Xulka sanadka ee Shirkadaha iyo shaqsiyaadka 2007 Q 5-aad.

February 23, 2008 at 6:53 pm | Posted in siyasada somalia | Leave a comment

Xulka sanadka ee shirkadaha iyo shaqsiyaadka 2007 waxaanu ku eegeeyna Shirkadaha kaalinta 1-aad galay ee saamiga ganacsatada Soomaaliyeed .

Xawaalada Dahabshiil ayaa kaalinta 1-aad ee Xawaaladaha gashay waxaana la hardamay oo suuqa ganacsiga kula loolamay Xawaalada Mustaqbal oo sanadkii la soo dhaafay ee 2007 noqotay Xawaalad ganacsigeeda shaqo si weyn u balaarisay .

Xawaaladda Qaran ayaa sanadkii hore ee 2008 waxay suuqa ganacsiga kula loolantay Xawaalada Dahabshiil hasse yeeshee way naxuustay sanadkaan sababo la xiriiro shakiyo isbarkan iyo Saamileeyda qaar oo la sheegay inay lacagahooda kala baxeen.

Dahabshiil waxaa ka hoowlgala shaqaale kumanaan kun lagu qiyaaso hadana waxay isugu jiraan rag iyo dumar waxaana lagu xulay aqoontooda taas oo riixday inay ganacsigeeda horumariso oo kasbato kalsoonida shacabka.sida ku cad qiimeeyn u kuurgelid aan sameynay.

Haweenka Soomaaliyeed ganacsada iyo aqoonyahanadooda qurba jooga ayaa ugu riyaaqay Dahabshiil sida ay u ilaalisay xaquuqda Haweenka una shaqaaleeysay xilliga adag ee la wada ogyahay in hablaha Soomaaliyeed biilaan qoysaska inta badan halka Shirkadda badan oo Xawaaladeed ay xagjirnimo fogaatay aawadeed u takooreen inay dumarka shaqo siiyaan.

Dahabshiil waxay Somaliya iyo Somaliland ka hergelisay mashaariic samafaleed fara badan sida dhisida Isbitaalo Caafimaad iyo kaalmeeynta dadka tabaaleeysan gaar ahaan kumanaanka qoys ee ka barakacay Muqdisho kuna sugan degaanada ku teedsan.

Dahabshiil waxyaabaha ugu badan ee ganacsatada iyo macaamiisha kale ku aamineen waxaa ka mida qaab sharciyeedka adag ee ay ku hoowlgasho iyo iyadoo noqotay Shirkada qura ee ku siineysa hadii laguu soo dhigo Malaayiin dollar marqura.waloow ay dhinaca kale tahay Shirkadda qura ee Soomaaliyeed kuna xiran Bankiga Caalamiga ee Western Union oo wixii aad doonta kaga diri karto ,kagana qaadan karto hadii Dahabshiil lacag kuu taal ama lagaaga soo diro adigoo ku sugan meel aysan Xarun ku lahayn.

Xawaaladda Mustaqbal ayaa macaamiil badan oo taageerayaal leh waxaana la saadaalin karaa inay hogaanka Xawaaladaha qaban doonto sanadka soo socdo hadii ay labo laabto qaab shaqeedka baaxada weyn ee sanadkii la soo dhaafay hareeyay ganacsiga Xawaaladaha.

Xawaaladda Kaah ayaa ka dhigan Xawaalad aan la dhayalsan Karin waxayna Xarumo waaweyn si sharciya kaga furatay dalalka reer Galbeedka gaar ahaan dalalka sharciyada ganacsi aan sahalka ku bixin sida Holand oo ay Xawaaladda KAAH ku leedahay Xarun diiwaan gashan oo ku shaqeeyso qaab bangiyeedka Caalamigaa.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkada hogaanka u qabatay Isgaarsiinta Koofurta Somaliya ka gadaal markii ay ku guuleeysatay inay kasbato macaamiisha isticmaasha telefoonada gacanta %75

Shirkadda Telcom Somaliya oo ah shirkadii ugu horeysay ee Isgaarsiineed lagana furay Koofurta Soomaaliya ayaa Hormuud Telecom kula loolantay suuqa ganacsiga Koofurta Somalia balse Hormuud ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2007 kaga adkaatay Telcom Somalia labo dhibcood,taas oo ay shaqaalaha Telcom sabab kaga dhigayaan maamulkii hore ee shirkadaas oo la bedelay ayna la wareegeen dhalinyaro uu dhalay allaha u naxariistee Ganacsadahii weynaa ee Soomaaliyeed Marxuum Cabdulahi Qoraxey.

Inkastoo ay shaqaalaha shirkadaas iyo macaamiisha Telcom Somalia amaaneen mid ka mida maamulada shirkadaas oo lagu magacaabo Cabdi Casiis Qoraxeey hadana waxay badankood ka cabanayaan Maamule Mustaf Qoraxeey oo dhaqankiisa ku saleeyay qabyaalad iyo ANAA AMIIR niyad jibiyay taageerayaashii Shirkadaas oo badankood u wareegay Hormuud Telecom.

Telcom Somalia waa shirkada kaliya ee telefoonkeeda gacanta hadii aad ku heysatid Muqdisho aad ku isticmaali kareeysid Hargeysa Somaliland taas oo ka marqaati kaceeysa inay heystaan System casri ah oo baaxad weyn balse ay la dhutineyso maamul xumi u baahan sixid.

Shirkadda STC ayaa qabatay hogaanka Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Somaliland kadib markii ay sanadkii la soo dhaafay la wareegeen maamulkeeda ganacsato ku xeeldheer hab casriyeedka suuq geynta waxayna suuqa kula loolameen Shirkada Telesom Somaliland EX BARAKAT oo la aaminsan yahay inay tahay shirkada ugu laamaha badan Isgaarsiimaha ka hoowlgala Somaliland.

Macaamiisha Isgaarsiinta STC ayaa Waagacusub u sheegay inay Telefoonada shirkadaas u qaateen sababa la xiriiro xoriyatul qoowlka hadalkooda oo aan cabsi lahayn iyo heerka iswicida fudud ee systemka baaxada weyn.

Shirkadda Isgaarsiinta GOLIS ayaa noqotay hogaanka Isgaarsiinta Puntland waxayna isku balaarisay gobolada Waqooyi bari intooda badan iyadoo sanadkii la soo dhaafay ee 2007 kasbatay macaamiil hore u isticmaali jiray shirkado badan.

Shirkadaha waaweyn ee Soomaaliya waxaa inta badan Wiiqo horumarka ganacsigooda garasho xumo ka bilaabato taageero Urur diimeed,qabyaalad iyo kooxo siyaasadeed sida Federalka,waxayna Shirkadaha Isgaarsiimaha qaar ku hoowlgalaan qaab basaasid la mida oo ay ku dhageeystaan shaqsiyaad siyaasad ku lug leh oo ay kooxda ka soo horjeedo dooneyso inay ka taqalusto ama wax ka ogaato halka Xawaaladaha qaarna ay Moniter gareeyaan shaqsiyaadka lacagaha ka xawisho iyo kuwa loo xawilo.waxaana dhacday in Somalia lagu dilay dad badan oo lacago ka qaatay Xawaalado kooban oo la shaqeeynayay garab ka mida garabyada isku hayo siyaasada Soomaaliya.

Waxaa isku duway Tifaftirayaasha Waagacusub Media

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: