Muusse noqday siyaasigga sanadka ee Puntland loogu necbaan badan yahay.

Cadde Muusse wuxuu Puntland gaarsiiyay heerkii ugu hooseysay ee nololeed taariikhda tan iyo markii la aas aasay,waxaana sanadkii tagay lagu xasuusan karaa falal fool xun sida Sicir barar,amaan xumo afduub iyo dilal xambaarsan,Fadeexado hanti shacabka lahaa oo uu lunsaday,Laascaanood oo Somaliland laga taageeray ,balanqaadyadiisa oo uu ku dhameeystay booto iyo been aan dhaafin Madaxtooyadiisa Garowe.

Ra’isulwasaarre Nuur Cadde ayaa noqday siyaasiga ugu Gu’weyn uguna garashada liita Siyaasiyiinta Soomaaliya ka gadaal markii uu qabtay Xukumad aan shacbiyad lahayn oo jiritaankeeda halsano ka dhiman yahay lagana fara maroojiyay walaalkii Cali Maxamed Geeddi,isagoo rajadii laga qabay iyo garashadiina gebay kadib markii uu akhriyay liis gole Wasiiro ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Yusuf.

Gudoomiyahii hore ee golaha Shuuradda Maxaakiimta Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa noqday siyaasigga ugu isbedelka siyaasadeed iyo aamusnaanta badan Siyaasiyiinta Maxaakiimta,wuxuuna Sheekha ka aamusay Warbaahinta,aflagaadada dhalinyaradii uu soo barbaariyay ee Shabaabka oo la masaal dhigay Cabdulahi Yusuf,isagoo dhinaca kalana ku adkeeystay ka mid ahaanshahiisa Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya

Sheekh Xasan Dahir waxaa ay reer Galbeedka ka saareen liiska argagixisada wuxuuna noqday siyaasi isbedel ku sameeyay siyaasadiisii ad adkeed ee ku dheganaanta moowqif fog oo ka dhana wax la wadaagida reer Galbeed iyo wax ka baxsan shareecada Islaamka.

Aqoonyahanka Maxamud Tarsan ayaa noqday siyaasiga ugu magac raadinta badan xubnaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya wuxuuna sanadkii la soo dhaafay yeeshay taageerayaal badan oo Soomaaliyeed isagoo abaabulay oo horkacay dibadbaxyo baraarujinaya qurba jooga ,kana dhana Itoobiyaanka iyo dowlada Federalka.wuxuuna ololahiisa ku muteystay inuu gogol xaar u noqdo wafdiga Isbaheysiga ee Qaahira kula kulmay madaxda Dowlada Masar.

Xoghayahii hore ee golaha Maxaakiimta Proff Ibrahim Xasan Cadow ayaa noqday siyaasiga aan la maqal ,lana arag sanadkii tegay ee 2007 ,isagoo aanan ka qeybgelin shirkii Casmara ee ay tageen Madaxda Maxkamadaha dhamaantood.

Proff Ismaaciil Maxamud Hurre Buubaa ayaa noqday diblomaasiga ugu samirka badan masuuliyiinta sare ee Federalka kadib markii uu Cali Geeddi,Cabdilahi Yusuf iyo Nuur Cadde kala kulmay balan ka baxyo siyaasadeed iyo xaqiraad ka dhana awoodiisa diblomaasiyadeed ee Beesha Caalamka.

Proff Buubaa,Cali Maxamed Geeddi ayaa xilkii Wasiir dibadeedka ka qaaday una magacaabay Wasiirka Waxbarashada,Nuur Cadde ayaa isla xaqiraadii Geeddi u adeegsaday oo dib ugu magacaabay Wasiirkii Waxbarashada hadana wuxuu maalmo kadib magacaabistiisii 2-aad Xukumadda Wasaaradii Waxbarashada u magacaabay siyaasi kale .

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jinniboqor ayaa noqday siyaasiga ugu war yaraa sanadkii tegay ee 2007 wixii ka dambeeyay markii Itoobiyaanka la wareegeen Caasimada Soomaaliya 28 December 2006.

Jinniboqor oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta waaweyn ee Mucaaradsan Cabdulahi Yusuf lama ogga sababta uu warkiisa u gaabsaday waxaase la aaminsan yahay inuu ka carooday garabkiisii mucaaradka oo noqday laba wajiilayaal aan hadaf adag oo siyaasadeed lahayn maadama ay qaarkoodna Cabdulahi Yusuf hoos galeen kuwa kalana ku biireen Isbaheysiga Casmara.

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: